-
Content Count
209,399 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Pakistan)-Dowlada Pakistan ayaa ka dalbatay qaramada midoobay in baadhitaan lagu sameeyo xaalada gobolka Kashmiir ee dhanka Hindiya. Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa ayaa waxaa ka muuqday dad maxaabiis ah oo ciidanka Hindiya jidh-dilayaan, iyadoo qaarkood koronto lagu Qabtay. Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan Maxamuud Qureyshi ayaa ka sheegay magaalada Genava in muslimiinta laga tirada badan yahay ay wajahayaan hanjabaado kaga imaanaya Hindiya. Mr Qureyshi ayaa intaa raaciyay in hadii xaalada sidan ay ku sii socoto, ay isku badali doonto howlgalada ciidanka Hindiya mid isku badala xasuuq loo geystay dadka reer Kashmiir. Source
-
(SLT-Riyadh)-Dawladda Sucuudiga ayaa Cambaaraysay Qorshe uu Raysal-wasaaraha Isreal ku doonayo inuu dooxada Jordan ugu daro Dhulka Dalkiisa Isreal. Raysal-wasaaraha Isreal Benjamin Netanyahu oo ku jira ololaha doorashada guud oo Toddobaadka soo socda dhacaysa ayaa sheegay in haddii xafiiska ku soo laabto oo uu doorashada ku soo baxo inuu Dooxada Jordan oo qayb ka mid ahi ku taallo Daanka Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta uu ku soo dari doono Isreal. Dooxada, qaybteeda Daanta galbeed ku taalla ayaa waxa ka dhisan 65 kun oo Guri oo Falastiiniyiintu leeyihiin iyo illaa 11 kun oo Yuhuud la deegaameeyay leeyihiin, laakiin Benjamin Netanyahu ayaa doonaya inuu gabi ahaanba si xoog ah ugu soo daro dhulka Isreal. Boqortooyada Sucuudiga oo ka xun Go’aankan uu ku ololaynayo Benjamin Netanyahu ayaa cambaareeyay isla-markaana sheegay inay arrintaasi khatar ku tahay Dadka reer Falastiin. Dawladda Sucuudiga ayaa kulan deg-deg ah oo arrintaa laga yeesho ugu baaqday 57 Dawladood ee Islaamka, si arrintan wada-hadal looga yeesho. Dooxada Isreal damacsan tahay ayaa Juquraafi ahaan dhanka Waqooyi ka xigta Badda dhimatay. Source
-
(SLT-Gaza)-Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Xamaas ayaa diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ku soo riday magaalada Gaza ee dhulka Falastiin. Arrintaan ayaa timid maalin kadib markii Israa’iil ay duqeyn ka bilowday agagaarka deegaanada ku teedsan xeebta Gaza. Warbaahinta Falastiin ayaa dhanka kale tabisay in ururka Xamaas ay dhulka soo dhigeen diyaarad nuuca drone-ka oo mareysay bariga magaalada Rafah oo dhanka koonfureed kaga beegan Gaza. Dhanka kale millatariga Israa’iil ayaa sheegay in ay wadaan baadhitaanada la xidhiidha diyaarada shalay galinkii danbe laga soo Riday. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa maanta ka qeyb shirka dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Galmudug ee weli ka socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud. Shirka oo galay maalintiisii shanaad ayaa waxaa inta badan diirada lagu saarayaa arrimaha dib u heshiisiinta iyo doorashada maamulka Galmudug. Qaar ka mid ah ergada ka qeyb galeysa shirkaasi ayaa su’aallo adag wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliyeed ka weydiidyey arrimaha ammaanka ee Galmudug, gaar ahaan ciidamada ay dowladdu geysay magaalooyinka qaar ee maamulkaasi. Wasiir Ducaale ayaa sheegay in hadafka ugu weyn ee dowladda uu yahay sidii loo dhameyn lahaa khilaafka Galmudug iyo sidii loo heli lahaa maamul mid ah oo loo dhan yahay. Waxa kale uu sheegay in ciidanka dowladda kaliya ay ka shaqeynayaa xasiloonida deegaanka iyo sidoo kale sidii u xaqiijin lahaa amniga goobaha doorashooyinka. Ugu wasiir Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa ka hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in ciidanka Xoogga dalka ay howlgalladii ugu dambeeyey ka gaareen guullo waa weyn, islamarkaana ay Al-Shabaab ka qabsadeen deegaano hor leh. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Somaliland has been self-governing for more than two decades and has held successive democratic elections. It has its own army, currency, passports and flag and functions completely autonomously from Somalia, which it broke away from in 1991. But Somalia and the world are yet to recognise Somaliland, holding back foreign investment. Despite this obstacle, Somaliland is attempting to forge ahead by modernising its economy by establishing an ambitious new trade corridor with Ethiopia following a large investment in road and port development by the UAE and seeking investment in new industries that will soak up large numbers of unemployed youth. It is a country that must make a series of transitions – from nomadic livestock rearing to modern farming, from rain-fed cultivation to irrigation, from exploring oil to producing it and from an inefficient and expensive diesel-based energy supply to renewable energy amongst others. This battle to do new things in a tough neighbourhood will define Somaliland and the Horn of Africa over the next decade. Report by the Brenthurst Foundation Qaran News
-
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa wareejiyey Hoogaanka Shirka Golaha Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta. Soomaaliya Xilkaan heysay lixdii bilood ee lasoo dhaafay shalay ayeyna si-rasmi ah u wareejisay. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in mudaddii xilkaas Soomaaliya soo heysay u soo qabsoomeen waxyaabo badan aad u wanaagsan. Source
-
Laash ay saaran yihiin shan ruux oo kalluumeysato ah ayaa todobaadkan lagu waayay xeebta gobolka Guardafui ee Puntland sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha gobolkaasi Maxamuud Axmed Caynab. Guddoomiyaha oo wareysi siiyay warbaahinta Puntland Post ayaa sheegay in kalluumeysatada la waayay ay Sabtidii ka baxeen xeebta degaanka Binna oo u dhexeeya degmooyinka Baargaal iyo Gumbax ee gobolka Guardafui. Sidoo kale wuxuu sheegay in uu socdo gurmad xooggan oo lagu baadi-goobayo kalluumaysatadaasi la waayay balse aan ilaa iyo hadda lagu guulaysan in helo raq iyo ruux midna. Hoos ka daawo wareysigiisa oo dhammaystiran PUNTLAND POST The post Faahfaahin: kalluumaysato lagu waayay xeebaha gobolka Guardafui ee Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo u warramayey warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Saacid ayaa qiray in weli ay jirto awooda Al-Shabaab, islamarkaana ay yihiin dad Soomaaliyeed oo la kari waayey. Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu qabo in wadahadal toos ah lala galo Al-Shabaab, si dalka loogu soo dabaalo nabad gelyo iyo xasilooni. “Wada-hadal toos ah in lala galo ayaan anigu qabaa, runtii waxaa weeye waa dad Soomaaliyeed waa la kari waayey, waxaa fiican in laga guuleysto, nabadd wadahadal ku timaadana lafteeda lama dhayalsan karo.”ayuu yiri Cabdi Faarax Shrdoon (Saacid). Waxa kale uu sheegay inay muhiim tahay in la xoojiyo hay’adaha amniga, gaar ahaan dadka ka shaqeynaya oo uu xusay in loo baahan yahay inay ahaadaan dad khabiiro ah. Ugu dambeyn wuxuu carabka ku dhuftay in dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo looga fadhiyo inay la timaado qorshe cad oo lagaga adkaan karo kooxda Al-Shabaab. Halkan hoose ka dhageyso Codka. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2019/09/cod-1-Saaciid-.mp3 Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
PRESS RELEASE 11 September 2019 British Government signs agreements worth £31m to support development in Somaliland The UK yesterday signed an agreement with the Government of Somaliland and the Netherlands to support the implementation of Phase II of the Somaliland Development Fund (SDF2) programme, which aims to improve the lives of local people through the delivery of essential public services. SDF2 (£25m, 2018-2022) programme, will be delivered in partnership with the Somaliland government to promote long-term stability in the region. It will help improve the lives of the people of Somaliland by building critical infrastructure, such as roads, water systems and agricultural facilities, and will also help build capacity within Somaliland’s institutions. The new programme which is aligned to Somaliland’s National Development Plan II (NDPII) will build on the achievements of the original SDF (2013-2018) programme. The UK and Somaliland also signed a renewed Memorandum of Understanding to support the implementation of the Energy Security and Resource Efficiency in Somaliland (ESRES) Programme that aims to provide a clean, affordable renewable energy boost in Somaliland. The agreements were signed by President Bihi and Damon Bristow, the Head of Office for the UK’s Department of International Development (DFID) in Somalia. The British Ambassador, Ben Fender, and the Head of the British Office in Hargeisa, Stuart Brown, were also present. Speaking after the signing ceremony at the Presidential Palace in Hargeisa, Damon said: “The UK is committed to supporting the people of Somaliland. We recognise the efforts being made to improve institutions and to provide access to basic services for local people.” “SDF 2 will ensure that ordinary people across Somaliland will benefit from improved services by supporting the growth of Somaliland’s economy.” “ESRES will address the high costs of electricity in Somaliland and help promote green growth and poverty reduction by increasing access to more affordable and reliable renewable energy services.” While in Hargeisa, Damon Bristow visited the Hargeisa Water Agency which SDF is supporting to supply clean water to the people of Hargeisa. He also visited the Somaliland Roads Development Authority (RDA) to discuss the UK’s investment in roads and supporting the RDA’s capacity to deliver on quality and safeguarding standards. Qaran News
-
Addis Ababa (SMN) – Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmaya kooxda wada hadalka deyn cafinta u qaabilsan hey’adda Lacagta Aduunka (IMF) waxaana laga wada xaajoonayaa Wajiga afaraad ee Barnaamijka deynta cafinta Soomaaliy (SMP4), Waxaa si gaar looga hadlayaa kulanka wixii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay ka qabatay sadaxdii bil ee la soo dhaafay shuruudaha ku xeran wada hadalka deynta cafinta wajiga afaraad . wadahadalka waxaa kale oo ka qeyb galaya wasiirka Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya. Inta uu socdo shirka Wasiir Beyle iyo wafdigiisu waxa ay kulama gooni gooni ah la qaadan doonaan madaxda hey’adaha dhaqaalaha caalamka iyo qaar ka mid ah wadamada deymaha kuleh Soomaaliya waxaana kulamadaasi looga hadlayaa sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay… Wasiirka Maaliyada Mudane Beyle ayaa raja wanaagsan ka muujiyay wada hadalka ay la galayaan IMF iyo guud ahaan in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay marka uu soo gabagaboobo Wajiga afaraad ee wada xaajoodka deyn cafinta. View the full article
-
Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Magaalada Adis-Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmaya kooxda wada hadalka deyn cafinta u qaabilsan hey’adda Lacagta Aduunka (IMF) waxaana laga wada xaajoonayaa Wajiga afaraad ee Barnaamijka deynta cafinta Soomaaliy (SMP4), Waxaa si gaar looga hadlayaa kulanka wixii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay ka qabatay sadaxdii bil ee la soo dhaafay shuruudaha ku xeran wada hadalka deynta cafinta wajiga afaraad . wadahadalka waxaa kale oo ka qeyb galaya wasiirka Qorsheynta iyo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya. Inta uu socdo shirka Wasiir Beyle iyo wafdigiisu waxa ay kulama gooni gooni ah la qaadan doonaan madaxda hey’adaha dhaqaalaha caalamka iyo qaar ka mid ah wadamada deymaha kuleh Soomaaliya waxaana kulamadaasi looga hadlayaa sidii Soomaaliya looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay… Wasiirka Maaliyada Mudane Beyle ayaa raja wanaagsan ka muujiyay wada hadalka ay la galayaan IMF iyo guud ahaan in Soomaaliya laga cafiyo deymaha lagu leeyahay marka uu soo gabagaboobo Wajiga afaraad ee wada xaajoodka deyn cafinta. Source: goobjoog.com
-
Baardheere (SMN) – Ciidamada ammaanka ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ballaaran ka sameeyey degmada Baardheere ee gobolka Gedo. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay ciidanka Boolisku ka fuliyeen xaafado ka tirsan degmadaasi. Saraakiil ka tirsan kuwa dowladda oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in u jeedka howlgalladaasi uu ahaa kuwa lagu xaqiijinayey amniga. Baaritaaanadan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe falal liddi ku ah nabad galyada ay ka dhacayeen gudaha magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. View the full article
-
Qaahira (SMN) – Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya, C/laahi Cali Xasan iyo wasiirka maalgashiga iyo iskaashiga caalamiga ah ee Masar, Naxar Nasar ayaa waxa ay qalinka ku duugeen heshiiska isfahamka maalgashiga wadajirka ah ee labada dal. Heshiiska istaraatiijiyada iskaashiga maalgashiga ee Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa lagu saxiixay Qaahira, kadib markii la soo gabagabeeyey shirweynihii labaad ee guddiyada ganacsatada labada dal ee ka socday gudaha magaaladaasi. Munaasabadda saxiixa ee heshiiskaasi waxaa goob joog ahaa wasiirka ganacsiga iyo warshadaha dalka Masar, Cumaru Nasaar iyo madax kale. View the full article
-
Baydhabo (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo wehliyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xalay la kulmay qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb galay maamullada degmooyinka Xudur, Rabdhuure iyo Tiyeeglow. Intiisa badan kulankan aya waxaa diirada lagu saaray, sidii Al-Shabaab looga saari lahaa guud ahaan gobolkaasi. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre oo madasha ka hadlay ayaa ballan inuu wax ka qaban doono xaaladaha ka taagan gobolka Bakool. Halkan hoose ka daawo Sawiirada: View the full article
-
Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo weli ku sugan degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa kulamo ka wada halkaasi. Ra’iisul wasaare Khayre oo uu wehliyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xalay la kulmay guddoomiyeyaasha degmooyinka Xudur, Rabdhuure iyo Tiyeeglow. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimo dhowr ah oo ay ugu horreyso amniga, gaar ahaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa gobolkaasi. Sidoo kale kulankan ayaa looga hadlay tayeynta xarumaha waxbarashada, caafimaadka iyo sidii shaqo abuur loogu sameyn lahaa dhalinyarada. Mudane Xasan Cali Khayre oo madasha ka hadlay ayaa u ballan guddoomiyeyaasha iyo waxgaradka uu la kulmay inuu wax ka qaban doono xaaladaha ka taagan gobolka Bakool. Booqashada Ra’iisul wasaaraha oo ah tii ugu horreysan ee Xudur ayaa ku soo aadeyso, iyadoo dhibaatooyin xoogan ay ka jiraan gobolka Bakool, kuwaas oo ay ku hayaan dagaalyahannada Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo caasimada@live.com
-
Muqdisho (SMN) – Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Subax-11092019.mp3 View the full article
-
Taliska guud ee ciidamada booliska dowladda Puntland ayaa awaamiir ka soo saaray ammaanka guud ee deegaamada Puntland gaar ahaan magaalada Garoowe. Taliyaha guud ee ciidanka booliska Puntland Sarreeye Gaas Muxuyadiin Axmed Muuse oo warbaahinta la hadlay ayaa digniin culus ka soo saaray dadka qoryaha ku dhex wata magaalooyinka, isagoona sheegay in ciddii qori magaalada kun dhex wadata lagala wareegi doono. Muxuyadiin Axmed Muuse, wuxuu ciidanka amar ku siiyey inay qoryaha ka qaadaan askarta aan howlgallada kujirin ee hubka la dhex qaada magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland. Dhanka kalena, taliska ciidanka Puntland ayaa mam noocay in qaadka lagu iibiyo qaar kamid ah wadddooyinka hal-bowlaha u ah magaalada Garoowe si loo ilaaliyo ammaanka iyo bilicda caasimadda. “Laga bilaabo 11-ka bisha September magaalada laga bilaabo barlamaanka ilaa Rugsan, ilaa dhinaca kale u leexo Wadada Meeraysane (Dr Jimcaale) ilaa jidka Sodonka intaa qaad laguma qadi karo marfashna lagama samayn karo, cid walba oo halkaa wax u yaaliin waa inay ka qaadataa waayo waxaa ka timid amni xumo”, ayuu yiri Sarreeye Gaas Muxuyadiin Axmed Muuse. Taliyaha ayaa digniin u diray waalidiinta dhalay dhalinyarada caadaystey inay falalka ammaan xumo ka geystaan magaalada Garoowe, isagoona ugu baaqay inay qabsadaan haddii kale aysan hadhaw ka aqbali doonin inay xabsiyada uga daba yimaadaan. DHEGAYSO PUNTLANDPOST The post Taliska ciidanka booliska Puntland oo awaamiir ka soo saaray ammaanka Garoowe. appeared first on Puntland Post.
-
Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa waxaa ku sugan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo oo maalinimadii shalay lagu soo dhoweeyey. Ra’iisul wasaaraha iyo waftigiisa ayaa waxaa habeenimadii xalay ahayd kulan soo dhoweyn ah u sameeyey qaybaha kala duwan ee bulshada kunool magaalada Xudur. DAAWO PUNTLANDPOST The post Bulshada Xudur oo kulan soo dhoweyn ah u qabatay waftigii ra’iisul wasaare Khayre. appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan oo waraysi gaar ah siinayey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in lagu xiray shuruudo lagu burburinayo Jubbaland. “Dadkii aan dirnay shuruud ayay ku xireen, waxayna ku yiraahdeen arrimo siyaasadeed ayaanu ku heysanaa ee ciidanka daraawiishta Jubaland soo wareejiya,dowladaha deriska ha la macaamilina, Jubaland doorashadeedi ma aqoonsanin dhaha, arrimo sidaas ayay kala hadleen dadkii aqoonyahanada iyo ganacsatada ee u tegay “, ayuu yiri Maxamuud Sayid. Waxa uu sheegay inaysan aqbali doonin in lakala diro ciidankii Jubbaland ee dalkooda hal-ganka dheer u soo galay, isagoona caddeeyey inaysan ogeyn xaaladdiisa iyo halka uu hadda ku sugan yahay wasiir Janan. “Runtii Cabdirashii aad ban uga xunahay sida loola dhaqmay, ninkaas waa la afduubay, wax arkay ma jiraan marka laga reebo xaaskiisa oo mudo 30 daqiiqa ah habeen saqdhexe ay tuseen”,ayuu raaciyay. PUNTLANDPOST The post Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo shaaciyey shuruudihii lagu xiray siideynta wasiir Janan. appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa markale ku dhowaad 100 ergo ah ku soo bandhigay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Odayaashan oo tiro ahaan gaaraya illaa 90 qof ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegtay inay cafis u fidisay, islamarkaana ay Towbad keeneen, sida ay hadalka u dhigtay. Ma shaacin dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab meelaha ay ka kala yimaadeen Odayaashaasi, balse Caasimada Online ayaa ogaatay in ergada u badan yihiin kuwo ka soo jeeda Galmudug. Munaasabadda lagu soo bandhigay oo aheyd mid ballaaran ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo khudbado uu jeediyey ergada. Al-Shabaab ayaa horay gobollada Hiiraan iyo Baay ugu soo bandhigtay boqolaal ergo ah oo ay ku jiraan 11 Dumar ah, kuwaas oo wax ka soo doortay baarlamaanka Soomaaliya. Bayaanka ay Al-Shabaab ee ka dhanka ah Odayaasha ayaa soo baxay 15-kii bishii July, waxaana fuliyey ku dhowaad kun ergo ah oo lagu soo bandhigay deegaanadooda. Caasimada Online Xafiiska Dhuusamareeb caasimada@live.com
-
Ururka Al-shabaab ayaa degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug ku soo bandhigay 90 xubnood oo kamid ah ergooyinkii soo xulay xildhibaannada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto degaannada Galmudug. Warbaahinta Al-shabaab ayaa sheegtay in madax-dhaqameedkaas ay Al-shabaab cafis u fidisay kadib markii ay iclaamiyeen in ay ka towbad keeneen soo xulistii xildhibaannada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Sidoo kale warbaahinta Al-shabaab waxay sheegtay in odayaasha towbadda loo qabtay ay isgaa yimaadeen dhammaan degaannada Galmudug kadib markii Al-shabaab ku amartay in ay iska soo diiwan-geliyaan degaanka Xarardheere si cafis loogu fidiyo. Al-shabaab ayaa hore sidaan oo kale u soo bandhigtay ergooyin kamid ah madax-dhaqameedkii soo xulay xildhibaannada Baarlamanka Federaalka ee laga soo doorto Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Al-shabaab oo soo bandhigtay 90 xubnood oo kamid ah ergooyinkii so xulay xildhibaanada Federaalka ee laga soo doorto Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
NAIROBI / LONDON - Hundreds of refugees trapped in Libyan detention centers will be evacuated to Rwanda as conflict rages in the north African nation, the United Nations said Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU,(Xinhua) -- The Norwegian Refugee Council (NRC) on Tuesday called on donors to increase emergency humanitarian assistance to help avert further displacements in Somalia. Source: Hiiraan Online