Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,399
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somalia’s economy is expected to grow by 2.9% this year, from 2.8% last year, before growth quickens to 3.2-3.5% in the medium term, the World Bank said on Monday. The Horn of Africa country has been in turmoil since 1991 when clan warlords overthrew President Siad Barre and then turned on each other. Over the past decade, it has been hit by famine and sporadic terror attacks by al-Qaeda-linked militant group al Shabaab. The higher growth forecast for the next three-to-five years would depend on the country being able to sustain its current economic reform momentum, the World Bank said in a statement. Tax collection by the government increased by 29% last year, as the economy recovered from drought the previous year and the government changes its tax policies, the World Bank said. “While this progress is encouraging, the available fiscal space remains insufficient to meet expenditure needs (for) education and health sectors,” the bank said. It asked the government to form a fund dedicated to education to allow authorities in Mogadishu to mobilise more cash from regional states and other partners to support learning. In May, the International Monetary Fund said Somalia’s economy was on the right track but warned that it was still vulnerable to fragile security, climate change and poverty. Source: Reuters
  2. (SLT-Washington)-Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa lahayd xog-ogaal awood u leh inuu wax badan ka ogaado aqalka Kremlin-ka Ruushka, kaasi oo kaalin weyn ka cayaaray qiimeyntii lagu sameeyey in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu amray faro-gelinta doorashadii Mareykanka ee 2016, waxaa sidaas weriyey CNN iyo New York Times. CNN iyo New York Times ayaa labaduba sheegay in xog-ogaalkaas laga soo saaray Ruushka sanadii 2017 kadib markii uu diiday yabooh hore oo ahaa inuu ka tago dalkaas. CNN ayaa sheegtay in go’aanka lagu soo saaray shakhsi meel sidaas u muhiim ah joogay ay qeyb ka ahayd cabsi laga qabo in madaxweyne Trump iyo xubno sare oo ka mid ah maamulkiisa ay si khaldan gacmaha ula galaan akhbaar sir culus ah. CIA-da ayaa diiday warbixinta CNN-ka, waxayna sheegtay in go’aanka ay uqaadatay uu ku salaysnaa “taxliil hadaf leh iyo xog uruurin cilmi ku dhisan.” New York Times ayaa sheegtay in go’aanka jaajuuskaas lagu soo saaray ay sabab u ahayd sida warbaahinta ugu hadashay faro-gelintii Ruushka ay ku sameeyeen doorashada iyo warar ku saabsanaa xogo laga helay il-wareed ku dhex sugan Kremlin-ka. Warbixinada ayaa sheegay in luminta xog-ogaal sidan u qiimaha badnaa oo ku dhex sugnaa Kremlin-ka ay sirdoonka Mareykanka ka dhigaty kuwa aan wax xog ah ka haysan ficillada Ruushka ee iminka iyo qorshahooda ay ku faro-gelinayaan doorashooyinka dambe ee Mareykanka. Source
  3. Muddo sanad badan ficillada iyo hadallada ka imaanayay Kenya ee Soomaaliya iyo madaxdeeda quseesayay waxay ahaayeen kuwo dhiillo iyo colaad xambaarsan. Waxay Kenya u dhaqmaysay sidii kuray xoog badan oo mid uu ka adag yahay kolba dhinac u jiiray si uu falceliyo isna feer ugu boobo. Cayrinti safiirka Soomaaliya, diyaraadihi maridda Wajeer lagu qasbay, madaxdii lagu bahdilay garoonka Joomo Kenyatta iyo soo dhawaynti maamul goboleedyada iyo maqaamki ay siisay Soomaaliland iyo kaba darane doorashadii Jubbaland oo ay ka dhigtay Kenya mid ka dhacayday dagmo Nayroobi hoos tagto waxay dadkeenna ku abuureen ciil iyo caro. Waxaan jeclaysannay inay dowladdeennu mar un bixiso jawaab kulul oo Kenya ka nixiso. Waxaan jamannay inaan aragno madaxweynaha oo dagaal Kenya ka dhan ku dhawaaqay ama ugu yaraan ku hanjabay isdifaacid. Waxaan naawilnay isagoo qaadka mamnuuay, ciidamada Kenya dalka ka saaray ama xariirka oo dhan u jaray oo sidii ay safiirkeenna u cayrisay isna kooda u fiijiyay. Mase dhicin. Ma cabsibaa sida dadku qaar dhaheen? Ma badownimaa? Ma liidnaan iyo ducfi uu u dhashaa mise waa dibloomaasiyad heer sare ah iyo bisayl aynu gaarnay mise wax kaloo la xeerinayo ayaa jiro? Inta badan su’aalahaan waxaan kaga jawaabay qormadaan ee ku noqo. Halkaan waxaan ku falanqayn doonaa kaliya saddexda su’aalood ee ugu soo noqnoqoshada badan (qaadka, ciidamada iyo xariirka oo la jaro). Anigu maahi afhayeenka dowladda iyo xubin ka tirsan oo arrimaheeda hoose og toona. Haddaan ku iraahdo xogo hoosaan hayaa been baan kuu sheegay. Waxaan hadlayo waa aragtidayda iyo khibradda kooban iyo aqoonta yare e aan u leeyahay arrimaha taagan oo aan had iyo goor sida ii muuqato ka iraahdo. Barigii Imaaraat dalka laga cayrshay dadkeennu walwal badan iyo walbahaar cabsi la socoto ayaa galay. Qormo Ayaan barigaas idinla wadaagay aan ku qeexay inuusan Imaaraat waqtigaan waxba ka qaadi karin Soomaaliya, sidaan u sheegay inay dhacday iyo kale lifaaqa kore ku noqo oo go’aan ka gaar. Haddana waxaan is leeyahay qiyaas xaqa waafaqsan ayaad haysaa. Qaadka Qaadku waa gol jileeca Kenya ee sida dhaqsaha ah xanuun uga dareento. Beeralayda qaadka wax soo saarkoodu wuxuu ku dhisan yahay 90% suuqa Soomaaliya. Maalinti waxay Soomaaliya u dhoofiyaan qaad qiimihiisu gaarayo boqol milyan oo lacagta Kenya ah taasoo u dhiganta hal milyan oo doolar. Waxaa sidoo kale dhaqaale xooggan si dadban ooga helo dad milyan kor u dhaafay kuwaas ka shaqeeyo iibintiisa, dhoofintiisa, dillaalkiisa ama xamaalkiisa iyo xirxiriddiisa. Diyaaradaha qaado iyo canshuurta dowladda haddii lagu daro qaadku wuxuu noogu kacaa ugu yaraan hal bilyan sanadki. Sidaa darteed joojintiisu waa jug culus oo dhaawac xooggan gaysan karto dowladda Kenyana si dhaqso ah u dareemi lahayd. Hasa yeeshee joojintiisu dowladdu way ka baaqsatay iyadoon u danaynayn Kenya balse maslaxo kale eegtay. Kow, sida malaayiin Kenyan ah ugu tiirsan yihiin qaadka ayay kumannaan Soomaali ah ugu tiirsan yihiin. Ganacsatada qaadka keento waa Soomaali. Kuwo dillaalo, kala iibsho iyo kuwo jumlada kusoo qaadaba waa soomaali. Gudaha dalka waxaa ku tiirsan dan yar u badan hooyooyin kaligood ilmo koriyo iyo dad aan lahayn cid kale oo caawiso. Joojintiisu sida Kenya u xanuujinayo ayuu dad badan oo Soomaaliyeed u xanuujin. Muddadii asbuuca ahayd ee madexweyne Xasan uu hakiyay qaadka dadki ugu badnaa ee qayliyay waxay ahaayeen soomaalida ka ganacsan jirtay. Sidoo kale Feebaraayo 2017’ki marki dowladdu canshuurta qaadka ay kordhisay ganacsatadi soomaaliyeed ee qaadka keeni jirtay ayaa shaqo joojin sameeyay ilaa ay dowladda ku qasbeen inay dhinto canshuurta. In la mamnuuco waxaa dalkeenna ooga faaiido badan in canshuur badan la saaro. Mar dowladda ayaa lacag fiican ka heli marna dadka cunayo ayaa yaraan lahaa oo iibsigiisa kari waayi lahaa. Mar haddii middii faaiida badnayd ay soomaalidu u dulqaadan wayday ma waxay u qaadan doonaan mid ka daran? Waxaa raaco in dowladda oo joojiso qaadka Kenya uusan ku joogsan doonin. Dowladdu Xamar unbay ka mamnuuci kartaa qaadka. Sidii 2017’ki dhacdayba qaadka waxaa laga soo dajin gobollada dalka qaar ka mid ah. Xataa haddii ay dowladdu diyaaradaha ciqaabto waxaa lasoo marin dhulka. Wuxuu dalka imaan isagoo sidii hore ka qaalisan, ka khatar badan kana dhib iyo mushkilad badan. Waxaa suuragal ah inuu ka dhasho kacdoon iyo rabshado dowladda gilgilo. Meelihii ugu horreeyay ee mucaaradka dowladdi Kacaanka xoojiyay waxaa ka mid ahaa qaadki ay xarrintay. Haddii middii awoodda badnayd ee dalkoo dhan xukuntay gacan laga baqana lahayd ay joojin wayday mucaarad iyo kacdoonna ka faaiidday maxaa loo fili karaa middaan taagta daran ee udubkeedu ul booco yahay? Maadaama qaadku yahay hubka ugu culus ee dowladda soomaaliya ay isticmaali karto, waxaa siyaasad xumo ah inay ku billow kii ugu weynaa ee ay haystay. Waa inay jiraan wax lagaaga baqo oo la isleeyahay waxaas ayaa u dhimman. Haddii wixii ugu danbeeyay aad isticmaashay maxaa kuu haray oo aad ku hanjabi ama qalbi lagu hayn inaad isticmaali karto? Kenya waxa fashilay waxaa ugu weynaa diidmadii baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaalida waayo wuxuu ahaa hubka ugu culus ay soomaaliya u haysatay. Isagii haddiiba ay mar ridday maxaa dhimman oo dowladdu ka baridaa? Ciidamada Kenya ee Soomaaliya joogo Ciidan afar kun gaarayo ayaa Kenya soomaaliya ka joogo. Ciidankaan wuxuu sitaa magaca nabad ilaalin iyo diyrayska iyo calanka Midowga Afrika. Xaaladda uu ku joogo iyo qawaaniinta uu isticmaalo waxay ka dhigeen ciidan uu leeyahay Midowga Afrika. Midowga Afrika ciidankoodu, sida ay iyagu u arkaan, waa mid ka badax bannaan siyaasad iyo dano gaar ah oo dalal u dhaxeeyo. Waa ciidan waajibaadkiisa u guto si caddaalad iyo karaamo leh, ilaaliya sharciga dalka uu joogo iyo sharafta dadkiisa, ay u simanyihiin dalkiisa iyo kan uu shaqada u joogo kana amar qaato Midowga Afrika ee aan fulin doonidda dalkiisa. Marki mowqofka midowga Afrika ee ku aaddan ciidama Kenya ee joogo Jubbaland sidaas yahay, Midowga Yurub oo dhaqaalahooda bixiyana la aragti yihiin, caydiisa, dhaliishiisa iyo weerarkiisu wuxuu ku dhacyaa Midowga Afrika. Macnaha dowladda Soomaaliya oo eedo usoo jeediso ciidamada Kenya waxay la mid tahay iyadoo eed usoo jeedisay Midowga Afrika. Taasi kama dhigna dowladdu ciidamada Kenya oo xadgudbayo kama hadli karto. way ka hadli kartaa dhaliili kartaa oo waliba dalka ka saari kartaa laakiin waxay u baahantahay caddayn la hubo oo mugdi iyo muran aan gali karin Midowga Afrikana dood la’aan uu ku qanco. Ilaalinta karaamada ciidamada AMISOM oo kuwo Kenya ku jiraan waxay dowladda ka dhigtay mid qaan gaar ah, taqaan marka eedda la jeediyo iyo goobta laga jeediyo iyo sababta loo jeediyo. Waxay caddaysay inaysan cadaawaad gaar ah u hayn ree Kenya ee arrimo kooban oo xal laga gaari karo la isku hayo. Tani dowladda soomaaliya waxay siisay taageero iyo kaaramayn ugu kaalmeeyay inay kaga guulaysato Kenya baratankii diblomaasiyadda dibadda. Tusaale usoo qaado inay taqaan goobta laga hadlo iyo goorta la hadlo maalintii la isla tagay Qaramida Midoobay ee Kenya doonaysay inay mariso sharci Soomaalida oo dhan argagixiso ka dhigi lahaa. Safriirka Soomaaliya si cilmiyaysan ayuu Kenya iyo ciidankeeda ugu dhammeeyay isagoo wax eed ah saarin Midowga Afrika. Dib u dhaqgayso khubaddii Amb Abuukar Baalle. Asbuuci hore wuxuu joornaalka The Star ee Kenya kasoo baxo qoray in madaxweyne Uhuru uu ka niyad jabsan yahay wasiirkiisa arrimaha dibadda inuu shaqada ka qaadana qarka u saaran yahay. Arriamaha lagu eedayay waxaa ka mid ah inay ku fashilantay dumashada dalal kale. Arriamha guuldarradaas u keenay qaar ka mid ah ayuu joornaalku ku sheegay inay ku mashquushay sidii ay u karaama tiri lahayd Soomaaliya halki ay ku ekaan lahayd waxa la isku hayo isuna muujin lahayd mid aan waxba u qabin Soomaaliya balse doonayso xal u helid arrinta la isku hayo si nabad iyo walaaltinnimo loogu wada noolaado. Joornaalka ayaa soo xigtay diblamoosi u dhashay mid ka ah dalalka Kenya saaxiibka la ah kaasoo yiri “waxaan garan waynay waxa ay Kenya doonayso si aan u caawinno”. Halkaas waxaa kaaga cad in dunida hadda la joogo ee ay yartahay cid ciidan iyo cudud wax ku maquunin karto ay u baahantahay diblomaasiyad wajiyadeeda muuqdo duman karaan saaxiibbo badan. Haddii Soomaaliya waqti galin lahayd sidii iin iyo ceeb ugu heli lahayd ciidamada Kenya dalka si dalka looga saaro, waxay kusoo dhici lahayd bannaan cidla ah waxayna u badnaan lahayd inay lumin lahayd taageerada Midowga Yurub iyo kan Afrika oo hadda xaggeeda maray. Sidoo kale waxaa furan doorka baarlamaanka oo ah inay mooshan ka keeni karaa ciidamada Kenya si dalka looga saaro. Go’aannada baarlamaanku waa ka madax bannaan yihiin kuwa dowladda. Haddu baarlamaanku go’aamiyo in ciidamada la saaro, madaxweynaha waxaa u furan inuu saxiixo oo sidaas dalka looga saaro ama inuu ku gorgortamo oo suu rabo isagu loo yeelo si ciidamadu u sii joogaan. Xariirka oo loo jaro Xiriir dal loo jaro waxay la mid tahay bilcaan la furay. Waa meesha ugu danbayso ee dagaal. Waan yaan la isku soo noqon. Haddii la isku noqdana baxdinti soo baxday bogsan mayso oo waxaa lagu wada noolaan tuhun iyi utuno la isu hayo. Xaal halkaas inuu gaaro soomaalida dan uma aha sababahaan owgood. Kenya waa dal aan daris nahay dhul ballaaranna naga haysto. Dhulka uu naga haysto waxaa ku nool malaayiin Soomaali ah oo xariir dhow oo dhalasho la leh Soomaalida kale. Sidoo kale, waxaa dagay dhul weynaha kale ee Kenya Soomaali malyan ka badan oo qax iyo tabac u tagtay. Soomaalidaan waxay qaateen dhalashada dalkaas waxay la xaq iyo xuquuq noqdeen kuwii hore ee dagganaa. Sidoo kale, waxaa kusoo guuray oo warasaadoodi keenay Kenya Soomaalidii debadda jirtay. Dadkaas horay u sii joogay iyo kuwa gadaal ka yimidba Kenya waxay galiyeen maalgalin aan caadi ahayn. Wixii la heli karay oo dhan ayaa lagu shubay Kenya. Waa ay yartahay in la helo ruux wax un lacag ah heli karo oo aan Kenya guri ka iibsan. Tuulo yar oo aan daganahay soomaaliduna ku yartahay waxaan ka aqaan dad labaatan dhaafay oo falaatyo Nayroobi ka iibsaday iyagoo wali dibadda ku nool. Malaayiinta soomaaliyeed ee waxay adduunka naxeen Kenya u taal marnaba kama raalli noqonayaan xiriirka Kenya oo la jaro (waxaan idiin xaqiijin in aan anigu shaqsiyan guri iyo kumi kale toona Kenya iga oollin). Dalka sidaasi Soomaalidu isugu aamintay in xariirka loo jaro iyadoo laga maarmi karo ama maslaxo qaran oo muuqataa aysan jirin waa mid is-halligid iyo qar iska tuurnimo ah. Midda labaad Kenya inkasta oo ay dhul naga haysato hadda wixii ka horreeyay ma lahayn han dhaafsiisan gudaheeda. Awal kuma jirin qabsashada dhul soomaaliyeed haddana uma diyaarsana. Waa dal gondo-fiiris ah (inward looking) oo ku danbeeyo xagga saamaynta arriamaha dibadda. Tusaale, 10 sano ka badan oo dalka dowlad aysan ka jirin Kenya waxay isku ballaarin kartay dhul badan iyadoo cidna ogaan. Iyadoo lagu siqayo oo xuddeed beenaadkeedi la galay ayaysan yac waligeed dhihin. Soomaalida daggan Baladxaawo waxay dagtay dhulkii loo aqoon jiray lama-yeeshaanka (No man’s land). Askartu iyadoo tuban oo eegayso ayaa shan mitir ka yar halka ay waardiyaha ka galaan guryo laga dhistay joojiyana aysan dhihi jirin. Arrinta badda ee hadda toosisay qudheedu waxaa abaabulkeeda lahaa dowladda Norway ee waligeed ma aysan damaaciseen baan qabaa ama maba ku baraarugteen. Dalka noocaas ah cadaawaddiisu ma foga mana mudna in laga raadiyo colaad raagto hadduusan isagu soo doonan. Duuduub, Kenya waa na hujuuntay, noo hanjabtay, na handatay daandaansi iyo dagaalna doontay. Dhinaceenna dowladda na matasho waxay muujisay dulqaad, daganaan iyo diblomaasiyad waqtigeedi joogto muraadkeedana gaarsiin kara. Saddexda arrimood ee aan halkaan ku faaqiday dowladdu kama dammana laakiin waa hub waqtigii la isticmaali lahaa aan la gaarin inta laga maarmana in aan la isticmaalin mudan. Haddii inta maxkamaddu noo xunto badda Kenya isku daydo inay ciidamo gayso oo ku dhawaaqdo inay xoog ku qabsatay, markaas waxaysan hurayn istimaalka qaar ka mid ah hubkaan. WQ: Ibrahim Aden Shire Ishire86@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  4. Over a quarter-million Somalis have been displaced largely due to drought and conflict in Somalia in January-July period of this year, the UN humanitarian agencies said on Tuesday. Most of the conflict-related displacement occurred in Lower Shabelle region where armed operations by Somali security forces backed by international partners against the Al-Shabaab group resumed in April 2019, according to Protection Return and Monitoring Network, a project implemented led by the UN Refuges Agency in partnership with the Norwegian Refugee Council. “More than a quarter of a million Somalis have been displaced between January and July this year largely due to drought and conflict,” said the UN Office for the Coordination of Humanitarian Affairs in Somalia in a Twitter statement. “More than 100,000 people were newly displaced by drought in 2019. This is 50 percent lower than recorded for the same period in 2018. However, an increase was reported in July with an estimated 28,000 people newly displaced – a 57 percent increase compared to June,” the statement said. Armed conflict and insecurity have also uprooted an estimated 126,000 people from their homes as of July, it added. View the full article
  5. Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaarey magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Waftigaan uu hogaaminayo madaxweeynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa horudhac u ah Wafdi uu Hogaaminaayo Ra”isul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre oo la filayo in daqiiqadaha oo socda uu gaaro degmada Xudur. Boqolaal shacab ah ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha magaalada Xudur si ay qayb uga noqdaan soo dhoweynta ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya. The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaarey Xudur. appeared first on Puntland Post.
  6. Malaayiin Dollar oo waxaa jira ay Beesha Caalamku u qoondeysay Dhismaha CIIDAN QARAN, oo Madaxweyne Farmaajo uu saxiixay, lacagta waxaa isticmaalkeeda bixin kara oo qura [...] Source
  7. (SLT-Hargeysa)-Suldaan Maxamed Xirsi Qani Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Si Wada Jir Ah Uga Hadlay Arrinta Kornayl Caarre, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Somalia’s economy is expected to grow by 2.9% this year, from 2.8% last year, before growth quickens to 3.2-3.5% in the medium term, the World Bank said on Monday. The Horn of Africa country has been in turmoil since 1991 when clan warlords overthrew President Siad Barre and then turned on each other. Over the past decade, it has been hit by famine and sporadic terror attacks by al Qaeda-linked militant group al Shabaab. The higher growth forecast for the next three-to-five years would depend on the country being able to sustain its current economic reform momentum, the World Bank said in a statement. Tax collection by the government increased by 29% last year, as the economy recovered from drought the previous year and the government changes its tax policies, the World Bank said. “While this progress is encouraging, the available fiscal space remains insufficient to meet expenditure needs (for) education and health sectors,” the bank said. It asked the government to form a fund dedicated to education to allow authorities in Mogadishu to mobilize more cash from regional states and other partners to support learning. In May, the International Monetary Fund said Somalia’s economy was on the right track but warned that it was still vulnerable to fragile security, climate change, and poverty. View the full article
  9. Kaaf iyo Kala Dheeri: 24 July 201 Wasiir Maxamed Biixi Yoonis Ayaa Heshiis Madaxtooyadda kula Galay Wasiirka Ingiriiska ee Afrika, Madaxweyne Siilaanyo Wuxuu ahaa Goob-joog. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Md.Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay wuxuu heshiis la saxeexday sarkaal ka tirsan waaxadda horumarinta caalamiga ah ee Ingriiska oo loo soo gaabiyo DFID Mr. Damon Bristow, taas oo u qaabilsan dalkaas kaalmaha caalamiga ah, kaas oo sida ay madaxtooyadu sheegtay uu nuxurkiisu ahaa kaalinta uu Ingrisku kaga qeyb qaato sanduuqa horumarinta somaliland SDF. Waxaa kale oo ay madaxtooyadu sheegtay in Madaxweyne Biixi iyo Sarkaalkani ay kala saxeexdeen heshiis lagu horumarinta khayraadka tamarta Jsl. Ma Tahay Talaabo Haboon? Dad badan ayaa baraha bulshada ku dhaliilay in Madaxweyne Biixi uu heshiis la saxeexdo sarkaalkan. Madaxtooyadu waxay sheegtay in Mr. Damon Bristow, uu ka mid ahaa wefti uu hoggaaminayo safiirka Ingriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaliya Danjire Ben Fender. Sarjaalka uu Madaxaweyne Muuse Biixi heshiiska la saxeexday wuxuu Xafiiska arrimaha dibada iyo bawaaqa sooranka (FCO) ee Ingriisku sheegay in Mr. Bristow uu u qaabilsanyahay waaxda horumatinta caalamiga ah ee DFID dalka Soomaliya, inkastoo aanay madaxtiiyadu sheegin. waxaanu xilkan la wareegay bishii June ee sannadkan. DFID waxa madax ka ah wasiir, waxaayna leedahay waaxyo. Xilka Mr Bristow wuxuu u dhigmaa agaasime unug, haddii la barbar dhigo qaab dhimseedka wasaaradaha somaliland. Haddaba, dad badan ayaa talaabo aan wanaagsanayn ku tilmaamay in Madaxweynaha qaranku uu sarkaal ka tirsa wasaarad la saxeexdo heshiis iyadoo uu madaxsha joogay wasiirkii arrimaha dibadu somaliland Yaasiin Xiir Faratoon, islamrkaana ay jiraan waaxyo kala duwan oo ay leeyihiin wasaaradda qorshaynta oo kale. Siilaanyo iyo 2015 Marka uu shalay madaxweyne Muuse Biixi Cbadi heshiiska la saxeexday sarkaalkan Ingriiska ah, waxa xusid mudan in afar sannadood ka hor ay xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo ee xilka ku wareejisay Madaxweyne Biixi heshiis dawladda Ingriiska kula gashay isla goobtan Madaxtooyada ee uu Bixii kula galay. Heshiiskaas oo sida sawirka ka muuqata uu madaxweyne Siilaanyo goob-joog ka ahaa waxaa 24 july 2015 kala saxeexday wasiirkii arrimaha dibadda ee wakhtigaas maxamed Biixi Yoomis iyo Wasiirka ingriiska ee Afrika u qaabilsanaa wakhtigaas Mr. Grant Shapps oo socdaal ku yimid Hargeisa. Heshiiska ayuu nuxurkiisu daarnaa biyo balaadhinta caasimadda Hargeysa iyo horumarinta tamarta iyo korontadda Hargeysa. Gunaanad Dad badan oo falanqeeya arrimaha siyaasadda iyo hab maamuska ayaa talaabadan uu Madaxweyne Biixi heshiiska kula sxeexday sarkaal ka tirsan waaxda DFID u arkaa mid aan ku haboonayan haybada madaxweynenimo. sidaas horaba u dhacday ee uu Madaxweynihii hore ee Siilaanyo goobjooga uga noqday oo waliba lala galay wasiir, waxa ay ku haboonayd in heshiiskan ay kala saxeexdaan madaxada DFID iyo wasaaradda arrimaaha dibadda ama wasaaradda Qorshayanta. Waxa ay dad badani u arkaan in arrintani nusqaaan ku noqon karto haybad kursiga Madaxweynaha. Source
  10. (SLT-Hargeysa)-Shacabka Reer Hargeysa Oo Fagaare La Buuxo Kaga Ooriyay Duqa Caasimaddan, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Gudoomiyihii Hore Ee Wanaag Farista Oo Dhaliilo Cuslaa U jeediyay Xarunta Dhaqanka Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Darawalada gaadiidka u kala goosha deegaamada Puntland ayaa cabasho xoogan ka muujiyey burburka soo gaarey qaybo kamid ah wadada laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Boosaaso. Wadayaasha gaadiidka ayaa sheegay in wadada isku xirta Garoowe iyo Boosaaso ay meelo badan ka go’antahay ayna halis ku tahay gaadiidka, badeecadaha saaran iyo dadka intaba. Waxa ay ugu baaqeen xukuumadda Puntland inay sida ugu dhaqsaha badan wax uga qabato burburka laamiga, ayna dib ugu soo celiso canshuuraha laga qaado gaadiidleyda iyo dhammaan umadda Puntland si uusan u joogsan isu socodka gaadiidka guud ahaan Puntland. Dhismaha wadada laamiga ah ee isku xirta Garoowe iyo Galkacyo ayaa horay u joogsadey, inkastoo xukuumadda hadda jirta ay dedaal badan ku bixisay sidii dib loogu bilaabi lahaa. PUNTLANDPOST The post Darawalada gaadiidka oo ka cabanaya burburka wadada isku xirta Boosaaso iyo Galkacyo. appeared first on Puntland Post.
  13. Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaaleynta iyo dimoqoraadiyadda dowlad gobaleedka Puntland Maxmed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Baasaboorka Soomaaliya lagu muujiyo in dalka uu qaatay nidaamka federaalka, si loo xaqiijiyo inuu hirgalay. Wasiirka oo la hadlay Goobooog News ayaa xusay in muhiimad gaar ah ay u leedahay Baasaboorka Soomaaliga ah inuu ka dhex muuqdo nidaamka federaalka ee dadka Soomaaliyeed ay ku heshiiyeen burburkii ka dib, asaga oo ka hadlayana waxaa uu yiri” Maadaama dalka uu ku heshiiyay nidaamka federaalka ah, xukunkiisana lagu dhisay, laakiin arrintu waxaa waaye Baasaboorka Soomaaliga ah waxaa wali ku yaala Baasaboorka Jamhuuriyadda Soomaaliya, lakiin kuma taallo Baasaboorka Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya, waxaa ayna tahay maadaama dalku uu halkaas uu u guuray oo nidaamkaas qaatay oo lagu heshiiyay oo dhameystirkiisii lagu jiro in laga run sheego oo dhinac waliba dadkii loo carbiyo, Baasaboorku waxaa uu ka mid yahay waxyaabaha astaanta dalka ah marka waxaa la rabaa in lagu qoro Baasaboorka Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya”. Sidoo kale wasiir Dhabancad oo hadalkiisa sii wato ayaa xusay in Baasaboorka lagu caddeeyo inuu dalku federaal uu yahay ay tahay muhiimad weyn iyo in bulshada caalamka ay ogaato nidaamka dalku ka jira inuu federaal yahay waxaana uu yiri” Arrintu ma ahan arrin looga hadlaayo dowlad ama dowladaha xubnaha ka ah Baasaboorku waa Baasaboorkii qaranka, qarankii Soomaaliya waxaa uu ku heshiiyay oo lagu dhisay dowladnimadiisii inuu noqdo dal federaal ah, marka si taas loo gaaro waxaa Baasaboorkuna xusayaa Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya uu Baasaboorkeedii uu yahay, marka haddii la yiraahdo Jamhuuriyadda Soomaaliya Baasaboorkeedii, taas macnaheedu waxaa waaye in meel arrinu ka qaldan tahay oo meeshii la rabay in dalka loo diyaariyo dhan waliba uu wali wax ka dhiman yihiin”. Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha dowlad gobaleedka Punland ayaa sheegay in hadda xiligaan dadka Soomaaliyeed si wanaagsan ay u fahamsan yihiin nidaamka federaalka, waxaa uuna carabka ku adkeeyey in ay muhiim tahay in laga run sheego waxaana uu yiri” Dadka Soomaaliyeed nimaadka qof kasta nidaamka inuu yahay nimaad la qaatay, laguna heshiiyay haddana lagu jiro dhameystirkiisii, lakiin meesha ay wax is ka diidanyihiin waxaa waaye shaqsiyaad ayagu danahooda aysan ka dhex arkin in dalkaan uu noqdo dano dal federaal ah oo awoodu qeybsan yihiin oo adeegii qeybsan yahay oo dadka la gaarsiiyo qof waliba meesha uu joogo talada uu wax ku yeesho ayadoo la raacayo hanaan dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ”. Ugu danbeyn wasiirka wasaaradda arrimaha dowlad gobaleedka Puntland ayaa sheegay si loo dhameystiro nidaamka federaalka loo baahan yahay in lagu cadeeyo wax waliba ee soo baxa nidaamka federaalka waxaana uu yiri” Marka lagu heshiiyo nidaamka federaalka oo dhidibada loo aaso waa in dhan waliba waxa quseeya ay ku taalo qoraalada ka soo baxaayo ay ku taalo inuu dalkaani yahay dal federaal ah”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. (SLT-Hargeysa)-Abwaan Tarabi Fagaare Ka Weeraray Wasiiradii Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, Halkan hoose ka DAAWO Source
  15. Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta markii ugu horreysay booqanaya gobolka Bakool ayaa waxaa safarkiisa ku geedaaman arrimo dhowr ah oo ay ku jiraan kuwa muhiim ah. Ra’iisul wasaare Khayre ayaa la filayaa inuu booqdo xeryaha ciidamada dowladda, kuwa Koonfur Galbeed, iyo ciidanka daacadda u ah Sheekh Mukkhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur. Sida ay ogaatay Caasimada Online u jeedka socdaalka Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ugu muhiimsan, sidii loo Qarameyn lahaa ciidamada Abuu Mansuur oo qeyb ka ah dagaalka adag ee haatan lagula jiro dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab. Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadaasi ayaa waxa ay horay shuruudo adag ugu xireen in la Qarameenyo, kadibna lagu biiriyo ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed. Shuruudahaasi oo ay hordhigeen guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa waxaa ka mid ahaa: 1– in ciidanka hoggaankiisa ay qeyb ka noqdaan 2– in dhaamaan hubka gaadiidka kala duwan ciidamada iyo saanadooda loo dhameystiro. Haddaba waxa ay dad badan is weydiinayaan, sida uu Ra’iisul wasaaruhu u fulin doono shuruudahaasi oo uu wax badan ka ogyahay hoggaamiyaha ay ka amar qaataan. Roobow ayaa hadda u xiran dowladda Soomaaliya, kadib markii ciidamada ammaanka ay ka soo xireen isagoo musharrax ahaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Lama oga sida ay wax noqo doonaan, balse Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa horay ugu guuleystay inuu Qarameeyo ciidamadii Ahlu Sunna iyo maleeshiyaad ku suganaa deegaanada maamulka Galmudug. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  16. Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa magaalada Dhuusamareeb kulan kula qaatay musharaxa madaxtinimada maamulka Galmudug Cabdiraxmaan Odawaa. Inkastoo aysan faahfaahin dheeraad ah ka bixin kulankooda haddana waxaa ilo xogagaal ah ay sheegayaan inay kawada hadleen dhismaha Galmudug loo dhan yahay iyo geeddi socodka doorashooyinka soo socda. Musharaxa iyo Sheekh Shaakir waxa ay sidoo kale kawada hadleen sidii dowladda federalka ah ee Soomaaliya ay faragelinta uga deyn lahayd shirka ka socda Dhuusamareeb looguna madax bannayn lahaa odayaasha dhaqanka Galmudug. Ilo wareedyo ku sugan Dhuusamareeb ayaa u sheegay Puntlandpost in musharax Odawaa uu madaxa xukuumadda Galmudug kala hadlay arrimaha ololihiisa doorashada iyo inay isku garab noqdaan marka lagu heshiisyo hanaanka dhismaha Galmudug. PUNTLANDPOST The post Maxay kawada hadleen madaxa xukuumadda Galmudug iyo musharax Odawaa. appeared first on Puntland Post.
  17. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa isku shaandhayn dhinac ka raran ku sameeyey agaasimeyaasha iyo madaxda waaxyaha kala duwan ee wasaaradaasi. Wasiir Sacad Cali Shire ayaa isku shaandhayntan uu sameeyey waxa uu agaasime waaxeedyadii ugu badan isla markaana kuwa ugu muhiimsan ah u magacaabay shaqaale ay isku deegaan ka soo jeedaan, taas oo dhalisay dareen taban oo laga muujiyey hab dhaqanka wasiirka Maaliyadda. Sidoo kale agaasimaha guud ee Wasaaradda Maxamed Cabdi Gurxan ayaa wasiir Sacad kula socda isku shaandhayntan dhinaca ka raran iyada oo wararkuna ay sheegaya inuu qayb ku lahaa go’aanka uu wasiirku ku magacaabay agaasime waaxeedyadan kala duwan ee u badan beeshiisa. Agaasime Gurxan ayaan dhankiisa hal xubin oo agaasime waaxeed ah oo ay isku deegaan yihiin aan lagu soo darin magacaabida wasiirka, taas oo su’aal galinaysa mataalada agaasime Gurxan ee deegaankiisa. Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Guuleed Dafac) ayaa ka hadlay caqabadaha uu Madaxbanaanida warbaahinta Somaliland ku keeni karo Amar ama go’aan ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo Telefishanada dalka ku amartay inay Wararka Somaliland soo horaysiiso kuwa Somalia-na ay ku daraan wararka dibada. Garyaqaan Dafac ayaa tilmaamay in sida loo kala horaysiinayo wararka uu ka hadlay xeerka Saxaafada Somaliland oo uu iska leeyahay Tifaftiraha hay’addaasi warbaahineed, wixii arintaa ka soo gudbana ay noqonayso faragalin lagu sameeyey madaxbanaanida Warbaahinta. Sidoo kale Guuleed Axmed Jaamac waxa uu sheegay in go’aankani uu hoos u dhigi karo tartankii Warbaahinta Somaliland ay kula jirtay Warbaahinta kale ee Geeska Afrika, oo ay keeni doonto in dadka Soomaalida ee ku nool dalalka kale aanay eeginba Warbaahinta Somaliland ee Wararkooda oo kaliya baahiniya. Guuleed Dafac, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi Garyaqaanku “Xeerka Saxaafada Somaliland marka uu ka hadlayo qaabka loo gudbinayo wararka iyo barnaamijyada waxa uu awood buuxda siinayaa Tifaftiraha inuu leeyahay awooda qaabka uu u kala horaysiinayo wararkiisa, markaa cid kale oo awood u leh inay go’aamiso ama ay faragaliso go’aanka Tifaftire-nimeed (editorial decisions-ka) ma jirto, waxa iska leh Tifaftirka, wixii taa ka soo gudba waxay noqonaysaa faragalin in la faragalinayo warbaahinta madaxabanaan shaqadoodii ay qabsanayeen. Madaxbanaanida u weyn ee warbaahini heli kartaa waa shaqada Tifaftirenimo oo ah inay iyagu ka go’aan gaadhaan siday u kala horaysiinayaan, iyaga oo ku go’aan gaadhaya qiimaynta wararkaasi ay kala leeyihiin, taasi waa caqabada koowaad ee ay yeelaynayso. Caqabada labaad ee ay keeni doontaana waxa ay tahay inay dhib badan ku keeni doonto Warbaahinta Somaliland meeqaamka ama tartanka ay ku leeyihiin Geeska Afrika, waayo hadii lagu soo koobo inay Somaliland oo kaliya wararkooda ay soo horaysiiyaan waxay keenaysaa in dadka Soomaalida ee Somaliland ay ku jirto aanay eegin ama aanay daawan Telefishanada Somaliland oo ay eegaan Telefishanada Somalia oo iyagu wararka labada dhinacba ka soo diraya, markaa tartankii ay ku jireen warbaahinta Somaliland-na hoos ayay u dhigaysaa oo khatar ayay galinaysaa. Ta saddexaadna waxay ka soo horjeedaa dabeecada Warbaahinta, dabeecada warbaahintu wararka u gudbisaana waxa weeyi qiimaha wararka ay soo gudbinayaan ayay markaasi ku xidhan tahay, Matalan waxa laga yaabaa warbaahinta adduunka war ka dhacay Xamar inuu Lambarka koowaad u yahay, ama war ka dhacay Maraykanka inuu warka koowaad u yahay, markaa waxay ku xidhan tahay nooca warku uu yahay. Hadii lagu soo koobo war waxay noqonaysaa qaab faaf-reeb ama censorship oo laga xadidayo waxaanay sheegay iyo waxay sheegi doonaan. Arinta kalena waxa weeyaan Shaqada Wasaarada Warfaafintu, Wasaarada Warfaafintu Tifaftiraha Guud ee Warbaahinta Somaliland maaha, waxay u xilsaaran tahay inay horumariso oo ay kobciso Warbaahinta Xitaa waxaanay xaq u lahayn warbaahinta Dawladda ee ay ka midka yihiin Idaacada iyo Telefishanka inay u sheegto qaabka ay u waramayaan,” ayuu yidhi Garyaqaan Guuleed Axmed Dafac oo u waramayey Telefishanka HCTV. Source
  19. Xulka dalkeena Soomaaliya ayaa kulanka labaad ee is reeb reebka koobka aduunka 2022 ee ka dhacay wadanka Qatar magaalada Haraare kula ciyaaray xulka wadanka Zimbabawe. Kulankii hore oo ay labada wadan ku dheeleen garoonka Al-Hagi Guleed ee dalka Jabuti waxaa 1-0 ku adkaaday xidigaha dalkeena Soomaaliya waxaana goolka u dhaliyay xidigaha Elman Anwar Sayid Cali. . Tagaareyaal badan oo Soomaaliyeed ayaa saacadihii lasoo dhaafay soo gaaray magaalada Haraare,si ay dhiiri gelin iyo garab istaag ugu muujiyaan xidigaha xulkeena waxayna badankooda ka yimaadeen Koonfur Afrika. Wafdiga ku sugan magaalada Hareere ee ka socoda Xariirka kubbadda cagta dalka waxaa hogaaminaya Cabdisamad Sheekh Qaasim oo ah madaxa farsamada xariirka kubbadda cagta,Cali Barre oo ah guddoomiyaha kooxda Hilaac iyo Cabdullahi Cilmi oo isna ah guddoomiyaha kooxda kubbadda cagta Rajo. “Waa in aan ka *****naa hadafkeena oo ah in dalkeena u samaynaa guul taariikha ah oo lagu xasuusto xidigaha matalaya wadanka,si mustaqbalka soo socda ay ugu faanaan jiilka danbe,diyaar ayaan u nahay 100% ” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Maxamuud Cali oo ah kabtanka xulka qaranka Soomaaliya. Ogeysiiska Kulanka Tartanka- World Cup qualification Dalalka-Zimbabwe VS Somalia Tariikhda-10-09- 2019 Maalinta– Talaad0 Sacaada Kulanka-4:00pm Cimilada Xiliga Ciyaarta:-27° / 12° Garoonka-National Stadium Daawashada-FIFA TV Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  20. (SLT-Moscow)-Xisbiga haya tallada Ruushka ee loo yaqaan United Russia party, ayaa lumiyay saddex meelood meel lumiyay kursiga aqalka golaha deegaanka kadib doorashadii gobolada ee shalay dhacday. Wakaalada wararka Ruushka ayaa sheegtay in badi xisbiga haya tallada uu hantay aqlabiyada kuraasta hoose ee Barlamaanka magaalada Moscow. Xisbiga uu hoggaamiyo Putin ayaa dhanka kale ku guulleystay badhaasaabka magaalada St. Petersburg iyo 15 gobol oo kale oo ka mid ah Ruushka. Natiijada ka soo baxday doorashada ayaa waxaa saluugay xisbiyada Mucaaradka, waxaana ay ku soo aadeysaa iyadoo dibadbaxyo xooggan ay mucaaradku dhigayeen toddobaadyadii la soo Dhaafay. Si kastaba ha ahaatee doorashadan ayaa tijaabo u ah loolan uu gali doono xisbiga haya tallada marka la gaadho sannadka 2021-da oo la qaban doono doorashada Baarlamaaniga Ruushka. Source
  21. The International Monetary Fund (IMF) has suggested that the value-added tax (VAT) should be doubled from five per cent to 10 per cent in Saudi Arabia in consultation with the other Gulf countries. Analysts expect the hike in VAT rate will come only after 2021 once Kuwait and Oman will also be ready to implement it and as a customs union, the increase makes sense across the GCC countries. “The introduction of the VAT in January 2018 was a landmark achievement, with revenue collections exceeding expectations. The reduction in the registration threshold at the beginning of 2019 has also gone smoothly. Staff suggested that consideration be given to raising the VAT rate from 5 to 10 percent, in consultation with the GCC,” IMF said in a report prepared its staff after consultation with the authorities in the Kingdom. The UAE and Saudi Arabia introduced the five per cent value-added tax from January 2018 with both the countries surpassing their tax collection targets. Thaddeus Best, an analyst at Moody’s Sovereign Risk Group, said as a customs union, it is logical that GCC countries would seek to keep their VAT rates harmonised in order to prevent tax arbitrage opportunities emerging within the GCC. “However, as the hesitant implementation of five per cent VAT across the GCC since 2018 shows, there is some scope for VAT differentials to be tolerated, so long as they are relatively small and temporary, as it is currently the case in the GCC with only three out the six countries having implemented the measure so far. Nevertheless, we think it is unlikely that Saudi Arabia, the UAE and Bahrain would raise VAT rates further until the remaining GCC sovereigns have finalised their VAT frameworks,” Best told Khaleej Times. “We don’t expect Kuwait and Oman will be ready to implement VAT until 2021 at the earliest, the earliest opportunities for any further increases to the VAT rate are likely to fall after that date. The only other catalyst we see for bringing forward any increases would be if oil prices decline sharply from current levels, although this is not our baseline view,” he said. The Kingdom’s non-oil revenues last year increased by 59 per cent, buoyed by the VAT, excises, expatriate levy, and proceeds from the settlement agreements. IMF estimated that VAT rate increase will add 2.0 per cent to the Kingdom’s GDP in 2024. – waheedabbas@khaleejtimes.com Khaleej Times Qaran News
  22. (SLT- Pyongyang)-Kuuriyada Waqooyi ayaa laba gantaal oo aan noocooda la sheegin ku gantay badda, sida laga soo xigtay millatariga Kuuriyada Koofureed. Millatariga Kuuriyada Koonureed ayaa sheegay in gantaallada Kuuriyada Waqooyi laga soo ganay dhul ku yaalla Koonfurta gobolka Pyongyang isla markaasna la mariyay biyaha xeebaheeda bari. Kuuriyada Koonfureed ayaa qabanaysa kulan deg-deg ah oo ay iskugu imaanayaan golaha ammaanka qaranka iyaga oo ka jawaabaya arrinta soo korodhay. Kuuriyada Waqooyi ayaa bilihii dhawaa tijaabisay noocyo badan oo gantaallo ridadoodu gaaban tahay ah. Haddii kuwan la xaqiijiyana waxay noqon doonaa tijaabadii tobnaad tan iyo bishii May. Arrintan ayaa imaanaysa saacado uun ka dib markii wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Kuuriyada Waqooyi Choe Son-hui ay soo saartay war qoraal ah oo ay ku sheegtay in dalkeedu uu diyaar u yahay in uu wadahadallo dib ula furo Maraykanka dhammaadka bishan Sabtembar. Source
  23. Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo kamid ah Isimada Gobolka Hiiraan ayaa Xukuumada Federaalka ku eedeeyey iney Dhalinyaro ay ka urursanayaan Magaalada Baledweyne, si ay u [...] Source
  24. (SLT- Beijing)-Dowlada Shiinaha ayaa sheegtay in siyaasadda Mareykanka ee ku saleysan cadaadiska ka dhanka ah Iiraan ay sal u tahay xiisada u dhaxeysa Washington iyo Tehraan. Shiinaha ayaa ugu baaqay Mareykanka in uu joojiyo talaabadan khaldan, oo dhalin karta in Iiraan ay ka baxdo heshiiskii Nuclear-ka. Hua Chunying, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha oo warfidiyeenada kula hadlayay magaalada Beijing ayaa tilmaamay in xaaladda ay ka sii dari doonto hadii Washington ay sii wado cadaadiska Iiraan ay xiisada sii socon Doonto. Madaxweynaha Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa bishii hore u qabtay mudo lixdan maalmood ah hadii Mareykanka aanu joojin cadaadiska uu ku hayo ay ka bixi doonaan heshiiska Nuclear-ka ee sanadkii 2015-kii. Source
  25. (SLT-Muqdisho)-Bangiga adduunka ayaa ku shaaciyay war ka soo baxay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sare u kacay 2.9% sanadkan halka sanadkii hore uu ahaa 2.8%. Warbixin uu soo saaray Bangiga Adduunka ayaa lagu sheegay in heerka korodhka dhaqaalaha dalka Soomaaliya saddexda illaa shanta sanno ee soo socota uu ku tiirsanaan doono sida loo joogteeyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka. “Ururinta canshuuraha ee dowlada Soomaaliya ayaa sare u kacay 29% sannadkii la soo dhaafay iyadoo dhaqaalahana uu ka soo kabtay abaar ku dhufatay dalka laba sanno ka hodhay dowladuna waxa ay bedeshay siyaasadeedii canshuuraha,”ayaa lagu sheegay warkan ka soo baxday Bangiga Adduunka. “Inkasta uu dhaqaaluhu kordhay balse lama helin lacag ku filan oo lagu dabooli karo baahida waxbarashada iyo caafimaadka ee dalka ka jirta.”ayuu sii raaciyay Bangiga adduunka warbixinta uu ka soo saaray ee dalka Soomaaliya. Sida ay daabacday Wakaalada wararka ee Reuters Bangiga Adduunka ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay dowlada Soomaaliya inay abuurto dhaqaale loogu talo galay horumarinta waxbarashada. Bishii May ee sanadkan ayaa hay’adda lacagta adduunka IMF waxa uu sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu waddo wanaagsan ku taagan yahay balse waxa uu ka digey in uu halis u yahay in uu burburo sababo la xidhiidha amniga darro, isbedelka cimilada iyo saboolnimo. Source