Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,399
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Burco:(SL-T)Wasiirka Hawlaa Guud Iyo Dhulka Oo Dib Ufaray Biriijka Deero Ee Magalada Oo Xukumadu Dayac Tirtay. Source
  2. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Habeen-0892019.mp3 View the full article
  3. (SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadashay Muran U Dhexeeya Shirkadaha Telesom Iyo Somcable, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. (SLT-Hargeysa)-Dedaalo iyo Shirar lagu sii amba qaadayo dhex-dhexaadiintii hakadku ku yimid ee Xukuumadda iyo Col Caare, ayaa la wadaa. Masuuul ku dhowdhow hawshan oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay inay socdaan dedaalo iyo shirar xal loogu raadinayo qaddiyadda Col. Caare, isagoo muujiyay inuu ku rajo weynayahay in is afgarad iyo heshiis rasmi ah lagu soo gunaanado arrinta u dhaxaysa xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo taliye Caare, “Waxa la wadaa dedaalo iyo shirar xal lagu raadinayo.” Ayuu yidhi masuulkani isagoo intaas raaciyay, “Waxaan ku rajo weynahay in is afgarad, wanaag iyo khayr inay hawshaasi inoogu dhammaato, mana aha weli hawl bislaatay oo saxaafadda loo soo bandhigi karo, laakiin meel wanaagsan inay wax marayaan ayaan kuu sheegayaa.” Madaxda dhaqanka ee Beelaha West Burco Clan oo hore ula soo kulmay Col. Caare, ayaa ka baxay dhexdhexaadintii ay wadeen ka dib shir saxaafadeed uu qabtay taliyaha guud ee ciidanka qaranka sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani oo Col. Caare ku eedeeyay dambiyo iyo khiyaamo qaran, hadalkaas oo abuuray dareen xaasaasi ah. Source
  5. Nairobi (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Kenya, oo muuqda inay gadaal ka riixeyso shirkadda isgaarsiinta dalkaas ee Safaricom, ayaa kusoo biirtay dagaalkii ay horey ciidamada dalka Kenya ugu hayeen shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecon ee Soomaaliya. Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxay Nairobi ayaa maanta qoray warbixin la-yaab leh, oo aan sal iyo raad lahayn oo uu shirkadda Hormuud ku eedeynayo inay ka dambeysay weeraro ka dhacay gudaha dalka Kenya oo lagu burburiyey anteenooyin iyo taawaro ay leedahay shirkadda Safaricom. Warbixinta Daily Nation ayaa u muuqata mid caksi ku ah dhibaatada ay horey ciidamada Kenya ugu gaysteen qalabka shirkadda isgaarsiinta Hormuud ee deegaanada ku dhow xuduudda Kenya, halkaasi oo shirkadda ay adeegyo taleefon ku siiso shacabka Soomaaliyeed. Qorshahan ayaa u muuqda mid qeyb ka ah dagaalka guud ee Kenya ay ku haysom dowladda, shacabka iyo hantida umadda Soomaaliyeed, si loogu qasbo dowladda inay ka laabato dacwada kiiska badda. Tallaabooyinka ay horey dowladda Kenya u qaaday waxaa ka mid ahaa: In ay iska hor keentay maamul goboleedka Jubbaland iyo dowladda dhexe Kenya waxa ay diiday in ay ilaaliso xasaanadda baasaboorka Diblomaasiga ee Soomaaliya. Diyaaradaha ka baxa Soomaaliya oo dib loogu celiyo baarista garoonka Wajeer oo la mariyo rakaabka kusii jeeda Kenya. Kenya waxa ay ku hanjabtay in ay aqoonsaneyso gobollada woqooyi ee Soomaaliya (Somaliland), iyadoo ay labada dhinac yeesheen wada hadallo aan mirohooda saxaafadda loosoo bandhigin. Dagaal dhanka dhaqaalaha oo ay ugu horreyso, burburinta 12 xarumood oo ay laheyd shirkadda Iisgaarsiinta Hormuud oo ah shirkad qaran, si ay taas cadaadis ugu saarto dowladda Soomaaliya maadaama ay Hormuud tahay shirkad dalka saameyn ku leh. Dowladda Kenya ayaa u aragtay inay Hormuud tahay shirkadda heyso hantida ugu badan ee shacabka Soomaaliyeed, waxayna kusoo qaaday dagaal burburin ah iyo mid dhanka saxaafadda ah. Shirkadda Hormuud ayaa waxaa ku midoobay ganacsato badan oo Soomaaliyeed oo isugu jiro qeybaha kala duwan ee bulshada, waxayna ka mid tahay shirkadaha ugu horreeyo ee Africa waxayna dhawr jeer dhibane u noqotay dowladda Kenya oo ay ka go’an tahay inay cuuryaamiso hantida shacabka Soomaaliyeed. Dagaalka Kenya ayaa waxaa sidoo kale muuqata inay qeyb ka tahay shirkadda Safaricom ee ugu weyn dalka Kenya, taasi oo weysay macaamiil badan oo ah Soomaalida ku nool mnagaalooyinka Soomaaliya ee u dhow xuduudda Kenya, kuwaas oo isticmaali jiray taleefonka Safaricom, balse markii ay halkaas gaartay Hormuud, usoo wareegay shirkaddooda Soomaaliyeed. Warbixinta Daily Nation ayaa lagu eedeeyey Hormuud inay dooneyso inay adeeg siiso shacabka ku nool deegaanada gudaha Kenya ku yaalla ee gaaraya illaa 50 km, sidaas darteedmna ay ugu lug leedahay burburinta qalabka Safaricom. Hase yeeshee xaqiiqda ayaa ah in Daily Nation ay dib u wareejisay wixii ay sameynayeen ciidamada Kenya iyo Safaricom oo shirkadda Hormuud qalabkeeda u burburinayey si Safaricom u hesho suuqii uga lumay xuduudda Soomaaliya. Xaqiiqda ayaa ah in burburinta Kenyan-ka loo hayo caddeymo buuxa, balse eedeynta ka dhanka ah Hormuud aan xitaa hal caddeyn loo hayn. Shacabka Soomaaliyed waa inay difaacdaan hantidooda, dalkooda iyo dowladdooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland, Md. Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ka jawaabay su’aal laga waydiiyey sababta ay uga gaabiyeen Colaadda soo noqnoqotay Beelaha Ceel Af-weyn ee Gobolka Sanaag. Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo Telefiishanka SAHAN oo uu waraysi siiyey waydiiyey sababta Golaha Guurtidu uu ergooyin nabadeed ugu diri waayay Ceel Af-weyn oo dhibaatada amni-darro ee ka jirtaa muddo soo noqnoqotay, ayaa ku jawaabay in aanay Guurtida ku wanaagsanayn inay gasho Colaad markaa taagan, maaddaama buu yidhi ay joogaan Dawladdii iyo Ciidammadii amnigu. Guddoomiye Saleebaan-nuur oo ugu horrayn ka jawaabaya in sababta keentay inay ka gaabiyaan Xallinta Colaadda loo maaro la’yahay ee Ceel Af-weyn tahay dhaqaale xumo haysa Golaha Guurtida ayaa yidhi “Dhaqaale darro ta dalka haysa ka weyni nama hayso.” Mudane Saleebaan wuxuu ka jawaabay oo uu faahfaahiyey sababta Guurtidu aanay beryihii dambe ergooyin nabadeed ugu dirin Ceel Af-weyn “Markay tahay dagaal markaa taagan kuma wanaagsana Guurtida (Inaynu gasho), Dawladdii iyo Ciidammadeeda nabadgalyo ayaa hadda gacanta ku haya, waxayna na yidhaahdeen markaanu xasilino ayaad soo galaysaan, waxaanu ku diidno oo aanu nidhaahno hawsha kuma filidna namay tusin. Haddii Allaah yidhaahdo meel xun mari mayno, markay noqoto nabad dhalinta iyo wax waara waanu imanaynaa..” ayuu yidhi. Source
  7. (SLT-Hargeysa)0Cisbitaalka Gargaar oo Hargeysa ku yaalla ayaa sheegay in uu bilaabay beerista Ilmaha iyadoo Ugxanta Aabbaha laga soo qaadayo laguna beerayo hooyada. Dr Cabdiraxmaan Cali Aw-Koombe, ayaa sheegay in hadda ay ku guulaysteen in hooyadii ugu horraysay ay Ilmo ku beeraan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. (SLT-Riyadh)-Boqorka Dalka Sucuudiga ayaa Wasiir cusub u Magacaabay Wasaaradda Macdanta ee dalkaasi, ka dib markii uu Xilkii ka qaaday Wasiirkii hore ee Wasaaraddaasi. Boqor Salmaan ayaa Wasiirka Wasaaradda Macdanta ee Sucuudiga u Magacaabay Wiilkiisa Amiir Abdulaziz bin Salman, kaasi oo sida la sheegay ka mid ah Dadka xilligan ugu awoodda badan Boqortooyada Sucuudiga. Abdulaziz bin Salman ayaa xilka Wasaaradda Macdanta kala wareegaya Khalid Al Falih oo hore xilka Wasaaraddaasi muddo dheer hayey, balse uu Boqor Salmaan xilka ka qaaday toddobaadkan. Warkan ayaa waxa Axadda Maanta baahisay Wakaaladda Wararka ee Boqortooyada Sucuudiga ee Magaceeda loo soo gaabiyo SPA, taasi oo soo xiganaysa Digreetadii ka soo baxday Boqortooyada Sucuudiga, sida uu sheegayo Wargeyska The National oo ka soo baxa Imaaraadka Carabta. Wargeysku wuxuu sheegayaa in haddii la beddelay Wasiirkii Macdanta ee Sucuudiga aan la beddelin Siyaasaddii lagu maamulayey Shidaalka Sucuudiga. Source
  9. Dagaal Wakiileed (Proxy War) Waa ay muuqdaan ifafaalayaashii iyo geddii lagu yiqiin oo idili. Urta dellegan ee silloon ee ina saaqaysaa waa tiisii. Maryo-dhagareed ayuu dahab dusha kaaga sibbaaqaa oo qurxiyaa, heddaadana waa uu jaraa. Dano dhaqaale ayaa had iyo jeeraale horseed ka noqda dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo shirqoollo qorshaysan jiidanaya. Waa “dagaal wakiileed” (proxy war). Si looga dhex fushado dano dhaqaale iyo qorshayaal dahsoon oo siyaasadeed ayaa ummad negayd gorrodda la isugu geliyaa oo dirir aan cilinkeeda la furdaamin karin lagaga dhex oogaa. Jilayaasha dagaal wakiileedka urtiisu soo kakamayso waxa kala hoggaaminaya UAE iyo Qatar. Waa uu wejiyo badnaan doonaa. Labada dhinac qolo kastaa waxa u abuurmaya fursado u sahli kara fulinta qorsheyaashooda dhagaraysan. Waxa geeska Afrika yaalla, gaarna ugu xabaalan dhulka Soomaalidu weynaa. Dagaalkii qaboobaa ee Bariga iyo Galbeedka (USA iyo USSR) ayaa gobolka eelo badan ku sii aasay. Ayax teg eelna reeb. Waa ay xabaalnaayeen, waana kuwaas hadda la soo gufayo. Marka laga tago tartanka USA iyo China ee maanta ee Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika, waxa ka sii aayo-daran dagaal wakiileedka ka soo gudbaya Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ee waddamada Khaliijka oo tartankaas ku xidhan. Abu Dhabi, Riyaad iyo Qaahiri si gaar ah ayay jaanta isu la haystaan. Afrikada Bari iyo ta Waqooyi ba waxa ay ka samaysteen saldhigyo milateri ama maalgashi dhaqaale ama labadaba. Somaliland, Eritrea ilaa Libya fadadku waa ay is haystaan. Qatar, Turkiga iyo Iiraan na waa dhinaca kale oo waa ka horjeedka qoladaas hore. Muqdisho ilaa Djibouti dabku waa isu baxayaa. Yemeni waxa ay noqotay cadaabtii dagaal wakiileedkaas. Dagaal wakiileedku waxa uu bulshooyinka u kala dhambalaa kooxo iska soo horjeeda oo labada xoog ee tartamaya ee hirdanka guud ka dhexeeyo la kala safan oo gacan-saar la kala yeesha. Iyaga (xoogagga shisheeye) oo adeegsanaya sandareerto dhaqaale ayay bulsho inteeda yar iskaga qanacsanaan jirtey “balag” uga lulaan meel fog. Kaas (dagaal wakiileedka) oo la soo waarido ama dhoofiyo ayaa la falgala is diiddooyinkii dabiiciga ahaa ee la yaalley bulshadaaasi, ayna ula noolaan jirtey qabatin ahaan sida “cudurka macaanka”, ee ay furdaamintooda u fara-dhuubnayd. Waxa soo gala oo bulshadaas la soo dersa ged cusub iyo wax aan cilinkiisa la saari karin oo meel kale iyo cid kale oo aan kuu muuqani ay maamulayso. Waa dagaal wakiileed (proxy war) waxaasi, waanay muuqdaan ifafaalayaashiisii. Hargeysa ayay iiga bidhaamayaan. Somaliland yaan loo soo rarin is diiddooyinka iyo dagaalka u dhexeeya UAE iyo Qatar. Uma hayno misko lagu qaado! Abba looma hayo. “Goldalooladaaduu nin ogi galagalaystaaye Aduun bayse kaa go’an yihiin maalmahays guraye Godan baa la yeeshaa xadhkaha haysku wada giijin”. Maxamed Baashe X. Xasan mohamedbashe@hotmail.com Qaran News
  10. Shir maanta magaalada Hargeysa ee caasimadda Soomaaliland ay ku yeesheen labada xisbi mucaarad ee Ucid iyo Wadani ayaa looga hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka dhowaan la filaayo in ay ka dhacaan Soomaaliland. kulanka kadib, labada xisbi waxaa ay soo saareen warqad ay ku sheegeen in ay ku tixraacayaan warqad horay siwadajir ah u soo saareen madaxweyne Muusa Biixi oo hoggaamiya xisbiga talada haye ee Kulmiye iyo laba xisbi mucaarad ee Ucid iyo Wadani. Warqadda sedexda xisbi ay horey u soo wada saareen ayaa lagu magacaabay labo xubnood oo xisbiyada mucaradka ah ku matalaya guddiga doorashooyinka Soomaaliland dhawaan ka qabsoomi doona. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  11. Nairobi (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in magaalada Kismaayo ay ka socdaan wada-hadallo u dhaxeeya madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Cabdinaasir Seeraar, oo isna sidoo kale sheegtay madaxweynaha Jubaland. Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in ergo matalaysa Axmed Madoobe ay wada-hadalladan la leeyihiin Cabdinaasir oo laga doonayo inuu isaga baxo magaalada Kismaayo, islamarkaana aado meel kasta oo uu doonayo. “Axmed Madoobe ma doonayo mana ogolaanayo in qof madaxweyne la sheegtay uu dhinac kasii joogo magaalada Kismaayo” waxaa sidaas yiri qof ku dhow Axmed Madoobe oo la hadlay Caasimada Online, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin. Xubnaha aan la hadalnay ayaa sheegay in dalabka Axmed Madoobe uusan horseedi doonin wax dagaal ah oo ka dhaca Kismaayo, islamarkaana Axmed Madoobe uu rajeynayo in Seeraar dib ugu laabto magaalada Nairobi oo uu ka yimid ka hor doorashada. Si kastaba, Cabdinaasir Seeraar ayaa ah siyaasiga ciidan ahaan ugu awoodda badan siyaasiyiinta sheegtay xilka madaxweynaha Jubaland, waxaana laga cabsi qabaa in joogitaankiisa Kismaayo uu horseedi karo dagaal dhiig badan uu ku daato, haddii aan xal la gaarin. Wada-hadallada labada dhinac ayaa waxaa ku jira siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeeda beesha ay ka soo wada jeedaan labada siyaasi. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo caasimada@live.com
  12. Beledweyne (Caasimada Online) – Odayaasha Dhaqanka ee Magaalada Baledweyne ayaa waxay si adag uga horyimaadeen amar ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo dhanka kale dowladda ku eedeeyay fara-gelin inay ku hayso reer Hiiraan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay amartay in ciidan ku sugan magaalada Baledweyne loo kaxeeyo Gobolka Galgaduud, kuwaa oo ay sheegtay in wixii agab ah ay iyadu siin doonto. Ciidankan oo bilaa hub ah ayay dowladdu ka dalbatay inay taggaan Gobolka Galgaduud. Odayaasha Dhaqanka ee reer Baledweyne oo maanta kulan ku yeeshay Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxay ka horyimaadeen amarka ka soo baxay Dowladda Federaalka. Odayaasha Dhaqanka ayaa waxay kulanka ka dib sheegeen inaanay ciidamadu ka bixi doonin Magaalada Baledweyne, isla-markaana aanay tageynin Magaalada Dhuusamareeb. Odayaasha Dhaqanka ayaa sidoo kale waxay Dowladda Federaalka ku eedeeyeen in ay fara-gelin ku hayso bulshada reer Hiiraan, taasoo ay sheegeen inaanay u dulqaadi doonin. Sidoo kale waxay dalbadeen in ay Magaalada Baledweyne isaga baxaan Saraakiil uu hogaaminayo Taliyaha qaybta 21aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, C/casiis C/laahi Qooje , oo Sabtidii gaaray magaaladaasi. Saraakiishan oo iyagu Magaalada Baledweyne kula kulmay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa waxay sheegeen inay halkaasi u yimaadeen, sidii ay uga qayb qaadan lahaayen gulufka Shabaab looga saarayo Deegaanada Hirshabelle. Saacado ka hor ayay ahayd markii Maamulka Gobolka Hiiraan uu ka horyimid in ciidamada laga kaxeeyo Baledweyne, lana geeyo Gobolkaasi Galgaduud. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  13. (SLT-Hargeysa)-8 Qof oo ka mid ah Shaqaalaha ka hawl-galayey Xafiisyada Wakiillada Maraakiibta ee Magaalada Berbera ayaa Xabsiga loo taxaabay. 8-da Qof ee la xidhay ayaa la sheegay inay ka dhego adaygeen Awaamiir ka soo baxay Xukuumadda, gaar ahaana Wasaaradda Ganacsiga, sida uu sheegay Isku-duwaha Wasaaradda Ganacsiga ee Gobolka Saaxil, Siciid Jaamac Waaberi. “Waxaan kuu xaqiijinayaa inaanu Saaka soo xidhnay Wakiillada Maraakiibta, tirada xidhana waa 8 Shaqaalaha..” ayuu isku-duwaha Wasaaradda Ganacsiga Somaliland oo la hadlayey Warbaahinta Dawladda Isku-duwuhu wuxuu faahfaahiyey Sababta loo xidhay 8-da Qof “Nimankaasi waxay Baal-mareen Sharcigii iyo Awaamiirtii Dawladda, waxay diideen inay fuliyaan oo way ka dhego-adaygeen Digreetadii Wasiirka Ganacsiga..” ayuu yidhi, isku-duwuhu. Isku-duwaha Wasaaradda Ganacsiga ee G. Saaxil, Siciid Jaamac Waaberi. Wakiillada Maraakiibta ayaa hore shaqo-joojin u sameeyay, ka dib markii Xukuumaddu amartay inay wax ka dhimaan Kharashaadka ay ka qaadaan Alaabooyinka ay Ganacsatada uga soo dejiyaan Maraakiibta. Source
  14. A delegation led by Federal government of Somalia’s minister of finance Abdirahman Duale Beyle travelled to Addis Abba, Ethiopia’s capital on Sunday, his office confirms. The Minister and his entourage are planning to meet the negotiators from the International Monitoring Fund (IMF) and discussing the fourth round for the Somalia debt relief (SMP4). The aim of this meeting is to ensure what the ministry of finance has done for the past three months for IMF’s prerequisite for the fourth round of the debt relief. In addition, the minister of planning and the chairman of the central bank of Somalia will also attend the meeting. Proceeding to the debt relief meetings, minster Beyle, and his team will also hold a separate meeting with the leaders of world economic agency and some of the countries who gave loans to Somalia in order to discuss on the debt relief process. Finally, Minister of finance Beyle shows prospect for the planned meeting with IMF and in general, Somalia to get debt relief at the end of the fourth round discussions. The Horn of Africa country’s external debt of $4.6 billion continues to restrict Somalia from accessing much-needed cash from the international financial community for development. View the full article
  15. Dhuusamareeb (SMN) – Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmudug ayaa weli ka socda gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Shirka oo galay maalintiisii labaad ayaa waxaa ka qeyb galaya dhammaan beelaha dega deegaanada maamulkaasi. Inta badan shirkan ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xalinta khilaafaadka ka jira dowlad goboleedka Galmudug, si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa Jimcihii la soo dhaafay shirkani ka daa-furay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta sameeyay shaqo joojin, kadib markii mid kamid ah mas’uuliyiinta duulimaadka Muqdisho ee diyaaradaha, islamarkaana u dhashay Turkiga, uu dharbaaxay muwaadin Soomaali ah oo ka tirsan shaqaalaha garoonka. Falka uu sarkaalka sare ee Turkish-ka kula kacay wiilka Soomaaliga oo ka tirsan qaybta taraafikada ee garoonka diyaaradaha, ayaa waxaa ka dhashay gacan ka hadal labadooda dhex maray iyo dood badan oo ilaa hadda ka taagan gudaha garoonka. Dhamaan shaqaalaha taraafikada ee haga diyaaradaha ama diyaaradaha soo dagaya geliya baakinka ayaa maanta sameeyay shaqo joojin, iyadoo ay halis gashay mid kamid ah diyaaradaha shirkadda Turkish Airline oo maanta ka soo degtay Muqdisho. Qof ka tirsan shaqaalaha garoonka ayaa Caasimada Online u sheegay, “halis wayn ayaa maanta dhacday waxaana isku baabi’i gaaray diyaarado baakin ku jiray iyo diyaaradda Turkish Airline oo saakay soo degtay kadib markii ay shaqo joojin sameeyeen shaqaalaha baakinka diyaaradaha” ayuu yiri mid kamid ah shaqaalaha airport-ka Muqdisho ee Aadan Cadde. Gacan ka hadalka dhaxmaray muwaadinkaan soomaaliga ah iyo sarkaal sare oo katirsan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho una dhashay dalka Turkiga ayaa ilaa hadda la’ogeyn sababta keentay, balse waxay caasimada online ogaatay in labada qof uu dhaxmaray dagaal gacan ka hadal ah. Xadgudubyada ka dhaca dekadda iyo airport-ka Muqdisho oo ay geestaan masuuliyiinta Turkida ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay caadi ka ahaa Soomaaliya, waxaana Turkida rag iyo dumarba u geestaan gacan qaad waqtiyada qaar sababa dhibaatooyin maskaxeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  17. Somali Journalists Syndicate (SJS) condemns the closure of Horyaal24 TV and the arrest of the TV’s Chairman on Friday 06 September, 2019 and Saturday 07 September, 2019 respectively by Somaliland police in Hargeisa. Source: Hiiraan Online
  18. Balcad (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ciidanka Milatariga Soomaalia ay ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Sh/Dhexe. Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxa ay maanta ciidamadu ka wadaan inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolkaasi. Ujeedka howlgalladan ayaa lagu sheegay in ay yihiin kuwa Miino baaris ah, si looga hortago weerarada qaraxyada iyo kuwa tooska ah ee ay geysato Al-Shabaab. Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Shabelle uga warbixiyey baaritaaanadaasi, wuxuuna sheegay in aysan ku yeelan wax saameyn ah. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Cod-Goobjooge.mp3 View the full article
  19. Baydhabo (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali kheyre ayaa maanta magalaada Baydhabo xarunta gobolka Baay kulan gaar ah kula qaatay golaha wasiirada ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Kulanka oo uu shir guddoomiyey Ra’iisul wasaare Khayre ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay dardargelinta mashaariic hormarineed oo dhowaan laga fulin doono deegaanada maamulkaaasi, sugida amniga howlgallada ka dhanka ah dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab iyo arrimo kale. Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta kormeeray xafiisyada madaxtooyada iyo wasaaradaha maaliyadda iyo qorsheynta ee K/ Galbeed. Kormeerkan ayaa waxaa Ra’iisul wasaaraha ku wehlinayey madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirad. Khayre ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay dhammaan mas’uuliyiinta iyo shaqaalihii uu la kulmay inay xoojiyaan howlaha shaqo ee loo igmaday. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  20. Odayaasha iyo waxgaradka gobolka Hiiraan oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa ka horyimid go’aan ka soo baxay dowladda federalka ah ee Soomaaliya. Waxgaradka Beledweyne warbaahinta kula hadlay ayaa waxa ay sheegeen inay ka soo horjeedaan ciidamo ay dowladda Soomaaliya sheegtay in laga qaadayo Beledweyne lana geyn doono magaalada Dhuusamareeb. Odayaasha ayaa sidoo kale waxaa ay amreen in si deg deg ah ay Magaalada ugu baxaan saraakiisha dowladda ay u soo dirtay qaadista Ciidamadaas oo hadda ku sugan Magalada Baladweyne. Shalay ayey ahayd markii ay magaalada Beledweyne soo gaareen saraakiil uu hogaaminayo taliyaha ciidanka 21aad ee Soomaaliya, kaasi oo doonayey inuu Beledweyne ka raro in ka badan 300 oo kamid ah ciidankii tababarka ku qaatay xerada Lama-galaay ee magaalada Beledweyne. The post Odayaasha Beledweyne oo ka horyimid awaamiir ka soo baxday dowladda Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (SMN) – Sarkaal Boolis oo u dhashay dalka Uganda, kana tirsanaa ciidamada AMISOM ayaa meydkiisa laga helay xarunta Xalane, iyadoo uu socdo baaritaan la xiriira sababta geeridiisa. Edward Bagonza ayaa ka mid ahaa ciidamada Booliska AMISOM, waxaana saraakiisha howlgalka Midowga Africa sheegeen in meydkiisa oo la helay shalay oo sabti aheyd la dhigay qeybta baaritaanka meydadka ee isbitaal ku dhex yaalla Xalane. Qoraal kooban oo ay soo saartay AMISOM ayaa lagu xaqiijiyay dhimashada sarkaalka Booliska, balse ma aysan bixin fahfahain dheeraad ah oo ku saabsan, sida uu u dhintay, maadaama uu socdo baaritaan. Dowladda Uganda ayaaan wEli ka hadlin arintan, balse waxaa la filayaa in meydka Edward Bagonza loo qaado dalkiisa hooyo, si loogu aaso. Askarta u dhashay Uganda ayaa ah kuwa ugu badan Militariga iyo Booliska AMISOM, iyadoo ay horey u jireen dhowr askari oo isku dilay Xalane, halka kuwa kale ay noloshooda ku waayeen weerarada Al-Shabaab. Sanadkii 2017, 16 Askari oo u dhashay Uganda ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo ku baxay gacanta Al-Shabaab. Afhayeenka ciidamada Uganda Richard Karemire ayaa sheegay in dhowr sarkaal oo qeyb ka ahaa AMISOM lagu dilay weeraro ka dhacay Buulo-Mareer iyo Golweyn oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Uganda ayaa ah dalkii ugu horreeyay oo ciidamadiisa yimaadeen gudaha Soomaaliya sanadkii 2007-dii. View the full article