Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,388
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Gudoomiyaha Shirkada Telesom Cabdikariim Maxamed Iid oo maanta ka hadlaayey shirka Tiknoolajiyada Somaliland oo Hargeysa ka furmay ayaa waxaa uu sheegay in aaney suurto gal marnaba noqon Karin in Somaliland oo leh bad dheer oo la soo dhigi karo Internet “ Viper Optic” Ah ay hadana ku tiirsanaato Internet dal kale Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan Source
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dood badan ka taagan tahay oo baaritaan lagu hayaa lacag oo ka maqan gobolka Banaadir, taasi oo badankeed baxday intii u dhaxeysa weerarkii ka dhacay xarunta gobolka iyo aaskii allaha u naxariistee Guddoomiyihii gobalka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow. Sida ay ogaatay Caasimada Online, xisaab celin ay sameeyeen guddigii u xilsaarnaa aaska daryeelka iyo aaska dadkii wax ku noqday weerarka aqalka dowladda Hoose, ayaa lagu sheegay in lacag dhan hal Milyan oo dollar ay baxday muddo ka yar hal bil. Lacagtaas ayaa badankeed la sheegay in lagu qarash gareeyay aaska Marxuum Yariisow iyo daryeelkiisaba, waxaana sidoo kale ku jira dadkii kale ee dhaawacyada ahaa. Lacagtaan oo laga bixiyay qasnadda dowladda Hoose ayaa lagu sheegay insy ku baxday daryeelka marxuum Yariisow intii uu dhaawaca ahaa iyo aaska geeridiisa. Sidoo kale masuuliyiintii kale geeriyootay iyo kuwii dhaawacmay ayaa la sheegay in ay lacagtaas qayb ka aheyd meelihii ay ku baxday. Waxaa sidoo kale jirta lacag badan oo la sheegay in lagu bixiyey dayac-tir iyo qurxinta xarunta gobolka, balse aysan jirin howl-muuqata oo ay ku bixi karto lacag tobanaan kun oo dollar ah. Lacagta ugu badan oo dhan 700,000 oo dollar ayaa la sheegay inay baxday 24-kii July oo ahaa maalinkii qaraxa uu dhacay ilaa 8-dii August. Xogtaan ayaa waxaa laga helay Xafiiska Maaliyadda ee Gobalka Banaadir kadib markii Cumar Filish, uu ka dalbaday ku simihii Gobalka Banaadir Ibraahim Dheere, in uu soo gudbiyo lacagtii ka baxday Gobalka, dadkii la shaqaaleysiiyay iyo kuwii la dalacsiiyay intii uu kusimaha ahaa. Caasimada Online, ayaa la hadashay xubno sare oo ka tirsan maamulka Gobalka kuwaas oo noo xaqiijiyay in arintaan ay muran abuurtay iyadoo la sheegay in loo gudbiyay Xafiiska ra’iisul wasaare Kheyre iyo kan hanti-dhowraha qaranka, oo iminka baaritaan ku haya. Cumar Filish, ayaa yiri “waxaan go’aansaday in aan hanti-dhowrka iyo madaxda qaranka la wadaago tirada, shaqaalaha iyo hantida gobalka aan ugu imid ka hor inta aan shaqo gelin, wixii markaas ka dambeeyo aan qaato mas’uuliyadda wixii dhaca” sida aan ka soo xiganay mas’uuliyiin aad ugu dhow Cumar Filish. Caasimada Online, ma hubto in dhamaan Xubnaha Guddigii loo xil saaray musiibadii ka dhacday xarunta dowladda Hoose ay raali ku yihiin Warbixin laga gubiyay Xafiiska Maaliyadda ee Gobalka Banaadir, waxaase muuqata in halkaas lagu lumiyay lacago boqolaal kun oo dollar ah. Sidoo kale, Caasimada Online ayaa ogaatay in diyaaradda lagu qaaday sidoo kalane lagu soo celiyay maydka Yariisow iyo dadkii la socday ay aheyd lacag la’aan oo ay ku deeqday Dowladda Qatar, waxaana sababta lagu sheegay in aan la kireynin diyaarad Milateri, sidoo kalane aan Soomaaliya laga kireyn doonin caawimaadda deg degga ah ee Qatar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom ayaa wacdaro ka dhigtay shirweyanha Tiknoolajiyadda Somaliland oo maanta ka furmay huteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa, Shirkan waxaa fulay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici. Shirkan waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda ee Somaliland, waxaana ka soo qayb-galay xubno golaha wasiiradda ka mid ah, ganacasatada shirkadaha waaweyn ee dalka iyo qaybaha kale ee bulshadda. Guddoomiyaha shirkadda Telesom Cabdikariim Maxamed Iid oo shirkaasi khudbad ka jeediyey ayaa ka warbixiyey marxaladdihii tiknoolajiyadeed ee dalku soo maray iyo halka maanta tiknoolajiyadda dalku mareyso. Halkan ka daawo muuqaalka warkaasi Source
  4. Shirkadada Dahabshiil Group oo ka mid ah shirkadaha ugu waa weyn ee dalka ayaa waxaa ay qeyb weyn ka aheyd shirweyne lagaga hadlaayey Tiknoolajiyada casriga ah oo maanta ka furmay magaalada Hargeysa ee Somaliland. Shirkada ayaa halkaasi waxaa ay ku soo bandhigay adeegyo cusub oo ay soo kordhisay . Waxaana ugu horeyn madasha ka Hadley madaxa waaxda Hawl Galinta ee Shirkada SOMTEL Xassan Sheekh Maxamuud Suufi waxaana uu yidhi “ Runtii shirkad ahaan waxaanu 2011-kii markii ugu horeysay dalka aanu ka hir galinay adeega 3G , 2014-kiina adeega 4G-ga , iminkana waxaanu ku rajo weynahay in aanu ku soo kordhinyo adeega 5G , taas oo wadanka guud ahaantii sumcad weyn u sameyn doonta . Ka shirkad ahaan maanta waxaanu halkan ku soo bandhigi doonaa Barnaamijyo kala duwan oo ay ka mid yahiin adeeg-yadii shirkada iyo kuwo kale oo cusub oo ay maanta ugu mihiinsan adeeg kuu sahlayaa in adiga oo aduunka meel kasta ka jooga aad maamusho xafiis-kaaga iyo ganacsigaaga , sidoo kale waxaa madasha ku diyaar ah adeeg-yadii kale ee shirkadu qaban jirtay hadii ay noqoto E-Dahab iyo Interner-kii “ ayuu yidhi Xassan Sheekh Maxamuud Suufi . Geesta Kale Madasha isna waxaa ka Hadley Khadar Cabdiraxmaan Cabdilaahi oo ah madaxa Waaxda arimaha Bulshada ee shirkada SOMTEL waxaana uu si faah faahsan uga war bixiyey adeegyo cusub oo ay shirkadu daah furtay waxaana uu yidhi “ Waxaan aan jecelahay in aan bulshada halkan ugu soo bandhigo dhawr adeeg oo kala duwan oo shirka SOMTEL ay ku soo bandhigtay carwadan waxaana edeeg-yadaas ka mid ah adeeg aad iyo aad u casri ah oo ah adeeg la yidhaahdo “ REACHME “ waana adeeg aanu ugu talo galnay macaamiisha kala duwan ee gudaha joogta iyo ehelada iyo asxaabtooda dibada joogta in uu isku xidho , waana adeeg fudud oo si lacag la,aan ah oo aan odhan karo waa iska bilaash oo kale ay macaamiishu ula soo hadali karaan eheladooda dalka joogta . Adeegani waa Application aad galeyso Internet-ka adiga oo kala soo degaya App Store-ka waxaana aad ku isticmaali kartaa Mobile-kaaga iyo Laptop kaaga-ba , waxaana uu adeegaasi ku xisaabin doona lacag yar oo aad u jaban , qofka aad soo waceyso waxaa looga baahan yahay oo kaliya in uu sito khaadh-ka SOMTEL , umana baahna qofkaasi Internet iyo Mobile weyn oo casri ah , qofka dibada jooga oo kaliya ayaa ah qofka la soo degi doona App-kan isla markaana awoodi doona in uu la soo hadalo dhamaan cid kasta oo uu doonaayo oo sidata kaadhka SOMTEL , waxaana aanu jeclnahnahay in ay adeegaas ka faa,ideystaan dadka qurbo jooga ah “ ayuu yidhi Sidoo kale Khadar oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu dul istaago adeegyo kale oo shirkada SOMTEL soo bandhigtay waxana uu yidhi “ Shirkadu waxaa ay macaamiisha ay u sameysay qiimo dhimis ilaa boqolkiiba shan iyo labaatan ah 25 % , dhinaca adeega 4G- ga marka ay macaamiishu iibsaneyso , waxaana aanu macaamiisha ugu bushaareynayaa ugu baaqeynayaa in ay ka faa’ideystaan inta ay carwadani socoto . Waxaanu sidoo kale macaamiisha aanu la wadeynaa in aanu soo kordhinay adeeg cusub oo ku siinaya Internet aan xadi laheyn , kaas oo aad qiimo yar bixin doonto isla markaana aad isticmaali doonto bishan oo dhan “ ayuu yidhi Ugu Danbeyn Muddane Khadar waxuu is dul taagay doorkii ay shirkadu ka ciyaartey carwadan “ Shirkad ahaan waxaanu carwadan ka qaadaneynay qeyb aad u laxaad weyn hadii ay noqoto dhinaca LIVE-ka iyo Interne-ka WI- FI ee meesha lagu isticmalaayey “ ayuu hadalkiisii ku soo gabo gabeeyey . Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa Shahaadada dugsiga Sare u diiday Ardayda ka baxday Iskuulada ku yaala degaanada Maamulka Puntland, islamarkaana qalin Jebiyay Sanad dugsiyeedka 2018-2019, taasi oo maanta un soo shaac baxday. Guddoomiyaha Dalladda Ururada Bulshada Rayidka ee Puntland, Faysal Axmed Warsame oo la hadlay Warbaahinta magaalada Muqdisho iyo kuwa Puntland ayaa cadeeyay in Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay diiday bixinta Shahaadada dugsiga ee Ardayda Puntland. Boqolaal kamid ah Ardayda Sanadkaan ka qalin Jebisay dugsiyada degaanada Puntland oo Muqdisho u yimid sidii ay u qaadan lahaayeen Shahaadada ayaa dib ugu laabtay degaanada Puntland kadib markii ay waayeen Shahaadada. Ardayda ayaa loo sheegay in aysan heli doonin Shahaadada, ilaa ay Puntland ogolaato in imtixaanka mideysan ee Qaranka ka qayb-qaadato, iyagoona lagu amray in ay dib ugu laabtaan Puntland iyo degaanadii ay ku yimaadeen. “Boqolaal kamid ah Ardayda Puntland ayaa dib ugu soo laabtay Garowe, Boosaaso, Gaalkacyo iyo magaalooyin kale kadib markii loo diiday Shahaadada” ayuu yiri Faysal Axmed Warsame. “Muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya DF-ka iyo maamul gobaleedyada waxa uu saameeyay adeegyada Bulshada waana wax laga xumaado” ayuu yiri Faysal Axmed Warsame oo warbaahinta Muqdisho la hadlay. Dhinaca kale, goor dambe oo maanta ah ayaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana laga soo doortay degaanada Puntland waxay ku guuleesteen in ay xaliyaan arrintaasi kadib markii ay la kulmeen Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya. “Waxaa maanta xafiiskeyga kulan kula qaatay xildhibaanada ugu muhiimsan ee kasoo jeeda deegaanada Puntland…Waxaan kawada hadalnay sidii ardayda Puntland ee sannad dugsiyeedkii 2018/2019 imtixaankoodii la siyaasadeeyay ay u heli lahaayeen shahaadada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa farxad ii ah in ugu danbeyntii aan isla garannay xal oo aan dib idinkala wadaagi doono.” ayuu yiri wasiir Goodax.
  6. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeen-07092019.mp3 View the full article
  7. Jaaliyadaha Mataanaha ah ee Reer Kanada Waxaa lagu wargalinayaa in Magaalada Toronto ay ka dhagayso Xaflad lagusoo dhaweynsyo looguna dabaal dagayo Doorashadii Lagu doortay Madaxweyne [...] Source
  8. Hal ruux oo ahaa ilmo saddex sano jir ah ayaa ku geeriyoodey khasaare hantiyeed oo kalena waa ka dhashay dab maanta gelinkii dambe ka kacay kaam kuyaal magaalada Garoowe. Dabkaan oo ahaa mid ay faafisay dabaysha xagaagu ayaa waxaa gurmad deg deg ah gaarsiiyey si ay u damiyaan qaar kamid ah shirkadaha biyaha macaan bixiya ee magaalada Garoowe, inkastoo markii dambe uu gaarey gaadiidka dab-damiska dowladda hoose ee Garoowe. Mid ka mid ah dadka degan kaamka ayaa warbaahinta uga sheekeeyay sida ay wax u dhaceen. PUNTLANDPOST The post Hal ruux oo ku dhintay dab qabsaday xarunta barakacayaasha Yemeniyiinta Garowe appeared first on Puntland Post.
  9. (SLT-Laascaanood)-Wasaarada Hawlaha Guud ayaa qaybo ka mid ah dhismaha shirkada korantada baabiiyey kadib markii waddo weyn ay ku beegantay badhtamaha wersheda ayna dhamaatay mudo loo qabtay. Dadaal badan oo ay sameeyeen hantiilayaasha shirkada Solpawer oo ay ku doonayeen in wadada lagu joojiyo afaafka dhismaha ayaa la sheegay in uu noqday mid aan shaqayn. Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa saxaafada u sheegay in aanay jirin wax tanaasul ah oo shirkada loo sameeyey, waxaanu intaas ku saray in waqti dheeraad ah ay siiyeen maadaama ay ku filaan weydey mudo hore loogu qabtay. Shirkadan oo ah ta keliya ee korantada siisa magaalada Laascaanood ayaa qalabka qoraxda dabka ka dhaliya ku rakibay dhul balaadhan oo ku yaal duleedka waqooyi ee magaalada. Dadweyne badan ayaa saaka tegey goobta shirkada iyagoo filaayey in jidka si toos ah loo dhex mariyo dhismaha shirkada balse waxaa la jebiyey labada derbi ee isku quman iyadoo badhtan aan la waxba laga qaban, taas oo dadbadan ay ku fasirayaan filim lagu dejinayo dadka wadooyinku saameeyeen oo foodsaaro ka dhiganayey shirkada. Si kastaba ha ahaatee aragtiyo kala duwan ayaa ka soo burqanaya bulshada Laascaanood oo ku wajahan Hagaajinta daafaha iyo badhtamaha magaalada Laascaanood. Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Golaha deegaanka ee Burco ayaa go’aan ku gaadhay in aan magaalada gudaheeda lagu arki karin lo’da laakiin Adhiga iyo Geella ayaa ay ka reebeen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cumar Heegan ayaa dhawaan isku soo dhiibay Dowladda Federalka Soomaaliya, inkastoo wali aanan la soo bandhigin. Sarkaalkaan ayaa waxaa gacanta ku haya Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya, kadib markii xiriir uu la soo sameeyay xubno Hay’adaasi ka tirsan ay u fududeeyeen inuu soo galo dowladda Federalka Soomaaliya. Cumar Heegan ayaa wuxuu ahaay madaxa Xabsiyada Ururka Al-Shabaab, waxaana uu masuul ka ahaay xabsiyo kala duwan oo ku yaallo Gobolada ay Maamulaan Ururka Al-Shabaab. Sarkaalkaan ayaa ka soo jeeda deeganada Koonfur Galbeed, waxaana hadda uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarumaha Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya. Muddooyinkii dambe Al-Shabaab waxaa ka soo goosanaayay Saraakiil Sare oo waqti badan ka mid ahaay xubnahaasi, islamarkaana fahmay dariiqa ay ku socdaan inuu yahay mid aad u qaldan. Al-Shabaab ayaanan wali ka hadlin Sarkaalkaan ka soo goostay, balse Shabaab waxa ay yaqaaniin dhaqanka ah inay beegsadaan Saraakiisha Sare ee dhankooda ka soo goosata ee Nabad Suggida Soomaaliya ku soo biirta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  12. (SLT-Xiingalool)-Saraakiil ka mid ah Ciidammada Daraawiishta ee Maamul-gobolleedka Puntland ayaa Maanta gaadhay degmada Xiin-galool ee Gobolka Sanaag. Saraakiishan oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidammada Daraawiishta ee Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Sareeye Gaas Yaasiin Cumar dheere, ayaa gelinkii hore ee Maanta gaadhay degmada Xiin-galool ee Gobolka Sanaag. Taliyaha iyo Saraakiisha la socotay oo watay Ciidamo badan oo Ilaalo ah, ayaa waxa degmada Xiin-galool waxa ku soo dhaweeyay Dadweynaha degmadaa qaarkood iyo Ardayda Dugsiyada. Taliyaha Iyo masuuliyiin kale ee la socday oo maalmihii ugu dameeyey safar ku marayey gobolka Sanaag, ayaa u kuur galayey xaaladaha amni ee gobolka iyo kormeerida Ciidamo kasoo goostay Somaliland. Laakiin, Safarka Taliyaha Ciidammada Daraawiishta Puntland ku marayo deegaannada Bariga Gobolka Sanaag ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland ay aad u kacsan tahay. Source
  13. Ra’iisalwasaaraha xukuumadda federaalka Xasan Cali Kheyre ayaa maanta safar ku tagay magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG u ah dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya, waxaana garonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay maxaweynaha Koonfur galbeed Cabdi Caziz Lagta Gareen, guddoomiyaha balaanka iyo xildhibaanno. Ra’isul wasaraha ayaa bushda magalaada kula hadlay garoonka kubadda cagta ee magaalada Baydhabo, isaga oo ugu mahadceliyay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen, Kheyre ayaa bulshada ka balanaqaaday in dowladda federaalka ay kaalinteeda ka geysanayo dhismaha ka socda Garoonka kubadda cagta magaalada Baydhabo. Sidoo kale Ra’iisal wasaaraha ayaa la filayaa inta uu joogo Baydhabo inuu la kulmo madaxweyne Cabdi Caziiz Maxamed Laftagareen wax garadka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan saraakiisha ciidama qeybta 60-aad, asaga oo kala hadli doona sidii loo furi lahaa amnina loogu heli lahaa wadada xariirisa Magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho. Dhanka kale ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa inuu maalinimada barrito uu magaalada Baydhabo ka daahfuro shir ay ka soo qeyb galayaan hey’ado caalamiga isaga oo kala hadli doona sidii deegaanada koonfur galbeed mashaariicyada hormarineed ee laga fulinaayo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen. Mudane Kheyre ayaa sidoo lagu wadaa inuu gaaro deegaano kale oo Koonfur galbeed ah sida gobalka Bakool iyo magaalo xeebeedka Baraawe ee gobalka Shabeellaha hoose oo la filaayo inuu mashaariic hormarineed ka dhagax dhigo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. (SLT-Hargeysa)-Kalfadhigii Bisha 9aad ee Guddida Fullinta Xisbiga WADDANI ayaa saaka ka qabsoomay hoolka shirarka ee Xarunta Dhexe ee Xisbiga WADDANI, Waxaana guddoominayey Guddoomiyaha Xisbiga Dr Cabdiraxmaan Cirro. Shirka saaka Guddida Fullinta ee ka qabsoomay Xarunta Dhexe ayaa waxa lagaga hadlay geedi socodka ambaqaadka doorashooyinka dalka, qabanqaabada shirka golaha dhexe iyo qiimeyn xaaladda guud ee dalka. Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daahfuray Shirka heer qaran ee Cilmiga Tignoolojiyada oo ka furmay Magaalada Hargeysa islamarkaana socon doona laba maalmood oo lagu lafa guri doono horumarka dhanka IT-ga ee Somaliland. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tijnoolojiyada ayaa waxaa goob joog ka ahaa guud ahaanba Shirkada waa weyn ee Isgaadhsiinta waddanka iyo shirkada ka shaqeeya arrimaha Tignoolojiyada , muddadaa uu socdo shirkaasi waxaa laysku waydaarsan doonaa arragtiyaha iyo aqoonta kala duwan ee IT-ga iyadoo la filaayo inuu kasoo baxo War-murtiyeed. Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay furitaanka shirkaasi ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolijiyada hanaanka wanaagsan ee ay usoo abaabushay shirkaasi, sidoo kalena waxa uu ku amaanay Shirkadaha isgaadhsiinta doorka muuqda ay ku leeyihiin horumarinta Tignoolojiyada Waddanka. Madaxweyne ku xigeenku ayaa sidoo kale sheegay in loo baahnaa shirkan si loogu eego halka ay marayso Tignoolojiyada waddanku iyo halka aynu higsanayno, waxaana uu shirkadaha iyo Wasaaradda u rajayey in wakhtiga uu socdo shirkaasi uu kasoo bixi doonaan qodobo muhiima oo guul u ah Qaranka. Dhanka kale Madaxweye ku xigeenku waxa uu xadhiga ka jaray Carwo loogu talo galay Tignoolojiyada iyo horumarinta IT-ga oo ay shirkadaha kala duwan ee Waddanku kusoo bandhigayeen adeegyadooda kala duwan ee ay bulshada u qabtaan, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenka socod kusoo maray dhammaanba goobaha ay shirkadaasi kuoo bandhigayeen adeegyadooda kala duwan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Abbaanduulaha Koowaad ee Ciidammada Qaranka Somaliland, Cabdirisaaq Siciid Bullaale ayaa shir-jaraa’id oo uu Maanta ku qabtay Xarunta Miiska Saraakiisha wuxuu kaga jawaabay hadal ka soo yeedhay Taliyaha Ciidammada Puntland. Taliyaha Ciidammada Puntland ayaa isagoo ku sugan Degmada Badhan wuxuu Somaliland ku eedeeyey inay gacan-saar la leedahay Kooxda Al-shabaab, laakiin Abbaanduulaha Ciidammada Millateriga Somaliland, Cabdirisaaq Siciid Bullaale oo hadalkaa daba socda ayaa yidhi “Waxaanu ka jawaabaynaa hadalladii Deel-qaafka ahaa ee uu Taliyaha Ciidammada Puntland uu bishan Shanteedii Badhan kaga hadlay, hadalladaas oo ahaa inuu Somaliland ku tilmaamay Al-shabaab ama inay Somaliland iyo Al-shabaab iskaashadaan, taa haddii aan ka jawaabo runtii Caalamku wuu ogyahay in Dawladda Somaliland aanay Al-shabaab iyo Budhcad-badeed midna Saldhig ku lahayn, deegaanna ku lahayn, Xidhiidhna la lahayn, kana Caagan yihiin..” Abbaanduulaha oo hadalkiisa sii wataa waxa kale oo uu sheegay “Taliyaha Ciidammada Puntland waxaan leeyahay hoos u eeg degaankaaga, halkay deggan yihiin, intay kuu jiraan iyo inta goobood ee ay ku leeyihiin halka aad sheeganayso iyo Ciidanka aad xukunto intay u jiraan.” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey isla-markaana uu ka jawaabay hadal uu Taliyaha Ciidanka Puntland ku sheegay in Badhan tahay Caasimadda labaad ee Puntland, “Waxaan ka hadlayaa inuu Badhan ku sheegay Caasimadda labaad ee Puntland, Maanta ka hadli mayno in Badhan ay Somaliland tahay, laakiin waxaan u sheegaynaa Taliyahaa in Xadka Somaliland uu Boosaaso u jiro 15KM, Qardhana uu u jiro 7KM, Garoowe-na uu u jiro 5KM..” Source
  17. Qore : Mahdi Yusuf Dhuux Farmaajo oo Seeftiisa qabiil nacaybka ah la dul maray shaqsiyaadka xilalka sare ka haye dawladda Federaalka ee ka soo jeeda [...] Source
  18. The closure of Horyaal TV Network by Somaliland authorities in Hargeysa portends tough times ahead of Somaliland media houses. An investigative report by Horyaal brought to light “women-only Khat sessions” in Hargeysa. The report prompted imams and preachers in Hargeisa to condemn women chewing Khat in places similar to men-only Khat venues known as majlis. There are no known venues for women-only Khat sessions in Hargeysa. Women chewing Khat at an undisclosed venue in Hargeysa Horyaal TV producers authorised journalistic investigation into women chewing Qat in private premises. The editorial decision raises questions about editorial standards of Horyaal TV network. In Islam it is impermissible to pry into lives of people. Somaliland Government has yet to issue a statement on the closure of Horyaal TV station. Somaliland Journalists Association has called for the Somaliland Government to reverse the decision to shut down the TV network. Secession questioned: President Bihi looks at a Somalia Map impassively Meanwhile a Horyaal news bulletin item on Somaliland President’s visit to Djibouti has become a subject of discussions in the social media. Horyaal reported that President Muse Bihi was impassively listening to a presentation involving a map of Somalia that does not show Somaliland as a separate country. Djibouti recognises the sovereignty of Somalia over the self-proclaimed republic of Somaliland. Djibouti troops are a part of Amisom to protect the Federal Government against Al-shabaab. © PUNTLAND POST The post Horyaal TV Closure Triggers Debate on Privacy appeared first on Puntland Post.
  19. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlay Xaalada Galmudug iyo Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ee ka socda Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug. Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay dadaalada dib u hesiisiinta ah ee ka socda Galmudug,isla markaana bogaadisay furitaanka Shirka dib u heshiisiinta ee ka socda Magaalada Duusamareeb,kuwaasi oo looga tashanayo aayaha Galmudug. Sidoo kale Shirkaas ayay ku tilmaamtay in Muhiima u leeyahay dhismaha galmudug Cusub oo loo dhan yahay iyo inay dhacdo Doorasho xor iyo xalaal ah oo nabad ay ku jiro. “Waxaan soo dhoweyneynaa ballanqaadka ay muujiyeen dhammaan dhinacyada ay khuseyso geeddi-socodka dib-u-heshiisiin loo dhan yahay oo aan bogaadinno dadaallada ra’iisul Wasaaraha iyo sidoo kale dowlad-goboleedka Galmudug iyo hoggaamiyeyaasha bulshada si ay u isugu keenaan dhammaan bulshooyinka ” ayaa lagu yiri Warka kasoo baxay Beesha Caalamka. Beesha Caalamka ayaa rajo ka muujisay wada hadalada Galmudug in ay noqdaan kuwa midho dhalo, iyo in Shirku uu asaas u yahay dowlad mideysan oo xasilloon oo ka jirta Galmudug. Dowladda Soomaaliya ayaa waqti badan ku bixisay Galmudug, waxaana muddo 3 bil ah ku sugnaa deegaanadaas Ra’isulwasaaraha Soomaaliya. Dowladda Federaalka ayaa ku dadaaleyso inay Galmudug geysato shakhsi iyada ka amar qaato si ay danaheeda ugu gaarto Doorashada madaxweynimo ee Soomaaliya. Dowladda ayaa horey gacanta ugu dhigtay Maamul Goboleedyada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, waxayna ku fashilmatay Puntland iyo Jubbalanad inkastoo aan la ogeyn natiijada ay kala kulmi doonto Doorashada soo socoto ee Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Xarunta Dhaqanka ee Hargaysa: Anigu inta aan ka ogahay aan idin la wadaago. Been ku weerar iyo been ku difaac labadaba uma arko wax hagaagsan. Maalin ayaa waxa nalagu casuumay XDH. Waxa casuumaddu khusaysay shir ay ku lahaayeen hay’ado dhawr ah. Shirkii aanu u soconay hawl kale ayuu isu rogay. Waxa dhacday in kuraas la sallaxay. Shan kursi ayaa dhabarka la isu saaray, toban kursi oo kalena waa laga soo hor jeediyay. Warka oo kooban, waa toban qof oo kulaalaya shan qof. Waxa uu yidhi Guddoomiyaha xaruntu, Md. Jaamac Muuse, waxa aynu galaynaa hawl la yidhaa “Speed Dating”. Kalmaddaa waligay ma maqal fikirna kama haysan sida ay wax noqon doonaan. Markii shan qof dhexda la dhigay, ayaa tobankii kalena ku soo xoomeen. Halkii fadhiisannay. Sidii aan wax kale u sugayay ayaa nalagu wargeliyay in laba qof oo kastaa ay iswaraystaan muddo hal daqiiqo ah, ka dibna tobanka qof qofkasta oo ka mid ahi uu baddali doono halka uu fadhiyo si uu qof kale u waraysto hal daqiiqo. Markiiba waxa aan fahmay in ay tahay “Shukaansi Boobsiis ah”. Dhallinta meesha joogtaa waxa ay u badnaayeen dhallintii Hargaysa oo dumar u badnaa. Nalama waydiin in aanu doobab nahay oo aanu isaga baahanahay Shukaansigan Boobsiiska ah iyo in aanu nahay dad reero leh oo aan hawlahaa geli karin, mar hadii uu shukaansi yahay. Laakiin la iskumaba habsaamine dadka waanu garanaynay oo halka daqiiqaba waxa uu naga dhacay sidaanu u lahayn waxan afka nalaga soo geliyey maxay ahayd. Markii hawshii dhammaatay ayaa naloo sheegay in uu shirku dambeeyo, laakiin kuwo sugay shirkaa maanu ahayne albaabka ayaanu boobnay. Hadaba waxa aan baadhay waxan halkee laga soo xaday, ilayn Soomaalidu waxba ma curiso oo waa tuugo wax uun ka soo xadda’e. Waxa jirta gabadh ingiriis ah oo la yidhaa Cilla Black oo curisay barnaamij shukaansi ah oo la yidhaa “Blind Date”. Halkaa waxa iiga soo baxay in xaruntu ku hawlan tahay hawlo ay qabtaan dad aynaan isku diin, dhaqan, fikir, iyo anshax ahayn. Dhaqamadaasi waa kuwo mashaariic loo qortay oo qaadhaan bixiyayaal waawayni lacag badan ku bixiyaan isla markaana loo bud-dhigay in ay ka soo baxaan midho ay u aayaan dadka dhulkan ku nool. Ugu dambayn, dadka dhaqanada xun faafiya ee xarunta lagu soo casuumo iyo ujeeddooyinka ka dambeeya waxa aan kaga hadli doona qoraalkan qoraalka xiga hadii Alle ogolaado. W/Q Sharma’arke Ismaaciil Qaran News
  21. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan muhiim ah la qaatay Guddiga Qaban-qaabada Shirka Maalgashiga iyo Guddiga Aminga Puntland. Kulanka uu Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland la qaatay Guddiga Maalgashiga iyo Guddiga Aminga ayaa markii uu soo idlaaday waxaa ka warbixiyey Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi. “Maanta waxaa noo qabsoomay shir aad u muhiim ah waxaa kasoo qayb galay Guddiga Qaban-qaabada Shirka Maalgashiga iyo Guddiga Aminga, shirkaas waxaa Shir-guddoominayey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, shirka waxaa laga hadlay xoojinta amniga mudada uu shirku socdo iyo wixii ka dambeeyaba”. “Guddigu waxa uu ka warbixiyey diyaar-garawgu meesha uu marayo, waxaa laga wadahadlay sidii loo wada shaqayn lahaa, waxaa laga hadlay sidii amniga loo xoojin lahaa, waxaa laga hadlay sidii dadka martida ah loosoo dhoweynlahaa, Shirkaasi wuxuu noogu soo dhammaaday jewi aad u qurux badan oo laysla gartay in loo istaago sidii shirkaasi uu u guulaysanlahaa, waxaana la sameeyey Guddiyo si gaar ah u wada-shaqeeya” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi. The post Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo la kulmay guddiyada maalgashiga iyo amniga. appeared first on Puntland Post.
  22. Gobollad barri iyo Galbeedka Jamhuuriyad Somaliland Dooda Saami-qaybsigu waa gar-tood ee gar-darro kuma ah ? Waa mid mudan in la dhegaysto la soo dhaweeyo la dhugto dhamaanba gobolada iyo degmooyinka Jamhuuriyad Somaliland ee ka biyo-diidsan Hananka Kuraasta lagu qaybiyey ee Golaha wakiilada markaan lagu galay doorashadii 2005 , doorasho danbe oo la qabatay aanay jirin oo Golah wakiilada ah . Doorashada 2005 iyo qaacida lagu galay ma aheyn mid laga soo shaqeeyay oo markaan laysku raacay sidaan ku noqonaysa mid rasmiga ah marwal iyo mar kast oo doorasho Golaha wakiilad , timaado la adeegsan doono laguna dhaqmi doono. Hasa yeesha qaacidad iyada ahi waxay ahayeyd mid loo arkay xaalka markaa jiray in wax lagu yagleelo ka dib na laga shaqeeyo hanaan wanaagsan oo hufan oo mug iyo misaan leh oo guud ahaan Jamhuuriyada Somaliland isu dheeli tiraaya . . Nasiib-darrad weyn ee dhacaday waxa ay tahay Goliihi wakiilada ee lagu soo doortay qaacidada aan rasmiga aheyn ee lagu waday inay doorashadood ka dib ka shaqeeyaan Xeerarka iyo sharciyada loo bahan yahay ayaa noqday kuwo ku guul-dareystay waxay shaqadoodu aheyd. . Sidda oo kale waxa iyaddun si la mid ah guul-darrad golah wakiilada oo kale ku dhaqaaqay Xukumadii xiliga joogtay ee Daahir Riyaale kaahin iyo Xukumadii kale ka danbeysay ee Axmed siilaanyo mid kooda aanu xil iska saarani unna dhaqaaqin wax ka qabshad iyo ka soo bixida kaalinta ah qaacidada Saamiga bud-dhigeedu yahay haddana xukumada Joogta aanay iyadunna dhegaha aad uga fureysanayso iskuna dayey so inay is dhaafiso siddii xukumadii hore balse ay adag tahay in lagga yeelo sidda hadda xaalku u suxul duuban yahay , dareen aad u dhawaaq dheer iyo ummada oo u diaar ah inay wax kast ku bixisa ay diyaar yihiin . . Dooda wakhtigeedi dhaafatay ee Maanta si xoogan in loo lafo-gure Gobollad Bariga iyo Galbeedku ba doonayaan ? . Doodan iyadda ahi waa mid aad iyo aad u muhiim ah Qaranka guud ahaantii , waanna mid loo bahan yahay in sidda dhabta ah loo dhegeysto , loo dhugto looguna dhaqaaqo dhabad tooska ah ee lagu heli karro jawaabta saxda ee ay u baahan tahay mudan tahay in lagu dhameeyo . . Waa dood in badan lays dhaafinayey la sika idho tirayey dib loo dhigay , xalado kale iyo xeelado kale oo aan muhiim aheyn lagu gudbayey balse Maanta ay soo dhaaatay in lagu daaweeyo hadal iyo dood jabban oo aan waxtar u yeelaneyn . Marka ay halka xaalku uu maraayo waxa la gudboon Madaxda Qaranka ku dhamaantood inay wajahan doodan iyadah sidda ugu wanaagsan ee waajibkeeda lagu gudan karro looganna soo bixi karro ku dhaqaaqan iyadd oo meer –meer iyo dib u dhigis iyo hadal aan meel wax ka qabaneyn lagga fogaanaayo runta iyo xaqiiqda lagu hiranaayo. . Waa kaalin aad ugu muhiim ah Qaranka dhismida qodobka ay doodani ku qotonto amma bud-dhigeedu yahay sida marka ay tahay dayac iyo xagal daacu ma ah mid ka yimi Bulshadda Gobolada Bariga iyo galbeed Jamhuuriyada Somaliland waa Madaxda Qaranka oo ka soo bixi la,aa buuxinta iyo dhamestir kaalma Muhiim u ah dhimaha Qaranka 15 sandood intaa na ay Gobolada Barri iyo galbeed ba bulshadood muujisay samir iyo dulqaad aad u laxaad leh laakiin Maanta doonaya dooda iyo qodobkeeda muhiim ka ah inay ka soo dhalalan meel marintiisa , waanna u tagaan yihiin . . Marka sidda ay uga so bixi lahayeen waa mid u gaar ah Madaxda Qaranka oo ugu horeeyo Madaxweynaha iyo Xukumadiisa Golaha Guurtida ,Golaha wakiilada Xisbiyada Qaranka Aqoon-yahan Gobolada Jamhuuriayad Saomaliland Da,yarta Siyaasinta Dhex-dhexadka h iyo kuwa madax Banaan . Qisdiga iyo gundhiga ay leedahay Saami qaybsiga iyo qaacidad saxda ah oo la gaadha waa haybad iyo heykalka Qaranka jamhuuriyad Somaliland oo dhisma isla markaan sii adag oo mug iyo xadiid ah u sii adkaanaya . Cid gaar ah u daawo iyo sad-dheeraysi u tahay ma jirto marka lagu eego amma lagu miisaamo Isha Caafimaad ka qabta iyo caqliga waaagsan ee maangalka. Waxa aan aad u soo dhaweynaay doodah iyaga ah ee Qaacidad saamiga oo Gobolada Awdal iyo Salel Bulshadood qaybo ka mid ah aad xoog u saarayaan inay dareenkood la wadaag Madaxda Qaranka iyo dhamaanba goboladda kale Dalka iyaguna la mid ka siddanna Bulshadda, Awdal iyo salel la qadiyad ah sidda Buuhoodle Sool iyo badhan Taleex iyo Sanaag ba . Waxa aan rajenaya in la isla aqoonson –doono muhiimad iyo qiimah ay leedahay Qaacidad saxda ah ee lagu qaybinaayo Doorashad golah wakiilada jamhuuriyada Somaliland iyo Qiimaha iyo Sharafta ay Qaranka jamhuuriayad Somaliland iyo Ummadeed dhinac kast oo nolasheen ah iyo dhexdeen ah b waxtar iyo qaderrin iyo midho-dhal dhaxal gal ah ugu yeelanayso . ha lagu dhiirado ayan leeyahay arintan xaas-xaasiga ah ee mug iyo miisaanka leh . Waa Bilaahi Towfiiq Abokor I Mohmud abokorm@hotmail.co.uk fikrada xorta ah ee Muwaadinka Qaran News