Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,399
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax nooca baabuurta lagu xiro ah oo ka dhacay degmada Xamar Jajab ee Gobolkan Banaadir gaar ahaan afaafka Hore ee Dekadda Weyn ee Magalada Muqdisho. Qaraxaan oo la sheegay in lagu dhejiyey gaari nooca Saaruf-ta ah ayaa waxaa la sheegay in loo dhigay General Maxamed Cabdulle Dhoore oo katirsan saraakiisha ciidanka booliska Soomaaliya uuna ka soo gaarey dhaawac culus. Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaarey goobta uu qaruxu ka dhacay iyagoona hakad geliyey isu socodka gaadiidka inkastoo aysan faahfaahin ka bixin haddii cid loo soo qaqabtay qaraxaasi. Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa soo badanayey qaraxyada gawaarida loogu xirayo saraakiisha iyo masuuliyiinta katirsan dowladda Soomaaliya, waxaana dhowaan isbedel lagu sameeyey hogaamada ciidamada kala duwan ee Soomaaliya. SAWIRRO PUNTLANDPOST The post Sarkaal katirsan ciidanka booliska Soomaaliya oo Muqdisho qarax loogu xiray gaarigiisa. appeared first on Puntland Post.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax ka dhashay miino lagu xiray baabuur ayaa maanta ka dhacay kaalin shidaal oo ku dhow xabisga dhexe ee Xamar, ee magaalada Muqdisho. Sida ay ogaatay Caasimada Online gaariga qarxay ayaa waxaa watay Generaal ka tirsan ciidanka Booliska Soomaliyeed oo la sheegay in dhaawac uu soo gaaray. Jeneral Maxamed Cabdulle Dhoore ayaa booliska u qaabilsanaa xiriirka arrimaha dibedda iyo booliska caalamiga ah ee Interpol. Gaariga la qarxiyey ayaa ahaa nooca loo yaqaano sarufta, waxaana la sheegay in qaraxa uu ahaa mid Jeneral Dhoore loogu dhejiyey. Wararka qaar ayaa sheegaya in dhaawaca gaaray uu ahaa mid culus. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu sababay dab xoogan oo qabsaday Kaalinta Shidaalka ee qaraxu ka dhacay. Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo hakiyay isku socodka dadka iyo gaadiidka, maadaama halka qaraxa uu ka dhacay ay in badan isticmaalaan gaadiidka noocyadiisa kala duwan, wallow markii dambe ay dib u fasaxeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  3. (SLT-Hargeysa)-Axmed Siciid Cige Oo Falanqaynta Ku Sameeyay Go’aankii Doorashooyinka Ee Xisbiyadda Mucaaridka Somaliland Ee WADDANI Iyo UCID, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. Warar rasmi ah oo Warbaahinta Puntlandi.com hayaan ayaa sheegaya in Raysalvwasaare Kheyre uu usoo dhaga nuglaadey Jubbaland isla markaasna uu diyaar u yahay inuu aqbalo [...] Source
  5. 10 bilood oo iminka laga jooga dib u doorashadii madaxada xariirka kubbadda cagta Soomaaliya waxaa is badal iyo hufnaan lagu sameeyay hanaanka shaqo,iyadoo la abuuray guddiyo kala duwan oo ka shaqeeya horomarinta kubbadda cagta guud ahaan Soomaaliya, si loo gaaro guulo waaweyn oo dhinaca kubbadda cagta. Guddiga arimaha horomarinta gobolada waa mid ka mid ah kuwa ugu shaqada badan guddiyada la dhisay waxaana hogaamiye u ah guddoomiye ku xigeenka 2aad ee xariirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdullahi Sheekh Nuur,isagoo Goobjoog u sheegay in bilooyinkii lasoo dhaafay ay qabteen shaqo adag. Dhowr jeer ayay safar shaqo ku tageen maamulada Hirsahabeele,Koonfur Galbeed,Jubaland Galmudug iyo Puntland waxayna la kulmeen guddooomiyahaasha X.K.Cagta guddoomiye Cabdullahi Sheekh ayaa sheegay in gobolada laga her geliyay xafiis ay ku shaqeeyaan ururada kubbadda cagta maamul goboleedyada,taasoo aheyd shaqadii ugu horeesay ay qabteen guddiga arimaha horomarinta maamulka Goboleedyada ee la dhisay. Xiriirka kubbadda cagta waxa uu juhdi ku bixinayaan in maamul goboleed kasta loo qabto tartamo ciyaareed ka dibna halkaa laga helo ciyaartooy tayo wanaagsan oo ka qeyb qaadan karta kobaca xulka qaranka Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed ayaa Goobjoog u sheegaya in gobolada ay joogaan dhallinyaro badan oo leh xirfad sare. Guddoomiye Cabdullahi Sheekh Nuur Axmed waxa uu bahda ciyaaraha dalka iyo dibadda u soo jeediyay in laga wada qeyb qaato dhisidda iyo horomarka kubbadda cagta Soomaaliya,si kooxaha iyo xulka qaranka ay u noqdaan kuwa guulo waaweyn ka gaaro tartamada kala gedisan ee caalamka. W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  6. (SLT- Zimbabwe)-Qoyska Madaxweynihii hore ee Zimbabwe Robert Mugabe oo Jimcihii lasoo dhaafay ku geeriyooday dalka Singapore ayaa sheegay in ayna dooneyn in Mugabe lagu aaso Qabuuraha Qaranka ee ku yaalla magaalada caasimada ah ee Harare. Dowlada Zimbabwe ayaa qaban qaabineysa xuska iyo Aaska Qaran ee loo qaban doono hogaamiyihii hore, munaasabadahaasi oo la qorsheeyey inay dhacaan Sabtida iyo Axada so socota, hase yeeshee Qoyska Mugabe ayaa sheegay in lagu aasi doono deegaankii uu ku dhashay ee Zvimba. Mugabe oo dalkaasi kasoo talinayey tan iyo markii xoriyada qaatay, muddo 37 sano ah ayaa xukunka looga tuuray Inqilaab Militari sanadkii hore, iyadoo xilka loo dhiibay Kuxigeenkiisii hore Emmerson Mnangagwa. Xidhiidhka Mugabe iyo Emmerson Mnangagwa ayaa ahaa mid gebi ahaan burburay tan iyo markii xilka loo dhaariyey Madaxweynaha cusub, sidoo kale Mugabe ayaa la sheegay inuu ka codsaday qoyskiisa hadii uu dhinto in dowlada ayna aaskiisa faraha lasoo gelin laguna aaso deegaankii uu kasoo jeeday ee Zvimba. Xukuumada Zimbabwe ayaa illaa iyo hadda shaacisay in xuska wayn sabtida soo socota lagu qaban doono Stadiumka magaalada caasimada ah ee Harare, balse weli may shaacin halka uu noqon doono Qabuuraha lagu aasi doono Mugabe maalinta Axada ah. Source
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Canyte oo wareysi gaar ah siiyey TV-ga RTN ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday madaxda Villa Soomaaliya, isagoo ka hadlay arrimaha ammaanka iyo siyaasadda dalka. Ugu horreyn wuxuu soo hadal qaaday khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, gaar ahaan doorashooyinkii ka dhacay maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed. Cabdiraxmaan Caynte ayaa sheegay inay isku dhegan yihiin dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, islamarkaana ay arrintani dalka u horseedeyso dib u dhac. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in madaxda Villa Somalia aaminsan yihiin in siyaasad lagu kala adkaado lagu hagi karo dalka, islamarkaana ay dadka ka soo horjeeda u arkaan cadowga dowladda. “Madaxda dowladda federaalka waxay aaminsan yihiin siyaasad lagu kala adkaado inay dalka ku hagaan, waxay aaminsan yihiin dadka siyaasiyan uga soo horjeedo inay ka adkaan karaan, waxay kaloo u arkaan cadawga dowladda.”ayuu yiri Caynte. Dhanka kale wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in uu faraha ka sii baxayo amniga dalka, islamarkaana ay dowladdu ka gaabisay arrimaha nabad gelyada, gaar ahaan magaalada Caasimada ah ee Muqdisho. Waxa kale uu sheegay in Al-Shabaab ay bilaabeen lacago canshuuro ah oo la mid ah kuwa dowladda ay ka qaado ganasatada Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyn wuxuu ka dalbaday Madaxweynaha Soomaaliya inuu ka dhabeeyo hadalkiisa ahaa inuu noqonayo nabadoon Soomaaliyeed oo isu keenayo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed. “Madaxweynaha asigaa dalka u weyn oo oday noo wada ah, si kasta oo looga aragti duwan yahay, asigaa ixtiraamka iyo qabtii Soomaalinimada ku fadhiya inuu dadka soomaaliyeed madaxda u yahay, kuwa taageersan iyo kuwa ka soo horjeedo inuu isugu yeero, sida uu Garowe ka yiri ee ahaa Nabadoon Soomaaliyeed ayaa rabaa inaa noqdo, waxaa uga fadhinaa Madaxweynaha Nabadoonimadii uu uga yaboohay caleema saarkii Madaxweyne Deni, nabadoonimada waa in dadka kaa aragti duwan inaa qol la soo fariisato oo aad la hadasho, laakiin haddaad aaminsan tahay dowladnimada ayaa sharci ku siineysa inaad dadka ka soo adkaadid, Soomaali haddii la kala adkaan karo meeshaan lama soo gaareyn, marka la soo kala adkaan waayo waa la isku baaba’ay, meeshaas in naloo celiyo ayaan darro ayay dalka ku tahay.” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta, Cabdiraxmaan Caynti. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Inkasta oo ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu bixiyey lacag dhan ilaa 150,000 Dollar oo lagu horumarinayo garoonka kubadda cagta ee Dr. Ayuub ee magaalada Baydhabo hadana intii lagu jiray xafladda qaban-qaabada dhagaxdhigga waxaa dhacay labo arrin oo shacabka Baydhabo aad uga xumaadeen. Ilo ku sugan xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed, Baydhabo ayaa Goobjoog News u sheegay in ciidamo magaalada gudaheeda joogay ay xabad ku fureen Maxamed Aadan Deerow, oo ahaa nin dhalinyaro ah, oo gaari ku dhexwatay magaalada taasi oo keentay inuu dhinto, ciidamada ayaa sabab uga dhigay dilka iney ka shakiyeen. Dhinaca kale, waxaa muddo 3 saac ah la damiyey isgaarsiinta iyo Internetka magaalada Baydhabo, oo ah inta ah xafladda socotay, taasi oo keentay oo ganacsiyo badan ay khasaaraan. Maanta waxaa lagu wadaa ra’isul wasaare Kheyre inuu gaaro magaalada Xudur ee caasimadda Bakool, ajendaha ma cada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. (SLT-Sweden)-Wasiirka arrimaha dibadda Sweden Margot Wallstromoo siyaasadda arrimaha dibadda ee Sweden ku hoggaamineysay ilaalinta xuquuqda dumarka laga soo bilaabo intii ay xilkaa qabatay ee 2014, ayaa sheegtay iney jagadeeda iska casileyso si ay wakhti dheer ula qaadato qoyskeeda. Wallstrom waxaa aad loogu yaqaannaa u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha, hore waxey u ahayd ergayga Qaramada Midoobay ee gabood falka Jinsiga ee gudaha goobaha lagu dagaallaamo, laba xillina waxey qabatay jagada Wakiilnimo ee Midowga Yurub. Wasiirka arrimaha dibadda Sweden ayaa bayaan ay soo saartay ayaa waxey ku sheegtay; “Waxwalba waxaan u huray sidii aan waddankeyga Sweden uga dhigi lahaa mid ammaan ah oo dunida ixtiraam iyo qadarin ka haysta”, waxey hadalkeeda sii raacisay: “Waxaa la joogaa waqtigii aan waqti fiican la qaadan lahaa ninkeyga, caruurtayda iyo ilmaha aan ayeeyada u ahay.” Wasiirkan ayaa hore waxey ugu khasbanaatay iney hakiso safar ay ku tagi lahayd Israel kadib markii xukuumadda Sweden ay ictiraaftay dowladda Falastiin. Israel na ay safiirkeedii kala baxday Stockholm. Wasiir Wallstrom waxey sheegtay iney filayso in ra’iisul-wasaaraha, Istiifan Lofan uu talaadada soo aaddan ku dhawaaqo wasiirka xilka ka bedelaya, waxeyna sheegtay in isla markaa ay dooneyso iney xilka iska tiriso. Source
  10. (SLT-London)-Raysal wasaaraha UK, Boris Johnson ayaa weli xal u hayn cadaadiska uu kala kulmayo Baarlamaanka iyo waliba qeyb kamid ah xisbi Xaakimkiisa Conservative Party oo ay xubno badan kasoo horjeedaan qorshihiisa ah in Wadankaasi isaga baxo EU-da iyadoo aan wax heshiis ah lala gelin dalalka kale ee Midowga Yurub. Boris Johnson ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay waji gabax kala kulmay Baarlamaanka oo ansixiyey mooshino ka dhan ah Xukuumadiisa, iyadoo ay Aqlabiyada Xildhibaanada diideen qorshaha Brexit oo ay xukuumadiisa soo bandhigtay, mooshinadan cusub ayaa yimid kadib markii Boris uu ku dhawaaqay in la kala diray Baarlamaanka illaa bartamaha bisha Oktoober, go’aankaasi oo uu doonayey inuu Golaha Wakiilada awooda uga xayuubiyo inta laga gaarayo bisha soo socota oo ah wakhtiga loo qabtay in dalkaasi isaga baxo EU-da. Taageerayaasha Johnson ayaa aaminsan in aysan khasab ahayn in heshiis lala galo dalalka Midowga Yurub, hase yeeshee arrintan ayey halis u arkaa Xildhibaanada mucaaridka iyo waliba qaar kamid ah xisbi xaakimka oo aaminsan in heshiis la’aan uu dalka UK go’adoon dhaqaale geli doono. Xiisadda Xisbi Xaakimka Boris Johnson ayaa xisbigiisa ka saaray 21 xildhibaan oo kamid ahaa kuwii u codeeyey mooshinkii la ansixiyey arbacadii lasoo dhaafay, mooshinkaasi oo ku khasbaya xukuumadiisa inaysan ka bixi karin Midowga Yurub illaa heshiis laga gaarayo. Xubnaha uu xisbiga ka saaray ayaa waxaa kamid ah Xildhibaano si weyn dalkaasi looga yaqaan, go’aankan ayaa keenay inay xilalka iska casilaan qaar kamid ah Wasiirada Boris oo uu ku jiro Walaalkiis, waxaana ugu danbeysay Wasiirada iscasilay Wasiirka Shaqada Amber Rudd. Wasiirka Shaqada, Amber Rudd ayaa warqadeeda iscasilaada ku sheegtay inay si weyn uga soo horjeedo Xildhibaanada laga saaray Xisbi Xaakimka, go’aankaasi Boris Johnson oo ay ku tilmaamtay “Fal Fowdo ka dhex abuuray Xibsiga talada haya”. Raysalwasaaraha ayaa hada doonaya in Baarlamaanka uu ka codsado in ay ansixiyaan qabashada Doorasho deg deg ah, si uu u helo taageerada shacabka ama Aqlabiyada Baarlamaanka taasi oo u fududeyn doonta hirgelinta qorshihiisa Brexit, hase yeeshee wuxuusan hada weli heysan codod ku filan Golaha Wakiilada oo ay tahay inay ansixiyaan qabashada doorashada Guud. Source
  11. Afgooye (SMN) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar ay rag hubeysan xalay ku qaadeen qeybo ka mid ah deegaanka Lambar Konton ee gobolka Shabeelaha Hoose Weerarka oo ahaa mid gaadma ah ayaa waxaa la sheegay in lagu ekeeyey xarun ciidamada Milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin duleedka deegaankaasi. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda ay waxyleeyo ka soo gaartay weerarkaasi. Dhinaca kale ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa saaka howlgallo ballaaran ka sameeyey deegaanka Lambar Konton, kuwaas oo lagu baadi goobayey raggii ka dambeeyey weerarkaasi. Blse ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Shabeelaha Hoose View the full article
  12. Jowhar (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay barakac uu kabilodway qeybo ka mid ah gobolkaasi. Dadka ku dhaqan deegaanka Jameeca ayaa bilaabay inay isaga cararaan halkaasi, kadib markii ay arkeen diyaarado ku socda joog hoose. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in diyaaraduhu ay haayeen labo, islamarkaana ay walwal iyo cabsi ku abuurtay inay duqeymo ka geystaan halkaasi. Xaaladda ayaa saaka degan, waxaana dib ugu soo laabtay guryahooda dadkaasi oo reer guuraa ah. Inta badan waxaa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab ka geysta diyaarada dagaalka Mareykankanka. View the full article
  13. Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya kulamo gaar gaar ah oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Kulamada oo ahaa kuwa xasaasi ah ayaa waxaa wada qaatay saraakiil ka socota dowladda iyo odayaasha dhaqanka ee magaaladaasi. Intooda badan kulamadani ayaa waxaa diirada lagu saaray khilaafka ka taagan Beledweyne, kaas oo ka dhashay amar ka soo baxay dowladda oo ku aadanaa in ciidamada jooga magaaladaasi looo daabulo dhanka gobolka Galgaduud. Waxgaradka magaalada ayaa ka biyo diiday arrintaasi,waxaana dowladda dhexe ay ku eedeeyeen inay farogelin ku heyso arrimaha gobolka Hiiraan. Wararkii ugu dambeeyey ee kulamadii xalay ayaa sheegaya inay ku soo dhamaadeen fashil, iyadoo aan la gaarin wax natiijo ah. Sidoo kale ilo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in lagu kala tagay shirarkaasi. Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan Beledweyne uu ku sugan yahay Madaxweynaha HirShabelle oo dhankiisa kulamo gooni gooni ah la qaatay saraakiisha qeybaha 27-aad iyo 21-aad ee ciidanka Xoogga Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  14. Kulankan oo ka Dhacey Gudaha Xarunta Batalyanka 5aad ee Ciidamada Hiil walaal ee Jabuuti ay ku leeyihiin Baladweyn ayaa u dhexeeyay Saraakiisja Taliska Qaybta 21aad iyo Saraakiisha Ciidanka Jabuuti waxaana Diirada lagu saaray Xaaladaha Amni ee Galmudug iyo Hirshabelle iyo Qorshaha Howlgalada lagu xoraynayo Deeganada Alshabaab ay ka joogaan Galmudug. Saraakiil Sare oo ka Tirsan Qaybta 21aad oo uu Hugaaminayo Taliyaha Qaybta General C/Casiis C/Laahi “Qooje” ayna WehlinayaanTaliyaha Guutada 13aad G/Le Craxmaan Moalim “Timadheere” , Taliyaha Guutada 15aad General Mascuud Maxamed iyo Taliyaha Ururka 21aad ee Danab G/Le Muqtaar Abdulle ayaa saraakiisha Amisom ee Jabuuti kaga Warbixiyay Ujeedada socdaalkoodan iyo Howsha ciidanka qaybta 21aad ey ka wadaan Deegaanada Galmudug ee Bilaawga u ah Qorshaha Dagaal ee lagu Wajahayo Deeganada Alshabaab ay joogaan G/le sare C/Raxmaan Riyaale Xareed taliyaha Batalyanka shanaad ee hiil walaal ayaa Boqashada saraakiisha 21aad ee baladweyn ku tilmaamey Arin Bilaaw u ah Isku xirka Ciidanka iyo ka abaal gudida Soo dhoweyntii 21aad ey u sameysay ciidanka jabuuti ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb Taliyaha qaybta 21aad general cabdicasiis claahi “qooje” ayaa ka waramay Ahmiyada kulankan iyo Howlaha ay ka wadaan Baladweyn Ciidamadan ayaa Qayb ka Noqonaya Howlgal balaaran oo Dhowaan lagu Wajahayo Deeganada cadawgu ka joogo Galmudug Iyo Hirshabelle waxaana Bilaabanaya Qorshaha isku Xirka Qaybaha Xoogga Dalka kaa oo Saldhig u ah Nidaamka Ciidan ee Fududeynaya in la Fuliyo Howlgalo Dhameys tiran oo Dhabarka ka Jabin doonna Dhagarta Cadawga Alshabaab. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (SMN) – Guddoomiyihii hore ee maamulka degmada Dharkenyley Macalin Cabdulle Cali Hilowle oo wareysi siiyey Idaacadda Shabelle ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa ku taliyey in la xoojiyo wada shaqeynta shacabka iyo hay’adaha amniga ee dowladda Somalia. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim u tahay nabad galyada in shacabka wax weliba oo ay ka shakiyaan la soo wadaagaan ciidamada ammaanka, si looga hortago falalka amni darrada. Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay xoojiyeen amniga magaalada Muqdisho. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online)- Sida ay ogaatay Caasimadda Online, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa doonaya inuu ka taqaluso xildhibaanka jufadiisa ku matala Golaha Shacabka Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, kaas oo waqti dheer ahaa mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya. Labada nin ayaa la sheegaya in aaney mudooyinkii lasoo dhaafay isku fiicaneyn. Xiriirkooda ayaa xumaaday kadib markii Xasan Cali Kheyre uu kala hadlay qaar ka mid ah odayaasha Habar Ceyno sidii Mustaf looga qaadi laha xildhibaanimada 2021. Wuxuu Ra’iisul wasaare Kheyre doonaya in kursiga la siiyo Cabdikariin Gaambe oo ah maamulaha Hotelka Jaziira ee ku yaala Muqdisho. Gaambe oo ka mid ah dalaaliinta waaweyn ee Villa Soomaaliya la shaqeysta xiligaan, waxey ilmo adeero dhow yihiin Ra’iisul wasaare Kheyre. Gaambe ayaa siyaasadda ku milmay tan iyo markii uu Dalka Ra’isul wasaare ka noqday Xasan Cali Khyere ,waxayna taas u suurta gelisay inuu helo fursado badan oo uu ku qaato Mashaariic, waxaana sidoo kale si weyn usii saaciday xaaska Madaxweyne Farmaajo. Loollan addag ayaa durba soo baxaya oo la xiriira kursiga xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow. Beesha Habar Ceyno waxey Golaha Shacabka ku leedahay labo kursi. Mid ka mid ah kuraastaas waxaa ku fadhiya Cabdulaahi Gaafoow, oo muxaafid weyn u ah Kheyre. Sababta Gaambe u raadinaayo kursiga Dhuxuloow waxaa lagu sheegay inuu doonaayo inuu qeyb ka noqdo ololaha Xasan Cali Kheyre uu ku doonaayo inuu madaxweyne kaga noqdo Soomaaliya 2021. Sida ay dad xogogaal ah u sheegeen Caasimadda Online, waxaa arrintaan ku kala jabay odayaasha beesha Habar Ceyno, oo qaar badan ay soo jeediyeen inuuu Mustaf Dhuxuloow wax badan qabtay intii uu xilkaas hayay uuna mudanyahay inuu sii joogo, halka qaar kale oo Ra’iisul wasaaraha iyo Gaambe la kulmay ay ku doodayaan in la gaaray xiligii uu bixi lahaa. Wixii kusoo kordha arrintaan kala soco Caasimada Online. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Ammaanka magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa siweyn loo adkeeyey xilli uu halkaasi ku wajahan yahay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre. Cutubyo katirsan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa lagu arkayaa inta badan waddooyinka magaalada iyadoona laga taagey tabeelayaal la suray sawirrada Ra’iisul wasaare Khayre. Wararkii ugu dambeeyey ee Puntlandpost ka helayso Xudur waxa ay sheegayaan inay saacadaha soo socda ku wahan yihiin wafti hordhac u ah ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya. Waxaa lafilayaa in ra’iisul wasaaruhu uu booqdo xeryaha ciidanka dowladda ee duleedka Xudur isagoona dhagax dhigi doona mashaariic horumarineed sida ay sheegeen maamulka deegaamadaasi. PUNTLANDPOST The post Ammaanka Xudur oo siweyn loo adkeeyey iyo ra’iisul wasaare Khayre oo ku wajahan. appeared first on Puntland Post.
  18. Sida se Warbaahinta Puntlandi.com ay Xog rasmi ah ku hayaan waxaa hor istaagay Madaxweyne Farmaajo in lasii Daayo wasiir Cabdirasgiid Janan. Jamcadii ayaa ladiidaynlahaabwasiirka laakiin [...] Source
  19. Baydhabo (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa beer ku taalla duleedka Baydhabo kula kulmay dhalinyarada ku dhaqan magaaladaasi. Ugu horreyn dhalinyarada ayaa Ra’iisul wasaaraha uga warbixiyey baahyahooda dhanka waxbarashada iyo caafimaadka, iyagoona ka dalbaday inuu wax ka qabto. Dhankiisa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kula dardaarmay dhalinyarada inay is abaabulaan, islamarkaana ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda. Sidoo kale wuxuu u ballan qaaday in xukuumaddiisa ay siin doonto fursad, islamarkaana ay garab taagnaan doonto mar weliba. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-09092019.mp3 View the full article
  21. Five hundred families fleeing severe drought in central Somalia’s northern Galgadud region have arrived in Dabad town, 40 km from Abudwaq, over the past month. Source: Hiiraan Online
  22. At least 5 people including African Union peacekeeping mission forces in Somalia (AMISOM) were killed and several others wounded when a double roadside blasts targeted Amisom convoy in Somalia’s Middle Shabelle region on Sunday, local media reported. Source: Hiiraan Online
  23. Taliyaha guud ee ciidamada Difaaca dowladda Puntland Sarreeye Gaas yaasiin Cumar Dheere oo saaka wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Puntland Post ayaa si faahfaahsan uga warbixiyay socdaal uu maalmihii la soo dhaafay ku soo maray talisyada kala duwan ee ciidamada Puntland ku leeyihiin gobolka Sanaag iyo buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari. Taliyaha ayaa sheegay in ciidamo yar oo Somaliland kaga harsanaa degmooyinka Badhan iyo Dhahar ay diyaar u yihiin in ay ka soo baxaan kadib markii ciidamo badan oo Somaliland hore uga tirsanaa oo halkaasi ku sugnaa ay dhammaan ka soo ku soo wareegeen dhinaca Puntland. “Gobollada Badhan iyo Hayland u malayn maayo in askari ciidamada gobolladaasi waqooyi ku jiray uu hambaynaayo kulli waa soo galayaan” ayuu yiri Gen yaasiin Cumar Dheere Dhinaca kale taliyaha ayaa ku celiyay eedayn culus oo uu dhowaan u jeediyay Somaliland oo ahayd in ay Al-shabaab is-bahaysi la’ yihiin waxaana uu tilmaamay in xubno ka tirsan Al-shabaab oo la qabtay ay qirteen in ay Somaliland is-bahaysi la yihiin. Wuxuu intaasi raaciyay in kadib markii la wareystay xubnaha Al-shabaab ee Puntland qabatay ay sheegeen in ay saad iyo taakulo ay ka keeneen Somaliland ay u wadeen Shabaabka Galgala ku sugan. Hoos ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Puntland oo sheegtay in ay qabatay xubno ka tirsan Al-shabaab oo qirtay in ay is-bahaysi la yihiin Somaliland appeared first on Puntland Post.
  24. Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay fashiliyey qaraxyo lagu aasay qeybo ka mid ah degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan. Qaraxyada oo ahaa Miino ah ayaa waxa ay saraakiishu u soo bandhigeen warbaahinta, kadib howlgallo ay ka sameeyeen degmadaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda ayaa sheegay in qaraxyadaasi lagu aasay suuq lagu iibiyo qaadka, kuna guuleysteen in ay soo saaraan miinooyinkaasi. Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in shacabku ay la soo wadaageen xogta qaraxyadaasi, islamarkaana ay uga mahadcelinayaan wada shaqeynta ay la leeyihiin ciidanka amniga. Muddooyinkii dambe ayaa waxaa falal liddi ku ah nabad galyada ay ka dhacayeen degmada Buulo-Burte oo inta badan weeraro culus ay ku qaadaan dagaalyahannada Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Beledweyne caasimada@live.com
  25. Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federalka ah ee Soomaaliya ay shuruudo siyaasadeed oo adag ku xirtay siidaynta wasiirka amniga Jubbaland Mudane Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan). Gudoomiye ku-xigeenka guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland Axmed Maxamuud Cumar, ayaa sheegay inay la kulmeen saraakiil iyo wasiiro ka socda dowladda Soomaaliya haseyeeshee ay siidaynta wasiir Janan ku xireen shuruudo siyaasadeed oo qalafsan. “Kulamo aan la yeelaney Madaxda Hay’adda Nabadsugidda Soomaaliya iyo Wasiiro ka tirsan Dowladda Federaalka waxay na hor-dhigeen qodobo uu Madaxwaynuhu doonayo inaan fulino ka hor sii daynta Wasiirka” ayuu yiri Axmed Cumar. Guddoomiye Axmed Maxamuud Cumar, ayaa intaasi ku sii daray in dhammaan shuruudaha la hordhigay ay yihiin kuwa lagu kala qaybinayo bulshada kunool deegaamada Jubbaland. “Qodobadda qaarkood waxay ahaayeen qabyaalad cad, kala qaybin iyo iska horkeen dadka reer Jubbaland”ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka Guddiga doorashooyinka Jubbaland. PUNTLANDPOST The post Madaxweyne Farmaajo oo shuruudo adag hordhigay siidaynta wasiir Janan. appeared first on Puntland Post.