Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,399
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maxkamadda Sarre ee Soomaaliya, Baasha Yuusuf Axmed, ayaa magaaladda Muqdisho, wuxuu kulan kula yeeshay danjiraha Mareykanka, Donald Y. Yamamoto. Kulanka oo ka qabsoomay safaaradda xukuumadda Washington ee magaala madaxda waddanka ayaa waxaa looga arrin-sadey arrimo ay kamid yihiin xaalada garsoorka dalka iyo dib habeynta ku socota. Mr Baashe ayaa waxa uu u sheegay diblumaasiga in ay ka shaqeynayaan sidii ay u soo celin lahaayeen kalsoonida ay bulshadu ku qabaan Maxkamadda dowladda iyo nidaamka cadaaladeed ee qaranka. Yamamoto oo hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay soo celinta kalsoonida dadweynaha ayaa waxa uu u balanqaadey gudoomiyaha in ay kala shaqeyn doonan qorsheyaashi ay wadaan. Garsooreyaasha federaalka ayaa waxaa aad loogu dhaliilaa “in ay qaataan laaluush, ayna cadaalado darro u xukmiyaan muwaadinka sharciga u lahaa gal-dacwadeedka”. Tani ayaa dhabaha u xaartay in rayidka qaarkii ku nool magaaladda caasimadda ah ay cadaalad u raadsadaan dhanka argagixisadda AlShabaab, taasi oo xukuumadda digniin horey uga soo saartay. Inta badan dadka garsoorka u doonta xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa waxaa la wariyaa in ay isku hayaan lahaanshiyaha dhul ama kiisas kale. Yamamoto oo qadiyaddan kusoo qaadey Baashe ayaa lagu waramayaa in uu kula taliyey in “qaabka kaliya ee wax looga qaban karo ay tahay soo nooleynta kalsoonida rayidka ku qabo garsoorka dowladda”. Mareykanka ayaa ka taageera Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah AlShabaab, dhaqaalaha iyo barnaamjiyadda horumarinta oo ay kamid tahay arrimaha bini’aadanimadda iyo kobcinta dakhliga. AlShabaab oo Muqdisho laga saarey 2007-dii kadib guluf balaaran ayaa wali saameyn ku leh, waxayna ka fulisaa weeraro dhiig ku daato xili ay sanad walba ka hesho malaayiin dollar, iyagoo u maray canshuur uruurin. Xigasho: Garowe Online
  2. Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare, ayaa Sheegay In Dhowaan ay Bilaabanayaan Howlgallo la isugu furayo wadooyinka go’doonsan ee deeganda Hirshabeelle, kuwaas oo muddo ay go’doon ay ku hayeen Alshabab. Dr Maxamed Cabdi Waare oo maanta xerada iidamada Amisom gaar ahaan tan Itoobiya kaga qeyb galay munaasabad qada sharaf ah oo ay saraakiisha ciidamada Itoobiya ay u sameeyeen Madaxweynaha, xubnaha Labada gole ee Hirshabelle iyo mas’uuliyiinta heer gobol iyo Heer degmo, waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa qadada Ugaas Xasan Ugaaas Khaliif, qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida qeybihiisa kale duwan. Sidoo kale Madaxweynaha oo Sii hadlaya ayaa hoosta ka xariiqay inta ammaanka Soomaaliya uusan oo hagaagsaneyn uusan geeska Africa aysan nabad noqoneynin taa bedelkeedana Ay tahay Soomaaliya oo hagaagta in guud ahaan ammaanka gobolka uu hagaagayo Dhanka kale Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle ayaa kaga mahadceliyay wadamada qeybta ka ah ciidamada Amisom ee naftooda u huray sidii deegaanada Hirshabeelle iyo guud ahaan dalka uu nabad u noqon lahaa , si gaar ah ciidamada ka howlgala Hirshabelle, isagoo ku ammaanay doorkooda lama ilaabaanka ah, waxaana madaxweynuhu carabka ku dhuftay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabayaan Holwgalo la isugu furo wadooyinka Kala xiran ee go’doonka ku jira. Ugu dambeynta madaxweynaha ayaa Shahaado Sharaf ay saraakiisha ciidamada Itoobiya ay ugu talo galeen guddoonsiiyay xubnaha maamulka shahaado sharaf ay ku muujinayaan wadashaqeynta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaan in uu maalinta bari ah booqasho k tago magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Maamulka Jaamacadda Camuud ayaa la sheegay inay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku martiqaadeen qalin jabinta ardayda Jaamacadda Camuud oo ku beegan arbacada beri. Madaxweyne Biixi oo sannadkii hore ka qayb galay qalin jabinta ardaydaas Jaamacadda Camuud, ayaa sannadkan waxa la isweydiinayaa inuu ardayda jaamacadaas kala qayb geli doono munaasibadda qalin jabintooda. Magaalada Borama waxa ka taagan dareeno siyaasadeed oo salka ku haya saami-qaybsiga guud ahaan mansabyada siyaasadeed iyo baarlamaan ee Somaliland, waxaana toddobaadkan lagu qabtay magaaalda Borama kulan balaadhan oo ay ka qayb galeen siyaasiyiin culus oo dhaliilo loogu soo jeediyay hanaanka siyaasadeed ee Somaliland, waxaanay dad badani isweydiinayaan in Madaxweyne Biixi isagoo og dareenada ka jira magaalada uu ka qayb geli doono qalin jabintan. Madaxweyne Biixi ayaa haddii uu ka qayb galo munaasibadaas waxa ay bulshada gobalka Awdal ka sugaysaa inuu ka jawaabo tabashooyinka bulshadu qabto iyo bayaankii laga soo saaray kulankaas oo ahaa mid culus. Source
  4. Qaahira (Caasimada Online)– Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha ee Somalia, Dr. Abdullahi Ali Hassan iyo Wasiirada Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ee dalka Masar, Saxar Nasar waxay maanta qalinka ku duugeen Heshiiska Isfahamka Maalgashiga Wadajirka ee labada dal. Heshiiska Istaraatijiyada Iskaashiga Maalgashiga ee Somalia iyo Masar waxaa lagu saxiixay magaalladda Qaahira, kadib markii la soo gebagebeeyey Shirweynihii Labaad ee Guddiyada Ganacsatada ee Labada dal ee ka socday Qaahira.Munaasabadda saxiixa ee Heshiiskaasi waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha dalka Masar, Cumaru Nasaar iyo madax kale. Waxaa Turjumay: Ustaad Nuradin Xigasho: mubasher.info, Egypt Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim “qoone” ayaa si kulul uga hadlay dooda ka dhalatay ciidamo cusub oo dhowaan ka soo baxay tababar islamarkaana ku sugan magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, kuwaas oo dhowaan odayaasha gobalka diideen in loo diro Galgaduud. Xildhibaan Qoone, ayaa sheegay in ay qalad weyn tahay in ciidamo arradan, islamarkaana aan hubeesneen una badan carruur sida odayaasha sheegeen ay dowladda Soomaaliya u dirto goobo dagaal, asagoo ka dalbaday xukuumadda Soomaaliya inay dhagaysto baaqa odayaasha. “Hiiraan, isagaa u baahan ciidan iyo taageero ee ma’ahan in ciidan laga qaado sababtoo ah Beladweyne meel u jirta 3 KM waxaa u jooga Al-Shabaab” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Xasan Qoone oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho. “Xukuumadda malahan dhaga wax-maqla balse waxaan uga digayaa in ay maqli weyso hadalka ugaas-ka iyo dhaqanka kale, sababtoo ah waxaa ka imaan kara culeesyo kale” ayuu hadalkiisa sii raaciyay xildhibaan Maxamed Xasan Qoone oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya. Isagoo hadalkiisa sii wata xildhibaano Qoone, ayuu sheegay in dalka uu qaatay nidaamka federaalka islamarkaana aysan hadda jirin ciidan ka howlgala degaan ka baxsan gobalkooda ama halkii laga qoray, taasina ay muujineyso xadgudub kale sida uu hadalka u dhigay xildhibaan Maxamed Xasan Qoone. “Ma aragtay ciidanka Puntland oo ka howlgala Beladweyne ama Jowhar, ma aragtay kuwa Galgaduud oo ka howlgalaya Baydhaba, sidee kuwa wiilasha Hiiraan loogu qaadayaa meel kale” ayuu yiri xildhibaan Qoone Odayaasha dhaqanka gobalka Hiiraan ayaa shalay iyo dorraad diiday in magaalada Beladweyne laga qaado ciidamo gaaraya ilaa 400 oo askari, kuwaas oo la sheegay in ay ka qayb qaadan lahaayeen howlgal ka bilaabanaya degmada Ceel-buur ee gobalka Galgaduud. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. At least four people were killed in an attack happened in Garbaharey, the capital city of Gedo region in Somalia around 11 PM on Monday. Reports say that Al-Shabaab attacked the police station in Garbaharey, prompting to face to face fights between the government forces and militants. Sources told Radio Shabelle that one civilian was among the casualties. They’re also three militants who died in the counter-attack, according to the Somali Army Officials in the region. There is no statement from Al-Shabaab militants regarding the attack and the claim of the Somali Army Officials. On Tuesday morning, the situation in the region returned to a calm, but the Somali army continues searches in the area of the incident and other villages located on the outskirts of Garbaharey. The region hosts both Somali National Armies along with Ethiopian troops who are not serving under African Union Mission in Somalia (AMISOM) and Al-Shabaab Militants. View the full article
  7. Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta booqday qaar kamid ah xarumaha dowladda ee magaalada Garoowe. Xarumaha uu booqday madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa waxaa kamid ah bangiga dhexe ee dowladda waxaana uu warbixino ka dhegeystey guddoomiyaha bangiga iyo howl wadeenada kale. DAAWO PUNTLANDPOST The post Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo kormeeray xarumo dowladeed. appeared first on Puntland Post.
  8. (SLT-Hargeysa)-Garyaqaan Mubaarik Cabdi ayaa telefishanada madax-bannaan ugu baaqay inay dacwad ka gudbiyaan Wasiirka Waraafinta Dhaqanka iyo Wacyigelnta Jamhuuriyadda Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  9. Xudur (SMN) – Wafdi uu hoggaaminayo raiisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bokool,halkaasi oo si diiran loogu soo dhaweeyey. Garoonka diyaaradaha magaalada Xudur waxaa ku soo dhaweyeey R/wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre madaxweynaah maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed(Laftagareen) xubanaha golayaasha wasiirada iyo baarlamaanka maamulkaasi,maamulka gobolka Bokool,kan degmada Xudur iyo qeybaha bulshada. Inta uu joogo magaalada Xudur raiisul wasaare Khayre waxaa uu kulamo la yelan doonnaa madaxda dowlad goboleedka Koonfur Galbeed,iyo qeybaha bulshada,si lamid ah safar uu ku tagay magaalada Baydhabo. Amaanka magaalada Xudur ayaa siweyn loo adkeeyey,iyadoo ay iska kaashanayaan ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa booliiska gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed. View the full article
  10. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka wasaaradda beeraha Md. Axmed Muumin Seed ayaa ka hadlay cabashada ka taagan gobolka Awadal, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr Cabdi Cismaan ayaa waxa uu markii ugu horaysay ka hadlay mashaariicda kala duwan ee reer Yurub ay ka hirgaliyaan Somaliland oo mudooyinkii u dambeeyey ay saxeexa lahayd dawladda Federalka ee Somalia. “Somaliland waxay leedahay awood ay ku waydiisato caalamka wixii ay u baahantahay oo baahideeda iyadaa og Xamarna kama timaado, waxaana jira sanduuq gaar ah oo Somaliland Development Fund la yidhaa oo Somaliland baahida ay mashaariic u qabto, markaa waxaad odahay sanduuqaasi oo ilaa shan sanadood jiray in Somaliland loogu soo shubo wixii caawimo la siinayo Somaliland Muqdishana kuma xidhna,” ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta Somaliland Dr Cabdi Cismaan, kaas oo sidoo kale ka hadlay shir caalami ah oo uu dalka Jarmalka kaga qayb galay. “Markaa waxaanu u nimid shirkan oo ujeedadiisu ay tahay sidii dib loogu soo noolayn lahaa farsamooyinkii gacanta ee loo tababari lahaa shaqaale xirfado kala jaad jaad ah yaqaana Jarmalkuna aad ayuu nooga caawinayaa arintaasi, markaa waxaanu tagnay meesha Vocational Training Center-ka oo caalami ah oo dalka Jarmalku uu leeyahay iyo machadka khaaska ah ee lagu tabaro dadka, markaa waxa naloo tusay nooca aanu qaadan lahayn ee Somaliland ku haboon,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  12. Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegayo in jidadka qaar lagu xiray Dhagxaan iyo Carro. Ciidamada Dowldda Soomaaliya ee dhawaan halkaas la geeyey ayaa si weyn u sugayo amniga Magaalada, waxaana jidadka soo galo xarunta lagu qabanayo Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug lagu xiray Carro. Waddooyinka kale ee Dhagaxaanta iyo Carrada lagu xiray ayaa waxaa kamid ah Jidka galo Madaxtooyada Maamulkaas. Shacabka Magaalada ayaa qabo dareen ka duwan midkii hore maadaama ay Magaalada nabad ahaan jirtay iyadoo aan wax dhagxaan iyo Carro lagu xirin. Magaalada Dhuusamareeb ayaa hadda magan u ah Dhagxaan iyo Carro waxaana loo ekeysiiyey Magaalada Muqdisho oo jidadkeeda dhan Carro iyo Dhagxaan lagu xiray. Magaalada ayaa waxay la ciir ciireysaa Siyaasiyiin badan oo maalmihii ugu dambeeyey ku qulqulayey waxaana laga cabsi qabaa inay Al-Shabaab weeraro ka fuliso. Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa horey gacanta ugu hayey Ciidamada Ahlu Sunna, waxayna ka nabad badneyd Magaalada Muqdisho oo ay joogaan Ciidamada ugu badan ee Dowladda iyo kuwa AMISOM. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
  13. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta billado iyo shahaado-sharafeeddo guddoonsiiyey Afar sarkaal oo katirsan ciidamada qaranka, kuwaas oo kasoo qalin-jebiyey kulliyadda ciidamada oo ku yaalla dalka Itoobiya, islamarkaana derejooyin aad u sarreeya ku qalinjebiyey. Munaasibad uu madaxweynuhu shahaado-sharafeeddada iyo billadaha ku guddoonsiinayey saraakiisha katirsan ciidamada qaranka oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada, ayaa lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada, waxana madaxweynaha ku wehelinayey taliyaha ciidamada qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, la-taliyaha madaxweynaha ee dhinaca siyaasadda, Mudane Cali Maxamed Waran-cadde, gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) iyo afarta sarkaal ee la abaalmarinayey, waxana goobta laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo guulaha ay qaranka u soo hooyeen saraakiishani iyo sida ay tusaalaha ugu yihiin dhammaanba ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Taliyaha guud ee ciidanka qaranka, sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani iyo wasiirka wasaaradda gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ugu horrayn madaxweynaha siiyey warbixin ku saabsan heerka ay waxbarashada ka gaadheen saraakiisha dhawaan qalin-jebisay, waxana ay hoosta ka xarriiqeen inay wax weyn ka tari doonaan baahida uu ciidanku u qabo in aqoontiisa la horumariyo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhankiisa saraakiisha soo qalin-jebisay ku bogaadiyey horumarka ay sameeyeen iyo guusha ay kasoo hooyeen jaamacadaha ay dhiganayeen ee ay hormoodka ugu noqdeen kumannaanka arday ee ka kala socota dalalka Afrika. Madaxweynuhu waxa uu saraakiisha soo qalinjebisay ku adkeeyey inay aqoontooda ku dhisaan ciidamada, si uu qaranku u yeesho ciidamo tayo leh, “Waxa la idinka doonayaa aqoontaa aad keenteen iyo horumarkaas inaad ciidanka ku dhistaan, xooggana waxannu saaraynaa dhismaha ciidanka, hadduu ciidanku inoo dhismona qaranku wuu dhismayaa, waxa la idinka sugayaa qaran-dhis iyo inuu ciidanku sidii uu ahaa kasii xoogaysto oo laga ilaaliyo qalin-daarka,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ka digay dibin-daabyo kasta oo ciidanka qaraka ka dhan ah, islamarkaana aanay cidina jebin Karin shuruucda iyo xeerarka gaarka u ah ciidamada, waxana uu yidhi, “Madaxweyne ahaan iyo xukuumad ahaan dhammaanteen waxa inagu waajib ah inaynnu ciidamada ka ilaalinno qalin-daarka, ciidamada haddii la qalin-daaro socon mayso, ciidanku ma qaadi karo musuqmaasuq, ciidanku ma qaadi karo xeer-jebin iyo in sharciga ninna laga dhaafo ninna lagu dabbaqo ciidanku ma qaadi karo, ciidanku Dhisibiliin iyo is maqal buu ku dhisan yahay, annaguna ciidanka siyaasad usoo gudbin maynno.” Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale amar ku bixiyey in dhulka danta guud ah qaybo kamid ah loo qoondeeyo ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha dawladda, isaga oo islamaantaba wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta u diray wareegto u arrintan ku fulinteeda ku farayo. Afarta sarkaal ee kasoo qalinjebiyey jaamacadaha Itoobiya oo mid kamid ahi billad dahab ah kusoo guulaystay, ayaa kala ah, Gaashaanle Sare Axmed Hurre Haarriye, Gaashaanle Dhexe Nimcaan Yuusuf Cismaan, Gaashaanle Cabdirisaaq Xasan Dalmar iyo Gaashaanle Mustafe Cabdi Xasan, waxana ay in muddo ah u dhabar adaygayeen waxbarasho socotay muddo sannado ah oo ay dalkaas Itoobiya ku sugnaayeen, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Harare (SMN) – Xulka qaranka Soomaaliya ayaa maanta la ciyaaraya dhiggiisa dalka Zimbabwe kulanka lugta labaad isreeb-reebka koobka Adduunka ee 2022 wadamada qaaradda Afrika, waliba marxaladda koowaad, waxeyna heystaan natiijo fiican Xulkeena qaranka Soomaliya maadaama ay 1-0 kusoo adkaadeen kulankii martida loo ahaa oo ka dhacay Dalka Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Djabouti. Soomaaliya waxey u aheyd markii ugu horreysay oo ay guul ka gaarto kulamada isreeb-reebka sida lagu daabacay bogga FIFA, 12-kulan oo ay ciyaaren kaliya guushii ay ku heleen bishaan wadanka Djabouti ayaa loo diwaan galiyay. Kadib guushaas, bogga twitter-ka ay FIFA ugu talagashay in lagu buun-buuniyo wararka koobka Adduunka 2022 ayaa soo daabacayay dhiirigalin taabaneysa ciyaartooyda Soomaalida. Marka aad hal tallaabo u jirto booska taarikhiga ah ee wareegga groupyada isreeb-reebka koobka Adduunka wadamada Afrika” ayaa lagu soo qoray maalintii shalay. Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa markaan tallaabo qurux badan qaaday,kadib markii ay xulka kusoo dareen dhawr ciyaartoy oo qurbaha ka ciyaarta,waana isbadalka laga dareemayo xulka oo tallaabo weyn qaaday. Dhanka qaranka Zimbabwe waxey xulkooda dib ugu yeereen saddex ka mid ah ciyaartoydooda,kuwaas oo horay looga ganaaxay qaranka maadaama lagu eedeeyay iney mas’uul ka ahaayeen gadoodkii ay sameeyeen xiddigaha wadankaas ka hor bilowgii koobka qaaradda Afrika ee lagu qabtay Masar. TAAGEERAYAASHA SOOMAALIDA: Taageerayaasha Soomaaliya ayaa gaaray Magaalada Harare ee caasimadda dalka Zimbabwe,iyagoo ka ambabaxay Wadanka Koonfur Afrika,si ay taageero ugu muujiyaan qarankooda oo kulan dhimasho ah la ciyaaraya dhigooda Zimbabwe,Sida uu ku soo waramay wariyaha warbaahinta qaranka Koonfurta Afrika Cabduqaadir Axad. dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaareysa Boqolaal ayaa ka qeybgalaya daawashada ciyaartaasi oo siweyn loo sugayao,si ay taageero ugu muujiyaan Xulka qaranka Soomaliya oo maanta lugta labaad ee isreeb-reebka koobka aduunka 2022 kula ciyaaraya dhiggooda dalka Zambaabwi. Si kastaba kulankan ayaa ah mid si weyn loo wada sugayo,Magaalada Haraare ee Caasimadda dalka Zambabwi ayuuna kulankan ka dhacaya galabta 4:00 PM xiliga Geeska Afrika View the full article
  15. Harare (Caasimadda Online) – Xulka qaranka Soomaaliya ayaa maanta la ciyaaraya dhigiisa Zimbabwe kulanka lugta labaad isreeb-reebka koobka Adduunka 2022 wadamada qaaradda Afrika, waliba marxaladda koowaad, waxeyna heystaan natiijo fiican maadaama ay 1-0 kusoo adkaadeen kulankii martida loo ahaa oo ka dhacay Djabouti. Soomaaliya waxey u aheyd markii ugu horreysay oo ay guul gaarto kulamada isreeb-reebka sida lagu daabacay bogga FIFA, 12-kulan oo ay ciyaaren kaliya guushii ay ku heleen bishaan wadanka Djabouti ayaa loo diwaan galiyay. Kadib guushaas, bogga twitter-ka ay FIFA ugu talagashay in lagu buun-buuniyo wararka koobka Adduunka 2022 ayaa soo daabacayay dhiirigalin taabaneysa ciyaartoyda Soomaalida. Marka aad hal tallaabo u jirto booska taarikhiga ah ee wareega groupyada isreeb-reebka koobka Adduunka wadamada Afrika” ayaa lagu soo qoray shalayto. Anwar Siid Cali ayaa xulka Soomaaliya kubad madaxa ugu dhaliyay daqiiqaddii 87-aad ee ciyaarta, goolkaas ayeyna ku dhammaatay. Khamiistii ma aysan u ahayn habeen caadi ah xulka qaranka Soomaaliya, maadaama ay darajada kala horreynta liiska kubadda cagta adduunka ee Fifa ka galeen booska 202-aad, halkii ay markii hore ka ahaayeen booska 211-aad. Gool xamaasad weyn abuuray oo la dhaliyay daqiiqaddii 86-aad ayaa sababay in kooxda lagu naaneyso Xiddigaha badweynta(Ocean Stars) ay sameeyaan dabaaldag aysan noociisa waligood horay u sameynin. Soomaaliya ayaan waligeed ka qeyb galin tartanka ugu weyn kubadda cagta caalamka ee loo yaqaanno World Cup-ka(Koobka Aduunka), tan iyo markii la aasaasay sanadkii 1930- WAA GOORMA KULANKA? Kulanka waxaa geeska Afrika laga daawan doonaa 4:00 Galabnimo, sida la rajeynayo barta youtube-ka xiriirka kubadda cagta Adduunka (FIFA) ayaa laga daawan doonaa, walow ay jiri doonaan TV-yo kale oo soo tabin doona ciyaarta. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
  16. Muqdisho (SMN) – Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji wasiirka Cadaaladda Soomaaliya ayaa sheegay in uu socdo qorshe lagu hormarinayo hanaankacCadaaladda dalka. Wasiirka oo la hadlayey warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu ka hadlay hirgalinta nidaamka cadaaladda dalka oo ay waddo wasaaraddiisa, islamarkaana la tashiyo kala duwan kala sameyneyso dowlad goboleedyada ka jira dalka iyo qeybaha kala duwan ee ururadda bulshada rayidka ah. S idoo kale wasiirka Cadaaladda ayaa tilmaamay in nidaamkan la doonayo in uu lajaan qaado kuwa Cadaaladda ee dunida ka jira, lehna awoodihii lagu fulin lahaa. “Waxaa jiray in aan ka shaqeyneynay hanaanka cadaaladda, asluubta iyo siyaasad weyn oo dowlad goboleedyadda iyo dowladda federaalka ayaa nidaamkaas si-wadajir ah uga soo shaqeeyeen,hanaankaas oo la horgeeyey golaha Wasiiradda oo ay ansixiyeen.” ayuu yiri Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji Ugu danbeyn wasiirka ayaa xusay in hanaankan laga hirgalin doono dhammaan dalka si ay dadka Soomaaliyeed u helaan nidaam cadaaladeed oo wanaagsan. View the full article
  17. Muqdisho (SMN) – In ka badan 250,000 oo qof ayaa ku barakacay colaadaha iyo abaarta ka jirta Soomaaliya intii u dhaxaysay January illaa July ee sanadkan 2019-ka, sida ay sheegtay hay’adaha gargaarka Qaramada Midoobey. Barakaca ugu badan ayaa waxa uu ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ay ka socdaan howlgallo military oo ay wadaan ciidamada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. Hay’adaha UNHCR iyo NRC ayaa sheegay in dadkan ay kusoo barakaceen xeryo ku yaalla duleedka Muqdisho, iyago wajahaya xaalado dhanka nolosha ah, maadaama aan wali helin gargaar bini’aadanimo. “In ka badan 250,000 oo qof ayaa waxaa soo barakiciyay dagaallada iyo abaarta ka jirta qaar kamid ah gobollada dalka Soomaaliya, kuwaasoo 50% ka badan kuwii la diiwaangeliyay sanadkii hore,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay si wada jir ah usoo saareen UNHCR iyo NRC. Hay’adaha gargaarka ayaa ka digay dhibaato bini’aadanimo hadii ay sii socdaan dagaallada Soomaaliya, iyagoo ugu baaqay dowladda Federaalka iyo ciidamada ajnabiga ah inay kala shaqeeyaan u gurmashada barakaciyaasha. View the full article
  18. Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-10092019.mp3 View the full article
  19. mugdiga kasoo ifbaxay wasaaradda maaliyadda Somaliland waa qaran lawada leeyahay oo lagu abqaalay dhiiga geesiyaal maanta inaga hooseeya , geesiyaashaaasi waxay udhinteen in la helo wadan xor ah oo ay u simanyihiin muwaadiniintiisu dhib iyo dheefba , waxay ka dagaalameen dulmi noocyo kala duwan ahaa , hadaba maanta ma gaadhnay cadaalad ahaan halkii aynu u halgamaynay Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu waxay ka mitahay wasaaradaha lafdhabarta u ah qaranka , laakiin hada waxay isu bedeshey goob lagaga aar goosto muwaadiniinta aan kasoo jeedin qoyska madax weynaha . Wasaaraddu waxay ka koobantahay 14 waaxood 7 ka mid ah waxaa haysta qoyska madaxweyne biixi , todobada soo hadhay intoodada badan waxaa ku xigeena ka ah qoyska madaxweyne biixi Waxaan iyaga ka hadal lahayn madax qaybeedada wasaarada oo aynu odhan karno bulshada kale ee reer somalilalnd waa kow iyo laba Gabiley Clan Waaxda Qolada Magaca 1) W/Maamulka iyo lacagta Sacad muuse Xuseen xasan cabdi 2) W/ Cashuuraha beriga Sacad muuse Cabdisalaan busi 3) W/ IT/IFMIS Sacad muuse Amiin abshir timo cad 4) W/ Iibka / procurement Sacad muuse Bahja yuusuf 5) W/ PFM Sacad muuse Xasan dheere 6) W/ Shuruucda Ciise muuse Hibaaq guled 7) W/ Adeega maaliyadda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay Ciise muuse Mukhtar cabdi cilmi Ku xigeenka W/ miisaaniyadda Sacad muuse Cabdicasiis dheeg 9) Ku xigeenka W/ kastamada Sacad muuse Axmed maxamed oomaar 10) Ku xigeenka W/ shuruucda Sacad muuse Cabdilahi c/raxman qaalib 11) Ku xigeenka xisaabiya guud Ciise muuse Keyse dheere 12) Ku xigeenka waaxda internal auditka Sacad muuse Cabdirisaaq 13) Gudoomiya mashruuca eafs Sacad muuse Buureed 14) Ku xigeenka adeega maaliyadda iyo ganacsiga gaarka ah Sacad muuse Ilyaas xasan barkhadle West Burco Clan Waaxda Qolada Magaca 1. W/ kastamada Habaryoonis Maxamed nuur maxamed 2. W/ Waaxda dhaqaalaha iyo tiro koobka Ciida gale Cabdirisaaq cali maxamed Awdal Clan Waaxda Qolada Magaca 1) w/ xisaabaadka Awdal Clan Axmed daauud 2) W/shaqaalaha Awdal Clan Maxamed axmed weyrax East Burco Clan Waaxda Qolada Magaca W/miisaaniyadda East Burco Clan Yaasiin ducale barre Arab Waaxda Qolada Magaca W/baadhista gudaha Arab Maxamed dhego ku xigeenka waaxda tira koobka Arab Ayuub Waaxda Qolada Magaca W/ xidhiidhka dadweynaha Ayuub Axmed muuse maxamed Dhacdadii layaabka badnayd ee uu sameeyey sacad cali shire 07/09/19 ee uu reer kiisa ugu magcaabey afarta agaasime waaxeed , oo uu ka midyahay inan uu ader uyahay ( mukhtaar cabdi cilmi ) isla markaasna uu xilkii kaga qaaday agaasimihii maamulka iyo lacagta waxay noqotay mid kasii yaabisay bulshada, Waxay kale oo bulshadu liqi la’dahay a gaasimihii hore ee maamulka iyo lacagta oo sidatay shahaada heerka labaad ee jaamacadeed waxaa lagu bedeley inan kasoo jeeda raaska madaxweynaha oo xitaa aan haysan shahaado jaamacadeed , wasiir sacad intii aan loo sheegin inay kala hayb yihiin waxa uu gole ka qiray inay tahay qofka ugu kartida iyo aqoonta badan agaasime waaxeedada wasaaradda ,balse markii kitaab baal madaw wasiirka loogu akhriyey meel madaw waxaa u muuqatay inuu waaxdii keli ahayd ee beelaha barigu ku magcaabnaayeen uu reerkiisa udhiibo , waxaa xusid mudan inanka loo dhiibay maamulka iyo lacagta in aabihiina yahay agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaaradda beeraha , walaalkiina yahay agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaaradda dhalinyarada . Waaxda pfm ka waxaa haysta sidaan kor ku xusan nin sacad muuse , oo aan finance ama maaliyad meela kasoo gelin ,waa lawyer . Waxaa iyana xusid mudan in dhawrka agaasime waaxeed ee kasoo jeeda beelaha kala ay dhammaantood dhaleen qoyska madaxweyne biixi Waxaa kale oo jirta in wasiirkii hore ee maaliyadda xilligii siilaanyo cabdicasiis samaale uu madaxweynaha kala taliyo wasaaradda maaliyadda ,iyadoo aynu ognahay inuu samaale yahay ninkii bisha keliya qoray 300 boqol oo shaqaale ah oo ay isku haybyihiin , samaale isagaa leh go aanada kama danbeysta ah ee maaliyadda . Waxaa jira urur ay ku midaysanyihiin agaasime waaxeedada iyo ku xigeenada kasoo jeeda qoyska madaxweynaha oo intay is uruursadaan kolba ku qanciya cid waxay doonayaan Agaasimaha guud ee maaliyadda waxaa abti u ah samaale madaxweynaha isagaa ugeeyey, isagoo kula balamay inuu wax kasta oo usoo gudbiyo sidiisa ufuliyo . dhinca kale wax jira wiil yare oo uu madaxweyna biixi abti oo la yidhah( shucayb maxamud ciise ) oo temporary ah oo hadana ka mushahar badan agaasime waaxeedada wasaarada maliyadda inaga oo aan soo koobi karin dhacadooyinka dhiig baxa qaranka ku ah ee ka dhacay ama ka socda wasaaradda maaliyadda ,wax keliya ee aynu ku tilmaami karnaa meherad reer leeyahay ,cid kalena aanay waxba uga ogolayn . Source