-
Content Count
209,393 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlay Xaalada Galmudug iyo Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug. Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay dadaalada dib u hesiisiinta ah ee ka socda Galmudug,isla markaana bogaadisay furitaanka Shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Magaalada Duusamareeb,kuwaasi oo looga tashanayo aayaha Galmudug. Sidoo kale Shirkaas ayay ku tilmaamtay in Muhiima u leeyahay dhismaha galmudug Cusub oo loo dhan yahay iyo inay dhacdo Doorasho xor iyo xalaal ah oo nabad ay ku jiro. “Waxaan soo dhoweyneynaa ballanqaadka ay muujiyeen dhammaan dhinacyada ay khuseyso geeddi-socodka dib-u-heshiisiin loo dhan yahay oo aan bogaadinno dadaallada ra’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale dowlad-goboleedka Galmudug iyo hoggaamiyeyaasha bulshada si ay u isugu keenaan dhammaan bulshooyinka ” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Beesha Caalamka. Beesha Caalamka ayaa rajo ka muujisay wada hadalada Galmudug in ay noqdaan kuwa midho dhalo, iyo in Shirku uu asaas u yahay dowlad mideysan oo xasilloon oo ka jirta Galmudug. Dowladda Soomaaliya ayaa waqti badan ku bixisay Galmudug, waxaana muddo 3 bil ah ku sugnaa deegaanadaas Ra’isulwasaaraha Soomaaliya. Dowladda Federaalka ayaa ku dadaaleyso inay Galmudug geysato shakhsi iyada ka amar qaato si ay danaheeda ugu gaarto Doorashada madaxweynimo ee Soomaaliya. Dowladda ayaa horey gacanta ugu dhigtay Maamul Goboleedyada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, waxayna ku fashilmatay Puntland iyo Jubbalanad inkastoo aan la ogeyn natiijada ay kala kulmi doonto Doorashada soo socoto ee Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Xarunta Dhaqanka ee Hargaysa: Anigu inta aan ka ogahay aan idin la wadaago. Been ku weerar iyo been ku difaac labadaba uma arko wax hagaagsan. Maalin ayaa waxa nalagu casuumay XDH. Waxa casuumaddu khusaysay shir ay ku lahaayeen hay’ado dhawr ah. Shirkii aanu u soconay hawl kale ayuu isu rogay. Waxa dhacday in kuraas la sallaxay. Shan kursi ayaa dhabarka la isu saaray, toban kursi oo kalena waa laga soo hor jeediyay. Warka oo kooban, waa toban qof oo kulaalaya shan qof. Waxa uu yidhi Guddoomiyaha xaruntu, Md. Jaamac Muuse, waxa aynu galaynaa hawl la yidhaa “Speed Dating”. Kalmaddaa waligay ma maqal fikirna kama haysan sida ay wax noqon doonaan. Markii shan qof dhexda la dhigay, ayaa tobankii kalena ku soo xoomeen. Halkii fadhiisannay. Sidii aan wax kale u sugayay ayaa nalagu wargeliyay in laba qof oo kastaa ay iswaraystaan muddo hal daqiiqo ah, ka dibna tobanka qof qofkasta oo ka mid ahi uu baddali doono halka uu fadhiyo si uu qof kale u waraysto hal daqiiqo. Markiiba waxa aan fahmay in ay tahay “Shukaansi Boobsiis ah”. Dhallinta meesha joogtaa waxa ay u badnaayeen dhallintii Hargaysa oo dumar u badnaa. Nalama waydiin in aanu doobab nahay oo aanu isaga baahanahay Shukaansigan Boobsiiska ah iyo in aanu nahay dad reero leh oo aan hawlahaa geli karin, mar hadii uu shukaansi yahay. Laakiin la iskumaba habsaamine dadka waanu garanaynay oo halka daqiiqaba waxa uu naga dhacay sidaanu u lahayn waxan afka nalaga soo geliyey maxay ahayd. Markii hawshii dhammaatay ayaa naloo sheegay in uu shirku dambeeyo, laakiin kuwo sugay shirkaa maanu ahayne albaabka ayaanu boobnay. Hadaba waxa aan baadhay waxan halkee laga soo xaday, ilayn Soomaalidu waxba ma curiso oo waa tuugo wax uun ka soo xadda’e. Waxa jirta gabadh ingiriis ah oo la yidhaa Cilla Black oo curisay barnaamij shukaansi ah oo la yidhaa “Blind Date”. Halkaa waxa iiga soo baxay in xaruntu ku hawlan tahay hawlo ay qabtaan dad aynaan isku diin, dhaqan, fikir, iyo anshax ahayn. Dhaqamadaasi waa kuwo mashaariic loo qortay oo qaadhaan bixiyayaal waawayni lacag badan ku bixiyaan isla markaana loo bud-dhigay in ay ka soo baxaan midho ay u aayaan dadka dhulkan ku nool. Ugu dambayn, dadka dhaqanada xun faafiya ee xarunta lagu soo casuumo iyo ujeeddooyinka ka dambeeya waxa aan kaga hadli doona qoraalkan qoraalka xiga hadii Alle ogolaado. W/Q Sharma’arke Ismaaciil Qaran News
-
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddiga Qaban-qaabada Shirka Maalgashiga iyo Guddiga Aminga Puntland. Kulanka uu Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland la qaatay Guddiga Maalgashiga iyo Guddiga Aminga ayaa markii uu soo idlaaday waxaa ka warbixiyey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi. “Maanta waxaa noo qabsoomay shir aad u muhiim ah waxaa kasoo qayb galay Guddiga Qaban-qaabada Shirka Maalgashiga iyo Guddiga Aminga, shirkaas waxaa Shir-guddoominayey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, shirka waxaa laga hadlay xoojinta amniga mudada uu shirku socdo iyo wixii ka dambeeyaba”. “Guddigu waxa uu ka warbixiyey diyaar-garawgu meesha uu marayo, waxaa laga wadahadlay sidii loo wada shaqayn lahaa, waxaa laga hadlay sidii amniga loo xoojin lahaa, waxaa laga hadlay sidii dadka martida ah loosoo dhoweynlahaa, Shirkaasi wuxuu noogu soo dhammaaday jewi aad u qurux badan oo laysla gartay in loo istaago sidii shirkaasi uu u guulaysanlahaa, waxaana la sameeyey Guddiyo si gaar ah u wada-shaqeeya” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi. The post Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo la kulmay guddiyada maalgashiga iyo amniga. appeared first on Puntland Post.
-
Gobollad barri iyo Galbeedka Jamhuuriyad Somaliland Dooda Saami-qaybsigu waa gar-tood ee gar-darro kuma ah ? Waa mid mudan in la dhegaysto la soo dhaweeyo la dhugto dhamaanba gobolada iyo degmooyinka Jamhuuriyad Somaliland ee ka biyo-diidsan Hananka Kuraasta lagu qaybiyey ee Golaha wakiilada markaan lagu galay doorashadii 2005 , doorasho danbe oo la qabatay aanay jirin oo Golah wakiilada ah . Doorashada 2005 iyo qaacida lagu galay ma aheyn mid laga soo shaqeeyay oo markaan laysku raacay sidaan ku noqonaysa mid rasmiga ah marwal iyo mar kast oo doorasho Golaha wakiilad , timaado la adeegsan doono laguna dhaqmi doono. Hasa yeesha qaacidad iyada ahi waxay ahayeyd mid loo arkay xaalka markaa jiray in wax lagu yagleelo ka dib na laga shaqeeyo hanaan wanaagsan oo hufan oo mug iyo misaan leh oo guud ahaan Jamhuuriyada Somaliland isu dheeli tiraaya . . Nasiib-darrad weyn ee dhacaday waxa ay tahay Goliihi wakiilada ee lagu soo doortay qaacidada aan rasmiga aheyn ee lagu waday inay doorashadood ka dib ka shaqeeyaan Xeerarka iyo sharciyada loo bahan yahay ayaa noqday kuwo ku guul-dareystay waxay shaqadoodu aheyd. . Sidda oo kale waxa iyaddun si la mid ah guul-darrad golah wakiilada oo kale ku dhaqaaqay Xukumadii xiliga joogtay ee Daahir Riyaale kaahin iyo Xukumadii kale ka danbeysay ee Axmed siilaanyo mid kooda aanu xil iska saarani unna dhaqaaqin wax ka qabshad iyo ka soo bixida kaalinta ah qaacidada Saamiga bud-dhigeedu yahay haddana xukumada Joogta aanay iyadunna dhegaha aad uga fureysanayso iskuna dayey so inay is dhaafiso siddii xukumadii hore balse ay adag tahay in lagga yeelo sidda hadda xaalku u suxul duuban yahay , dareen aad u dhawaaq dheer iyo ummada oo u diaar ah inay wax kast ku bixisa ay diyaar yihiin . . Dooda wakhtigeedi dhaafatay ee Maanta si xoogan in loo lafo-gure Gobollad Bariga iyo Galbeedku ba doonayaan ? . Doodan iyadda ahi waa mid aad iyo aad u muhiim ah Qaranka guud ahaantii , waanna mid loo bahan yahay in sidda dhabta ah loo dhegeysto , loo dhugto looguna dhaqaaqo dhabad tooska ah ee lagu heli karro jawaabta saxda ee ay u baahan tahay mudan tahay in lagu dhameeyo . . Waa dood in badan lays dhaafinayey la sika idho tirayey dib loo dhigay , xalado kale iyo xeelado kale oo aan muhiim aheyn lagu gudbayey balse Maanta ay soo dhaaatay in lagu daaweeyo hadal iyo dood jabban oo aan waxtar u yeelaneyn . Marka ay halka xaalku uu maraayo waxa la gudboon Madaxda Qaranka ku dhamaantood inay wajahan doodan iyadah sidda ugu wanaagsan ee waajibkeeda lagu gudan karro looganna soo bixi karro ku dhaqaaqan iyadd oo meer –meer iyo dib u dhigis iyo hadal aan meel wax ka qabaneyn lagga fogaanaayo runta iyo xaqiiqda lagu hiranaayo. . Waa kaalin aad ugu muhiim ah Qaranka dhismida qodobka ay doodani ku qotonto amma bud-dhigeedu yahay sida marka ay tahay dayac iyo xagal daacu ma ah mid ka yimi Bulshadda Gobolada Bariga iyo galbeed Jamhuuriyada Somaliland waa Madaxda Qaranka oo ka soo bixi la,aa buuxinta iyo dhamestir kaalma Muhiim u ah dhimaha Qaranka 15 sandood intaa na ay Gobolada Barri iyo galbeed ba bulshadood muujisay samir iyo dulqaad aad u laxaad leh laakiin Maanta doonaya dooda iyo qodobkeeda muhiim ka ah inay ka soo dhalalan meel marintiisa , waanna u tagaan yihiin . . Marka sidda ay uga so bixi lahayeen waa mid u gaar ah Madaxda Qaranka oo ugu horeeyo Madaxweynaha iyo Xukumadiisa Golaha Guurtida ,Golaha wakiilada Xisbiyada Qaranka Aqoon-yahan Gobolada Jamhuuriayad Saomaliland Da,yarta Siyaasinta Dhex-dhexadka h iyo kuwa madax Banaan . Qisdiga iyo gundhiga ay leedahay Saami qaybsiga iyo qaacidad saxda ah oo la gaadha waa haybad iyo heykalka Qaranka jamhuuriyad Somaliland oo dhisma isla markaan sii adag oo mug iyo xadiid ah u sii adkaanaya . Cid gaar ah u daawo iyo sad-dheeraysi u tahay ma jirto marka lagu eego amma lagu miisaamo Isha Caafimaad ka qabta iyo caqliga waaagsan ee maangalka. Waxa aan aad u soo dhaweynaay doodah iyaga ah ee Qaacidad saamiga oo Gobolada Awdal iyo Salel Bulshadood qaybo ka mid ah aad xoog u saarayaan inay dareenkood la wadaag Madaxda Qaranka iyo dhamaanba goboladda kale Dalka iyaguna la mid ka siddanna Bulshadda, Awdal iyo salel la qadiyad ah sidda Buuhoodle Sool iyo badhan Taleex iyo Sanaag ba . Waxa aan rajenaya in la isla aqoonson –doono muhiimad iyo qiimah ay leedahay Qaacidad saxda ah ee lagu qaybinaayo Doorashad golah wakiilada jamhuuriyada Somaliland iyo Qiimaha iyo Sharafta ay Qaranka jamhuuriayad Somaliland iyo Ummadeed dhinac kast oo nolasheen ah iyo dhexdeen ah b waxtar iyo qaderrin iyo midho-dhal dhaxal gal ah ugu yeelanayso . ha lagu dhiirado ayan leeyahay arintan xaas-xaasiga ah ee mug iyo miisaanka leh . Waa Bilaahi Towfiiq Abokor I Mohmud abokorm@hotmail.co.uk fikrada xorta ah ee Muwaadinka Qaran News
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo soo gaaray magaalada Beydhabo ee xarunta Kumeel gaarka ah dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Guduud kusoo dhaweeyay Madaxweyaha iyo gudddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, xildhibaanno, wasiirro iyo mas’uuliyiin kale. Ra’iisul Wasaraaraha oo kumannaan dadweyne ah oo soo dhaweyntiisa isugu soo baxay kula hadlay garoonka kubbadda Cagta ee Dr. Ayuub, ayaa bulshada reer Koonfur uu uga mahad celiyay soo dhaweynta ballaran ee wafdigiisa ay u sameeyeen. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicsiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyay booqashada ku yimid deegaannada dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed. Ra’iisul Wasaaraha oo madaxweynaha Koonfur Galbeed ku ammaanay horumarinta deegaanka iyo sida uu u wanaajiyay xariirka dowladda dhexe iyo Koofur Galbeed, ayaa sheegay inta uu joogo in uu kala hadli doono horumarinta caafimadka, waxbarashada, adkeynta amniga, xoreynta deegaannada Koonfur Galbeed iyo shaqo abuurka dhallinyarada. The post Faahfaahin safarka ra’iisul wasaare Khayre ee magaalada Baydhabo. appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Guduud kusoo dhaweeyay Madaxweyaha iyo gudddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, xildhibaanno, wasiirro iyo mas’uuliyiin kale. Ra’iisul Wasaaraha oo kumannaan dadweyne ah oo soo dhaweyntiisa isugu soo baxay kula hadlay garoonka kubbadda Cagta ee Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo, ayaa bulshada reer Koonfur Galbeed uga mahad celiyay soo dhaweynta ballaran ee wafdigiisa ay u sameeyeen. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicsiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyay booqashada uu ku tagay deegaannada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Ra’iisul Wasaaraha oo madaxweynaha Koonfur Galbeed ku ammaanay horumarinta deegaanka iyo sida uu u wanaajiyay xariirka dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed, ayaa sheegay inta uu joogo in uu kala hadli doono horumarinta caafimadka, waxbarashada, adkeynta amniga, xoreynta deegaannada Koonfur Galbeed iyo shaqo abuurka dhallinyarada. Raiisul wasaaraha Soomaaliya ayaa muddooyinkan wuxuu ku sugnaa deegaanada Galmudug, halkaasi oo uu ka waday dadaalo dib u heshiisiineed,wuxaana uu halkaas kasoo furay Shirka dib u Heshiisiinta galmudug kaas oo ay ka qeybgalayaan ergooyin badan oo reer galmudug ah, Sidoo kale wuxuu booqday magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Galmudug.
-
Baydhabo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta Kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Guduud kusoo dhaweeyay Madaxweyaha iyo gudddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, xildhibaanno, wasiirro iyo mas’uuliyiin kale. Ra’iisul Wasaaraha oo kumannaan dadweyne ah oo soo dhaweyntiisa isugu soo baxay kula hadlay garoonka kubbadda Cagta ee Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo, ayaa bulshada reer Koonfur Galbeed uga mahad celiyay soo dhaweynta ballaran ee wafdigiisa ay u sameeyeen. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicsiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyay booqashada uu ku tagay deegaannada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Ra’iisul Wasaaraha oo madaxweynaha Koonfur Galbeed ku ammaanay horumarinta deegaanka iyo sida uu u wanaajiyay xariirka dowladda dhexe iyo Koonfur Galbeed, ayaa sheegay inta uu joogo in uu kala hadli doono horumarinta caafimadka, waxbarashada, adkeynta amniga, xoreynta deegaannada Koonfur Galbeed iyo shaqo abuurka dhallinyarada. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: SHARE Facebook Twitter View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta 7 qof oo dhaawac ah diyaarad uga soo qaatay degmada Awdheegle ee gobolka Sh/ Hoose. Dadkan oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay qarax Miino oo todobaadkii hore ka dhacay gudaha degmadaasi, xilli ay ku jireen olole nadaafadeed. Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in hadda dhawaacyada dadkaasi oo qaarkood ay daran yihiin lagu dabiibayo M/Muqdisho. Awdheegle oo dhowaan ka wareegeen ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa waxaa inta badan weeraro iyo qaraxyo ka fulisa Al-Shabaab. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta haaiyey shaqadii hay’adda dambi baarista ee CID-da. War qoraal ah oo ay barteeda Facebook-ga soo dhigtay taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaliyeed, Generaal Zakiyo Xuseen Axmed ayaa lagu wargaliyey Ummadda Soomaaliyeed in muddo saddex maalmood ah la hakiyey bixinta warqada dambi la’aanta. Qoraalkan ayey sidoo kale Zakiyo ku sheegtay in dib u habeyn lagu sameyn doono sida hadda lagu helo warqaddaasi oo ay bixiso hay’adda CID-da. Halka hoose ka akhriso: “Taliska Ciidanka Boliiska oo ka jawaabaya cabashada ka timid bulshada Soomaliyeed waxaa dhamman shacabka ku sugan G/Banadir la ogeeysiinayaa in muddo sadax malmood ah la hakiyay bixinta warqada dembi la’aanta taasoo bixisa hoggaanka CID muddadaas aan dooneyno in dib-u-habeyn hufan ku sameeyno nidaamka helista warqada dembi la’aanta. Bulshada sharafta leh waxaa ka codsaneenaa in ay inoo dulqaataan muddada aan howlshaas wadno.”ayay tiri Taliye Zakiya. View the full article
-
Nairobi (SMN) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa la sheegay inuusan ku faraxsaneyn shaqada wasiirkiisa Arimaha Dibada Monica Juma, waxaana uu qorsheynayaa inuu xilka ka qaado. Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in shaqsiyaad awood badan leh oo ku dhow Madaxtooyadda ay ku qanciyeen Uhuru inuu bedelo Monica Juma, oo mudo xilkana heysay. Waxuu sheegay wargeyska in Uhuru uu aad uga niyad jabay qaabka Monica Juma u maareysay kiiska Badda ee dalkeeda kala dhaxeeya Somalia iyo inay hoos u dhigtay awoodda diblomaasiyadeed ee Kenya. Khilaafka Uhuru iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda ayaa imaanaya, iyadoo Maxkamadda Caalamiga ee cadaaladda ICJ ay khamiistii la soo dhaafay dib u dhigtay dhageysiga dacwadda Badda, taas oo la filayey inay billaabato 9-ka bishan. Muddo labo bilood oo kale ayaa dib loo dhigay kiiska badda dhageysigiisa, iyadoo la filayo in maxkamadda dib uu furto 4-ta bisha November ee sanadkan. Marka laga soo tago kiiska Badda, Uhuru Kenyatta ayaa ka cabsi qaba inuu dalkiisa ku guul-dareysto tartanka uu ugu jiro inuu helo kursiga aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey, kaas oo kaga adkaadeen wareegiisa kowaad dalka Jabuuti todobaadkii tagey. View the full article
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Kheyre ayaa ku kala aragti duwanaaday cidda ay dowladda u sharaxaneyso Doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo Galmudug. Ra’siulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa isaga wato Wasiir Qoor Qoor oo deegaan ahaan kasoo jeedo Cadaado, wuxuuna qabaa in Beesha Saleebaan la siiyo Xilka maadaama laga soo wareejiyey Caasimadda. Balse sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online, Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka Mareykanka ka wacay musharax uu doonayo inay dowladda u sharaxato Doorashada Galmudug. Musharaxa uu Farmaajo kasoo dajiyey Magaalada Muqdisho ayaa magaciisa lagu soo koobay Cabdi Dheere, waxayna muddo saaxiibo ahaayeen Madaxweyne Farmaajo. Cabdi Dheere ayaa kasoo jeedo Beesha Sacad, gaar ahaan lafta Reer Jalaf, waxaana la filayaa inuu dhawaan ku dhawaaqo musharaxnimadiisa. Waxaa durba bilowday loolan adag oo u dhaxeeyo Ra’isulwasaaraha iyo Madaxweynaha oo ku aadan cidda noqoneyso musharaxa Dowladda ee Galmudug. Doorashada ka dhaceyso Galmudug ayaa noqon doonto mid aad u adag oo aan la saadaalin karin maadaama ay ku tartamayaan mucaaradka iyo Dowladda, sidoo kalana waxaa jiro loolan gudaha Dowladda ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-07092019.mp3 View the full article
-
Askari ka tirsan ciidanka dowladda federaalka gaar ahaan Booliska ayaa goordhow qof shacaba ku dilay mid kalana ku dhaawacay gudaha magaalada Muqdisho. Sida qof Goobjoog ahaa uu u sheegay Goobjoog News dilka ayaa ka dhacay meel u dhow koontarool ciidamada Booliska ay ku leeyihiin isbilaatalka Masaardida ee degmada Hodan. Goobjoogaha ayaa sheegay inuu dilk dhacay ka dib markii wadada ay jaam noqtay kadibna uu askariga xabado furay kuwaas oo sababtay geerida qofka dhintay oo lagu sheegay inuu dumar ahaa, halka qof kalana uu soo gaaray dhaawac, oo la socday mooto Bajaaj ku socdaaleysay wadada . Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inuu askarigii dilka iyo dhaawaca geystay uu goobta ka cararay, ciidamadii goobta ku sugnaa ayaana ku guul dareystay in ay gacanta ku dhigaan askarigii falka geystay. Dhanka kale waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka dowladda federaalka ee Soomaaliya oo ku aadan dilka iyo dhaawaca ka dhacay dagmada Hodan ee gobalka Banaadir. Dilalka iyo dhaawacyada ciidama ammaanka ay u geystaan dadka shacaka gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa soo lab laabtay mana jiraan ilaa iyo hadda xal laga gaaray oo lagu baajinayo dhiiga shacabka ee maalin waliba daadinayaan ciidama dowladda. Goob joog News Source: goobjoog.com
-
The invitation of Botswana writer and actor, Donald Molosi, to present a screening of his film at Hargeysa Cultural Centre has drawn criticism of a poet in Somaliland. Yusuf Sha’ir convened a press conference in Hargeysa this week to castigate what he views as a new development against “our culture and religion”. He took issue with the decision by Jama Musse Jama, the founder of the flagship centre, to give a platform to a “man who promotes same sex marriage”. Sha’ir said that neighbouring Ethiopia barred promoters of same sex marriage from conducting a training in Ethiopia. “Several years ago Hargeysa International Book Fair invited a woman who campaigns for same sex relationships. When we asked Jama if he was aware the African man’s activism, he said that the Centre had not been aware of Molosi’s political activities” Sha’ir added. Donald Molosi is a novelist and actor who actively campaigns for decriminalisation of same-sex relationships. The Botswana government is appealing against a ruling that legalised homosexuality in the land-locked country in Southern Africa . The Chairman of Somaliland opposition party, UCID, Faysal Ali Warabe came out in defence if Hargeysa Cultural Centre. “The Centre is a place through which we interact with the world. Enemies constantly target it” he said without specifying who the enemy is. © PUNTLAND POST The post A Poet Criticises Hargeysa Cultural Centre appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Waftigaan waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada maamulkaasi. PUNTLANDPOST The post Ra’iisul wasaare Khayre oo gaarey magaalada Baydhabo. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa ka Jawaabay Cabasho kaga timid bulshada Soomaliyeed,taasi oo la xiriira bixinta warqada dembi la’aanta ee CID-da Taliye ku-xigeenka Booliska Soomaaliyeed Zakia Xuseen Axmed ayaa dhamman Shacabka ku sugan Gobolka Banaadir ka codsatay in muddo sadax malmood ah la hakiyay bixinta warqada dembi la’aanta,taasi oo uu bixiyo hoggaanka CID-da dowladda. War qoraal ah oo barteeda Facebook ay ku soo qortay Zakiya ayaa waxaa ay sheegtay in Mudada kooban la joojinta bixinta Warqada ay hoggaanka CID-da ku doonayan inay dib-u-habeyn hufan ku sameeyaan nidaamka helista warqada dembi la’aanta. “Taliska Ciidanka Boliiska oo ka jawaabaya cabashada ka timid bulshada Soomaliyeed waxaa dhamman shacabka ku sugan G/Banadir la ogeeysiinayaa in muddo sadax malmood ah la hakiyay bixinta warqada dembi la’aanta taasoo bixisa hoggaanka CID muddadaas aan dooneyno in dib-u-habeyn hufan ku sameeyno nidaamka helista warqada dembi la’aanta. Bulshada sharafta leh waxaa ka codsaneenaa in ay inoo dulqaataan muddada aan howlshaas wadno” ayay tiri taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Sakiyo Xuseen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Kenyan President Uhuru Kenyatta is unhappy with Foreign Affairs Cabinet Secretary Monica Juma and is considering sacking her. Apart from the growing internal disquiet in her Ministry, Monica is on the spotlight from powerful individuals close to State House for Kenya’s alleged dwindling diplomatic power. The Head of State, according to people close to him, thinks the CS has not lived up to the expectation and has been unable to steer Kenya’s foreign policy well. It is understood the CS is not getting along with her Principal Secretary, Ambassador Macharia Kamau, and that most of the time the two work at cross-purposes. “Each one of them is doing what they want. Instead of pulling together in the interest of the country the two are busy doing their own things,” said a cabinet minister aware of the friction. The President is also unhappy with the manner in which the CS has handled the thorny Somalia maritime issue. The International Court of Justice on Thursday agreed to delay the public hearing of a case in which Somalia has sued Kenya over a maritime boundary dispute. Court Registrar Philippe Gautier said the ICJ would open public hearings for the case on November 4, not September 9 as earlier scheduled. Kenya had on Tuesday asked the court to delay the hearings by up to a year, citing the inability to be adequately represented and that it needed time to recruit a new legal team. Until Thursday Kenya was being represented by Prof Payam Akhavan from the US, Prof Vaughan Lowe QC from the UK, Prof Alan Boyle (British), Prof Mathias Forteau (French), Mr Karim Khan (British) and Amy Sanders (British). “Apart from the legal team, our behind-the-scenes diplomacy has not worked. The team that has been handling the issue has been underrating Somalia. As a result, even our traditional (friends) have not been lobbied properly and others have no idea of what support we would like,” said a senior official in the Office of the President. There is also concern that Kenya could suffer a humiliating defeat at the United Nations during elections for the non-permanent Security Council’s seat. Last month, Kenya defeated Djibouti at the African Union for the Security Council seat. The victory, one of the rarest feats in recent times at the AU, came in the second round, with Kenya garnering 37 votes against Djibouti’s 13. But in an interesting turn of events, Djiboutian Permanent Representative to the UN said soon after that the country will not quit the race for the non-permanent membership slot. The country has continued with its campaign – especially with Arab and Islamic states – in a bid to secure the UN Security Council seat for the 2021-2022 term. “Our lobbying for this position has been chaotic. We are not sure who among the permanent members with veto powers is with us. If we do not change things Djibouti will embarrass us,” warned an officer at the Foreign Affairs. Juma is also accused of antagonizing Ethiopia, Kenya’s crucial ally in the region. The Star has also established that on Thursday this week, Monica engineered a massive redeployment in the ministry that put key directorates in the hands of non-diplomats. The changes, expected to take effect on Monday, affected a record 14 directorates but heightened unease in the ministry. “Accordingly, officers are instructed to prepare their handover notes and take their new portfolios by Monday, 9th September 2019,” the deployment letter reads in part. However, Monica broke the tradition and named individuals who are not yet ambassadors as diplomats. Among them is Immaculate Wambua, who was given lucrative America’s Directorate, and Lindsay Kiptines, who was handed giant Asia, Australia and Pacific Islands desk. The changes affected all the 17 directorates except diaspora and consular affairs and the Directorate of Events and Conferences. Monica, an Oxford University-trained scholar, has also come under fire for failing to spearhead the appointment of a new ambassador and his deputy in New York. Cotu secretary general Francis Atwoli was among influential leaders to openly call for the sacking of Monica. “I want to plead with President Uhuru Kenyatta. He should reshuffle his Cabinet. In Japan, I didn’t see a good picture as an international person. I didn’t see Kenya’s good picture in Japan,” Atwoli said in respect to the just-concluded Tokyo International Conference on African Development (TICAD-VI). He went on, “Lobbying went on there. But because of a weak minister or ministers that lobbying put us aside. President Kenyatta must be keen on his Cabinet. He should reshuffle his Cabinet particularly the Ministry of Foreign Affairs.” It’s alleged that President Kenyatta was not given an opportunity to address the forum yet Kenya was the immediate former host of the influential conference in 2016. There is also disquiet among serving officers over the “recycling” of retires to serve as Kenya’s ambassadors. This comes at a time when some ambassadors in the Ministry have not been reposted to foreign missions for almost 10 years since being recalled. The Foreign Service Regulations state career ambassadors who have been recalled from their stations abroad should be re-posted after utmost two years. “There is only a skeleton in staff in missions while the bulk in Nairobi is underutilized. The general opinion is that the PS should manage the human resource docket, not the CS who is ever traveling and she does not know her staff well for appropriate deployment and use,” a senior official in the ministry told the Star. View the full article
-
A Somali military court on Saturday sentenced a soldier to death by firing squad for killing three civilians in the capital, Mogadishu last year. The victims — Hassan Ahmed, Hussein Ahmed, and Abdullahi Ahmed — were killed in Karaan district by the soldier, Constable Hashi Ali on June 17, 2018. “After having heard the case and evidence presented, I hereby sentence Constable Hashi Ali who killed three brothers deliberately in June 2018, to death,” the military judge said. Meanwhile, the military court judge stressed that the defendant can pursue an appeal. View the full article
-
Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa goordhow barteeda Facebooga ku sheegtay in la istaajiyey shaqada ka socotay CID ee la xiriirtay bixinta warqada dembi la’aanta. Zakiya Xuseen Axmed ayaa intaasi ku dartay in sababta loo hakiyey ay tahay iyada oo laga jawaabayo cabasho ka timid dadka, oo ku saabsan arrinkan, waxaa ay balanqaaday dib u habeyn. Qoraalka Zakiya Xuseen Axmed waxaa uu u qornaa: “Taliska Ciidanka Boliiska oo ka jawaabaya cabashada ka timid bulshada Soomaliyeed waxaa dhamman shacabka ku sugan G/Banadir la ogeeysiinayaa in muddo sadax malmood ah la hakiyay bixinta warqada dembi la’aanta taasoo bixisa hoggaanka CID muddadaas aan dooneyno in dib-u-habeyn hufan ku sameeyno nidaamka helista warqada dembi la’aanta. Bulshada sharafta leh waxaa ka codsaneenaa in ay inoo dulqaataan muddada aan howlshaas wadno”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa eryay dhammaan xoghayeyaashii xisbigaasi, marka laga reebo kuwii uu magacaabey doorashadii 2017kii ka dib. Sidoo kale wuxuu Faysal eryay dhammaan madaxda laamaha dibadda ee xisbiga UCID. Qoraal uu soo saaray ayuu sidaas ku sheegay Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa sheegay in uu muddo laba toddobaad ah hakiyay shaqadii uu u hayay dadka reer Somaliland oo xafiiskiisa ugu imanaya si uu ugu adeego. Wasiir Axmed Muumin Seed muu sheegin sababta laakiin warqad qoraal oo soo saaray ayuu ku sheegay arrintan Halkan hoose ka akhriso: Source