-
Content Count
209,393 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah mudane Abshir Maxamed Axmed ayaa saqdii dhexe ee Khamiista waxaa uu khudbad dheer oo ka jeediyey daah furka shirka dib u heshiisiinta Galmudug. Senator Abshir waxaa uu ka hadlay hannaanka dib u heshiisiinta Galmudug, kaalinta odeyaasha dhaqanka ee xulista xildhibaannada, sida ay muhiim u tahay in matalaad ay goleyaasha ka helaan dadka barakacayaasha ah ee ku nool Galmudug iyo ugu dambeyntii sida ay muhiim u tahay in dowladda federaalka ah gaar ahaan xukuumadda Kheyre ay ka fogaato faragelinta doorashada, loona baahan yahay in masaafo isku mid ah u jirto murashaxiinta. Haddaba, Goobjoog News ayaa qortay khudbadda oo dhameystiran: Bismillaah, ra’isulwasaaraha Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliyeed mudane Xasan Cali Kheyre, xildhibaannada baarlamaanka federaalka ee Soomaaliyeed, xildhibaannada dowlad gobaleedka Gamudug, odeyaasha dhaqanka, salaadiinta, boqorrada, ugaasyada, imaamyada, guddiga dib u heshiisiinta iyo hoggaankooda, marti sharafta, dhalinyarada, haweenka, bahda Saxaafadda iyo abwaanada Waabari Galmudug intaas oo dhan waxaan ku salaamaya salaan diiran. Salaan ka dib, waxaan faraxad weyn ii ah caawa in aan halkan ka soo qeyb galo aniga oo matalaya baarlamaanka federaalka Soomaaliyeed, waliba aniga oo si gaar ah u matalaya kuna hadlaya afka iyo magaca mudenayaashii labada gole ee maanta ay noo fududaatay oo ay noo suurogashay in aan halkan soo gaarno si aan uga qeyb galno furitaanka shirka dib u heshiisiinta Galmudug, waxaan filayaa in ay noqon doonto towfiiq iyo shir lagu guuleysto, maxaa yeelay waxaan maanta soo gabagabeynay shir kale oo dib u heshiisiin ah oo la yiraahdo shirka nabadda ee Hobyo, shirkaas oo shan beel oo ka mid ah beelaha Galmudug ee halkan fadhiya ay mar hore ku soo heshiiyeen, tabashooyinkii iyo waxyaabihii iyaga ka dhaxeeyay muddo 50 maalmood ah oo ay halkaas fadhiyeen, marka shirkaas oo soo gabagaboobay, waxaa ku soo xigsaday furitaankii isla maanta shirkam, gelinkii hore ayuu kaasi soo idlaaday kana waxa uu furmay galinkii danbe ee caawa, marka waxaan leeyahay shirkan waxaa uu dhameystiri doonaa shirkaas oo soo gabagaboobay, intaa ka dib shirkan caawa halkaan loo fadhiyo oo ah shirka dib u heshiisiinta Galmudug waxaan ku macneyn karaa inuu yahay shirkii 2aad ee dib u heshiisiinta Galmudug, maxaa yeelay shirkii 1aad ee dib u heshiisiinta Galmudug waa midkii Galmudug lagu soo yagleelay, oo lagu soo dhisay, waa midkii dadka aniga aan ka midka ahay ee halkan jooga mudanayaashii ay soo doorteen aan ka mid nahay, waa shirkii mudanayaashii ka soo baxay dowladda hadda jirta golayaasheedana ay ku jiraan laanteeda fulintana ay soo doorteen, sidaas darteed Galmudug waxaa ay leedahay taariikh fog oo dib u heshiisiin ah ka dib markii Galmudug oo maamullo kala gadisan ah qolaba ay meel dagan tahay la suurta galiyay in dadaal, tanaasul iyo dib u heshiisiin waqti qaadatay ay ka dhalatay dowlad gobaleedkii Galmudug. Waxaan rabaa inaan si gaar ah kale ugu mahadceliyo anigoo munaasabaddaan ka faa’ideysanaya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, oo ka mid ahaa dadkii yagleeklay Galmudug oo waliba yagleeliddii Galmudug ka qaatay kaalintii ugu weyneed maadaama uu tanasulay oo uu Galmudug wax kasta in ay sameysanto ka doorbiday, waxaan leeyahay senator aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay, Galmudugtaas maanata shirkaan aan u fadhino oo ah shirka dib u heshiisiinta Galmudug qeybtiisa 2aad waxaa uu noqonayaa mid dhameystiraya midkii ka horeeyay, haddaba isiga laftgiisa sida caawa halkan lagu fadhiyo waxaa uu ku yimid dadaal iyo tanaasuliyo isu sabar aan filayo in qof kasta ay maanta ka dharagsan tahay, waxaana horseed ka ahaa ururka Ahlusunna waljamaaca oo madaxdiisii qaarkood halkan ay fadhiyaan, waxaan leenahay iyaga mahad balaaran ayaan u jeedinaynaa, tanaasulka ay u sameeyee Galmudug in ay soo gaarto marxaladdaan. Aniga oo munaasabaddan uga faa’ideysanaayo in aan isagana uga mahadceliyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo isaguna suurtogeliyay Galmudug meeshaan hadda aan joogno inuu keeno, tanaasulkaasna isagu uu soo bilaabay, qof kasta oo ka qeyb qaadatay dhismaha maamulka Galmudug bilow ilaa iyo maanta la joogo oo dowlad ah, mas’uuliyiin kala gedisan ah, oo dhaqan ah oo bulsho ah dhammaantood, waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin, waxaadna waqti ku bixiseen marxaladda caawa la joogo in la yimaado. Su’aasha taagan waxaa ay tahay Galmudug haddii horay loo soo heshiiyay dib u heshiisiintan maxay tahay? Dib u heshiisiintan waxaa ay tahay waan sheegnay oo waa dib u heshiisiin dhameystiraysa middii ka horeysay, lakiin miraha laga rabo dib u heshiisiintan ayaa ka gedisan middii tii hore laga rabay, dulduleelkii iyo qabyadii hore ee ku jirtay Galmudugtii hore ee sababtay iney ribato ayaa la rabaa in lagu turxaan bixiyo shirka halkan caawa lagu daah furayo, shirka dib u heshiisiinta Galmuldug oo ay fadhiyaan cuqaashii, nabadoonadii, salaadiintii, imaamyadii markii horaba soo dhisay iyagana waxaan leenahay waad mahadsan tihiin markale ayeey Galmudug idiin baahatay. Galmudugta aan maanta u baahannahay oo la rabo in la dhisaa waa Galmudug aan mar sedexaad u baahandoonin dib u heshiisiin, oo dib u heshiisiintaan ay dowladda federaalka hormuudka ka tahay, ra’iisalwasaaraheenii uu dadaalka ku bixiyay, mudane Xasan Cali Kheyre waa mahadsan yahay raiisalwasaaruhu, waxaan filayaa inaan hadda kadib loo baahan doonin Galmudug mar sedexaad dib u heshiisiin loo raadiyo, maadama Galmudug hadda ay ku jirto muddo xileedkeedii labaad ee dastuuriga ahaa, haddii hadda la sameeyo goleyaashii fulinta iyo wakiilada waxaan filayaa Galmudug inaysan gali-doonin hadda ka dib hakad, oo markasta oo muddo xileedkeeda uu dhamaado si habsami leh ugu gudbi doonto muddo xileedka kale. Galmudugta la rabo in ay ka soo baxdo shirkan dib u heshiisiinta ah waa Galmudug mideysan, waa Galmudug aan tafaraaruq laheyn, waa Galmudug adeegii looga baahnaa iyo himaladii iyo hankii ay umadda ka lahaayeen fulin karta, kana haqab-tiri karta bulshadeeda, haddii aan si kale u dhigo Galmudugta laga rabo in ay ka soo baxdo shirkaan dib u heshiisiinta waa Galmudug ku taagan hey’ado dastuuri ah oo xoogaan, hey’ado maamul oo xoogan iyo hey’ado u shaqeeya dadka, hey’ado Galmudug ka gudbiya marxalad una gudbiya marxalad kale oo hakad ka ilaaliya, taas oo macnaheedu tahay waxa loo baahan yahay Galmudug maanta kadib aan mas’uuliyiinteeda, hoggaankeeda aan lagu ridin Garaashyo, Galmudug mas’uuliyiinteeda maanta ka dib aysan dhicin in ay is qabsadaan, Galmudug aan ku kala shaqeynin laba deegaan, Galmudug aan yeelan laba mas’uul, ee waxaa la rabaa in ay ka soo baxdo shirkan dib u heshiisiinta ah ee caawa halkaan lagu daah furayo Galmudug leh hey’ado dastuuri ah oo xoogan oo ka ilaaliya hakadka hadda galay. Waxaan rabaa inaan halkaas uga baxo shirka dib u heshiisiiinta caawa halkan nooga furmayo, oo aan rajeynayo inuu inuu noqan doono mid lagu guuleysto, waxaana mahaddaas iska leh oo aan filayaa in dhammaan dadka reer Galmudug ay abaal uga heyn doonaan qof kasta oo dadaal ku bixiyay, qof kasta oo waqti geliyay, qof kasta oo tanaasul u sameeyay, qof kasta oo ka door biday dantiisa gaarka ah in la gaaro danta guud, intaa ka dib haddii Galmudug heshiiskeeda la sameeyo oo dib u heshiisiinteeda la sameeyo, waxaa loo baahanyahay in la dhiso Galmudugtii aan soo tilmaamay oo lahaa hey’adaha dastuuriga ah ee ku dhisan tiirar adag , haddaba Galmudugtaas yaa mas’uuliyadaas ka saaran tahay ee loo baahan yahay? Waxay mas’uuliyadi ka saarantahay cuqaasha, nabadoonada, salaadiinta iyo boqorada halkan fadhiya, oo waajibka saaran ah in la helo mudanayaashii Galmudug matali lahaa, in ay u soo xulaan, oo Galmudug u soo xuli lahaa hoggaanka Galmudug, haddana oo gaarsiin lahaa Galmudug mideysan oo kawada howlgasha dhammaan deegaanada Galmudug, mideeyana Galmdug xagga siyaasadda iyo xagga amniga, sidaas darteed waxaa saaran cuqaasha halkan fadhisa, nabadoonada, salaadiinta, boqorada iyo imaamyada isugu jira mas’uuliyad aad iyo aad u culus , Galmudugtaas oo caawa halkan aan dib u heshiisiinteeda aan u fadhino oo la dhisi doonaa sida ay u ekaato ayuuna ayuu hoggaankeedana u ekaan doonaa, sida ay u ekaato ayuu deegaankana u ekaan doonaa, sida ay u ekaato ayuu Galmudug oo dhan u e kaan doontaa siyaasad iyo amni ahaanba, waa mas’uuliyad culus oo ka soo bilaabaneysa salaadiinta halkaan fadhisa caawa. Waxaan kaloo rabaa Galmudug la dhisayo oo la yiri waa 11 qabiil, waxaan rabaa in aan fursaddan uga faa’ideysto Galmudug in laga dhigo maadama muddo xileedkeedkeedii labaad la yagleelayo in laga dhigo 12 qabiil, qabiilkaas oo ah dadka barakacayaasha ee ku nool deegaanada deegaanka Galmudug, waxaa ay tiradoodu gaareysaa ilaa 90,000 oo qof, Galmudug keliya barakacayaasha ku nool si dalka Soomaaliyeed uu u helo midnimo, dadku ay u noqdaan dad hal ah, dalka federaalka uu u noqdo “federal inclusive ah”, oo dalka dad kasta oo deggan waa in ay helaan matalaad cid matasha, oo matalaad dhab ah siisa, dadka barakacayaasha ah ee Soomaaliya joogaa waxaa lagu qiyaasaa hal milyan iyo bar, marka meel kasta oo joogaan waxaa ay u baahan yihiin matalaad, gaar ahaan dowlad gobaleedyada aysan ku laheyn matalaadaa sida dowlad gobaleedka Galmudug, Puntland iyo Hirshabeelle, marka Galmudug waxaa sharafweyn u ah oo aan ku guubaabinayaa in ayadu bilaawdo in dadkaasi helaan matalaad dhab ah, maadama Galmudug ay ku dagan yihiin tiro aad iyo aad u badan oo aan ka yareen qabiilada Galmudug daga. Waxaan rabaa inaan dardaaran yar ama talo soojeedin ka bixiyo, tala soojeedintaas aan u soo jeedinayo dowladda federaalka Soomaaliyeed madaxdooda oo ugu horeeyo ra’isulwasaaare xasan Xasan Cali Kheyre, taas oo ah si loo helo Galmudug mideysan, oo dadkeeda oo dhan ay wada dareemayaan in Galmudug ay wada leeyihiin, waxaa lagama maarmaan ah in dowladda federaalka ah process-ka iyo hannaanka Galmudug hadda dib loogu yagleelayo sida ay ku wado hadda oo si inclusive ah oo aan ku bogaadineyno oo aan uga mahadcelinayno inuu process-ka uu sidaas ku socdo, oo dhammaan dowladdu ay noqoto hey’adaheeda oo dhan dowlad iyo hey’ado dadka Soomaaliyeed ay u siman yihiin, dadka Soomaaliyeed dhammaan ay xooggeeda iyo xoolaheeda iyo maamulkeeda intaba ay u siman yihiin. Sidoo kale dad allaala dadka ku tartami doona Galmudug oo Galmudugta caawa dadaalkaan lagu bixinaayo, intaan oo qof la is kugu keenay oo ilaa 1000 ku dhow sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta , meeshaas oo la rabo inuu ka soo baxo hoggaan ka kooban labada laamood ee fulinta iyo sharci dajinta dowlad gobaleedka Galmudug, si taas loo gaaro waa in dowladda federaalka ah gaar ahaan xukuumadda ay process kaas ka qaadataa fogaan ka fog midda dad kale loo baahan yahay oo dhibka iyo mushkilada laga yaabo in maanta Galmudug ay ku hayaan inta la rabo inay ka fogaadaan, ay ka fogaato, oo dadkaasi oo dhan ay helaan musharaxiinta dhan si fare ah oo xuquuqdoodo simman tahay in dhammaantood ay fursadda isla helaan, waxaan hadalkaas u leeyahay waxaa ay tahay caawa oo dhan halkan waxaa ka socday Galmudug quruxbadan, Galmudug qurxoon ayaan u baahan nahay, si loo helo Galmudugtaas, waxaa lagama maarmaan ah process-kii ay ku imaan laheyd la hirgaliyo, haddana waxaa muuqda bar bilawgeedii sida ay ku bilaabatay waa si ififaalo fiican ah oo aan rajeynayno in ay sidaasna ku dhamaato, si loo helo Galmudug mid ah oo mideysan, oo leh hoggaan labadiisa laamood oo fulin kara himilada iyo hanka dadka reer Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dagaalkii lagu qabsaday dalka Ciraaq waxaa go,aankiisa gaaray koox kooban oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga (Republican-ka) kuwaasi lagu tilmaami jiray dagaal u oomanayaal ( war mongers), kulan qarsoodiya ka dib waxay go’aan ku gaareen in weerar lagu ekeeyo dalka Ciraaq. markii kulankoodu soo dhamaaday 15 daqiiqo ka dib wakaallada wararka ee Reuters ayaa shaacisay in dagaal lagu qaadi doono dalka Ciraaq, kulanku waxaa uu ahaa qarsoodi waxaa go’aanka gaaray koox kooban oo saaxiibo ah oo is dhaarsaday oo aan 10 nin ka badanayn, haddana waxaa la yaab noqotay in 15 daqiiqo ka dib dagaal dhacaya ay shaaciso wakaallad ka mid ah kuwa adduunka ugu af dheer. Isla markiiba dawladdii George W Bush waxay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah dalka Ciraaq, iyagoo ogaaday warka ay sheegtay Reuters uu yahay mid dhab ah, waxaa iyana rumaysteen in xogta dagaalka oo xasaasi ahayd uu baxshay mid ka mid ah raggii dagaalka go’aamiyey. Weriye laylyoon ama warfidiyeen taba baran oo lagu canqariyey wadaniyad dal jacayl iyo inuusan danta dalkiisa waxba ka hor marin waxa ay mar walba isku daaban yihiin siyaasigiisa danta qaranna ay ka midaysan yihiin, hase yeeshee taasi micneheedu ma aha inay wax kasta isku raacsanyihiin, waxay kala aragti ka yihiin wixii danta guud wax u dhimaya oo xaqiiq la taaban karo ku salaysan, waxaana weriyahani leeyahay shaqsiyad ay buux dhaafisay isku kalsooni lagu soo ababiyey inuusan marti u noqon waxaa uu aaminsan yahay. Weriyaha leylyoon waa taba bare xambaarsan dhaqankiisa iyo afkiisa iyadoo, inta badan lagu tixgeliyo qorraaladiisa, codkiisa iyo hadba shaqooyinka uu soo bandhigo tayadooda, waxaa inta badan tusaalooyin iyo raad raac ka dhigta jaamacadaha iyo guud ahaan dugsiyada wax barasho,halka idaacadaha iyo teleshinaduna ay si toos ah u xigtaan. Wariye leylyoon: muxuu xaq u leeyahay? Waxaa uu xaq u leeyahay inuu dhowro sharaftiisa, shaqsiyadiisa, tayada aqoontiisa iyo in la siiyo taba barro iyo weliba xirfada ku aadan hadba qaybta saxaafadeed ee markaasi ka shaqaynayo, waxaa iyana intaasi raacda oo xaq u leeyahay in maamulka uu ka dhex shaqaynayaa uu mar walba tix gelin dheeraad ah siiyo wararkakiisa, faallooyinkiisa iyo weliba baarintaanadda uu sameeyo si xog uu soo badhigay wax loogu qaybsado. Waxaa iyadana xusid mudan in war-baahinta qaarkeed ay weriyeyaashooda aad u ilaaliyaan nabadgelyadooda, il gaar ahna lagu eego sida uu u nool yihiin maadaama ay dhici karto in mararka qaar ay soo food saari karto arrimo ragaadin kara tayadda shaqadooda. Waajibka laga rabbo Weriyaha leylyoon ayaa waxaa waajib ku ah inuu dhowro dhaqanka bulshadiisa mar walbana uu u hogaasanaado sharuucda dalkiisa u taal,waxaa kale oo laga rabaa inuu noqdo shaqsi u adeega bulshada dhowrana shuruucda saxaafadeed, iyadoo uu iska ilaalinayo wax walba oo keeni kara mad madow ah inuu dano gaar ah u adeegayo isagoo waliba ka hor imaanaya dantii guud, ama inuu cid gaar ah basaasa u yahay. Waxa iyana waajib ku ah goobaha qaarkood inuusan la geli karin Camera-da sida xeryaha ciidamada xarumaha Booliiska maxkamadaha ,guud ahaan arrimahan oo dhamina waxay ku xusan yihiin xeerarka saxaafadeed ee caalamiga ah, ujeedaduna waxaa weeye in laga fogaado wax kasta oo wax u dhimaya ammaanka qaranka iyo sharafta suxufiga. Marka la eego weriyaha Soomaaliyeed dalka gudihiisa ku sugan ayaad moodaa in waajibkiisa shaqo ee dalkiisa iyo dadkiisa uu hayo uu marti uga yahay hogaamiyaha kolkaas talada haya, waxayna noqon kartaa laba arrimood midkood, in suxufigu si indha la’aan ah ugu milmo hogaanka markaas jooga oo uu noqdo weriye qalbigu madoobaaday oo wixii la doono lagu shubto iyo inuu noqdo weriye ban joog ah mucaarad aan loo meel deyin maamulka dusha uga tuuro, waxaa suura gal ah inta badan inaysan mucaaradnimadiisu ku salaysney gol daloolooyinka maamuka ee ay ku salaysan tahay sidii musuqmaasuqa uu qayb uga noqon lahaa, waxaana arrimahani meesha ka saareen guud ahaan waajibkii saxaafadeed iyo xaqii dalku lahaa. Dhankoodana maamullada dalalka soo koraya oo ay Soomaaliya ugu horaysa ayaa qayb ka ah hoos u dhaca hal abuurka iyo barbaarinta saxafiga, iyagoo inta badan awoodda saara inay gacanta ku qabsadaan hadba weriyihii ay u arkaan inuu durbaanka u garaacayo, waxana isla duma oo howl gab isla noqda maamulkii markaas xilligiisu dhamaaday iyo weriye da’ yar oo la rabay inuu mustaqbal ifya ku yeesho bulshadiisa. Marka la eego maamulka Puntland ayaa moodaa inay kala go’anyihiin saxaafadda waxaana arrintaan lagu saleeyey in madaxdu aysan jeclayn in waraysiyo lala yeesho, waxna laga weydiiyo hadba dhacdooyinka markaasi taagan, iyadoo arrintan gun dhig looga dhigay dawlada oo aaminsan in saxaafaddu ay tahay mid aan tayo lahayn kuna shaqaysa lacag lagu shubto, waxaana tani meesha ka saartay waajibkii dalku labada dhinacba ku lahaa. Marka arimahan laysu wada geeyo ayaa ah xil-kasnimo la,aan, waxana eedeeda iska leh maamulka oo waajibka loo igmaday ay qayb ka ahayd inay ka shaqeeyaan tayeynta weriyeyaasha iyo ku dhiiri gelinta inay dalkooda u shaqeeyaan waardiyana ka ahaadaan dhibaatooyinka siyaasadeen iyo bulsho ee dhinackasta kaga xeeran. Dhinacoodana weriyaasha ayaa laga rabaa inay dalkooda ugu shaqeeyaan iskaa wax u qabso iyagoo tooshka ku ifinaya hagardaamooyinka kala duwan ee dhinac kasta jira dalka ,waxaa kale oo laga rabaa inay abaabul iyo kicin u sameeyaan dad weynaha iyagoo ku jahaynaya hadba meeshii ay u arkaan in dayac ka jiro, iyagoo mar walba qalbiga ku haynaya howraartii ahayd (howl kama dale weli waa hogaddii). Abdirazak Yassin Caanogeel PUNTLAND POST The post Xilkasnimo la’aanta: Weriyaha leylyoon iyo xaqiisa appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa si kooban uga hadashay arrimaha ay ka wada hadleen madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweyne Biixi oo maalmihii u dambeeyay safar ku joogay Jabuuti ayaa la soo tusay mashaariic badan oo dawladda Jabuuti hirgalisay waxaanu la kulmay madaxweyne Geelle. Warbixin ay arrimaha gobolka kaga hadasho wasaaradda arrimaha dibadda oo ay Jimce kasta baahiso ayay si kooban ugu soo qaadday arrimaha ay madaxweyne Biixi iyo Geelle ka wada hadleen waxaana warbixinta lagu yidhi:- “Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu la kulmay hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi iyo weftigiisa oo bookhasho ku yimid Salaasadii (September 3). Labada dhinac waxay ka wada hadleen arrimo door ah oo khuseeya dahana labada dhinac oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, saxaafadda iyo iskaashiga ganacsiga Somaliland iyo Jabuuti. Waa bookhashadii labaad ee Muuse Biixi ku yimaaddo Jabuuti waxaanay imanaysa laba todobaad uun kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo wada hadal laba geesood ah la yeeshay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle,” Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa sii xoojinaya marba marka ka dambeysa go’doonka degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo, iyagoona dhammaan xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa magaaladaasi. Al-Shabaab ayaa sidoo kale la sheegay in ay ganacstada iyo gaadiidleyda uga digeen in ay shixnado geeyaan degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo. Arrintan ayaa waxaa ay sameyn dhanka Bani’aadanimada ah ku yeelatay shacabka ku dhaqan guud ahaan degmadaasi. Wararka ayaa intaasi ku daraya in sare u kac uu ku yimid raashinka quutul daruuriga iyo waxyaabaha kale ee aas aasiga u ah nolosha. Gudmoomiyaha degmada Buurdhuubo, Xasan Muxumed Cali oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ah ee VOA-da ayaa qeylo dhaan ka muujiyey xaaladda dhanka nolosha ah ee ka taagan halkaasi. Xasan Muxumed Cali ayaa sidoo kale ugu baaqay Jubbaland iyo dowladda federaalka in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi. Gobolka Gedo ayaa ka mid ah meelaha ay weli ku xoogan yihiin Al-Shabaab oo dagaallo kula jira ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.co
-
(SLT-Booram)-Shir Magaalada Boorama uga qabsoomay Madax-dhaqameedka, Siyaasiyiinta, Dhallinyarada iyo aqoonyahannada reer Awdal ayaa waxa laga soo saaray War-murtiyeed lagu soo ururiyey qodobbadii lagaga Wada-hadlay. Shirkan oo Xalay ka qabsoomay Huteel ku yaalla Magaalada Boorama waxa si gaar ah diirradda loogu saaray Saami-qaybsiga Kuraasta Golaha Wakiillada, waxaana Qodobbada ka soo baxay lagu sheegay in Gobollada Awdal iyo Selel laga qaban karin doorasho, haddaan la sixin Saami-qaybsiga. War-murtiyeedkan ka soo baxay waxgaradka gobolka Awdal ayaa u qornaa sidan:- in madaxweynaha talada dalka haya looga fadhiyo inuu diyaariyo madal loo dhan yahay oo lagaga wada tashanayo saami qaybsiga dawladda Somaliland. Illaa la sugo wadda lahaanshaha dawladda Somaliland lagama qaban karo doorasho gobolada Awdal iyo Selel. Waddamada daneeya Somaliland waxaanu ka codsanaynaa in war-murtiyeedkaasi si dhow ula socdaan oo fiiro gaar ah u yeeshaan. Shirkan Madax-dhaqameedka ka qayb-galay waxa ka mid ah Suldaanka guud ee Beelaha Awdal, Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil. Source
-
President Uhuru Kenyatta is unhappy with Foreign Affairs Cabinet Secretary Monica Juma and is considering sacking her. Apart from the growing internal disquiet in her Ministry, Monica is Source: Hiiraan Online
-
(SLT-Muqdisho)-Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Soomaaliya ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askari ka tirsan Ciidamada dowladda, kaasoo 17-kii bishii June 2018 ku dilay degmada Kaaraan saddex qof oo walaalo ah. Askarigan oo lagu magacaabo Xaashi Cali Maxamuud ayaa muddo sannad ahaa baxsad, waxaana la soo xidhay bishii 7-da June ee sanadkan 2019, waxaa loo heystaa inuu dilay saddex walaalo ah oo lagu kala magacaabi jiray Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdillaahi Axmed abuukar. Dilka loo heysto Askarigan ayaa ka dhacay degmada Kaaraan bishii June 2018, waxaana la sheegay in sababta uu saddexdan walaalo u dilay ay ka dambeysay is qabqabsi dhinaca dhulka ah oo ka dhaxeeyay. Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaadhay in dil lagu xukumo Xaashi Cali Maxamuud oo ah qisaasta Marxuumiinta kala ah Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, waxaana Go’aanka Maxkamadda ka furan rafcaan ku’eg Sodon cisha xukunka kadib. Source
-
(SLT-Ankara)-Maxkamada dalka Turkiga ayaa muddo 9 sanno iyo 8 bilood ah ku xukuntay haweeney ka tirsan isbaheysiga mucaaradka Turkiga. Canan Kaftancioglu, oo xubin ka ah xisbiga Republican People Party oo loo yaqaab (CHP) ayaa lagu eedeeyay inay aflagaadeysay madaxweynaha Turkiga Rajab Thayib Erdogan. Haweeneydan ayaa dhanka kale lagu helay in barta ay ku leedahay Twitter-ka ay ku aflagaadeysay shaqaalaha rayidka ah ee dowlada. Garsoorka maxkamada ayaa xaqiijiyay in fal danbiyeedkan ay geysatay intii u dhaxeysay sannadkii 2012-kii ilaa 2017-dii. Ms oo dhankeeda la hadashay markii ay soo dhammaatay maxkamadeynteeda taageerayaal taabacsan ayaa sheegtay in ayna wax dambi ah laheyn balse xukunkeeda uu ka yimid madaxtooyada Turkiga. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Hay’adda Ka-hortaga Gaajada ee Action Against Hunger waxay shaacisay in 2 ka tirsan shaqaalahooda lagu dilay gobalka Gambela ee dalka Itoobiya. Hadal-qoraal oo ay Hay’adda Action against Hunger soo saartay ayey ku sheegtay in shaqaalahaasi jidka loo galay subaxnimadii Khamiista aheyd ee lasoo dhaafay, xilli ay ku sii jeedeen Xaruntooda lagu quudiyo carruurta nafaqo-darada hayso ee lagu magacaabo Nguenyyil Centre ee Gobalka Gambela. Hay’addaasi oo Itoobiya ka shaqayn jirtay tan iyo sannadkii 1985-kii waxay ku dhawaaqday inay joojiyeen hawshii ay ka wadeen xaruntaasi, marka laga reebo Hawlaha Gargaarka Degdega ah. Dhinaca kale, Ciiddanka Ammaanka ee dalkaasi waxay bilaabeen baadhitaanka dadkii geystay dilkaasi, kuwaasi oo la sheegay inay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen. Source
-
Baydhabo (SMN) – Ra’iisul wasaaraha XFS, Xasan Cali Khayre ayaa maanta ku wajahanM/Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qabab qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa haatan laga dareemayaa gudaha magaaladaasi. Boqolaal dadweyne ah ayaa la isugu keenay goob fagaare ah, kuwaas oo uu la hadli doono Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Sidoo kale ammaanka ayaa la adkeeyey, iyadoo ciidamo badan lagu soo daayey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Ujeedka fafarka Ra’iisul wasaare Khayre ayaa waxa uu la xiriiraa arrimaha amniga iyo dib u habeynta ciidamada. Ma’ahan markii ugu horreysay ee uu Ra’iisul wasaaruhu booqanayo deegaanno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Todobadii June sanadkan ayaa lasoo xiray dable xoogga Xaashi Cali Maxamuud oo loo heysto dilka Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo, dilkaas oo dhacay degmada Kaaraan gaar ahaan Gumarey, kasoo hor jeedka xarunta xirta xaaji Daa’uud Taariikhdu markay aheyd 17-ka bishii lixaad 2018. Xilligaas ayuu isaga baxsaday goobta uu dilka ka geystay Eedeysanaha, waxa ayna ciidamada amniga ku qaadatay soo qabashadiisa sanad iyo dhowr cisho. 15-ka bishii todobaad ee sanadkan ayay ku soo wareegtay xafiiska xeer ilaalinta eedda eedeysanaha, waxaana xilligaas ay garsoorka weydiisteen in loo gudbiyo xabsiga dhexe garsuga ahaan. Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa isku howlay baarista kiiska uu eedeysanaha ka yahay Dable Xoogga Xaashi Cali Maxamuud, baaritaan dheer kadib waxa ay codsadeen in la muddeeyo dhageyiga dacwad qaadista. 26-ka bishii tagtay ayaa la isugu yimid fadhigii koowaad ee dhageysiga dacwadda, waxa ay xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda ka hor sheegeen in uu jiray muran dhuleed oo ay sababsadeen Marxuumiinta balse garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lala yimaado cadeymo intaas kabadan. Markale ayaa loo ballamay dhageysiga dacwadda eedeysane Dable xoogga Xaashi Cali Maxamuud labadii bishan, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta la yimaadeen cadeyma dheeri ah oo ay kamid yihiin Muwaadiniin ka shaqeynayay geerashka ay mashaqada ka dhacday kuwaasi oo ku marag furay eedeysanaha sheegashadiisa ah in muran dhuleed kala dhaxeeyay marxuumiinta aysan waxba ka jirin, sawirka marxuumiinta, warqadda cadeynta dhimashada iyo baarihii kiiska. Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dooday in eedeysanaha uu nolosha u aqoonsaday isaga oo miir qaba sedax walaalo ah oo midkoodna aan hubeysneen, waxa uu sidoo kale eedeysanaha u baxay dilka marxuumiinta uu uga safray Afisiyooni degmada Waabari isaga oo ugu tagay cirifka looga baxo magaalada (degmada Kaaraan), wax yaabaha kale ee cajiibka ah oo ay markaatiyaasha ka marag fureen waxaa kamid ah in mid kamid ah Marxuumiinta oo dhaawac ahaan u baxsaday fogaan uu dhameystiray Eedeysanaha, Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan ayaa sidoo kale iibsaday hantidii dowladda ku aamintay isaga oo muddo gambad ka ahaa hey’adaha amniga ee ku raad joogay. Qareenka Eedeysanaha ayaa codsaday in ay bixiyaan magta Marxuumka maadaama eedeysanaha ay reer wadaag ahaayeen Marxuumiinta. Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in dil lagu xukum Xaashi Cali Maxamuud oo ah qisaasta Marxuumiinta kala ah Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. The post Maxkamadda ciidanka qalabka sida oo xukuntay askari diley 3 wiil oo walaalo ah. appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa saacadaha soo socda ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Qaban qaabo iyo soo dhoweyn loogu jiro wafdiga Ra’iisul wasaaraha ayaa saaka laga dareemayaa magaaladaasi. Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoo inta badan la xiray waddooyinka magaalada Baydhabo Safarka Ra’iisul wasaare Khayre ayaa la xiriiro arrimo ay ka mid yihiin amniga iyo dib u habeynta ciidamada. Sidoo kale waxa uu Ra’iisul wasaaruhu booqan doonaa deegaano kale oo ka tirsan gobollada Baay iyo Bakool. K/Galbeed ayaa ah maamulka 1-aad ee taabacsan dowladda dhexe, marka loo eego maamullada kale ee dalka. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Nairobi (SMN) – Ciidamada ammaanka ee Kenya ayaa si weyn u xoojiyey amniga deegaanada dhaca dhanka xadka Soomaaliya. Saraakiisha laamaha amniga ayaa sheegay in heegan la geliyey ciidamada, si ay uga hortagaan weerarada ay Al-Shabaab. Sidoo kale saraakiisha ciidamada Kenya ayaa ugu baaqay shacabka deegaanadaasi in ay muujiyaan feejignaan iyo taxadar dheeri ah. Dhowaan ayey hay’adaha amniga Kenya shaaciyeen inay jirto cabsi laga qabyo in weeraro ay ka dhacaan gudaha dalkaasi. View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa baaq nabadeed u diray dhamaan shacabka ku dhaqan deegaanada Huurshe iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud. Khayre oo la hadlayey dadweynaha ku nool deegaanadaasi ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo nabadda. Sidoo kale wuxuu ka dalbaday in aysan dib u soo noqon colaadihii in muddo ah ka taagnaa deegaanadaasi. Khamiistii la soo dhaafay ayey aheyd markii uu Ra’iisul wasaarahu heshiis dhex dhigay bulshooyinka deegaanada Huurshe iyo Xeeraale oo ku yaalla gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya. View the full article
-
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah waxay ku riddey askari la sheegay in uu horey u dilay Saddex qof oo walaalo ah. Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa sidan u qornaa: Todobadii June sanadkan ayaa lasoo xiray dable xoogga Xaashi Cali Maxamuud oo loo heysto dilka Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo, dilkaas oo dhacay degmada Kaaraan gaar ahaan Gumarey, kasoo hor jeedka xarunta xirta xaaji Daa’uud Taariikhdu markay aheyd 17-ka bishii lixaad 2018. Xilligaas ayuu isaga baxsaday goobta uu dilka ka geystay Eedeysanaha, waxa ayna ciidamada amniga ku qaadatay soo qabashadiisa sanad iyo dhowr cisho. 15-ka bishii todobaad ee sanadkan ayay ku soo wareegtay xafiiska xeer ilaalinta eedda eedeysanaha, waxaana xilligaas ay garsoorka weydiisteen in loo gudbiyo xabsiga dhexe garsuga ahaan. Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa isku howlay baarista kiiska uu eedeysanaha ka yahay Dable Xoogga Xaashi Cali Maxamuud, baaritaan dheer kadib waxa ay codsadeen in la muddeeyo dhageyiga dacwad qaadista. 26-ka bishii tagtay ayaa la isugu yimid fadhigii koowaad ee dhageysiga dacwadda, waxa ay xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda ka hor sheegeen in uu jiray muran dhuleed oo ay sababsadeen Marxuumiinta balse garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lala yimaado cadeymo intaas kabadan. Markale ayaa loo ballamay dhageysiga dacwadda eedeysane Dable xoogga Xaashi Cali Maxamuud labadii bishan, waxa ayna Xafiiska Xeer Ilaalinta la yimaadeen cadeyma dheeri ah oo ay kamid yihiin Muwaadiniin ka shaqeynayay geerashka ay mashaqada ka dhacday kuwaasi oo ku marag furay eedeysanaha sheegashadiisa ah in muran dhuleed kala dhaxeeyay marxuumiinta aysan waxba ka jirin, sawirka marxuumiinta, warqadda cadeynta dhimashada iyo baarihii kiiska. Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dooday in eedeysanaha uu nolosha u aqoonsaday isaga oo miir qaba sedax walaalo ah oo midkoodna aan hubeysneen, waxa uu sidoo kale eedeysanaha u baxay dilka marxuumiinta uu uga safray Afisiyooni degmada Waabari isaga oo ugu tagay cirifka looga baxo magaalada (degmada Kaaraan), wax yaabaha kale ee cajiibka ah oo ay markaatiyaasha ka marag fureen waxaa kamid ah in mid kamid ah Marxuumiinta oo dhaawac ahaan u baxsaday fogaan uu dhameystiray Eedeysanaha, Eedeysanaha Maxkamadda hor taagan ayaa sidoo kale iibsaday hantidii dowladda ku aamintay isaga oo muddo gambad ka ahaa hey’adaha amniga ee ku raad joogay. Qareenka Eedeysanaha ayaa codsaday in ay bixiyaan magta Marxuumka maadaama eedeysanaha ay reer wadaag ahaayeen Marxuumiinta. Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in dil lagu xukum Xaashi Cali Maxamuud oo ah qisaasta Marxuumiinta kala ah Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Go’aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku’eg Sodon cisha xukunka kadib. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (SMN)– Todobadii June sanadkan ayaa lasoo xiray dable xoogga Xaashi Cali Maxamuud oo loo heysto dilka Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo, dilkaas oo ka dhacay degmada Kaaraan 17-ka bishii lixaad 2018. Xilligaas ayuu isaga baxsaday goobta uu dilka ka geystay Eedeysanaha, waxa ayna ciidamada amniga ku qaadatay soo qabashadiisa sanad iyo dhowr cisho. 26-ka bishii tagtay ayaa la isugu yimid fadhigii koowaad ee dhageysiga dacwadda, waxa ay xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda ka hor sheegeen in uu jiray muran dhuleed oo ay sababsadeen Marxuumiinta balse garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lala yimaado cadeymo intaas kabadan. Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dooday in eedeysanaha uu nolosha u aqoonsaday isaga oo miir qaba sedax walaalo ah oo midkoodna aan hubeysneen, waxa uu sidoo kale eedeysanaha u baxay dilka marxuumiinta uu uga safray Afisiyooni degmada Waabari isaga oo ugu tagay cirifka looga baxo magaalada (degmada Kaaraan). Qareenka Eedeysanaha ayaa codsaday in ay bixiyaan magta Marxuumka maadaama eedeysanaha ay reer wadaag ahaayeen Marxuumiinta. Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in dil lagu xukumo Xaashi Cali Maxamuud oo ah qisaasta Marxuumiinta kala ah Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Go’aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku’eg Sodon cisha xukunka kadib. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-07092019-1.mp3 View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Sida uu daabacay wargeyska The Star ee ka soo baxa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxa uu haatan khilaaf xoogan oo ka dhashay kiiska Badda uu soo kala dhexgalay Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo wasiiraddiisa arrimaha dibadda Monica Juma. The Star oo soo xiganaya mas’uul ka tirsan madaxtooyada dalkaasi ayaa sheegay in Monica lagu heysto sida ay u wajahday arrinta Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya iyo sida ay ula dhaqantay dowladda Itoobiya. Wargeysku waxa uu sidoo kale warbixintan ku sheegay in wasiirada lagu eedeeyey in ay magacawday diblomaasiyiin aan xirfad laheyn. Sidoo kale waxyaabaha ugu culus ee lagu heysto waxaa ka mid ah in siyaasadda arrimaha dibadda ay ku fashilantay, islamarkaana ay Kenya u nugushay in labo jeer ay fagaarayaal caalami ah ku guul dareysato sanadka soo socda. Eedeynta koowaad waa arrinta Badda oo Monica Juma lagu eedeeyay in qaab aan waafaqsaneyn diblomaasiyadda ula dhaqantay Soomaaliya, islamarkaana ay gaartay go’aanno culus, iyada oo aan la tashi la sameyn Madaxtooyada Kenya. Midda labaad ayaa ah kursiga golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey oo sanadka dambe kula tartameyso dowladda Jabuuti. Ugu dambeyn Juma ayaa lagu dhaliilay in ay si shakhsi ah u weerartay dalka Itoobiya oo saaxib la ah Kenya. Dhinaca kale wargeyska ayaa qoray in sidoo kale lagu dhagan yahay xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi, Macharia Kamau. Xoghayhaya ayaa isna lagu eedeeyay in uu dhawr jeer warbaahinta ka hadlay, islamarkaana uu ku dhawaaqay go’aanno aysan dowladdu raali ka ahayn . The Star wuuu sheegay in aysan arrintan farxad gelin Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo labadaan qof u arka kuwa ku ciyaaray doorkii diblomaasiyadeed ee Kenya. Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo marar badan dowladda Kenya ay qaaday tallaabooyin ka dhan ah Soomaaliya oo uu haatan kala dhexeeyo muran dhinaca Badda ah, kaas oo ay dacwaddiisu ka furan tahay maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)– Todobadii June sanadkan ayaa lasoo xiray dable xoogga Xaashi Cali Maxamuud oo loo heysto dilka Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo, dilkaas oo ka dhacay degmada Kaaraan 17-ka bishii lixaad 2018. Xilligaas ayuu isaga baxsaday goobta uu dilka ka geystay Eedeysanaha, waxa ayna ciidamada amniga ku qaadatay soo qabashadiisa sanad iyo dhowr cisho. 26-ka bishii tagtay ayaa la isugu yimid fadhigii koowaad ee dhageysiga dacwadda, waxa ay xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda ka hor sheegeen in uu jiray muran dhuleed oo ay sababsadeen Marxuumiinta balse garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in lala yimaado cadeymo intaas kabadan. Dhamme Muumin Xuseen Cabdullaahi ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dooday in eedeysanaha uu nolosha u aqoonsaday isaga oo miir qaba sedax walaalo ah oo midkoodna aan hubeysneen, waxa uu sidoo kale eedeysanaha u baxay dilka marxuumiinta uu uga safray Afisiyooni degmada Waabari isaga oo ugu tagay cirifka looga baxo magaalada (degmada Kaaraan). Qareenka Eedeysanaha ayaa codsaday in ay bixiyaan magta Marxuumka maadaama eedeysanaha ay reer wadaag ahaayeen Marxuumiinta. Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in dil lagu xukumo Xaashi Cali Maxamuud oo ah qisaasta Marxuumiinta kala ah Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Go’aanka Maxkamadda waxaa ka furan rafcaan ku’eg Sodon cisha xukunka kadib. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminaayo ayaa ku wajahan magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Ciidanka ayaa siweyn u adkeeyey ammaanka magaalada, waxaana la xiray inta badan Wadooyinka soo gala xarumaha maamulka Koonfur Galbeed iyo Garoonka diyaaradaha Magaalada Baydhabo. Khayre ayaa si lamid ah Baydhabo booqan doona deegaamo katirsan gobolka Bakool gaar ahaan magaalada Xudur, isagoona dhagax dhigi doona mashaariic cusub oo goboladaasi laga dhisi doono. Socdaalka Khayre ee deegaamada Koonfur Galbeed ayaa dib u dhacay Khamiistii la soo dhaafay kadib markii uu dibu dhacay shirka dibu heshiisiinta maamulka Galmudug. PUNTLANDPOST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo ku wajahan magaalada Baydhabo. appeared first on Puntland Post.