Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,399
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Kornayl Caarre ayaa sheegay in aanu ka war qabin wada hadalladii xukuumadda oo dib loo bilaabayo waxaanu sheegay in ay kala jabeen guddidii wada hadalka islamarkaana aanu isagu dhinacna raacayn, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa lagu wadaa in markii ugu horreysay sannadkan 2019 uu ka qeyb galo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee ka dhicin doona dalka Mareykanka. Wasiirka Wasaaradda Qorsheysnta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo sheegay in Madaxweyne Farmaajo Sannadkan uu ka qeyb geli doono Shirka Qaramada Midoobey. Wasiirka Jamaal ayaa hadalkan waxaa uu ka sheegay xili uu faahfaahin ka bixinayay Shir Magaalada Baydhabo ku yeesheen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee fadhigoogu yahay Magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa labadii sanno ee uu xilka Madaxtinimada hayay ka qeyb gelin shirka Qaramada Midoobey, sababo la xidhiidha dhalashada Mareykanka ee uu heystay, waxaana Horaantii bishii hore uu Madaxweynuhu ku dhawaaqay inuu ka laabtay dhalashadii Mareykanka. Source
  3. (SLT-Washington)-Qoraal uu soo dhiga bartiisa twitter-ka ayuu Donald Trump gebi ahaanba ku joojiyay wadahadaladi u dhexeeyay Maraykana iyo Ururka Taalibaan ee Afganistan ee ka socday magaaladda Dooxa ee Qadar. Sababta uu joojiyay wadahadalada ayuu ku sheegay inay la xidhiidho ka dib Markii Taalibaanku ay qirteen weerar dhawaan ka dhacay Caasimadda Kabul kaasi oo uu ku dhintay askari Maraykan. Qayb ka mid ah heshiiska ayaan dhigaysay in Maraykanku uu kala baxo Afganistan 5400 askari muddo 20 toddobaad ah. Maraykanka waxaa dalkaasi ka joogta 14 Kun oo Askari. Tan iyo markii Maraykanka iyo Taalibaan ay bilaabeen wadahadalada waxay yeesheen 9 Kulan. Source
  4. (SLT-Pakistan)-Dowlada Pakistan ayaa diiday codsi uga yimid madaxweynaha Hindiya Ram Nath Kovind si uu isticmaalo garoon diyaaradeed oo ku yaalla Pakistan oo marin u ah duulimaadyada Hindiya. Go’aanka ayaa imaanaya iyadoo uu sii Xoogeysanayo xiisadda u dhaxeysa labada waddan ee xadwadaaga ah oo ku muransan xadka gobolka Kashmir. Wasiirka Arimaha dibadda Pakistan Shah Mehmood Qureshi ayaa sheegay Sabtidii shalay in madaxweynaha Hindiya uu codsaday in uu isticmaalo garoonka si uu ugu safro dalka Iceland balse ay ka Diideen. Mr Qureyshi ayaa dhanka kale ka gaabsaday in macluumaad dheeri ah oo ka Bixiyo. Source
  5. Shirkii dibu-heshiisiinta beelaha degan Galmudug ayaa weli ka socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug oo uu dhowaan ka furay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. Xarunta uu ka socdo shirka dibu heshiisiinta Galmudug ayaa waxaa ku sugan boqolaal ergo oo ka kala socda 11 kamid ah beelaha ugu waaweyn ee deegaamada Galgaduud iyo koonfurta Mudug. Mudadii uu socdey shirkaani waxaa aad loogaga hadlay arrimaha dibu heshiisiinta iyo sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan iyo sidii la isugu soo dhaweyn lahaa Siyaasiyiinta kala aragtida duwan ee ku nool deegaannada Galmudug. SAWIRRO PUNTLANDPOST The post Shirka dibu heshiisiinta Galmudug oo ka socda magaalada Dhuusamareeb. appeared first on Puntland Post.
  6. (SLT- Khartuum)-Maxkamada magaalada Khartuum ayaa diiday in damaanad lagu sii daayo madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir, oo wajahaya eedo Musuq Maasuq. Al-Bashiir oo xilka laga tuuray 10-kii bishii April ee sannadkan ayaa lagu eedeeyay in uu lunsaday hantida Dadweynaha. Dambiyada loo heesto intii uu xilka hayay ayaa waxaa ka mid ah lunsashada lacagta qaranka musuq maasuq iyo in uu aqbalay 90 million oo Dollar oo sharci aheyn oo uu ka qaatay saraakiil ka tirsan boqortooyada Sacuudiga. Mar uu todobaadkii hore ka soo muuqday shaashadaha tan iyo markii xilka laga tuuray ayaa wuxuu sheegay in 25 million oo ka helay dhaxal suge Maxamed Bin Salman, balse aanu u adeegsan danihiisa Gaarka. Source
  7. Beleweyne (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan xasaasi ah la qaatay saraakiisha qeybta 21-aad iyo kuwa Danab ee xalay gaaray gudaha magalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay sugida amniga iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab Taliyaha qeybta 21-aad General C/Casiis Cabdullaahi (Qooje) oo kulanka faah faahin ka bixinayay ayaa sheegay inay ka wada hadleen sidii taliska qeybta 21-aad uu HirShabelle gacan uga siin lahaa sidii Al-Shabaab looga saari lahaa deegaanada maamulkaasi. Ugu dambeyn Madaxweyne Waare ayaa booriyay howlaha ciidanka Xoogga dalka ka wadaan deegaanada maamulkiisa, isagoo sidoo kale bogaadiyay juhdiga ay dowladu ku bixinayso inay wada shaqeeyaan qaybaha 27-aad iyo 21-aad ee ciidamada Xoogga dalka. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  8. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre, ayaa kulan looga hadlay wax ka qabashada baahiyha ka jira deegaannada koonfur Galbeed, waxa uu magaalada Baydhabo kula yeeshay safiirradda dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee fadhigoogu yahay Muqdisho. Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) oo Ra’iisul Wasaare Khayre ku wehliyay kulanka, ayaa soo bandhigay qorshayaasha horumarinta bulshada iyo deegaanka ee muhiimka ay tahay in laga taageero si loo gaaro horumarka iyo himilooyinka bulshada Koonfur Galbeed. Ra’iisul Wasaare Khayre oo qorshaha socdaalkiisa Koofur Galbeed uu salka ku hayay horumarinta adeegyada bulshada iyo amniga, ayaa safiirrada u sheegay in lagama maarmaan ay tahay in ay qayb ka qaataan qorshaha horumarinta Koonfur Galbeed. Wakiillada iyo safiirrada kulanka ka qayb galay oo Ra’iisul wasaare Khayre ku ammaanay dadaalka uu ugu jiro dib-u-kabashada dalka, ayaa ballan qaaday in Dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ay ku taageerayaan qorshayaasheeda horumarineed. Shirka oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya, ayaa sidoo kale looga hadlay diyaar garowga shirka iskaashiga Soomaaliya iyo beesha Caalamka oo dhawaan lagu qabanayo Muqdisho. Source: goobjoog.com
  9. Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxay sheegayaan in ciidanka xoogga dalka ay howlgal ballaaran oo ammaanka lagu xaqiijinayo ka wadaan wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar oo maalmahan dambe kusoo bateen falalka amni darri. Howlgalkan ayaa sidoo kale waxay ciidanku ku baarayaan Miinooyin, kadib markii shalay qarax uu ka dhacay halkaasi. Saraakiisha hoggaamineysan howlgalkan ayaa ka gaabsaday in wax faah faahin ah bixiyaan, iyaga oo sheegay iney hadli doonaan saacadaha soo aaddan. Wadada isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ayaa inta badan waxaa ka dhaca weeraro ay fuliyaan Al-shabaab. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dab khasaare kala duwan geystay oo ka kacay kaam ay deganaayeen dad barakacayaal ah, kaasi oo ku yaalla magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal. Sidey inoo sheegeen dadka deegaanka, dabkan ayaa ka kacay mid ka mid ah guryaha ka sameysan bacaha ee ku yaalla kaamkaas. Hal qof oo la sheegay inuu ahaa ilmo Saddex Sano jira ayaa ku dhintay dabkaasi, waxaana ku baabay guryo iyo xarumo ganacsi oo Kaamkaasi ku yaallay. Dabkan ayaa degdeg ku faafay, maadaama magaaladaasi ay ka jiraan dabaylo xooggan, iyadoo dadka Garoowe iyo maamulka magaaladaasi u gurmadeen qoysaskii ku dhaqnaa halkaasi oo ugu dambeyn dabka la damiyey. Kaamka uu dabkan ka kacay oo la yiraahdo Kaamka Yemaniyiinta ayaa waxaa ku noolaa qoysas aad u dan yar, kuwaasi oo hadda u baahan gurmad dhan walbo ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Beledweyne (Caasimada Online|) – Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo xalay gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta ee gobolka Hiiraan. Kulanka oo ahaa mid xasaasi, islamarkaana qaatay saacado badan ayaa diirada lagu saaray arrimaha amniga iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Ugu horreyn waxaa shirka warbixin looga dhageystay taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, General Cabdicasiis Cabdullaahi (Qooje) oo marka hore ka warbixiyey u jeedka socdaalkooda iyo sidoo kale howlgallada ka socda gobollada Dhexe. Taliyaha ayaa sheegay in ay diyaar garow xoogan ugu jiraan howlgallo cusub oo Al-Shabaab looga saarayo guud ahaan maamullada HirShabelle iyo Galmudug. Dhankiisa Madaxweyne Waare oo kulanka ka hadlay ayaa ku booriyey qeybaha 27-aad iyo 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka inay yeeshaan wada shaqeyn dhab ah, islamarkaana ay meel uga soo wada jeestaan dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab. Gobollada dhexe ayaa ka mid ah meeladaha ay sida aadka ugu xoogan tahay Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliso gobolladaasi. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  12. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa , oo ay weheliyaan Xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Puntland ayaa maanta xafiiskiisa wada-hadal kula yeeshey Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre,iyada oo wadahadallada diiradda lagu saaray sidii xal loogu heli lahaa cabashada Ardayda Puntland ee shahaahada Dugsiga sare. Kullanka ayaa is-afgarad ku dhammaaday, waxaana wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre uu ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono sida ugu dhow ee Ardayda Puntland ay shahaadada ku heli lahaayeen. “Waxaa maanta xafiiskeyga kulan kula qaatay xildhibaanada ugu muhiimsan ee kasoo jeeda deegaanada Puntland…Waxaan kawada hadalnay sidii ardayda Puntland ee sannad dugsiyeedkii 2018/2019 imtixaankoodii la siyaasadeeyay ay u heli lahaayeen shahaadada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Waxaa farxad ii ah in ugu danbeyntii aan isla garannay xal oo aan dib idinkala wadaagi doono.” ayuu yiri wasiir Goodax. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Sadiiq Warfaa ayaa uga mahadceliyay wasiirka waxbarashada ballanqaaday ku aaddan inay Ardaydu heli doonaan shahaahada dugsiga sare,isaga oo markaa caddeeyay inuu labbo laabi doono dadaallada xalka kama dambeysta ah looga gaarayo cabashada shahaadada ee Ardayda Puntland. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  13. Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha JFS, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sanadkan ka qeyb galaya shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, sida uu xaqiijiyey wasiirka qorsheynta XFS, Jamaal Maxamed Xasan. Wasiirka ayaa sheegay in dowladdu ay u diyaar garoobeyso shirka QM iyo mid kale oo ay bisha soo socota Muqdisho ku yeelanayaan Soomaaliya iyo Beesha Caalamka. Waa markii ugu horreysay ee uu Madaxweyne Farmaajo ka qeyb galayo shirka golaha ammaanka ee QM, tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale shirka ayaa ku soo aadaya, iyadoo 1-dii August ee sanadkan uu Madaxweynuhu dib isaga celiyey dhalashadii uu ka heystay dalka Mareykanka. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/jamaal.mp3 View the full article
  14. DUBAI, United Arab Emirates — Saudi Arabia’s King Salman replaced the country’s energy minister with one of his own sons Sunday, naming Prince Abdulaziz bin Salman to one of the most important positions in the country as oil prices remain stubbornly below what is needed to keep up with government spending. Source: Hiiraan Online
  15. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-08092019.mp3 View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada ONline) – Wasiirka wasaaradda qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa shaaciyey in sanadkan markii ugu horreysay uu Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu ka qeyb galayo shirka guud ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Wasiir Jamaal oo ka warbixinayey shir ay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali iyo wakiilada beesha caalamka ku yeesheen Baydhabo ayaa xaqiijiyey safarka Madaxweynaha magaalada New York. Madaxweyne Farmaajo ayaa aanan shirkaasi ka qeyb galay, tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya, sababo la xariira dhalashadii Mareykanka ee uu heystay. Shirka ayaa sanadkan ku soo aadaya, iyadoo 1-dii August ee sanadkan 2019-ka uu Madaxweynuhu dib isaga celiyay dhalashadii uu ka heystay dalka Mareykanka. Ugu dameyn wasiirka qorsheynta ayaa xusay inay dowladdu u diyaar garoobeyso shirka QM iyo mid kale oo ay yeelanayaan Soomaaliya iyo beesha caalamka, kaas oo uu tilmaamay inuu qabsoomi doono bisha soo socota . Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/jamaal.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. President Donald Trump said Saturday he's calling off "peace negotiations" with Taliban leadership after a U.S. service member was killed in a suicide attack in Kabul, Afghanistan. Source: Hiiraan Online
  18. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sanadkaan lagu wadaa in uu ka qeybgalo shirka Golaha guud ee Qaramada Midoobey, kadib markii uu iska celliyey dhalashadii dalka Maraykanka. Mudane Jamaal Maxamed Xasan wasiirka qorshaynta xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlayey shir ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in madaxweynuhu ka qaybgeli doono shirka ka dhacaya magaalada New York ee carriga Maraykanka. Wasiirka ayaa sheegay in shirkii u dhexeeyey xukuumadda Soomaaliya iyo beesha caalamka kana qabsoomay magaalada Baydhabo loogu diyaar garoobayo shir lafilayo inay ku yeeshaan magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Soomaaliya ayaan horay uga qaybgelin shirarka qaramada midoobey sababo la xiriira haysashada dhalashada dalka Maraykanka, lamana oga waxyaabaha ka qaybgalkiisu ku soo kordhin doono. PUNTLANDPOST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qaybgelaya shirka golaha guud ee Qaramada Midoobey. appeared first on Puntland Post.
  19. Johannesburg (AFP) - Nigeria's President Muhammadu Buhari is expected to pay a state visit to South Africa in October, the South African presidency said Saturday, after a spate of xenophobic violence in Johannesburg caused tensions between the countries. Source: Hiiraan Online
  20. With tennis legend Serena Williams mounting a memorable comeback in the second set and more than 23,000 fans inside Arthur Ashe Stadium going crazy, the Canadian teenager was feeling the pressure. Source: Hiiraan Online
  21. Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafti uu horkacayo ayaa xalay ku hoydey magaala madaxda kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Waftigaan ayaa xalay waxaa munaasabad soo dhoweyn ah u sameeyey madaxda iyo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana uu u sameeyey balan qaadyo kala duwan. DAAWO PUNTLANDPOST The post Waftigii Xasan Cali Khayre oo munaasabad soo dhoweyn ah loogu qabtay Baydhabo. appeared first on Puntland Post.
  22. Bare Bule was the only farmer at the Mwanakuche Community Garden in Perry South one recent afternoon when an SUV pulled up, a woman got out and approached him. Residents sat on stoops of nearby townhouses. Source: Hiiraan Online
  23. Former Sudanese President Omar al-Bashir has been denied bail by a court in capital Khartoum in a corruption trial that began after he was removed from power earlier this year, officials said on Saturday. Source: Hiiraan Online