Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,393
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dowladda Qadar ayaa shaaca ka qaaday inay xoojin doonto xiriirka wadashaqayneed iyo maalgashiga dalalka geeska Afrika oo Soomaaliya ay ka mid tahay si loo xoojiyo kaabayeyaasha dhaqaallaha iyo saameynta dowladda Qatar ay ku leedahay geeska Afrika. Qadar waxa ay xustay inay laba jibbaari doonto malaayiinta dollar ee ay ku bixinayso dalalka geeska Africa, xilli loolan culusi kala dhexeeyo wadamada Sucuudiga, Imaaraadka iyo Turkiga. “Dowlada Qadar iyo wadamada bariga afrika waxay hormarinayaan xiriirka dhow oo ku saleysan xiriir taariikhi ah iyo rabitaan caam ah oo lagu gaarayo dhaqaalaha gobolka, waxbarashada iyo barwaaqada bulshada. Tusaale ahaan, Sanduuqa Horumarinta Qadar wuxuu ku deeqay deeq iyo amaah bariga Afrika in ka badan $ 4 bilyan sideedii sano ee la soo dhaafay, ” ayay tiri Lolwah al-Khater, afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda Qatar. Afhayeenka ayaa tilmaamay in dowladda Qadar ay qorsheynayso in lacag deyn ah oo horumarin ah ay siiso dalalka Kenya, Itoobiya iyo Soomaaliya si loo horumariyo adeegyadda kaabayeyaasha dhaqaallaha. “Khaas ahaan Soomaaliya, waxaan mar labaad u xaqiijineynaa sida ay Qadar uga go’an tahay taageerida umadda maadaama ay si aad ah uga shaqeyneyso sidii loo fulin lahaa himilooyinkeeda’ waxaana rajeyneynaa inaan sii wadno oo aan sii xoojino iskaashiga ganacsiga, horumarka iyo waaxaha kale” ayay kusii dartay hadalkeeda Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Qatar. PUNTLANDPOST The post Dowladda Qadar oo xoojinaysa maalgashiga dalalka geeska Africa. appeared first on Puntland Post.
  2. ISTANBUL, Sept. 6 (Xinhua) -- The Turkish coast guard on Friday captured a total of 236 illegal migrants trying to sneak into a Greek island, local media reported. Source: Hiiraan Online
  3. ZIMBABWE’S 2022 World Cup preliminary round second leg clash with Somalia, which had been scheduled for Sunday at Barbourfields Stadium in Bulawayo, has been postponed to Tuesday following a request by the East African country. Source: Hiiraan Online
  4. Writers and poets from Northeastern have been urged to use their skills to document Somali’s rich culture and preserve it for posterity. Source: Hiiraan Online
  5. Iran's foreign minister Mohammad Zarif paid a visit to his Chinese counterpart Wang Li at the end of August to present a road map for the China-Iran comprehensive strategic partnership, signed in 2016. Source: Hiiraan Online
  6. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Cali Khayre oo shalay khudbad ka jeediyay degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa shacabka degaankaasi ku boorriyay in ay dhaqan-geliyaan heshiiskii dhowaan la dhexdhigay bulshada ku nool Xeraale iyo huurshe. Ra’iisul wasaaraha ayaa shacabka degaanka ugu baaqay in aysan wax dulqaad ah u yeelan cid kasta oo isku dayda in ay dib u soo noolayso colaaddii ragaadisay bulshada wada-degta degaannada Xeraale iyo Huurshe ee gobolkaasi Galgaduud. Mudane Khayre ayaa sheegay in xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay in ay dadka degaanka ka taageerto dib u soo celinta nabadgelyada iyo ka jawaabidda baahiyaha nololeed ee bulshada degaanka. Sidoo kale hay’adaha gargaarka iyo horumarinta ee ka hawlgala Soomaaliya ayaa Ra’iisul wasaaruhu ugu baaqay in ay si dhakhso ah uga hawlgalaa degaaannada Huurshe iyo Xeraale ee heshiiska la dhex-dhigay. Halkan ka daawo khudbadda Ra’iisul wasaaraha PUNTLAND POST The post Khayre: Haddii aad sidaan ku sii socotaan Adduunyadana waad ku halaagaysan Aakhirana waa la idinku cadaaabin appeared first on Puntland Post.
  7. Magacaabista afar taliye ciidan iyo duqa caasimada Muqdisho, waxay ka abuurtay baraha bulshada iyo goobaha lagu gorfeeyo siyaasadda dalka hadal-hayn badan. Haddaba, ​saraakiisha loo magacaabay xilalka, maxay kaga duwan yihiin kuwa ay jagada kala wareegayaan, maxaase gaar ku ah kooxdan cusub? Waa dooda faallada. Ma’ahan markii ugu horaysay ee uu Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, magacaabo taliyaal ciidan iyo duqa caasimada. Balse, waxa xiisaha gaarka u yeelay magacaabistaan waa waqtiga ay ku soo beegantay, itijaaha siyaasadda xukumadda, iyo sooyaalka taariikh nooleedka saraakhiisha la magacaabay. Inkastoo siyaasadda arrimaha dibedda, dib-u-habeenta dhaqaalaha iyo ciidamada ay dowladda amaan ku mudatay, haddana waxaa xukuumada culays ku haya amaanka caasimada, madax maamul-goboleedyo u dhaqmaya sidii dowladdo gaar ah, dabindaabyada shisheeyaha (Imaaraadka, Kenya iwm), iyo maqaamka Muqdisho oo noqotay mashruuc ay adeegsadaan danleeda gaarka. Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xajaar ayaa noqday Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya. Waxaa uu aqoonta ciidanka ku qaatay dalka gudahiisa iyo dibeddiisa, sida wadamada Mareykanka iyo Jarmalka. Balse kornayl Cabdullahi Cali Macow, oo ka tirsanaan jiray NSStii Soomaaliya, haddana madax ka ah Machadka Cilmi-baarista Amniga ee Soomaaliya,​ ayaa su’aal geliyay sababta ay xukuumada u door-biday in xilkan u dhiibto Jeneraal Xajaar. Kornayl Macow, wuxuu rumaysan yahay in taliye Xajaar gacmihiisa nadiif ka ahayn ku xad-gudub xuquuqda aadamaha. Intaas wuxuu raaciyay, inuu ​taliye (mas’uul) ka ahaan jiray NSSta magaalada Hargaysa sanadihii 1978, 1987, iyo 1988. Waxuuna xusay in loo tababaray howlaha sirdoonka, isla-markaasna magacaabista ay astaan u tahay in la caburiyo mucaaradka (Radio KNN – August 23, 2019). Waxaa xusid mudan in eedahaas maxkamadi aysan xukumin, caddeyna uma hayso wargeyska jamhuriyadda. Waxayse dad badan xasuusan yihiin in xilligii uu taliye Xajaar madaxda ka ahaa hawlaha nabadsugida Hargaysa ay aheed xilli ururkii SNMta dagaalo kula jireen xukuumadii Madaxweyne Maxamed Siyaad. Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ahaa Taliyaha Ciidamada Booliska – maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ayaa noqday Taliyaha Ciidamada Asluubta. Shacabka Soomaaliyeed waxay si weyn u barteen Jeneraalka, kaalintii uu ku lahaa dajinta rabshadihii ka dhashay xarigii Mukhtar Robow, iyo khilaafkii soo kala dhex galay xukuumada iyo Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM – Nicholas Haysom, xilligii ay socotay doorashada maamulka Koonfur Galbeed. Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan waxuu isticmaalay erayo aad u adag, isagoo la hadlayey shacabka ku dhaqan Baydhabo, waxaana uu yiri “dhib Xamar yaala Baydhabo ha keenin, dhib duurka yaalana Baydhabo ha keenin. Qolyo ayaa dhahaya laandheere ayaan ahay. Haddaad laandheere tahay, anaa kaa laandheereysan [dowladda], kun askari ayaan haystay, kun kale ayaa la iigu soo daray. Ee edeb yeesha nabadda ha la ilaaliyo.” “Nuxurka khudbadaas, waxay ahayd sugida amniga inaan lagu barxin siyaasad, wuxuuna si cad u qeexay shaqada Booliiska,” sidaas waxaa yiri khabiir dhanka amaanka ah. Jeneraal Ismaaciil Yuusuf Raage (odawaa), ayaa noqday Taliyaha XDS. Waa 32 jir ciidanka ka mid ahaa 13 sano. Waxuu tababaro ku soo qaatay wadamada Ugaandha iyo Turkiga. Waxuu aqoon u leeyahay hoggaaminta ku dagaalanka magaalooyinka, iyo ilaalinta madaxda. Waxuu ku taqasusay hoggaaminta ciidanka lugta, isagoo uga soo baxay Kuliyada Ciidamada eeTurkish – Army War College, sanaddii 2014. Dad badan oo aqoon u leh Jeneraal Odawaa, waxay ku sifeeyeen inuu yahay ruux u jajaban howlaha ciidanka, isla-markaasna xiiso gaar ah u qaba ka mid ahaanshaha ciidamada, kuna haboon hoggaaminta ciidanka xilliga dagaalka. Waa taliye jecel ku dhex jirka ciidanka. Saraakiishii hore ee ciidamada waxaa loo tababaray sida ay ciidamo dhisan oo ay dowlad leedahay weerar loogu qaado ama difaac loogu sameeyo. Balse dagaalka Alshabaab lagula jiro, wuu ka duwan yahay kii ay yaqiineen saraakiishii hore ee XDS. “Marka la eego da’diisa, iyo khibradiisa dagaalka magaalooyinka, waxay ciidanka XDS ka caawinaysaa inuu si sahala uga itaal roonaado kooxda Al-shabaab, waa haddii ciidamada loo dhammaystiro baahidooda,” sidaas waxaa rumaysan sarkaal hore uga tirsanaa XDS. Duqa Caasimada Muqdisho waxaa loo magacaabay Cumar Maxamud Maxamed (Finish). Haddaba Cumar Finish maxaa lagu sifeen karaa, maxa​yse xukuumada ku xulatay? Cumar Finish waxuu xubin ka ahaan jiray ururaddii hubeysnaa ee qaybta ka ahaa dagaaladii sokeeye, sida USC, SSA. Sanadii 2006 waxuu xubin ka noqday ururkii Isbahaysiga dib u soo celinta nabadda iyo la-dagaallanka argagixisada (ARPCT) oo dagaal la galay Midowgii Maxaakimta Isaamiga (ICU). Inkastoo xubin baarlamaan uu noqday, misana dadka reer Muqdisho waxay ku xusuustaan dagaaladii uu qaybta ka ahaa ee sababay barakac, dhimasho, iyo dhaawac dad rayid ah. “xukuumada waxay heshay shaqsi ku haboon oo aamusin kara siyaasiyiinta aan xishoon oo xeerinaynin xeerarka, iyo shuruucda dalka. Markay timaado maqaamka Muqdisho, balse dhanka kalsoonida shacabka lama ​tixgelin,” sidaas waxaa rumaysan falanqeeye codsaday inaan magaciisa la adeegsan. Magacaabistani, waxay ​ku soo beegantay maalintii Mudane Axmed Madoobe dib iskugu doortay madaxtooyada Jubaland, dowladda Kenyana ku taageertay iyadoo madaxda mucaaradku daba safan yihiin. Sidaa daraadeed, magacaabistani waxaa laga dheehan karaa in siyaasaddii ay xukuumada kula dhaqmaysay mucaaradka ee sabsabaalintii iyo dulqaadka ahayd meesha ka baxday. Tifaftiraha Jamhuriyadda.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  8. Xilligii Cabdullahi Yusuf uu ahaa madaxwaynaha Puntland, gobollada Puntland maamusho waxay ahaayeen shan gobol (Sool, Sanaag, Bari, Nugal, iyo Mudug). Kadib markii Cabdullahi Yusuf soo aaday Muqdisho ayaa Somaliland dhanka waqooyiga waxay Puntland ka qabsatay dhul badan. Dhanka koofurtana qayb wayn oo ka mid ah gobolka mudug ayaa Puntland ka go’ay oo ku biiray maamul cusub oo loo baxshay Galmudug). Sidaasna Puntland ku dhaafay dhul ku dhow labo gobol iyo bar oo iyadu markii hore ka tirsanaan jiray. Waqtigaan hadda ah waxa kale oo iyana jira isbeddalo socda oo door wayn ka ciyaari kara soona de-dejin kara bur-burka Puntland. Isbeddeladaas waxaa ka mid ah: laba dekadood oo la qorshaynayo in laga kala dhiso Hobyo iyo Garacad. Saamaynta Dekadda Hobyo yeelan karto Haddii lagu guulaysto in Hobyo laga dhiso Dekad lagu dejin karo Containers waxaa dhici doonta in dekedda Boosaaso iyo tan Muqdishaba ay lumiyaan suuq badan oo ay hadda haystaan. Hobyo way uga dhowdahay Boosaaso magaalooyinka gobollada dhexe (Garowe, Galkacyo, Burtinle, Beledwayne, Cadaado, Guriceel, Dhuusamareb, Caabudwaq, Matabaan, iyo magaaloyinka ku yaal xadka Itoobiya ee Hiiraan). Dekedda Boosaaso hadda lagama dejin karo Containers sidaa awgeed wixii badeeco ah oo ku imaanaya Containers waxa laga soo dejiyaa tan Berbera ama Muqdisho. Dekadda Boosaaso haddii suuq beel ku dhaco waxay reer Bari samayn doonaan hadda cid garanaysa ma leh laakiin waxaan shaki ku jirin in nooc isku dhac ah uu ka dhex dhici doono maqaawiirta Garow, Bosaso, iyo Galkacyo. Saamaynta Dekadda Garacad yeelan karto Sidoo kale, dekadda hadda dhismaheeda laga bilaabay Garacad waxay iyana sababi kartaa in tan Boosaaso ay lumiso suuqa gobollada dhexe oo dhan iyo in reer Puntland ay u kala jabaan reer Mudug, reer Bari, iyo reer Nugaalna oo waliba reer Nugaal noqdaan dhextaal hadba meeshii u jaban u jan-jeersada, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan labadaba. Maadaama waxa keliya ee maamul goboleedyada Somalia isku haya ay yihiin dhaqaale ama qabiil, oo aysan jirin wax waddanka u danaynaya, danta guud ka hormarinaya danta gaarka ah, ama diin iyo dhaqan wanaagsan raacaya, markii baahidaas dhaqaale ee isku xiraysa Mudug, Bari, iyo Nugaal ay meesha ka baxdo, oo gobol walba uu helo dhaqaale uu u madax banaan yahay, arrintu waxay isugu biyo shuban doontaa qabiil iyo anagaa reer hebel ah oo xukunka mudan, haddii kale qolo walba gobolladeeda ha maamulato. Sidaa awgeed, si aan waddanku u sii kala bur-burin waa in arrimahaas laga feejignaadaa oo dawladda dhexe ay noqotaa tan maamusha dekadaha, garoomada diyaaradah, iyo xuduudaha waddanka oo dhan, cir, dhul, iyo badba. Waa inaan qabiil, gobol, iyo maamul-goboleed midna yeelan karin maamulina karin dekad, garoon, and xuduud. Inay Puntland mareegta bur-burka gasho waxaa sabab u ah in-dhow-garadnimada madaxdeeda iyo qaabka qabiilka ku salaysan ee lagu maamulo Puntland. Shakhsiyaadka bur-burka horseedka u ahna waxaa ugu wayn madaxwanayashii maamulka Puntland soo qabtay, Cadde, Faroole, Gaas, iyo Deni, oo kulligood ku guul darraystay inay soo dhiciyaan dhulka Somaliland ka qabsatay Puntland, iyo inay reer Puntland si siman oo cadaalad ah wax ugu qaybiyaan, u maamulaan, musuqmaasuqana ula dagaallamaan; iyo kooxda Aaran Jaan(The kids of the devil) oo iyaguna boqnaha gooyay dhaqaale iyo maamu-wanaagga dawladda Puntland. Iyadoo Puntland bur-burkaas wajahaysa bay haddana waxay had iyo jeer hor booddaa wax walba oo iska hor keeni kara dawladda dhexe iyo maamul goboleedyada, halkii ay beddelkeeda ugu mashquuli lahayd sidii ay gudaheeda u hagaajin lahayd. Fahimi waayay sababta. Ujeeddadu ma waxay tahay, haddii anagu aan bur-burayno, dalkoo dhan ha nala bur-buro, mise caqli yari iyo aqoon darro baa halkaas dhigtaye iyagu waxba ma hakran. Maama eeddayda ah baa waxay dhihi jirtay waxaan had iyo jeer BBC-da ka maqlaa Indheer-garad, culumaa-u-diin, aqoonyahano, iyo siyaasiyiin beeleed oo meel ku shiray, waddankiina waxba way tari waayeen oo sidaanuu u bur-bursanyahay ee maandhow “Indheer-garadka Soomaaliyeed oo la sheego meeye anigu waayay e.” Ugu dambayn, wel-welka ugu wayn oo aan qabo waxa weeye, haddii dekadda Boosaaso suuq beesho oo reer Bari xagga dhaqaalaha ka curyaamaan, waxaa dhici karaysa in Imaaraatku goballada Bari oo dhan uu kula wareego si dhib yar oo aan kharaj badan uga bixin, sababta oo ah Soomaali waddan qiimo uguma fadhiyo ee wixii jeebkooda galaya iyo inay qurbe wareegaan bay yaqaanaan. Qofkii raba inuu arko xumaanta imaaraatkana ha uga cabbir qaato waxay ku sameeyeen Yemen, Libiya, Suuriya. Markay waddamadaas bur-buryeeen bay haddana rabaan inay midkiiba dhow waddaan u kala jaraan. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlayay shirka dib-u-heshiinta reer Galmudug wuxuu yiri ujeedada shirku waxa weeye “Si loo hehiisyo oo maamul la wada leeyahay loo dhiso waa in danta gaarka ah meel la dhigo oo dan guud laga shaqeeyo…. Waa in aan ka guurno fikirka khilaafka ku dhisan, dhaqanka colaadda ku dhisan iyo maslaxadda qabyaaladda ku dhisan.” Goormaa reer Puntland intaas fahmi doonaan. Ugu dambayn, ana sidii eeddaday baan waxaan is waydiiyaa indheer-garadka Puntland oo la sheego aawaye anigu arkiwaayay e. Madaxda Puntland ma kala laha muxaafid iyo mucaarad, badankoodu waa munaafiqiin qabyaalad boqno goysay, oo maanka iyo maskaxda ka degtay. W/Q: Axmed Bashir bashir1631@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  9. Saxaafadu Waxay duri kartaa oo qoraal ka diyaarin kartaa talaabo kasta oo ay ku kacaan hayad dawladeed ama Sarkaal qaran. Markaa hadii Sarkaal qaran oo wax laga qoray uu dacwoodo waa in uu sife sharciga saxaafada ee qaranka waafaqsan uu u dacwoodaa ee maaha in uu awooda dawlada albaabada ugu laabo meherad balaadhan oo ummad badani ka xoogsato. Amarka Xukuumadu dul dhigtay Shebekada Hadhwanaagnews iyo Xarunta Horyaal TV 24 wuxuu meel ka dhac ku yahay Xoriyada Saxaafada iyo Fikirka xorta ah waana aan Canbaareynayaa maadaama lagu xidhay awood dawladeed oo aan waafaqsaneyn nidaamkii sharciga ahaa. Marka ay saxaafadi wax ka qorto sarkaal qaran ama uu TV war diinteeda iyo dhaqankeena aan waafaqsaneyn uu faafiyo, waa in mudnaanta kowaad la siiyaa madax-bannaanida saxaafadda mar kasta waayo shaqada saxaafadda waxaa ugu muhiimsan inay mar walba la socoto gol-daloolooyinka iyo shaqada dawladda. Saxaafadu waxay ka hadashaa wixii khaldan iyo wax kasta oo danta guud ee ummadda dhibaataynaaya sida dhaqan xumadda,musuq maasuqa iyo maal urursiga ragaadiyey qarankeena yar ee raad qaadka ah ee raranka maanta saaran . Sadexda waaxood ee qaranka JSL ka kooban yahay waxaa afar ku ah Saxaafada waayo Saxaafadu waxay ku hadashaa afka shacabka . Saxaafadu ma aha Meherad ganacsi oo qof gaar ah ku kooban maadaama ay mar walba ku foogan tahay war utebinta ummadda iyo wacyi gelinta dadaweynaha. Saxaafaddu waxay ka faalloon kartaa talaabo kasta oo ay hay’addaha xukumaddu ku kacaan. Haddii sarkaal ama hay’ad dawladeed oo wax laga qoray ay soo dacwoodaan, waxaa wanaagsan in dacwad madani ah lagu dacweeyo saxaafadda kadibna laga garnaqo oo laga garsooro oo xukun kama danbeys ah laga soo saaro laakiin waxaa ilduuf sharci ah in awood dawladeed loo adeegsado oo albaabada loogu laabo. Hadii ay dhacdayba in sharafta qof Sarkaal ah lagu xadgudbay waxaa lagu xalin karaa arintaa dacwad madani ah ama anshax-marin. Kadibna, haddii saxaafadda lagu helo in war khaldan ay faafisay waxaa lagu xukumi karaa ganaax badan kaasi oo aan waxba yeelayn xorriyaddii saxaafadda isla markaana culays buuran uun saaraya saxaafaddii gefka ku kacday. Sideedaba ma aha in laysku xidho qofka iyo mihnadiisa , mana aha in mar lawada xidho weriyihii khaladka loo tirinaayey iyo meheradii uu ka how-gelaayey oo aanu isagu mulkiyadeeda laheyn, ma aha in albaabada loo laabo iyada oo aaney maxkamadi xukumin meheradadii ummadda badani ka hawlgeleysay ee noloshoodu ku tiirsaneyd. Waxaa soo noq noqotay in xukuaamada maanta jirtaa ay Saxaafada xadgudubyo badan u geysato. Xukuumadu ma aha in ay Saxaafada kolba xeerka Ciqaabta ee ay doonaan u adeegsadaan iyaga oo la kaashanaaya Garsoorka iyo awood dawladeed. Xeerka Saxaafadu wuxuu qeexayaa in Saxaafada lagu ilaaliyo xuquuqda Dastuuriga ah ee rayi dhiibashada fikirka xorta ah si Saxaafadu u noqonto Saxaafad qaran oo qaan gaadh ah oo xor ah. Waxaan mar labaad Xukuumada ku Canbaareynayaa in ay Hadhwanaagnews iyo Horyaal TV-ba Albaabada uwada laabtay iyada oo aan loo raacin anshax marinta ku xusan xeer-hoosaadka anshaxa Saxaafada iyo Xeerarka iyo Xeegaanada madaniga ah ee dalka u yaala. Maanta isku xidhnaanshaha dadweynaha ( mass Communication ) Wuxuu ku soo ururay baraha bulshada oo keliya sidaa daraadeed Mareeg la xayiro iyo Xarun TV oo shaqada laga joojiyaa saameyn taban oo badan kuma yeelan karto shaqadii loo igmaday. Allaa Mahad Leh- Wa Billaahi Towfiiq. Qalinkii : A/rahman Fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD PA United Kingdom Qaran News
  10. Wasaaradda Arrimaha debadda dalka Suudaan ayaa soo dhowaysay Qaraarka Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika uu dib ugu soo celiyay xubinnimada dowladda Suudaan ee Midowga Afrika. Bayaan ka soo baxay xukuumadda Khartoum oo lagu soo dhoweeyay soo celinta xubinnimada Suudaan ee Midowga Afrika ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in dowladda Suudan ay ku taagantahay mabaadii’di iyo ujeeddooyinkii loo aas’aaay Midowga Afrika. Waxa kale oo bayaanka lagu sheegay in dowladda Suudaan ay si buuxda u taageersantahay hawlaha ururka Midowga Afrika si loo xaqiijiyo ujeedooyinkii loo as’aasay ee ay kamid ahaayeen gaarsiinta shucuubta Afrika Koboc bulsho Barwaaqa-sooran dhaqaale iyo Xoojinta Dimoquraaddiyadda. Ugu dambeyntii Suudaan waxay u mahadcelisay dhammaan dalalka Xubnaha ka ah Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika ee u codeeyay in mar kale dib loo soo celiyo xubinnimadii Suudaan ee Midowga Afrika. PUNTLAND POST The post Dowladda Suudaan oo loo soo celiyay xubinnimadii Midowga Afrika appeared first on Puntland Post.
  11. Addis Ababa (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka iyo Nabad-galyada Ururka midowga Africa ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku baaqay in xal laga gaaro muranka dhinaca soohdinta badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Qoraalka golahan ayaa waxaa uu ka dalbaday dhincyada Soomaaliya iyo Kenya si nabad iyo wada-hadal ah lagu xaliyo muranka xudduuda Badda ee labada dal. Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa ka codsaday Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u magacaabo Ergey gaar ah oo dhinacyada kala shaqeeya sidii loo heli lahaa degenaansho, xal nabdoon, wadatashi iyo wada shaqeynta qaababka gobolka la xiriira Warkan ka soo baxay Golaha Amniga midowga Africa ayaa ku soo beegmay xili Maxkamada Cadaallada ICJ ay muddo Labo bilood ah dib u dhigtay dhageysiga Dacwadda Labada dal. Tallaabada golaha ayaa muujineysa in Kenya horey usii ogeyd go’aankan marka la eego inay horey u codsatay in kiiska maxkamadda dib loo dhigo, taasi oo ay ku guuleysatay, waxana muuqata inay dooneyso inay ka faa’iideysato faro-gelinta Midowga Afrika. Hoose ka akhriso qoraalka ka soo baxay Midowga Africa
  12. WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham. …Walaw, buuggu aad u weyn yahay, aqoonta uu soo tabinayaana caydhiin ku tahay qof kasta oo aan sees wanaagsan ka haysan culuumtan, haddana xaajadaydu waxa ay ahayd uun; CEEL BIYO LIHI MA DHEERA. Usbuuc ka hor waatii aan idin la wadaagay qaybtii hore ee gorfeynta haatanna waxa aan idiin soo gudbinayaa qaybtii labaad. Haddii Alle innagu simo waxa aan qormadan ku kor-ka-xaadin doonaa qoddobada muhiimka aan u arko ee buuggu wax ka qoray. Waxa aana ka mid ah: ● Meerayaasha toddobada ah iyo sida ay 24-ka saac u kala leeyihiin. ● Goorayntii Soomaalida sida; b. magacyada afar iyo labaatanka saac, t. Magacyada laba iyo tobanka bilood, j. Magacyada maalmaha oo shan nooc oo kala duwan ah, ● Sooyaalka Xiiddigiska Soomaalida. Sida; A. Noocyada xiddigaha u qaybsamaan, B. Tirsiga Dayaxa ee Soomaalida, C. Sooyaalka Beri tirsiga, D. Sooyaalka iyo ka saadaalinta Waabariis, E. Sooyaalka bisha Sedbuux, F. Hab saadaalinta Sedbuux, G. Sedbuux shan-guur iyo lix-guur, H. Hab tirsiga Dayax-cadceeddeedka, I. Sooyaalka Dambe-samaha, J. Xiddigo Sugan, K. Xiddigo Socda, L. Sharraxa 28-da god ee dayaxa, M. Habka wax looga oddoroso walxaha Samada, ●Soomaalidu aqoonta ay u lahayd cilmiga ABUURKA oo loo qaybiyo saddex kala ah: 1.ABKA: Wixii ku saabsan soloda abtirka dadka iyo duunyada, 2. SUMALKA: Wixii ku saabsan muuqaalka abuurka, dadka iyo duunyada ba. 3. RAADKA: Wixii ku saabsan raadka dadka iyo duunyada ba. Hadda ba Soomaali waxa ay ku maahmaahdaa SHUBAALI WAA BIYO LA BAXE aniga oo aan ku xad-gudbin xuquuqdii qoraaga aan intaa ku ekeeyo mawduucyada kor ka xaadiska ah ee Cirmaalka Buraad innooga warramayo, akhristaha ayaa iibsan doona buugga dabadeed na xaq u yeelan doona dheefta buugga ku jirta’e. Aragtiyaha aadka u mudan ee Cirmaalka Buraad xambaarsan yahay haddii lagu eego kasmo wanaagsan iyo fiiro badan waxa laga dheegi karaa hummaagga ilbaxnimadii liska ahayd ee aan tuurnay kuna beddelanay tan ajada ah. Sida oo kale waxa laga dheehan karaa in Soomaali ilbaxnimo facweyn lahayd taasi oo aan cilmiyada dunida cidna waxba ka martiyin. Buuggani wuxuu u cuntamayaa oo dhadhan macaan u samaynayaa kuwa aan la ashqaraarsanayn ilbaxnimada R. Galbeedka ee akhlaaqda iyo dhaqanka san ka arradan. Sida oo kale, qof kasta oo qun-u-dhaladnimada isirka Soomaaliga ahi macno u sameeynayaa waa ku raaxaysanayaa. Hasayeeshee Soomaalida han-jabtay, is-dhiibtay ee rajo-beelka ahi dhag- jalaq uma siinayaan. Si kasta ba ha ahaatee, aqoontii iyo ilbaxnimadii dhaxalka awoow ee faraca dhawrsoon ku aroori jirtay kuwa qiimigeeda ogsoon, taa aan kor ku soo xusnay ee ajada ah ee R. Galbeedna gunta soo taabtay buuggan xogta ku jirta dahab ayay ku miisaamayaan. Buugta daabacan ee ifka u soo baxday ee mawduucan wax ka qorta waa kuwa kaw iyo laba la odhan karo iyo mawduuca oo madi ah ba waxa ay horseedayaan in Soomaali meel ay joogto ba u harraaddan tahay wax ka ogaanshaha mawduucan. Hadda ba qofkii in uun xiisaynaya buugga Cirmaalka Buraad haddii uu samirkii lagu akhrin lahaa la yimaaddo waa hubaal in aqoon aasaasi-dhexe ama sare oo ku saabsan xiddigiska uu ka hirqanayo. Haani gun bay ka tolantaaye buuggu salka ayuu ka soo bilaabayaa barashada xiddigiska. Gorfeyntaydani waxa ay boorinaysaa in taariikh ahaan aan u eegnaa kaydka cilmi ee Soomaalida ee CIRMAALKA BURAAD soo gudbinayo oo aan macne falsafad taariikheed ku miisaanno? Sida oo kale, inta dib loo daraaseeyo in la soo nooleeyo. Waxa se is-weydiin mudan sidee ayay xilligan iyo aqoontaasu jiibta iyo jaanta iskula heli karaan? Kuwaas iyo weydiimo kale oo door ah ayaan ku feker arooray intii aan gorfeynta buugga ku dhex jiray. Hasa yeeshee, ar-dambe iyo waageede aan u gundo-degno dulucda qormada labaad ee gorfeynta CIRMAALKA BURAAD. GOORAYNTII SOOMALIDA Inkasta oo aragtiyo kala geddisan BILAHA SANNADKA aqoon yahanka isku lura cilmigan xiddigisku soo kala tabiyaan, haddana waxa aan hogo-tusaale u soo qaadan doonnaa kuwan CIRMAALKA BURAAD xusayo iyo kuwa kale oo Muuse H. i. Galaal buuggiisa “Stars, seasons and weather in Somali pastoral traditions. uu ku xusay. 1. Dharabley|January 2. Cirir|February 3. Cuur| March 4. Duugato| April 5. Meecaad|May 6. Afa-gaal| June 7. Agaali|July 8. Naaf| August 9. Kudxin| September 10. Dirir| October 11. Gudba|November 12. Xoorrey|December. Halkan waxa aan ku soo qaadan doonaa laba iyo toban bilood oo Galaal (AHN) ku xusay buuggiisa aan kor ku xusnay kuwaas oo laga adeegsado deegaanka Burco udub-dhexaadka u tahay. 1. Dayr halalood 2. Dayr habbis 3. Dayr dirir 4. Dayar damba-same 5. Wajiine 6. Xays 7. Toddob 8. Daydo 9. Seer-ma-weydo 10. Cawl 11. Dirir sagaaro 12. Samalaho MAGACYADII SOOMAALIDU AFAR IYO LABAATANKA SAAC U ADEEGSAN JIRTAY. Waxa jira aragtiyo kala geddisan oo gooraynta Soomaalida midba waxa ka tidhi anigu qof ahaan labada aragtiyood ee midna buugga Xaaji Muuse Galaal xagga saacadaha waxa iga la waafisan aragtida cirmaalka Buraad oo saacad kasta magaca gaar ugu yeedhay, halka aragtida Galaal soo tabiyay ay laba laba saac iskugu xidhaysa. 1. Milay-tara 2. Cir-lo’aad 3. Geel-raamis 4. Waadhawaad 5. Daakira 6. Waabari 7. Aroor 8. Barqa-riyaaq 9. Barqo-lo’aad 10. Xigsiin-ramad 11. Xigsiimo 12. Qiiloolo 13. Gadiid 14. Cadeed-yalamis 15. Casar 16. Mayrac 17. Daba-casar 18. Galab-gaab 19. Cadceed-dhac 20. Caways 21. Xareed 22. Migil 23. Waaberi 24. Geel-seexad TODDOBADA MEERE 1. Diimaale 2. Dabayl 3. Wooble 4. Cadceed 5. Dhabare 6. Dusa 7. Dayax MAALMAHA USBUUCA EE SOOMAALIDA Qaybta 1aad 1. Case|Axad 2. Lamma|Isniin 3. Sadde|Talaada 4. Carte|Arbaca 5. Uguux|Khamiis 6. Agaax|Jimce 7. Agaali|Sabti Qaybta 2aad ■ Suuni|Axad ■ Sanni|Isniin ■ Koodaar|Talaada ■ Goonyaad| Arbaca ■ Ugbaad|Khamiis ■ Hoyaad|Jimce ■Negaad|Sabti Qaybta 3aad ● Koowin|Axad ● Lammin|Isniin ● Lamatooka|Talaada ● Koodaar|Arbaca ● Hakisa|Khamiis ● Hakis-bila|Jimce Qaybta 4aad ○ Malkow|Axad ○ Mallabo|Isniin ○ Malsed|Talaada ○ Malafar|Arbaca ○ Malshan|Khamiis ○ Malkulan|Jimce ○ Manayso|Sabti Qaybta 5aad Kawley| Axad Labaaley|Isniin Saddexkey|Isniin Afarley| Arbaca Shabley| Khamiis Kulmiso| Jimce Toddobaaley|Sabti XIDDIGO SUGAN; Waxa looga jeedaa siddeed iyo labaatanka god ee Dayaxu uu maro innaga oo ka dhaqaaqayna labadaas qodob baan qoraalkan ku lafo-guraynaa godadka Dayaxa oo ka kooban 28-ka god iyo habka Soomaalidu u wariso dhaqan ahaan, kolka laga hadlaayo ambooyinka waxa inta badan loo gaar yeelaa Dayaxa ambooyinku se waxa ay ka dhexeeyaan toddobada malluug ama meere. Quraanka laftiisu manaasisha wuxuu u gaar yeela Dayaxa inkasta oo uu sheegay in labadu ba ay socdaan oo sabbaynayaan. Markaan eegno cilmi-dhaqankeenna ambooyinka iyo Dayaxu waxa ay raad weyn ku leeyihiin nolosha xoola dhaqatada bad-maaxa iyo beeroleyda Soomaalida. Sidaan bilawgii buugga ku soo sheegnay Af-carbeedku wuxuu raadeeyay qayb weyn oo ka mid ah Af Soomaaliga sida ayaamaha oo kale, marka laga hadlaayo marka laga hadlaayo gododka Dayaxa iyo meerayaasha ma sidaas uun buu u beddelaa ama u raadeeyaa? Markaan eegay ma arkin raad uu ku yeeshay Af-carbeedka iyo af kale ba gododka Dayaxa iyo meerayaasha Carabiyeeyay waxa aan is idhi markaan eegay waa meesha kaliya ee laga heli karo Af soomaaligii hore iyo intii ka horreysay ee aanay afafka bahda Kushitiggu aanay kala bixin ba. Cirmaalka Buraad waxa ay yidhaahdaan, xiddigo sugan waxa ay tilmaan u yihiin in meelaha samada, waxaana laguna tilmaansadaa meelaha ay kala joogaan, sida buuraha ba luugu kala tilmaansado dhulka meelahay kaga kala yaalliin. … AF SOOMAALIGA Wakhti door ah baan ku bixiyay in aan magacyada gododka sideed iyo labaatanka ah ee dayaxu maro ka dhex baadho ereyo ergis ah oo afkeennu af kale ka soo ammaanaystay, hasa yeeshee waan ka dhex waayay. Xataa Af carbeedka oo meelaha qaar sida maalmaha innaga dhallan-rogay kuwii hore ee Soomaaliga badhaxa-tiran ahaa ee aan u lahayn marka ay arrintu Culuumta xiddigiska timaaddo Af soomaaligu uu laan-dheerenimo sheegtay oo is bixiyay. Waxa aanu halkaa ku dhaafay afaf badan oo la bah ah iyo kuwa kale oo la jaal ah ba. 1. Godan 2. Lisan 3. Urur 4. Laxmar 5. Agaali-waran 6. Agaali-caanood 7. Afagaal 8. Canbaar-siigaale 9. Naaf-weyne 10. kutxin-tarka-cad 11. Kutxin-cawo 12. Kutxin-nirig 13. Kutxin- dabaqallooc 14. Dirir-galaal 15. Dirir-garbood 16. Dirir-bashkax 17. Dirir-garbood 18. Daalallo-cas 19. Daalallo-mareeg-dheer 20. Cadarin-daalallo 21. Madhan-daalallo 22. Faruur-cirir 23. Kabaal-cadde 24. Jad-barbaar 25. Jad-cuur 26. Duugato 27. Mijin 28. Dhawaaq-dhawr AF CARBEEDKA Af-carbeedku wuxuu ka mid yahay afafka tirada yar ee magacyo gaar ah u leh 28-ka god ee dayaxu maro. Manazil al-Qamar (Arabic: منازل القمر) 1. Al-Sharatain (الشرطان – The Two Signs) 2. Al-Butain (البطين – The Belly) 3. Al-Thurayya (الثريا – The Swarm) 4. Al-Dabaran (الدبران – The Follower) 5. Al-Haqa (الهقعة – A White Spot) 6. Al-Hana (الهنعة – The Scar) 7. Al-Dhira (الذراع – The Seed or The Branch) 8. Al-Nathrah (النثرة – The Nursery) 9. Al-Tarf (الطرف – The Gaze) 10. Al-Jabhah (الجبهة – The Forehead) 11. Al-Zubrah (الزبرة – The Mane of the Lion) 12. Al-Sarfah (الصرفة – The Changer of the Weather) 13. Al-Awwa (العواء – The Barker) 14. Al-Simak (السماك – The Unarmed) 15. Al-Ghafr (الغفر – The Lid) 16. Al-Zubana (الزبانان – The Claws) 17. Al-Iklil (الإكليل – The Dome of the Head) 18. Al-Qalb (القلب – The Heart) 19. Al-Shaulah (الشولة – The Sting) 20. Al-Na’am (النعائم الواردة or النعائم الصادرة – The Dragon’s Head) 21. Al-Baldah (البلدة – The City or District) 22. Sa’d al-Dhabih (سعد الذابح – The Fortunate Assassin) 23. Sa’d Bula (سعد بلع – The Fortunate Aviator) 24. Sa’d al-Su’ud (سعد السعود – The Wretched of the Wretched) 25. Sa’d al-Akhbiyah (سعد الأخبية – The Star of the Dungeons) 26. Al Fargh al-Awwal (الفرع المقدم – The Upper Hole of the Flask) 27. Al Fargh al-Thani (الفرع المؤجر – The Lower Hole of the Flask) 28. Batn al-Hut (بطن الحوت – The Belly of the Fish. AF INGIRIISIGA Afka Ingiriisa iyo kuwa kale oo badan oo rafiiq ahi ba markii cirka loo baxay saboolnimo badan ayaa ka muuqatay oo waad u jeeddaan in tiro koow laba ah uu adeegsanayo oo laga horreysiiyay Station oo macneheedu god yahay. Halkaana waxa ka muuqata in afkeennu kaga hodansan yahay kolka xaggaa Xiddigiska loo kaco. Station 1 Station 2 Station 3 Station 4 Station 5 Station 6 Station 7 Station 8 Station 9 Station 10 Station 11 Station 12 Station 13 Station 14 Station 15 Station 16 Station 17 Station 18 Station 19 Station 20 Station 21 Station 22 Station 23 Station 24 Station 25 Station 26 Station 27 Station 28. La soco … Qaran News
  13. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xog ay heshay shabakadda Caasimada Online ayaa sheegaysa in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu ku gacan seeray dalab ay usoo gudbiyeen odayaasha dhaqanka beelaha magaalooyinka Gurceel iyo Dhuusamareeb. Odayaasha magaalooyinkaas ayaa kasoo horjeestay 30-kii xildhibaan ee dowladda federaalku ay u balan qaaday Ahlu-Sunna inay ku yeelaneyso maamulka cusub ee laga yagleelayo Galmudug, kuwaasi oo Ahlu-Sunna ay ku bixin doonto hab beeleed. Odayaasha ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka dalbaday in xildhibaanada kasoo galaya maamulkaas aan lagala tashan Urur gooni ah, balse lagu soo xulo hab waafaqsan nidaamka awood qeybsiga beelaha, oo odayaasha ay soo xulaan. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sida aan xogta ku heleyno diiday dalabka odayaasha isagoo ku adkeystay in xukuumadiisu ay isticmaalayso farsamo kasta oo lagu dhisi karo Galmudug loo dhan yahay. Odayaasha dhaqanka magaalooyinka Gurceel iyo Dhuusamareeb ayaa iyaguna ka biya diidsan rabitaanka Kheyre, oo ah in xildhibaanada maamulka Galmudug kasoo galaya maagaalooyinka Dhuusamareeb iyo Gurceel lagu qanciyo Ahlu-Sunna. Dalabka odayaasha ayaa kusoo aadaya iyadoo shalay uu soo yeeray war sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu Ra’iisul Wasaare Kheyre faray in Ahlu-Sunna lagu qanciyo 30 xildhibaan oo ay ku yeelanayaan maamulka cusub ee Galmudug. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
  14. (SLT-Hargeysa)-Baabuur u shaqaynayay Hay’adda CARE ayaa galabta maleeshiyo hubsaysani ku afduubeen Magaalada God-caanood ee bariga Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag, waxaana saarnaa laba ka mid ah Shaqaalaha Hay’adda CARE iyo darawalkii gaadhiga waday, waxaana la sheegay inaan waxba la yeelin dadkaas saarnaa Gaadhiga. Sida la sheegay maleeshiyadaasi waxay kaxaysteen gaadhigii ka ka dib markii ay ka dejiyeen darawalkii iyo labadii sarkaal ee ka tirsanaa Hay’addaas. Baabuurkan siday shaqalaha Hay’adda CARE ayaa malmahan ka shaqaynayay Magaalooyinka bariga Ceerigaabo, waxaana Ha’adda CARE halkaas ka waday barnaamij xaga cuntada ah. Gaadhigan ayaa u soo socday dhinaca Magaalada Ceerigaabo markii jidgooyada loo galay. Darawalkii iyo labadii sarkaal ee Ha’adda CARE ayaa goor dambe oo galabta ah gaadhay Magaalada Ceerigaabo, walow gaadhigii ilaa hada maqan yahay. Source
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha QM ee ka howl-gala Muqdisho ayaa soo saaray digniin amni oo la xiriirta weerar loo adeegsado qarax baabuur oo oo suurta gal ay tahay in laga fuliyo magaalada. Qoraal loo diray shaqaalaha QM ayaa lagu sheegay in weerarkaas laga yaabo inuu dhaco 48-ka saac ee soo socda. Sida qoraalka lagu yiri, Al-Shabaab oo qorsheeneysa inay weerarka u adeegstao baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa beegsan kartaa baraha kontrool ee magaalada, waddada Maka Al-Mukarama, isgoyska KM4, iyo agaaraha xeebta Liido. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aaddan digniintan. Qaar ka mid ah hay’adaha maniga Muqdisho, oo ay la xiriirtay Caasimada Online ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan digniintan. Digniino noocan oo kale ah oo ay horey u bixiyeen hay’adaha shisheeyaha ee ku sugan Xalane, ayaa waxaa mararka qaar xigay weeraro. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa soo wanaagsanaanayey toddobaadyadii dhowaa, waxaana yaraaday qaraxyada iyo dilalka ay Shabaab ka fuliyaan magaalada Muqdisho, kadib markii hay’adaha amniga ay sare u qaadeen dadaalladooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-habeen-06092019.mp3 View the full article