Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,399
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho-(Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa doonaya in uu aruuriyo ciidamo Al-Shabaab ka xoreeya magaalooyinka ay ka mid yihiin Ceelbuur, Galhareeri, Jacar, Bargaan iyo Wabxo oo ka tirsan Gobolka Galgaduud. Al-Shabaab ayaa intii ay jireen maamulayey deegaanadaas, oo ay dhamaantood degto beesha uu kasoo jeedo Ra’iisul Wasaare Kheyre, taas oo uur ku taallo ku noqotay. Kheyre ayaa waxuu arrinkaasi ku dhashay labo bilood ka hor markii uu tagay deegaanada Galmudug, oo uu socdaal kusoo wada maray intooda laga xoreeyay Al-Shabaab, taas oo sababtay in waxgaradka iyo siyaasiyiinta beeshiisa ay ku dhiira galiyaan in la sameeyo ciidan xoreeya dhulka cida uu kheyre ku matalo dowladda. Talaabadii ugu horeysay ee uu qaaday Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa eheyd in isagoo joga Dhuusamareeb uu wax garadka beeshiisa ee ku sugan Muqdisho uu ka dalbaday in loo soo aruuriyo dhalinyaro lagu tababaro Galmudug, si markii ay dhamaystaan tababarka loogu xoreeyo dhulka ay ka arimiyaan Al-Shabaab. Caasimada Online ayaa ogaatay in 200 oo Askari oo Kheyre ku heyb ah laga qaaday Muqdisho tababarna loo geeyay Galmudug, kuwaas oo hadda uu tababar uga socdo Dugsi lagu magacaabo Har-qaboobe oo ku yaalla duleedka degmada Gurceel ee gobolka Galgaduud. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa intii uu joogay Galmudug waxa uu isku dayay in ciidamo tababar loo furo uu kasoo qorto deegaanada xorta ah ee Galmudug, balse beelaha qaar ayaa ku fahmay qorshihiisa, halka beelaha qaarna ay ogolaadeen oo ciidamadii laga soo qoray ay tababar ku qaadanayaan Gurceel. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka baaraan dagaya in aysan ku yaraan ciidamadu ayaa saraakiisha Taliska qeybta 21-aad waxa uu amray in ay tagaan gobolka Hiiraan, kana soo qoraan dhalinyaro, iyadoo reer Hiiraan lagu qancinayo inla bilaabayo dagaal saf balaaran ah oo ka dhana Al-Shabaab. Saraakiisha oo fulinaya amarka Kheyre ayaa hadda ku sugan Beledweyne, waxeyna degmooyin badan oo ka tirsan gobolkaas kasoo qoreen dhalinyaro si tababar loogu siiyo Galmudug, waxaana arinkaas kasoo hor jeestay odayaasha iyo waxgaradka reer Hiiraan oo diidan in wiilashooda loo qaado Galmudug. Caasimada Online Xaafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Washington DC (Caasimada Online) – Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa sanadkan sare u kici doona 2.9%, halka sanadkii hore uu ahaa 2.8%, ka hor inta aanu deg deg u gaarin 3.2% illaa 3.5%, saddexda illaa shanta sano ee soo socota, sida uu sheegay Bankiga Adduunka Saadaasha sare u kaca ee saddexda illaa shanta sano ee socota ayaa ku xirnaan doonta sida dalka uu awood ugu yeesho joogteynta is-beddelada dhaqaale ee socda, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Bankiga Adduunka. Dakhliga kasoo xarooda canshuurta ay ururiso dowladda Soomaaliya ayaa sanaddii tagtay sare u kacay 29%, kadib markii dhaqaalaha uu kasoo kabtay abaaro xooggan oo dhacay sanadkii kaas ka horreeyey, islamarkaana dowladda ay is-beddelo ku sameysay siyaasaddeeda canshuuraha. “Inkasta oo horumarkan uu yahay mid dhiir-gelin leh, miisaaniyadda la heli karo si looga soo baxo baahiyaha qarash-gareynta ee qeybaha waxbarashada iyo caafimaadka kuma filna” ayaa lagu yiri qoraalka Banki Adduunka. Banki Adduunka ayaa weydiistay dowladda inay abuurto sanduuq lacageed oo gaar u ah waxbarashada, si dowladda uu ugu ogalaado inay dalalka kale ee gobolka iyo saaxiibada Soomaaliya ka hesho lacag lagu taageero waxbarashada. Sanduuqa Lacagta Adduunka ayaa bishii May sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu ku taagan yahay waddadii saxda, hase yeeshee waxa uu ka digay inuu u baylahan yahay amni-darrada, is-beddelka cimilada iyo saboolnimada. Caasimada Onlone Xafiiska Minneapolis caasimada@live.com
  3. Garbahaarey (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa xoogga dalka oo ku sugnaay saldhiga la weeraray ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerar gaadmo ah oo ay kusoo qaadeen Al-Shabaab, waxaana labada dhinac dhex maray dagaal muddo socday. Al-Shabaab ayaa dib ugu laabtay goobihii ay kasoo weerar tageen oo sidaas aan uga fogeyn magaalada kaddib markii looga awood roonaaday dagaalka oo ay rabeen in ay ku qabsadaan saldhigga, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya. Ciidamadii lagu weeraray saldhigga ayaa soo bandhigay meydka labo ka mid ah dagaalamayaashii ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday saldhigga magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Al-Shabaab wali kama hadlin weerarka ay ku qaadeen Garbahaarey ee ciidamada dowladdu ay sheegeen in ay uga dileen ilaa labo dagaalyahan hubna ay kaga furteen. Al-Shabaab ayaa masaafo ka yar 25-KM u jira magaalada xarunta u ah gobolkaas, waxayna weerarro ka geystaan deeganada ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Caasimada Online Xaafiiska Garbahaarey Caasimada@live.com
  4. Dowladda Soomaaliya waxay xaqiijisay xariga Wasiirkii Amniga ee Jubaland. Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya Sareeye Guuto Zakiya Xuseen, ayaa barteeda Twitter-ka soo dhigtay qoraal ay ku xaqiijinayso in “Ciidanka Boliiska Soomaliyeed ay taariikhdu markay ahayd 31/08/2019, soo xiray eedeeysane Cabdirashiid Xassan Nuur – Janan, kaasoo ku eedaysan dambiyo culus.” Haddaba, xariga Cabdirashiid Xassan Nuur, ma waxuu la xariiraa dambiyo uu galay mise waa mid culeys lagu saarayo maamulka uu ka tirsan yahay ee Jubaland? Fariin caynkee ah ayay diraysaa xariga Cabdirashiid Janan? Durbadiiba, waxaa xarigiisa soo dhoweeyey hay’adda xuquuqda aadamaha ee Amnesty International, kuna tilmaantay tallaabo loo qaaday dhanka isla-xisaabtanka. Eedaymaha loo haysto Cabdirashiid Janan waxaa sal looga dhigay warbixin QM ay soo saartay sanadii 2017. Waxay warbixintu xustay inuu is hortaag ku sameeyey kaalmada bin’aadanimada iyo inuu gaystay jirdil iyo dil intii u dhaxeysay 2014 iyo 2015. Mucaaradka waxaa looga bartay inay dhaleecayaan talaabo kasta oo xukuumada qaado sax iyo khalad! Haddaba, maxay mucaaradka uga aamuseen dhacdadani? Ugu horeyn, xukuumada waxaa ka soo booday neef, waxayna galad u aragtay in AMNESTY soo dhawayso xariga Cabdirashiid Janan. Balse, warbixinta Amnesty waxay af-qabatay mucaaradka! Dowladda waxay cayaartay khamaar siyaasadeed. Waxaase dad badan ka yaabisay dhiiranaanta xukuumada, ayadoo la ogaa culeykii ay kala kulantay xarigii MukhtarRobow. Shaki kuma jiro, in siyaasiyiin badan oo jila masraxa siyaasadda gaysteen gabood falo dhanka xuquuqda aadamaha, haddana moog danbiyadii ay galeen inay diiwaan ku qoran yihiin! Ku-xigeenka Agaasimaha Bariga Afrika, Geeska iyo Great Lakes, Seif Magango ayaa yiri, “Xiritaanka Cabdirashiid Janan, waa tallaabo muhiim u ah dhanka isla xisaabtanka xadgudubyada halista ah ee xuquuqda aadanaha, oo ay geysteen iyadoo aan la ciqaabin muddo sanado ah, shakhsiyaad awood badan oo Soomaaliya ah;” (Amnesty International Org. – September 2, 2019). Balse waxa ugub ah oo ku soo kordhay masraxa siyaasadda, tan iyo intii la xiray Cabdirashiid Janan, ayaa ah in xertii mucaaradka ay kulan la qaateen Raysal-wasaare Kheyre, kalana hadleen arrimaha maamul u samaynta Gal-Mudug, kuna qanceen hanaanka ay xukuumada u daadihinayso howsha. Sidoo kale, waxaa soo ifbaxay in Madaxweyne Xasan Sheikh uu dhan iskaga riixay fikrada sumaysan ee Cabdullahi Maxamed Cali – Sanbolooshe, taas oo ah biseyl siyaasaddeed oo ku soo kordhay Siyaasiyiinta Soomaaliya. Ilo xog-ogaal ah waxay sheegayaan, in maamulka uu ka tirsanaa Cabdirashiid Janan gaysteen danbiyo dhan ka ah xaquuqda aadamaha, tan iyo wixii ka danbeeya doorashadii uu afduubay Axmed Maxamed Islaam-Madoobe. Sida, dadka oo aan khiyaar u laheen inay cabiraan aragtidooda siyaasaddeed, inkastoo taasi ay ka mid tahay xuquuqda asaasiga ee uu damaanad qaadayo dastuurka iyo sharciyada dalka u yaal. Barakacayaasha, ardayda dhigata dugsiyada in lagu qasbo ka qayb galka mudaharaad aysan raali ka ahayn, iyo ganacsatada oo lagu qasbo inay xiraan goobahooda ganacsi si ay qayb uga ahaadaan banaan-baxa lagu taageerayo boob dimuqaraadiyad loo siman yahay. “maamulka Axmed Madoobe waxuu dad badan soo xusuusiyay, una dhaqmaya xilliyadii dalka uu ka jiray hal xisbi,” sidaas waxaa yiri Oday Axmed oo magaciisa runta ah u qarinay sababo la xiriira amnigiisa. Ridwaan Nuur Ibraahim, oo diiday inay qayb ka noqoto banaanbax lagu taageeraye Axmed Madoobe, ayaa lagu dilay Ceelwaaq- Gedo. Banaanbaxaas waxaa soo qabanqaabiye Gaashanle Sare Cabaas Guray oo ah Taliyaha Daraawiishta Jubaland ee Ceelwaaq. Nuur Ibraahim Muumin oo ah aabaha Ridwaan ayaa maxkamada ciidamada qalabka sida ee Muqdisho ka furtay galdacwadeed, si uu cadaalad uga helo gabadhiisa – Ridwaan oo ahayd 16 jir (radio knn August 26 2019). Xariga Cabdirashiid Janan waddada miyay u xaaraysaa in la gaaray xilligii lagu madlanaa in shaahid loo noqdo caddaalad loo siman yahay, haddana shaqaynaysa mise waa xagaayo iyo dhoola tus siyaasaddeed? W/Q: Saciid Cabdisalaam Jamhuriyadda.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  5. MONDAY, SEPTEMBER 9, 2019 By CONSTANT MUNDA More by this Author IN SUMMARY Somalia also faces major problems in providing social services and creating jobs [...] Source
  6. Muqdisho (SMN) – Akhristayaasheena ku xiran website-ka waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Bar___Qubanaha-09092019.mp3 View the full article
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, gaar ahaan golaha shacabka islamarkaana mucaarad ku ahaa xukuumadda Soomaaliya iyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa bilaabay wadahadalo ay kula heshiinayaan xukuumadda. Xildhibaanadaan ayaa bilaabay in ay wadahadalo lagalaan xubno ka socda xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo qaabilsan xiriirka baarlamaanka iyo xukuumadda, waxaana ujeedada ugu wayn ay ku saabsantahay fulinta heshiiyo dangaar ah ku dhisan. Xildhibaanadii mucaaradka ahaa 3-dii sano ee ugu dambeysay islamarkaana u arka in xukuumadda laga raacsanyahay degaanadii laga soo doortay, sida HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa wada dedaalo xoog leh. Caasimada Online, ayaa ogaatay in xubnahaan ay xaqiiqsadeen in dalka ay ka dhici doonto oo kaliya soo xulis baarlamaan ama wax ka agdhow ayna qasabtahay in ay xukuumadda la heshiiyaan si ay ugu soo laabtaan baarlamanka. “Inta badan maamul gobaleedyada waxaa laga dhisay maamulo taageersan xukuumadda, xildhibaanadana waxay ogyihiin in aysan waxba u qaban degaankooda mana qabaan rajo dhanka shacabka ah sidaas darteed waxay raadinayaan in heshiis lagalaan xukuumadda si dib ay ugu soo celiso kursigooda” ayuu yiri qof katirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online. “Marabo inaa hebel iyo hebel ku dhaho, laakiin waad taqaanaa ragii ugu mucaaradsanaa iyo kuwii gadaal ka fadhiyay oo gaaraya 80-100 qof, maalmahaan dhan waan aragnaa qaarkood waa ku guuleesteen halka qaar kalane ay rajo ka qabaan” ayuu yiri qofka aan la hadalnay ee katirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Qofkaan aan la hadalnay oo aan qarinay magaciisa iyo codkiisa, ayaa sidoo kale noo sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay dooneyso waxyaabo badan heshiisyo ah horgeyso baarlamaanka, islamarkaana ay dooneyso in loo fududeeyo ansixinta heshiisyadaas oo qaarkood ay dhici karto in doodo badan ka dhashaan islamarkaana ay ku badalaneyso heshiiska ay la galayso baarlamanka. Soomaaliya hadda kama jiro baarlamaan xor ah oo gudan kara shaqadii loo igmaday, iyadoo ay muuqato in shaqada baarlamanka ay hadda gacanta u gashay xukuumadda Soomaaliya, islamarkaana rabateenkeeda ay ku shaqeeyaan tan iyo wixii ka dambeeyay is-casilaadii prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  8. Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta dhagax dhigay dhisma waddo 1,500 oo mitir oo dhex marta magaalada Beydhabo, si ay qayb uga qaadato fududeynta isu-socoka bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha. Dhismaha wadada oo ay fulineyso dowladda federaalka ayna maal gelineyso dowladda Norway ayaa inta la dhisayo waxaa ka shaqeynaya 500 oo shaqaala dadka deegaanka ah oo ay shaqo abuur u noqoneyso. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhanka kale, xarigga ka jaray ceel biyood ay dhistay Save the Children oo kamid ah mashaariicda horumarineed ee magaalada Beydhabo laga hir-geliyay kaas oo si lacag la’aan ah biyaha uga cabayaan 4,000 oo qoys oo ku nool xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. African Development Bank wins prestigious procurement award The first multilateral development bank achieving CIPS Procurement Excellence – silver award Abidjan, Côte d’Ivoire, 9 September, 2019 – The African Development Bank has been recognised for procurement excellence by the Chartered Institute of Procurement & Supply (CIPS), the world’s largest professional body for procurement and supply management professionals, with offices all over the world including Africa. The Bank was awarded a silver award at advanced standard level following the CIPS Procurement Excellence Programme, for having successfully developed its corporate procurement processes from an operational focus to managerial and strategic, building performance, capability and value. The Bank is the first multilateral development bank in the world to receive this recognition. Mateus Magala, Vice President for Corporate Services and Human Resources at the Bank commented: “Winning this globally-recognised award is welcome news and we are delighted to be commended for demonstrating advanced levels of corporate procurement capability.” The Bank ensures that special attention is paid to economy and efficiency in its procurement processes, both internally and externally across bank-funded projects. Transparency and open competitive procedures for procurement of goods, works and services are also essential. The Bank has been proactive in enhancing its corporate procurement processes and pinpointing the procurement department’s role as a fundamental activity in its strategic operations. “We have made significant progress in improving corporate procurement performance to catalyse the Bank’s efforts in achieving sustainable development and poverty reduction on the continent,” Magala added. Alan Martin, Head of Procurement Excellence said, “Sincere congratulations for achieving the CIPS Procurement Excellence Award at advanced standard silver level. It’s clear that the Bank has the right procurement governance mechanisms in place for effective supply assurance and compliance. We hope the Bank will continue to effect change while adding value from procurement processes.” The CIPS Procurement Excellence Programme is an in-depth benchmarking process measuring an organisation’s procurement function against CIPS world-class standards of excellence and its global framework. Qaran News
  10. MOGADISHU (HOL) - Somali government has dismissed as ‘falsehoods’ reports that the militant group Al-Shabaab has ordered the stoppage of reconstruction works at the national stadium in Mogadishu vowing it is committed to finishing the project according to plan. Source: Hiiraan Online
  11. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo safiirka Ingiriiska u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Ben Fender. Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay weftiga Ingiriiska, ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xidhiidha xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Ingiriiska, ammaanka guud ee mandaqadda, doorashooyinka, mashaariicda horumarineed iyo wada-hadallada dalalka Somaliland iyo Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dawladda Ingiriiska uga mahadnaqay taageerada ballaadhan ee ay la barbar taagan yihiin Somaliland, waxana uu u sheegay inay Somaliland ka go’an tahay adkaynta xidhiidhka beesha caalamka, sidoo kalena wada-hadallada dalalka Somaliland iyo Soomaaliya ay xukuumad ahaan ka taagan yihiin mawqifkii iyo shuruudihii ay beesha caalamka Somaliland hore ugu bayaamisay. Dhankooda, waxa ay weftigu ku bogaadiyeen Somaliland horumarka laga sameeyey qabsoomidda doorashooyinka iyo sida ay shacab iyo dawladba diyaarka ugu yihiin geeddi-socodka Dimuqraaddiyadda ee dhinacyada doorashooyinka iyo horumarka. Ugu dambayntii waxa ay madaxweynaha iyo madaxa hay’adda dalka Ingiriiska u qaabilsan kaalmooyinka caalamiga ah ee DFID Mr. Damon Bristow kala saxeexdeen wejiga labaad ee kaalmada dalka Ingiriisku kaga qayb-qaadanayaan sanduuqa hormarinta Somaliland (SDF) ee lagu maal-geliyo mashaariicda horumarineed ee dalka laga fuliyo, waxa kale oo ay goobta ku kala saxeexdeen heshiis lagu horumarinayo khayraadka Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah, Horumarinta maaliyadda iyo la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha. Dhinaca weftiga waxa kulanka qayb ka ahaa madaxa xafiiska Ingiriiska ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wakiilka hay’adda DFID ee Somaliland. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
  12. Waxaa maanta magaalada Hargeysa ee caasimadda Soomaaliland gaaray wafdi uu hoggaaminaayo safiirka Soomaaliya u qaabilsan dowladda Ingiriiska Amb. Ben Fender, waxaana garoonka diyaarada Cigaal ee magaalada Hargeysa ku soo dhoweeyey madax ka trirsan Soomaaliland. Safiirka ayaa waxaa safarka ku wehlinaayay u qaabilsanaha dowladda Ingiriiska kaalmooyinka caalamiga ah ee DFID Mr. Damon Bristow, waxaana ay kulan kula qaateen xarunta madaxtooyada madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi. Sidoo kale Safiirka ayaa madaxweyne Muuse Biixi kala hadlay arrimo ku aaday doorashooyinka dhowaan ka qabsoomaya Soomaaliland, wafdiga ayaana boggaadiyey horumarka Soomaalinland ay uga gaareen dhanka doorashooyinka iyo sida ay ugu sii tilaabsanayan dimoqoraadiyadda ee dhanka horumarka iyo doorashooyinka. Dhanka kale safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Amb. Ben Fender ayaa madaxweyne Biixi kala hadlay sidii Soomaaliland ay markale ugu soo laaban laheyd miiska wada haladii kala dhaxeeyay Soomaaliya oo hakad ku jiray muddooyikii danbe. Ugu danbey uqaabilsanaha dowladda Ingiriiska kaalmooyinka caalamiga ah ee DFID Mr. Damon Bristow, iyo madaxweyne Muuse biixi ayaa kala sixiisday wajigii 2aad kaalamada dowladda Ingiriiska kaga qeyb qaadaneyso sandanduuqa horumarinta Soomaaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Baydhabo (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya Xasan Cali Khayre, ayaa maanta dhagax dhigay dhisma waddo 1,500 oo mitir oo dhex marta magaalada Beydhabo, si ay qayb uga qaadato fududeynta isu-socoka bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha. Dhismaha wadada oo ay fulineyso dowladda federaalka ayna maal gelineyso dowladda Norway ayaa inta la dhisayo waxaa ka shaqeynaya 500 oo shaqaala dadka deegaanka ah oo ay shaqo abuur u noqoneyso. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhanka kale, xarigga ka jaray ceel biyood ay dhistay Save the Children oo kamid ah mashaariicda horumarineed ee magaalada Beydhabo laga hir-geliyay kaas oo si lacag la’aan ah biyaha uga cabayaan 4,000 oo qoys oo ku nool xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed. View the full article
  14. Muqdisho (SMN) – Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa waxa uu magacaabey Guddiga ku meel gaarka Tacliinta Sare ee dalka. Halkan hoose ka akhriso magacyada Guddiga View the full article
  15. Muqdisho (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta booqasho ugu tegay 415 Aaskar Booliis ah oo tababar uga socdo magalaada Beydhabo, loona diyaarinayo ka qayb qaadashada sare u qaadidda amniga dalka. Khayre oo uu wehliyo madaxweynaha dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan, si ay ugu fududaato u adeegidda bulshada Soomaaliyeed. Ciidamada oo Ra’iisul Wasaaruhu booqday ayaa marka ay dhameystaan tababarka waxaa loo qeybinayaa qayb ka ku biirta howl gallada amniga lagu sugayo iyo qayb tababar dheeraad ah la siiyo si ay ugu mid noqdaan ciidamada booliiska gaarka u tababan. View the full article
  16. Muqdisho (SMN) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-SHabeen-09092019.mp3 View the full article
  17. Somalia's economy is expected to grow by 2.9% this year, from 2.8% last year, before growth quickens to 3.2-3.5% in the medium term, the World Bank said on Monday. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda soomaaliya ayaa beenisay wararka sheegaya in Al-Shabaab ay joojiyeen dhismaha iyo dayactirka lagu waday garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho. Garoonka Stadium Muqdisho waxaa galabta booqday ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi MAXAMED guuleed (Khadar) oo ay wehlinayeen wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye, wasiirka warfaafinta Maareeye iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish iyo ku-xigeenkiisa amniga iyo siyaasada Maxamed Cabdullaahi Tuulax. Wasiirka wasaaradda warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in howlihiidhismaha iyo dayactirka ee Stadium Muqdisho ay si caadi ah u socdaan, isla markaana ay been abuur tahay inay Shabaab joojiyeen. Maareeye ayaa sheegay inaysan jirin cid joojin karta shaqada ka socota garoonka. Maareeye ayaa sheegay inuu warbaahinta gaarka loo leeyahay iyo dadka uu ugua digayo baahinta warar uu sheegay inay yihiin been abuur. Maareeye waxa kale oo uu sheegay in sidoo kale ay baaritaano ku sameyn doonaan shirkadda heysata qandaraaska dhismaha, isla markaana ay wax ka weeydiin doonaan arrimhaasi. Warka ku saabsan in shaqada lagu joojiyey amar, oo markii hore uu baahiyey taleefishinka Universal ayaa laga soo xigtay shirkadda dhismaha iyo qaar ka mid ah shaqaalaha, oo hanjabaado ka helay. Maadaama Shabaab aysan markii horeba awood ciidan oo ay garoonka ku qabsadeen ku joojin dayactirka, tagitaanka xubnaha dowladda ee garoonka caddeyn uma noqon karaan inaan la joojin, waxaana lagu kala ogaan doonaa sida ay shaqada u socoto maalmaha soo socda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  19. MOGADISHU (HOL) - The militant group Al-Shabaab has ordered a construction company reconstructing the National Stadium in Mogadishu to cease operations, local media reports indicate. Source: Hiiraan Online
  20. (SLT-Hargeysa)-Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Md Axmed Cabdi Dheere ayaa waxaa uu soo dhaweeyey isla markaana wax lagu farxo ku tilmamay heshiiskii shalay xisbiyada Mucaaridku ku ogolaadeen in kominshanka doorashooyinku ahaadaan 7 xubnood isla markaana doorashadii wakhtigeedii qabsoonta Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa waxaa uu cadeeyey in arinta saami qeybsigana uu qaranku xal ka gaadhi doono Ugu danbeyn gudoomiyaha oo ka jawaabaya su,aal la weydiiyey ayaa sheegay in xilka gudoomiye nimada Kulmiye cid lagu wareejinayaa aaney jirin isla markaana reero isku wareejinayaa aaney jirin balse cidii noqon laheyd gudoomiyaha xisbiga uu shirweynaha xisbigu go,aamin doono Source
  21. (SLT-Hargeysa)-Wasaaradda Warfaafinta Ee Somaliland ayaa ku amartay maamulka Tv-yada madax banaan ee ka hawl gala gudaha somaliland inay kala saaraan wararka somaliland iyo Somalia. isla markaana ay soo hor mariyaan,wararka somaliland. Source
  22. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Safiirka Ingiriiska U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliy Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo safiirka Ingiriiska u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Ben Fender. Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay weftiga Ingiriiska, ayaa diiradda lagu saaray arrimo la xidhiidha xoojinta xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Ingiriiska, ammaanka guud ee mandaqadda, doorashooyinka, mashaariicda horumarineed iyo wada-hadallada dalalka Somaliland iyo Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu dawladda Ingiriiska uga mahadnaqay taageerada ballaadhan ee ay la barbar taagan yihiin Somaliland, waxana uu u sheegay inay Somaliland ka go’an tahay adkaynta xidhiidhka beesha caalamka, sidoo kalena wada-hadallada dalalka Somaliland iyo Soomaaliya ay xukuumad ahaan ka taagan yihiin mawqifkii iyo shuruudihii ay beesha caalamka Somaliland hore ugu bayaamisay. Dhankooda, waxa ay weftigu ku bogaadiyeen Somaliland horumarka laga sameeyey qabsoomidda doorashooyinka iyo sida ay shacab iyo dawladba diyaarka ugu yihiin geeddi-socodka Dimuqraaddiyadda ee dhinacyada doorashooyinka iyo horumarka. Ugu dambayntii waxa ay madaxweynaha iyo madaxa hay’adda dalka Ingiriiska u qaabilsan kaalmooyinka caalamiga ah ee DFID Mr. Damon Bristow kala saxeexdeen wejiga labaad ee kaalmada dalka Ingiriisku kaga qayb-qaadanayaan sanduuqa hormarinta Somaliland (SDF) ee lagu maal-geliyo mashaariicda horumarineed ee dalka laga fuliyo, waxa kale oo ay goobta ku kala saxeexdeen heshiis lagu horumarinayo khayraadka Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah, Horumarinta maaliyadda iyo la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhaqaalaha. Dhinaca weftiga waxa kulanka qayb ka ahaa madaxa xafiiska Ingiriiska ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Wakiilka hay’adda DFID ee Somaliland. ALLAA MAHAD LEHMaxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL Source
  23. The Deputy Chairman of Jubaland Independent Electoral Commission, Ahmed Mohamur Omar, told the media representatives in Kismayo that efforts made by Federal Member State to secure the release of its Security Minister currently in detention in Mogadishu had ended in failure. Omar said that meetings Jubaland Administration held with Federal Government officials and officers from the national intelligence agency ended in a deadlock following unrealistic conditions set by the federal government to release Jubaland Security Minister, Abdirashid Hassan Nur. Nur was travelling by an Ethiopian airplane that was forced to go through Mogadishu as a part of new guidelines to curtail aviation privileges of Jubaland after the outcome of Jubaland election results that the Federal Government of Somalia declined to recognise. Federal Government Police in Mogadishu took Jubaland Security Minister into custody. Omar described conditions for release as “divisive”. PUNTLAND POST The post Federal Government Sets Undisclosed Conditions to Release Security Minister appeared first on Puntland Post.
  24. The former Minister of Planning Ministry Abdirahman Aynte has expressed dismay at the leadership style of leaders of the Somali Federal Government, reports Jowhar.com “Somali federal leaders subscribe to the view that politics is zero sum game at a time the country needs conciliatory approach” Ayte said. Ayte said Somalia is not at a stage where defeating the political opponent is the solution. “Collective leadership is the necessary path” he added. The continued tussle between the federal government and federal member states, according to Aynte, is a product of the leadership style the incumbent federal leaders have adopted. Aynte has pointed out that deteriorating security situation had become a boon for Al-shabaab, which levies tax on Mogadishu businesses. Comments of the former minister will not go down well with the federal government. Aynte was in charge of the preparations for 2017 London Somalia conference. “The President occupies the highest position in the country. He is expected to fulfill the promise he made in Garowe earlier this year to act as reconciler” Ayte said. © PUNTLAND POST The post Aynte: Somali leaders view politics as zero sum game appeared first on Puntland Post.