Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,399
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimdda Online) – Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa War Saxaafadeed ay soo saareen waxa ay uga hadleen lacago looga qaado dhismaha Wadooyinka magaalada Muqdisho oo ay sheegeen in si qaldan loo maamulo. Waxa ay sheegeen Ganacsatada gobolka Banaadir in lacago taburacaad ah oo loogu tala galay dhismaha Wadooyinka magaalada Muqdisho bil kasta si joogta ah looga qaado hadana ayan jirin wax muuqda oo lacagtaasi lagu qabto si khaldana loo maamulo. Halkan Akhriso War Saxaafadeedka Ganacsatada soo saareen Ku: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Og. Handti-dhowrka Qaranka Soomaaliyeed Og. Raysulwasaaraha Xukuumadda Fed. Soomaaliyeed Og. Madaxweynaha Jumhuriyadda Fed. Soomaaliyeed Ujeeddo: Warsaxaafadeed Wax Ka Qabasho Lacagta Jidadka Annaga oo ah ganacsatada canshuurta ugu badan laga qaado , isla markaasna ah aasaasayaalkii tabarucaadka dib-u-dhiska waddooyinka Muqdisho, lagana qaado tabarrucaadda ugu badan, waxaan ka codsanaynaa cid walba oo ay khuseyso in ay wax ka qabtaan musuqa lagu hayo lacagta tabarucaadda dib-u-dhiska waddooyinka Muqdisho. Lacagtaan tabarucaada ah oo hadda uu maamulo Maxamuud Cabdikariim Gabeyre, wax shaqo ah oo muuqda laguma qaban muddo hal sano ah. Waxaan ognahay in lacagtaas ganacsatadu looga qaado si joogto ah, iyada oo aysan jirin hab isla xisaabtan ama xitaa warbixinta xaalka ay ku sugan tahay lacagta muddadii uu maamulayey Gabeyre October 2018 ilaa September 2019. Sidaasi awgeed Ganacsatada laga qaado tabarrucaadda dib-u-dhiska waddooyinka waxay dalbanayaan in: La xaqiijiyo in lacagta lagu qabto AKOON (XISAAB) aammin ah, Talada lagu maamulayo lacagta laga tixgeliyo ganacsatada laga qaado lacagta ugu badan, La soo bandhigo xisaab xirka lacagihii loo uruuriyey dhismaha waddooyinka muddadii sanadka aheyd ee u dhexeysay Oktober 2018 – September 2019. Mahadsanidiin Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. (SLT-Badhan)Ciidammada Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland u jooga Degmada Badhan ayaa xidhay Badhasaab ku-xigeenka Somaliland halkaa u jooga. Weriyaha Telefiishanka Horn Cable Tv u jooga Magaalada Badhan, ayaa soo sheegaya in Ciidammada Puntland ee Badhan ku sugan ay xidheen Badhasaab ku-xigeenka Somaliland ee Gobolka Badhan, Cabdiraxmaan Axmed. Illaa hadda lama oga sababta Puntland u xidhay Badhasaab ku-xigeenka Somaliland u jooga Badhan, maaddaama oo awalba Masuuliyiin kala matalaya labada dhinac ay Magaalada Badhan wada joogi jireen. Dawladda Somaliland weli kama hadal Xadhigga Puntland kula kacday Badhasaab ku-xigeenkii u joogay Badhan, balse Xidhiidh uu Telefiishanka HCTV la sameeyay Badhasaabka Somaliland ee Badhana ma suurto-gelin inuu nala hadlo. Sidoo kale, Puntland ayaan ka hadal Xadhigga Badhasaab ku-xigeenka Somaliland, laakiin Arrintan ayaa sawir ka bixinaysa in dagaalka siyaasadeed ee Somaliland iyo Puntland ku dhex maraya Badhan uu isa soo tarayo Source
  3. MOGADISHU (HOL) - Three mortar shells landed near the presidential palace Tuesday afternoon but no casualties reported yet. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya madaafiic xoogan oo goor dhow ku hoobtay dhismaha madaxtooyada ee magaalada Muqdisho. Madaafiicda oo gaarayey illaa saddex ayaa waxaa la sheegay in mid ka mid ah uu ku dhacay xarunta safaaradda Itoobiye oo ku taalla gudaha Villa Soomaaliya. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in labada hoobiye ee kale ay ku dhaceen xaafadaha Cagadhiig iyo Kaambada oo ka tirsan degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir. Wararka qaar ayaa sheegaya in khasaare u badan dhaawac ay ka dhasheen madaafiicdaasi. Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya,. Mana’ahan markii ugu horreysay oo hoobiyeyaal lagu weeraro dhismaha madaxtooyada Qaranka oo ah oo goob aad loo ilaaliyo. Faah faahinta kala soco Caasimada Online Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  5. Somali Prime Minster Hassan Ali Khaire continues his trips in Southwest state holding talks with the region’s president Abdulaziz Laftagaren and other officials. Both the PM and Southwest state leader met commissioners from different districts in Bakool region on Tuesday night in Hudur town. The meeting which was classified as “very important” attended by the commissioners of Hudur, Rabdhuure, and Tiyeeglow, and was mainly discussed how to defeat Al-Shabaab in Bakool region. The Prime Minister promised during the meeting that he will deal with the current situation of the region mainly security and humanitarian crises. This comes after the PM and his delegation was welcomed in the region on 7th September, and he spent time with the leaders, elders, and youth in Baidoa, the interim capital city of Southwest State. Finally, Khaire is the first Premier to pay such lengthy regional tour out of Mogadishu and stayed in Galmudug state for almost two months, and now it’s not comprehensible how much time that he might spend in Southwest. The trip follows after the government forces and their allied African Union troops are carrying out joint offensives against Al-Shabaab in Southern parts of Somalia. View the full article
  6. General Berhanu Jula Oo ah Kuxigeenka Janaraalka ugu sareeya Ciidanka Itoobiya ayaa wuxuu sheegay in Sirdoonka Ciidanka Itoobiya ay qabteen Shaqsiyaad ISIS ka tirsan kuwasoo [...] Source
  7. Magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad gobaleedka Puntland ayaa waxaa lagu soo rogay amarro dhanka ammaanka kuwaas oo la xariira dadka hubka ku dhex heysta magaalada gudaheedaha Taliyaha Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Puntland Sarreeye Gaas Muxudiin Axmed Muuse ayaa sheegay ciidanka Booliska marnaba uusan cidna ka ka ogolaan doonin in hub lagu dhexsito gudaha magalada Garoowe, waxana uu sheegay in ciddii lagu arko lagala wareegayo. Sidoo kale, taliyaha ayaana sheegay in arrintaan looga golleeyahay sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka magaalda, isaga oo carabka ku dhuftay in howlgalkaan lagula dagaalamayo dadka Hubka ku dhex qaata magaalada oo waliba ay ku jiraan ciidama aan shaqada ku jirin oo ayaga oo hubeysan jooga magaalad isaga oo arrintaas ka hadlaayana waxaa uu yiri” “Marnaba ma ogolaaneyno in Magalada hubka la isaga dhexwato ciidamada howlgallada ku jira waxaan u sheegayaa inay qorayaha ka qaadaan cidii ay ku arkaan, iyaga oo Magalada ku dhexsita,ilaalada Madaxda xataa laguma arki karo magalada xarumahooda haku ekaadaan ayuu yiri” Sarreeye Gaas Muxuyadiin Axmed Muuse”. Hadalka Taliska Ciidanka Booliska dowlad gobaleedka Puntland Sarreeye Gaas Muxuyadiin Axmed Muuse ayaa ku soo aadaya ayadoo ciidamada Booliska Puntland ay maalmihii la soo dhaafay howlgallo kala duwan ka sameynayeen Xaafadaha gudaha kala duwan ee Magalada Garoowe. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  8. Warsaxaafadeed kasoo baxay Maxkamada Aduunka ayaa lagu sheegay in dib loo furayo dhagaysiga Dacwada Soomaaliya iyo Kenya ee muranka Bada. Bisha Oktobar 4 teeda ayaa [...] Source
  9. CAIRO (HOL) - Somalia has called on the Arab League to stand with Palestine and support its efforts to become an independent state. Source: Hiiraan Online
  10. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) is deeply concerned by the harassment of the journalists and the censorship of the local media coverage in Somaliland. After meeting with directors of media houses, Somaliland’s Ministry of Information has released a statement on Monday, September 9 in which it ordered all independent TV stations to prioritize local (Somaliland) news over what unfolds in the other parts of Somalia. The draconian order will take effect within two weeks, starting from September 9. “We are deeply concerned by the actions of Somaliland authorities to censor and interfere with editorial independence, which is fundamentally important for the independent media. This is an act of gross violations against free press and freedom of expression,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary-General. “The right of the editors and journalists to prevent interference of management or third parties such as Somaliland authorities on the editorial content is non-negotiable”. “It is the journalists’ responsibility to the public to report the news independently and fairly, without following the dictates from authorities. Deprived of editorial freedom, the independent media houses lose credibility and the confidence of the public they serve.” In addition to this disturbing decision against editors and reporters simply doing their jobs, there have been several incidents in which Somaliland security forces arrested journalist and shut down Horyaal24 TV and forcefully occupy its offices. The continued closure of the TV station, imprisonment of its director and presence of police in their offices in Hargeisa is part of the censorship and an attempt to intimidate other media from being critical of the Somaliland authorities. The shutdown came after the Television aired series of an “awareness” program about the growing use of Khat— among women in Somaliland last week which Somaliland authorities described as shameful to the women’s dignity. “Somaliland should withdraw blatant censorship and pull-out its forces from Horyaal24 TV offices immediately. The station and its journalists are exercising their journalistic duty and the authorities must not target them because of their media work,” added Osman. Last Tuesday, on 03 September 2019, Somaliland ordered the Internet providers to block access to a leading an independent news website, “Hadhwanaag.ca” which is currently inaccessible in Somaliland. This followed a request from the police after the news site published an article which alleges misuse of public money by the Governor of the Central Bank of Somaliland, Ali Ibrahim Jama (Baghdadi) that led to the order of the blockage. NUSOJ calls for a swift end to the wanton censorship and the intimidation of the media workers and reminds Somaliland authorities that it is the rights of the journalists to report about issues of public interest, including to investigating wrongdoings of public officials without fear of reprisal. “Arresting journalists, shutting down independent media houses and blocking access to news sites will further tarnish Somaliland’s poor press freedom record,” said NUSOJ Secretary, adding that the union voices alarm over the threats to media. Finally, NUSOJ urges Somaliland Government to allow the TV to resume operation, free its director and ensure that independent media outlets are not harassed, and permit journalists to practice their profession without any fear. View the full article
  11. Qaadka iyo Haweenka “Toojaba waxaa loo godlaa say u gaar tahay”. Hooyaday waa ay ummushay iyo waa ay dhashay, iyada oo labaduba isku macne soo gudbinayaan, haddana afka ayay u kala roon yihiin, ishuna sidaas oo kale ayay laba aragtiyood ugu kala roonaan karaan. Waxa albaabbada la isugu dhuftay dhowaan xarunta Horyaal TV24 ee magaalada Hargeysa. Waxa kale oo isna la xidhay mulkiilihiisii. Horyaal TV24 waxa uu ka mid yahay dhawr TV oo wakhti aan fogeyn ku soo biiray TV-yada badan ee gaarka loo leeyahay ee Somaliland ka hawl gala. Waxa xadhiddiisa keenay oo loogu daw-galay barnaamij ay ka duubeen hablo uu tilmaamay in ay merfish qayilaadeed jilibka laabaan magaalada Hargeysa. Wax badan baa laga yidhi dhacdadaas, hase yeeshee waxa aan ka eegi dhinac kale oo aan wax badan laga odhan inta ogaalkayga ah. Waa xidhiidhka ka dhexeeya dhacdan iyo magaalowga (Urbanization). Inta badan Soomaalidu waxa ay ahayd ama ku tiirsanayd dhaqanka reer guuraannimada. Markii gobannimada la gaadhey 1960 waxa si weyn loogu soo ruqaansaday magaalooyinka, gaar ahaan xaruntii Muqdisho oo dadkii gobollada iyo dhulka miyigu ku soo qulquleen. Waxa isku dhac ka dib isku soo dhowaadey labadii dhaqan ee magaalada iyo reer guuraaga. Waxa is dhiibey oo magaalada la qabsi la samaynayey reer guuraagii iyo tuulo-jooggii. Belwedo magaalada ka jirey sida qaadka, sigaarka, khamriga, tumasho kale iwm. ayaa loo qaatay in lagu reer magaaloobayo iyo ilbaxnimo, markii la arkay dadka qaar magaalada ku dhaqan oo dugsada qaar belwedahaas ka mid ah ama dhammaantoodba. Ilbaxnimo ayay mar ahayd qiijinta sigaarku in afka kor loo la taagaa, sida eegga shiishadda ama badeecadda kor loogu afuufo. Wagaas iyo ka horba lagama aamusin la tacaalka belwedahaas in halistooda dadka looga digo, loona muujiyo in ay yihiin wax aan u wanaagsanayn caafimaadka iyo akhlaaqda aadmiga. Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc) ayaa ka mid ahaa dadkii sida weyn ugu dhiirradey in ay belwedahaas iyo tabnaantooda bulshada u soo bandhigaan. 1966 isaga oo la hadlaya madaxdii dawladda ee xilligaas waxa uu ku lahaa gabaygiisii Tabaalaha Wakhtiga: Mid tacliinta loo soo diroo tadhaqa oo liid ah Oo tuhun ku jiro inuu ka tegey toobaddiyo diinta Oo Aqal Tilmaan li’iyo khamriga gacan-toglaynaaya Oo uu talmiidkii yaraa taas ka baranaayo Iyana waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye Tu kaloo ka daran baa jirtee taana balaan sheego! Mar kale isaga oo taas sii daba jooga, haween xilligaas ged cusub la soo baxayna ka hadlaya, waxa uu isla gabaygaas ku lahaa: Taaloogga naagaha jartee timaha qaar gooyey Oo sida waraabaha tartama toonka cararaaya Oo taranta Soomaaliyeed teedka kala gooyey Oo aan dhaqaalena u tudhin ubadna tuugeynin Oo toban-jirkii kori lahaa fadhay tagooggiisa Iyana waa tabaalaha wakhtiga taynu aragnaaye Tu kaloo ka daran baa jirtee taana balaan sheego! Natiijooyinkii tabnaa ee arrimahaas waxa uu isla meel kale isla gabaygan ku lahaa: Tuweyskii la eed iyo hablaha tumashadoodiiye! Konton sannadood ka dib, burburkii weynaa ee Soomaaliya ka dhacay, waxa marka kale magaalada ku soo ruqaansaday intii dhulka reerguuraagu ku noolaa ku hadhsanayd. Magaaladu ma aha tii 1960-aadkii. Waa tu dhinac kasta ka burburtay, dadkeedana uu burburkaasi dhinac kasta ka saameeyey. Reer magaalkeedii in badan oo ka mid ahi ama waa ay qaxeen ama le’deen. Waa nolol wada qaawan iyo guri ba’ay. Dhankii aad jalleecdaba waxa kaa soo celinaya masaabiir mariidyo sun ah afka ku wata. Saboolnimo maal iyo mid maskaxeed ayaa midoobey oo is kaashanaya. Belwedihii awel dadka dhexdiisa oollimaadka ku lahaa waxa ay la kala baxeen baallaha. Waxa ay garaaceen albaab kasta oo ay in badan gundhada jareen. Waxa ay noqdeen meel lagu eerto oo lagaga baxsado runta silica iyo saxariirka jira. Shaqo la’aan, waxbarasho la’aan, caafimaad darro, dhaqaale darro (suququl maceeshadeed), qulub iyo qas maskaxeed ayay dadka intiisa badan is muteen. Si walbahaarka iyo culayska nololeed la isaga yareeyo, xaqiiqadana looga dhuunto, waxa lagu jabay in si baahsan loo la qabsado belwedaha ibtilowga ah ee qaadku ugu horreeyo. Rag iyo haweenba si toos ah iyo si dadban ayay taasi saamayn taban ugu yeelatay. Burburka guud ayaa dhalay burburro kale. Waxa burburaya qoysas badan. Waddanka Yemen oo ka mid ah meelaha qaadku diloodey warbixin laga qoray 2009 (Qat Increasingly Turns on Yemeni Women Groupies”, ayaa ka digeysa sida uu qaadku waxyeellada ugu hayo caafimaadka bulshada. Dhiig-kar, ilko beel, ilko xanuun, calool is taag, xanuunno ku dhaca oo barar halis ah ku keena uurkujirta sida caloosha, xiidmaha, mindhicirka, malawedka iwm, isla hadal, khaakhaayiraad iyo qulub ayay warbixintu sheegtay in qaayibidda qaadku keento. Shiishadda ama badeecadda ayaa si kooxaysan iyana loogu adeegsadaa meelahaas lagu bulsheeyo ee qaadka lagu cuno wadddanka Yemen. Ragga ayaa si gooni ah u wada qayila, dumarkuna waxa ay bilaabeen in ay merfisyo sallaxdaan. Dumar reero ka soo burbureen ayaa ka mid ah dumarkaas oo ubadkoodii marba u soo gelayaan iyaga oo qayilaya ama badeecad wada buufinaya, sida warbixintaasi xambaartay. Marka teenna loo eego taas waxa aad dareemaysaa in kala duwanaanta ugu weyni tahay in qaadku Yemen u baxo, innaguna aynu lacag adag ku soo iibsanno. Weligeed ba intuu qaadku ina soo galay cuniddiisu ragga oo keli ah uma gaar ahayn oo haba yaraadaane waa la arki jirey ama la maqli gabadh qayisha. Wax se cusub in hadda dumar badani ku walfeen cunidda qaadka. Yemen lafteeda hadda ka hor lagama aqoon merfishyo haween isugu habar-wacda in ay wada qayilaan. Arrinta markaas hadda muhiimka ahi ee dhacdadan Horyaal TV 24 ka soo baxday waa sidee loo waajahayaa wax ka odhashada iyo ka falcelinta mushkiladdaas bulsheed? Muuqaallo tabani mar kasta bulshada waa ay ka dhex jiri doonaan, sidii ay dorraato, shalayto iyo maantaba oollimaadka ugu lahaayeen, welina ugu leeyihiin. Waa biyo-kama-dhibcaan in muuqaalladaas laga falceliyaa oo wax laga yidhaahdaa. Laga ma aamusi karo oo isha miirta laga ma dhigi karo. Hase yeeshee, “xaajada badh baa la hojiyaa hu’ga la saaraa” Ma aha sida ugu wanaagsan sida hadda dhacday in ceebo jira oo wax u dhimaya akhlaaqda bulsheed lagu wada sayaxo oo marada laga wada qaado. Si bulshada looga wacyigelin karo waxa loo mari karaa dariiqyo kale oo badan. Hooyaday waa ay ummushay iyo waa ay dhashay, iyada oo labaduba ay macne isku mid ah soo gudbinayaan nuxur ahaan, haddana afka ayay u kala roon yihiin, ishuna sidaas oo kale ayay laba aragtiyood ugu kala roonaan karaan. Haddii sheekada merfishku tahay xaqiiqo jirta waxa habboonaan lahayd in si kale hablaha wax loogaga weydiiyo waxa sababay merfishka oo la ogaado waxa kellifaya, dhibaatooyinka ka dhashay, iyada oo aan marnaba la muujinayn in goobtu tahay meel wax waxtar leh ama wax wanaagsan, loo na gol yeesho in tabnaanteeda la soo bandhigo si waafaqsan anshaxa iyo qaayosoorrada bulshada. Dhinaca caafimaadka iyo akhlaaqiyaadka ayaa lagaga iman karaa oo barnaamijyo iyo suugaan lagu cabbiri karaa. dhaqan-celin, u abuur fursado kale oo bulshaawinnimo sida ciyaaraha, waxbarasho iyo shaqo abuur noloshooda lagu hagaajinayo iwm. ayaa belwedaha lagu dawayn karnaa (yarayn karaa) rag iyo dumarba. In lagu sayaxaa waxa ay ka dhigan tahay “dhidar onkod ku kicin”. Ta u dambaysa, waxa aan khalad u arkaa in albaabbada loo xidho shirkad barbaahineed oo sharciyad leh, iyada oo aan loo marin tallaabo sharci ah. Sideedaba waxa loo baahan yahay in xadhigga degdegga ah iyo soo deynta degdegga ee raacda la iska daayo. Marka horeba maxaa qof ama shirkad loogu degdegayaa xadhiggooda? Marka ay warbaahin timaaddana waa ay ka sii xagjirtaa. Waxa ha’yadda warbaahineed ee darjiidha ama wax sharci darro ku tallaabsata la siin karaa digniin hore iyo mid kama dhambays ah. Waxa raaci kara ganaax dhaqaale. Xadhigga waa laga fursan karaa inta badan. Maxamed Baashe X. Xasan mohamedbashe@hotmail.com Qaran News
  12. (SLT-Hargeysa)-Madaxwayne Biixi Oo Saaka Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay Borama, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Sanaag(SL-T): Haayada Arc Oo Deeq Ka Kooban Agabka Baahiyaha Aas aasiga Gaadhsiiyay Deegaano Badan Oo Ka Trisan Degmooyinka Garadag,Xudun Iyo Ceelafweyne Source
  14. The UK and Dutch governments have signed a £31m development support programme with Somaliland to develop infrastructure and improve livelihoods and boost renewable energy. Source: Hiiraan Online
  15. The UK and Dutch governments have signed a £31m development support programme with Somaliland to develop infrastructure and improve livelihoods and boost renewable energy. Source: Hiiraan Online
  16. Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo Magaalada Xudur kula kulmay maamullada degmooyinka Gobolka Bakool iyo Odayaasha dhaqanka , ayaa ka xog wareystay xaladaha ku xeeran dhammaan Degmooyinka Gobolka. Maamulladda iyo odayaasha oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay booqashada uu ku yimid gobalka Bakool ayaa la wadaagay baahiyha ay qabaan bulshada gobalka ee u baahan in si deg deg ah wax looga qabto si deegaanku u gaaro horumar iyo barwaaqo. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo maamullada degmooyinka iyo odayaasha dhaqanka ee kulanka uu la qaatay uga war bixiyay qorshaha socodka uu ku yimid gobalkaan Bakool iyo guud ahaan deegaannada dowlad gobleedka Koofur Galbeed, ayaa u sheegay in dowladdu ay wax ka qaban doonto baahiyaha jira ee caafimaad, waxbarasho iyo amni. Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha, odayaasha dhaqanka iyo maamullada ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo qaar kamid ah xildhibaannada deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u gudbiyay labada xubnood ee uu soo magacaabo ee guddida cusub ee doorashooyinka Qaranka sida ay ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen wargeyska Geeska Afrika magacyada labadan xubnood ayaa kala ah 1)Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood) 2)Foosi Hiraab Gale. Waa xubnihii u horeeyay ee Komishanka iyada oo ay dhawaan xisbiyadu sheegeen in ay soo xuli doonaan xubnahooda. Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Tafatiraha guud ee shabakadda wararka ee HadhwanaagNews Suxufi Cabdiqani Asbaro ayaa Ciidanka Booliska xabsiga u taxaabeen xalay. Sida ay ku noo sheegen dad goobjoog ah waxaa suxufiga qaaday ciidan ka buuxa Laba gaadhi oo Ciidanka Booliska kuwaaso ka kaxeeyay meherad ku taala xaafada Siinay ee Magaalada Hargaysa oo ku sugnaa. Waxaana xadhiga suxufigu sababtay in buuq uu dhex maro dadweyne goobtaa ku sugnaa, ku waas oo askarta waydiiyay in ay tusaan waaranka qabashada Suxufiga, balse booliska ayaa rasaas ku kala kexeeyay shicbka goobta ku sugnaa. Xadhiga Tafatiraha ayaa lala xidhiidhinayaa Guddomiyaha Bangiga dhexe ee somaliland Cali Ibrahim Jaamac (Baqdaadi) balse illa ma jiraan war ka soo baxay laamaha amniga iyo xukuumadda Somaliland. Source
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga amniga iyo sirdoonka baarlamaanka dalka Australia ayaa shaaciyey in koox argagixiso ah ay u aqoonsadeen Daacishta Soomaaliya ee ka dagaalanta dhulka buuraleyda ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Warbixin ka soo baxday guddiga ayaa lagu sheegay in kooxdan ay maleegeyso khatar halis ku ah amniga Australia iyo muwaadiiniinta dalkaasi. Sidoo kale warkan ayaa lagu sheegay in dadka asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya ee ku nool Australia ay xiriir la yeelan karaan kooxdaasi. Waxa kale oo ay dowladdu shaacisay in Daacishta Soomaaliya gesyan karto afduub ka dhan dadka reer Galbeedka, iyadoona muwaadiniinta dalkeeda ugu baaqday inay muujiyaan feejignaan iyo taxadar dheeri ah Daacish Soomaalya ee uu hoggaamiyo Cabduqaadir Muumin ayaa la aas aasay sanadkii 2015-kii, waxaana ay haatan ku xoogan tahay dhulka buuraleyda gobolka Bari. Kooxdan oo sanadihii dmabe sii xoogeysay ayaa sidoo kale weeraro u badan dilal qorsheysan ka fulisa magaalooyinka dalka oo ay ugu horreyso Caasimada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  20. Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ee Ucid Faysala Cali Waraabe ayaa sheegay in wadahadalka ay Soomaaliya la galayaan loo baahan yahay inuu ka dhaco meel beesha caalamka ay kor joogto ka tahay, isaga oo carrabka ku adkeeyay inaan loo baahneyn waddama deriska ah ay shirka soo xaadiraan. Injneer Faysal ayaa xusay in dhankooda ay ogolyihiin wadahadallada, laakiin waxaa uu hoosta ka xariiqay in madasha wadahadallada ay ahaato madal caalami ah waxaana hadalkiisa ka mid ahaa; ” Wadahadalka ogolnahay, balse waxaan dooneynaa madal caalami ah oo dad ina kala qabta oo hadhow wixii aan ku heshiinno grantee waa inuu noqdo” Sidoo kale Faysal oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in madasha hadalka aan loo baahneyn in ay soo xaadiraan dowladaha deriska sida Eratiya, Itoobiya iyo Jabuutti, asaga oo sabab ugu dhigay in dowladda Soomaaliya ay u dhaw yihiin oo ay dhankeeda xigsanayaan, waxaana uu yiri ”Waxaa wadahadalladaa aan soo galeynin waddamada loo yaqaano front countries, Jabuutti waxaan niri ku marti galinmeyno, Itoobiya waxaan niri kama soo qeybgaleysid, Eratariya kama Soo qeyb galeysid, maxaa yeelay; dano gaar ah ayey leeyihiin Xamar ayey ku milmeen.” Dhanka kale guddoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa uga mahad celiyay Madaxweyne Muuse Biixi aqbalaaddii uu aqbalay soojeedintii beesha caalamka ayaguna xisbi ahaan ay qaateen diyaarna ay u yihiin. Hadalka guddoomiya xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland ee Ucid Injineer Faysal Cali oo ku hadlay magaca Axsaabta siyaasadda Somaliland ayaa waxaa uu ku soo aadayaa ayadoo beesha caalamka ugu baaqaday Soomaaliya iyo Somaliland in ay dib u bilaabaan wadahadalladii u dhaxeeyay oo muddo hakad ku jiray. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. (SLT-Israa’iil)-Saqdii dhexe ee Xalay Diyaaradaha Isreal ayaa bambooyin ku garaacay Xarumaha uu Ururka Xamaas ku leeyahay Magaalada Qasa. Duqaymaha Ciidammada Isreal ka geysteen goobaha Xamaas ee Qasa, ayaa ka dambeeyay markii Gantaal laga soo riday Xadka Qasa ee dhinaca Falastiiniyiintu uu hakad geliyey isku soo bax qayb ka ahaa ololaha uu doorashada guud ee Isreal ugu jiro Netanyahu. Duqaymaha laga fuliyey Gudaha Magaalada Qasa ayaa waxa xaqiijiyey Millateriga Isreal, Arbacada Maanta. Mr Netanyahu ayaa saarnaa masraxa, waxaanu jeedinayey Khudbad uu kula hadlayey taageerayaashiisa, markii laga war helay inay gantaallo ku soo waajahan yihiin Magaalada Ashdod oo koonfurta Isreal ah, Xilli dambe oo Salaasadii Xalay ah. Duqaynta Xamaas ka geysatay Gudaha Isreal ayaa timid, Saacad uun ka dib, markii uu soo baxay Warka sheegaya in Netanyahu damacsan yahay inuu dooxada Jordan ku soo daro Isreal, sida uu sheegayo Wargeyska The National. Millateriga Isreal ayaa sheegay in Diyaaradahoodu beegsadeen illaa 15 Goobood oo ay ku sheegeen inay fadhiisimo u yihiin waxay ugu yeedheen Argagixisada, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Goobo Hubka lagu farsameeyo, Godad iyo meelo kale oo ku yaalla Waqooyiga iyo badhtamaha Qasa. Laakiin, Ciidammada Isreal ma sheegin khasaaraha ay gaadhsiiyeen meelaha ay duqeeyeen inta uu leeg yahay, Xamaasna illaa hadda kama hadal. Source
  22. (SLT-Muqdisho)-Warar lagu kalsoonaan karo oo aanu helnay ayaa sheegaya in Taliye ku-xigeenka Sirdoonka Qatar uu maalin ka hor safar qarsoodi ah oo qaadatay hal maalin uu ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya. Ilo wareedyada ayaa sheegaya in Abdallah Mohamed Mubaarak Saalax Al-khaliifi uu booqasho qarsoodi aheyd uu 8-dii bishan September ku yimid Muqdisho, waxaana ay magaalada ku hoydeen habeen, iyagoo shalay ka dhoofay. Taliye ku-xigeenka oo ay wehliyeen Saraakiil kale ayaa kulamo la qaatay Taliyaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Mr Fahad Yaasiin oo bishii hore si buuxda xilka Taliyaha loogu magacaabay, kaddib muddo sannad ku dhow oo uu Sii haye ka ahaa Hey’adda. Ammaanka Taliye kuxigeenka Sirdoonka Qatar ayaa waxaa la wareegay intii uu Muqdisho ku sugnaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Gaashaan. Qatar ayaa saameyn weyn oo qoto dheer ku leh Hey’addaha Amniga iyo Sirdoonka Soomaaliya, iyadoo la sheego inay taageero gaar ah siiso Hey’adda Sirdoonka ee uu hoggaankeeda haayo Mr Yaasiin oo xidhiidh dhow la leh Qatar. Labadii sanno ee u dambeeyay saameynta Qatar ee Soomaaliya ayaa sii xoogeysaneysay, iyadoo si dhow u taageerto dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxaana jiray booqasho dhowr ah oo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku tageen Doxa. Bishii hore ayaa waxaa booqasho ku yimid Muqdisho Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, waxaana uu ahaa Mas’uulkii ugu heerka sareeyay ee soo booqda Soomaaliya, tan iyo sanadkii 2015, waxaana Qatar ay haatan mallaayiin doollar ku bixineysa mashaariic kala duwan oo ay ugu weyn tahay dhismaha Dekeda Hobyo ee Gobolka Mudug. Source
  23. Magaalada Garoowe ayaa maanta waxaa si rasmi ah looga howlgeliyey ciidamo cusub oo loogu magac daray ciidanka tayeynta ammaanka caasimadda Puntland. Howlgalladaan ayaa waxaa lagu beegsan doonaa hubka sharci darrada ah ee lagu dhex wato magaalada Garoowe, ciidamada xilliga aysan shaqada kujirin soo gala magaalada, dhalinyarada ku howlan falalka ammaan xumo, soo celinta bilicda magaalada iyo rarista marfashyada iyo Kabarada qaadka. Duqa degmada Garoowe, guddoomiya ku-xigeenka gobolka Nugaal, taliyaasha ciidamada booliska iyo Daraawiishta iyo wasiirka amniga dowladda Puntland oo si wadajir ah ula hadlay ciidanka kujira howlgalkaan ayaa ku booriyey inay dhowraan anshoxooda iyo xuquuqda shacabka aysanna sharciga cidna dhaafsan. DAAWO PUNTLANDPOST The post Puntland oo howlgelisey ciidanka tayeynta ammaanka caasimadda Garoowe. appeared first on Puntland Post.