Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,399
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo saartay, isla markaana ku dhawaaqday amaro cusub oo ka dhana dowladda federaalka Soomaaliya. Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirka warfaafinta Somaliland oo maanta kulan la yeeshay madaxda telefishanada madax banaan ee ka howl-gala gudaha Somaliland, ayaa wuxuu faray in xiliga war-tebinada ay soo hor-mariyaan wararka Somaliland, isla markaana ay wararka Soomaaliya raaciyaan kuwa kale ee dibada. Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dal madax-banaan oo Soomaaliya ay kala yihiin labo dal iyo labo dowladood, inkasta oo beesha caalamka iyo dunida inteeda kaleba ay u aqoonsantahay maamul ka tirsan Dowlada Soomaaliya. Awaamiirtan uu maanta ku dhawaaqay wasiirku ayaa waxa dhaqan-galkooda ay Wasaaradda Warfaafintu u muddaysay mudo dhan labo todobaado oo ka bilaabaneysa maanta oo ay taariikhdu tahay 09/09/2019-ka, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasiirka warfaafinta Somaliland. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedkaasi
  2. Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Amb. Ben Fender oo gaaray Hargeysa. Danjire Ben Fender iyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka wada hadlay xiriira a xoojinta xiriiraka Somaliland iyo Ingiriiska, ammaanka guud ee mandaqadda, doorashooyinka, mashaariicda horumarineed iyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa dowladda Ingiriiska uga mahadceliyey taageerada ballaaran ee ay la barbar taagan yihiin Somaliland, waxana uu u sheegay inay Somaliland ka go’an tahay adkaynta xiriirka beesha caalamka, sidoo kalena wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ay xukuumad ahaan ka taagan yihiin mawqifkii iyo shuruudihii ay beesha caalamka Somaliland hore ugu bayaamisay. Waftigaan ayaa Somaliland ku ammaanay horumarada laga sameeyey qabsoomidda doorashooyinka iyo sida ay shacab iyo dawladba diyaarka ugu yihiin geeddi-socodka dimuqraaddiyadda ee dhinacyada doorashooyinka iyo horumarka. Ugu dambayntii waxa ay madaxweynaha iyo madaxa hay’adda dalka Ingiriiska u qaabilsan kaalmooyinka caalamiga ah ee DFID Mr. Damon Bristow kala saxiixdeen wejiga labaad ee kaalmada dalka Ingiriisku kaga qayb-qaadanayaan sanduuqa hormarinta Somaliland (SDF) ee lagu maal-geliyo mashaariicda horumarineed ee laga fuliyo, waxa kale oo ay goobta ku kala saxiixdeen heshiis lagu horumarinayo khayraadka Tamarta Somaliland. The post Madaxweyne Muuse Biixi iyo Danjire Ben Fender oo kawada hadlay arrimaha Soomaaliya. appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta xariga ka jaray Xafiis ay Garoowe ka furatay Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xafiiskan oo arrimaha Qunsuliyadaha u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaqadiisu noqonaysa fududeynta Dukumentiyada qaadashada Baasaboorka oo awal loo aadi jiray Muqdisho. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ka hadlay furitaankii Xafiiskan, wuxuu bogaadiyey in Garoowe laga hirgeliyay Xafiis ay leedahay Wasaaradda arrimaha dibadda oo fududeynaya Dukumentiyo iyo Waraaqo awal Safar iyo daahid lagala kulmi jiray. Furitaanka Xafiiska arrimaha Qunsuliyadaha ee Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku weheliyey, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowladda Puntland, Saraakiil ka socda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda arrimaha dibadda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, Taliyaha Ciidamada Booliiska Dowladda Puntland iyo Guddoomiyaha Degmada Garoowe. DAAWO PUNTLANDPOST The post Axmed Karaash oo ka hadlay shahaadada ardayda Puntland & xafiis DFS Garoowe ka furatay. appeared first on Puntland Post.
  4. Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay aqbashay markii ay maxkamadda ICJ geysay dacwad ka dhan ah Kenya in ay aqbasho xukun walba oo maxkamadda ka soo baxa: guul iyo guuldarroba. Dacwaddu ma ahayn mid Xasan Sheekh uu guri ay Kenya ka dhacday ku soo dhacsanayo, waxay ahayd dacwad uu ku gudbiyay magaca Jamhuuriyadda ee uu shaqaalaha ka ahaa, Farmaajana sidoo kale. Jawiga hadda Soomaaliya ka jira wuxuu marayaa in xitaa la siyaasadeeyo guusha wiilashii Soomaaliyeed ee ka badiyay Zimbabwe. Libintii u soo wada hoyatay Soomaali oo dhan ayaa koox siyaasadeed u tarjumatay riixidda ujeeddo gaar ah iyo olole. Kiiska badda wuxuu ka mid yahay waxyaabaha dhifka ah ee ay Soomaalida ku mideysan tahay. Sida haddii lagu guuldarreysto ay isaga fogeyn lahayd mas’uuliyadda fashilka, waxaa la gudboon Villa Somalia in ay libin marka ay timaadana ay ku ekaadaan u mahad celinta dadkii shaqadan bilaabay iyo kuwii sii dardar geliyay illaa guul laga gaaro, guushana ka dhigto guul Soomaaliyeed. Sannadkii 2008 dhaqaalaha Maraykanka ayaa dhulka galay; Obama intii uu xilka hayay wuxuu qaaday tallaabooyin dhaqaalaha lagu habaynayo, wayna shaqeeyeen, laakiin waxaa uu kobocii muddo laga soo shaqaynayay uu si sax ah u taabbo galay markii Trump uu xilka qabtay: laga billaabo sayladaha Dow Jones, NASDAQ, shaqo helidda, abuurka ganacsiga dhammaan waxay joogaan heerkii ugu wannaagsanaa. Sida caadada ahba Trump wuu inkiray shaqadii Obama ee 8 sanno soo socotay, wuxuu sheegtay xishood la’aan in uu asaga 2 sanno gudahooda ku kobciyay dhaqaalaha. Koboc dhaqaale waa wax lagu farxo laakiin falcelinta ka dhalatay sheegashada Trump ayaa waxay keentay in dad badan oo caan ah, siyaasiyiin iyo wariyayaal, in ay burbur dhaqaale oo ku habsada dalkooda Maraykan ay ku duceystaan. Bill Maher oo ah daadihiye barnaamij caan ah ayaa yiri: “waxaan jeclaan lahaa in uu dhaqaalaha dhulka galo, la waayo shaqo, sayladaha ay sabbeeyaan, si shacabku ay u dhibtoodaan, kaddibna ninkaan madaxa jaalaha leh bannaanka loo tuuro”. Derek Thompson oo ah wariye ka tirsan wargeysa Atlantic ayuu wuxuu qoray maqaal cinwaankiisu yahay, “walaalyaalow dhaqaalo burbur ha ku duceysanina”. Aqoonyaho, indheer.garad, macallimiin jaamacadeed, siyaasiyiin kuwii ugu garashada badnaa ayaa aad ugu faraxsan is qab qabbsiga dhaqaale ee Shiinaha iyo.Maraykanka bal haddii uu burbur dhaqaale uu u keenni karo dalkooda oo shacabka dhib ku ah balse ay u arkaan xannuun gaaban oo gaarsiinaya guul ah in ay Trump dhaafiyaan Aqalka Cad. Waxa ugu qaalisan ee uu dal leeyahay haddii la arko in uu qof si shakhsi ah uga faa’ideysanayo, in dad badan oo qiima leh ay duruufta ku kalifayso in ay yiraahdaan: “Inta uu Farmaajo libinta u isticmaali lahaa siyaasad, badyahay jinni laguu xukun”. Sidoo kale waa la mid maamulkii Xasan Sheekh, waa in aysan sheegasho siyaasadeed ka dhigan libin laga soo helo maxkamadda! Sida goolkii wiilkii asagoo qarankiisa u dhidhidaya dhaliyay siyaasad ahaan loogu isticmaalay, yaanan qaddiyadda badda ee na mideysa loo isticmaalin. Bad ka weyn baan u bi’inay yuusan hebel iyo asxaabtiisa keligood macaashin; waxaana u duminay qaran, waxaana nooga dhintay dad fara badan, welina kabasho ayaan ku jirnaa. In guud ahaan midnimo aan gaarno, qeybsanaantana iska deyno, waxay ka billaabanaysaa ugu yaraan in aan qeybin ka ilaalino meelaha ay midnimadu ku dambeyso, qaddiyadda badda iyo xulka qaranka waa ka kow! Inta hartay dacarta ka daaya! W/Q: Hassan Adam Hosow AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. Wasiirka wasaaradda kaluumeysiga iyo kheyraadka ee Puntland Faarax Maxamuud Cawasah ayaa sheegay in ay qabteen Doomo kaluumeysi sharci darro ahi ka waday Badda, waxaa uuna tilmaamay wasiirku in ay dhisi doonaan iskaashi kaluumeysi si wax looga qabto dadka sida aan sharciga aheyn uga faa’ideysta kheyraadka badda Soomaaliya. Wasiirka ayaa xusay ilaa iyo hadda in Puntland ay gacanta ku soo dhigtay dhowr Doonyood oo ku eedeysan kaluumeysi shaci darro ah, waxaana uu yir” Muddadii hadda aan joognay waxaan soo qabanay oo aan ganaaxnay ilaa 7 doon oo aan goobo kala duwan aan ku soo qabanay, qaarkood xeebta ayey aad ugu soo dhawaadeen, taas sharciga ma ogol yahay in xeebaha ay ka kaluumeysaan dadka deegaanka oo doomaha yar yar ay kaga kaluumeysan karaan mar haddii shabaak yahooda ay ka jiiraan oo ay aad ugu soo dhawaadan, kuwana shatti la’aan ayeey ku kaluumeysanaayeen” Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay dhisaan iskaashatada kaluumeysiga ee deegaanada ku xeeran badda ee Puntland, asaga oo ku macneeyay u jeedku inuu yahay in is kaashatadu ilaaliyaan kheyraadka deegaanka, waxaana uu yiri “ wasaaraddu waxaa horay ay u soo dhistay afar iskaashato oo kala ah Boosaso, Eyl, Beyla, iyo Garacad, tii shanaad waxaa noqoneysa Baargaal oo hadda doorashadeeda ay dhaceyso, ujeedkuna waxaa waaye in dadkii dan yarta ahaa doomaha iska lahaa guddi u sii shaqeeyo kaluunkii soo qabta ammaankana wax ka ilaaliya” Dhanka kale wasiirka kaluumeysiga dowlad gobaleedka Puntland Faarax Maxamuud Cawaashe, ayaa ka warbixiyay shatiyada wasaaraddu ay siiso Doomaha shisheeye ee kaluumeysta oo cabasho badan ay ka keeneen kaluumeystada yaryar,waxaana uu yiri” Shattiga wasaaraddu ay bixiso waa mid sharciyeeysan waxaa uuna soo maraa wasaaradda maaliyadda oona soo daabacda, annagu waan codsannaa tiro number go’an, doontu marka ay timaado shaqaalaha wasaaradda ayaa fuula codsi ayeey marka hore soo qorataa oo waa ay timaadaa waxaa la hubiyaa tankeeda waxaa la hubiyaa shabaagada nuuc Loo ogol yahay mayahay waxaa la hubiyaa nuuca ay rabto in ay u kaluunmeysato markaas ayaa la’ siiyaa nidaamka kaluumeysiga iyo xeerrka wasaaradda” Ugu danbey wasiirka ayaa sheegay in waasarad ahaan ay ka go’an tahay in iskaashaqada heer gegmo ilaa heer gobol la gaarsiiyo si ugu dabnbeyn loo helo iskaashato ay midaysan yihiin dhammaan kaluumeysatada reer Puntiland waxaana uu yiri” Hadda waxaan dhiseynaa iskaashato heer degmo afar ayaan horay u soo dhisnay Baargaal ayaa shank u ah ka dib waxaan sameyn doonaa heer gobal ka dibna waxaan rabnaa mid guud oo Puntland, daladda iskaashada ee Puntland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  6. Garoowe (SMN) – Taliyaha ciidamada difaaca Puntland, S/gaas Yaasiin Cumar Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana xiriir la leh maamulka Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Taliye Yaasiin Dheere ayaa xusay in xubnaha la qabtay ay qirteen inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, islamarkaana ay isbaheysi la yihiin Somaliland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xubnahan oo lagu qabtay degmada Baran, iyaga oo wata gaari nooca raaxada ah haatan uu ku socdo baaritaan dheeraad ah. Dhowaan ayey aheyd markii Puntland ay shaacisay in ciidanka Soomaliland iyo Al-Shabaab oo wada socda ay dulaan ku yihiin gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. View the full article
  7. Muqdisho (SMN) – Wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Sadiiq Warfaa ayaa maanta shir muhiim ah ka daah-furay gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya hay’adaha horumarinta dhaqaalaha ka taageera Soomaaliya, xubno ka socda wasaaradaha heer federaal iyo heer dowlad goboleed, iyadoona diirada lagu saarayo arrimaha kobaca dhaqaalaha dalka. Sidoo kale waxaa shirkan looga hadlayaa barnaamijka shaqo abuurka dhalinyarada, si loo hubiyo shaqaaleysiinta dhalinyarada Soomaaliyeed. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
  8. Guriceel (SMN) – Wararka naga soo gaaraya G/ Galgaduud ayaa sheegaya in maanta kooxa hubeysan qof shacab ahaa ay ku dileen degmada Guriceel ee gobolkaasi. Dilka oo ka dhacay xaafadda tuulo Gaabey oo ka tirsan degmadaasi ayaa la sheegay in loo geystay nin ka mid ahaa dadka deegaanka. Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in dilkan uu salka ku hayo aano Qabiil , iyadoona raggii fuliyey ay goobta isaga baxsadeen. Saraakiisha ammaanka ee Galmudug ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan dilkaasi, balse waxa ay sheegeen inay ku raad joogaan kooxihii ka dambeeyey falkaasi. Maalmihii dambe ayaa waxaa siyaabo kala duwan gobollada Mudug iyo Galgaduud uga dhacayey dilal ay geysanayeen maleeshiyaad ku sugan gobolladaasi. View the full article
  9. At least one person was killed and two others injured in a blast in Somalia's capital Mogadishu on Monday, the police and witnesses confirmed. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax maanta sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliyeed agagaarka dekedda weyn ee M/ Muqdisho. Qaraxa oo ahaa midka lagu dhajiyo baabuurta ayaa waxaa gaarigiisA loogu xiray sarkaal lagu magacaabo Jeneraal Maxamed Cabdulle Dhoore. Wararka qaar ayaa sheegaya in dhaawac culus uu soo gaaray sarkaalkaasi oo arrimaha dibadda u qaabilsanaa Booliska Soomaaliyeed. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya. Qaraxan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe ay howlgallo ballaaran ka socdeen gudaha magaalada Muqdisho. View the full article
  11. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-09092019.mp3 View the full article
  12. Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee gobalka Sool ayaa sheegaya inuu dagaal ku dhex marayo gudaha magaalada ciidamada ka tirsan Soomaaliland iyo dadka shacabka ah. Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii wasaaradda howlaha guud ee Soomaaliland oo wadata ciidamo ay bilowday duminta dhul ay ku sheegtay in ay waddo marto, markaas ka dib waxaa dagaal kala hor yimid ciidamadii burburinta waday iyo dadka shacabka ee dagana guryaha la duminayay. Wararka ay Goobjoog News ka helayso magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in rasaasta ay labada dhinac ee ciidamada Soomaaliland iyo dadka ka soo horjeeda in la dumiyo guryahooda ay is ku adaeegsanayaan laga maqlaayo xaafadaha kala duwan ee magaalada . Ilaa iyo hadda waxaan la ogeyn khasaaraha dhashay ee dhaawac iyo dhimasho madaama wali labada dhican ay dagaalamayaan, lakiin waraka qaar ayaa sheega inuu jiro dhaawacyo soo gaaray dadka shacabka ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. A Somali police General reported injured after an explosive device connected to his car exploded somewhere near the seaport in Mogadishu on Monday morning. Some reports indicate that General Mohamed Abdulle Dhoorre was in the car while fueling up at a petrol station at the time of the explosion. After the explosion, Somali Police forces reached and cordoned off the area before transporting the General Dhoorre along with one of his bodyguards who were also injured to the hospital. The police continue to search in the scene of the incident to investigate the explosion, and there are no reports from the police for now. Last month, former secretary of Banadir regional administration Mohamed Amin was killed in such car bombing near KM4 junction in the capital of Mogadishu. The attack was claimed by Al-Shabaab. It became quite familiar with this type of assassinations to target government members in Mogadishu which always leads to death or heavy injuries View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa lacag boqolaal kun oo dollar ah siisay dagaalamayaasha Al-Shabaab oo dhawaan hakiyay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, sida ay ogaatay Caasimada Online. Al-Shabaab ayaa todobaadyo ka hor joojiyay dhismaha wadadaan kadib markii ay u hanjabeen shaqaalaha dhismaha iyo shirkadda qandaraaska qaadatay. Caasimada Online ayaa ogaatay in lacag ka badan nus milyan ay Al-Shabaab ka qaateen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Qatar oo maamulaya dhismaha wadadaan, si loo fasaxo islamarkaana dib loogu billaabo. Lacagta ayaa la rumeysan yahay in lasoo mariyey shirkadda dhiseysa waddada. Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in hadda ay dib u bilaabatay dhismaha waddada, islamarkaana ay dowladda Qatar bixisay lacagtaasi. Qatar waxay lacagtaan bixisay kadib markii ay shaqada socon waysay, waxaana sidoo kale Dowladda Soomaaliya ay ogolaatay in lacagta la bixiyo maadaama aysan awoodin ilaalinta wadada haddii la dhiso iyo inta dhismaha socdaba, iyo xaqiiqda ah inay dooneyso in waddada la dhiso. Al-Shabaab ayaa shirkadda dhismaha wadda u sheegay in wadadaan aysan dhisnaan doonin hadii ay shaqada dhamaato, sidoo kalane ay soo weerari doonaan inta shaqada socoto waxayna arintaasi sababtay in dhismaha istaago. Lacagta Qatar ay siisay Al-Shabaab ayaa imaneysa xilli 22-kii uu wargeyska New York Times ee Mareykanka daabacay in ganacsade xiriir la leh amiirka Qatar uu safiirka Qatar ee Soomaaliya u sheegay in weerar ka dhan ah Imaaraadka Carabta bishii May laga fuliyey magaalada Boosaaso, ayada oo loogu daneynayo Qatar. Bishii June, dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxrayn ayaa xiriirka u jaray Qatar ayaga oo ku eedeynaya inay xiriir la leedahay, islamarkaana taageerto kooxaha argagixsada caalamiga ah. Lacagta iminka Qatar ay siisay Shabaab, iyo eedeymaha la xiriira ku lug lahaanshaha weerarkii bishii May ee Boosaaso, ayaa sii kordhinaya tuhunka laga qabo in Qatar ay mala-geliso argagixisada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. (SLT-Israel)-Kooxda Xizbullah ayaa maanta sheegtay in dagaal-yahannadeeda ay koonfurta Lebanon kusoo rideen diyaarad aan duuliye lahayn (Drone), oo ay lahayd Israa’iil. Bayaan kasoo baxay kooxdan ayaa lagu sheegay inay “hub ku habboon” u adeegsatay soo ridista diyaaradda, islamarkaana ay hadda gacanta ku hayso. Millatariga Israa’iil ayaa sidoo kale ku warramay in mid ka mid ah diyaaradahooda drone-ka lagu soo riday isla aagaas, hase yeeshee ma aysan shaacin waxa sababay. Israa’iil waxa ay sheegtay inay ahayd “diyaarad iska fudud”, islamarkaana aysan jirin wax walaac ah oo ku saabsan in xog muhiim ah laga helo. Hoggaamiyaha Xizbullah, Xassan Nasrallah ayaa bishii tagtay ka digay in dagaal-yahannadiisa ay weerari doonaan diyaarad kasta oo Israel ay leedahay oo soo gasha hawada Lebanon. Dhacdadan ayaa timid kadib markii Xizbullah iyo ciidamada Israel ay markii ugu horreysay muddo sanado ah is-weydaarsadeen rasaas kadib markii Xizbullah ay gantaallada lidka taankiyada ku weeraray Israel, Israal-na ay ku jawaabtay gantaallo kale. Labada dhinac ayaa waxaa sanaddii 2006 dhex-maray dagaal socday bil. Source
  16. Female soldiers serving in the Kenyan contingent of the African Union Mission in Somalia (AMISOM) have launched an initiative to support families affected by drought in southern Somalia. On Friday the troops distributed rice, sugar, beans, biscuits, fruit and other food items to about 150 households. Most of the beneficiaries were widows, orphans, and the elderly. The commander of the AMISOM Kenyan contingent, Brig. Gen. Dickson Ruto oversaw the distribution. Brig. Gen. Ruto said that his contingent would partner with community-based organisations to deliver food and medical services to families in need. He added that the AMISOM female troops would jointly implement the initiative with their female counterparts in the Somali National Army (SNA) and Jubbaland state security forces. “There is a serious drought across Somalia. It is important that we focus on the less privileged, particularly widows, orphans, and internally displaced persons who don’t have enough food at this very critical moment,” said Brig. Gen. Ruto. The Administrator of Dhobley Town, Siyad Mohamed Hassan was grateful for the initiative, and called for more cooperation between AMISOM and local authorities in order to secure and help develop the area. “We request that such efforts should not stop here. We should collaborate and participate in other areas such as public health and sanitation, sports, education, and rehabilitation of our roads,” added Siyad. Nimo Abdi Bule, a member of the Daryeel Women’s Group in Dhobley and herself a beneficiary, said, “We are thankful to Allah, and appreciate the assistance from AMISOM.” Capt. Lynette Rachi, who commanded the females within the AMISOM Kenyan contingent said the food donation would offer relief to vulnerable families, especially mothers, affected by the drought conditions. “At the end of the day, all that a mother needs is to put food on the table for her children. So, the little we were able to get from the AMISOM headquarters, we were happy to share and have a great day together,” said Capt. Rachi. View the full article
  17. 9th September 2019 War-saxaafadeed Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay canbaaraynaysaa xiyiraada Horyaal TV iyo Hadhwanaagnews, iyo xadhiga weriye Sayid Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay canbaaraynaysaa xayiraada la saaray telefishanka madaxa banaan ee Horyaal iyo websiteka Hadhwanaagnews. 6, September 2019, Booliiska Somaliland waxay albaabada u laabeen xarunta telefishanka madaxabanaan ee Horyaal. Waxaa sidoo kale la xidhay mulkiilihii telefishanka, Maxamed Cismaan Mire “Sayid” 7dii September. Majirto sabab cad oo ilaa iyo hada boolisku usheegeen telefiishanka ay xidheen. Maalintii 5ta bisha Booliisku waxaay waraysi ka qaadeen weriye Sayid oo ay wax ka waydiiyeen barnaamij hordhiciisu ka baxay telefishanka oo ku saabsan haweenka qaadka cuna. Ma jirin wax qoraallo ah oo ka soo baxay Maxkamad ama hay’ad maamul oo la tusay madaxda telefishanka la xayiran. Sidoo kale 3, September 2019, Maxkamadda Gobolka Hargaysi, waxay amartay in la xayiro shabakada Hadhwanaagnews kadib markii ay daabacday warar sheegaya in Gudoomiyaha Baanka Dhexe Somaliland lala xidhiidhinayo eedo musuqmaasuq. Gudoomiyuhu wuu diiday eedahaas. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay si adag u canbaaraynaysaa xayiraadahaas la saaray Horyaal iyo Hadhawanaang iyo xadhiga mulkiilaha Horyaal TV, oo xadgudub ku ah xorriyadda saxaafadda ee ay damaanad qaadeen dastuurka Somaliland iyo xeerarka caalamiga ahiba. Telefishanka iyo website ka lamana siin fursad ay isku difaacaan. Xayiraadaha ay dowladdu saarto saxaafadu waa dhibaato xuquuqal insaan oo walaaceeda leh. Saxaafadda madaxbanaani waxay laf-dhabar u tahay horumarka umadda iyo dimoqraadiyadda . Sida ku cad qodobka 32 ee dastuurka waxa mamnuuc ah dhamaan ficilada cabudhinaya saxaafadda. Xayiraada telefishanka Horyaal iyo Hadhwanaagnews waxay xadgudub cad ku tahay xorriyadda saxaafadda iyo saraynta sharciga. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay u soo jeedinaysaa dawladda Somaliland: 1. Inay xayiraadda ka qaado telefishanka Horyaal iyo Hadhwanaagnews, siina dayso mulkiilaha TV ga Horyaal, Mohamed Osmaan Mire “Sayid” oo ay u ogolaato inay hawshooda wataan. 2. Inay joojiso cabudhaada joogtada ah ee ay ku hayso warbaahinta. Yaasmiin Cumar Xaaji Maxamuud Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka Mobile: +252 (0)634472011 http://www.hrcsomaliland.org/ Human Rights Centre condemns the closure of two media houses and detention of journalist Human Rights Centre condemns the closure of Horyaal TV station, the detention of its owner and the blocking order against Hadhwanaagnews website. On 6th September 2019, about 5:30 pm, the police arrived at the headquarters of Horyaal Tv and ordered the staff to leave the office. In the next morning, 7th September, journalist Mohamed Osman Mire “Sayid”, the owner of Horyaal, has been arrested by the police. No court or administrative order has been shown to the management of the television, editors and journalists present at the time of the closure told Human Rights Centre. On 8th September, Hargeisa regional court remanded Sayid seven days into police custody. No official charges are brought against the journalist and the media house. On 5th September, Sayid was summoned by the police who interrogated him at the Criminal Investigation Department. The police asked him questions related to a television program about Khat chewing among women in Somaliland, Sayid told Human Rights Centre before he was arrested. The police believe that the program was unethical, according to Sayid. On 3rd September 2019, Hargeisa Regional Court issued court decree ordering internet providers to block Hadhwanaagnews after the website published a news article about corruption allegations related to the governor of the Central Bank, Ali Ibrahim Jama. The governor denied the allegation. Some of the internet providers enforced the decree. The court issued its decision upon the request of the police following a complaint submitted by the governor. The court neither heard the argument of Hadhwanaag nor asked evidence. The closure is a violation of freedom of media guaranteed by the Constitution of Somaliland and the international human rights law. “Within a week the government has taken steps shutting down two privately owned media houses. This is a very serious concern. It is against the constitution of Somaliland and international human rights law,” says Yasmin Omar H Mohamoud, the chairperson of Human Rights Centre. Human Rights Centre calls on the government of Somaliland to immediately release the owner of Horyaal tv and to lift the ban from Horyaal and Hadhwanaagnews website. “We call on the government to stop actions that undermine media to work freely without fear of intimidation and harassment,” Yasmin added. Yasmin Omar H. Mohmoud Chairperson of Human Rights Centre Mobile: +252 (0)634472011 http://www.hrcsomaliland.org/ — Yasmin Omar Haji Mohamoud Chairperson of Human Rights Centre Somaliland Qaran News
  18. Garoowe (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland, S/gaas Yaasiin Cumar Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada maamulkaasi ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab, islamarkaana xiriir la leh maamulka Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Taliyaha ayaa xusay in xubnaha la qabtay ay qirteen inay yihiin Al-Shabaab, islamarkaana ay isbaheysi la yihiin Somaliland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xubnahani lagu qabtay agab iyo dhaqaale laga keenay Somaliland, una wadeen buuraha Galgala oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab. Dhinaca kale ma jiro weli wax hadal ah ooka soo baxay dhanka Somaliland oo ku aadan raggaasi ay qabteen ciidamada Puntland. Dhowaan ayey aheyd markii Puntland shaacisay in ciidanka Soomaliland iyo Al-Shabaab oo wada socda ay dulaan ku yihiin gobolka Sanaag. Labadaan maamul oo daris ah ayaa waxa ay isku hayaan gacan ku heynta gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  19. Somali Prime Minister Hassan Ali Khaire has a held a meeting with youth in a farm Baidoa town as he is on a visit to Southwest State in the past few days. During Sunday’s meeting, the members of the youth have briefed the PM about their current needs, including health and education from the Federal government of Somalia. For his part, the prime minister urged the Youth to participate in politics and peace-building efforts in Somalia as the country is on the path to the recovery after decades of conflict. The Somali government is trying to restore law and order in the country and regain territory from Al-Shabab with the help from AU and the US military. Over 70 percent of Somalia’s population is under the age of thirty. View the full article
  20. Muqdisho (SMN) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo goor dhow ka dhacay agagaarka dekedda weyn ee magaalada Muqdisho. Qaraxa uu ahaa mid gaarigiisa loogu xiray sarkaal lagu magacaabo Maxamed Dhoore oo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, kaas oo uu dhaawac soo gaaray. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xilliga uu qarxayey gaariga uu ku sugnaa Kaalin Shidaal oo ku taalla halkaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo muddo kooban hakad galiyey dhaq dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen. Radioshabelle.com kala soco, wixii soo kordha View the full article