Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,393
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Odeyaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa dowladda federaalka ah ka diiday in ciidamo aradan, oo aaney dowladda siin dhar ciidan, tikniko iyo saanad ka daad-gureyso gobolka Hiiraan. Weriyaha Goobjoog News uu gobolka waxaa uu sheegayaa in shalay ay Baladweyn soo gaareen ilaa 15 tikniko ah oo ka timid Galmudug, kuwaas oo ujeedkoodu ahaa in ciidamada aradan ay qaadaan, isla markaana ay galbiyaan. Ciidamada la qaadayo, oo tababar dhameystay ayaa tiro ahaan lagu sheegay 400, iyada oo la doonayo iney ka howlgalaan Galmudug. Taliyeyaal ka tirsan ciidamada ayaa wadahadal kula jira odeyaasha, ilaa hadda kama soo bixin wax natiijo ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland, ayaa maanta magaalada Garoowe ku qabatay munaasabad lagu xusayey maalinta Akhris-Qorista Adduunka oo sannad kasta dunida laga xuso 8-da September. Munaasabaddan lagu xusayey maalinta Akhris-Qorista Adduunka oo ka dhacday xarunta wasaaradda Wasaaradda Waxbarashada ee magaaalada Garoowe, ayaa waxa ka soo qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda oo uu hoggaaminayo agaasimaha guud Maxamed Cali Faarax, aqoonyahanno, maamulayaal, macallimiin, arday iyo qeybaha kale ee bulshada. Munaasabadda waxaa lagu soo bandhigay suugaan iyo riwaayado bulshada ku waaninaya, Akhris-Qorista, islamarkaana iftiiminaya faa’idooyinka ballaaran ee Akhris-Qorista iyo waxbarashadu u leedahay guud ahaan bulshada gaar ahaanna da’yarta. Agaasimaha Waaxda Waxbarashada Dadban, Malyuunn Timajilic oo faahfaahin ka bixisay heerka Waxbarashada Dadban ee Puntland, ayaa halkaasi ka sheegtay in wasaaradda Waxbarashada Puntland ay tan iyo aas’aaskii dowladda Puntland soo wadday ol’ole lagu cirib-tirayo Akhris-Qorista la’aanta, haddana ay xoojinayso barnaamijkaasi waxaana ay bulshad ugu baaqday in la iska kaashado la’dagaallanka Akhris-Qorista la’aanta. Agaasimaah guud ee wasaaradda Waxbarashada dowladda Puntland Maxamed cali Faarax oo munaasabadda ka hadlay, ayaa isna ballan-qaaday in wasaaraddu ay mudnaan gaar ah siin doonto waxbarashada gabdhaha oo sida uu sheegay aas’aas u ah waxbarashada carruurta si ay wax u barto ubadkeeda. Sidoo kale, agaasimaha ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada Puntland ay mamnuucday in ardayda la garaaco ama Waxbarashada lagu dilo, taasi oo uu sheegay in ay dhibaato nafsaaniya u keenayso ardayda, islamarkaana waxbarashad nacsiinayso. Hoos ka daawo sawirada PUNTLAND POST The post Wasaaradda waxbarashada Puntland oo xustay maalinta Akhris-Qorista Adduunka appeared first on Puntland Post.
  3. Kulan iminka uga socda Baydhabo odeyaasha dhaqanka ee Koonfur galbeed iyo ra’isul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ayaa la sheegayaa in looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin dil ka dhacay Baydhabo bishii December ee sanadkii hore. Ilo ku dhow shirkan ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in shacabka su’aalo badan ka qabaan wixii dhacay December, taasi oo ay odeyaasha u qaadeen kulanka ra’isul wasaaraha. Shirkan oo saxaafadda loo diiday ayaa lagu waramayaa in sidoo kale looga hadli-doono xoojinta dhaqanka iyo arrimaha guud ahaan koonfur galbeed. Lama oga sida uu ra’isul wasaare Xasan Kheyre uga jawaabayo, laakin xukuumadiisa ilaa hadda raaligelin iyo magdhow kama bixin dilka 15 qof oo rayid ah iyo sidoo kale dhaawaca laba qof oo kale oo dhacay 13-kii ilaa 15-kii bishii Dicember ee aynu ka soo gudubnay. December, Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Haysom, ayaa dowladda federaalka ka dalbaday in ay sharraxaad ka bixiso wixii ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed laga soo billaabo 13-kii ilaa 15-kii bishii December kadib markii ciidamo Soomaali ah oo ay taageerto Qaramada Midoobay ay ku lug lahaayeen xarigga Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Warqadda waxa kale oo ku jirtay xarigga 300 oo qof oo kale oo la sheegay in ay ku lug lahaayeen dibadbaxyo ka dhashay xarigga Sheekh Mukhtaar Roobow oo qaarkood la sheegay in xabsiga lagu hayay wax ka badan 48 saac balse markii dambe la sii daayay intii u dhaxaysay Diseembar 18 ilaa 22. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. (SLT-Canada)-Drs Edna Aadan oo ah ergayga Somaliland u qaabilsan wadahadalada Somalia iyo Somaliland oo booqasho ku joogta dalka Canada oo ay casuumeen ururka Canadian Somaliland affairs committee oo ah urur dhalinyaro ah oo ay xubno ka yihiin Guuleed Axmed Cagdheere, Xasan Daahir Aadan, Axmed Xaaji Cali iyo xubno kale oo badan. Waxaanay Edna Aadan intii ay dalkaasi ku sugnayd ay la kulantay Masuuliyiinta dawlada Hoose ee Toronto iyagoo ka wadahadalay arimaha Somaliland iyo sidoo kale wadankaasi Canada gaar ahaana arimaha Jaaliyada iyo sidoo kale arimaha dhaqan dhaqaalaha. Drs Edna Aadan ayaa intii ay ku sugnayd dalkaasi waxa ay sidoo kale la kulantay qaybaha kala duwan ee bulshada oo ay kulamo la yeelatay masuuliyiinta magaalooyinka Canada gaar ahaana magaalada Toronto. Sida ay muujinayso xog ay warbaahinta la wadaageen ururkaasi Canadian Somaliland Affairs Committee. Source
  5. Somali President, Mohamed Abdullahi Farmajo will attend the upcoming 74th session of United Nations General Assembly later this month. The 74th session of the UN General Assembly will open on September 17, 2019. The first day of the high-level General Debate will be September 24, 2019. Minister for Planning and International Cooperation, Jamal Mohamed Hassan has confirmed the attendance while speaking to the members of the media in Baidoa on Saturday. This will be the first-ever session for President Farmajo since coming to office on February 2017. The previous two years was represented by Prime Minister, Hassan Ali Kheyre and Foreign Minister, Ambassador, Ahmed Isse Awad. The move follows renouncement of Somali leader US nationality last month. According to the office of the President, the decision was reached after consultation with legal experts and immigration departments from both countries. View the full article
  6. A Ugandan senior police officer attached to African Union Mission in Somalia (AMISOM) has been found dead under mysterious circumstances, officials said on Saturday. Assistant Inspector of Police (AIP) Edward Bagonza was found dead at his residence in Mogadishu on Saturday, September 7, according to Police Director Peace Support Operations AIGP Grace Turyagumanawe. In a brief statement released Saturday, September 7 night, AIGP Turyangumanawe, the confirmed the sudden death of AIP Bagonza, but gave no details. “He was found dead at his residence in Mogadishu today [Saturday] morning,” he wrote, without giving details of the investigations. He, however, noted that burial arrangements are being coordinated by AMISOM leadership. Ugandan security forces in Somalia both Police and Uganda People’s Defence Forces (UPDF) have previously lost their officers during attacks by the al-Shabaab militia in Somalia and other questionable circumstances. In 2017, UPDF lost 12 soldiers in another al-Shabaab attack, which the terrorists claimed had more casualties than the official figures released by the government while, in December last years, UPDF lost four of its soldiers during an Easter holiday double attack by the al-shabaab. UPDF spokesperson Brig Richard Karemire at the times the officers serving as part of the Amisom were killed during a double attack on an Amisom military base in Buula Mareer and Golwen in Lower Shabelle region of Somalia. Several militant groups still control parts of Somalia. A contingent of 13 individual police officers (IPOS) was early this year flagged off for a peacekeeping mission in Somalia under the AMISOM. Unlike the UPDF which operates both in both Mogadishu and the interior of Somalia, Uganda police officers operate only in Mogadishu as part of the airport security detail. Uganda first deployed officers from the formed police unit in 2012 and the officers from the unit do patrols to ensure the maintenance of law and order. Uganda Police officers also train Somali counterparts, contribute to public order management and also participate in search and cordon operations among others. Uganda was the first country to deploy troops in Somalia under the AMISOM in 2007 in a mission which was described by many as ‘dead or arrival’ but UPDF turned around the situation of anarchy into one that would force other countries to deploy in the country. View the full article
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markale deegaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan ku soo bandhigtay qeybta labaad ergadii soo xulay xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Ergada oo isugu jira jira rag iyo dumar ayaa tiradoodu waxa ay gaareysaa illaa 95 oo ay ku jiraan 11 Dumar ah, sida ay baahisay warbaahinta Al-Shabaab. Sida ay sheegtay Al-Shabaab ergada ayaa ka kala yimid magaalooyinka Jowhar, Beledweyne iyo Muqdisho. Sidoo kale warkan ayey Al-Shabaab ku sheegtay in ergadu muddo 10 maalin ah ay ku sugnaayeen deegaanka Buq Aqable, islamarkaana ay Towbad keeneen, sida ay hadalka u dhigtay. Horay Al-Shabaab ayaa u soo bandhigtay Odayaal ka mid ahaa ergadii wax ka soo xulay baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo tegay deegaanada ay maamusho. Arrintan ayaa waxa ay ka dambeysay, kadib markii 15-kii bishii July uu soo baxay bayaan ka dhan ahaa ergada, kaasoo loogu qabtay in ay 45 cisho isku soo diiwangeliyaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Maaliyadda X.F.S Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, wuxuuna kula kulmi doonaa kooxda wada hadalka danyn cafinta u qaabilsan hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) waxaana laga wada xaajoon doonaa wajiga afaraad ee Barnaamijka daynta cafinta Soomaaliy (SMP4). Ujeedada kulanka ayaa ah in si gaar looga wada hadlo wixii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay ka qabatay sadaxdii bil ee la soo dhaafay shuruudaha ku xiran wada hadalka dayn cafinta wajiga afaraad , sidoo kale waxaa wadahadalka dhanka xukuumadda Soomaaliya ka qayb galaya wasiirka Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Banggiga dhexe ee Soomaaliya. Ka hor kulamada wada hadalka dayn cafinta Wasiir Beyle iyo wafdigiisu waxa ay kullamo gooni gooni ah la qaadan doonaan madaxda hay’adaha dhaqaalaha caalamka iyo qaar ka mid ah wadamada daymaha ku leh Soomaaliya, waxaana kulamadaasi looga hadlayaa sidii Soomaaliya looga cafin lahaa daymaha lagu leeyahay. Wasiirka Maaliyadda Mudane Beyle ayaa raja wanaagsan ka muujiyay wada hadalka ay la galayaan IMF iyo guud ahaan in Soomaaliya laga cafiyo daymaha lagu leeyahay marka uu soo gabagaboobo Wajiga afaraad ee wada xaajoodka dayn cafinta. View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha mucaaradka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay socdaalka Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ku joogo magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka maamulka K/Galbeed Soomaaliya. Cabdiraxamaan Cabdishakuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Khayre looga fadhiyo inuu garawshiyo iyo magdhow ka bixiyo dadkii lagu dilay magaaladaasi 13-kii, illaa 15-kii December ee sanadkii hore 2018-kii. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in looga baahan yahay inuu fuliyo Ra’iisul wasaaruhu ballantii ay guddoomiyaha golaha shacabka, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ay wadajir uga qaadeen shacabka iyo odayaasha deegaanka. “Raysalwasaaraha waxay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Koonfur Galbeed uga fadhiyaaa in uu garawshiyo ka bixi, ka dibna magdhaw dadkii sanadii hore 13-15 December 2018 lagu laayey Baydhabo, fuliyana balantii ay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed oo wadajira u qaadeen shacabka iyo Odayaasha dhaqanka deegaanka.” ayuu yiri siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Rabshadihii ka dhacay K/Galbeed xilligii doorashada ayaa waxaa ku dhintay 11 qof, kadib markii la soo xiray Sheekh Mukhtaar Roobow oo ka mid ah musharraxiintii maamulkaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  10. Ururada madaxa-banaan oo saaray warbixin ku saabsan geedi socodka dimoqraadiyadda Ururada Madaxa-banaan ee Bulshada Rayidka ah (ISCO Somaliland) waxaay soo saaareen maanta, 8 September 2019, warbixin ay ku muujinayaan walaaca ay ka qabaan geedi socodka dimoqraadiyadeed ee Somaliland, kuna soo gudbiyeen talooyin wax ku ool ah oo looga gol leeyahay in lagu horumariyo nidaamka dimoqraadiyadeed iyo talo-wadaag ee dalka. Warbixintu waxaay xustay in taariikh ahaan ay Somaliland soo mareen dhacdooyin kala duwan oo saamayn ku yeeshay geediga loogu jiro in la xoojiyo dawladnimo ku dhisan talo wadaag iyo awoodda shacabka. In lagu qaban kari waayo doorashooyinka xilogooda sida uu waajibiyay dastuurka iyo halbeegyada caalamiga ahi waxaay su’aal gelinaysaa awoodda bixinta shacabka iyo meqaamka dimoqraadiyadeed ee ay Somaliland ku leedahay aduunka ay ka raadinayso ictiraafka. Mudo korodhsiga iyo dib u dhigitsta doorashooyinka ee la caadaystay waxay waxyeelo ku yihiin dimoqraadiyadda Somaliland iyo magac samida dalka. Nidaamkaas dib u dhaca ku suntan waxaay Somaliland qaaday sanadihii 2007/2008 oo ah wejigii labaad ee geediga doorashooyinka. Markii dastuurka la ansixiyay sanadkii 2001dii, Somaliland waxaay si degdeg ah oo waxtar leh u qabatay doorashooyin is daba taxan sanadihii 2002, 2003 iyo 2005. Wejigii labaad ee doorashooyinka ee u qorshaysnaa inuu bilaabmo sanadkii 2007 ayaa fashilmay. Dalkii wuxuu intaas kadib galay is marin waa iyo siyaasad cakiran. Nidaamka madaniga ah ayaa soo kogay, halka khadka u dhexeeya ururada bulshada rayidka ah iyo dawladdu uu mad madow galay. Waxa lagu doodi karaa in nidaamkii dimoqraadiyadeed uu hoos u dhac ku yimi. Iyada oo ay jiraan caqabadahaasi, hadana Somaliland waa dal amni ah, qayb ahaanna xor ah (partly free), sida ay shegtay Freedom House. Doorasho madaxwaynenimo ayaa la qabtay 2017 kii. Somaliland na weli waa dal dimoqradiyad ah oo ku yaal gobol qasan. Warbixintani waxaay u aragtaa in caqabadahan ay hortaagan yihiin geedi socodka dimoqraadiyadeed ee Somaliland: · Isk xukunka dastuurka oo liita: dastuurka oo aan loogu dhaqmin sida uu u qoran yahay; · Qabyaalada oo xoog ku leh xisbiyada dhexdooda; · Qabyo dhinaca shuruucda ah oo jirta; shuruucda la xidhiidha doorashooyinka oo aan dhamaystirnayn, qaarkoodna aanay jirin ba; · Hay’adaha muhiimka u ah hirgelinta dawlad dhiska iyo doorashooyinka oo aan xooganayn; · Nidaamka doorasho oo aan u fiicnayn dadka reer guuraaga ah, dumarka iyo qabiilada laga tiro badan yahay; hanaanka doorasho ayaa ah mid u habaysan qaab waxtar u leh oo keliya dadka degan (reer magaalka); · Lacagaha xisbiyada soo gala oo aan xisaabsanayn; lama yaqaan meesha ay ka yimaadaan iyo sida loo qarash gareeyo toona; lamana xisaabiyo oo nidaam daah furan ma maraan; Warbixintu waxaay bixisay talooyin si loo horumariyo dimoqraadiyadda, loo qabto doorashooyin xilligooda ku dhaca oo xor iyo xalaal ah, awoodda oo si nabad ah la isugu wareejiyo, kala sooca awoodaha, ka wada qayb qaadashada talada dalka, xorriyadda hadalka, madax banaanida warbaahinta iyo ka qaby qaadashada shacabka oo si xor ah u dhacda. Talo soo jeedin Ururadu waxaay kula talinayaan dawladda Somaliland: v In doorashooyinka lagu qabto xiligooda oo aanay dib u dhicin. Inay u qorshayso miisaaniyad sanadle ah doorashooyinka islamarkaana ay diyaariso jidwalka doorashooyinka loo qabanayo tobanka sanadood ee soo socda; v Inay furto wada tashi laga wada qayb qaato oo ay ku jiraan shacabka iyo dhamaan daneeyayaasha si loo raadiyo hanaan lagaga hortegi karo dib u dhaca ku yimaada doorashooyinka iyo korodhsiga mudo xileedka; v In dib u eegis lagu sameeyo nidaamka doorasho oo ay ku jiraan diwaangelinta cod bixiyaha, habka codaynta iyo wacyigelinta bulsho si wax looga qabto dhinac u riixa nidaamku ku hayo haweenka, beelaha la hayb sooco iyo reer guuraaga; v Inay ixtiraamto madax banaanida bulshada rayidka ah iyo warbaahinta. Sidaasdarteed, dawladdu waa inay joojiso xeerarka ciqaabta ee ay u isticmaalayso warbaahinta, iyo xayiraadaha ay saarayso warbaahinta; sidoo kale waa inay ogolaato in daladaha bulshada rayidka ahi ay is diiwaangeliyaan. Dawladdu waa inay ula shaqayso ururada bulshada rayidka ah si siman oo aanay ururo/dalado gaar ah mudnaan siinin; v Inay dib u habayn ku samayso xeerarka ka horeeyey dastuurka ee ay ka mid yihiin Xeerka Ciqaabta , Xeerka Habka Ciqaabta, Xeerka Madaniga iyo Xeerka Habka Madaniga. Dawladdu waa inay abuurto gudi madax banaan oo dib u habaynta shuruucda qaabilsan. Dib u habayntu waa inay tahay mid ku dhisan wada tashi loo dhan yahay; v Inay qaado qiimayn ay ku ogaanayso hanaanka u wanaagsan ee dib u qaabayn loogu samayn karo hay’adaha dawladeed si loo waafajiyo dastuurka Somaliland; v Inay u qoondayso miisaaniyad in wacyiga iyo aqoonta reer guruaaga iyo bulshooyinka tuulooyinka degan kor loo qaado. Xogtu waa u muhiim dimoqraadiyadda iyo in muwaadinku qaato go’aano xog ku dhisan. Warbaahintu waxaay ku xoogan tahay magaaloyinka, sidaasdarteed reer guuraaga iyo dadka tuulooyinka degani ma helaan xog ku filan. Markaa waa in dawladdu ogolaato furintaanka idaacado gaar loo leeyahay si ay u buuxiyaan kaalintaas. Ururadu waxaay kula talinayaan Baarlamaanka: v Inuu ansixiyo xeer gaar ah oo abuuraya gudida doorashooyinka oo madax-banaan, xoogan islamarkaana u dhisan qaab maamulkiisu hoos u daadejisan yahay; v Inuu ansixiyo kooto 33% ah oo laga siiyo haweenka labada aqal ee Baarlamaanka, golayaasha deegaanada, golaha wasiirada, iyo madaxda sare ee fulinta sida agaasimayaasha guud iyo madaxda gudiyada, wakaaladaha iyo hay’adaha xukuumadeed; v Inuu u ansixiyo kooto beelaha la hayb sooco; v Inuu ansixiyo xeer koobsanaya dhamaan arimaha doorashooyinka oo dhan. Hanaankaas oo ay tahay inuu ka dhasho wada tashi loo dhan yahay oo laga wada qayb qaato; v Inuu wax ka bedel ku sameeyo Xeerka Diiwaangelinta Ururada Siyaadda iyo Ansixinta Xisbiyada. Xeerka waa in lagu daro qodobo aan mad madow lahayn oo ka hadlaya lacagta soo gasha xisbiyada, xubnaha xisbiga, iyo in hogaanka xisbiyada lagu tartamo oo dimoqraadiyadi ka jirto xisbiyada dhex dhooda. Xeerku waa inuu maaro u helo qabyaaladda ka dhex jirta xisbiyada; v Inuu wax ka bedel ku sameeyo Xeerka Nidaamka Garsoorka oo u ku daro qodobo xoojinaya madax banaanida garsoroka. Xeerku waa inuu u damaanad qaado garsoorayaasha inaan shaqada laga eryi karin. Magacaabista garsoorayasha Maxkamadda Sare waa inay ku dhisan tahay karti iyo aqoon, waana in magacaabistooda iyo erigooda uu ansixiyaa Baarlamaanku. Waa in lagu daro Xeerka qodobo ka hadlaya oo faah faahinaya qaabka loogu gudbin karo Maxkamadda dacwadaha dastuuriga ah iyo kuwa la xidhiidha doorashooyinka, heer kasta oo uu marayo geediga doorasho. Ururadu waxaay kula talinayaan xisbiyada siyaasadda: v Inay xaqiijiyaan daah-furnaan oo ay shaaciyaan lacagaha soo gala, halka ay ka soo galaan iyo qaabka ay u qarash gareeyeen, waana inay ogolaadaan hanti dhawr madax banaan oo gala xisbiyada; v Inay xisbiyadooda ku soo dabaalaan dimoqraadiyadda oo ay diiwaangeliyaan lana siiyo shahaadooyin sugitaan xubnaha xisbiga ee dalka oo dhan, ay ogolaadan in xubnaha xisbiyadu ay noqdaan kuwa dooranaya madaxda xisbiga iyo ergooyinka islamarkaana ay xaqiijiyaan in hogaanka xisbiyada oo ay ka mid yihiin gudoomiyayaasha, xogahayaasha guud, iyo golaha dhexe inay si toos ah oo dimoqraadi ah u doortaan xubnaha xisbigu. Ururadu waxaay kula talinayaan ururada bulshada rayidka ah v Inay si firfircoon ugu shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa dimoqraadiyadda, ururada bulshada rayidka ahi waa inay mudnaanta siiyaan arimaha danta guud iyo wada shaqaynta; v Ururada bulshada rayidka ahi waa in shacabku la xisaabtami karo ayna horumariyaan ku xidhnaanta shacabkooda. Waa inay xoojiyaan daah-furnaanta; v Inay mudnaanta siiyaan madax-banaanida, xisbinimada oo ay ka fogaadaan, iyo dhex-dhexaadnimada; v Iyaga oo aan eegayn raadka siyaasadeed ee ay ku keeni karto, waa in urarada bulshada rayidka ahi ay mudnaanta kowaad siiyaan baahiyaha, walaaca iyo rabitaanka bulshada. Ururadu waxaay kula talinayaan bulshada caalamka v Inay sii wadaan taagerista geedi socodka dimoqraadiyadeed ee Somaliland; v Inay taageeraan isku dayada ku aadan sidii loo horumarin laha isla xisaabtanka iyo ka qaybka galka shacabka ee go’aan gaadhista; v Inay taageeraan dadaalka loogu jiro in kooto loo helo haweenka iyo beelaha la hayb sooco; v Inay la shaqeeyaan daneeyayaasha si dib u habayn loogu sameeyo hay’adaha iyo shuruucda si loo kobciyo dimqoraadiyada, fagaaraha bulsho, isku xukunka dastuurka iyo xuquuqal insaanka; v Inay is-garab taagaan madax banaanida ururada bulshada rayidka ah iyo warbaahinta. Ururada soo saaray warbixintu waxaay ku midaysan yihiin is bahaysiga Ururada Bulshada Rayidka ah ee Madaxa banaan (Independent Civil Society Organistions “ISCO Somaliland”) oo ay ku soo biiri karaan urur kasta oo ujeedadiisu tahay inuu ka shaqeeyo danaha guud ee shacabka si madax-banaan. Xubnaha hada ku jira waa: 1. Centre for Policy Analysis 2. Centre for Youth Empowerment, 3. COMPAD Human Rights and Community Organization 4. Garsoor Social Development organisation 5. Horseed Organisation 6. Hope Development organisation 7. Human Rights Centre 8. Solidarity Youth Voluntary Organization (SOYVO) 9. Somaliland Street Children Rehabilitation Centre 10. Somaliland Women Association (SOWA) 11. Somaliland Women Development Centre (SOWOD) 12. Voice for Somaliland Women Minority Organisation (VOSOMWO) Wixii faah faahin ah kala xidhiidh: ISCO Somaliland Ms Sahra Mohamed Ali Mobile: +252 63 4329950 Email: iscosomaliland@gmail.com Twitter: @ISCOSomaliland Qaran News
  11. Wafti ka socda golaha xukuumadda iyo barlamaanka Puntland ayaa safaro shaqo kumaraya deegaamo katirsan gobolka Gardafuu gaar ahaan degmooyinka durugsan ee xeebaha dhaca. Waftigaan ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda dowladda Puntland Faarax Maxamuud Cawaash, waxaana u jeedkoodu salka ku hayaa dhismaha golayaal deegaan iyo iskaashatooyinka degmooyinka iyo u kuurgelidda xaaladda gobolka. Faarax Maxamuud Cawaash, wasiirka kalluumaysiga Puntland oo hadda ku sugan deegaan xeebeedka Binna ayaa sheegay inay dhiseen iskaashatooyin dhowr ah, dhowaanna uu gobolka tegi doono wafti uu horkacayo wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo dhisi doona golayaasha deegaanka Baargaal iyo degmooyinka kale ee gobolka. Dhanka kalena, wasiirka ayaa sheegay inuu jiro kalluumaysi sharci darro ah oo kajira deegaamada qaar ayna ku howlan yihiin sidii dagaal ay dowladda iyo shacabku ula geli lahaayeen iyagoo kaashanaya maraakiibta caalamiga ah ee ku sugan xeebaha qaar. “Waan ku celinayaa kalluumaysiga sharci darrada ah waa masiibo qaran, waxaana naga go’an sidii aan ula dagaalami lahayn, waxaanu gubney shatiyo been abuur ah iyo doonyo aanu shaqada ka joojiney” ayuu yiri wasiir Cawaash. PUNTLANDPOST The post Puntland oo golayaal deegaan iyo iskaashatooyin kalluumaysi u dhisaysa gobolka Gardafuu. appeared first on Puntland Post.
  12. A Somali telecommunication company could be behind the recent surge in attacks on Kenyan communication masts, a confidential security report states. Source: Hiiraan Online
  13. A Ugandan senior police officer attached to African Union Mission in Somalia (AMISOM) has been found dead under mysterious circumstances, officials said on Saturday. Source: Hiiraan Online
  14. Last month's re-election of Jubbaland state's President Sheikh Ahmed Islam Madobe has been challenged in court. Source: Hiiraan Online
  15. A Facebook post claiming that 45 Somali refugees have been repatriated to Baidoa in Somalia by the United Nations High Commissioner for Refugees is TRUE. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Meydka sarkaal ka tirsanaa Booliska AMISOM, gaar ahaan ciidanka Uganda ayaa sabtidii laga helay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho. Sarkaalkaasi oo Kaaliye ahaa ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Edward Bagonza, sida uu shabakadda Pmldaily u xaqiijiyey Grace Turyagumanawe oo ka tirsan AMISOM. Lama oga illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkiisa, balse waxa uu sarkaalku sheegay in Meydkiisa laga helay guri uu ka deganaa xerada Xalane oo ah taliska guud ee ciidamada nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika ee AMISOM. “Waxaa meydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaalla Muqdisho Sabtidii.” ayuu yiri Grace oo aan faah faahin ka bixin sababta dilkiisa. Taliska ciidamada AMISOM ayaa haatan wada qaban qaabada aaska sarkaalkaasi. Dhacdadan ma’ahan tii ugu horreysay, waxaana horay gudaha Xalane isugu dilay dhowr askari, halka kuwa kale ay ku dhinteen iska hor imaadyo ka dhacay xeradaasi. Howlgalka AMISOM ayaa waxaa ciidamada ugu badan ay ka socdaan dalka Uganda oo askar badan looga dilay gudaha Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Amal Bank, a pioneering financial services company, introduced this week an investment fund for businesses in productive sectors. Launched at a ceremony held in Garowe, the administrative capital of Puntland State of Somalia, Tacab Kaal (meaning Productivity Assistance ) will invest in agriculture, livestock and related businesses. Amal Bank blazes a trail in promoting business growth The investment vehicle of Amal Bank will enable promising businesses in productive sectors to access capital to modernise their businesses through the adoption of technologies such as greenhouse technology, solar panel, modern irrigation systems, energy-efficient deep freezers for milk, meat and fish. Tacab Kaal will help businesses utilise renewable energy. Amal Bank will introduce the first phase of Tacab Kaal in Mogadishu, Hargeysa, Kismayo, Bura’o, Qardho, Borama, Las Anod, Buuhoodle, Baydhabo, Beledweyn and Galka’yo. © PUNTLAND POST The post Amal Bank Rolls Out Investment Fund for Productive Sectors appeared first on Puntland Post.
  18. MOGADISHU (HOL) - President Mohamed Farmaajo will for the first time since coming to office attend the UN General Assembly following renunciation of his U.S citizenship. Source: Hiiraan Online
  19. Dr. Maxameded Yuusuf Ismaaciil (Dr. Burhaan) ayaa la guddoonsiiyay abaal marinta ay bixiso hay’adda Kiimikada ee dalka Maraykanka ee American Chemical Society (ACS ) Dr. Maxamed ayaa ka mid ahaa culumo (Scientist) ku xeel dheer cilmiga kiimikada oo isugu jiray kuwo wax ku soo kordhiyay aqoonta kiimikada iyo kuwa soo saaray waxyaabo nolosha bin-aadamka wax tar uleh oo bishii la soo dhaafay ee August 25, 2019ka, abaal marintaas lagu guddoonsiiyay magaallada San Diego ee gobolka California. Dr. Maxameded Yuusuf Ismaaciil (Dr. Burhaan) Abaal marintaas oo la siinayay culummada ku xeel dheer cilmiga kiimikada ee seddex shirkadood oo ka mid ah kuwa dawooyinka soo saara (Pharmaceutical companies) oo ay ku jirtay midii uu ka shaqayniyay Dr. Maxamed ee Paratek Parmaceutical oo ahayd shirkaddii uu shaqaynayay markii uu soo saaray dawada uu ku guuleystay. Abaal marinta la siiyay Dr. Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa waxaa uu ku mutaystay inuu soo saaray ama uu isagu curiyay xirmo dawo ah oo lagu magacaabo Aminomethylcyclines oo ah daawooyinka Nuzyra iyo Seysara , waxaana oggolaaday ama aqoonsaday hay’adda dowladda Maraykanka u qaabilsan maamulka cuntada iyo dawooyinka FDA (U. S. Food and Drug Adminstration) daawadan ayaa qoys ahaan ka mid ah daawooyinka qalijiyeyaasha ah ee lidka ku ah bacteria-da (Antibiotics ). Sida la sheegay daawada uu caalimkan soo saaray Oktoobar sanadkii 2000, ayaa wax weyn ka taraysaa ama ku soo kordhisay oo wax ka bedeshay awooddii daawooyinka qalijiyeyaasha ahaa, waxayna awood u leedahay wax-yeellada ama bakteeriyada ay daawooyinka qalijiyeyaasha wax ka tari kari waayeen sida Oof-wareenka (Pneumonia). Dr. Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa ka mid ahaa ardaydii kulliyaddii kiimikada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ka qallin jabiyay taariikhdu markay ahayd 1985kii, wuxuuna shahaadadiisa PHD ka qaatay jaamacadda Massachusetts 1993kii. Dr. Maxamed oo hadda ku nool magaallada Eden Prairie ee gobolka Minnesota, ayaa waxaa uu soo saarayaa waxyaabo badan, isagoo waliba sida la xaqiijiyay wali gacanta ku haya daawooyin cusub soo saaristooda, waxaa intaas dheer oo hadda gobolo badan oo ka mid ah dalka Maraykanka caan ka ah oo aad looga cabbaa caanaha fadhiga (Yoghurt) ee uu isaga soo saaray ee lagu magacaabo Ziwa. PUNTLAND POST The post Dr. Maxmed Y. Ismaaciil abaal marinta Heroes of Chemistry Award ee Dalka Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  20. (SLT-Hargeysa)-Kornayl Caarre ayaa sheegay in aanu ka war qabin wada hadalladii xukuumadda oo dib loo bilaabayo waxaanu sheegay in ay kala jabeen guddidii wada hadalka islamarkaana aanu isagu dhinacna raacayn, Halkan hoose ka DAAWO Source
  21. (SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa lagu wadaa in markii ugu horreysay sannadkan 2019 uu ka qeyb galo Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ee ka dhicin doona dalka Mareykanka. Wasiirka Wasaaradda Qorsheysnta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo sheegay in Madaxweyne Farmaajo Sannadkan uu ka qeyb geli doono Shirka Qaramada Midoobey. Wasiirka Jamaal ayaa hadalkan waxaa uu ka sheegay xili uu faahfaahin ka bixinayay Shir Magaalada Baydhabo ku yeesheen Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee fadhigoogu yahay Magaalada Muqdisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa labadii sanno ee uu xilka Madaxtinimada hayay ka qeyb gelin shirka Qaramada Midoobey, sababo la xidhiidha dhalashada Mareykanka ee uu heystay, waxaana Horaantii bishii hore uu Madaxweynuhu ku dhawaaqay inuu ka laabtay dhalashadii Mareykanka. Source
  22. (SLT-Washington)-Qoraal uu soo dhiga bartiisa twitter-ka ayuu Donald Trump gebi ahaanba ku joojiyay wadahadaladi u dhexeeyay Maraykana iyo Ururka Taalibaan ee Afganistan ee ka socday magaaladda Dooxa ee Qadar. Sababta uu joojiyay wadahadalada ayuu ku sheegay inay la xidhiidho ka dib Markii Taalibaanku ay qirteen weerar dhawaan ka dhacay Caasimadda Kabul kaasi oo uu ku dhintay askari Maraykan. Qayb ka mid ah heshiiska ayaan dhigaysay in Maraykanku uu kala baxo Afganistan 5400 askari muddo 20 toddobaad ah. Maraykanka waxaa dalkaasi ka joogta 14 Kun oo Askari. Tan iyo markii Maraykanka iyo Taalibaan ay bilaabeen wadahadalada waxay yeesheen 9 Kulan. Source
  23. (SLT-Pakistan)-Dowlada Pakistan ayaa diiday codsi uga yimid madaxweynaha Hindiya Ram Nath Kovind si uu isticmaalo garoon diyaaradeed oo ku yaalla Pakistan oo marin u ah duulimaadyada Hindiya. Go’aanka ayaa imaanaya iyadoo uu sii Xoogeysanayo xiisadda u dhaxeysa labada waddan ee xadwadaaga ah oo ku muransan xadka gobolka Kashmir. Wasiirka Arimaha dibadda Pakistan Shah Mehmood Qureshi ayaa sheegay Sabtidii shalay in madaxweynaha Hindiya uu codsaday in uu isticmaalo garoonka si uu ugu safro dalka Iceland balse ay ka Diideen. Mr Qureyshi ayaa dhanka kale ka gaabsaday in macluumaad dheeri ah oo ka Bixiyo. Source
  24. Shirkii dibu-heshiisiinta beelaha degan Galmudug ayaa weli ka socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug oo uu dhowaan ka furay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. Xarunta uu ka socdo shirka dibu heshiisiinta Galmudug ayaa waxaa ku sugan boqolaal ergo oo ka kala socda 11 kamid ah beelaha ugu waaweyn ee deegaamada Galgaduud iyo koonfurta Mudug. Mudadii uu socdey shirkaani waxaa aad loogaga hadlay arrimaha dibu heshiisiinta iyo sidii loo dhisi lahaa Galmudug mideysan iyo sidii la isugu soo dhaweyn lahaa Siyaasiyiinta kala aragtida duwan ee ku nool deegaannada Galmudug. SAWIRRO PUNTLANDPOST The post Shirka dibu heshiisiinta Galmudug oo ka socda magaalada Dhuusamareeb. appeared first on Puntland Post.
  25. (SLT- Khartuum)-Maxkamada magaalada Khartuum ayaa diiday in damaanad lagu sii daayo madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir, oo wajahaya eedo Musuq Maasuq. Al-Bashiir oo xilka laga tuuray 10-kii bishii April ee sannadkan ayaa lagu eedeeyay in uu lunsaday hantida Dadweynaha. Dambiyada loo heesto intii uu xilka hayay ayaa waxaa ka mid ah lunsashada lacagta qaranka musuq maasuq iyo in uu aqbalay 90 million oo Dollar oo sharci aheyn oo uu ka qaatay saraakiil ka tirsan boqortooyada Sacuudiga. Mar uu todobaadkii hore ka soo muuqday shaashadaha tan iyo markii xilka laga tuuray ayaa wuxuu sheegay in 25 million oo ka helay dhaxal suge Maxamed Bin Salman, balse aanu u adeegsan danihiisa Gaarka. Source