Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,393
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)0Cisbitaalka Gargaar oo Hargeysa ku yaalla ayaa sheegay in uu bilaabay beerista Ilmaha iyadoo Ugxanta Aabbaha laga soo qaadayo laguna beerayo hooyada. Dr Cabdiraxmaan Cali Aw-Koombe, ayaa sheegay in hadda ay ku guulaysteen in hooyadii ugu horraysay ay Ilmo ku beeraan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  2. (SLT-Riyadh)-Boqorka Dalka Sucuudiga ayaa Wasiir cusub u Magacaabay Wasaaradda Macdanta ee dalkaasi, ka dib markii uu Xilkii ka qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi. Boqor Salmaan ayaa Wasiirka Wasaaradda Macdanta ee Sucuudiga u Magacaabay Wiilkiisa Amiir Abdulaziz bin Salman, kaasi oo sida la sheegay ka mid ah Dadka xilligan ugu awoodda badan Boqortooyada Sucuudiga. Abdulaziz bin Salman ayaa xilka Wasaaradda Macdanta kala wareegaya Khalid Al Falih oo hore xilka Wasaaraddaasi muddo dheer hayey, balse uu Boqor Salmaan xilka ka qaaday toddobaadkan. Warkan ayaa waxa Axadda Maanta baahisay Wakaaladda Wararka ee Boqortooyada Sucuudiga ee Magaceeda loo soo gaabiyo SPA, taasi oo soo xiganaysa Digreetadii ka soo baxday Boqortooyada Sucuudiga, sida uu sheegayo Wargeyska The National oo ka soo baxa Imaaraadka Carabta. Wargeysku wuxuu sheegayaa in haddii la beddelay Wasiirkii Macdanta ee Sucuudiga aan la beddelin Siyaasaddii lagu maamulayey Shidaalka Sucuudiga. Source
  3. Dagaal Wakiileed (Proxy War) Waa ay muuqdaan ifafaalayaashii iyo geddii lagu yiqiin oo idili. Urta dellegan ee silloon ee ina saaqaysaa waa tiisii. Maryo-dhagareed ayuu dahab dusha kaaga sibbaaqaa oo qurxiyaa, heddaadana waa uu jaraa. Dano dhaqaale ayaa had iyo jeeraale horseed ka noqda dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo shirqoollo qorshaysan jiidanaya. Waa “dagaal wakiileed” (proxy war). Si looga dhex fushado dano dhaqaale iyo qorshayaal dahsoon oo siyaasadeed ayaa ummad negayd gorrodda la isugu geliyaa oo dirir aan cilinkeeda la furdaamin karin lagaga dhex oogaa. Jilayaasha dagaal wakiileedka urtiisu soo kakamayso waxa kala hoggaaminaya UAE iyo Qatar. Waa uu wejiyo badnaan doonaa. Labada dhinac qolo kastaa waxa u abuurmaya fursado u sahli kara fulinta qorsheyaashooda dhagaraysan. Waxa geeska Afrika yaalla, gaarna ugu xabaalan dhulka Soomaalidu weynaa. Dagaalkii qaboobaa ee Bariga iyo Galbeedka (USA iyo USSR) ayaa gobolka eelo badan ku sii aasay. Ayax teg eelna reeb. Waa ay xabaalnaayeen, waana kuwaas hadda la soo gufayo. Marka laga tago tartanka USA iyo China ee maanta ee Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika, waxa ka sii aayo-daran dagaal wakiileedka ka soo gudbaya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ee waddamada Khaliijka oo tartankaas ku xidhan. Abu Dhabi, Riyaad iyo Qaahiri si gaar ah ayay jaanta isu la haystaan. Afrikada Bari iyo ta Waqooyi ba waxa ay ka samaysteen saldhigyo milateri ama maalgashi dhaqaale ama labadaba. Somaliland, Eritrea ilaa Libya fadadku waa ay is haystaan. Qatar, Turkiga iyo Iiraan na waa dhinaca kale oo waa ka horjeedka qoladaas hore. Muqdisho ilaa Djibouti dabku waa isu baxayaa. Yemeni waxa ay noqotay cadaabtii dagaal wakiileedkaas. Dagaal wakiileedku waxa uu bulshooyinka u kala dhambalaa kooxo iska soo horjeeda oo labada xoog ee tartamaya ee hirdanka guud ka dhexeeyo la kala safan oo gacan-saar la kala yeesha. Iyaga (xoogagga shisheeye) oo adeegsanaya sandareerto dhaqaale ayay bulsho inteeda yar iskaga qanacsanaan jirtey “balag” uga lulaan meel fog. Kaas (dagaal wakiileedka) oo la soo waarido ama dhoofiyo ayaa la falgala is diiddooyinkii dabiiciga ahaa ee la yaalley bulshadaaasi, ayna ula noolaan jirtey qabatin ahaan sida “cudurka macaanka”, ee ay furdaamintooda u fara-dhuubnayd. Waxa soo gala oo bulshadaas la soo dersa ged cusub iyo wax aan cilinkiisa la saari karin oo meel kale iyo cid kale oo aan kuu muuqani ay maamulayso. Waa dagaal wakiileed (proxy war) waxaasi, waanay muuqdaan ifafaalayaashiisii. Hargeysa ayay iiga bidhaamayaan. Somaliland yaan loo soo rarin is diiddooyinka iyo dagaalka u dhexeeya UAE iyo Qatar. Uma hayno misko lagu qaado! Abba looma hayo. “Goldalooladaaduu nin ogi galagalaystaaye Aduun bayse kaa go’an yihiin maalmahays guraye Godan baa la yeeshaa xadhkaha haysku wada giijin”. Maxamed Baashe X. Xasan mohamedbashe@hotmail.com Qaran News
  4. Shir maanta magaalada Hargeysa ee caasimadda Soomaaliland ay ku yeesheen labada xisbi mucaarad ee Ucid iyo Wadani ayaa looga hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka dhowaan la filaayo in ay ka dhacaan Soomaaliland. kulanka kadib, labada xisbi waxaa ay soo saareen warqad ay ku sheegeen in ay ku tixraacayaan warqad horay siwadajir ah u soo saareen madaxweyne Muusa Biixi oo hoggaamiya xisbiga talada haye ee Kulmiye iyo laba xisbi mucaarad ee Ucid iyo Wadani. Warqadda sedexda xisbi ay horey u soo wada saareen ayaa lagu magacaabay labo xubnood oo xisbiyada mucaradka ah ku matalaya guddiga doorashooyinka Soomaaliland dhawaan ka qabsoomi doona. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Nairobi (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo ay ka socdaan wada-hadallo u dhaxeeya madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Cabdinaasir Seeraar, oo isna sidoo kale sheegtay madaxweynaha Jubaland. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in ergo matalaysa Axmed Madoobe ay wada-hadalladan la leeyihiin Cabdinaasir oo laga doonayo inuu isaga baxo magaalada Kismaayo, islamarkaana aado meel kasta oo uu doonayo. “Axmed Madoobe ma doonayo mana ogolaanayo in qof madaxweyne la sheegtay uu dhinac kasii joogo magaalada Kismaayo” waxaa sidaas yiri qof ku dhow Axmed Madoobe oo la hadlay Caasimada Online, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin. Xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in dalabka Axmed Madoobe uusan horseedi doonin wax dagaal ah oo ka dhaca Kismaayo, islamarkaana Axmed Madoobe uu rajeynayo in Seeraar dib ugu laabto magaalada Nairobi oo uu ka yimid ka hor doorashada. Si kastaba, Cabdinaasir Seeraar ayaa ah siyaasiga ciidan ahaan ugu awoodda badan siyaasiyiinta sheegtay xilka madaxweynaha Jubaland, waxaana laga cabsi qabaa in joogitaankiisa Kismaayo uu horseedi karo dagaal dhiig badan uu ku daato, haddii aan xal la gaarin. Wada-hadallada labada dhinac ayaa waxaa ku jira siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeeda beesha ay ka soo wada jeedaan labada siyaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  6. Beledweyne (Caasimada Online) – Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Baledweyne ayaa waxay si adag uga horyimaadeen amar ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo dhanka kale dowladda ku eedeeyay fara-gelin inay ku hayso reer Hiiraan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay amartay in ciidan ku sugan magaalada Baledweyne loo kaxeeyo Gobolka Galgaduud, kuwaa oo ay sheegtay in wixii agab ah ay iyadu siin doonto. Ciidankan oo bilaa hub ah ayay dowladdu ka dalbatay inay taggaan Gobolka Galgaduud. Odayaasha Dhaqanka ee reer Baledweyne oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxay ka horyimaadeen amarka ka soo baxay Dowladda Federaalka. Odayaasha Dhaqanka ayaa waxay kulanka ka dib sheegeen inaanay ciidamadu ka bixi doonin Magaalada Baledweyne, isla-markaana aanay tageynin Magaalada Dhuusamareeb. Odayaasha Dhaqanka ayaa sidoo kale waxay Dowladda Federaalka ku eedeeyeen in ay fara-gelin ku hayso bulshada reer Hiiraan, taasoo ay sheegeen inaanay u dulqaadi doonin. Sidoo kale waxay dalbadeen in ay Magaalada Baledweyne isaga baxaan Saraakiil uu hogaaminayo Taliyaha qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, C/casiis C/laahi Qooje , oo Sabtidii gaaray magaaladaasi. Saraakiishan oo iyagu Magaalada Baledweyne kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa waxay sheegeen inay halkaasi u yimaadeen, sidii ay uga qayb qaadan lahaayen gulufka Shabaab looga saarayo Deegaanada Hirshabelle. Saacado ka hor ayay ahayd markii Maamulka Gobolka Hiiraan uu ka horyimid in ciidamada laga kaxeeyo Baledweyne, lana geeyo Gobolkaasi Galgaduud. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  7. (SLT-Hargeysa)-8 Qof oo ka mid ah Shaqaalaha ka hawl-galayey Xafiisyada Wakiillada Maraakiibta ee Magaalada Berbera ayaa Xabsiga loo taxaabay. 8-da Qof ee la xidhay ayaa la sheegay inay ka dhego adaygeen Awaamiir ka soo baxay Xukuumadda, gaar ahaana Wasaaradda Ganacsiga, sida uu sheegay Isku-duwaha Wasaaradda Ganacsiga ee Gobolka Saaxil, Siciid Jaamac Waaberi. “Waxaan kuu xaqiijinayaa inaanu Saaka soo xidhnay Wakiillada Maraakiibta, tirada xidhana waa 8 Shaqaalaha..” ayuu isku-duwaha Wasaaradda Ganacsiga Somaliland oo la hadlayey Warbaahinta Dawladda Isku-duwuhu wuxuu faahfaahiyey Sababta loo xidhay 8-da Qof “Nimankaasi waxay Baal-mareen Sharcigii iyo Awaamiirtii Dawladda, waxay diideen inay fuliyaan oo way ka dhego-adaygeen Digreetadii Wasiirka Ganacsiga..” ayuu yidhi, isku-duwuhu. Isku-duwaha Wasaaradda Ganacsiga ee G. Saaxil, Siciid Jaamac Waaberi. Wakiillada Maraakiibta ayaa hore shaqo-joojin u sameeyay, ka dib markii Xukuumaddu amartay inay wax ka dhimaan Kharashaadka ay ka qaadaan Alaabooyinka ay Ganacsatada uga soo dejiyaan Maraakiibta. Source
  8. A delegation led by Federal government of Somalia’s minister of finance Abdirahman Duale Beyle travelled to Addis Abba, Ethiopia’s capital on Sunday, his office confirms. The Minister and his entourage are planning to meet the negotiators from the International Monitoring Fund (IMF) and discussing the fourth round for the Somalia debt relief (SMP4). The aim of this meeting is to ensure what the ministry of finance has done for the past three months for IMF’s prerequisite for the fourth round of the debt relief. In addition, the minister of planning and the chairman of the central bank of Somalia will also attend the meeting. Proceeding to the debt relief meetings, minster Beyle, and his team will also hold a separate meeting with the leaders of world economic agency and some of the countries who gave loans to Somalia in order to discuss on the debt relief process. Finally, Minister of finance Beyle shows prospect for the planned meeting with IMF and in general, Somalia to get debt relief at the end of the fourth round discussions. The Horn of Africa country’s external debt of $4.6 billion continues to restrict Somalia from accessing much-needed cash from the international financial community for development. View the full article
  9. Dhuusamareeb (SMN) – Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug ayaa weli ka socda gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Shirka oo galay maalintiisii labaad ayaa waxaa ka qeyb galaya dhammaan beelaha dega deegaanada maamulkaasi. Inta badan shirkan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xalinta khilaafaadka ka jira dowlad goboleedka Galmudug, si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Jimcihii la soo dhaafay shirkani ka daa-furay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta sameeyay shaqo joojin, kadib markii mid kamid ah mas’uuliyiinta duulimaadka Muqdisho ee diyaaradaha, islamarkaana u dhashay Turkiga, uu dharbaaxay muwaadin Soomaali ah oo ka tirsan shaqaalaha garoonka. Falka uu sarkaalka sare ee Turkish-ka kula kacay wiilka Soomaaliga oo ka tirsan qaybta taraafikada ee garoonka diyaaradaha, ayaa waxaa ka dhashay gacan ka hadal labadooda dhex maray iyo dood badan oo ilaa hadda ka taagan gudaha garoonka. Dhamaan shaqaalaha taraafikada ee haga diyaaradaha ama diyaaradaha soo dagaya geliya baakinka ayaa maanta sameeyay shaqo joojin, iyadoo ay halis gashay mid kamid ah diyaaradaha shirkadda Turkish Airline oo maanta ka soo degtay Muqdisho. Qof ka tirsan shaqaalaha garoonka ayaa Caasimada Online u sheegay, “halis wayn ayaa maanta dhacday waxaana isku baabi’i gaaray diyaarado baakin ku jiray iyo diyaaradda Turkish Airline oo saakay soo degtay kadib markii ay shaqo joojin sameeyeen shaqaalaha baakinka diyaaradaha” ayuu yiri mid kamid ah shaqaalaha airport-ka Muqdisho ee Aadan Cadde. Gacan ka hadalka dhaxmaray muwaadinkaan soomaaliga ah iyo sarkaal sare oo katirsan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho una dhashay dalka Turkiga ayaa ilaa hadda la’ogeyn sababta keentay, balse waxay caasimada online ogaatay in labada qof uu dhaxmaray dagaal gacan ka hadal ah. Xadgudubyada ka dhaca dekadda iyo airport-ka Muqdisho oo ay geestaan masuuliyiinta Turkida ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay caadi ka ahaa Soomaaliya, waxaana Turkida rag iyo dumarba u geestaan gacan qaad waqtiyada qaar sababa dhibaatooyin maskaxeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  11. Somali Journalists Syndicate (SJS) condemns the closure of Horyaal24 TV and the arrest of the TV’s Chairman on Friday 06 September, 2019 and Saturday 07 September, 2019 respectively by Somaliland police in Hargeisa. Source: Hiiraan Online
  12. Balcad (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ciidanka Milatariga Soomaalia ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Sh/Dhexe. Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxa ay maanta ciidamadu ka wadaan inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolkaasi. Ujeedka howlgalladan ayaa lagu sheegay in ay yihiin kuwa Miino baaris ah, si looga hortago weerarada qaraxyada iyo kuwa tooska ah ee ay geysato Al-Shabaab. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Shabelle uga warbixiyey baaritaaanadaasi, wuxuuna sheegay in aysan ku yeelan wax saameyn ah. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Cod-Goobjooge.mp3 View the full article
  13. Baydhabo (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali kheyre ayaa maanta magalaada Baydhabo xarunta gobolka Baay kulan gaar ah kula qaatay golaha wasiirada ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Kulanka oo uu shir guddoomiyey Ra’iisul wasaare Khayre ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay dardargelinta mashaariic hormarineed oo dhowaan laga fulin doono deegaanada maamulkaaasi, sugida amniga howlgallada ka dhanka ah dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab iyo arrimo kale. Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta kormeeray xafiisyada madaxtooyada iyo wasaaradaha maaliyadda iyo qorsheynta ee K/ Galbeed. Kormeerkan ayaa waxaa Ra’iisul wasaaraha ku wehlinayey madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirad. Khayre ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay dhammaan mas’uuliyiinta iyo shaqaalihii uu la kulmay inay xoojiyaan howlaha shaqo ee loo igmaday. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  14. Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa ka horyimid go’aan ka soo baxay dowladda federalka ah ee Soomaaliya. Waxgaradka Beledweyne warbaahinta kula hadlay ayaa waxa ay sheegeen inay ka soo horjeedaan ciidamo ay dowladda Soomaaliya sheegtay in laga qaadayo Beledweyne lana geyn doono magaalada Dhuusamareeb. Odayaasha ayaa sidoo kale waxaa ay amreen in si deg deg ah ay Magaalada ugu baxaan saraakiisha dowladda ay u soo dirtay qaadista Ciidamadaas oo hadda ku sugan Magalada Baladweyne. Shalay ayey ahayd markii ay magaalada Beledweyne soo gaareen saraakiil uu hogaaminayo taliyaha ciidanka 21aad ee Soomaaliya, kaasi oo doonayey inuu Beledweyne ka raro in ka badan 300 oo kamid ah ciidankii tababarka ku qaatay xerada Lama-galaay ee magaalada Beledweyne. The post Odayaasha Beledweyne oo ka horyimid awaamiir ka soo baxday dowladda Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (SMN) – Sarkaal Boolis oo u dhashay dalka Uganda, kana tirsanaa ciidamada AMISOM ayaa meydkiisa laga helay xarunta Xalane, iyadoo uu socdo baaritaan la xiriira sababta geeridiisa. Edward Bagonza ayaa ka mid ahaa ciidamada Booliska AMISOM, waxaana saraakiisha howlgalka Midowga Africa sheegeen in meydkiisa oo la helay shalay oo sabti aheyd la dhigay qeybta baaritaanka meydadka ee isbitaal ku dhex yaalla Xalane. Qoraal kooban oo ay soo saartay AMISOM ayaa lagu xaqiijiyay dhimashada sarkaalka Booliska, balse ma aysan bixin fahfahain dheeraad ah oo ku saabsan, sida uu u dhintay, maadaama uu socdo baaritaan. Dowladda Uganda ayaaan wEli ka hadlin arintan, balse waxaa la filayaa in meydka Edward Bagonza loo qaado dalkiisa hooyo, si loogu aaso. Askarta u dhashay Uganda ayaa ah kuwa ugu badan Militariga iyo Booliska AMISOM, iyadoo ay horey u jireen dhowr askari oo isku dilay Xalane, halka kuwa kale ay noloshooda ku waayeen weerarada Al-Shabaab. Sanadkii 2017, 16 Askari oo u dhashay Uganda ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo ku baxay gacanta Al-Shabaab. Afhayeenka ciidamada Uganda Richard Karemire ayaa sheegay in dhowr sarkaal oo qeyb ka ahaa AMISOM lagu dilay weeraro ka dhacay Buulo-Mareer iyo Golweyn oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Uganda ayaa ah dalkii ugu horreeyay oo ciidamadiisa yimaadeen gudaha Soomaaliya sanadkii 2007-dii. View the full article
  16. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-08092019.mp3 View the full article
  17. (SLT-Hargeysa)-Xisbiyadda mucaaridka Somaliland ee WADDANI iyo UCID ayaa maanta si wada jir ah warsaxaafadeed uga soo saaray arrimaha doorashooyinka Halkan hoose ka akhriso: Halkan hoose ka DAAWO madashii maanta Source
  18. 01-August 2019-Kooxda Mogdishu City Clup ayaa saxaafada usoo bandhigtay dhowr xidig kuwaas oo kala ahaa ajaaniba iyo kuwa u dhashay dalka qeybna ka ah olalah 2019-2020. Xidiaha kusoo biiray waxa ay kala yihiin Wahiid oo dhashay Ghan,Remy oo isna kasoo jeed Uganda,Uche oo u dhashay Nigeria iyo Jacfar,Bakar oo kaga soo biiray Magaalada Jigjiga . 02-August 2019-Macallinkii hore Muqdisho City Club Hussein Mblangu ayaa magaalada Kampala kula kulmay ciyaartooyda kooxdiisii hore kuwaas oo qeyb ka ahaa safka Xulka Qaranka Soomaaliya ee ka qeybgalay tartanka African Nations Championship 2019. 03-August 2019-Xulka Soomaaliya ayaa gabi ahaanba ka haray tartanka Chan 2019, kaddib markii laba guuldaro oo kala kulmay dhigiisa Uganda,iyadoo xulkeena laga dhaliyay ilaa 7-gool labo ciyaareed oo ku kala dheelay wadamada Jabuuti iyo Uganda. 04-August 2019-Kooxda Xidigaha FC ee ka dhisan magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa ku guulaystay tartan lagu xusay legend Macallin Cabdullahi Xasan Saalax Tuke. 05-August 2019-Xidigaha xulka Qaranka Soomaaliya ayaa kusoo laabtay caasimada Muqdisho ka dib markii ay labo ciyaareed ay guul daro kala kulmeen Xulka Uganda. 06-August 2019-Madaxwaynaha Puntland Dr.Saciid Cabdilaahi Deni ayaa bixiyay balan qaadkii lacagta ahaa ee uu maamulkiisa ugu qeeyb qaadanayay dhismaha Garoonka Mire Awaare ee magaalada Garoowe, Wasiirka maaliyadda Puntland ayaa guddiga dhismaha garoonka Mire Awaare ku wareejiyay $100,000 dollar. 06-August 2019-Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa guddiga dhismaha garoonka Cabdullahi Ciise ku wareejiyay lacagtii uu balanqaaday ee cadadkeed aheyd $227,167 (Laba boqol Labatan todoba kun,boqol lixdan iyo todoba dollar),iyadoo guddiga dhismaha garoonka ay arintan ugu mahad celiyeen Raysal Wasaaraha 07-Auguts 2019-Kooxaha Kubbadda cagta Muqdisho City Club iyo Dekedda ayaa u safartay dalalka Zanzibar iyo Egypt waxayna halkaa u kala aadeen ka qeybgalka tartamada CAf Confedration iyo CAF Champions League 08-August 2019-Baydhabo waxaa lagusoo gabagabeeyey tartanka South West Super League 2019 oo aheyd markii ugu horeesay loo qabto naadiyada u diiwaangashan Xiriirka Kubbadda Cagta Koonfur Galbeed waxaana kaabkan hantay xidigaha FC Suuqa Xoolaha. 09-August 2019-Dowalladda Soomaaliya ayaa magacii garoonka Stadium Banaadir ee degmada Cabadi Casiis ku badashay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Inj.Yariisow),Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in garoonka loo bixiyay Eng.Yariisow Stadium. 10-August 2019-Guddiga dhismaha garoonka Cabdullahi Ciise ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay guddoomiyaha xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya Cabdiqani Saciid Carab wuxuuna guddiga ka warbixiyay halka uu marayo dhismaha iyo qorshayaasha garoonka la doonayo ee loo qaabeeyo. 11-August 2019-Xidigaha Dowlladda hoose ee Muqdisho City Club ayaa kulankii 1-aad ee tartanka kooxaha Caf Confedration barbaro la galay naadiga reer Zanzibar ee Malindi Sports Club waxayna aheyd 30-sano. 12-August 2019-Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed ayaa xerada farsamada ee garoonka Jaamacadaha ku booqday xulka 15-jirada,isagoo kula dardaarmay in ay si wanaagsan u qaataan casharadii la baray maadama ay yihiin mustaqbalka Soomaaliya. 13-Agust 2019-Guddoomiyaasha kooxaha Horseed iyo Elman DR.Maxamed Axmed Maxamed iyo Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) ayaa kulan baraarujin iyo dhiiri-gelin la qaatay xulka 15-jirada ee markii horeesay nasiibka u yeeshay in matalaan Soomaaliya. 13-August 2019-Xidigaha Xulka Qaranka 15 Jirada ayaa uu safray magaalada Asmara ee daka Eretria,iyagoo ka qeybgalay tartanka briga iyo bartamaha Afrika ee Cecafa Under 15 oo markii ugu horeesay la qabtay. 14-August 2019-Kooxda Horseed ee ciidanka xoogga dalka ayaa u safartay wadanka Morocco,iyagoo 32- kadib ka qeybgalay tartanka Jamaacada Carabta oo sanadkan lagu qabtay magaalada casablanca,maamulka kooxda Horseed waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin mudo dheer ka dib in ay kusoo laabtaan. 15-August 2019-Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa xafiiska ku qaabilay Guddoomiyaha Xiriirka kubbadda cagta Galmudug Cabdifataax Cabdullahi Warsame iyo guddiga dhismayaasha garoomada kubbadda cagta degmooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo,isagoo ku wareejiyay lacagtii uu balanqaaday ee aheyd kaabida dhismayaasha labada garoon,dhallinyarada iyo bahda ciyaaraha Galmudug ayaa arinta kaga mahadceliyay Raysalwaasaraha xukuumada Fedraalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre. 16-August 2019-Xulalka 15 Jirada Soomaaliya iyo Kenya ayaa wada dheelay tartanka da’yarta Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka dhacay wadanka Eretrie kulankaa ayaa ahaa furitaanka ciyaaraha Cecafa Under 15. 17-August 2019-Bahda isboortiga degmada Cadaado ayaa kulan mahad celin ku qabtay garoonka Caadaado wuxuuna u jeedkooda ahaa in ay mahadcelinayaan Raysal Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo bixiyay lacag uu ugu talagalay dhismaha garoonka Cadadaado waxaana cadadka lacagtaa lagu qeexay $145,500 Dollar. 18-Auguts 2019-Guddoomiyaha Garsoorka Xasan Yabarow Wiish iyo Guddoomiye ku xigeenka garsoorka Aweys Cabdullaahi Sheekh ayaa u safray dalka Rwanda,iyagoo halkaa ugu qeyb galay tababar ay FIFA u qabatay hogaanka garsoorka Wadamada Qaarada Afrika wuxuuna socdaalkaan u ahaa kowaadii 1-aad 19-August 2019-Guddoomiyaha kooxda Elman Cabdirisaaq Faarax Cumar (Garooje) oo safar shaqo ku tagay degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa sheegay in degmada Diinsoor ay helayso mashaariic horomarneyd. 20-August 2019-Xiriirka Kubbadda cagta Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay horomarka ay kooxaha dalka ku tilaabsadeen ka dib markii sanadkan ilaa afar naadi ay ka qeybgaleen tartanka Caf Champians League,Caf Confederation,Arab League iyo tartanka kooxaha Bariga iyo Bartamaha Afrika waxayna madaxda xiriirka sheegeen in horomarka dhinaca dibadda ay sii socdaan tani ay kor u qaadeeso horomarka kubbadda cagta . 23-August 2019-Dhallinyarada 15 Jirada Soomaaliya Iyo Eretria ayaa barbaro ku heshiiyay,iyagoo wada dheelay kulamadoodii ugu danbeeyay heerka is araga Groupyada tartanka xulalka da’yarta Bariga iyo Bartmaha. 24-August 2019-Aweys Nuur Axmed iyo Cabdi Cabdulle Basaale oo ka mid ah macallimiinta garsoorayaasha kubbadda cagta Soomaaliya ayaa u safray wadanka Ruwanda,iyagoo halkaa ku aaday aqoon kordhinta xirfada 25-August 2019-Degmada Hodon ayaa iska xaadirisay fiinaalaha tartanka bubbadda Gacanta Degmooyinka Gobolka 2019, ka dib markii Sem Finalka ay ka adkaatay Warta Nabbadda. 26-August 2019-Xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa Saciid Cabdi Haybe u magacaabay safiirka iyo madaxa soo aruurinta ciyaaryahanada qurbajoogta kuwaas oo ka qeybqaadanaya horomarka xulka qaranka . 27-August 2019-Degmada Shibis ayaa usoo baxay fiiinaalka tartanka kubbadda Gacanta degmooyinka Gobolka Banaadir 2019 kadib markii ay guul ay si dirqi ah kaga adkaatay kooxda degmada Wadajir. 28-August 2019-Ciyaartooydii Jeenyo ee iminka u dheela kooxaha kala duwan ee Soomaaliya ayaa aad ugu xumaaday in kooxdoodii hore ay u laabto heerka 2-aad Soomaaliya,balse u rajeeyay horomar wanaagsan. 29-August 2019-Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed ayaa xulka 15 jirada kaga mahad celiyay shaqadii wanaagsaneed ay kusoo bandhigeen wadanka Eretria oo sanadkan marti geliyay tartanka 15 Jirada Bariga iyo Bartamaha Afrika 2019 ee Ceacafa. 30-August 2019-Xulka 15 Jirada ee markii ugu horeesay ka qeyb galay ciyaaraha da’yarta Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa kusoo laabtay Muqdisho waxaana si weyn u soo dhaweeyay xiriirka kubbadda cagta iyo qaar ka mid ah waalidiintooda waxaana looga mahad da’daalka ay kusoo bandhigeenka wadanka Eritrea. 31-Auguts 2019-Xariirka kubbadda cagta Soomaaliya ayaa is badal weyn ku sameeyay shaxda xulka Qaranka waxaana markii ugu horeesay safka xulka loogu yeeary ilaa 10-ciyaartooy oo ka dheela caalamka waxaana talaabadan soo dhaweeyay bahd kubbadda cagta. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  19. SOMALIA/KAMPALA— A Ugandan senior police officer attached to African Union Mission in Somalia (AMISOM) has been found dead under mysterious circumstances, officials said on Saturday. Assistant Inspector of Police (AIP) Edward Bagonza was found dead at his residence in Mogadishu on Saturday, September 7, according to Police Director Peace Support Operations AIGP Grace Turyagumanawe. In a brief statement released Saturday September 7 night, AIGP Turyangumanawe, the confirmed the sudden dead of AIP Bagonza, but gave no details. “He was found dead at his residence in Mogadishu today [Saturday] morning,” he wrote, without giving details of the investigations. He however noted that burial arrangements are being coordinated by AMISOM leadership. Ugandan security forces in Somalia both Police and Uganda People’s Defence Forces (UPDF) have previously lost their officers during attacks by the al-shabaab militia in Somalia and other questionable circumstances. In 2017, UPDF lost 12 soldiers in an another al-shabaab attack, which the terrorists claimed had more casualties than the official figures released by government while, in December last years, UPDF lost four of its soldiers during an Easter holiday double attack by the al-shabaab. UPDF spokesperson Brig Richard Karemire at the times the officers serving as part of the Amisom were killed during a double attack on an Amisom military base in Buula Mareer and Golwen in Lower Shabelle region of Somalia. Several militant groups still control parts of Somalia. A contingent of 13 individual police officers (IPOS) was early this year flagged off for a peace keeping mission in Somalia under the AMISOM. Unlike the UPDF which operates both in both Mogadishu and the interior of Somalia, Uganda police officers operate only in Mogadishu as part of the airport security detail. Uganda first deployed officers from the formed police unit in 2012 and the officers from the unit do patrols to ensure maintenance of law and order. Uganda Police officers also train Somali counterparts, contribute to public order management and also participate in search and cordon operations among others. Uganda was the first country to deploy troops in Somalia under the AMISOM in 2007 in a mission which was described by many as ‘dead or arrival’ but UPDF turned around the situation of anarchy into one that would force other countries to deploy in the country. Daily Staff Qaran News
  20. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Shabakadda Caasimadda Online ayaa ogaatay xog ku saabsan heshiis ay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlu Sunna ka gaareen khilaafkii ku saabsan tirada xildhibaanadii ay dalbatay Ahlu Sunna. Sida illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen, Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii Ahlu Sunna u ogolaatay inay Baarlamaanka Galmudug ku yeelato ilaa 30 xubnood kadib kulamo xasaasi ah oo Dhuusamareeb ku dhex maray Ahlu Sunna iyo Ra’isulwasaare Kheyre oo hadda ku sugan Baydhabo. Ahlu Sunna ayaa markii hore dalbatay in Baarlamaanka Galmudug laga siiyo 50% oo ah kala bar Xildhibaanada Galmudug oo noqonayo 89 Xildhibaan balse waxaa arrintaas ka hor timid dowladda. Dowladda Soomaaliya ayaa Ahlu Sunna markii hore usoo bandhigtay inay Xildhibaanada Galmudug ka qaadato 15 Xildhibaan taasoo ay si weyn uga hor timid Ahlu Sunna. Ugu dambeyntii kulamo is daba joog ahaa oo dhex maray labada dhinac ayey isku afgarteen in Ahlu Sunna laga siiyo Xildhibaanada Galmudug ilaa 30 Xildhibaan. Baarlamaanka Galmudug ayaa lagu heshiiyey in tirada Xildhibaanada Galmudug lagu daro 30 Xildhibaan oo dheeri ah taasoo ka dhigan in Baarlamaanka Galmudug uu noqon doono 119 Xildhibaan. Heshiiska labada dhinac ayaa sidoo kale waxaa ka kamid ah in Ahlu Sunna ay soo xulista 30 Xildhibaan u fiiriso hab qeybsiga Beelaha. Haddii Ahlu Sunna ay Baarlamaanka Galmudug ku yeelato 30 Xildhibaan waxay laf dhabar u noqon doontaa natiijada cidda noqoneyso seddexda hoggaan ee ugu sareeyo maamulkaas oo la filayo in dhawaan la doorto. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com