-
Content Count
209,399 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hadii ay jirto kala fogaansho iyo is fahamka oo xumaad, ma iska celin karnaa Cadowga dibada? Tusaale Dagaalka bada ee nagu socda islamarkaana ay waddo Kenya, waa khatar waxa uuna yeelankaraa wajiyo kale waxaana-nala dagaalamaya dal hey’adiisa dhisanyihiin tan iyo markii uu xorriyadda qaatay. Run ahaantii Dalkaan waxa uu ka soo baxay dagaalo Sokeeye,mana dhicin dunida casriga ah dal ay burbureen hey’adihii dowliga ahaa Dhamaan,Isla markaana toosi waayay 29sano, iyadoo waqti iyo qarash xoog leh la geliyay. Waa ayaan darro,waana ku ceeb siyaasiyiinta, iyo indheergaradka Soomaaliyeed inay sidaa iska ahaato Soomaaliya muddo aad u dheer, sidoo kalana waa ayaan daro in siyaasi kastaa uu meesha laga yimid uusan garanayn,ee uu reerka u wado meeshay la noqoto. Waa in aanan la is yeel-yeelin waxa is hayaa ma aha Dhalinyarada,Haweenka,Culimada , ee waa siyaasiyiinta oo marba dhinac aadaya sida, Maamulada oo hadda aan la ogayn marka doorasho soo dhawaato muxaafidiinta say noqon doonaan. sSidoo kale mucaaaradka lama yaqaan halka uu jirsan doono iyo dowlada dhexdeeda ee hadda iscalman siday noqon doonaan markii doorasho la gaaro. Ma kula tahay in siyaasiyiinta Soomaalida kala adkaanayaan ? Aniga ilama ahan sababtoo ah horay ayey ukala adkaan waayeen,waxaana Soomaalida ugu wacan ayaan darrada heysata, in markii hore ahaayeen dad miyiga ka yimid,hub iska haysta, islamarkaana unoolaa siday doonaan. Sidoo kale ma’ahan waxa la isku hayo mabda iyo caqiidooyin waa wayn. Aduunyada kale ma jiro dal Sanad dowlad la’aan noolaan kara ,anaga dad bay sidaan ugu badisaa ama daneeya dowlad la’aanta. Waxay ila tahay in Dowlada hadda jirta ee Madaxwayne Farmaajo hormuudka ka yahay ay saaran yahay masuuliyad wayn oo ah: In Dastuurka la dhamaystiro asagaa dadka dabri kara. In dib u heshiisiin iyo issa saamaxaad la bilaabo. In laga heshiiyo waxyaabaha la isku hayo. In arinka doorashada 2021-ka laga heshiiyo nooceeda iyo qaabkeeda. In Dowladu inkirin xoogaga siyaasada ee jira kolay way aqbali doontaaye. W/Q: Faysal Ahmed Warsame (Qaran) Gudoomiyahay Dallada Bulshada Rayadka ah ee Puntland (Punsaa) AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
(SLT-Hargeysa)-Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ayaa sheegtay in Arbacada Maanta iyo Maalmaha foodda innagu soo haya ay Somaliland ka da’i doonaan Roobab waaweyn. Agaasimaha Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Beeraha, Cabdiqani Galaydh oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Xafiiskiisa Hargeysa ayaa Dadweynaha ugu baaqay inay Maalmaha soo socda yareeyaan Safarradooda Gobollada Dalka, maaddaama oo Roobab waaweyni da’ayaan “Maanta, Berri iyo illaa sahan dambe, waxa da’i doona haddii Allaah yidhaahdo Roobab fiican, siiba Maanta oo bishu tahay 11..” ayuu yidhi. Agaasimuhu wuxuu farriin u diray Dadweynaha reer Somaliland “Gobollada galbeedka aad bay Maanta iyo Berri-ba Saxmaddoodu u badanaysaa, Maanta waxa qalin-jabinaysa Jaamacadda Camuud, Dad badan baa Hargeysa iyo Gabiley ka baxay, Gelinka dambena oo soo noqon doona, markaa Shacabka Somaliland waxaanu la socodsiinaynaa inay la socdaan Roobka Maanta gelinka dambe da’aya, iskana ilaaliyaan dooxyada..” Source
-
Hargeysa (Caasimada Online) ― Ciidamada maamulka Puntland ayaa maanta xabsiga dhigay gudoomiye kuxigeenka Somaliland u qaabilsan degmada Badhan, sida ay sheegayaan warar hada nasoo gaaray. Cabdiraxmaan Axmed Muuse “Suldaan Suus” ayaa ciidamada Puntland waxay xireen kadib markii uu ka dhago adeygay baaqyo kala duwan oo maamulkooda ugu soo jeediyen in uu ku biiro, isla markaana iska casilo xilka uu Somaliland u hayo, sidii ay hore ugu biireen maamulka Puntland Guddoomiyihii degmadaasi. Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxay ku howlaneed qorsho ay Mas’uuliyiinta deegaanada ay isku hayaan Somaliland kula soo wareegayaan, taasi oo mudooyinkii dambe sare u qaaday madaxda ka soo goosatay Somaliland. Guddoomiyihii magaalada Badhan iyo Taliyihii ciidamada Somaliland ee aaga Badhan, ayaa hore ugu biirey maamulka Puntland, kuwaasi oo kordhinayey tirada madaxda Somaliland ka soo goosatay. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka digay in cid gaar ah loo xidho kooto, waxaanu si gaar ah fariin iyo talo ugu diray Madaxweyne Muuse Biixi. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay tabashada reer Awdal iyo Shir la filayo inay qabsadaan Beelaha Arab, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Madaxweynuhu waa kii dhawaan qabtay dalka Jabuutii, ee aynu jaarka nahay, oo aan runtii u arko inay Muqdisho aad u taageerto, madax banaanideenana aanay raali ka ahayn, sidaas darteed wax faafaahin ah oo la inaga siiyey socdaalka Madaxweynaha ee Jabuuti ma jiro, sababta dhabta ah ee uu socdaalkiisana si dhab ah looma sheegin, laakiin sida la sheegayo wuxuu u tagay arinta Cable-ka, waxaan se ka digayaa in inagoo leh Berbera, in Wadan kale uu inaga jaro Cable-ka, in la siiyo oo la iskaga dhaadhiciyo maaha, waxaan leeyahay Berbera ayeynu leenahay, ee in cable-ka Berbera la diido, cable wadan kale inooga imanaya la ogolaadana waa sharci daro,ee Madaxweyne in suuqa cid gaar ah loo xidho, oo danaheena wadan kale u daba fadhiisano maaha, kamana yeelayno” Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka digay in cid gaar ah loo xidho kooto, waxaanu si gaar ah fariin iyo talo ugu diray Madaxweyne Muuse Biixi. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay tabashada reer Awdal iyo Shir la filayo inay qabsadaan Beelaha Arab, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Madaxweynuhu waa kii dhawaan qabtay dalka Jabuutii, ee aynu jaarka nahay, oo aan runtii u arko inay Muqdisho aad u taageerto, madax banaanideenana aanay raali ka ahayn, sidaas darteed wax faafaahin ah oo la inaga siiyey socdaalka Madaxweynaha ee Jabuuti ma jiro, sababta dhabta ah ee uu socdaalkiisana si dhab ah looma sheegin, laakiin sida la sheegayo wuxuu u tagay arinta Cable-ka, waxaan se ka digayaa in inagoo leh Berbera, in Wadan kale uu inaga jaro Cable-ka, in la siiyo oo la iskaga dhaadhiciyo maaha, waxaan leeyahay Berbera ayeynu leenahay, ee in cable-ka Berbera la diido, cable wadan kale inooga imanaya la ogolaadana waa sharci daro,ee Madaxweyne in suuqa cid gaar ah loo xidho, oo danaheena wadan kale u daba fadhiisano maaha, kamana yeelayno” Mar uu ka hadlaayey tabashada reer Boorama ayaa yidhi “Haddii ay Shacabka Awdal iyo Salel, wax sheegtaan, oo saami-qaybsiga saluug ka muujiyaan xaq bay u leeyihiin in tabashadooda la dhegaysto, laakiin in la iska indho tiro xaq looguma laha”. , waxaan se ka digayaa in inagoo leh Berbera, in Wadan kale uu inaga jaro Cable-ka, in la siiyo oo la iskaga dhaadhiciyo maaha, waxaan leeyahay Berbera ayeynu leenahay, ee in cable-ka Berbera la diido, cable wadan kale inooga imanaya la ogolaadana waa sharci daro,ee Madaxweyne in suuqa cid gaar ah loo xidho, oo danaheena wadan kale u daba fadhiisano maaha, kamana yeelayno” Mar uu ka hadlaayey tabashada reer Boorama ayaa yidhi “Haddii ay Shacabka Awdal iyo Salel, wax sheegtaan, oo saami-qaybsiga saluug ka muujiyaan xaq bay u leeyihiin in tabashadooda la dhegaysto, laakiin in la iska indho tiro xaq looguma laha”. Source
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafti uu hogaaminayo ayaa weli ku sugan magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa maanta booqday xarumaha ay ku sugan yihiin ciidamo loo qaramayn doono dowladda Soomaaliya lana dagaalami doona ururka Alshabaab. Khayre oo la hadlay ciidanka ayaa ku ammaanay sida ay naftooda ugu hureen difaaca iyo badbaadinta umadda Soomaaliyeed isagoona u balan qaaday inay heli doonaan xuquuqdooda. DAAWO PUNTLANDPOST The post Khayre oo booqday xeryaha ciidamada ee magaalada Xudur. appeared first on Puntland Post.
-
11/9/2001-dii: Maalintaas 19 Dhalinyaro ah ayaa afduubay diyaardo rakaab rayid ah siday, American Airline dulimaad-ka 11-aad ayaa dhex gashay dhismaha Waqooyiga xiga ee daarihii mataanaha ahaa (twin towers), halka United Airline duulimaadkii 175 uu ku dhuftay dhanka Koofur ee dhismahaas. Dhinaca kale, American Airline duulimaad-ka 77 ayaa ku dhacay Pentagon-ka, halka United Airline duulimaad 93 ku dul burburtay hawada Washington. Halkaas waxaa ku dhintay 3000 oo ay ka mid ahaayeen, 227 oo rayid ah iyo 19-kii falka fuliyay. Dhacdooyin muhiim ah ka hor 11/09/2001: Inta aanay dhicin dhacdadan 11/9/2011, waxaa jira dhowr taariikh oo xiriir toos ah la leh arrinkan. Dagaalkii Qaboobaa: Waxaa uu bilawday 1945-tii markii Hitler la dilay, Maraykanka iyo Ruushka ayaa awoodda dunida isku qabsaday, Mudadada dagaal-kii qaboobaa waxaa dhacay: Kala qeybinsan-kii Jarmal-ka 1949-1949-kii, dagaalkii Labada Kuuriya 1950-1553-dii, dagaalkii Vetnam 1956 iyo duulaan-kii Sovet-ka ee Afgaanistaan December 1979 ilaa February 1989, Xilliga dagaal-kan qabow uu socaday, dowladda Maraykanka waxay saaxiib la ahyed Islaamiyiinta, waxay siin jirtay taageero militari, Dhaqaale iyo mid siyaasadeed. 1991-kii: Waxaa burburay midowgii Soviet, Waxaa dunida ku soo haray hal awood oo Maraykanka ah, Waxaa isku dhacay Maraykanka iyo Islaamiyiinta oo shalay Saxiibo ahaa. 1996-dii: Waa markii Binu Ladin tagay Afgaanistaan halkaasna uga dhawaaqay Al-qaacida, fikirk-ka Al-qaacida waxaa uu bilowday 1988-dii. 26- September 1996- Markii Taalibaan qabsadeen Kabul, Kuna dhawaaqeen dowlado Islaami ah, Waxaa aqoonsaday dalal badan oo Sacuudiga iyo Pakistan ku jiraan. Waxaa kaloo jiray dad Soomaali iyo ajaanib halkaas ku soo tababartay oo ku soo noqday geeska Afrika. 7 August 1998: weerar loo geystay Safaarada Mareykanka ee Nairobi iyo Daru-Salaam. Nairobi waxaa ku dhintay 213 qof iyada oo 11 qof ay ku dhinteen Daar El-salaam Dunida Maxaa Ka Dhacay Kadib September 11, 2001-dii? 20 September 2001: Waa maalintii G. W. Bush Madaxweynihii xiligaas ee dalka Mareykanka uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah waxa uu ugu yeeray “argixisada”. 7 October 2001: Mareykanka ayaa weeraray Afgaanistaan kadib markii Taaliban diideen in ay soo dhiibaan Osama Binu Ladin oo Bush sheegay inuu ku lug-lahaa weeraradii 11/September. Dhankan iyo Soomaaliya: Waxaa dhismay Maxaakiim Islaamiga ahaa, Waxaa xoogaystay fikirkoodii, qaar ka tisran Islaamiyiinta Soomaaliya ee xiligaas waxaa ay tababar ku soo qaateen Afgaanistaan taas oo keentay in hogaamiye kooxeedkii sameeyaan dhaq-dhaqaaq ka dhan ah Islaamiyiinta Soomaaliya, iyaga oo qaar islaamiyiinta ka tirsan loo gacan galiyay dowladda Mareykanaka. 18/02/2006: Sagaal Hogaamiye oo kala ah: Muuse Suudi, Cumar Finish, Bashiir Raage, Cabdi Qeybdiid, Cabdi waal, C/rashiid Shire Ilqeyte, Cabdi shukri, Maxamed Qanyare, Bootaan Ciise Caalin iyo Maxamed dheere oo dib uga soo biiray, ayaa ku dhawaaqay isbaheysiga la dagaalanka argixisada, Sida ay sheegtay International Crisis Group ragan ayaa bil walba dowladda Mareykanka siin jirtay 100,000 ilaa 150,000 Dollar si ay ula dagaalamaan aragigixisada. February 28, 2006: Muqdisho waxaa looga dhawaaqay golaha Kacdoonka Difaaca Diinta iyo Dalka, kaas oo ay ku dhawaaqeen Midowga Maxaakiimta Islaamigu si ay uga hor tagaan Isbahaysiga la baxay la dagaalanka “Argagixisada. Maxaakiimta ayaa ku guuleystay dagaal ay labada dhinac galeen. February 26, 2008, Waxaa uu Mareykanka ku daray Al-shabaab liis-ka kooxaha argagixsada. 1-da May 2008-dii Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah Dhuuso-Mareeb ku dilay Hogaamiyihii Al-shabaab Aaden Xaashi Ceyrow. 10 Febraayo 2012: Al-shaab oo ku biiray Al-qaacida sida uu sheegay Ayman El-dawaahiri oo ah hogaamiyaha Al-qaacida. 6-dii June 2012, Mareykanka oo lacag dul dhigay ciddii soo sheega xogta Hogaamiya Al-shabaab Axmed Godane, Mareykanka ayaa madaxiisa dul digay ilaa $7-million (5.35-million-euro) kaasoo ugu dambeyntii duqeyn lagu dilay. 1 April 2013: Obama oo saxiixay in Taageero militari siiyo Soomaaliya si dowladda ula dagaalanto waxa uu ugu yeeray argigixisada. 28 March 2014: Obama Wuxuu ku dhawaaqay abuuritaanka santuuq ilaa shan billion oo doolar lagu caawiyo dalalka dunida oo dhan oo soomaaliya ay ka mid tahay si argagixisada loola dagaalmmo. Jul 10, 2014: Xukuumadda Soomaaliya ayaa meel marisay anti terror law oo ah sharci lagula dagaalamayo Argagixsada. 1 September 2014: Mareykanka ayaa duqeyn ku dilay hogaamiyhii Al-shabaab Sheekh Muqtaar Cabdulraxmaan (abuu subeeyr/ Godane.) Dagaalka Mareykanka ee la magac baxay la dagaalanka argigixisada uma muuqdo mid dhamaad leh, iyada oo maalin walba sii xoogeysanayo dagaalka Mareykanka uu kula jiro Islaamiyiinta. Dagaalka loogu yeero ladagaalanka argigixisada waxaa uu ka socdaa Soomaaliya, Mareykanka waxaa ay saldhig ku leeyihiin Balli-doogle, Shabeellada hoose, waxaa ay sanadkii geysteen ilaa 35 duqeyn halka sanad ay 20 gaarayaan.
-
(SLT-Boorama-)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo loo qabtay 974-Arday oo ka qalin-jebiyey jaamacadda Cammuud taas oo lagu qabtay xarunta ay jaamaaddu ku leedahay magaalada Boorama. Munaasibadda qalin-jebinta 974-ka Arday oo ah dufcaddii 18-aad ee ka qalin-jebisa jaamacadda Cammuud, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweynihii hore ee Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin, hormuudka Jaamacadda Cammuud Prof. Saleebaan Axmed Guuleed, xubno kamid ah golaha wasiirrada, siyaasiyiin, haldoor, aqoonyahan, madax-dhaqameed, waalidiinta Ardayda qalinjebisay iyo marti-sharaf kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo da’yarta waxbaratay iyo dedaalka ay u galeen horumarinta naftooda. Hormuudka Jaamacadda Cammuud, Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo ugu horrayn munaasibadda hadal ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay jaamacaddu soo martay, guulaha ay gaadhay iyo dedaalka naf-hurnimada leh ee ay ardaydani ugu dhabar-adaygeen inay ka midho dhaliyaan hammigii ay lahaayeen, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay bulshada ugu faa’iideeyaan cilmiga ay barteen. Sheekh Maxamed Aadan oo Afka waalidiinta ku hadlay, ayaa isaguna ku bogaadiyey Ardayda qalin-jebisay dedaalka ay sameeyeen, waxana uu ka codsaday inay ka soo celiyaan abaalkii ay waalidiinta iyo macallimiintuba geliyeen muddadii ay waxbarashada ku jireen. Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan, ayaa isaguna dhinaciisa soo dhaweeyey da’yarta cusub ee jaamacadda ka qalin-jebisay, waxana uu tilmaamay inay xukuumad ahaan dedaal badan geliyeen sidii dalku u heli lahaa aqoonyahanno diyaar u ah inay dadkooda u shaqeeyaan. Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo munaasibadda ka hadlay, ayaa bogaadiyey Ardayda maanta qalin-jebisay, waxana uu xasuusiyey midhaha laga filayo iyo baylahda badan ee hortooda taalla, isaga oo kula dardaarmay inay horumarkooda ka shaqeeyaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isagu kamid ahaa bahdii kasoo Aflaxay Jaamacadda Cammuud, ayaa hambalyo iyo bagaadin u diray Ardayda Qalin-jebisay, waxana uu si gaar ah u bogaadiyey hormuudka gacanta ku haya jaamacadda Hargeysa oo uu ku tilmaamay aqoonyahan soo saaray da’yar maanfuran oo aqoon tayo leh lagu canqariyey. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu muujiyey sida uu mar walba muhiimadda u siiyo jaamacadda Cammuud, isaga oo xusay inuu safka hore ka geliyey jaamacadaha uu farxadda qalinjebinta la qaybsanayo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Waxan maalmahan farxadda la wadaagi doonaa arday badan oo jaamacado ka qalinjebinaya, waxana aan Kow ka dhigay oo ugu horraysa Jaamacadda Cammuud, waayo waxa aan ka tirsanahay bahda Cammuud.” Madaxweynuhu waxa uu aqoonyahanka qalinjebiyey ka codsaday inay cilmi-baadhis qoto dheer ku sameeyaan sidii xal loogu heli lahaa mushkiladaha bulshada dhexdeeda ka jira, “Si aynnu horumar u samaynno aqoonyahanka cusub ee aad kamidka tihiin iyo kuwii horeba waa inaynu ku fikirnaa sidee baynnu khilaafaadka u yaraynaa, sidee baa dadkeennu isu aaminaa, sidee baa dadku wuu isku dhacayaaye marka uu is khilaafo loo daaweeyaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shahaadooyin guddoonsiiyey tiro kamid ah ardayda qalin-jebisay oo hormuud ahaa kulliyadaha ay ka baxeen, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin inuu madaxweynahoodu kala qayb-galo qalinbeintooda. Wa-bilaahi Tawfii Source
-
(SLT-Boorama)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeer ku tegay Buundada isku xidha jaamacadda Cammuud iyo magaalada Boorama oo dhismaheedu in muddo ah socday, horena madaxweynuhu u dhagax-dhigay. Maareeyaha hay’adda horumarinta waddooyinka, Mudane Axmed Yuusuf Maxamed, ayaa madaxweynaha uga warbixiyey halka ay marayso Buundadu, waxana uu tilmaamay inay ku han weyn yihiin inay dhawaan dhammaato. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maareeyaha iyo hawl-wadeennada kale ee hay’adda horumarinta waddooyinka ku bogaadiyey horumarka ay ka sameeyeen dhismaha buundada, waxana uu ku dhiirrigeliyey inay xil iska saaraan dhammaynteeda. Buuntada isku xidha Jaamacadda Cammuud iyo magaalada Boorama, ayaa halbawle u ah isu socodka jaamacadda iyo magaalada, waxana uu madaxweynuhu isaga oo dareensan muhiimadda waddadan uu ballan ku qaaday dhismaha iyo hirgelinta Buundadaas muhiimka ah. Source
-
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa Magaalada Xudur ee xarunta Gobalka Bakool ka Dhagax dhigay dhismayaasha Isbitaalka guud ee Xuddur iyo Hoyga martida oo laga dhex dhisayo xarunta Gobalka Bakool. Istibaalka Xuddur oo dhismihiisu uu qeyb ka yahay qorshaha horumarinta caafimaadka, ayaa marka dhismaha lagu dhameeyo, lana qalabeeyo waxaa ka faa’iideysanaya Bulshada degaanka oo dhibaata ku qabay helidda daryeel caafimaad, daweynna u doonan jiray Magaalooyin fog oo Muqdisho ay kamid tahay. Bulshada ku nool Magaalada Xuddur, maamulka Gobalka Bakool iyo kan Degmada Xudur ayaa markii Ra’iisul Wasaaruhu uu gaaray Magaalada ka codsaday in Dowladdu ay wax badan ka qabato baahiyaha caafimaad, ayaa ka mahad celiyay Dhagax dhigga mashruuca lagu dhisayo Isbitaalka. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sidoo kale Xarigga ka jaray mashruuc Nalalka Cadceedda ku shaqeeya oo laga hir-geliyay Waddada isku xirta Gegida Diyaaradaha iyo xarunta Gobaka , wuxuuna mudane, Kheyre Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ku wareejiyay Lacag lagu casriyeynayo Garoonka Kubbadda Cagta ee Dr; Waaberi , taa oo uu Ra’iisul Wasaaruhu Maalin kahor ballan qaaday horumarintiisa. Himilooyinka tubta horumarinta arrimaha Bulshada oo qayb ka ah Afarta tubood ee Qaranka, ayaa waxaa ka mid ah hir-gelinta adeeg caafimaad oo tayo leh oo Lacag la’aan ah iyo sameynta mashaariic lagu horumarinayo Dhallinyarada Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa la helayaa tirro hoobiyeyaal ah oo kusoo dhacay dhismayaa ku yaalla agagaarka Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Xaafado ku dhow. Jugta Madaaficda oo laga maqlay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ku dhacay halka magacaabo Kaambada oo ku dhow Xarunta Taliska Booliska Kumaanda Polisio sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah. Sidoo kale Hoobiyeyaasha oo gaarayay ilaa saddex ayaa waxaa mid kamid ah uu ku dhacay dhismaha safaaradda Itoobiya oo ku dhegan Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. In ilaa iyo la xaqiijiyay hoobiyeyaashaas ayaa waxaa ku dhaawacmay hal ruux oo shacab ah,waxaana dad ku sugan goobaha ay madaafiic kusoo dhaceen ay sheegeen inay casbi soo wajahday, kadib markii hoobiyeyaasha ay kusoo dahceen xaafadahooda. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerarkaas madaafiicda ah, waxayna sheegeen inay la heleen Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay Vill Somalia gudaheeda. Al-Shabaab ayaa sheegay inaysan weli helin xogta ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkaan oo Maanta laga maqlay inta badan Magaalada Muqdisho. Ugu dambeyntii Al-Shabaab ayaa tilmaamay in weerarkaan uu qeyb ka yahay weerarada ay ku hayaan Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamda AMISOM. Dowladda Soomaaliya weli ma aysan ka hadlin weerarka madaafiicda ee lagu qaaday Xarunta looga taliyo Soomaaliya oo uu ku sugan yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
THE HAGUE (HOL)- Public hearings for the maritime dispute between Kenya and Somalia will commence on November 4, the International Court of Justice has formally announced. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (SMN) – Jeneraal Berhanu Jula, taliye ku xigeenka ciidamada waddanka Itoobiya ahna madaxa howlgalada, ayaa u sheegay warbaahinta in ay qabteen “xubno ka tirsan” Daacish. Sidda laga soo xigtay Jeneraalka, kooxdan ayaa meelo kala duwan oo dalkaas kamid ah waxay isku dayeysaa in ay isku balaariso kuna yeelato unug xoogan, balse wuxuu carabka ku dhuftay in ay ku fashilantay. Warbixino laga helay hay’addaha sirdoonka ayaa waxay qeexayaan in ay jiraan tirro dagaalyahano ururkan kamid ah, kuwaasi oo tababar kusoo qaatay dibadda, ay galeen dalkaas bilooyinkii lasoo dhaafey. “Wali ma caddeyn karno qorshahooda, balse waxay sameynayaan dhaqdhaqaaq si ay u aqoonsadan dagaalameyaashooda, isha ayaanse ku hayaan,” ayay wakaaladda wararka Itoobiya kasoo xigtay sarkaalka. Ururkan oo Soomaaliya kaga sugan degaanada Puntland gaar ahaan buuraleyda gobolka Bari ayaa Geeska mandiqada kasoo if-baxay 2015-kii, waxaana hogaamiye u ah Cabdiqadaair Muumin. View the full article
-
Garoowe (SMN) – Waxaa maanta magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal lagu soo bandhigay ciidamo cusub oo ka mid ah kuwa ammaanka ee maamulka Puntland. Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka, islamarkaana si gaar ah loo soo tababaray ayaa waxaa la sheegay in ay ka shaqeyn doonaan amniga magaaladaasi. Wasiirka Amniga Puntland, Cabdisamad Maxamed Galan ayaa sheegay in u jeedka loo soo xulay ciidamadaasi uu yahay sugidda nabad galyada. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay in ay si wanaagsan u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, iyaga oo aan cuburin dadweynaha. Ugu dambeyn taliyaha ciidamada Booliska Puntland, Sarreeye Gaas Muxudiin Axmed Muuse ayaa uga digay ciidamadan inay si macno darro ah u rasaaseeyaan dadka, wuxuuna tilmaamay in askarigii amar la’aan xabad rida uu isagu qaadi doono mas’uuliyadda. Halkan hoose ka daawo Sawirrada: View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Dowladda Australia ayaa soo saartey digniin cusub oo ku aadan khatarta amni ee garabka Daacish uga dagaalama dalka Soomaaliya. Guddiga Amniga iyo Sirdoonka ee baarlamaanka Australia oo warbixintan soo saarey ayaa sheegay in ururka uu maleegayo weeraro ay ka geysanayaan meelo ay kamid tahay magaaladda Muqdisho. “Kooxo ay kamid tahay Daacishta Soomaaliya, waxay beegsan karan reer Galbeedka…afduubasho madax furasho doon ah,” ayay sheegeen, iyaga oo aanan kala caddeyn hadii ay AlShabaab kamid tahay. Daacishta Soomaaliya oo uu hogaamiyo Cabdiqaadir Muumin ayaa dalka Soomaaliya kaga sugan degaanada Puntland, halkaasi oo ay kasoo ifbaxeen sanadku markii uu ahaa 2015-tii. Mareykanka ayaa horey u shaaciyey in Kooxdan xubnaha u dagaalama badankooda ka yimaadeen dhanka Al-Shabaab, kuwaasoo ay tiradoodu gaareyso in ka badan 250. Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa dhowr jeer weeraro dhanka cirka ah ku qaadey goobaha Daacish kaga sugan tahay gobolka Bari ee Puntland, waxaana looga dilay xubno badan. Ugu dambeyntii, guddiga ayaa isku raacey in Daacishta Soomaaliya loo aqoonsado urur argagixiso oo caalami ah, laguna daro liiska xagjirnimada dunida, “maadaama ay geysanayaan dambiyo”. View the full article
-
The Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda ICJ ayaa warbixin cusub kasoo saartay Kiiska dacwadda Badda ee Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya kadib go’aankii dib loogu dhigay muddo laba bilood ah.Maxkamadda ayaa sheegtay in dadkii isku diiwaan geliyey inay ka qeyb noqdaan kulankii Maxkamadda ee baaqday looga baahan yahay in mar kale is diiwan geliyaan. 4-ta November oo ah maalinta koowaad ee Maxkamadda ahna Maalin Isniin ah ayaa waxaa la dhegeysan doonaa Soomaaliya, waxaana jaanis la siiyey 10:00Am illaa 1:00Pm iyo 3:00Pm illaa 4:30 galabnimo. Dowladda Kenya ayaa iyadana doodeeda soo jeedin doonto Maalinta Arbacada ah 10:00Am illaa 1:00Pm iyo 3:00Pm illaa 4:30 galabnimo. Maalinta Sedexaad ee Maxkamadda oo ah Todobada Bisha November ayaa waxaa fursad kale la siin doonaa dalka Soomaaliya saacadda marka ay tahay 3:00 PM ilaa 4:00 Galabnimo. 8-da Bisha November oo ah Maalinta ugu dambeyso ee dhageysiga dacwadda ayaa waxaa leh Dowladda Kenya oo maalinteeda labaad u noqoneyso waana Maalin Jimco ah, waxayna soo jeedinteeda leedahay 3:00 PM ilaa 4:00 Galabnimo. 24-ka Bisha October ayaa ugu dambeyn loo qabtay inay isku soo diiwaan geliyaan dadka doonayo inay ka qeyb galaan fadhiga soo socdo ee maxkamadda kuwaas oo isugu jiro Diblomaasiyiinta, Warbaahinta iyo ka qeybgalayasha kale. Dowladda Kenya ayaa sabab u aheyd inay baaqato dhageysiga Maxkamadda oo lagu ballansanaa sagaalka Bishaan kadib markii ay dalbatay in dib loogu dhigo. Maxkamadda ICJ ayaa aqbashay cosiga Dowladda Kenya inkastoo ay kaliya ku dartay 2 bil halka Dowladda Kenya ay codsatay in dib loogu dhigo ilaa 12 Bil. Dowladda Kenya ayaa muujisay cabsi ku aadan in looga guuleysan doono Dacwadda taalo Maxkamadda ICJ, waxayna isku dayday inay meel kasta u marto sidii loo joojin lahaa dacwadda balse Soomaaliya ayaa ku adkeysatay inaysan wax wada hadal ah ka geli doonin Kiiskaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Innaa Lillaah Wa innaa Ileyhi Raajicuun,Geeridu waa xaq!!!!. Anigoo ah Eng.Maxamed Jaamac Boosolaaye (Eng.Maskax) Waxaan Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan Qoyska Reer Axmed Aw diiriye Guuleed oo Aabahood Oday Axmed ku geeriyooday Magaalada Hargeisa. Waxan ilaahay ugu baryayaa inuu Marxuum Oday Axmed janatul-Firdoows ka waraabiyo Qoyskiisa,xigtada,Xasbada & Ehelkuu ka geeriyoodayna samir & imaan saadiqa ka siiyo. Aamin Aamin Aamin Qaran News
-
Dhuusamareeb (SMN) – Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa maanta ka qeybgalay shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug ee ka socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi. Wasiir Ducaale ayaa ugu baaqay ergada ka qeyb galeysa shirkaasi in ay ka qeyb qaataan nabad galyada deegaanada maamulka Galmudug. Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimaha ammaanka Dhuusamareeb oo uu sheegay in la xoojiyey maalmihii la soo dhaafay. Dhanka kale waxa uu ballaan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan Al-Shabaab looga saari doono deegaanada ay ka heystaan gobollada Mudug iyo Galgaduud. Shirka Dhuusamareeb oo looga hadlayo arrimaha dib u heshiisiinta ayaa waxaa Jimcihii daah-furay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre. View the full article
-
Muqdisho (SMN) – Wasiirka arrimaha Dibedda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa Shalay wareejiyey hoggaanka shirka golaha Wasiirrada arrimaha dibedda ee Jaamacadda Carabta. Wasiir cawad, oo Guddoominayay shirka Wasiirrada Jaamacadda Carabta ee lagu qabtay Magaalada Qaahira ee Caasimadda Dalka Masar, ayaa geba-gebadii kulanka xilka hoggaanka ku wareejiyay dhigigisa Dalka Ciraaq, Maxamed Cali Xakiim. Ambassador’ Cawad, ayaa sheegay in Lixdii Bil ee ay Soomaaliya haysay xilka ay u qabsoomeen waxyaabo badan, kana shaqeeyeen isu soo dhoweynta siyaasadda Waddamada ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta iyo iskaashigooda. Shirka Wasiirrada arrimaha dibedda ee Jaamacadda carabta ayuu sheegay in looga hadlay, dhibaatada haysata Shacabka reer Falastiin iyo colaadaha ka aloosan Waddamada Libya, Yemen iyo Suuriya. View the full article
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Denni oo muddooyinkii ugu dambeeyey safar ugu maqnaa dalka dibaddiisa ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe. Garoonka diyaaradaha General Maxamed Abshir ee Garoowe waxaa madaxweynaha ku soo dhoweeyey xubno ka tirsan golaha xukuumadda, barlamaanka iyo maamulka degmada. Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Deperani oo soo dhoweynta ka dib warbaahinta kula hadlay aqalka martida garoonka ayaa sheegay in madaxweynuhu safaro ku soo maray dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta, waxbadana uga soo qabsoomeen. DAAWO PUNTLANDPOST The post Madaxweynah Puntland oo dalka dib ugu soo laabtay, ka dib safarkiisii Imaaraadka iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (SMN): Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Warka-Duhur-11092019.mp3 View the full article