Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,388
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo soo gaaray magaalada Beydhabo ee xarunta Kumeel gaarka ah dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Guduud kusoo dhaweeyay Madaxweyaha iyo gudddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, xildhibaanno, wasiirro iyo mas’uuliyiin kale. Ra’iisul Wasaraaraha oo kumannaan dadweyne ah oo soo dhaweyntiisa isugu soo baxay kula hadlay garoonka kubbadda Cagta ee Dr. Ayuub, ayaa bulshada reer Koonfur uu uga mahad celiyay soo dhaweynta ballaran ee wafdigiisa ay u sameeyeen. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicsiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyay booqashada ku yimid deegaannada dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed. Ra’iisul Wasaaraha oo madaxweynaha Koonfur Galbeed ku ammaanay horumarinta deegaanka iyo sida uu u wanaajiyay xariirka dowladda dhexe iyo Koofur Galbeed, ayaa sheegay inta uu joogo in uu kala hadli doono horumarinta caafimadka, waxbarashada, adkeynta amniga, xoreynta deegaannada Koonfur Galbeed iyo shaqo abuurka dhallinyarada. The post Faahfaahin safarka ra’iisul wasaare Khayre ee magaalada Baydhabo. appeared first on Puntland Post.
  2. Baydhabo (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Guduud kusoo dhaweeyay Madaxweyaha iyo gudddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, xildhibaanno, wasiirro iyo mas’uuliyiin kale. Ra’iisul Wasaaraha oo kumannaan dadweyne ah oo soo dhaweyntiisa isugu soo baxay kula hadlay garoonka kubbadda Cagta ee Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo, ayaa bulshada reer Koonfur Galbeed uga mahad celiyay soo dhaweynta ballaran ee wafdigiisa ay u sameeyeen. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicsiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyay booqashada uu ku tagay deegaannada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Ra’iisul Wasaaraha oo madaxweynaha Koonfur Galbeed ku ammaanay horumarinta deegaanka iyo sida uu u wanaajiyay xariirka dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed, ayaa sheegay inta uu joogo in uu kala hadli doono horumarinta caafimadka, waxbarashada, adkeynta amniga, xoreynta deegaannada Koonfur Galbeed iyo shaqo abuurka dhallinyarada. Raiisul wasaaraha Soomaaliya ayaa muddooyinkan wuxuu ku sugnaa deegaanada Galmudug, halkaasi oo uu ka waday dadaalo dib u heshiisiineed,wuxaana uu halkaas kasoo furay Shirka dib u Heshiisiinta galmudug kaas oo ay ka qeybgalayaan ergooyin badan oo reer galmudug ah, Sidoo kale wuxuu booqday magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Galmudug.
  3. Baydhabo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Guduud kusoo dhaweeyay Madaxweyaha iyo gudddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, xildhibaanno, wasiirro iyo mas’uuliyiin kale. Ra’iisul Wasaaraha oo kumannaan dadweyne ah oo soo dhaweyntiisa isugu soo baxay kula hadlay garoonka kubbadda Cagta ee Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo, ayaa bulshada reer Koonfur Galbeed uga mahad celiyay soo dhaweynta ballaran ee wafdigiisa ay u sameeyeen. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicsiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyay booqashada uu ku tagay deegaannada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Ra’iisul Wasaaraha oo madaxweynaha Koonfur Galbeed ku ammaanay horumarinta deegaanka iyo sida uu u wanaajiyay xariirka dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed, ayaa sheegay inta uu joogo in uu kala hadli doono horumarinta caafimadka, waxbarashada, adkeynta amniga, xoreynta deegaannada Koonfur Galbeed iyo shaqo abuurka dhallinyarada. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: SHARE Facebook Twitter View the full article
  4. Muqdisho (SMN) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta 7 qof oo dhaawac ah diyaarad uga soo qaatay degmada Awdheegle ee gobolka Sh/ Hoose. Dadkan oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay qarax Miino oo todobaadkii hore ka dhacay gudaha degmadaasi, xilli ay ku jireen olole nadaafadeed. Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in hadda dhawaacyada dadkaasi oo qaarkood ay daran yihiin lagu dabiibayo M/Muqdisho. Awdheegle oo dhowaan ka wareegeen ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa waxaa inta badan weeraro iyo qaraxyo ka fulisa Al-Shabaab. View the full article
  5. Muqdisho (SMN) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta haaiyey shaqadii hay’adda dambi baarista ee CID-da. War qoraal ah oo ay barteeda Facebook-ga soo dhigtay taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaliyeed, Generaal Zakiyo Xuseen Axmed ayaa lagu wargaliyey Ummadda Soomaaliyeed in muddo saddex maalmood ah la hakiyey bixinta warqada dambi la’aanta. Qoraalkan ayey sidoo kale Zakiyo ku sheegtay in dib u habeyn lagu sameyn doono sida hadda lagu helo warqaddaasi oo ay bixiso hay’adda CID-da. Halka hoose ka akhriso: “Taliska Ciidanka Boliiska oo ka jawaabaya cabashada ka timid bulshada Soomaliyeed waxaa dhamman shacabka ku sugan G/Banadir la ogeeysiinayaa in muddo sadax malmood ah la hakiyay bixinta warqada dembi la’aanta taasoo bixisa hoggaanka CID muddadaas aan dooneyno in dib-u-habeyn hufan ku sameeyno nidaamka helista warqada dembi la’aanta. Bulshada sharafta leh waxaa ka codsaneenaa in ay inoo dulqaataan muddada aan howlshaas wadno.”ayay tiri Taliye Zakiya. View the full article
  6. MOGADISHU (HOL) - Media organisations have condemned the blocking of two websites in Puntland and Somaliland terming the move an affront to press freedom and denying the public access to information. Source: Hiiraan Online
  7. Nairobi (SMN) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa la sheegay inuusan ku faraxsaneyn shaqada wasiirkiisa Arimaha Dibada Monica Juma, waxaana uu qorsheynayaa inuu xilka ka qaado. Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in shaqsiyaad awood badan leh oo ku dhow Madaxtooyadda ay ku qanciyeen Uhuru inuu bedelo Monica Juma, oo mudo xilkana heysay. Waxuu sheegay wargeyska in Uhuru uu aad uga niyad jabay qaabka Monica Juma u maareysay kiiska Badda ee dalkeeda kala dhaxeeya Somalia iyo inay hoos u dhigtay awoodda diblomaasiyadeed ee Kenya. Khilaafka Uhuru iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda ayaa imaanaya, iyadoo Maxkamadda Caalamiga ee cadaaladda ICJ ay khamiistii la soo dhaafay dib u dhigtay dhageysiga dacwadda Badda, taas oo la filayey inay billaabato 9-ka bishan. Muddo labo bilood oo kale ayaa dib loo dhigay kiiska badda dhageysigiisa, iyadoo la filayo in maxkamadda dib uu furto 4-ta bisha November ee sanadkan. Marka laga soo tago kiiska Badda, Uhuru Kenyatta ayaa ka cabsi qaba inuu dalkiisa ku guul-dareysto tartanka uu ugu jiro inuu helo kursiga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey, kaas oo kaga adkaadeen wareegiisa kowaad dalka Jabuuti todobaadkii tagey. View the full article
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Kheyre ayaa ku kala aragti duwanaaday cidda ay dowladda u sharaxaneyso Doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo Galmudug. Ra’siulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isaga wato Wasiir Qoor Qoor oo deegaan ahaan kasoo jeedo Cadaado, wuxuuna qabaa in Beesha Saleebaan la siiyo Xilka maadaama laga soo wareejiyey Caasimadda. Balse sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka Mareykanka ka wacay musharax uu doonayo inay dowladda u sharaxato Doorashada Galmudug. Musharaxa uu Farmaajo kasoo dajiyey Magaalada Muqdisho ayaa magaciisa lagu soo koobay Cabdi Dheere, waxayna muddo saaxiibo ahaayeen Madaxweyne Farmaajo. Cabdi Dheere ayaa kasoo jeedo Beesha Sacad, gaar ahaan lafta Reer Jalaf, waxaana la filayaa inuu dhawaan ku dhawaaqo musharaxnimadiisa. Waxaa durba bilowday loolan adag oo u dhaxeeyo Ra’isulwasaaraha iyo Madaxweynaha oo ku aadan cidda noqoneyso musharaxa Dowladda ee Galmudug. Doorashada ka dhaceyso Galmudug ayaa noqon doonto mid aad u adag oo aan la saadaalin karin maadaama ay ku tartamayaan mucaaradka iyo Dowladda, sidoo kalana waxaa jiro loolan gudaha Dowladda ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  9. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-07092019.mp3 View the full article
  10. Askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka gaar ahaan Booliska ayaa goordhow qof shacaba ku dilay mid kalana ku dhaawacay gudaha magaalada Muqdisho. Sida qof Goobjoog ahaa uu u sheegay Goobjoog News dilka ayaa ka dhacay meel u dhow koontarool ciidamada Booliska ay ku leeyihiin isbilaatalka Masaardida ee degmada Hodan. Goobjoogaha ayaa sheegay inuu dilk dhacay ka dib markii wadada ay jaam noqtay kadibna uu askariga xabado furay kuwaas oo sababtay geerida qofka dhintay oo lagu sheegay inuu dumar ahaa, halka qof kalana uu soo gaaray dhaawac, oo la socday mooto Bajaaj ku socdaaleysay wadada . Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu askarigii dilka iyo dhaawaca geystay uu goobta ka cararay, ciidamadii goobta ku sugnaa ayaana ku guul dareystay in ay gacanta ku dhigaan askarigii falka geystay. Dhanka kale waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda federaalka ee Soomaaliya oo ku aadan dilka iyo dhaawaca ka dhacay dagmada Hodan ee gobalka Banaadir. Dilalka iyo dhaawacyada ciidama ammaanka ay u geystaan dadka shacaka gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa soo lab laabtay mana jiraan ilaa iyo hadda xal laga gaaray oo lagu baajinayo dhiiga shacabka ee maalin waliba daadinayaan ciidama dowladda. Goob joog News Source: goobjoog.com
  11. The invitation of Botswana writer and actor, Donald Molosi, to present a screening of his film at Hargeysa Cultural Centre has drawn criticism of a poet in Somaliland. Yusuf Sha’ir convened a press conference in Hargeysa this week to castigate what he views as a new development against “our culture and religion”. He took issue with the decision by Jama Musse Jama, the founder of the flagship centre, to give a platform to a “man who promotes same sex marriage”. Sha’ir said that neighbouring Ethiopia barred promoters of same sex marriage from conducting a training in Ethiopia. “Several years ago Hargeysa International Book Fair invited a woman who campaigns for same sex relationships. When we asked Jama if he was aware the African man’s activism, he said that the Centre had not been aware of Molosi’s political activities” Sha’ir added. Donald Molosi is a novelist and actor who actively campaigns for decriminalisation of same-sex relationships. The Botswana government is appealing against a ruling that legalised homosexuality in the land-locked country in Southern Africa . The Chairman of Somaliland opposition party, UCID, Faysal Ali Warabe came out in defence if Hargeysa Cultural Centre. “The Centre is a place through which we interact with the world. Enemies constantly target it” he said without specifying who the enemy is. © PUNTLAND POST The post A Poet Criticises Hargeysa Cultural Centre appeared first on Puntland Post.
  12. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Waftigaan waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada maamulkaasi. PUNTLANDPOST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo gaarey magaalada Baydhabo. appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa ka Jawaabay Cabasho kaga timid bulshada Soomaliyeed,taasi oo la xiriira bixinta warqada dembi la’aanta ee CID-da Taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliyeed Zakia Xuseen Axmed ayaa dhamman Shacabka ku sugan Gobolka Banaadir ka codsatay in muddo sadax malmood ah la hakiyay bixinta warqada dembi la’aanta,taasi oo uu bixiyo hoggaanka CID-da dowladda. War qoraal ah oo barteeda Facebook ay ku soo qortay Zakiya ayaa waxaa ay sheegtay in Mudada kooban la joojinta bixinta Warqada ay hoggaanka CID-da ku doonayan inay dib-u-habeyn hufan ku sameeyaan nidaamka helista warqada dembi la’aanta. “Taliska Ciidanka Boliiska oo ka jawaabaya cabashada ka timid bulshada Soomaliyeed waxaa dhamman shacabka ku sugan G/Banadir la ogeeysiinayaa in muddo sadax malmood ah la hakiyay bixinta warqada dembi la’aanta taasoo bixisa hoggaanka CID muddadaas aan dooneyno in dib-u-habeyn hufan ku sameeyno nidaamka helista warqada dembi la’aanta. Bulshada sharafta leh waxaa ka codsaneenaa in ay inoo dulqaataan muddada aan howlshaas wadno” ayay tiri taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Sakiyo Xuseen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  14. Kenyan President Uhuru Kenyatta is unhappy with Foreign Affairs Cabinet Secretary Monica Juma and is considering sacking her. Apart from the growing internal disquiet in her Ministry, Monica is on the spotlight from powerful individuals close to State House for Kenya’s alleged dwindling diplomatic power. The Head of State, according to people close to him, thinks the CS has not lived up to the expectation and has been unable to steer Kenya’s foreign policy well. It is understood the CS is not getting along with her Principal Secretary, Ambassador Macharia Kamau, and that most of the time the two work at cross-purposes. “Each one of them is doing what they want. Instead of pulling together in the interest of the country the two are busy doing their own things,” said a cabinet minister aware of the friction. The President is also unhappy with the manner in which the CS has handled the thorny Somalia maritime issue. The International Court of Justice on Thursday agreed to delay the public hearing of a case in which Somalia has sued Kenya over a maritime boundary dispute. Court Registrar Philippe Gautier said the ICJ would open public hearings for the case on November 4, not September 9 as earlier scheduled. Kenya had on Tuesday asked the court to delay the hearings by up to a year, citing the inability to be adequately represented and that it needed time to recruit a new legal team. Until Thursday Kenya was being represented by Prof Payam Akhavan from the US, Prof Vaughan Lowe QC from the UK, Prof Alan Boyle (British), Prof Mathias Forteau (French), Mr Karim Khan (British) and Amy Sanders (British). “Apart from the legal team, our behind-the-scenes diplomacy has not worked. The team that has been handling the issue has been underrating Somalia. As a result, even our traditional (friends) have not been lobbied properly and others have no idea of what support we would like,” said a senior official in the Office of the President. There is also concern that Kenya could suffer a humiliating defeat at the United Nations during elections for the non-permanent Security Council’s seat. Last month, Kenya defeated Djibouti at the African Union for the Security Council seat. The victory, one of the rarest feats in recent times at the AU, came in the second round, with Kenya garnering 37 votes against Djibouti’s 13. But in an interesting turn of events, Djiboutian Permanent Representative to the UN said soon after that the country will not quit the race for the non-permanent membership slot. The country has continued with its campaign – especially with Arab and Islamic states – in a bid to secure the UN Security Council seat for the 2021-2022 term. “Our lobbying for this position has been chaotic. We are not sure who among the permanent members with veto powers is with us. If we do not change things Djibouti will embarrass us,” warned an officer at the Foreign Affairs. Juma is also accused of antagonizing Ethiopia, Kenya’s crucial ally in the region. The Star has also established that on Thursday this week, Monica engineered a massive redeployment in the ministry that put key directorates in the hands of non-diplomats. The changes, expected to take effect on Monday, affected a record 14 directorates but heightened unease in the ministry. “Accordingly, officers are instructed to prepare their handover notes and take their new portfolios by Monday, 9th September 2019,” the deployment letter reads in part. However, Monica broke the tradition and named individuals who are not yet ambassadors as diplomats. Among them is Immaculate Wambua, who was given lucrative America’s Directorate, and Lindsay Kiptines, who was handed giant Asia, Australia and Pacific Islands desk. The changes affected all the 17 directorates except diaspora and consular affairs and the Directorate of Events and Conferences. Monica, an Oxford University-trained scholar, has also come under fire for failing to spearhead the appointment of a new ambassador and his deputy in New York. Cotu secretary general Francis Atwoli was among influential leaders to openly call for the sacking of Monica. “I want to plead with President Uhuru Kenyatta. He should reshuffle his Cabinet. In Japan, I didn’t see a good picture as an international person. I didn’t see Kenya’s good picture in Japan,” Atwoli said in respect to the just-concluded Tokyo International Conference on African Development (TICAD-VI). He went on, “Lobbying went on there. But because of a weak minister or ministers that lobbying put us aside. President Kenyatta must be keen on his Cabinet. He should reshuffle his Cabinet particularly the Ministry of Foreign Affairs.” It’s alleged that President Kenyatta was not given an opportunity to address the forum yet Kenya was the immediate former host of the influential conference in 2016. There is also disquiet among serving officers over the “recycling” of retires to serve as Kenya’s ambassadors. This comes at a time when some ambassadors in the Ministry have not been reposted to foreign missions for almost 10 years since being recalled. The Foreign Service Regulations state career ambassadors who have been recalled from their stations abroad should be re-posted after utmost two years. “There is only a skeleton in staff in missions while the bulk in Nairobi is underutilized. The general opinion is that the PS should manage the human resource docket, not the CS who is ever traveling and she does not know her staff well for appropriate deployment and use,” a senior official in the ministry told the Star. View the full article
  15. A Somali military court on Saturday sentenced a soldier to death by firing squad for killing three civilians in the capital, Mogadishu last year. The victims — Hassan Ahmed, Hussein Ahmed, and Abdullahi Ahmed — were killed in Karaan district by the soldier, Constable Hashi Ali on June 17, 2018. “After having heard the case and evidence presented, I hereby sentence Constable Hashi Ali who killed three brothers deliberately in June 2018, to death,” the military judge said. Meanwhile, the military court judge stressed that the defendant can pursue an appeal. View the full article
  16. Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa goordhow barteeda Facebooga ku sheegtay in la istaajiyey shaqada ka socotay CID ee la xiriirtay bixinta warqada dembi la’aanta. Zakiya Xuseen Axmed ayaa intaasi ku dartay in sababta loo hakiyey ay tahay iyada oo laga jawaabayo cabasho ka timid dadka, oo ku saabsan arrinkan, waxaa ay balanqaaday dib u habeyn. Qoraalka Zakiya Xuseen Axmed waxaa uu u qornaa: “Taliska Ciidanka Boliiska oo ka jawaabaya cabashada ka timid bulshada Soomaliyeed waxaa dhamman shacabka ku sugan G/Banadir la ogeeysiinayaa in muddo sadax malmood ah la hakiyay bixinta warqada dembi la’aanta taasoo bixisa hoggaanka CID muddadaas aan dooneyno in dib-u-habeyn hufan ku sameeyno nidaamka helista warqada dembi la’aanta. Bulshada sharafta leh waxaa ka codsaneenaa in ay inoo dulqaataan muddada aan howlshaas wadno”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa eryay dhammaan xoghayeyaashii xisbigaasi, marka laga reebo kuwii uu magacaabey doorashadii 2017kii ka dib. Sidoo kale wuxuu Faysal eryay dhammaan madaxda laamaha dibadda ee xisbiga UCID. Qoraal uu soo saaray ayuu sidaas ku sheegay Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in uu muddo laba toddobaad ah hakiyay shaqadii uu u hayay dadka reer Somaliland oo xafiiskiisa ugu imanaya si uu ugu adeego. Wasiir Axmed Muumin Seed muu sheegin sababta laakiin warqad qoraal oo soo saaray ayuu ku sheegay arrintan Halkan hoose ka akhriso: Source
  19. Wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada Cabdillaahi Dheere ayaa ka hadlay saami-qaybsiga, Halkan hoose ka DAAWO Source
  20. Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah mudane Abshir Maxamed Axmed ayaa saqdii dhexe ee Khamiista waxaa uu khudbad dheer oo ka jeediyey daah furka shirka dib u heshiisiinta Galmudug. Senator Abshir waxaa uu ka hadlay hannaanka dib u heshiisiinta Galmudug, kaalinta odeyaasha dhaqanka ee xulista xildhibaannada, sida ay muhiim u tahay in matalaad ay goleyaasha ka helaan dadka barakacayaasha ah ee ku nool Galmudug iyo ugu dambeyntii sida ay muhiim u tahay in dowladda federaalka ah gaar ahaan xukuumadda Kheyre ay ka fogaato faragelinta doorashada, loona baahan yahay in masaafo isku mid ah u jirto murashaxiinta. Haddaba, Goobjoog News ayaa qortay khudbadda oo dhameystiran: Bismillaah, ra’isulwasaaraha Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliyeed mudane Xasan Cali Kheyre, xildhibaannada baarlamaanka federaalka ee Soomaaliyeed, xildhibaannada dowlad gobaleedka Gamudug, odeyaasha dhaqanka, salaadiinta, boqorrada, ugaasyada, imaamyada, guddiga dib u heshiisiinta iyo hoggaankooda, marti sharafta, dhalinyarada, haweenka, bahda Saxaafadda iyo abwaanada Waabari Galmudug intaas oo dhan waxaan ku salaamaya salaan diiran. Salaan ka dib, waxaan faraxad weyn ii ah caawa in aan halkan ka soo qeyb galo aniga oo matalaya baarlamaanka federaalka Soomaaliyeed, waliba aniga oo si gaar ah u matalaya kuna hadlaya afka iyo magaca mudenayaashii labada gole ee maanta ay noo fududaatay oo ay noo suurogashay in aan halkan soo gaarno si aan uga qeyb galno furitaanka shirka dib u heshiisiinta Galmudug, waxaan filayaa in ay noqon doonto towfiiq iyo shir lagu guuleysto, maxaa yeelay waxaan maanta soo gabagabeynay shir kale oo dib u heshiisiin ah oo la yiraahdo shirka nabadda ee Hobyo, shirkaas oo shan beel oo ka mid ah beelaha Galmudug ee halkan fadhiya ay mar hore ku soo heshiiyeen, tabashooyinkii iyo waxyaabihii iyaga ka dhaxeeyay muddo 50 maalmood ah oo ay halkaas fadhiyeen, marka shirkaas oo soo gabagaboobay, waxaa ku soo xigsaday furitaankii isla maanta shirkam, gelinkii hore ayuu kaasi soo idlaaday kana waxa uu furmay galinkii danbe ee caawa, marka waxaan leeyahay shirkan waxaa uu dhameystiri doonaa shirkaas oo soo gabagaboobay, intaa ka dib shirkan caawa halkaan loo fadhiyo oo ah shirka dib u heshiisiinta Galmudug waxaan ku macneyn karaa inuu yahay shirkii 2aad ee dib u heshiisiinta Galmudug, maxaa yeelay shirkii 1aad ee dib u heshiisiinta Galmudug waa midkii Galmudug lagu soo yagleelay, oo lagu soo dhisay, waa midkii dadka aniga aan ka midka ahay ee halkan jooga mudanayaashii ay soo doorteen aan ka mid nahay, waa shirkii mudanayaashii ka soo baxay dowladda hadda jirta golayaasheedana ay ku jiraan laanteeda fulintana ay soo doorteen, sidaas darteed Galmudug waxaa ay leedahay taariikh fog oo dib u heshiisiin ah ka dib markii Galmudug oo maamullo kala gadisan ah qolaba ay meel dagan tahay la suurta galiyay in dadaal, tanaasul iyo dib u heshiisiin waqti qaadatay ay ka dhalatay dowlad gobaleedkii Galmudug. Waxaan rabaa inaan si gaar ah kale ugu mahadceliyo anigoo munaasabaddaan ka faa’ideysanaya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, oo ka mid ahaa dadkii yagleeklay Galmudug oo waliba yagleeliddii Galmudug ka qaatay kaalintii ugu weyneed maadaama uu tanasulay oo uu Galmudug wax kasta in ay sameysanto ka doorbiday, waxaan leeyahay senator aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay, Galmudugtaas maanata shirkaan aan u fadhino oo ah shirka dib u heshiisiinta Galmudug qeybtiisa 2aad waxaa uu noqonayaa mid dhameystiraya midkii ka horeeyay, haddaba isiga laftgiisa sida caawa halkan lagu fadhiyo waxaa uu ku yimid dadaal iyo tanaasuliyo isu sabar aan filayo in qof kasta ay maanta ka dharagsan tahay, waxaana horseed ka ahaa ururka Ahlusunna waljamaaca oo madaxdiisii qaarkood halkan ay fadhiyaan, waxaan leenahay iyaga mahad balaaran ayaan u jeedinaynaa, tanaasulka ay u sameeyee Galmudug in ay soo gaarto marxaladdaan. Aniga oo munaasabaddan uga faa’ideysanaayo in aan isagana uga mahadceliyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo isaguna suurtogeliyay Galmudug meeshaan hadda aan joogno inuu keeno, tanaasulkaasna isagu uu soo bilaabay, qof kasta oo ka qeyb qaadatay dhismaha maamulka Galmudug bilow ilaa iyo maanta la joogo oo dowlad ah, mas’uuliyiin kala gedisan ah, oo dhaqan ah oo bulsho ah dhammaantood, waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin, waxaadna waqti ku bixiseen marxaladda caawa la joogo in la yimaado. Su’aasha taagan waxaa ay tahay Galmudug haddii horay loo soo heshiiyay dib u heshiisiintan maxay tahay? Dib u heshiisiintan waxaa ay tahay waan sheegnay oo waa dib u heshiisiin dhameystiraysa middii ka horeysay, lakiin miraha laga rabo dib u heshiisiintan ayaa ka gedisan middii tii hore laga rabay, dulduleelkii iyo qabyadii hore ee ku jirtay Galmudugtii hore ee sababtay iney ribato ayaa la rabaa in lagu turxaan bixiyo shirka halkan caawa lagu daah furayo, shirka dib u heshiisiinta Galmuldug oo ay fadhiyaan cuqaashii, nabadoonadii, salaadiintii, imaamyadii markii horaba soo dhisay iyagana waxaan leenahay waad mahadsan tihiin markale ayeey Galmudug idiin baahatay. Galmudugta aan maanta u baahannahay oo la rabo in la dhisaa waa Galmudug aan mar sedexaad u baahandoonin dib u heshiisiin, oo dib u heshiisiintaan ay dowladda federaalka hormuudka ka tahay, ra’iisalwasaaraheenii uu dadaalka ku bixiyay, mudane Xasan Cali Kheyre waa mahadsan yahay raiisalwasaaruhu, waxaan filayaa inaan hadda kadib loo baahan doonin Galmudug mar sedexaad dib u heshiisiin loo raadiyo, maadama Galmudug hadda ay ku jirto muddo xileedkeedii labaad ee dastuuriga ahaa, haddii hadda la sameeyo goleyaashii fulinta iyo wakiilada waxaan filayaa Galmudug inaysan gali-doonin hadda ka dib hakad, oo markasta oo muddo xileedkeeda uu dhamaado si habsami leh ugu gudbi doonto muddo xileedka kale. Galmudugta la rabo in ay ka soo baxdo shirkan dib u heshiisiinta ah waa Galmudug mideysan, waa Galmudug aan tafaraaruq laheyn, waa Galmudug adeegii looga baahnaa iyo himaladii iyo hankii ay umadda ka lahaayeen fulin karta, kana haqab-tiri karta bulshadeeda, haddii aan si kale u dhigo Galmudugta laga rabo in ay ka soo baxdo shirkaan dib u heshiisiinta waa Galmudug ku taagan hey’ado dastuuri ah oo xoogaan, hey’ado maamul oo xoogan iyo hey’ado u shaqeeya dadka, hey’ado Galmudug ka gudbiya marxalad una gudbiya marxalad kale oo hakad ka ilaaliya, taas oo macnaheedu tahay waxa loo baahan yahay Galmudug maanta kadib aan mas’uuliyiinteeda, hoggaankeeda aan lagu ridin Garaashyo, Galmudug mas’uuliyiinteeda maanta ka dib aysan dhicin in ay is qabsadaan, Galmudug aan ku kala shaqeynin laba deegaan, Galmudug aan yeelan laba mas’uul, ee waxaa la rabaa in ay ka soo baxdo shirkan dib u heshiisiinta ah ee caawa halkaan lagu daah furayo Galmudug leh hey’ado dastuuri ah oo xoogan oo ka ilaaliya hakadka hadda galay. Waxaan rabaa inaan halkaas uga baxo shirka dib u heshiisiiinta caawa halkan nooga furmayo, oo aan rajeynayo inuu inuu noqan doono mid lagu guuleysto, waxaana mahaddaas iska leh oo aan filayaa in dhammaan dadka reer Galmudug ay abaal uga heyn doonaan qof kasta oo dadaal ku bixiyay, qof kasta oo waqti geliyay, qof kasta oo tanaasul u sameeyay, qof kasta oo ka door biday dantiisa gaarka ah in la gaaro danta guud, intaa ka dib haddii Galmudug heshiiskeeda la sameeyo oo dib u heshiisiinteeda la sameeyo, waxaa loo baahanyahay in la dhiso Galmudugtii aan soo tilmaamay oo lahaa hey’adaha dastuuriga ah ee ku dhisan tiirar adag , haddaba Galmudugtaas yaa mas’uuliyadaas ka saaran tahay ee loo baahan yahay? Waxay mas’uuliyadi ka saarantahay cuqaasha, nabadoonada, salaadiinta iyo boqorada halkan fadhiya, oo waajibka saaran ah in la helo mudanayaashii Galmudug matali lahaa, in ay u soo xulaan, oo Galmudug u soo xuli lahaa hoggaanka Galmudug, haddana oo gaarsiin lahaa Galmudug mideysan oo kawada howlgasha dhammaan deegaanada Galmudug, mideeyana Galmdug xagga siyaasadda iyo xagga amniga, sidaas darteed waxaa saaran cuqaasha halkan fadhisa, nabadoonada, salaadiinta, boqorada iyo imaamyada isugu jira mas’uuliyad aad iyo aad u culus , Galmudugtaas oo caawa halkan aan dib u heshiisiinteeda aan u fadhino oo la dhisi doonaa sida ay u ekaato ayuuna ayuu hoggaankeedana u ekaan doonaa, sida ay u ekaato ayuu deegaankana u ekaan doonaa, sida ay u ekaato ayuu Galmudug oo dhan u e kaan doontaa siyaasad iyo amni ahaanba, waa mas’uuliyad culus oo ka soo bilaabaneysa salaadiinta halkaan fadhisa caawa. Waxaan kaloo rabaa Galmudug la dhisayo oo la yiri waa 11 qabiil, waxaan rabaa in aan fursaddan uga faa’ideysto Galmudug in laga dhigo maadama muddo xileedkeedkeedii labaad la yagleelayo in laga dhigo 12 qabiil, qabiilkaas oo ah dadka barakacayaasha ee ku nool deegaanada deegaanka Galmudug, waxaa ay tiradoodu gaareysaa ilaa 90,000 oo qof, Galmudug keliya barakacayaasha ku nool si dalka Soomaaliyeed uu u helo midnimo, dadku ay u noqdaan dad hal ah, dalka federaalka uu u noqdo “federal inclusive ah”, oo dalka dad kasta oo deggan waa in ay helaan matalaad cid matasha, oo matalaad dhab ah siisa, dadka barakacayaasha ah ee Soomaaliya joogaa waxaa lagu qiyaasaa hal milyan iyo bar, marka meel kasta oo joogaan waxaa ay u baahan yihiin matalaad, gaar ahaan dowlad gobaleedyada aysan ku laheyn matalaadaa sida dowlad gobaleedka Galmudug, Puntland iyo Hirshabeelle, marka Galmudug waxaa sharafweyn u ah oo aan ku guubaabinayaa in ayadu bilaawdo in dadkaasi helaan matalaad dhab ah, maadama Galmudug ay ku dagan yihiin tiro aad iyo aad u badan oo aan ka yareen qabiilada Galmudug daga. Waxaan rabaa inaan dardaaran yar ama talo soojeedin ka bixiyo, tala soojeedintaas aan u soo jeedinayo dowladda federaalka Soomaaliyeed madaxdooda oo ugu horeeyo ra’isulwasaaare xasan Xasan Cali Kheyre, taas oo ah si loo helo Galmudug mideysan, oo dadkeeda oo dhan ay wada dareemayaan in Galmudug ay wada leeyihiin, waxaa lagama maarmaan ah in dowladda federaalka ah process-ka iyo hannaanka Galmudug hadda dib loogu yagleelayo sida ay ku wado hadda oo si inclusive ah oo aan ku bogaadineyno oo aan uga mahadcelinayno inuu process-ka uu sidaas ku socdo, oo dhammaan dowladdu ay noqoto hey’adaheeda oo dhan dowlad iyo hey’ado dadka Soomaaliyeed ay u siman yihiin, dadka Soomaaliyeed dhammaan ay xooggeeda iyo xoolaheeda iyo maamulkeeda intaba ay u siman yihiin. Sidoo kale dad allaala dadka ku tartami doona Galmudug oo Galmudugta caawa dadaalkaan lagu bixinaayo, intaan oo qof la is kugu keenay oo ilaa 1000 ku dhow sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta , meeshaas oo la rabo inuu ka soo baxo hoggaan ka kooban labada laamood ee fulinta iyo sharci dajinta dowlad gobaleedka Galmudug, si taas loo gaaro waa in dowladda federaalka ah gaar ahaan xukuumadda ay process kaas ka qaadataa fogaan ka fog midda dad kale loo baahan yahay oo dhibka iyo mushkilada laga yaabo in maanta Galmudug ay ku hayaan inta la rabo inay ka fogaadaan, ay ka fogaato, oo dadkaasi oo dhan ay helaan musharaxiinta dhan si fare ah oo xuquuqdoodo simman tahay in dhammaantood ay fursadda isla helaan, waxaan hadalkaas u leeyahay waxaa ay tahay caawa oo dhan halkan waxaa ka socday Galmudug quruxbadan, Galmudug qurxoon ayaan u baahan nahay, si loo helo Galmudugtaas, waxaa lagama maarmaan ah process-kii ay ku imaan laheyd la hirgaliyo, haddana waxaa muuqda bar bilawgeedii sida ay ku bilaabatay waa si ififaalo fiican ah oo aan rajeynayno in ay sidaasna ku dhamaato, si loo helo Galmudug mid ah oo mideysan, oo leh hoggaan labadiisa laamood oo fulin kara himilada iyo hanka dadka reer Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Dagaalkii lagu qabsaday dalka Ciraaq waxaa go,aankiisa gaaray koox kooban oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga (Republican-ka) kuwaasi lagu tilmaami jiray dagaal u oomanayaal ( war mongers), kulan qarsoodiya ka dib waxay go’aan ku gaareen in weerar lagu ekeeyo dalka Ciraaq. markii kulankoodu soo dhamaaday 15 daqiiqo ka dib wakaallada wararka ee Reuters ayaa shaacisay in dagaal lagu qaadi doono dalka Ciraaq, kulanku waxaa uu ahaa qarsoodi waxaa go’aanka gaaray koox kooban oo saaxiibo ah oo is dhaarsaday oo aan 10 nin ka badanayn, haddana waxaa la yaab noqotay in 15 daqiiqo ka dib dagaal dhacaya ay shaaciso wakaallad ka mid ah kuwa adduunka ugu af dheer. Isla markiiba dawladdii George W Bush waxay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah dalka Ciraaq, iyagoo ogaaday warka ay sheegtay Reuters uu yahay mid dhab ah, waxaa iyana rumaysteen in xogta dagaalka oo xasaasi ahayd uu baxshay mid ka mid ah raggii dagaalka go’aamiyey. Weriye laylyoon ama warfidiyeen taba baran oo lagu canqariyey wadaniyad dal jacayl iyo inuusan danta dalkiisa waxba ka hor marin waxa ay mar walba isku daaban yihiin siyaasigiisa danta qaranna ay ka midaysan yihiin, hase yeeshee taasi micneheedu ma aha inay wax kasta isku raacsanyihiin, waxay kala aragti ka yihiin wixii danta guud wax u dhimaya oo xaqiiq la taaban karo ku salaysan, waxaana weriyahani leeyahay shaqsiyad ay buux dhaafisay isku kalsooni lagu soo ababiyey inuusan marti u noqon waxaa uu aaminsan yahay. Weriyaha leylyoon waa taba bare xambaarsan dhaqankiisa iyo afkiisa iyadoo, inta badan lagu tixgeliyo qorraaladiisa, codkiisa iyo hadba shaqooyinka uu soo bandhigo tayadooda, waxaa inta badan tusaalooyin iyo raad raac ka dhigta jaamacadaha iyo guud ahaan dugsiyada wax barasho,halka idaacadaha iyo teleshinaduna ay si toos ah u xigtaan. Wariye leylyoon: muxuu xaq u leeyahay? Waxaa uu xaq u leeyahay inuu dhowro sharaftiisa, shaqsiyadiisa, tayada aqoontiisa iyo in la siiyo taba barro iyo weliba xirfada ku aadan hadba qaybta saxaafadeed ee markaasi ka shaqaynayo, waxaa iyana intaasi raacda oo xaq u leeyahay in maamulka uu ka dhex shaqaynayaa uu mar walba tix gelin dheeraad ah siiyo wararkakiisa, faallooyinkiisa iyo weliba baarintaanadda uu sameeyo si xog uu soo badhigay wax loogu qaybsado. Waxaa iyadana xusid mudan in war-baahinta qaarkeed ay weriyeyaashooda aad u ilaaliyaan nabadgelyadooda, il gaar ahna lagu eego sida uu u nool yihiin maadaama ay dhici karto in mararka qaar ay soo food saari karto arrimo ragaadin kara tayadda shaqadooda. Waajibka laga rabbo Weriyaha leylyoon ayaa waxaa waajib ku ah inuu dhowro dhaqanka bulshadiisa mar walbana uu u hogaasanaado sharuucda dalkiisa u taal,waxaa kale oo laga rabaa inuu noqdo shaqsi u adeega bulshada dhowrana shuruucda saxaafadeed, iyadoo uu iska ilaalinayo wax walba oo keeni kara mad madow ah inuu dano gaar ah u adeegayo isagoo waliba ka hor imaanaya dantii guud, ama inuu cid gaar ah basaasa u yahay. Waxa iyana waajib ku ah goobaha qaarkood inuusan la geli karin Camera-da sida xeryaha ciidamada xarumaha Booliiska maxkamadaha ,guud ahaan arrimahan oo dhamina waxay ku xusan yihiin xeerarka saxaafadeed ee caalamiga ah, ujeedaduna waxaa weeye in laga fogaado wax kasta oo wax u dhimaya ammaanka qaranka iyo sharafta suxufiga. Marka la eego weriyaha Soomaaliyeed dalka gudihiisa ku sugan ayaad moodaa in waajibkiisa shaqo ee dalkiisa iyo dadkiisa uu hayo uu marti uga yahay hogaamiyaha kolkaas talada haya, waxayna noqon kartaa laba arrimood midkood, in suxufigu si indha la’aan ah ugu milmo hogaanka markaas jooga oo uu noqdo weriye qalbigu madoobaaday oo wixii la doono lagu shubto iyo inuu noqdo weriye ban joog ah mucaarad aan loo meel deyin maamulka dusha uga tuuro, waxaa suura gal ah inta badan inaysan mucaaradnimadiisu ku salaysney gol daloolooyinka maamuka ee ay ku salaysan tahay sidii musuqmaasuqa uu qayb uga noqon lahaa, waxaana arrimahani meesha ka saareen guud ahaan waajibkii saxaafadeed iyo xaqii dalku lahaa. Dhankoodana maamullada dalalka soo koraya oo ay Soomaaliya ugu horaysa ayaa qayb ka ah hoos u dhaca hal abuurka iyo barbaarinta saxafiga, iyagoo inta badan awoodda saara inay gacanta ku qabsadaan hadba weriyihii ay u arkaan inuu durbaanka u garaacayo, waxana isla duma oo howl gab isla noqda maamulkii markaas xilligiisu dhamaaday iyo weriye da’ yar oo la rabay inuu mustaqbal ifya ku yeesho bulshadiisa. Marka la eego maamulka Puntland ayaa moodaa inay kala go’anyihiin saxaafadda waxaana arrintaan lagu saleeyey in madaxdu aysan jeclayn in waraysiyo lala yeesho, waxna laga weydiiyo hadba dhacdooyinka markaasi taagan, iyadoo arrintan gun dhig looga dhigay dawlada oo aaminsan in saxaafaddu ay tahay mid aan tayo lahayn kuna shaqaysa lacag lagu shubto, waxaana tani meesha ka saartay waajibkii dalku labada dhinacba ku lahaa. Marka arimahan laysu wada geeyo ayaa ah xil-kasnimo la,aan, waxana eedeeda iska leh maamulka oo waajibka loo igmaday ay qayb ka ahayd inay ka shaqeeyaan tayeynta weriyeyaasha iyo ku dhiiri gelinta inay dalkooda u shaqeeyaan waardiyana ka ahaadaan dhibaatooyinka siyaasadeen iyo bulsho ee dhinackasta kaga xeeran. Dhinacoodana weriyaasha ayaa laga rabaa inay dalkooda ugu shaqeeyaan iskaa wax u qabso iyagoo tooshka ku ifinaya hagardaamooyinka kala duwan ee dhinac kasta jira dalka ,waxaa kale oo laga rabaa inay abaabul iyo kicin u sameeyaan dad weynaha iyagoo ku jahaynaya hadba meeshii ay u arkaan in dayac ka jiro, iyagoo mar walba qalbiga ku haynaya howraartii ahayd (howl kama dale weli waa hogaddii). Abdirazak Yassin Caanogeel PUNTLAND POST The post Xilkasnimo la’aanta: Weriyaha leylyoon iyo xaqiisa appeared first on Puntland Post.
  22. (SLT-Hargeysa)-Suldaanka guud ee Beelaha Awdal, Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil ayaa ka hadlay shir xasaaasi ay bulshada gobolka Awdal ku yeesheen Magaalada Boorama, Halkan hoose ka DAAWO Source
  23. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa si kooban uga hadashay arrimaha ay ka wada hadleen madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweynaha Jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweyne Biixi oo maalmihii u dambeeyay safar ku joogay Jabuuti ayaa la soo tusay mashaariic badan oo dawladda Jabuuti hirgalisay waxaanu la kulmay madaxweyne Geelle. Warbixin ay arrimaha gobolka kaga hadasho wasaaradda arrimaha dibadda oo ay Jimce kasta baahiso ayay si kooban ugu soo qaadday arrimaha ay madaxweyne Biixi iyo Geelle ka wada hadleen waxaana warbixinta lagu yidhi:- “Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu la kulmay hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi iyo weftigiisa oo bookhasho ku yimid Salaasadii (September 3). Labada dhinac waxay ka wada hadleen arrimo door ah oo khuseeya dahana labada dhinac oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, saxaafadda iyo iskaashiga ganacsiga Somaliland iyo Jabuuti. Waa bookhashadii labaad ee Muuse Biixi ku yimaaddo Jabuuti waxaanay imanaysa laba todobaad uun kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo wada hadal laba geesood ah la yeeshay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle,” Source