Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,393
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa xilalkii laga qaaday qaar kamid ah Saraakiisha Ciidaamda Maamulka Jubbaland halka ilaa 3 kalane la xiray tan iyo markii dib loo doortay Axmed Maxamed Islaam, (Axmed Madoobe) iyadoo guud ahaan gudaha Ciidamada laga dareemayo dhaq-dhaqaaq iyo jawi ka badalan sidii hore. Qaar kamid ah Saraakiisha magaalada Kismaayo ee Milatariga Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in uu jiro shaki Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ka qabo qaar ka mid ah ciidamada, islamarkaana uu bilaabay in uu dib ugu laabto hogaanada Ciidamada. Axmed Madoobe ayaa qaba walaac ku saabsan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u soo marto Ciidamada amaanka ee ku sugan magaalada Kismaayo, kadibna ay qabsadaan magaalada ama uu ka dhaco Afgambi, sida ay noo sheegeen Xubno lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Saraakiisha Kismaayo ee Milateriga Soomaaliya. Qofkii ugu dambeeyay ee lagu xiray Kismaayo islamarkaana ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Jubbaland waxaa uu ahaa Taliyihii Ciidamada degaanka Cabdalla Biroole, oo la sheegay in uu damacsanaa in uu soo galo Kismaayo isaga iyo Ciidamo kale oo degaanka ku sugan. Ammaanka Madaxtooyada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay iyadoo sidoo kale ay jiraan kulamo dhanka amaanka ah oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay ka socday Kismaayo kuwaas oo u dhaxeeyay Axmed Madoobe iyo qaar kamid ah Saraakiishiisa uu ku kalsoonyahay. Jubbaland ayaa aaminsan in Dowladda Soomaaliya ay xeelad Ciidan oo Afgambi ah ku qabsan karto magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubada Hoose oo ah degaanka ama Saldhigga ugu wayn ee Jubbaland kadib markii ay dhinacyada isku fahmi waayeen doorashadii ka dhacday Kismaayo. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  2. Guddoomiyaha cusub ee loo doortay Ufayn Golaha Degaanka degmada Ufayn ee gobolka Bari, oo maalmahan ay xulistoodu ka socotay halkaasi, ayaa xalay la soo dhammaystiray, waxaana ay doorteen guddoomiye ku xigeen cusub. Golaha oo ka kooban 21 xubnood, ayaa 19 kamid ah oo goobta doorashada fadhiyay, waxay guddoomiyaha Golaha ahna duqa degmada Ufayn u doorteen, Maxamed Axmed Saalax, halka ku xigeenkiisana ay u doorteen Caddaysay Cabdi Caddaysay, sida uu shaaciyay wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo natiijada doorashada ku dhawaaqay. Doorashada oo ka dhacday xarunta dugsiga sare Cabdalle Ibraahim ee degmada Ufayn, ayaa waxa goob-joog ahaa; wasiirka Arrimaha gudaha, Wasiir ku xigeenka wasaaradda Kaluumaysiga, wasiir ku xigeenka wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Qoyska, gudoomiyaha gobolka Bari, Taliyaha Qaybta Gobolka Bari iyo bulshada degaanka. PUNTLAND POST The post Degmada Ufayn ee gobolka Bari oo maamul cusub loo dhisay appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar__Qubanaha-07092019.mp3 View the full article
  4. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) vigorously condemns the raid against the privately-owned HORYAAL 24 TV headquarters in Hargeisa by Somaliland security forces on Friday evening, 6th September 2019. Journalists in Hargeisa confirmed to NUSOJ that forces led by Somaliland’s Criminal Investigations Department (CID) chief Dahir Muse raided the premises of the station, shut down the TV while on live transmission and ordered all journalists on duty to stop the broadcasting and leave the premises. As the private channel went off the air at around 6:00 p.m. local time, Muse said he had no court warrant for the closure of the station, and notified the media workers that no equipment can be taken away from the compound. The shutdown happened without prior notice or court letter, said one of the journalists who witnessed the violent action by the security forces of Somaliland against the TV office. No official reason was given for the closure, but the journalists believe it may be linked to a recent report on women who spend their time consuming or chewing Khat, the narcotic stimulant leaf in a house in Hargeisa. The news report aired by the local TV is said to have irritated the top leadership of Somaliland, arguing that it was an “affront” to the women’s dignity. “We strongly condemn the violent act on the raid by the police against HORYAAL 24 TV and this indeed shows blatant disregard for freedom of the media in Somaliland,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary-General. This is the second time, HORYAAL 24 TV to be raided and shut down in this year. On 18th June 2019, Somaliland’s Ministry of Information ordered the closure of the television station over allegations of interfering in security and sovereignty of Somaliland. On September 4, 2019, Marodi-Jeeh regional court in Hargeisa city ordered the blockage of the independent news website “Hadhwanaag.ca”. This followed after the court said the website has published a report which accuses the Governor of the Central Bank of Somaliland, Ali Ibrahim Jama (Baghdadi) “misuse of public money”. NUSOJ expresses grave concern about widening crackdown on media in Somaliland, calling on local authorities to respect fundamental press freedom. “We call on the Somaliland Government to allow the television station to resume broadcasting with immediate effect and without any form of hindrance or restrictions,” he added. The continuing media crackdown and closure of media stations and journalists is jeopardizing press freedom and freedom of expressions which are fundamental core elements of the enjoyment of basic human rights in Somaliland. View the full article
  5. Baydhabo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa kulan looga hadlay wax ka qabashada baahiyha ka jira deegaannada koonfur Galbeed, waxa uu magaalada Baydhabo kula yeeshay safiirradda dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee fadhigoogu yahay Muqdisho. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo Ra’iisul Wasaare Khayre ku wehliyay kulanka, ayaa soo bandhigay qorshayaasha horumarinta bulshada iyo deegaanka ee muhiimka ay tahay in laga taageero si loo gaaro horumarka iyo himilooyinka bulshada Koonfur Galbeed. Ra’iisul Wasaare Khayre oo qorshaha socdaalkiisa Koofur Galbeed uu salka ku hayay horumarinta adeegyada bulshada iyo amniga, ayaa safiirrada u sheegay in lagama maarmaan ay tahay in ay qayb ka qaataan qorshaha horumarinta Koonfur Galbeed. Wakiillada iyo safiirrada kulanka ka qayb galay oo Ra’iisul wasaare Khayre ku ammaanay dadaalka uu ugu jiro dib-u-kabashada dalka, ayaa ballan qaaday in Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ay ku taageerayaan qorshayaasheeda horumarineed. Shirka oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale looga hadlay diyaar garowga shirka iskaashiga Soomaaliya iyo beesha Caalamka oo dhawaan lagu qabanayo Muqdisho. View the full article
  6. Gudoomiyaha Shirkada Telesom Cabdikariim Maxamed Iid oo maanta ka hadlaayey shirka Tiknoolajiyada Somaliland oo Hargeysa ka furmay ayaa waxaa uu sheegay in aaney suurto gal marnaba noqon Karin in Somaliland oo leh bad dheer oo la soo dhigi karo Internet “ Viper Optic” Ah ay hadana ku tiirsanaato Internet dal kale Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dood badan ka taagan tahay oo baaritaan lagu hayaa lacag oo ka maqan gobolka Banaadir, taasi oo badankeed baxday intii u dhaxeysa weerarkii ka dhacay xarunta gobolka iyo aaskii allaha u naxariistee Guddoomiyihii gobalka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow. Sida ay ogaatay Caasimada Online, xisaab celin ay sameeyeen guddigii u xilsaarnaa aaska daryeelka iyo aaska dadkii wax ku noqday weerarka aqalka dowladda Hoose, ayaa lagu sheegay in lacag dhan hal Milyan oo dollar ay baxday muddo ka yar hal bil. Lacagtaas ayaa badankeed la sheegay in lagu qarash gareeyay aaska Marxuum Yariisow iyo daryeelkiisaba, waxaana sidoo kale ku jira dadkii kale ee dhaawacyada ahaa. Lacagtaan oo laga bixiyay qasnadda dowladda Hoose ayaa lagu sheegay insy ku baxday daryeelka marxuum Yariisow intii uu dhaawaca ahaa iyo aaska geeridiisa. Sidoo kale masuuliyiintii kale geeriyootay iyo kuwii dhaawacmay ayaa la sheegay in ay lacagtaas qayb ka aheyd meelihii ay ku baxday. Waxaa sidoo kale jirta lacag badan oo la sheegay in lagu bixiyey dayac-tir iyo qurxinta xarunta gobolka, balse aysan jirin howl-muuqata oo ay ku bixi karto lacag tobanaan kun oo dollar ah. Lacagta ugu badan oo dhan 700,000 oo dollar ayaa la sheegay inay baxday 24-kii July oo ahaa maalinkii qaraxa uu dhacay ilaa 8-dii August. Xogtaan ayaa waxaa laga helay Xafiiska Maaliyadda ee Gobalka Banaadir kadib markii Cumar Filish, uu ka dalbaday ku simihii Gobalka Banaadir Ibraahim Dheere, in uu soo gudbiyo lacagtii ka baxday Gobalka, dadkii la shaqaaleysiiyay iyo kuwii la dalacsiiyay intii uu kusimaha ahaa. Caasimada Online, ayaa la hadashay xubno sare oo ka tirsan maamulka Gobalka kuwaas oo noo xaqiijiyay in arintaan ay muran abuurtay iyadoo la sheegay in loo gudbiyay Xafiiska ra’iisul wasaare Kheyre iyo kan hanti-dhowraha qaranka, oo iminka baaritaan ku haya. Cumar Filish, ayaa yiri “waxaan go’aansaday in aan hanti-dhowrka iyo madaxda qaranka la wadaago tirada, shaqaalaha iyo hantida gobalka aan ugu imid ka hor inta aan shaqo gelin, wixii markaas ka dambeeyo aan qaato mas’uuliyadda wixii dhaca” sida aan ka soo xiganay mas’uuliyiin aad ugu dhow Cumar Filish. Caasimada Online, ma hubto in dhamaan Xubnaha Guddigii loo xil saaray musiibadii ka dhacday xarunta dowladda Hoose ay raali ku yihiin Warbixin laga gubiyay Xafiiska Maaliyadda ee Gobalka Banaadir, waxaase muuqata in halkaas lagu lumiyay lacago boqolaal kun oo dollar ah. Sidoo kale, Caasimada Online ayaa ogaatay in diyaaradda lagu qaaday sidoo kalane lagu soo celiyay maydka Yariisow iyo dadkii la socday ay aheyd lacag la’aan oo ay ku deeqday Dowladda Qatar, waxaana sababta lagu sheegay in aan la kireynin diyaarad Milateri, sidoo kalane aan Soomaaliya laga kireyn doonin caawimaadda deg degga ah ee Qatar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom ayaa wacdaro ka dhigtay shirweyanha Tiknoolajiyadda Somaliland oo maanta ka furmay huteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa, Shirkan waxaa fulay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici. Shirkan waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda ee Somaliland, waxaana ka soo qayb-galay xubno golaha wasiiradda ka mid ah, ganacasatada shirkadaha waaweyn ee dalka iyo qaybaha kale ee bulshadda. Guddoomiyaha shirkadda Telesom Cabdikariim Maxamed Iid oo shirkaasi khudbad ka jeediyey ayaa ka warbixiyey marxaladdihii tiknoolajiyadeed ee dalku soo maray iyo halka maanta tiknoolajiyadda dalku mareyso. Halkan ka daawo muuqaalka warkaasi Source
  9. Shirkadada Dahabshiil Group oo ka mid ah shirkadaha ugu waa weyn ee dalka ayaa waxaa ay qeyb weyn ka aheyd shirweyne lagaga hadlaayey Tiknoolajiyada casriga ah oo maanta ka furmay magaalada Hargeysa ee Somaliland. Shirkada ayaa halkaasi waxaa ay ku soo bandhigay adeegyo cusub oo ay soo kordhisay . Waxaana ugu horeyn madasha ka Hadley madaxa waaxda Hawl Galinta ee Shirkada SOMTEL Xassan Sheekh Maxamuud Suufi waxaana uu yidhi “ Runtii shirkad ahaan waxaanu 2011-kii markii ugu horeysay dalka aanu ka hir galinay adeega 3G , 2014-kiina adeega 4G-ga , iminkana waxaanu ku rajo weynahay in aanu ku soo kordhinyo adeega 5G , taas oo wadanka guud ahaantii sumcad weyn u sameyn doonta . Ka shirkad ahaan maanta waxaanu halkan ku soo bandhigi doonaa Barnaamijyo kala duwan oo ay ka mid yahiin adeeg-yadii shirkada iyo kuwo kale oo cusub oo ay maanta ugu mihiinsan adeeg kuu sahlayaa in adiga oo aduunka meel kasta ka jooga aad maamusho xafiis-kaaga iyo ganacsigaaga , sidoo kale waxaa madasha ku diyaar ah adeeg-yadii kale ee shirkadu qaban jirtay hadii ay noqoto E-Dahab iyo Interner-kii “ ayuu yidhi Xassan Sheekh Maxamuud Suufi . Geesta Kale Madasha isna waxaa ka Hadley Khadar Cabdiraxmaan Cabdilaahi oo ah madaxa Waaxda arimaha Bulshada ee shirkada SOMTEL waxaana uu si faah faahsan uga war bixiyey adeegyo cusub oo ay shirkadu daah furtay waxaana uu yidhi “ Waxaan aan jecelahay in aan bulshada halkan ugu soo bandhigo dhawr adeeg oo kala duwan oo shirka SOMTEL ay ku soo bandhigtay carwadan waxaana edeeg-yadaas ka mid ah adeeg aad iyo aad u casri ah oo ah adeeg la yidhaahdo “ REACHME “ waana adeeg aanu ugu talo galnay macaamiisha kala duwan ee gudaha joogta iyo ehelada iyo asxaabtooda dibada joogta in uu isku xidho , waana adeeg fudud oo si lacag la,aan ah oo aan odhan karo waa iska bilaash oo kale ay macaamiishu ula soo hadali karaan eheladooda dalka joogta . Adeegani waa Application aad galeyso Internet-ka adiga oo kala soo degaya App Store-ka waxaana aad ku isticmaali kartaa Mobile-kaaga iyo Laptop kaaga-ba , waxaana uu adeegaasi ku xisaabin doona lacag yar oo aad u jaban , qofka aad soo waceyso waxaa looga baahan yahay oo kaliya in uu sito khaadh-ka SOMTEL , umana baahna qofkaasi Internet iyo Mobile weyn oo casri ah , qofka dibada jooga oo kaliya ayaa ah qofka la soo degi doona App-kan isla markaana awoodi doona in uu la soo hadalo dhamaan cid kasta oo uu doonaayo oo sidata kaadhka SOMTEL , waxaana aanu jeclnahnahay in ay adeegaas ka faa,ideystaan dadka qurbo jooga ah “ ayuu yidhi Sidoo kale Khadar oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu dul istaago adeegyo kale oo shirkada SOMTEL soo bandhigtay waxana uu yidhi “ Shirkadu waxaa ay macaamiisha ay u sameysay qiimo dhimis ilaa boqolkiiba shan iyo labaatan ah 25 % , dhinaca adeega 4G- ga marka ay macaamiishu iibsaneyso , waxaana aanu macaamiisha ugu bushaareynayaa ugu baaqeynayaa in ay ka faa’ideystaan inta ay carwadani socoto . Waxaanu sidoo kale macaamiisha aanu la wadeynaa in aanu soo kordhinay adeeg cusub oo ku siinaya Internet aan xadi laheyn , kaas oo aad qiimo yar bixin doonto isla markaana aad isticmaali doonto bishan oo dhan “ ayuu yidhi Ugu Danbeyn Muddane Khadar waxuu is dul taagay doorkii ay shirkadu ka ciyaartey carwadan “ Shirkad ahaan waxaanu carwadan ka qaadaneynay qeyb aad u laxaad weyn hadii ay noqoto dhinaca LIVE-ka iyo Interne-ka WI- FI ee meesha lagu isticmalaayey “ ayuu hadalkiisii ku soo gabo gabeeyey . Source
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa Shahaadada dugsiga Sare u diiday Ardayda ka baxday Iskuulada ku yaala degaanada Maamulka Puntland, islamarkaana qalin Jebiyay Sanad dugsiyeedka 2018-2019, taasi oo maanta un soo shaac baxday. Guddoomiyaha Dalladda Ururada Bulshada Rayidka ee Puntland, Faysal Axmed Warsame oo la hadlay Warbaahinta magaalada Muqdisho iyo kuwa Puntland ayaa cadeeyay in Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ay diiday bixinta Shahaadada dugsiga ee Ardayda Puntland. Boqolaal kamid ah Ardayda Sanadkaan ka qalin Jebisay dugsiyada degaanada Puntland oo Muqdisho u yimid sidii ay u qaadan lahaayeen Shahaadada ayaa dib ugu laabtay degaanada Puntland kadib markii ay waayeen Shahaadada. Ardayda ayaa loo sheegay in aysan heli doonin Shahaadada, ilaa ay Puntland ogolaato in imtixaanka mideysan ee Qaranka ka qayb-qaadato, iyagoona lagu amray in ay dib ugu laabtaan Puntland iyo degaanadii ay ku yimaadeen. “Boqolaal kamid ah Ardayda Puntland ayaa dib ugu soo laabtay Garowe, Boosaaso, Gaalkacyo iyo magaalooyin kale kadib markii loo diiday Shahaadada” ayuu yiri Faysal Axmed Warsame. “Muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya DF-ka iyo maamul gobaleedyada waxa uu saameeyay adeegyada Bulshada waana wax laga xumaado” ayuu yiri Faysal Axmed Warsame oo warbaahinta Muqdisho la hadlay. Dhinaca kale, goor dambe oo maanta ah ayaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana laga soo doortay degaanada Puntland waxay ku guuleesteen in ay xaliyaan arrintaasi kadib markii ay la kulmeen Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya. “Waxaa maanta xafiiskeyga kulan kula qaatay xildhibaanada ugu muhiimsan ee kasoo jeeda deegaanada Puntland…Waxaan kawada hadalnay sidii ardayda Puntland ee sannad dugsiyeedkii 2018/2019 imtixaankoodii la siyaasadeeyay ay u heli lahaayeen shahaadada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa farxad ii ah in ugu danbeyntii aan isla garannay xal oo aan dib idinkala wadaagi doono.” ayuu yiri wasiir Goodax.
  11. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeen-07092019.mp3 View the full article
  12. Jaaliyadaha Mataanaha ah ee Reer Kanada Waxaa lagu wargalinayaa in Magaalada Toronto ay ka dhagayso Xaflad lagusoo dhaweynsyo looguna dabaal dagayo Doorashadii Lagu doortay Madaxweyne [...] Source
  13. Hal ruux oo ahaa ilmo saddex sano jir ah ayaa ku geeriyoodey khasaare hantiyeed oo kalena waa ka dhashay dab maanta gelinkii dambe ka kacay kaam kuyaal magaalada Garoowe. Dabkaan oo ahaa mid ay faafisay dabaysha xagaagu ayaa waxaa gurmad deg deg ah gaarsiiyey si ay u damiyaan qaar kamid ah shirkadaha biyaha macaan bixiya ee magaalada Garoowe, inkastoo markii dambe uu gaarey gaadiidka dab-damiska dowladda hoose ee Garoowe. Mid ka mid ah dadka degan kaamka ayaa warbaahinta uga sheekeeyay sida ay wax u dhaceen. PUNTLANDPOST The post Hal ruux oo ku dhintay dab qabsaday xarunta barakacayaasha Yemeniyiinta Garowe appeared first on Puntland Post.
  14. (SLT-Laascaanood)-Wasaarada Hawlaha Guud ayaa qaybo ka mid ah dhismaha shirkada korantada baabiiyey kadib markii waddo weyn ay ku beegantay badhtamaha wersheda ayna dhamaatay mudo loo qabtay. Dadaal badan oo ay sameeyeen hantiilayaasha shirkada Solpawer oo ay ku doonayeen in wadada lagu joojiyo afaafka dhismaha ayaa la sheegay in uu noqday mid aan shaqayn. Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa saxaafada u sheegay in aanay jirin wax tanaasul ah oo shirkada loo sameeyey, waxaanu intaas ku saray in waqti dheeraad ah ay siiyeen maadaama ay ku filaan weydey mudo hore loogu qabtay. Shirkadan oo ah ta keliya ee korantada siisa magaalada Laascaanood ayaa qalabka qoraxda dabka ka dhaliya ku rakibay dhul balaadhan oo ku yaal duleedka waqooyi ee magaalada. Dadweyne badan ayaa saaka tegey goobta shirkada iyagoo filaayey in jidka si toos ah loo dhex mariyo dhismaha shirkada balse waxaa la jebiyey labada derbi ee isku quman iyadoo badhtan aan la waxba laga qaban, taas oo dadbadan ay ku fasirayaan filim lagu dejinayo dadka wadooyinku saameeyeen oo foodsaaro ka dhiganayey shirkada. Si kastaba ha ahaatee aragtiyo kala duwan ayaa ka soo burqanaya bulshada Laascaanood oo ku wajahan Hagaajinta daafaha iyo badhtamaha magaalada Laascaanood. Source
  15. (SLT-Hargeysa)-Golaha deegaanka ee Burco ayaa go’aan ku gaadhay in aan magaalada gudaheeda lagu arki karin lo’da laakiin Adhiga iyo Geella ayaa ay ka reebeen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cumar Heegan ayaa dhawaan isku soo dhiibay Dowladda Federalka Soomaaliya, inkastoo wali aanan la soo bandhigin. Sarkaalkaan ayaa waxaa gacanta ku haya Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya, kadib markii xiriir uu la soo sameeyay xubno Hay’adaasi ka tirsan ay u fududeeyeen inuu soo galo dowladda Federalka Soomaaliya. Cumar Heegan ayaa wuxuu ahaay madaxa Xabsiyada Ururka Al-Shabaab, waxaana uu masuul ka ahaay xabsiyo kala duwan oo ku yaallo Gobolada ay Maamulaan Ururka Al-Shabaab. Sarkaalkaan ayaa ka soo jeeda deeganada Koonfur Galbeed, waxaana hadda uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan xarumaha Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya. Muddooyinkii dambe Al-Shabaab waxaa ka soo goosanaayay Saraakiil Sare oo waqti badan ka mid ahaay xubnahaasi, islamarkaana fahmay dariiqa ay ku socdaan inuu yahay mid aad u qaldan. Al-Shabaab ayaanan wali ka hadlin Sarkaalkaan ka soo goostay, balse Shabaab waxa ay yaqaaniin dhaqanka ah inay beegsadaan Saraakiisha Sare ee dhankooda ka soo goosata ee Nabad Suggida Soomaaliya ku soo biirta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. (SLT-Xiingalool)-Saraakiil ka mid ah Ciidammada Daraawiishta ee Maamul-gobolleedka Puntland ayaa Maanta gaadhay degmada Xiin-galool ee Gobolka Sanaag. Saraakiishan oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidammada Daraawiishta ee Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Sareeye Gaas Yaasiin Cumar dheere, ayaa gelinkii hore ee Maanta gaadhay degmada Xiin-galool ee Gobolka Sanaag. Taliyaha iyo Saraakiisha la socotay oo watay Ciidamo badan oo Ilaalo ah, ayaa waxa degmada Xiin-galool waxa ku soo dhaweeyay Dadweynaha degmadaa qaarkood iyo Ardayda Dugsiyada. Taliyaha Iyo masuuliyiin kale ee la socday oo maalmihii ugu dameeyey safar ku marayey gobolka Sanaag, ayaa u kuur galayey xaaladaha amni ee gobolka iyo kormeerida Ciidamo kasoo goostay Somaliland. Laakiin, Safarka Taliyaha Ciidammada Daraawiishta Puntland ku marayo deegaannada Bariga Gobolka Sanaag ayaa ku soo beegmaya xilli xiisadda u dhaxaysa Somaliland iyo Puntland ay aad u kacsan tahay. Source
  18. Ra’iisalwasaaraha xukuumadda federaalka Xasan Cali Kheyre ayaa maanta safar ku tagay magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG u ah dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya, waxaana garonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay maxaweynaha Koonfur galbeed Cabdi Caziz Lagta Gareen, guddoomiyaha balaanka iyo xildhibaanno. Ra’isul wasaraha ayaa bushda magalaada kula hadlay garoonka kubadda cagta ee magaalada Baydhabo, isaga oo ugu mahadceliyay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen, Kheyre ayaa bulshada ka balanaqaaday in dowladda federaalka ay kaalinteeda ka geysanayo dhismaha ka socda Garoonka kubadda cagta magaalada Baydhabo. Sidoo kale Ra’iisal wasaaraha ayaa la filayaa inta uu joogo Baydhabo inuu la kulmo madaxweyne Cabdi Caziiz Maxamed Laftagareen wax garadka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan saraakiisha ciidama qeybta 60-aad, asaga oo kala hadli doona sidii loo furi lahaa amnina loogu heli lahaa wadada xariirisa Magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho. Dhanka kale ra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa inuu maalinimada barrito uu magaalada Baydhabo ka daahfuro shir ay ka soo qeyb galayaan hey’ado caalamiga isaga oo kala hadli doona sidii deegaanada koonfur galbeed mashaariicyada hormarineed ee laga fulinaayo sidii ay gacan uga geysan lahaayeen. Mudane Kheyre ayaa sidoo lagu wadaa inuu gaaro deegaano kale oo Koonfur galbeed ah sida gobalka Bakool iyo magaalo xeebeedka Baraawe ee gobalka Shabeellaha hoose oo la filaayo inuu mashaariic hormarineed ka dhagax dhigo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. (SLT-Hargeysa)-Kalfadhigii Bisha 9aad ee Guddida Fullinta Xisbiga WADDANI ayaa saaka ka qabsoomay hoolka shirarka ee Xarunta Dhexe ee Xisbiga WADDANI, Waxaana guddoominayey Guddoomiyaha Xisbiga Dr Cabdiraxmaan Cirro. Shirka saaka Guddida Fullinta ee ka qabsoomay Xarunta Dhexe ayaa waxa lagaga hadlay geedi socodka ambaqaadka doorashooyinka dalka, qabanqaabada shirka golaha dhexe iyo qiimeyn xaaladda guud ee dalka. Source
  20. (SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daahfuray Shirka heer qaran ee Cilmiga Tignoolojiyada oo ka furmay Magaalada Hargeysa islamarkaana socon doona laba maalmood oo lagu lafa guri doono horumarka dhanka IT-ga ee Somaliland. Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tijnoolojiyada ayaa waxaa goob joog ka ahaa guud ahaanba Shirkada waa weyn ee Isgaadhsiinta waddanka iyo shirkada ka shaqeeya arrimaha Tignoolojiyada , muddadaa uu socdo shirkaasi waxaa laysku waydaarsan doonaa arragtiyaha iyo aqoonta kala duwan ee IT-ga iyadoo la filaayo inuu kasoo baxo War-murtiyeed. Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay furitaanka shirkaasi ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolijiyada hanaanka wanaagsan ee ay usoo abaabushay shirkaasi, sidoo kalena waxa uu ku amaanay Shirkadaha isgaadhsiinta doorka muuqda ay ku leeyihiin horumarinta Tignoolojiyada Waddanka. Madaxweyne ku xigeenku ayaa sidoo kale sheegay in loo baahnaa shirkan si loogu eego halka ay marayso Tignoolojiyada waddanku iyo halka aynu higsanayno, waxaana uu shirkadaha iyo Wasaaradda u rajayey in wakhtiga uu socdo shirkaasi uu kasoo bixi doonaan qodobo muhiima oo guul u ah Qaranka. Dhanka kale Madaxweye ku xigeenku waxa uu xadhiga ka jaray Carwo loogu talo galay Tignoolojiyada iyo horumarinta IT-ga oo ay shirkadaha kala duwan ee Waddanku kusoo bandhigayeen adeegyadooda kala duwan ee ay bulshada u qabtaan, waxaana uu Madaxweyne ku xigeenka socod kusoo maray dhammaanba goobaha ay shirkadaasi kuoo bandhigayeen adeegyadooda kala duwan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Abbaanduulaha Koowaad ee Ciidammada Qaranka Somaliland, Cabdirisaaq Siciid Bullaale ayaa shir-jaraa’id oo uu Maanta ku qabtay Xarunta Miiska Saraakiisha wuxuu kaga jawaabay hadal ka soo yeedhay Taliyaha Ciidammada Puntland. Taliyaha Ciidammada Puntland ayaa isagoo ku sugan Degmada Badhan wuxuu Somaliland ku eedeeyey inay gacan-saar la leedahay Kooxda Al-shabaab, laakiin Abbaanduulaha Ciidammada Millateriga Somaliland, Cabdirisaaq Siciid Bullaale oo hadalkaa daba socda ayaa yidhi “Waxaanu ka jawaabaynaa hadalladii Deel-qaafka ahaa ee uu Taliyaha Ciidammada Puntland uu bishan Shanteedii Badhan kaga hadlay, hadalladaas oo ahaa inuu Somaliland ku tilmaamay Al-shabaab ama inay Somaliland iyo Al-shabaab iskaashadaan, taa haddii aan ka jawaabo runtii Caalamku wuu ogyahay in Dawladda Somaliland aanay Al-shabaab iyo Budhcad-badeed midna Saldhig ku lahayn, deegaanna ku lahayn, Xidhiidhna la lahayn, kana Caagan yihiin..” Abbaanduulaha oo hadalkiisa sii wataa waxa kale oo uu sheegay “Taliyaha Ciidammada Puntland waxaan leeyahay hoos u eeg degaankaaga, halkay deggan yihiin, intay kuu jiraan iyo inta goobood ee ay ku leeyihiin halka aad sheeganayso iyo Ciidanka aad xukunto intay u jiraan.” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey isla-markaana uu ka jawaabay hadal uu Taliyaha Ciidanka Puntland ku sheegay in Badhan tahay Caasimadda labaad ee Puntland, “Waxaan ka hadlayaa inuu Badhan ku sheegay Caasimadda labaad ee Puntland, Maanta ka hadli mayno in Badhan ay Somaliland tahay, laakiin waxaan u sheegaynaa Taliyahaa in Xadka Somaliland uu Boosaaso u jiro 15KM, Qardhana uu u jiro 7KM, Garoowe-na uu u jiro 5KM..” Source
  22. Qore : Mahdi Yusuf Dhuux Farmaajo oo Seeftiisa qabiil nacaybka ah la dul maray shaqsiyaadka xilalka sare ka haye dawladda Federaalka ee ka soo jeeda [...] Source
  23. The closure of Horyaal TV Network by Somaliland authorities in Hargeysa portends tough times ahead of Somaliland media houses. An investigative report by Horyaal brought to light “women-only Khat sessions” in Hargeysa. The report prompted imams and preachers in Hargeisa to condemn women chewing Khat in places similar to men-only Khat venues known as majlis. There are no known venues for women-only Khat sessions in Hargeysa. Women chewing Khat at an undisclosed venue in Hargeysa Horyaal TV producers authorised journalistic investigation into women chewing Qat in private premises. The editorial decision raises questions about editorial standards of Horyaal TV network. In Islam it is impermissible to pry into lives of people. Somaliland Government has yet to issue a statement on the closure of Horyaal TV station. Somaliland Journalists Association has called for the Somaliland Government to reverse the decision to shut down the TV network. Secession questioned: President Bihi looks at a Somalia Map impassively Meanwhile a Horyaal news bulletin item on Somaliland President’s visit to Djibouti has become a subject of discussions in the social media. Horyaal reported that President Muse Bihi was impassively listening to a presentation involving a map of Somalia that does not show Somaliland as a separate country. Djibouti recognises the sovereignty of Somalia over the self-proclaimed republic of Somaliland. Djibouti troops are a part of Amisom to protect the Federal Government against Al-shabaab. © PUNTLAND POST The post Horyaal TV Closure Triggers Debate on Privacy appeared first on Puntland Post.