-
Content Count
209,399 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa saacadaha soo socda ku wajahan gudaha magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Qaban qaabo iyo soo dhoweyn ballaaran oo lagu jiro Ra’iisul wasaaraha ayaa hadda ka socota gudaha magaaladaasi. Dadweyne fara badan oo sita boorar lagu xardhay sawirka Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Xudur ee koonfurta Soomaaliya. Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa in goob fagaare ah uu kula hadlay dadkaasi, sidoo kalena uu booqdo xarumaha ciidamada iyo goobaha muhiimka ee degmadaasi. Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in Ra’iisul wasaaruhu uu dhagax dhigi doono mashaariic horumarineed oo laga fulinayo halkaasi. Ammaanka ayaa loo adkeeyey, iyaoo ciidamo dheeraad ah lagu arkayo jidadka magaalada, maadaama booqashada Khayre ay tahay tii ugu horreysay ee gobolka Bakool. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
An impassioned storm was recently ignited on social media by reports that two chiefs had been arrested in Wajir county amidst allegations of inflating population figures in the national census, a rather interesting departure from the typical indifference that generally greets reports of wrongdoing in the conduct of public affairs. Source: Hiiraan Online
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland ayaa heshiis cusub oo dhinaca horumarinta ah la saxiixday dowladda Ingiriiska, kadib markii ay dhowaan Somaliland ka hortimid mashuruuc loogu magac daray marxuum Injineer yariisow, kaas oo laga fulinayo magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera. Heshiiskan ayaa waxaa dowladda UK u qalinka ugu duugay madaxa hay’adda DFID, Mr. Damon Bristow. War ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu faah faahiyey waxyaabaha uu la xariiro heshiiskaasi. Qaraalka ayaa lagu sheegay in heshiiska wajigiisa labaad ee kaalmada Britain ay kaga qayb qaadaneyso sanduuqa hormarinta Somaliland iyo sidoo kale kobcinta kheyraadka Tamarta ee maamulkaasi. Heshiiskani ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu xafiiskiisa kula kulmay safiirka UK ee Soomaaliya, Ben Fender. Labada ma’suul ayaa ka wada hadlay arrimo la xariira wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Ciidamo ka tirsan dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo ku wa Al-shabaab ayaa habeenimadii xalay ku dagaalamay degmada Garbahaarey ee gobalka Gedo. Dagaalkan ayaa yimid ka dib markii ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen saldhigga degamada, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo labada dhinac u dhaxeeyey, oo kala ah ciidamada xogga iyo kuwii weerarka soo qaaday. Qof ka mid ah bulshada ku dhaqan dagmada Garbahaareey ayaa Goobjoog News u sheegay inuu jiro khasaare ay arkeen oo ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay saldhigga degmada Garbahaarey ee gobalaka Gedo. Sidoo kale, waxaa uu sheegay inuu arkay meydka ku dhowaad sedex ruux oo ciidamada ammaanka ay ku sheegeyn in ay ahaayeen qolyihii weerarka soo qaaday, kuwaas oo meydkoodu yaalay afaafka hore ee saldhigga degmada. Dhanka kale, waxaan jirin ilaa iyo hadda war ka soo baxay saraakiisha ciidamada oo ku aadan dagaalkii xalay ka dhacay saldhigga degmada Garbahaarey ee gobalka Gedo, balse ciidamada ayaa saakay dhaqaaqyo kawada duleedka magaalada Garbahaareey oo lagu xaqiijinaayo ammaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari G/sare Xuseen Cali maxamud oo saaka wareysi siiyay warbaahinta Puntland post ayaa ka warbixiyay xaaladda Amni ee magaalada Boosaaso iyo guud ahaan degmooyinka gobolka Bari. G/sare Xuseen Cali maxamud ayaa sidoo kale faahfaahiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee ciidanka Booliisku ay ka fuliyeen magaalada Boosaaso iyo socdaallo ay ku soo kormeereen degaanno ka tirsan gobolka Bari oo ka baxsan laamiga sida buuraleeyda Galgala. Taliyaha ayaa ku bogaadiyay shacabka Boosaaso sida ay Booliiska uga gacan-siiyaan sugidda Amniga waxaana uu ugu baaqay in ay sii xoojiyaan wada-shaqeynta ” waxaan leenahay shacabka si dhow aan u wada-shaqeyno waxyaabaha mugdiga ku jirana waan ka saarnay” ayuu yiri G/sare Xuseen Cali . Hoos ka daawo wareysiga oo dhan PUNTLAND POST The post Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari oo ka warbixiyay hawlgallada ka socda Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa xarunta qaramada midoobey ee magaalada Muqdisho kulamo kula qaatay qaar kamid ah hay’adaha caalamiga ah ee ku sugan Soomaaliya. Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim(Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in kulamadaani ay ahaayeen kuwa xog is-dhaafsi ah ayna uga xog warameen hay’adaha halka wax u marayaan. Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in mudadii ay shaqada wadeen waxbadan u qabsoomeen haseyeeshee ay jiraan culaysyo badan oo soo wajahay haba u badnaadeen dhanka dhaqaalaha. Mas’uuliyiinta hay’adihii ka qaybgalay kulanka aya aad u ammaanay waxqabadka guddiga waxaana ay balan qaadeen in intii awoodooda ah ay ka gacan siin doonaan habsami u socodka doorashooyinka Soomaaliya. PUNTLANDPOST The post Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo kulan la qaatay hay’ado caalami ah. appeared first on Puntland Post.
-
Ujeedka safarka ra’isul wasaare Xasan Kheyre uu maanta ku tagayo Xudur waxaa ka mid ah in ciidamada waddaadka Mukhtaar Roobow la qarameeyo, oo lagu soo daro ciidamada xoogga dalka. Haddaba, Ciidamadaasi waxaa ay horay u sheegeen shuruudo ay tahay in la fuliyo kahor inta aaney ku biirin ciidamada xoogga dalka. Maxamed Mursal, gudoomiyaha Goloha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaliya ayaa dhowaan Safar uu ku tagay Xudur isaga iyo madaxeynaha K/Galbeed Cabdacasis Laftagareen iyaga oo u kuulgalay xaaladda guud, waxaa kale oo ay la kulmeen ciidamada Mukhtaar Roobow. Madaxda ay ciidamada kala hadlay suurtagalnimada inay qeyb ka noqdaan ciidanka xooga dalka, waxay kulamadas ahaayeen kuwa shuruudo adag lagu soo xirey oo ay ku jiraty: in ciidanka hogaankiisa qeyb kanoqdaan iyo in dhaamaan hubka gaadiidka kala duwan ciidamada Iyo saanadooda loo dhameystiro Waxaan shaki ku jirin in shuruudaha qeyb kanoqan noonaan in wadaadka aya ayagu ka amar qaata heshiisyadaas dhamaan qax Ka ogyahay Goobjoogna ka ahaada Heshiiska. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay ciidamada Somaliland ay howlgallo ka sameeyeen gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolkaaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa bllaaraan ayaa lagu soo qab qabtay dad la sheegay inay ka dambeeyeen dagaal shalay ka dhacay magaaladaasi. Ciidamada ayaa xabsiga dhigay illaa 10 qof oo lagu eedeeyey inay dagaal la galeen ciidamo burburin ka waday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Dadkan oo isugu jira rag iyo dumar ayaa xalay ku hoyday saldhigga Booliska ee degmadaasi. Sidoo kale waxaa guul darro ku soo dhamaaday dadaallo ay waxgaradka deegaanku ku doonayeen in lagu soo daayo dadkaasi. Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona ciidamo dheeraad ah lagu arkayo waddooyinka magaaladaasi. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa caasimada@live.com
-
Commentary. Press releases from United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) intended to express collective view on the situation in Somalia are becoming statements of the absurd. For the last three weeks news from Somalia gave a clearer picture of the progress the Somali Federal Government has made since February 2017, when President Mohamed Abdullahi Mohamed was elected to become the second President of post-transition Somalia. The Somali President is due to visit New York to attend the UN General Assembly, this time as a citizen of Somalia. President Mohamed renounced US citizenship last month, denying his opponents the opportunity to carry on the debate about the dual citizenship. The Prime Minister, Hassan Ali Kheire, retains his Norwegian citizenship and may even run for Presidency. He faces strong opposition. The former Federal Planning Minister, Abdi Aynte, criticised both the President and the Prime Minister for pursuing a zero sum game politics in a country that can thrive on collective and consensus-based leadership. The ability with which Al-shabaab levies tax on businesses in Mogadishu and neighbouring regions puts a question mark over claims of progress made by the government. How the extremist organisation acquired the ability to levy tax despite being kicked out of Mogadishu and nearby districts seven years ago is unfathomable to many. The Chairman of the Somali Chamber of Commerce, Abdi Abshir Dhorreh, told VOA Somali Service that Al-shabaab receives details of imports and identities of importers to be able to figure out tax liabilities for each business. As if that was not enough, Al-shabaab made contacts with technicians and workers at Mogadishu stadium. It ordered them not to resume reconstruction of the stadium. They complied with the order. Since 2017 Al-shabaab assassinated more than 40 elders, who had a role in the selection of MPs and Senators for 2017 elections; it pardoned elders who went to areas controlled by the group to repent. Al-shabaab has organised seminars for more than 100 Somali elders from different parts of Somalia. The failure to protect Somali citizens against the terrorist organisation is enough to intimidate elders into toeing Al-shabaab line. The resurgence of Al-shabaab results from, among other catalysts, the policy of the Federal Government of Somalia to try to centralise power while still relying upon AMISOM. Countries in whose name UNSOM signs statements have different views. The phrase “friends of Somalia” will lose meaning if International Partners of Somalia keep covering up real challenges Somalis are facing due to poor political leadership. James Swan: UNSOM Chief and SGSR By Qaman A. Dahir The post UNSOM statements of the Abusrd appeared first on Puntland Post.
-
Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bokool waxay muddo Ku dhow 10 Sanno ugu jirtay xarakada Al-shabaab, waxaana aad u adkaa nolosha aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka iyo ganacsiga qeybihiisa kala duwan: Maantatahay Magaalo Go’doonsan Shabaabku Cunaqabateeyen Kama Jirto Nolosha Aasaasiga Sida Waxbarashada Caafimaadka Ganacsi Furan Iyo Wax Dhaqaala ah aysan Lahayn Sidaa Awgeed Waxaa Maanta Tagaya Raisul Wasaare Kheyre iyo MD Lafatagareen Oo Wafuud Badana oo ay kala Hogaaminayaan Waxay Dadka Iyo Maamulka Sheegayaan Inay Dareemayan Culeys Miisaankiisa leh. Maxay Tahay Ajandayaasha Safarka Kheyre Ee Magaalada Xudur: Safarka Guud uu Ku marayo Gobolada K/Galbeed Uguur galida Xaaladaha Nolosha Dadka Amaanka Sidii Halkas loo Geyn lahaa Mashaariic Hormarineyd Isku Dhafka Ciidanka Xooga Dalka Kuwa Maamulka Iyo Kuwa u Hubeysan Sida Maleyshiyo Beeleedyada dib U furiska Wadoyinka Shanta Degmo Soo Gasha Gobolka Bokool iyo Kuwa Gacanta Dowlada Kamaqan Waxaa qodobka ugu muhiimsan ka mid ah In Ciidanka Muqtaar Roobow lagu soo saro kuwa xooga dalka Lana qalabeeyo ciidamadas o ay Ku sugan yihiin Degmada Xudur. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garbahaarey (SMN) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar xalay abaare 11:00 habeeno ka dhacay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Weerarka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga Booliska ee degmadaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarka uu xigay dagaal toos ah oo dhex maray ciidamada dowladda iyo raggii weerarka soo qaaday. Ugu yaraan hal qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay weerarkaasi, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dhanka kale saraakiisha ciidamada dowladda ayaa saaka soo bandhigay Meydadka illaa 3 nin oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen dagaalyahannadii weerarka fuliyey. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyey intaba. Xaaladda saaka degan, waxaan howlgallo iyo baaritaano ay ka socdaan xaafado ka tirsan degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Warbixin uu soo saaray maanta Bangiga Adduunka ayaa lagu sheegay in heerka kororka dhaqaalaha dalka Soomaaliya saddexda illaa shanta sano ee soo socota uu ku tiirsanaan doono sida loo joogteeyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka. Bangiga adduunka ayaa ku shaaciyay war ka soo baxay maanta in dhaqaalaha Soomaaliya uu sare u kacay 2.9% sanadkan halka sanadkii hore uu ahaa 2.8%. “Ururinta canshuuraha ee dowlada Soomaaliya ayaa sare u kacay 29% sanadkii la soo dhaafay iyadoo dhaqaalahana uu ka soo kabtay abaar ku dhufatay dalka labo sano kahor,dowladuna waxa ay bedeshay siyaasadeedii canshuuraha,”ayaa lagu sheegay warkan ka soo baxday Bangiga Adduunka. “Inkasta uu dhaqaaluhu kordhay balse lama helin lacag ku filan oo lagu dabooli karo baahida waxbarashada iyo caafimaadka ee dalka ka jirta.”ayuu sii raaciyay Bangiga adduunka warbixinta uu ka soo saaray maanta dalka Soomaaliya. Sida ay daabacday Wakaalada wararka ee Reuters Bangiga Adduunka ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay dowlada Soomaaliya in ay abuurto dhaqaale loogu talo galay horumarinta waxbarashada. Bishii May ee sanadkan ayaa hay’adda lacagta adduunka IMF waxa uu sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu waddo wanaagsan ku taagan yahay balse waxa uu ka digey in uu halis u yahay in uu burburo sababo la xiriira amniga darro,isbedelka cimilada iyo saboolnimo. View the full article
-
Dhuusamareeb (SMN) – Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xsan madaxa xukuumadda Galmudug ayaa xalay la kulmay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo shalay gelinkii dambe gaaray gudaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Kulanka oo qaatay muddo saacado ayaa waxa uu dhexeeyey Sheekh Shaakir iyo Xildhibaanada Axmed Macalin (Fiqi) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ah musharrax u taagan hoggaanka dowlad goboleedka Galmudug. Ilo ku dhow shirkaasi ayaa sheegay in labada dhinaca ayaa ka wada hadalay arrimaha shirka dib u heshiisiinta iyo dooraashada la filayo in dhowaan ay ka dhaco magaaldaasi. Ugu dambeyn Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa ku booriyey labada xildhibaan inay ka qeyb qaataan horumarka iyo dhismaha loogu jiro Galmudug oo loo dhan yahay. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa xalay kulan gaar ah Dhuusamareeb kula qaatay xildhibaano ka tirsan Soomaaliya oo shalay gelinkii dambe gaaray gudaha magaaladaasi. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxa uu dhexmaray, Sheekh Shaakir iyo Xildhibaanada Axmed Macalin (Fiqi) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ah musharrax u taagan qabashada hoggaanka dowlad gobioleedka Galmudug. Labada dhinaca ayaa ka wada hadalay arrimaha ammaanka, dib u heshiisiinta iyo dooraashada la filayo in dhowaan ay ka dhaco halkaasi. Sheekh Maxamed Shaakir ayaa kula dardaarmay xildhibaanadaasi inay ka qeyb qaataan horumarka iyo dhismaha loogu jiro Galmudug oo mid ah. Xaaladda Galmudug ayaa hadda ah mid degan, waxaana si caadi ah ku socda shirka dib u heshiisiinta oo Jimicihii uu daah-furay Ra’iisul wasaare, Xasan Cali Khayre. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Suabax-10092019.mp3 View the full article
-
Ciidanka ammaanka Somaliland ayaa saacadihii la soo dhaafay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ku xirxiray dad shacab ah oo ka soo horjeeda awaamiir ka soo baxay xukuumadda Muuse Biixi. In ka badan 10 ruux ayaa ciidanku xireen waxaana la sheegay inay ka mid ahaayeen dad dagaal shalay kala horyimid Ciidamada Soomaaliland oo wada howlo burburin ah,kadib amar kasoo baxay Wasaaradda Howlaha Guud ee Soomaaliland. Dhanka kalena, taliska ciidanka 26aad ee Puntland ayaa si adag uga hadlay tacadiyada lagu hayo bulshada magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, wuxuuna sheegay in cawaaqib xumida ka dhalatay ay qaadan doonto Somaliland. DAAWO PUNTLANDPOST The post Ciidanka Somaliland oo dad shacab ah ku xirxiray Laascaanood. appeared first on Puntland Post.
-
A huge proportion of illiterate youthful population and slow economic growth poses security challenge in Somalia even as foreign peace-keeping forces, including Kenya’s troops, prepare to exit the Horn of African state by 2021. Source: Hiiraan Online
-
Sheeko gaaban ayaa odhanaysa: Bari baa nin ay ehelkiisii ku tuhmeen in uu xanuun hayo. Dadkii ehelka u ahaa ninka, oo dawo doon ah ayaa waxay la kulmeen nin loogu sheegay in uu jinka dadka ka saaro. Ninkii jin saarka ahaa wuxuu ku qanciyey dadkii in ninka ay u keeneen jin galay, isaguna ka saari karo jinka. Wuxuu jin saarkii soo qaaday maro qaro wayn oo balaadhan. Maradii ayuu dusha ka saaray ninkii, wuxuuna ku shiday geedo tiro badan oo qiiq culus abuuray, ninka ehelkiisiina wuxuu ku amray in ay marada ku hayaan. Ninkii naftii ayaa qabatay, wuxuu si dhawaaq dheer ah ugu sheegay in aanu neefsan karin. Ninkii jin saarka ahaa ayaa yidhi, qayladaa aad maqlaysaan, waa jinkii oo ka baxaya eh, ku adkeeya marada, ilaa uu ninkii bartii ku qudh baxay. Umadda reer somaliland waxaa lagu tilmaami karaa, dad tiro badan oo doon badwaynta ku jabtay, wada saaran. Doonta guudkeeda waa lagu dhan yahay, nooc walba oo bulshada ka mid ah way saran tahay. Doontaasi socod xoogani kuma jiro. Hase yeeshee, iyadoo dhibaatooyin laxaad leh ka hor imnayaan sida, mowjaddo waawayn, dabaylo xoogan iyo dhagaxaanba, oo ay ka weecinayaan dariiqeedii kolba, ayaa hadana marba marka ka sii danbaysa waxay ku sii siqaysaa halkii ay u socotay. Waxaa doonta saran umad Ilaahay wax la doonayo. Koley walaaca iyo hadalku waa badan yahay doonta dusheeda, madaama safarku daba dheeraaday oo ay xaaladan lagu soo jiray muddo sided iyo labaatan sano kor u dhaaftay. Dadka qaar waaba soo daalayaan, oo niyad jab ayey qarka u saran yihiin. Habaar qabe ujeedo lehna laga dhex waayi maayo. Hadalkii badnaa doonta dusheeda, nidaam yar oo ay ku heshiiyeen baa uga soo baxay.Waxaa la isla qaatay in marba koox doonta kaxyso, daacadna u ahaadaan rabitaanka umadda. Inta badana in ay dariiqii saxda ahaa ku wadaan doonta, maba hubiyaan ee waa iska aaminaan. Waana khalad wayn. Ogow hadalku ma yara, waana la is dhex fadhiyaa. Ma kas (wax ma garad) iyo waxgard intuba. Qof walbana waxa uu xaq u leeyahay in uu wax ku darsado hadalka, lana qadiriyo fikirkiisa. Iyadoo, sidaa la isu dhex fadhiyo ayaa hadana intaa waxaa la falanqeynayaa oo laga faaloonayaa sida loo bad baadi lahaa. Waxa intaa u dheer umaddan Alle aaminka ah ee waxaas oo rafaad ah ka dabaalaynaysa, in aduunka intoodii badnayd u muujiyeen cadawnimo, oo ay go’aansadeen in laga duudsiyo rabitaankooda. Hagardaamooyinka iyo aafooyinka loo maleegayo umaddan waa faro ban yihiin. Cadowgoodu meel walba waa ka xigaa oo ilaa qaar gudaha jooga ayaaba loo samaystay. Tilmaantaa kolka aan intaa kaga nimaadno, waxaa maanta umaddii Somaliland lagu guulaystay in laga dhaadhiciyo, In Somaliland jin galay, sida looga saari karaana, waa in laga cuudiyo. Somlailand, marka ay damqataba ee taaheeda la maqlaba, waxaa umadda laga dhaadhicinayaa in ay ku sii hayaan marada, Ilayn qayladu waa jinkii baa ka baxaya eh. Waxaa Ayaan daro ah, wax laga naxona ah in dadka la gashan karo fikirkaa liita ee noocaas oo kale ah. Cajiib. Waxaa taa ka sii daran, in intii qarankan ehelka u ahyd, ay qaateen in ay Somaliland dhegaha ka furaystaan inta jinku ka baxayo. Cabsi ayaa muuqata ah in dadkii qarankan ehelka u ahaa manta, iyaga gacantooda lagu dilo qarannimadoodii. Walaalayaan Somaliland jin ma galin, way caafimaad qabtaa ee arimaheeda hoos ha loo eego, iyadoo mid la yahay. Hadii umaddu ogalaato in sida xoolaha, inba meel lagu oodo, waxay cadowga u fududaynayaan inuu qudha ka jaro Somaliand. Waa in umadu iyadoo isku dhan ay si muthakarnimo ah uga wada hadli karto hadba wixii miiska u saran. Cadowga umaddani wuxuu leeyahay ujeedo qudha, oo ah in uu burburiyo hamiga umadda Somaliland. Ka tashada cadowga idinkoo mid ah. Waa sida kaliya ee aad iskaga caabiyi kartaan gardarada cadowga. Waxaa umadda la gudboon in ay toosaan, oo ugu yaraan hubiyaan in doontu aanay darqii ka leexan. Xukuumadda maanta joogta, iyadoo ay muuqato in ay ku hafanayso hawlihii loo igmaday, ayey hadan ku darsatay in aanay afkeeda iyo ficilkeedu islahyn. iydoo aynu wada dareemi karno, sida ay xukuumadani u maareynayso arimhii gudaha dalka, oo walaac badan bulshadu ka muujinayso, ayey hadana mugdi wayn galisay qadiyadii umaddu wada lahayd ee gooni isu taaga. Mar kasta oo ay umaadu maqasho madaxdeeda iyo madax kale ayaa shir albaabadu u xidhan yihiin wada galay, waa in garaadku shaqeeyo, oo reernimada laga tago, si wax la iskaga waydiin karo umadda masiirkeedii halka lala maray. Waa danbi qaran. Waayo dadka la doortay in ay matalaan qaranka, uma banaana, waana ka xaaraan in ay soo galaan wax aan lala ogayn, waliba wiixii tabanaya gooni isu-taaga somaliland. Maanta wxaa muuqata in cadowga Somaliland, kuwii gudaha iyo kuwii dibaduba ay wada shaqayn xoogan oo la taaban karo leeyihiin. Waxaa wax laga naxo ah in meelaha qaarkood bulshada inteedii ugu waayeelsanayd maanta ay isku waydiiyaan, beel heblaayo iyo beel heblaayo iyamaa itaal roon. Garaad laawoow, adba umadda uun baad kala siman tahay su’aashaada in laguu tixgalyo eh, reer Somaliya taa wax ka waydii, ma garan weyday!. Qadiyadda Somaliland waa mid aynu wada leenahay oo aan la kala xigi karin. Umadda oo ul iyo diirkeed ah, xil culus ayaa ka saran ilaalinteeda. Cidii hagar-daamo iyo khiyaamo ku wada, waxaan Ilaahay uga baryayaa in uu ifka ku ciqaabo si ay inta la dareenka ahi ugu cibro qaadato. Alahayoow umadan dulman ee samirka badan u hiilay. Alahayow muraadkooda u sahal. Aamiin dhaha. Somaliland ha noolaato cidii necebna waa yeelkadood. C/risaq Amed Jama Calgary Abdirizak Ahmed Jama Qaran News
-
Beledweyne-(Caasimada Online) – Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ah Ugaaska beesha Xawaadle oo ku suugan magaalada Beledweyne ayaa si kulul uga hadlay ciidamada ay dowladdu dooneyso in ay ka qaado Beledweyne, kuwaas oo la geynayo magaalada Dhuusamareeb. Ugaaska ayaa sheegay inuu lasoo xariiray wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya, isagoo waydiiyay sababta ay u diideyso beeshiisu ciidamada ay dowladdu u qaadayso magaalada Dhuusamareeb. Ugaasku ayaa sheegay in ka oday dhaqameed ahaan aysan diidin in gobol kale loo qaado ciidamo dowladda u joogay gobolka Hiiraan, balse waxa uu dowladda ku eedeeyay in ay gobolka ka aruursaneyso dhalinyaro uu sheegay in ay aradanyihiin oo ay macawiisyo wadataan. Sidoo kale Ugaaska ayaa mid ka mid ah saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka qeybta 21-aad ee ka yimid magaalada Dhuusamareeb ee hadda ku sugan Beledweyne, waxa uu ku eedeeyay inuu yahay ninkii hoggaaminayay dagaalkii deegaanka Baanyaaley ku dhex maray beesha Ugaaska ee Xawaadle iyo beesha degta degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ee Habareji/Ceyr. Ugaas Xasan ayaa sheegay in reer Hiiraan aysan wiilashooda Dhuusamareeb u direyn, isla markaana aysan dowladda ka yeelayn damaceeda ah in dhalinyaro aan tababar qabin, daryeel ciidana aan heysan ay u qaado gobol kale. Halkaan ka dhageyso codka Ugaaska:- https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/Ugaas-Xasan-Ugaas-Khaliif-.mp3Caasimada Online Xaafiiska Beledweyne Caasimada@live.com