Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,393
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Canyte oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga RTN ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday madaxda Villa Soomaaliya, isagoo ka hadlay arrimaha ammaanka iyo siyaasadda dalka. Ugu horreyn wuxuu soo hadal qaaday khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, gaar ahaan doorashooyinkii ka dhacay maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Cabdiraxmaan Caynte ayaa sheegay inay isku dhegan yihiin dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, islamarkaana ay arrintani dalka u horseedeyso dib u dhac. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in madaxda Villa Somalia aaminsan yihiin in siyaasad lagu kala adkaado lagu hagi karo dalka, islamarkaana ay dadka ka soo horjeeda u arkaan cadowga dowladda. “Madaxda dowladda federaalka waxay aaminsan yihiin siyaasad lagu kala adkaado inay dalka ku hagaan, waxay aaminsan yihiin dadka siyaasiyan uga soo horjeedo inay ka adkaan karaan, waxay kaloo u arkaan cadawga dowladda.”ayuu yiri Caynte. Dhanka kale wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in uu faraha ka sii baxayo amniga dalka, islamarkaana ay dowladdu ka gaabisay arrimaha nabad gelyada, gaar ahaan magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Waxa kale uu sheegay in Al-Shabaab ay bilaabeen lacago canshuuro ah oo la mid ah kuwa dowladda ay ka qaado ganasatada Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday Madaxweynaha Soomaaliya inuu ka dhabeeyo hadalkiisa ahaa inuu noqonayo nabadoon Soomaaliyeed oo isu keenayo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed. “Madaxweynaha asigaa dalka u weyn oo oday noo wada ah, si kasta oo looga aragti duwan yahay, asigaa ixtiraamka iyo qabtii Soomaalinimada ku fadhiya inuu dadka soomaaliyeed madaxda u yahay, kuwa taageersan iyo kuwa ka soo horjeedo inuu isugu yeero, sida uu Garowe ka yiri ee ahaa Nabadoon Soomaaliyeed ayaa rabaa inaa noqdo, waxaa uga fadhinaa Madaxweynaha Nabadoonimadii uu uga yaboohay caleema saarkii Madaxweyne Deni, nabadoonimada waa in dadka kaa aragti duwan inaa qol la soo fariisato oo aad la hadasho, laakiin haddaad aaminsan tahay dowladnimada ayaa sharci ku siineysa inaad dadka ka soo adkaadid, Soomaali haddii la kala adkaan karo meeshaan lama soo gaareyn, marka la soo kala adkaan waayo waa la isku baaba’ay, meeshaas in naloo celiyo ayaan darro ayay dalka ku tahay.” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta, Cabdiraxmaan Caynti. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Inkasta oo ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu bixiyey lacag dhan ilaa 150,000 Dollar oo lagu horumarinayo garoonka kubadda cagta ee Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo hadana intii lagu jiray xafladda qaban-qaabada dhagaxdhigga waxaa dhacay labo arrin oo shacabka Baydhabo aad uga xumaadeen. Ilo ku sugan xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed, Baydhabo ayaa Goobjoog News u sheegay in ciidamo magaalada gudaheeda joogay ay xabad ku fureen Maxamed Aadan Deerow, oo ahaa nin dhalinyaro ah, oo gaari ku dhexwatay magaalada taasi oo keentay inuu dhinto, ciidamada ayaa sabab uga dhigay dilka iney ka shakiyeen. Dhinaca kale, waxaa muddo 3 saac ah la damiyey isgaarsiinta iyo Internetka magaalada Baydhabo, oo ah inta ah xafladda socotay, taasi oo keentay oo ganacsiyo badan ay khasaaraan. Maanta waxaa lagu wadaa ra’isul wasaare Kheyre inuu gaaro magaalada Xudur ee caasimadda Bakool, ajendaha ma cada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. (SLT-Sweden)-Wasiirka arrimaha dibadda Sweden Margot Wallstromoo siyaasadda arrimaha dibadda ee Sweden ku hoggaamineysay ilaalinta xuquuqda dumarka laga soo bilaabo intii ay xilkaa qabatay ee 2014, ayaa sheegtay iney jagadeeda iska casileyso si ay wakhti dheer ula qaadato qoyskeeda. Wallstrom waxaa aad loogu yaqaannaa u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, hore waxey u ahayd ergayga Qaramada Midoobay ee gabood falka Jinsiga ee gudaha goobaha lagu dagaallaamo, laba xillina waxey qabatay jagada Wakiilnimo ee Midowga Yurub. Wasiirka arrimaha dibadda Sweden ayaa bayaan ay soo saartay ayaa waxey ku sheegtay; “Waxwalba waxaan u huray sidii aan waddankeyga Sweden uga dhigi lahaa mid ammaan ah oo dunida ixtiraam iyo qadarin ka haysta”, waxey hadalkeeda sii raacisay: “Waxaa la joogaa waqtigii aan waqti fiican la qaadan lahaa ninkeyga, caruurtayda iyo ilmaha aan ayeeyada u ahay.” Wasiirkan ayaa hore waxey ugu khasbanaatay iney hakiso safar ay ku tagi lahayd Israel kadib markii xukuumadda Sweden ay ictiraaftay dowladda Falastiin. Israel na ay safiirkeedii kala baxday Stockholm. Wasiir Wallstrom waxey sheegtay iney filayso in ra’iisul-wasaaraha, Istiifan Lofan uu talaadada soo aaddan ku dhawaaqo wasiirka xilka ka bedelaya, waxeyna sheegtay in isla markaa ay dooneyso iney xilka iska tiriso. Source
  4. (SLT-London)-Raysal wasaaraha UK, Boris Johnson ayaa weli xal u hayn cadaadiska uu kala kulmayo Baarlamaanka iyo waliba qeyb kamid ah xisbi Xaakimkiisa Conservative Party oo ay xubno badan kasoo horjeedaan qorshihiisa ah in Wadankaasi isaga baxo EU-da iyadoo aan wax heshiis ah lala gelin dalalka kale ee Midowga Yurub. Boris Johnson ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay waji gabax kala kulmay Baarlamaanka oo ansixiyey mooshino ka dhan ah Xukuumadiisa, iyadoo ay Aqlabiyada Xildhibaanada diideen qorshaha Brexit oo ay xukuumadiisa soo bandhigtay, mooshinadan cusub ayaa yimid kadib markii Boris uu ku dhawaaqay in la kala diray Baarlamaanka illaa bartamaha bisha Oktoober, go’aankaasi oo uu doonayey inuu Golaha Wakiilada awooda uga xayuubiyo inta laga gaarayo bisha soo socota oo ah wakhtiga loo qabtay in dalkaasi isaga baxo EU-da. Taageerayaasha Johnson ayaa aaminsan in aysan khasab ahayn in heshiis lala galo dalalka Midowga Yurub, hase yeeshee arrintan ayey halis u arkaa Xildhibaanada mucaaridka iyo waliba qaar kamid ah xisbi xaakimka oo aaminsan in heshiis la’aan uu dalka UK go’adoon dhaqaale geli doono. Xiisadda Xisbi Xaakimka Boris Johnson ayaa xisbigiisa ka saaray 21 xildhibaan oo kamid ahaa kuwii u codeeyey mooshinkii la ansixiyey arbacadii lasoo dhaafay, mooshinkaasi oo ku khasbaya xukuumadiisa inaysan ka bixi karin Midowga Yurub illaa heshiis laga gaarayo. Xubnaha uu xisbiga ka saaray ayaa waxaa kamid ah Xildhibaano si weyn dalkaasi looga yaqaan, go’aankan ayaa keenay inay xilalka iska casilaan qaar kamid ah Wasiirada Boris oo uu ku jiro Walaalkiis, waxaana ugu danbeysay Wasiirada iscasilay Wasiirka Shaqada Amber Rudd. Wasiirka Shaqada, Amber Rudd ayaa warqadeeda iscasilaada ku sheegtay inay si weyn uga soo horjeedo Xildhibaanada laga saaray Xisbi Xaakimka, go’aankaasi Boris Johnson oo ay ku tilmaamtay “Fal Fowdo ka dhex abuuray Xibsiga talada haya”. Raysalwasaaraha ayaa hada doonaya in Baarlamaanka uu ka codsado in ay ansixiyaan qabashada Doorasho deg deg ah, si uu u helo taageerada shacabka ama Aqlabiyada Baarlamaanka taasi oo u fududeyn doonta hirgelinta qorshihiisa Brexit, hase yeeshee wuxuusan hada weli heysan codod ku filan Golaha Wakiilada oo ay tahay inay ansixiyaan qabashada doorashada Guud. Source
  5. Afgooye (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar ay rag hubeysan xalay ku qaadeen qeybo ka mid ah deegaanka Lambar Konton ee gobolka Shabeelaha Hoose Weerarka oo ahaa mid gaadma ah ayaa waxaa la sheegay in lagu ekeeyey xarun ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin duleedka deegaankaasi. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda ay waxyleeyo ka soo gaartay weerarkaasi. Dhinaca kale ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa saaka howlgallo ballaaran ka sameeyey deegaanka Lambar Konton, kuwaas oo lagu baadi goobayey raggii ka dambeeyey weerarkaasi. Blse ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Shabeelaha Hoose View the full article
  6. Jowhar (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay barakac uu kabilodway qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dadka ku dhaqan deegaanka Jameeca ayaa bilaabay inay isaga cararaan halkaasi, kadib markii ay arkeen diyaarado ku socda joog hoose. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in diyaaraduhu ay haayeen labo, islamarkaana ay walwal iyo cabsi ku abuurtay inay duqeymo ka geystaan halkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana dib ugu soo laabtay guryahooda dadkaasi oo reer guuraa ah. Inta badan waxaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab ka geysta diyaarada dagaalka Mareykankanka. View the full article
  7. Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya kulamo gaar gaar ah oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Kulamada oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa waxaa wada qaatay saraakiil ka socota dowladda iyo odayaasha dhaqanka ee magaaladaasi. Intooda badan kulamadani ayaa waxaa diirada lagu saaray khilaafka ka taagan Beledweyne, kaas oo ka dhashay amar ka soo baxay dowladda oo ku aadanaa in ciidamada jooga magaaladaasi looo daabulo dhanka gobolka Galgaduud. Waxgaradka magaalada ayaa ka biyo diiday arrintaasi,waxaana dowladda dhexe ay ku eedeeyeen inay farogelin ku heyso arrimaha gobolka Hiiraan. Wararkii ugu dambeeyey ee kulamadii xalay ayaa sheegaya inay ku soo dhamaadeen fashil, iyadoo aan la gaarin wax natiijo ah. Sidoo kale ilo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in lagu kala tagay shirarkaasi. Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan Beledweyne uu ku sugan yahay Madaxweynaha HirShabelle oo dhankiisa kulamo gooni gooni ah la qaatay saraakiisha qeybaha 27-aad iyo 21-aad ee ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  8. Kulankan oo ka Dhacey Gudaha Xarunta Batalyanka 5aad ee Ciidamada Hiil walaal ee Jabuuti ay ku leeyihiin Baladweyn ayaa u dhexeeyay Saraakiisja Taliska Qaybta 21aad iyo Saraakiisha Ciidanka Jabuuti waxaana Diirada lagu saaray Xaaladaha Amni ee Galmudug iyo Hirshabelle iyo Qorshaha Howlgalada lagu xoraynayo Deeganada Alshabaab ay ka joogaan Galmudug. Saraakiil Sare oo ka Tirsan Qaybta 21aad oo uu Hugaaminayo Taliyaha Qaybta General C/Casiis C/Laahi “Qooje” ayna WehlinayaanTaliyaha Guutada 13aad G/Le Craxmaan Moalim “Timadheere” , Taliyaha Guutada 15aad General Mascuud Maxamed iyo Taliyaha Ururka 21aad ee Danab G/Le Muqtaar Abdulle ayaa saraakiisha Amisom ee Jabuuti kaga Warbixiyay Ujeedada socdaalkoodan iyo Howsha ciidanka qaybta 21aad ey ka wadaan Deegaanada Galmudug ee Bilaawga u ah Qorshaha Dagaal ee lagu Wajahayo Deeganada Alshabaab ay joogaan G/le sare C/Raxmaan Riyaale Xareed taliyaha Batalyanka shanaad ee hiil walaal ayaa Boqashada saraakiisha 21aad ee baladweyn ku tilmaamey Arin Bilaaw u ah Isku xirka Ciidanka iyo ka abaal gudida Soo dhoweyntii 21aad ey u sameysay ciidanka jabuuti ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb Taliyaha qaybta 21aad general cabdicasiis claahi “qooje” ayaa ka waramay Ahmiyada kulankan iyo Howlaha ay ka wadaan Baladweyn Ciidamadan ayaa Qayb ka Noqonaya Howlgal balaaran oo Dhowaan lagu Wajahayo Deeganada cadawgu ka joogo Galmudug Iyo Hirshabelle waxaana Bilaabanaya Qorshaha isku Xirka Qaybaha Xoogga Dalka kaa oo Saldhig u ah Nidaamka Ciidan ee Fududeynaya in la Fuliyo Howlgalo Dhameys tiran oo Dhabarka ka Jabin doonna Dhagarta Cadawga Alshabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Dharkenyley Macalin Cabdulle Cali Hilowle oo wareysi siiyey Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa ku taliyey in la xoojiyo wada shaqeynta shacabka iyo hay’adaha amniga ee dowladda Somalia. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim u tahay nabad galyada in shacabka wax weliba oo ay ka shakiyaan la soo wadaagaan ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka amni darrada. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay xoojiyeen amniga magaalada Muqdisho. View the full article
  10. Muqdisho (Caasimada Online)- Sida ay ogaatay Caasimadda Online, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa doonaya inuu ka taqaluso xildhibaanka jufadiisa ku matala Golaha Shacabka Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, kaas oo waqti dheer ahaa mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Labada nin ayaa la sheegaya in aaney mudooyinkii lasoo dhaafay isku fiicaneyn. Xiriirkooda ayaa xumaaday kadib markii Xasan Cali Kheyre uu kala hadlay qaar ka mid ah odayaasha Habar Ceyno sidii Mustaf looga qaadi laha xildhibaanimada 2021. Wuxuu Ra’iisul wasaare Kheyre doonaya in kursiga la siiyo Cabdikariin Gaambe oo ah maamulaha Hotelka Jaziira ee ku yaala Muqdisho. Gaambe oo ka mid ah dalaaliinta waaweyn ee Villa Soomaaliya la shaqeysta xiligaan, waxey ilmo adeero dhow yihiin Ra’iisul wasaare Kheyre. Gaambe ayaa siyaasadda ku milmay tan iyo markii uu Dalka Ra’isul wasaare ka noqday Xasan Cali Khyere ,waxayna taas u suurta gelisay inuu helo fursado badan oo uu ku qaato Mashaariic, waxaana sidoo kale si weyn usii saaciday xaaska Madaxweyne Farmaajo. Loollan addag ayaa durba soo baxaya oo la xiriira kursiga xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow. Beesha Habar Ceyno waxey Golaha Shacabka ku leedahay labo kursi. Mid ka mid ah kuraastaas waxaa ku fadhiya Cabdulaahi Gaafoow, oo muxaafid weyn u ah Kheyre. Sababta Gaambe u raadinaayo kursiga Dhuxuloow waxaa lagu sheegay inuu doonaayo inuu qeyb ka noqdo ololaha Xasan Cali Kheyre uu ku doonaayo inuu madaxweyne kaga noqdo Soomaaliya 2021. Sida ay dad xogogaal ah u sheegeen Caasimadda Online, waxaa arrintaan ku kala jabay odayaasha beesha Habar Ceyno, oo qaar badan ay soo jeediyeen inuuu Mustaf Dhuxuloow wax badan qabtay intii uu xilkaas hayay uuna mudanyahay inuu sii joogo, halka qaar kale oo Ra’iisul wasaaraha iyo Gaambe la kulmay ay ku doodayaan in la gaaray xiligii uu bixi lahaa. Wixii kusoo kordha arrintaan kala soco Caasimada Online. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Ammaanka magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa siweyn loo adkeeyey xilli uu halkaasi ku wajahan yahay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Cutubyo katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa lagu arkayaa inta badan waddooyinka magaalada iyadoona laga taagey tabeelayaal la suray sawirrada Ra’iisul wasaare Khayre. Wararkii ugu dambeeyey ee Puntlandpost ka helayso Xudur waxa ay sheegayaan inay saacadaha soo socda ku wahan yihiin wafti hordhac u ah ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya. Waxaa lafilayaa in ra’iisul wasaaruhu uu booqdo xeryaha ciidanka dowladda ee duleedka Xudur isagoona dhagax dhigi doona mashaariic horumarineed sida ay sheegeen maamulka deegaamadaasi. PUNTLANDPOST The post Ammaanka Xudur oo siweyn loo adkeeyey iyo ra’iisul wasaare Khayre oo ku wajahan. appeared first on Puntland Post.
  12. Sida se Warbaahinta Puntlandi.com ay Xog rasmi ah ku hayaan waxaa hor istaagay Madaxweyne Farmaajo in lasii Daayo wasiir Cabdirasgiid Janan. Jamcadii ayaa ladiidaynlahaabwasiirka laakiin [...] Source
  13. Baydhabo (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa beer ku taalla duleedka Baydhabo kula kulmay dhalinyarada ku dhaqan magaaladaasi. Ugu horreyn dhalinyarada ayaa Ra’iisul wasaaraha uga warbixiyey baahyahooda dhanka waxbarashada iyo caafimaadka, iyagoona ka dalbaday inuu wax ka qabto. Dhankiisa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay dhalinyarada inay is abaabulaan, islamarkaana ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda. Sidoo kale wuxuu u ballan qaaday in xukuumaddiisa ay siin doonto fursad, islamarkaana ay garab taagnaan doonto mar weliba. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-09092019.mp3 View the full article
  15. Five hundred families fleeing severe drought in central Somalia’s northern Galgadud region have arrived in Dabad town, 40 km from Abudwaq, over the past month. Source: Hiiraan Online
  16. At least 5 people including African Union peacekeeping mission forces in Somalia (AMISOM) were killed and several others wounded when a double roadside blasts targeted Amisom convoy in Somalia’s Middle Shabelle region on Sunday, local media reported. Source: Hiiraan Online
  17. Taliyaha guud ee ciidamada Difaaca dowladda Puntland Sarreeye Gaas yaasiin Cumar Dheere oo saaka wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Puntland Post ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay socdaal uu maalmihii la soo dhaafay ku soo maray talisyada kala duwan ee ciidamada Puntland ku leeyihiin gobolka Sanaag iyo buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari. Taliyaha ayaa sheegay in ciidamo yar oo Somaliland kaga harsanaa degmooyinka Badhan iyo Dhahar ay diyaar u yihiin in ay ka soo baxaan kadib markii ciidamo badan oo Somaliland hore uga tirsanaa oo halkaasi ku sugnaa ay dhammaan ka soo ku soo wareegeen dhinaca Puntland. “Gobollada Badhan iyo Hayland u malayn maayo in askari ciidamada gobolladaasi waqooyi ku jiray uu hambaynaayo kulli waa soo galayaan” ayuu yiri Gen yaasiin Cumar Dheere Dhinaca kale taliyaha ayaa ku celiyay eedayn culus oo uu dhowaan u jeediyay Somaliland oo ahayd in ay Al-shabaab is-bahaysi la’ yihiin waxaana uu tilmaamay in xubno ka tirsan Al-shabaab oo la qabtay ay qirteen in ay Somaliland is-bahaysi la yihiin. Wuxuu intaasi raaciyay in kadib markii la wareystay xubnaha Al-shabaab ee Puntland qabatay ay sheegeen in ay saad iyo taakulo ay ka keeneen Somaliland ay u wadeen Shabaabka Galgala ku sugan. Hoos ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay qabatay xubno ka tirsan Al-shabaab oo qirtay in ay is-bahaysi la yihiin Somaliland appeared first on Puntland Post.
  18. Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay fashiliyey qaraxyo lagu aasay qeybo ka mid ah degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Qaraxyada oo ahaa Miino ah ayaa waxa ay saraakiishu u soo bandhigeen warbaahinta, kadib howlgallo ay ka sameeyeen degmadaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda ayaa sheegay in qaraxyadaasi lagu aasay suuq lagu iibiyo qaadka, kuna guuleysteen in ay soo saaraan miinooyinkaasi. Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in shacabku ay la soo wadaageen xogta qaraxyadaasi, islamarkaana ay uga mahadcelinayaan wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidanka amniga. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa falal liddi ku ah nabad galyada ay ka dhacayeen degmada Buulo-Burte oo inta badan weeraro culus ay ku qaadaan dagaalyahannada Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  19. Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federalka ah ee Soomaaliya ay shuruudo siyaasadeed oo adag ku xirtay siidaynta wasiirka amniga Jubbaland Mudane Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan). Gudoomiye ku-xigeenka guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland Axmed Maxamuud Cumar, ayaa sheegay inay la kulmeen saraakiil iyo wasiiro ka socda dowladda Soomaaliya haseyeeshee ay siidaynta wasiir Janan ku xireen shuruudo siyaasadeed oo qalafsan. “Kulamo aan la yeelaney Madaxda Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka waxay na hor-dhigeen qodobo uu Madaxwaynuhu doonayo inaan fulino ka hor sii daynta Wasiirka” ayuu yiri Axmed Cumar. Guddoomiye Axmed Maxamuud Cumar, ayaa intaasi ku sii daray in dhammaan shuruudaha la hordhigay ay yihiin kuwa lagu kala qaybinayo bulshada kunool deegaamada Jubbaland. “Qodobadda qaarkood waxay ahaayeen qabyaalad cad, kala qaybin iyo iska horkeen dadka reer Jubbaland”ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Guddiga doorashooyinka Jubbaland. PUNTLANDPOST The post Madaxweyne Farmaajo oo shuruudo adag hordhigay siidaynta wasiir Janan. appeared first on Puntland Post.
  20. While a lot of contemporary menswear is about revisiting and adapting essential codes for the new markets, it is also of great importance that there are developed brands that are most certainly iconoclastic in their business approach and conceptual in their creative output. Source: Hiiraan Online
  21. Nairobi (Caasimada Online) – Guddi ka socday maamulka jubbaland iyo waxgaradka gedo oo la kulmay madaxda hay’adaha amniga iyo wasiiro ka tirsan dowladda federaalka ayaa sheegay in la hor dhigay shuruudo lagu sii daynayo wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Nuur Janan. Guddigan ayaa sheegay in shuruudahan oo ka yimid dhanka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo looga baahan yahay Jubaland in ay fuliso si loo sii daayo Janan. Axmed Maxamuud Cumar, oo gudoomiye ku xigeenka gudiga madaxa banaan xaduudaha iyo doorashooyinka Jubaland ayaa sheegay in ay la kulmeen mas’uuliyiinta dowladda, laakiin laga dalbaday shuruudo u muuqday kuwa siyaasadeed oo loo baahan yahay in la fuliyo si loo sii daayo wasiir Janan. “Kulamo aan la yeelaney madaxda hay’adda nabad-sugidda Soomaaliya iyo wasiiro ka tirsan dowladda federaalka waxay na hor-dhigeen qodobo uu madaxwaynuhu doonayo inaan fulino ka hor sii daynta wasiirka” ayuu yiri Axmed Cumar. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in qodobadda la hor dhigay dhammaantood ay yihiin kuwo ku aadan kala qeybinta bulshadda degaanada maamulka Jubaland. “Qodobadda qaarkood waxay ahaayeen qabyaalad cad, kala qaybin iyo iska horkeen dadka reer Jubaland” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka Jubaland. Axmed ma uusan shaacin waxa ay yihiin shuruudaha, hase yeeshee waxa uu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu qaadi doono wixii dhibaato ah oo ka dhasha xariga wasiirka, maadaama dadka degaanadaasi lagu waddo kala qeybin, sida uu hadalka u dhigay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  22. Alibaba Group has extended its partnership with Rwanda and pledged to increase imports from the East African nation. Source: Hiiraan Online
  23. ABOARD THE OCEAN VIKING - A charity ship run by humanitarian groups in the Mediterranean spent a rainy Sunday searching open waters for a fragile rubber boat overloaded with migrants before finally plucking 50 people to safety not far off Libya’s coast. Source: Hiiraan Online
  24. Not every driving instructor can claim to have been part of one of the biggest upsets in the history of international football. Source: Hiiraan Online