-
Content Count
209,399 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Guddi ka socday maamulka jubbaland iyo waxgaradka gedo oo la kulmay madaxda hay’adaha amniga iyo wasiiro ka tirsan dowladda federaalka ayaa sheegay in la hor dhigay shuruudo lagu sii daynayo wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan. Guddigan ayaa sheegay in shuruudahan oo ka yimid dhanka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo looga baahan yahay Jubaland in ay fuliso si loo sii daayo Janan. Axmed Maxamuud Cumar, oo gudoomiye ku xigeenka gudiga madaxa banaan xaduudaha iyo doorashooyinka Jubaland ayaa sheegay in ay la kulmeen mas’uuliyiinta dowladda, laakiin laga dalbaday shuruudo u muuqday kuwa siyaasadeed oo loo baahan yahay in la fuliyo si loo sii daayo wasiir Janan. “Kulamo aan la yeelaney madaxda hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya iyo wasiiro ka tirsan dowladda federaalka waxay na hor-dhigeen qodobo uu madaxwaynuhu doonayo inaan fulino ka hor sii daynta wasiirka” ayuu yiri Axmed Cumar. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in qodobadda la hor dhigay dhammaantood ay yihiin kuwo ku aadan kala qeybinta bulshadda degaanada maamulka Jubaland. “Qodobadda qaarkood waxay ahaayeen qabyaalad cad, kala qaybin iyo iska horkeen dadka reer Jubaland” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka Jubaland. Axmed ma uusan shaacin waxa ay yihiin shuruudaha, hase yeeshee waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu qaadi doono wixii dhibaato ah oo ka dhasha xariga wasiirka, maadaama dadka degaanadaasi lagu waddo kala qeybin, sida uu hadalka u dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Alibaba Group has extended its partnership with Rwanda and pledged to increase imports from the East African nation. Source: Hiiraan Online
-
ABOARD THE OCEAN VIKING - A charity ship run by humanitarian groups in the Mediterranean spent a rainy Sunday searching open waters for a fragile rubber boat overloaded with migrants before finally plucking 50 people to safety not far off Libya’s coast. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho-(Caasimada Online) – Qaar ka mid ah shaqaalaha shirkadda qaadatay qandaraaska lagu dhisayo Tuulada cayaaraha ee Stadium Muqdisho ayaa xaqiijiyay in amar kasoo baxay Ururka Al-Shabaab lagu joojiyay guud ahaan dhismihii Garoonka. Al-Shabaab ayaa ku amray shirkadda ay dowladda federaalku siisay qandaraaska lagu dayactirayo garoonka in ay joojiso dhismaha ay ka wado halkaasi. Shaqaalaha ayaa sheegay in mid-mid loola soo xariiray iyadoo loogu goodiyay in la dilayo haddii ay soo xaadiraan shaqada dhismaha garoonka. Waxaa sidoo kale amar la siiyey madaxda shirkadda. Talaabadaan ayaa sababtay in gabi ahaanba uu joogsado dhismihii dib u dayactirka ee ka socday garoonka Stadium Muqdisho. Sidoo kale xubnaha ka tirsan shaqaalaha shirkadda ayaa xiqiijiyay inuu socdo wada hadal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo mas’uuliyiinta shirkadda oo doonaya in ay wada xaajood la galaan Al-Shabaab, si loogu fasaxo dhismaha ay qandaraaska ku qaateen ee ka socday garoonka cayaaraha. Garoonka ayaa waxaa hadda dagan ciidamo Boolis ah, kuwaas oo u babac dhigi waayay hanjabaada Al-Shabaab kaga imaaneysa shirkadda iyo shaqaaleheeda ku howlanaa dhisnmaha garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqduisho. Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamada AMISOM sanadkii hore kala wareegtay garoonka, kuwaas oo daganaa in ka badan Todoba sano, waxeyna dajisay ciidamo boolis ah, iyadoo balan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan dib u dayactir loogu sameyn doono. Al-Shabaab ayaa ku dhiirada in ay hakiyaan dhismayaasha ay gacanta ku hayaan dowladda iyo shirkadaha xariirka la-leh, waxeyna ku xujeeyaan in ay bixiyaan lacag si loogu fasaxo dhismahooda. Shaqaalaha iyo shirkadaha dhismooyinka oo naftooda u baqaya iyo ayaga oo og in dowladda aysan ka bad-baadin karin Al-Shabaab, ayaa inta badan qaata amarka Shabaab. Xigasho: Universal TV Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka helayno Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in xalay Saldhiga Degmadaasi uu ka baxsaday nin ka mid ahaa maxaabiista ku xirnaa. Ninkaan Maxbuuska ah ayaa baxsaday xilli askarta Saldhiga ku sugnayd ay fadhiyeen irida hore ee Saldhiga, islamarkaana waxaa eryaday mid ka mid ah askartii banaanka joogtay oo rasaas kor u riday, ugu dambeyna soo qaban waayay. Askari kale oo aan aheyn kii xabada dusha sare u riday ayaa la sheegay inuu qabtay ninka maxbuuska ah, balse muddo Shan daqiiqo ah oo ay dagaalamayeen askariga iyo m axbuuska, islamarkaana shaqsiga maxbuuska uu la qabsaday qoriga ugu dambeen uu mar kale baxsaday maxbuuskii. Maxbuuska ah ayaa la sheegay inuuka tirsanaa Al-Shabaab, islamarkaana ay u suuragashay gabi ahaanba gacanta Ciidanka & Saldhiga inuu ka baxsado. Taliyaha Saldhiga Degmada Waaberi oo lagu magacaabo Maxamed Mooshin, ayaa la sheegay inuu 20 daqiiqo kadib yimid, isla-markaana uu canaan ku bilaabay askartii shaqada ku qornayd iyo askarigii haayay furaha qolka maxbuuska ku xirnaa. Saldhiga Booliska Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa aad u habacsan, waxaana askarta ku sugan lagu eedeeya kuwa aanay feejignaan ka muuqan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Booliska magaalada London ee caasimadda dalka Britain ayaa xadhig u dhaxeeya 14 ilaa 18 sano ku xukumay saddex walaalo-mataano ah kuwaas oo ay boolisku ku wareereen kadib markii uu mid ka mid ah faldambiyeed geystay. Mataanahan oo da`da 28 jira ayaa lagu eedeynayaa in ay ku heshiiyeen in ay faldambyeedyo geystaan iyagoo ka faa`iideysanaya isku-ekaanshaha dheecaankooda DNA-ga ee dadka lagu kala garto, waxaana ay sidoo kale isaga egyihiin muuqaalka. Faldambiyeedyada lagu haysto ayaa waxaa ka mid ah dhac, hub haysasho iyo faldambiyeedyo yar-yar oo kale kuwaas oo uu geystay mid iyaga ka mid ah islamarkaana uusan boolisku sheegi karin kan uu yahay. Booliska ayaa markii ay ku wareereen islamarkaana ay caddeyn waayeen ninka dambiga leh ayay dhammaantood xabsi ku wada xukumeen. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa aad usii adkaanaya nolasha shaqaalaha dowladda hoose ee gobalka Banaadir oo aan wax lacag ah qaadan muddo dhan saddex bil, iyadoo ay wajahayaan daruufo aad u adag. Shaqaalahaan oo siyaabo kala duwan ula soo xiriiray Caasimada Online, ayaa noo sheegay in ay wajahayaan nolal aad u adag ayna u baahanyihiin in cabashadooda la gudbiyo. Dhibaatada kale ee heysata shaqaalaha dowladda hoose iyo kuwa kalaba, waxaa waaye in aysan si shaacsan warbaahinta uga hadli karin oo aysan gudbin karin tabashadooda, waxayna ku waynayaan shaqada ay hayaan (ruqseyn). Dhowr qof oo kamid ah dadka aan la hadalnay ayaa waxay ka siman yihiin mushaar la’aan iyo in aysan ka hadli karin dhibkooda oo loogu hanjabay in shaqada laga ruqseyn doono hadii ay hadlaan oo ay soo bandhigaan dhibaatada ay qabaan. Mushaar laga qaato gobalka Banaadir waxaa ugu dambeysay 20-kii bishii Juun ee sanadkaan, waxaana tan iyo markaas aysan helin xuquuqda iyo mushaarka ay leeyihiin. Qaar badan oo kamid ah shaqaalaha dowladda hoose ayaa laga saaray guryihii ay daganaayeen halka qaar kalane ay qarka u saaran yihiin sidaas oo kale. Isbadal maamul oo gobalka ka dhacay iyo musiibadii ka horreysay ayaa la’aaminsan yahay in ay sabab u tahay dib u dhaca mushaarka oo markii horaba 50-kii maalmoodba mar la bixin jiray. Xog ay heyshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in qasnadda dowladda hoose aysan hadda lacag ku filan shaqaalaha ku jirin, balse ay ku jirto lacag kooban oo loogu sii wadi doono shaqada gobalka Banaadir. Lama oga sida ay uga soo kaban doonaan dhibaatooyinka heesta shaqaalahada dowladda hoose oo maamulkii cusub-ba qaab gaar ah ula dhaqmo, maadaama aysan meesho laheyn nidaam saxan oo lagu maamulo shaqada gobalka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa si adag uga hadashay eedihii ay maamulka Puntland ula xiriiriyen kooxda xagjirka ah ee Al-shabaab. Cabdirisaaq Siciid Bullaale, Abbaanduulaha koowaad ee ciidammada Somaliland ayaa sheegay in Somaliland aysan marnaba xiriir la laheyn kooxda Al-shabaab, isagoona xusay in kooxdaasi aysan saldhig ku laheyn deegaanadooda. Abbaanduulaha koowaad ee ciidammada Somaliland oo warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan degmada Badhan ayaa waxa uu yiri “Waxaanu ka jawaabaynaa hadalladii deel-qaafka ahaa ee uu Taliyaha Ciidammada Puntland uu bishan Shanteedii Badhan kaga hadlay, hadalladaas oo ahaa inuu Somaliland ku tilmaamay Al-shabaab ama inay Somaliland iyo Al-shabaab iskaashadaan” “Midaa haddii aan ka jawaabo runtii Caalamku wuu ogyahay in Dawladda Somaliland aanay Al-shabaab iyo Budhcad-badeed midna Saldhig ku lahayn, deegaanna ku lahayn, Xidhiidhna la lahayn, kana Caagan yihiin”. Wuxuuna intaas kusii daray “Taliyaha Ciidammada Puntland waxaan leeyahay hoos u eeg degaankaaga, halkay deggan yihiin, intay kuu jiraan iyo inta goobood ee ay ku leeyihiin halka aad sheeganayso iyo Ciidanka aad xukunto intay u jiraan”. “Waxaan ka hadlayaa inuu Badhan ku sheegay Caasimadda labaad ee Puntland, maanta ka hadli mayno in Badhan ay Somaliland tahay, laakiin waxaan u sheegaynaa Taliyahaa in Xadka Somaliland uu Boosaaso u jiro 15KM, Qardhana uu u jiro 7KM, Garoowe-na uu u jiro 5KM”. Taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland, Sarreeye Gaas Yaasiin Cumar (Dheere) ayaa dhawaan waxa uu Somaliland ku eedeyay inay kaashaneyso kooxda Al-shabaab, isla markaana ay duulaan ku yihiin degmada Badhan, isagoona carabka ku adkeeyay inaysan marnaba Puntland weerar aheyn oo ay iska difaaci doonto cidkasto oo dulaan ku soo qaada. Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Somaliland iyo Puntland ayaa inta badan dhanka warbaahinta isu mariya eedeymo culus, kuwaasi oo marar badan ciidamadoodu ay ku dagaalameen gobolada Sool iyo Sanaag, oo ay ka taagantahay xiisada labada maamul. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
Bishii labo iyo tobaandaad 2018 waxaa magaalada baydhabo oo ah xaruunta ku meel gaarka ah ee dowlad gobaleedka koofur galbeed Soomaaliya ka dhacaday doorasho aan xor iyo xalaal midna aan lagu tilmaami Karin ilaa maanta ay dadka soomaaliyeed iyo beesha caalamka ay jawaab waafi ah u la’ yihiin wixii meeshaas ka dhacay. Wixii meeshaas ka dhacay dib ugu laaban meeyno sharaxaadeeda laakin aan is weydiino (DOORASHADAII GUMAADKA IYO DHIIGA BADAN DARTEEDA LOO DAADIYEY KADIB MAXAA U QABSOOMAY KGS?). Doorashadaas dhiiga badan darteeda loo diiday waxaa lagu cimaamday ama maqaar saar ahaan loogu doortay Mudane C/casiis Maxamed Xasan (laftagareen) oo ahaa wasiir ka tirsan xukuumada Raisul wasaare Xasan Cali khayre ka hor inta aan dhiiga loo daadin si loogu doorto Madaxweynaha Koofur Galbeed. Aan u I maano jawaabta ah waxa u qabsoomay iyo wixii kaloo aan ka ogahay dhammaan balan qaadyadii uu sameeyey Mudane C/casiis Laftagareen hal mid ah oo uu sameeyey majirto markii la eego dhanka Amniga, Dhaqaalaha, Maamul Wanaaga, Cadaalada iyo Sinaanta Metelaada Qabiilada Maamulka Koofur galbeed Soomaaliya. Amniga Maxaa ka hirgalay? Amniga koofur galbeed soomaaliya wuxuu kacanta ka baxay maalintii C/casiis lafta gareen sida qasabka iyo jujuubka ah ay ku doorteen Xildhibaanada koofur galbeed oo awood ka tan weyn loo adeegsaday, Maxaa dhacay inta uu joogay dhanka aminga dhacdooyinka ugu waayen ee dhacay waxaa ka mid in qaar ka mid qaabiilada koofur galbeed soomaaliyeed hogaaminta aan wanaagsaneeyn ee C/casiis laftagreen ay sababtay mudo sanada ah kadib in maagalada baydhabo labo qabiil dagaal sookeye ah soo kala dhex galo aan ilaa hada wax xal ah lakala dhex dhigin, Dilalka bartilmaameedka ah ee haladoor reer koofur galbeed oo ku soo batay dhammaan deeganada koofur galbeed Tusaale AHN Mudane siyaasi Marguusi oo beertiisa lagu dhex dilay oo xitaa la aasi waayey dagaal socodo darteesa. Waxaa in mudo ah kadib magalaada baydhabo iyo magaalooyinka waa weyn ee koofur galbeed ka dhaqan galay amarada Ururka UGUS, magalada baydhabo mudo isbuuc ah waxay korantada magaalada ay dansaneed amar ka yimi Ururka UGUS, dhacdooyinka amniga ku saabsan intaas waa ka badan yihiin. Dhaqaalaah maxaa ka qabsoomay? Mudane C/casiis laftagreen afkiisa yuu igu sheegay wax dhaqaalaha in aysan koofur galbeed ka jiran ayna adag tahay sida ay ku noolaan lahaayeen shacabka koofu galbeed balse aysan isaga dhib ku hayn oo bil awalba uu helaayo $150,000 (Boqol iyo Konton kun oo Dollars ah) oo ka timaado Dowlada Federalka Soomaaliyeed ee wakiil ugu yahay koofur galbeed Soomaaliya, waa inta aan afkiisa ka maqlay anagoo wada fadhina. Maamul Wanaaga maxaa ka hirgalay? Waxa maamul wanaag ah ee ka jir koofur galbeed ma jiro mudo sanad ku dhowaad ayuu jooga C/casii laftagareen maamulka uu hogaamiyo jooga weli su’aal la iskama weydiin away MADAXWEYNE KU XIGEEN? Taasi ayaa cadeeyn kugu filan in uu san wax maamul wanaag ah ka jirin maamulkaas. Cadaalada maxaa ka hirgalay? Cadalada waa wax keliya ay umadi ay ku kala badbaadi karto laakin maamulka koofur galbeed uu mudane C/casiis lafta gareen u hogaamiye xita waxay hilmaameen erayga “CADAALAD” maxaa yeelay shacabka koofur galbeed sii joogta ayey ciidamad koofur galbeed u dilaan ilaa maanta shaqsi maxakaamad lasoo taagay malahan, taasi waxaa marqaati iga ah mudane C/casiis lafta gareen mar uu la hadlaayey ciidamada uu sheegay qof rayid ah oo muruq maalato ah loo dilay 5,000 shiling soomaali ah oo ila hada askarigii dilay aan maxkamad lasoo taagin. Waa side Awood qeybsiga maamulka koofur galbeed Soomaaliya ama ma jirtaa sinaan metelaada qaabiilaada maamulka? Majirto wax metelaad ah oo ay u dhan yihhin qaabaailada dega koofur galbeed waxa keliya meesha ka taliye waa hal reer oo kuli ku heyb ah la qabiil ah Madaxewyne Mudane C/casiis lafta gareen Tusaale aad ku qanacdaan aan idin siiyo. Mudane C/casiis Laftagareen Madaxweyne KGS Zamzam Mahad C/raxmaan madaxa xafiiska Madaxweynaha Dhanka habeenka waana xaaska madaxweynaha hal reer ayey kasoo wada jeedaan (Isku beel) Ibrahim Baafo Agaasimaha Madaxatooyda koofur galbeed (Isku Beel) General Mahad oo mar dhow loo magacaaabay taliye ciidamada asluubta qaranka soo jeedin uu sameeyey c/casiis laftagareen waan sudogiisa ka hor wuxuu taliyaha ciidamada booliska koofur galbeed waa shaqsigii sida cad u yiri xabad Ayaan idin kugu jawaabeynaa hadii aad soo banana baxdaan wuxuun u qaabilsnaa ololaha c/casiis laftagareen dhanka amniga iyo caburinta shacbka (isku Beel) C/fataax Mahad C/raxmaan waa xoghayaha madaxweynaha waana seedigii (Isku Beel) Intaas Iyo in kabadan ayaa jirto sidaas darteed maqaalkaan kuma soo koobi karo ee hadii Alle idmo maqaalo kale Ayaan ku soo bandhigi doonaa. Waxa keliya ee shacabka koofur galbeed Soomaaliya u qabsoomay waa Maamulkii oo isku bedelay maamul ay hal reer ah leeyihiin hadii shacabka sidaa ku daawadaan waxaa faraha ka bixi doono inta yar ee u harsan fadlan kaca oo baraaruga oo uu sheega cida hada talada hayso in sidaan wax ka bedelaan hadii aysan suuro gal aheyn in sidaan lagu wada joog karin. Waxaan kuleeyahay Mudane C/casiis Laftagareen wakhtiga kuu harsan waa 3 sano wax badan ayaad ka bedeli kartaa dhammaan wixii aan soo sheegay hadii ay daacad kaa tahay fursad dahabi ah ayaa ku hortaalo wakhtiga iyo geediga aad ayey u fog yihiin laakin waxa keliya kugu simi karo hayaan guul ku soo idlaada waa adigoo garabhaaga iyo hareerahaaga sii fiican u hagaajiya. Mahadsanidiin W/Q: Mohamed Ali Barre Email: Moaliybarre@gmail.com Nairobi, Kenya AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cumar Canshuur Taliyaha qeybta 9-aad ee ciidanka Daraawiishta Puntland Sarreeye Guuto Cabdullaahi Cumar Canshuur oo warbaahinta kula hadlay magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeeray Abbaan-duulaha ciidamada Somaliland oo kaasi oo ku hanjabay in Somaliland ay dib u qabsan doonto magaalada Badhan iyo degaannada kale ee gacanta u galay Puntland. Taliye Canshuur ayaa Abbaan-duulaha ciidamada Somaliland ku tilmaamay mid dulmane u ah saraakiil ka soo jeedda magaalada Hargeysa oo sida uu xusay cabsi-gelin iyo xoog wax ugu yeeriya maadaama isagu uu yahay nin reer Awdal ah balse aysan niyad ka ahayn hanjabaaddiisa ku aaddan Badhan. Gen Canshuur ayaa sidoo kale sheegay in degmada Badhan dadkii lahaa ay Somaliland ka eryeen islamarkaana aysan dib dambe u soo hawaysan karin maadaama raggii u dhashay ay heegan u yihiin in ay difaacan. Halkaan hoose ka daawo hadalka taliye Canshuur PUNTLAND POST The post Taliyaha qeybta 9-aad ee ciidanka Daraawiishta Puntland oo u jawaabay Abbaan-duulaha ciidamada Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar___Qubanaha-08092019.mp3 View the full article
-
Universal TV reports that Al-shabaab ordered the company contracted to rebuild Mogadishu Stadium to stop the renovation tasks. Al-shabaab reportedly phoned builders and technicians one by one to warn them of going to the stadium for work. Universal TV reports there are talks underway between Al-shabaab and the company. Mogadishu businesses complied with the order of Al-shabaab not to use CCTV for their businesses. Al-shabaab taxes Mogadishu businesses and offers dispute resolution services outside Mogadishu. Mogadishu Stadium was a base for AMISOM before reconstruction had begun. © PUNTLAND POST The post Al-shabaab halts reconstruction of Mogadishu Stadium appeared first on Puntland Post.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Iyadoo odayaasha Koonfur Galbeed ay maanta la kulmeen ra’iisul wasaare Kheyre, ayaga oo kala hadlay dadkii ay ciidamada dowladdu ku dileen magaaladaas iyo in magdhow laga bixiyo, ayaa ilaalada khaaska ah ee Ra’iisul Wasaare Kheyre waxay galabta Baydhabo ku dileen qof shacab ah. Xilli uu Ra’iisul Wasaare Kheyre kusii jeeday dhagaxdhiga garoon lagu cayaaro kubadda Cagta oo lagu magacaabo Dr. Ayuub, ayaa askar ka tirsan ilaalada Kheyre waxa ay toogasho ku dileen ruux shacab ahaa. Qofka ay toogteen ciidamadu oo watay gaari yar oo kuwa raaxada ah ayaa waxaa la sheegay inay isku soo dhawaadeen mid ka mid ah gaadiidka ay wateen ilaalada Ra’iisul Wasaare Kheyre. Gaarigii uu watay marxuumka ayaa mar khura rasaas la huwiyay, waxaana la sheegay in looga shakiyay inuu qarxi rabay, sidaasna ay ku toogteen. Ruuxa la dilay ayaana ahaa ganacsade si weyn looga yaqaanay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Sidoo kale xiliga uu Kheyre aadayay garoonka ayaa waxaa guud ahaan hawada laga saaray is-gaarsiinta magaalada Baydhabo, taas oo maqneed tan iyo markii uu dib ugu laabtay hooyga laga dajiyay magaalada. Dilka askarta ilaalisa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ay u geysteen qofkaas shacabka ah ayaa kusoo aadaya iyadoo shalay magaalada Baydhabo ay iskugu soo baxeen dad kasoo horjeeda imaatinka Kheyre ee magaalada Baydhabo. Dibadbaxyaasha ayaa watay boorar uu ku sawirnaa Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu-Mansuur oo dabayaaqadii sanadkii tagay laga soo xiray Baydhabo isaga oo musharax ah. Bulshada reer Baydhabo ayaa intooda badan kuu sheegaya inay ka careysanyihiin joogitaanka Kheyre ee magaaladaas, iyagoo caradooda u sababaynaya dadkii gaarayay 12-ka ruux, oo ay Baydhabo ku dileen ciidamo ay xukuumaddu kasoo daabushay magaalada Muqdisho iyo xariga loo gaystay Sheikh Muqtaar Roobow. Caasimada Online Xaafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
-
The anti-Cushitic agenda of Amhara elites is doomed to failure Political changes in Ethiopia in 2018 created conditions to unseat, arrest and put on trial the former President of the Somali region of Ethiopia, Abdi Mohamud (Abdi Iley). Abdi’s political fortunes were tied to TPLF, the armed organisation that ended 17 years of Derg rule in 1991 but agreed to a peaceful transfer of power in 2018 following demonstrations against the EPRDF government. Amhara propagandists subtly compare Dr Abiy Ahmed to Lij Iyassu he closure of Jail Ogaden by Prime Minister Abiy Ahmed’s government paved the way for the opening of the ” infamous Maekalawi Police Station” to the public. Last year the Ethiopian government took a bold decision to unban groups that were once considered terrorist organisations — OLF, Ginbot 7 and ONLF. Those reforms were partly premised on an alliance that came to be known as Oromara — an alliance of Oromo and Amhara activists seeking to effect a political change in Ethiopia. The alliance has now disappeared from the current Ethiopian political discourse. Amhara opinion leaders, who welcomed the ascendancy of Prime Minister Abiy Ahmed, now sternly criticise him for not returning Ethiopia to pre-1991 centralisation era to undo decisions taken by triumphant TPLF. In a article published nearly six months ago, Dawit Wolde Giorgis, former Governor of Eritrea under the Derg, had painted a bleak picture of Ethiopia. Their criticism of the Ethiopian government comes in different forms: op-ed articles, interviews and reports. The split within the Oromara alliance has had another dimension. A group of Amhara political activists has failed to persuade Abiy Ahmed to demolish Annolee Monument built in memory of Menelik’s Neftagna campaigns against the Arsi tribe of Oromos. As Professor Asmerom Legesse, an expert on the Gaadaa system said, Menelik conquered Arsi territory after Europeans had given him modern weapons. One of the latest audio reports released by opposition journalists against Abiy Ahmed aims to describe changes in the Somali region of Ethiopia as one facilitated by Qatar to install extremist leaders. Presented a young Amhara journalist, Fanuwel Kiflu, the report, according to the political analyst, Faisal Roble, argues that changes in the Somali Region are a threat to the unity of Ethiopia. Aannolee Oromo Martyrs’ Memorial Monument Kiflu’s unsubstantiated allegations are aimed to subtly accuse Abiy Ahmed of authorising a take-over of the Somali region by extremists who want to rule the region by Sharia. This disinformation agenda has the sinister but unstated goal to liken Dr Abiy Ahmed to Lij Iyasu, the Ethiopian ruler of whom leaders of Tewahedo Church accused embracing Islam. The report by Kiflu jeopardises coexistence of Ethiopian communities while at the same time turns attention away from plight of Amhara people suffering at the hands of fractious groups dreaming of returning Ethiopia to unitary, centralised state conceived by Menelik II. Lij Iyassu was a progressive Ethiopian leader Within Amhara region two factions are contesting for the federal representation ticket. One faction places its cards on political violence that culminated in the assassination of an Ethiopian General a few months ago. The other faction realises the irreversibility of gains made by other Ethiopian nationalities since 1991. Political extremism in the Amhara region is the most potent threat to the Ethiopian unity. One way to lessen the impact of intra-Amhara political disorientation and discredit changes under Abiy Ahmed is to concoct religious hostilities in Ethiopia. Kiflu’s report shows the true character of extremist Amhara propagandists. By focusing on the Somali region they had chosen to make themselves known to millions of patriotic and peace-loving Ethiopians. By Tilahun Hassen Merkato , Addis Ababa The post Amhara Propaganda Targets Somali Region appeared first on Puntland Post.
-
Kheyre, laftagareen iyo dhalinta ciyaaraha Baydhabo oo sawir wada galay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ku wareejiyay 150,000 Doolar oo lagu horumarinayo garoonka ciyaaraha Dr. Abuub ee magaalada Baydhabo. Garoonka ciyaaraha Dr. Ayuub ee casriyeynta lagu sameynayo ayaa qayb ka qaadanaya is-dhexgalka bulshadda, horumarinta ciyaaraha iyo soo saarista dhalinyaro leh xirfad ciyaareed wanaagsan oo qaranka ku matala tartamada caalamiga iyo kuwa heer gobol. Wasiirka ciyaaraha Koonfur Galbeed, Cali Dhuux, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay taageerada dhaqaale ee uu ugu deegay barnaamijka horumarinta garoonka ciyaaraha magaalada Baydhabo. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maalin kahor, isaga oo la hadlaya kumannaan ka tirsan bulshada Baydhabo u ballaan qaaday in la horumarinayo garoonka ciyaaraha Dr. Ayuub si dhallinyaradu ay u helaan fursad ay ku horumariyaan xirfaddooda ciyaareed. PUNTLAND POST The post Kheyre oo $150,000 ugu deeeqay garoonka ciyaaraha Baydhabo appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Kulamo is daba joog ah ayaa magaalada Dhuusamareeb caawa ilaa galabta uga socda xildhibaanada mucaaradka ku ah xukuumadda federaalka ee ku sugan magaaladaas iyo hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna, sida Macalin Maxamuud iyo Sheikh Maxamed Shaakir. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in kulamadaas looga arinsanayo sidii dowladda federaalka looga wareejin lahaa maamulidda shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug, oo ka socda xarunta loo asteeyay ee Shiirkole, oo haatan ay ku shirsanyihiin ergo mataleysa dhamaan beelaha Galmudug, Ahlu-Sunna iyo xildhibaanada mucaaradka ah ayaa doonaya in arrimaha dib u heshiisiinta loo madax baneeyo odayaasha dhaqanka ee kasoo kala jeeda beelaha ku mideysan maamulka Galmudug. Xildhibaanada la kulansan hoggaamiyaasha Ahlu-Sunna ayaa kala ah, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka sare Senetor Abshir Bukhaari, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Senetor Cabdi Qeydiid, Xildhibaan Mahad Salaad, iyo xubno kale oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Xog ay heshay Caasiamada Online ayaa sheegeysa in xildhibaanada mucaaradka ah ee ku sugan Dhuusamareeb ay qorsheynayaan hadii ay ku guul dareystaan in odayaasha dhaqanka loo madax baneeyo shirka dib u heshiisiinta inay sameeyaan guddi iskugu jira xildhibaanada iyo ergada shirka, kuwaas oo ay doonayaan inay wadaan geedi socodka shirka. Waxaan la saadaali karin saameynta uu shirka ka socda Dhuusamareeb ku yeela karo go’aanka xildhibaanada mucaaradka ah iyo hoggaanka Ahlu-Sunna ee ah in Xukuumadda Federaalku ay arimaha shirkaas u madax baneyso odayaasha dhaqanka. Xukuumadda federaalka oo iyadu gacanta ku heysa shirka dib u heshiisiinta ayaa doonaysa in lagu soo gaba-gabeeyo muddo Shan maalmood ah, sida uu horay uga dhawaajiyay Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya, halka Ahlu-Sunna iyo xildhibaanaduna ay doonayaan in shirkaas la siiyo fursad ay isku saamixi karaan beelaha Galmudug, kuwooda wax kala tabanaya. Caasimada Online Xaafiiska Dhuusamareeb Caasimada@live.com
-
Dhuusamareeb (SMN) – Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye, ayaa waxa uu ku tartarsiiyey ergada shirka dib u heshiisiinta Galmudug in ay ka miro dhaliyaan shirkaasi. Mr Sabriye oo hoosta ka xariiqay in ay dedaali doonan in xal waara laga gaaro tabashooyinka hoose oo ay beeluhu kala tirsanayaan ayaa dhankooda ku booriyey in ay kaalin ka qaatan fulinta qodobada lagu heshiiyo. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku nuux-nuux saday in dowladda ay diyaar u tahay in ay fududeyso wax kasta oo la xiriira dhanka farsamada oo looga baahdo, wuxuuna rajo fiican ka muujiyey in shirku guuleysto. Shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa waxaa todobaadkii hore si rasmi ah u furay ra’iisul wasaaraha dalka, mudane Xasan Cali Khayre, kaasi oo kula dardaarmay dhinacyadda in ay ka miro dhaliyaan yoolka umadda Soomaaliyeed. View the full article