Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan xisbiga uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ee UPD ayaa carro ka muujiyey shirka uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madax goboleedyada dalka, saacado kadib markii la iclaamiyey dibad-baxa mucaaradka iyo shir kale oo dhex-maraya Rooble iyo Midowga Musharaxiinta. Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa xalay lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4-ta Maarso 2021 martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii laxiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka. Shirka uu ku baaqay Farmaajo, oo aan la ogeyn inay aqbalayaan Puntland iyo Jubaland, ayaa qorshuhu yahay inuu dhaco isla maalinta Khamiista ah ee 4-ta Maarso ee ay shir kale u ballansan yihiin Rooble iyo Midowga Musharaxiinta, iyo laba maalin ka hor dibad-baxa ay iclaamiyeen Mucaaradka, taasi oo su’aalo badan dhalisay. Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay facebook ku yiri “Farmaajo isagoo ka caraysan, kana cararaya Mudaharaadka maalinta Sabtiga iyo shirka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta u balansanyihiin maalinta Khamiista ayuu ku baaqay shir degdeg ah in ay isugu yimaadaan Dowlada Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka maalinta Khamiista.” Mahad Salaad, ayaa sidaas darteed soo jeediyey in laga hordhaco qorshaha shirka uu iclaamiyey Farmaajo, lana soo hormariyo dibad-baxa mucaaradka. “Mar hadii Farmaajo rabo in uu isku qataaro Ciidamada iyo Shacabka bannaanbaxaya, Musharaxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha, Dowlad Goboleedyda iyo Beesha Caalamka, Haddaba maxaa diidaya annagana inaan soo hormarsanno Mudaharaadka maalinta Sabtiga, lagana dhigo maalinta Arbacada ama Khamiista?!,” ayuu yiri Mahad Salaad. War-saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu shaaciyey in Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu iclaamiyey shir kale o ay isugu imaanayaan madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. Kulankan oo hal maalin soconaya wuxuu ku qabsoomayaa magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay qoraalka. “Waxaa looga gol leeyahay kulankan in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo. Ugu dambeyntii qoraalkan waxaa lagu yiri, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad wayn siinaysaa hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta.” Horay waxaa u fashilmay shir uu sidaan oo kale u iclaamiyey Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, waxaana shirkaas si cad u diiday Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, iyagoo ka qeyb galkiisa ku xiray dhowr shuruudood. Illaa hadda ma cadda in Villa Somalia ay aqbashay shuruudihii labadaas madaxweyne, lamana oga inay ka soo qeyb geli doonaan shirkan, waxaase socda dadaalo xoog leh oo beesha caalamku ay isugu keneyso madaxda Soomaalida, si heshiis dhaba ay ugaa gaaraan doorashada dalka.
  2. Guled Ibrahim is a Somali Young boy who makes a living by driving bajaj in Jijiga town, eastern Ethiopia. A woman who happened to be his passenger left 300,000 Ethiopian birr. It is money she raised from selling her livestock to pay for medical help for herself and for her sick son. Source: Hiiraan Online
  3. President Mohamed Abdullahi Mohamed’s term has expired without a successor in place. Source: Hiiraan Online
  4. As a teenager, Zaynab Abdi got a visa to move to the United States. Her younger sister Sabreen didn’t. The Trump ‘Muslim ban’ has kept them apart for seven years. Source: Hiiraan Online
  5. MOGADISHU (Xinhua) -- The Somali Ministry of Health on Monday said it's planning to reintroduce COVID-19 restriction measures aimed at containing the spread of the virus amid the resurgence of infections across the country. Source: Hiiraan Online
  6. Opposition leaders allowed to hold peaceful protest on March 6 Source: Hiiraan Online
  7. Somalia’s Hormuud Telecom already offers mobile money services but, in an effort to formalise the country’s fast-growing digital payments infrastructure and integrate it with the global financial system, Somalia’s central bank has now awarded the country’s first mobile money licence to the operator. Source: Hiiraan Online
  8. Baidoa – Quiet and calm are rare at the Bay Regional Hospital in the city of Baidoa. Source: Hiiraan Online
  9. The health minister of Somalia on Monday proposed new efforts to curb the rising number of coronavirus infections in the country, which is battling a worsening caseload amid an impasse over elections that were due last month. Source: Hiiraan Online
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo xalay khudbad ka jeediyey markii uu soo dhamaaday shirkii xukuumadda xil-gaarsiinta iyo midowga musharaxiinta ayaa shaaciyey goorta uu dhacayo mudaharaadkii ay horay u iclaamiyeen. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in ayaga iyo xukuumadda Rooble ay ku heshiiyeen in mudaharaadkaasi dhaco maalinka Sabtiga ah ee soo socota oo taariikhdu ku beegantahay 6-da bishan Maarso. “Qodobada aan isku raacnay waxaa ugu horeeya in xukuumadda xil-gaarsiinta aan ka wada shaqeyno in banaanbaxii uu dhaco maalinka Sabtiga ah ee 6-da bishaan, kaas oo ka dhici doona fagaaraha Daljirka, waxaa banaanbaxaan soo jeediyey midowga musharaxiinta oo soo abaabulaya, xukuumadda waxaan ku heshiinay inay kala shaqeyso amniga mas’uuliyadeedna ay qaadato, taas waa naga aqbaleen,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Sidoo kale Cabdiraxmaan waxa uu sheegay inay wada magacaabeen guddi soo baara cidda iska leh mas’uuliyadda wixii Muqdisho ka dhacay 19-kii bishii hore ee Febraayo. Guddigaas oo dhamaantiis ka kooban saraakiil sare ayaa kala metelaya mucaaradka iyo xukuumadda, waxuuna sheegay Cabdiraxmaan Cabdishakuur in qibradda xubnahaan ay labada dhinacba ku qanacsanyihiin. Lixda sarkaal ee loo magacaabay baaritaanka dhacdadaas ayaa kala ah. 1- S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) 2- Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji 3- S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare 4- S/Guuto Maxamed Cali Bariise 5- G/Dhexe Yaasiin Cabdullahi Maxamuud 6- Xuseen Macalin Maxamuud Hoos ka Daawo C/Raxmaan C/Shakuur
  11. Weriye caan ah oo lagu dilay Gaalkacyo+ faahfaahino ka soo baxaya Magaalada Gaalkacyo waxaa goor dhow lagu dilay Weriye Jamaal Faarax Aadan oo ka mid ahaa weriyeyaasha sida weyn looga yaqaano Magaalada Gaalkacyo. Marxuumka ayaa ka mid ahaa wariyeyaasha ka howlgalla degaanada Puntland, waxaana uu horay uga soo shaqeeyay idaacadda lagu Magacaabo Daljir. Sida dad goob joogayaak ay sheegayaan dilka weriyaha ayaa ka dhacay Agagaarka xero Siinaay oo ku taalla woqooyiga magaalada Gaalkacyo ka dib markii ay rasaas ku fureen rag bastoolado ku hubeysan. Ciidanka Ammaanka maamulka Puntland ayaa soo gaaray goobta uu ka dhacay dilka, waxaana ay halkaasi ka bilaabeen howlgallo ay ku doonayaan in lagu soo qabto kooxihii ka dambeeyay dilka. Weli lama oga sababta loo dilay Weriyaha iyo cida ka dambeysay dilkiisa oo caawa si weyn looga hadlayo magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Qaran News
  12. Milatariga Itoobiya oo xidhay weriye ka tirsan BBC-da Girmay Gebru Milatariga dalka Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabay weriya ka tirsan BBC-da oo ku sugnaa gobolka ay colaaduhu ka socdaan ee waqooyiga ku yaalla ee Tigray. Girmay Gebru, oo u shaqeeyta laanta Tigranya ee BBC-da ayaa laga qabtay mukhaayad ku taalla caasimadda gobolkaasi ee Mekelle. Afar qof oo kale ayaa lala xiray. Goobjoogayaal ayaa BBC-da u sheegay in rag xiran dharka milatariga ay kaxeysteen shantaasi qof. Ma cadda sababta loo xiray raggaasi. BBC-da ayaa heshay warar sheegaya in raggaasi loo qaaday xero milatari oo ku taalla Mekelle. Gobolka Tigray ayaa waxaa gacanta ku hayay milatariga tan iyo bishii Nofeembar ka dib markii uu Ra’iisal wasaare Abiy Axmed amray in milatariga ay xukunka ka tuuraan kooxda TPLF ee maamulayay gobolkaasi. Qaran News
  13. Maxkamadda HAGUE oo war Cusub ka soo saartay Kiiska Muranka Dacwadda badda ee Somalia iyo Kenya ka dhex oogan Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee The HAGUE ayaa war qoraal ah oo ay ka soo saartay kiiska muranka dhanka badda ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ku sheegtay in dhagaysiga kiiskaasi uu furmayo maalinta Isniinta ah ee 15 bishaan Maarso marka saacaddu ay tahay 3 p.m. Horay ayaa maxkamaddu u sheegtay in dhagaysiga kiiskaasi uu dhacayo taariikhda kor ku xusan, kaddib markii dhowr jeer oo hore dib loo dhigay. Dadka ka qayb geliya dhagaysiga dacwadda ayaa loogu baaqay in lifaaqa ay uga qayb geli doonaan ay ka helayaan bogga maxkamadda. Waxaa sidoo kale qoraalka lagu xusay in faahfaahinta jadwalka dhagaysiga oo dhammaystiran gadaal laga soo sheego doono. Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa baahisay codka hoggaamiyaha ururkaas Axmed Cumar Abuu Cubeyda, isagoo ka hadlaya halgankii Daraawiishtii uu hogaaminayay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, kaas oo xiligiisii ay hadda ka soo wareegtay 100 sano. Abuu Cubeyda waxuu isbarbar dhigayaa halgankii Daraawiishta ee Sayidka iyo dagaalka ay Al-Shabaab ka wadaan Soomaaliya, waxuuna sheegay inay is shaabahaan, maadaama sida uu sheegay xilligaas ay Sayidka iyo Daraawiishtiisa ay ka hiiliyeen dad Soomaaliyeed. Hadda waxa uu sheegay in dagaalka ay ka wadaan Soomaaliya ay kula jiraan shisheeye, balse shisheeyuhu uu gacan ka helayo dad Soomaaliyeed oo ka hiilinaya iyaga, sida uu hadalka u dhigay, Sidoo kale hoggaamiyaha Al-Shabaab Abuu Cubeyda waxa uu sheegay in maanta xaaladda ka jirta Soomaaliya ay ka darantahay tii xilligii Daraawiishta, oo shisheeyihii xilligaas ay hadda soo casriyoobeen, sida uu hadalkiisa u dhigay. “Maanta waa sidii xiligii daraawiishta oo kale, waxaase intaas sii dheer in shisheeyihii maanta ay dibadaha ka keensadeen, kuwo ay soo carbiyeen oo tababar ay soo siiyeen, isla markaana sita aqoonsiga dowladaha shisheeye ee soo dirsaday,” ayuu yiri ninka hoggaamiya maleeshiyada Al-Shabaab.
  15. Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka hadlay dhowr arrimood oo ku saabsan xaaladda deegaanada maamulka Puntland, isagoo is dul taagay dhowr qodob. Madaxweyne Deni oo wareysigan siiyey TV-ga Universal, qodobadii uu ka hadlay waxaa ka mid ahaa maamulka dekedda Boosaaso ee shirkadda DP World, waxuuna qiray in dekedaas ay heysato caqabad maamul. Saciid Deni ayaa sheegay in DP World aysan fulin heshiiskii ay la gashay Puntland, isla markaana ay jiraan caqabado badan oo ku hor gudban heshiiskaas. “Shirkadda DP World heshiiska waxaa la gashay xukuumaddii naga horeysay, waa sax DP World waxaba kama qaban weli dekedda Boosaaso, laakiin markii la I doortay bil kadib waxaa la dilay nin ajanebi ah oo DP World ay u soo dirtay hormarinta dekedda, waxaa yaallay mashaariicdii lagu hormari lahaa dekedda, dilkiisa meelo badan ayuu galay, taasni waxay abuurtay caqabad weyn,” ayuu yiri Deni. Sidoo kale waxa uu sheegay in shirakadan dadka reer Puntland laga hor keenay oo borabogaando badan laga faafiyey, balse markii ay howshu bilaabatay oo ninkii la dilay loo soo magacaabay ay shaqadu toostay, dadkuna ay yara aamineen. “Markii dilku dhacay kadib, waxaan isla garanay anaga iyo shirkaddu in shilkaas uu dhacay oo laga gudbo, waxay naga balan qaaday DP World, in shaqadii lagu balamay ay qabaneyso… balse waqtigii ayaa dib u dhacay oo Covid-19 iyo gaabis noocaas ah ayaa dhacay, waxaan isku daynay inaan qaadno tallaabooyin,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Waxa uu sheegay in wixii ka dambeeyey markii ninka la dilay ay dekedda ka maamuli jireen Dubai, balse hadda ay shaqada si ku meel gaar ah uga joojiyeen maamulka shirkadda DP World, si is bedel loo helo. “Tan iyo markii maamulaha la dilay waxay ku shaqeyn jireen Abu Dubai oo dhaqaalaha lagu heshiiyey ee ka soo xarooda dekedda, iyagaa maamuli jiray, laakiin seddaxdii bilood ee u dambeysay waxaan ka joojinay inay maamulaan, si wadahadalkii aan dib ugu bilaawno, si ay shaqada ugu qabtaan sidii loogu heshiiyey ama nagu soo wareejiyaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Deni. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa wareysigaan uga hadlay dhowr arrimood oo kale, sida xiriir xumida mar kasta dowladda dhexe kala dhaxeysa Puntland iyo sababta keenta, sicir bararka ka dhashay diidmada shilin Soomaaliga iyo sababta ka dambeysa, xarigga iyo xorriyad yarida hadalka ee xukuumadiisu ay ku kacdo iyo arrimo kale. Hoos ka Daawo wareysiga
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-War-saxaafadeed goordhow kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu shaaciyey in Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu iclaamiyey shir kale o ay isugu imaanayaan madaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4ta Maarso 2021 martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii laxiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri qoraalka. Kulankan oo hal maalin soconaya wuxuu ku qabsoomayaa magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay qoraalka. “Waxaa looga gol leeyahay kulankan in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska madaxweyne Farmaajo. Ugu dambeyntii qoraalkan waxaa lagu yiri, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad wayn siinaysaa hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta.” Horay waxaa u fashilmay shir uu sidaan oo kale u iclaamiyey Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo, waxaana shirkaas si cad u diiday Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, iyagoo ka qeyb galkiisa ku xiray dhowr shuruudood. Illaa hadda ma cadda in Villa Somalia ay aqbashay shuruudihii labadaas madaxweyne, lamana oga inay ka soo qeyb geli doonaan shirkan, waxaase socda dadaalo xoog leh oo beesha caalamku ay isugu keneyso madaxda Soomaalida, si heshiis dhaba ay ugaa gaaraan doorashada dalka.
  17. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu 4ta Maarso 2021 martigelinayo munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wada hadalladii la xiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee udhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay Kulankan oo hal maalin soconaya uu ka qabsoomayo magaalada Muqdisho, islamarkaana looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020. “Kulankan oo hal maalin soconaya wuxuu ku qabsoomayaa magaalada Muqdisho, waxaana looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee ka soobaxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaas oo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020.” “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad wayn siinaysaa hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta.” Ayuu sii raaciyay Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo mar kale shir ku casumay Madaxda Dowlad Goboleedyada appeared first on Puntland Post.
  18. Hay’ad fadhigeedu yahay dalka Biritan oo diiwaangelisa dadka rayidka ah ee ku waxyeellooba colaadaha laguna magacaabo Airwars ayaa sheegtay in weerarrada uu Maraykanku qaaday xilligii uu talada hayey Madaxweyne Donald Trump ay aad uga badnaayeen waqtiyadii madaxweynayaashiii ka horreeyey ee Barack Obama iyo George W. Bush. Airwars oo wax ka qorta waddamada Soomaaliya, Libya, Syria, Iraq, Yemen iyo Pakistan waxay sheegtay in maamulkii Trump uu Soomaaliya ka gaystay 276 weerar oo cirka ama dhulka ah intii u dhaxaysa 2017-kii ilaa 2021-ka, waxayna sheegtay in weeraradaas 205 ka mid ah rasmi ahaan loo shaaciyey. Taas marka la barbardhigo xilliyadii ay talada hayeen Obama iyo Bush ayey hay’addu sheegtay in Soomaaliya Maraykanku ka gaystay 67 hawlgal. Waxay sheegtay Airwars in xilligii Trump uu maamulku dabciyey xeerarkii u yaallay hawlgallada milatari ee Maraykanku Soomaaliya ka gaysanayey sida ay qortay jariidadda New York Times. Waxay sheegtay in sannadkii hore ee 2020-ka inkastoo uu jiray xanuunka Covid-19 haddana ay Somaaliya ka dhaceen 54 duqaymood. Airwars waxay sheegtay in duqaymaha Soomaaliya ay yaraadeen muddadii u dhaxaysay 17-ka May ilaa 9-ka Juulaay 2020-ka, waxayna taas la xiriirisay xanuunka Covid-19. Waxay sheegtay Airwars in ka sokow tirada badan ee duqaymaha inay hoos u dhaceen dadka rayidka ah ee lasoo sheegayo inay waxyeelladu kasoo gaartay sida ay diiwaangelisay hay’addaasi. Sidoo kale hay’addani waxay sheegtay in hawlaglada wadajirka ah ee ay qaadayeen Maraykanka iyo ciidamada Soomaalida ay u ekaayeen dagaallo rigliga ah. Tusaale ahaan ayey tiri hay’addu ciidamada AMISOM iyo kuwa Soomaalidu waxay ku gulaysteen inay Al-Shabaab ka saaraan Jannaale sannadkii hore, waxaana hawlgalkaas dhinaca hawada ka taageeray ayey tiri lix duqaymood oo Maraykanku gaystay. Markii ugu horraysay muddo sannado ah ciidamada Soomaalida waxaa u suurtogashay inay xajistaan gacan ku haynta goobaha cusub ee laga qabsaday Al-Shabaab, sida ay sheegtay hay’addu. Waxaase dhinaca kale jirta in weli Al-Shabaab ay meelo badan ka haystaan gobollada Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool. Waxay sheegtay Airwars in hawlgalka ciidamada Maraykanka ee AFRICOM uu sameeyey daahfurnaan sannadkii 2020-ka kadib markii ay bilaabeen inay saddexdii biloodba mar daabacaan dadka rayidka ah ee waxyeelladu kasoo gaarto duqaymaha. Tallaabadaas darteed AFRICOM waxay qiratay in qof rayid ah uu ku dhintay saddex kalena ay ku dhaawacmeen duqayn ka dhacday nawaaxiga Jilib 2-dii Febraayo 2020-ka. Goor dambena AFRICOM waxay sheegtay in laba qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen duqayn ka dhacday Jilib 17-kii Febraayo 2020. Dhinaca kale waxay sheegtay Airwars in ururka Daacish ay ku sugan yihiin meel aad u yar oo ka tirsan Puntland, iyagoo cadaadis kala kulmay ciidamada Soomaaliya, Maraykanka iyo Al-Shabaab. Daacish waxaa sannadkii hore uu Maraykanku la beegsaday hal duqayn keliya. Ugu dambayn waxay Airwas sheegtay in tallaabadii ugu dambaysay ee maamulka Trump uu qaaday intii uusan xilka ka degin ay ahayd inuu boqollaal ciidamada Maraykanka ah kasoo saaro Soomaaliya, tallabadaas oo dadka qaar u arkeen inay timid xilli aan munaasib ahayn maadaama ay Soomaaliya doorasho isku diyaarinayso, balse dhinaca kale waxaa iyaguna soo dhoweeyey dhinacyo kale oo u arkay in Trump uu ka dhabeynayo soo af-jaridda dagaallada Maraykanku kaga jiray dibedda. Xigasho: VOA Somali PUNTLAND POST The post Airwars: Maamulkii Trumo wuxuu Soomaaliya ka fuliyay 276 oo weerarro cirka iyo dhulka ah appeared first on Puntland Post.
  19. Madaxweynihii hore ee Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa lagu helay dambi musuq-maasuq, waxaana lagu xukumay saddex sano oo xabsi ah. Sarkozy ayaa maxkamad ku taalla Paris waxay ku heshay inuu isku dayey inuu si sharci-darro ah saameyn ugu yeesho garsoore maxkamadeed, intii uu madaxweynaha ahaa. Muddada xabsiga ayaa waxaa ku jira laba sano oo la hakiyey, oo macnaheedu yahay inay u badan tahay in Sarkozy uusan geli doonin xabsi. Waxaa hubanti ah in Sarkozy uu racfaan ka qaadan doono xukunka, islamarkaana uu xor sii ahaan doono, iyada oo aysan jirin amar soo xiritaan ah oo loo soo saaray. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Sarkozy oo xabsi lagu xukumay kadib markii dambi lagu helay appeared first on Puntland Post.
  20. Galka’yo (PP News Desk) — Unknown gunmen have assassinated Jamal Farah Aden, a veteran radio journalist, in north Galka’yo. Jamal was at a business premises when the gunmen had committed the murder and fled the scene. The gunmen also wounded a man who was at the business premises reportedly owned by Jamal. Unidentified gunmen assassinated Jamal Farah Aden in North Galka’yo Puntland police in North Galka’yo launched investigation into the murder case. Since 2015 more than five journalists have been assassinated in North Galka’yo controlled by Puntland State Administration. No group has claimed responsibility for the murder of Jamal. “We send our condolences to the family and relatives of Jamal” said Ali Ahmed, a journalist in Garowe. Jamal is survived by a wife and children. © Puntland Post, 2021 The post Gunmen Murder Veteran Journalist in Galka’yo appeared first on Puntland Post.
  21. Hague (Caasimada Online) – Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ayaa qoraal ay soo saratay ku xaqiijisay inay mar kale dhageysan doonto dacwadda kiiska badda ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya, bishan March. Qoraalka kasoo baxay maxkamadda Hague ayaa lagu sheegay in dhageysiga dacwadda ay billaaban doonto 3:00 pm 15-ka March 2021, ayna ka dhici doonto xarunta Peace Palace oo ah fadhigga Maxkamadda ee magaalada Hague ee dalka Neterhalnds. “Ayada oo la eegayo xaaladda cudurka saf-mareenka ah ee COVID-19, dhageysiga ayaa wuxuu u dhiic doona qaab online ah. Qaar ka mid ah xubnaha Maxkamadda ayaa dhageysiga uga qeyb gali doona xarunta, halka qaar kalena ay muuqaal ahaan kusoo geli doonaan,” ayaa lagu yiri qoraalka Maxkamadda ICJ. Maxkamadda ayaa intaas ku dartay in wakiilada labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ay dhageysiga uga qeyb-gali karaan hab goobjoog ama muuqaal ah. Waxay sidoo kale Maxkamaddu sheegtay in diblomaasiyiinta iyo suxufiyiinta ay sidoo kale kala socon karaan dhageysiga kiiskan website-ka Maxkamadda, iyo midka UN Web TV. Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ) ayaa dhowaan ku gacan seertay codsi ay dowladda Kenya ku dooneysay in mar kale dib loo dhigo dhageysiga kiiska badda Soomaaliya, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya. Dowladda Kenya ayaa dhowaan codsatay in kiiska markii afaraad dib loo dhigo, ayada oo markan dood ka dhigatay inay dooneyso inuu u dhaco qaab weji ka weji ah, intii lagu qaban lahaa hab online ah, sida uu sheegay garyaqaanka guud ee dalkaas Ken Ogeto.
  22. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) strongly condemns the targeted and heartless killing of an independent journalist in northern Galkayo of Mudug region in central Somalia. Veteran Freelance Journalist Jamal Farah Adan, 56, was attached by two men armed at around 18:45 while he was seated in front of a shop owned by his family in Galkayo’s Siinay neighbourhood. The assailants shot him twice in the head and once in the neck, according to officials at Galkayo Medical Center (GMC) where he was pronounced dead by doctors. Puntland police immediately reached the crime scene, but the suspected killers have already escaped. Jamal Farah Adan who worked with several media houses in Puntland such as Radio Daljir, Radio Galkayo and Radio Garowe has been working as a freelance journalist in recent months. He has been recently criticizing Al-Shabaab and its operation in Mudug through radio programmes. According to two journalists in Galkayo who spoke to NUSOJ but cannot be named in fear of their safety, the late journalist told them in person on Friday, 26 February 2021, that he is receiving death threats, and was thinking of leaving Galkayo. “We condemn the horrendous and cold-blooded killing of Jamal Farah Adan in Galkayo which has become the second mostly deadly place for journalists in Somalia,” said Omar Faruk Osman, NUSOJ Secretary General. “More and more independent voices are being silenced in Somalia at this critical time in the country’s history, when the people desperately need unfettered access to impartial information.” “This is a shocking murder, and we demand the Puntland authorities to give top priority to bringing the killers to justice. The previous killers of journalists in Galkayo have never been punished” added Osman. The killing of Journalist Jamal Farah Adan is the first death of a journalist in 2021 to be registered by NUSOJ. He left an extended family. View the full article
  23. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta la qaatay Madaxda Midowga Musharaxiinta kulan dhammeystir u ah heshiiskii 25-kii Febraayo ay gaareen Dowladda Federaalka iyo Midowga Murashaxiinta ayaa magacaabay labo guddi oo dhaqan-geliya qodobbadii horey la isula qaatay. Eng. Rooble ayaa dul istaagay muhiimadda ay leedahay in dhammaan loo midoobo marxaladdan muhiimka u ah dowladnimada dalkeenna, wadajirna lagu wajaho duruufaha siyaasadeed iyo caafimaad. “Kadib kulankii aan maanta la yeeshay Midowga Murashaxiinta,Madaxweynaha Hirshabelle & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waxaan magacaabay 2 guddi oo ka shaqeyn doona arrimihii aan isla garannay; Guddiga qabanqaabada Dibadbax nabadeed & Guddiga baarista dhacdooyinkii 19-kii Febraayo.” Labada Guddi ee isku dhaf ka ah ayaa midkood ka shaqeyn doono sidii Midowga Musharaxiintu u qabsan lahaayeen isu soo bax nabdoon si wafaaqsan qodobka 20aad ee Dastuurka KMG, halka guddiga labaadna uu baaritaan ku sameyn doono dhacdooyinkii 19kii Febraayo 2021. Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Guddiga qabanqaabada bannaan baxa oo ka kooban 6 xubnood in ay mudnaan gaar ah siiyaan halista amni iyo midda caafimaad ee ku xeeran dalka, lana raaco tilmaamaha hay’adaha amniga iyo kuwa caafimaadka. Xubnahaas oo kala ah; 1.Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS Mudane Xasan Xundubay Jimcaale 2. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) 3. Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Cadaala) 4. Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame 5. Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle 6. Musharax Madaxweyne Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow Guddiga labaad ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu magacaabay ayaa loo xilsaaray baaritaanka dhacdooyinkii 19kii Febraayo waxayna kala yihiin; S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac Goobbe. 2. Col. Maxamed Cabdulqaadir Xaaji 3. S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare 4. S/Guuto Maxamed Cali Bariise 5. G/le Dhexe Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud 6. Xuseen Macalin Maxamuud Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula dardaarmay guddiyadan in ay si hufan u gutaan waajibaadka Qaran ee loo igmaday. View the full article
  24. Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ ayaa ku dhawaaqday in Dacwadda badda ee u dhaxaysay Soomaaliya iyo Kenya ay dhacayso 15 bishan aynu ku jirno ee March, Fadhiga Dacwadda oo ka qabsoomaya Hoolka The Peace Palace ee Hague saacaddu markay tahay 3:00 Galabnimo, ayaa waxaa ka qayb galaya xubno ka tirsan Garsoorayaasha Maxkamadda, halka inta kalana ay aaladda muuqaal aragga uga qayb galayaan. Wakiiladda dhinacyadda Dacwadda u dhaxayso waxay iyaguna noqon karaan Goobjoog ama muuqaal ayey uga qayb geli karaan sida lagu qeexay bayaan ka soo baxay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda. Diblomaasiyiinta, Wariyayaasha iyo Dadwaynaha waxay dhagaysiga Maxkamadda kala socon karaan Bogga Qaramadda Midoobay, kaasi oo si toos ah looga tebin doono dhageysiga dacwadda. View the full article