Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyey bartiisa twitterka waxuu ku shaaciyey mowqifkiisa ku aadan shir kale oo madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu ay isugu yimaadan, waxuuna ku xiray laba sharuudood. Waxa uu sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay ka qeyb galka shir ka dhaca meel ammaankeeda lagu kalsoonaa karo iyo in gundhigga shirkaas uu ahaado heshiiskii ay madaxdu gaareen 17-kii September. Sidoo kale qoraalkan oo lagu baahiyey barta twitterka ee madaxweyna Jubbaland ayaa lagu soo dhaweeyey oo lagu bogaadiyey wadahadallada ra’iisul wasaare Rooble iyo midowga musharaxiinta. “Dowlad Jubaland waxay dhiiri gelinaysaa, qabtaana in la tabantaabiyo waqtina la siiyo wada hadalada u dhexeeya RW Rooble iyo midowga musharixiinta. Waxay sidoo kale diyaar u tahay ka qayb galka shir ka dhaca meel amnigeeda lagu kalsoon yahay, gundhigiisuna yahay heshiiskii Sep17,” ayaa lagu yiri qoraalka maadxweynaha Jubbaland. Dowlad Jubaland waxay dhiiri gelinaysaa, qabtaana in la tabantaabiyo waqtina la siiyo wada hadalada u dhexeeya RW Rooble iyo midowga musharixiinta. Waxay sidoo kale diyaar u tahay ka qayb galka shir ka dhaca meel amnigeeda lagu kalsoon yahay, gundhigiisuna yahay heshiiskii Sep17 — Ahmed Sheikh Mohamed Islam (@PresidentMadobe) March 2, 2021 Qoraalkan Axmed Madoobe waxuu ku soo aadayaa iyadoo madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo uu iclaamiyey shir madaxda dowlad goboleedyada uu uga dalbaday inay Muqdisho isugu yimadaan 4-ta bishan. Hase yeeshe horay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa u soo jeediyey dalab ah in shirkaas lagu qabto goob ammaankeedu ka madax banaanyahay Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday, dalabkaas oo sida muuqata aan weli la xalin.
  2. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo rogtay xayiraado la xiriira xanuunka Covid-19. Wasiirka Warfaafinta dawladda Soomaaliya Cismana Abuukar Dubbe ayaa caawa warbaahinta u arkhriyay go’aamo uu soo saaray Ra’iisul Wasaarw Rooble. Go’aamadan waxaa ka mid ah in dhammaan goobaha waxbarashsda la xiri doono muddo laba asbuuc ah oo ka bilaamanaysa berri oo 3-da Maarso ah ilaa Maarso 27. Sidoo kulamada dadweynaha wixii ka badan 10 qof ayaa la joojiyay muddo bil ah, marka laga reebo dadka ogolaanshaha haysta oo iyagana lagu xiray in ay isku jirsadaan laba mitir iyo in ay soo qaataan afxir. Waxaa sidoo kale dowladdu sheegay in qof kasta ay waajib ku tahay in uu qaato afxirka marka uu joogo goobaha la iskugu yimaado sida masaajidda, goobaha ganacsiga, gaadiidka dadweynaha iyo meelaha kale ee la iskugu yimaado. Xafiisyada dawladda ayaa si ku meel gaar ah loo xirayaa muddo laba asbuuc ah oo ka billaamanaysa berrito, sidoo kale isu socodka Muqdisho iyo gobollada ayaa la dhimi doonaa. Dowlada waxay sheegtay in gadiidka dadweynaha iyo kuwa khaaska ah ay si caadi ah u sii socon doonaan, balse ay dadka waajib inay xirtaan afxirka. Hooska daawo wasiir Dubbe oo ka hadlaya arrimahaas iyo kuwo kale. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sop saartay go’aamo appeared first on Puntland Post.
  3. Dowladda Soomaaliya ayaa goordhaw ku dhawaaqday in gebi ahaan la xirayo gobaha ay dadka isugu yimaadan sida Goobaha waxbarashada . Wasiirka Warfaafinta Cisman Abukar Dubbe ayaa ku dhawaaqay in muddo laba isbuuc ah xayiraad lagu soo rogay goobaha ay dadka isugu yimaadan. Dubbe ayaa sidoo kale sheegay in la fasaxay dhamaan shaqaalaha dowladda ayna ka soo shaqeyn donaan guryahooda halka shaqalaha lagama maarmaanka ah oo keliya loo ogolaan doono in ay yimaadan xarumaha shaqada. Wasiirka ayaa ku Amray shacabka in ay xirtaan qalabka Afsaabka(Face Mask) si looga hortago qatarta uu xanuunka ku faafi karo. Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in laga bilaabo 03/032021 illa 17/03/2021 ay xirnaandonan goobahaas aan soo sheegnay. Source: goobjoog.com
  4. -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya H.E. Maxamed Xuseen Rooble, markii uu qiimeeyey soo laba kaclaynta xanuunka COVID-19 Markii uu dib u eegis Ku sameeyey go’aamadii hore ee Xukuumadda Isla markaana tixgeliyey talooyinkii iyo soo-jeedimihii Guddiga Qaran ee ka Hortaga iyo Xakameynta Cudurka Covid19: Si looga hortagayo loona xakameynayo Faafidda Xaunuunka Covid19. Waxa uu soo saaray amaradan iyo habraacyadan soo socda: XAKAMEYNTA XANUUNKA COVID19 EE GUDAHA DALKA: • Qofkasta waa inuu xirtaa Afsaar ama Mask marka uu joogo dhammaan goobaha la isugu yimaado sida Suuqyada, Masaajida, gaadiidka dadweynaha, goobaha ganacsiga iyo meel kasta oo dadweyne isugu yimaaddo. • Xafiisyada Dowladda si ku meel gaar ah ayaa loo xirayaa muddo 2 usbuuc ah oo ka bilaabanaysa 3da March 2021, Shaqaalaha waxey kasoo shaqeyn doona guriga, marka laga reebo kuwa bixiya adeegyada muhiimka ah. • Dhammaan goobaha waxbarashada kuwa Dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay sida Iskuullada iyo Jaamacadaha waa la xidhi doonaa Muddo 2 Isbuuc ah laga bilaabo 3da March ilaa 17ka March 2021. • Isu socodka Caasimada Dalka iyo Gobalada waa la dhimi doonaa muddo 2 isbuuc ah laga bilaabo 3da March 2021 ilaa 17ka March 2021. • Gaadiidka Dadweynaha iyo kuwa Gaarka loo leeyahay ayaa si caadi ah usii socon doona guddaha magaalooyinka, waxaana waajib ah in dadku xirtaan Afsaar ayna hubiyaan Kala fogaashaha bulshada. . Waxa muddo 30 maalmood ah la’ joojiyey xafladaha Aroosyada, sidoo kalena waxa la mamnuucay goobaha caweysyada ee habeenkii dhalinyaradu ku kulanto. • Mootooyinka (Bajaaj) iyo Basaska (Hoomeey) waa loo oggol yahay inay qaadaan rakaab waana inay dhowraan nadaafadda, Dadkuna kal fogaadan, qaataana Afxirka wajiga. • Kulamada dadka wixii kabadan 10 qofood waa la joojiyay mudda 1 Bil ah. Isu soo baxyada khaaska ah ee ruqsadda la siiyey waxa ku xiran shuruud ah: 1. In dadka isu soo baxayaa isu jirsadaan 2 mitir 2. In qof kasta oo imanayna isu soo baxa uu soo qaato afxir ama mask • Goobaha Jirdhiska iyo Garoomada Ciyaaraha waxaa la hakiniyaa muddo 2 todobaad ah oo ka bilaabanaysa 3-da March illaa 17ka March 2021. • Kulamada aaska iyo kuwa tacsida waa inaysan ka badnaan 10 qofood iyadoo la hubin doono kala fogaashaha bulshada iyo qaadashada Afsaarka. • Wasaaradda Caafimaadku waxay adkaynaysaa ilaalinta fayadhowrka guud ee goobaha dadku isugu yimadaan sida suuqyada, Masaajida, Isbitaaldda, Bangiyada iyo goobaha lamidka ah si loo yareeyo faafitaanka Cudurka Covid19. • Waxaa Waajib ah in dhamaan dadka adeega usoo doonta ama jooga goobaha Caafimaadka ay markasta xirnaadaan Afxirka ama Afsaarka sida Isbitaalada iyo Farmashiyaasha. . Waxa waajib ah in dhammaan dadka ka adeeganaya goobaha ganacsiga ay qaataan afsaar ama afxir. DADKA DHOOFAYA AMA SOO GALAYA DALKA • Qof walba oo imaanaya ama ka’dhoofaya Dalka waa inuu si joogta ah u xirtaa Afxirka si loo yaareeyo faafitaanka cudurka Covid19. • Waa in dadka safraya ay maraan baarista Xanuunka COVID-19, iskana soo baaraan goobaha loo asteeyay baarista si ay iskaga soo hubiyaan inaysan qabin xanuunka (COVID-19) ka hor 72 saacadood inta ayna safrin. • Qof aanan wadanin Shahaadadda baaritaanka Covid19 looma ogolaan doono inuu soo galo Dalka (Negative COVID-19 Certificate), waxaa waajiba ah qofku in uu wato shahaado soo baxday muddo 72 saacadood Gudohood ah. • Shirkadaha diyaaradaha waa inay fariimaha ka hortaga COVID-19 dabaacaan una sharaxaan rakaabka si loo ilaayo fayaqabka inta lagu gudo jiro duulimaadka • Dhammaan Dadka Ka imaanaya dibad dalka waa inay si iskood isu Karantiillan muddo 7 maalmood isla Markaasna iska maraan tijaabada PCR marka uu dhamaysto muddada karantiilka. • Arimaha la’ xiriira kala badalka Ciidamada Nabad ilaalinta (AMISOM) iyo Ciidamada Ilaaliya xarumaha UNka (United Nation Guard Unit in Mogadishu) waxaa lafaraya inay raacaan habraaca UNGU Rotation Plan for COVID-19 si loo ilaaliyo caafimaadka guud ee dalka. • Dhamaan Hay’addaha Dowliga ah ee ku shaqada leh hawlaha garoomada diyaaradaha dalka in ay si dhaw uga wada shaqeeyaan arrimaha duulimaadyada dadka imaanayana si loogu diyaariyo jawi caafimad qab ah loogana taxadaro codurka COVID-19 . Waxa la farayaa Wasaaradda Caafimaadka in sida ugu dhakhso badan ay u soo diyaariso habraac lagu hubinayo bedqabka dadka ka imanaya Dalka dibaddiisa, isla markaana lagaga qaadayo baaris rasmi ah marka qofku soo dego, qofkii COVID19 laga helana lagu karantiilo, iyada oo qofkaasi jeebkiisa ka bixin doono qarashka karantiilka. View the full article
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa soo saartay amarro la xariira cudurka Coronavirus, waxaana hakad la geliyey mudo laba todobaad ah goobaha waxbarashada dalka, sida jaamacadaha iyo iskuullada. Wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe oo ka hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in xukuumaddu go’aamisay in wixii Arbacada berri ka dambeeya la dhimi doono isu socodka caasimadda iyo gobollada dalka. Sidoo kale waxaa ku jira go’aanadaan cusub in la fasaxay dhammaan shaqaalaha dowladda, kuwaas oo wasiirku sheegay in xaafdahooda ay ka soo shaqeyn doonaan. Sidoo kale wasiir Dubbe waxa uu sheegay in mudo 30-cisho ah la mamnuucay xafladaha, aroosyada iyo goobaha caweyska ee dadka badan ay isugu yimaadaan. Gaadiidleyda ayaa lagula dardaarmay inay shaqeystaan, laakiin aad u feejignaadaan, isla markaana dhowraan nadaafadda, sidoo kale guud ahaan dadka waxaa waajib looga dhigay inay xirtaan afka oo faraxalka joogteeyaan. Hoos ka Daawo
  6. Dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada shirka wadatashiga arrimaha Doorashooyinka. Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale ugu Baaqay Farmaajo in waqti la siiyo wadahadalada u socda Musharixiinta iyo Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta ah ee Rooble. Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Madaxweynaha Jubbaland ayuu ku baaqay in waqti la siiyo wada hadalada Rooble iyo musharrixiinta wuxuu intaas ku daray in Jubbaland diyaar u tahay shirka iyadoo lagu qabanayo goob amnigeeda la isku haleen karo. Hoos Ka Akhriso Qoraalka Axmed Madkobe. Dowlad Jubaland waxay dhiiri gelinaysaa, qabtaana in la tabantaabiyo waqtina la siiyo wada hadalada u dhexeeya RW Rooble iyo midowga musharixiinta. Waxay sidoo kale diyaar u tahay ka qayb galka shir ka dhaca meel amnigeeda lagu kalsoon yahay, gundhigiisuna yahay heshiiskii Sep17 Source: goobjoog.com
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka hadlay banaanbaxa maalinka Sabtida ah ee soo socota ka dhacaya magaalada Muqdisho, kaas oo mucaaradku uu soo abaabulayo. Duqa Muqdisho oo wareysi siiyey VOA ayaa wax laga weydiiyey sida maamulka gobolka Banaadir uu isku mar u marti geli karo banaanbax dowladda looga soo hor jeedo iyo shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Waxuu sheegay inay awoodaan inay isku mar maareeyaan banaanbaxa iyo shirka uu iclamiyey madaxweyne Farmaajo Cumar Filish ayaa sheegay in rabitaankooda uusan ku imaan banaanbaxaas, balse ay ku qasbanyihiin inay sugaan ammaanka, si dhib la’aan ay ugu soo dhamaato howshu. “Maalmihii lasoo dhaafay waxaan mucaaradka kala hadleynay arrinta banaanbaxa, laakiin way ku adkeysteen, anagu waxaan u sheegnay in banaanbax nabadeed aanaa diidaneyn, balse amiga iyo caafimaadka ay caqabado ka jiraan,” ayuu yiri Cumar Filish. Waxa uu sheegay in wadaxaajood dheer kadib ay isla qaateen iyaga iyo musharaxiinta, in rabitaankooda loo fuliyo, iyadoo taxadar laga muujinaayo dhinacyada amiga iyo caafimaadka. Mar wax laga weydiiyey sababta ay uga qeyb qaadanayaan banaanbax dowladda looga soo hor jeedo, waxa uu sheegayin banaanbaxu uu yahay rabitaanka mucaaradka, balse iyaga ay mas’uuliyadi ka saran tahay ammaanka. Mar wax laga weydiiyey sida ay ku suurta geleyso in magaalada lagu wada qabto banaanbaxa mucaaradka iyo shirka uu iclaamiyey madaxweyne Farmaajo ee dowlad goboleedyada, ayuu sheegay in waxaba aysan iska quseyn oo la isku reed wadi karo. “Sida ugu fudud oo dhibaatadu ku yaraa karto iyagana rabitaankooda uu ugu fuli karo ayaan u maareyn doonaa howshaas, mida kale madaxweynuhu waa marti qaaday dowlad goboleedyada oo waa imaanayaan, wax is khuseeyana maaha, sidii caadiga aheydna waa shir dad lambar kooban ah ay isku arkayaan, wax kastana si taxadar leh ayey ku dhici doonaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Cumar Filish. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/03/cod.mp3
  8. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Dhimbiil Rooble. Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii Marxuumku uu ka soo qaatay dowladnimada, midnimada, nabadda, xasilloonida iyo horumarka Shacabka Soomaaliyeed xilliyadii adkaa ee uu dalku soo maray. “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waa geeri xanuun badan, Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Dhimbiil Rooble (Casoowe) waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, isagoo noqday Guddoomiye Ku-xigeenkii 2-aad ee Baarlamaankii Dowladdii Kumeel gaarka ahayd, labaatankii sano ee u danbeysayna wuxuu ahaa mudane ka tirsan Golaha Shacabka, waxa uuna si hufan ugu soo shaqeeyey Qarankeenna.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle u waydiiyey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed. View the full article
  9. Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 126 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 6 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 32 ruux. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (74) Somaliland (41) Jubbaland (6) Hishabeelle (4) iyo Galmudug (1) qof, 87 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 39-na ay yihiin haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 7,518 waxaa bogsootay 3,846 Ruux. guud ahaan 249 ruux oo kale ayaa u geeriyootay. Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay markale inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19. View the full article
  10. (SLT-Hargeysa)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qoraal uu soo saaray ku caddeeeyey in muddada sharcigu u banneeyey inay isku casilaan dadka shaqaalaha dowladda ah darajo kasta oo ay leeyihiin iyo saraakiisha ciidammada ee doonaya inay isku sharaxaan Golayaasha Wakiillada iyo degaannada ay ugu dambayso maanta oo ah (Salaasa, 2 March 2021). Warsaxaafadeed ka soo baxay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka isla markaana uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somalilandtoday ayaa u dhignaa Sidan:- Sida aynu wada ognahay waxaa dalka ku soo fool leh doorashooyinka isku sidkan ee labada gole ee Wakiilladda iyo deegaanka oo ku mudaysan 31-ka bisha may 2021. Komiishanka doorashooyinka qaranku waxa uu faray Musharixiinta u taagan doorashooyinku inay banneeyaan shaqada ay ka hayaan hay’adaha qaranka. Waxaa Xeerka guud ee doorashooyinku Xeer Lambar 91/2020 uu ku waajibinayaa shaqaalaha dawladda,Ciidamadda qaranka iyo hay’adaha dawliga ah darajo kasta oo ay yihiin in aan loo ogolayn inay isku sharaxaan doorashooyinka Wakiilladda iyo deegaanka hadii aanay shaqo ka tagis soo qorin 90 Cisho ka hor qabsoomidda doorashadda. Sidaa daraadeed waxa uu Komiishanku ku wargalinayaa Cid kasta oo doonaysa inay ka qayb qaataan doorashadda gollaha wakiillada iyo golayaasha deegaanka ee ku mudaysan 31-ka bisha May 2021 in Xiliga sharcigu u xadeeyay soo gudbinta is casiladoodu ay tahay ugu danbayn 02.03.2021 ( oo maanta ku beegan ) Warsaxaafadeedku waxa uu intaas ku daray in shaqo ka tagistaas ay shardi u ah inuu qoraal ku soo cadeeyo, Xafiiska, Hay’adda ama cida awooda u lihi sida uu waajibinayo qodobka 90-aad ee xeer Lambar 91/2020. Sidoo kale waxa uu Komiishanka doorashooyinka qaranku cadaynayaa inay reeban tahay in hantidda qaranka loo isticimaalo ololaha doorashooyinka sida ku cad qodobka 94-aad ee Xeer Lambar 91/2020 Source
  11. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Habeenimo-232021.mp3 View the full article
  12. Conversations about sport, diversity and mental health have never been more important. With schools and sports clubs still closed in the UK lockdown, many communities have lost their safe places and too many kids are disconnected from their passions – and the exercise and connection that fires health and ambition. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa talaadadii markii saddexaad muddeeyey shir isaga iyo madaxda dowlad goboleedyada isugu yimaadaan oo ka dhaco Muqdisho. Shirkan sida qorshuhu yahay dhacaya khamiista ayaa lagu wadaa in lagu saxiixo heshiis guddiga farsamo ee Baydhabo kasoo saareen February 16. Hase yeeshee waxaa jira afar qodob oo mugdi gelinaya qabsoomidda shirkaas, oo kala ah:- 1- Warar xog ogaal ah oo laga helay saraakiisha sare ee Puntland iyo Jubaland ayaa sheegaya in Farmaajo aanu muddeynta shirka Khamiista kala tashan labadaasi maamul, ayna usoo soco Muqdisho, ilala laga fuliyo shuruudihii ay horey ugu xireen la-kulanka Farmaajo ee mustaqbalka. 2- Shirkan uu Farmaajo ku baaqay waxaa uu ka hor-imanaya qorshe ay beesha caalamku wadday oo ah in lagu qabto Xalane, taasi oo ay dhinacyada ku qanacsan yihiin, sidoo kalena la rumeysan yahay inay doonayaan Puntland iyo Jubaland. Qoraalkii ay beesha caalamka maanta soo saartay, marnaba kuma xusin beesha caalamka shirkan, taasi oo ka duwan sidii ay horey u sameyn jirtay, waxayna ku gaabsatay kaliya in kulan la isugu yimaado. 3- Shirka Farmaajo iclaamiyey, waxaa uu dharbaaxo ku yahay, shir kale oo khamiista ku balansanaayeen ra’isul wasaaraha xil gaarsiinta Maxamed Rooble iyo musharaxiinta, loogana hadlayey kasoo qeybgalka shirkaas ama korjoogte iney ka noqdaan shirka doorashada saamileysa gaar ahaan guddiga matalaya musharaxiinta, wayna adkaan doonta in shirkan uu isla maalinkaas qabsoomo. Shirkan waxaa uu sidoo kale Farmaajo kusoo aadiyey laba maalin kahor dibadbaxa looga soo horjeedo ee la qorsheeyey inuu dhaco sabtida soo socota, si bannaanbaxa u dhaco xilli dalku doorasho aaday.
  14. MOGADISHU, Somalia - The Somali-based al-Qaeda-affiliated terror group al-Shabaab has executed five people in the southern town of Jilib in Somalia's Middle Juba region. Source: Hiiraan Online
  15. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, asxaabka iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay alle ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble “Casoowe” oo maanta ku geeriyooday magaaladda Muqdisho. “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska,asxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe). Marxuumka Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelkiisana samir iyo iimaan Allaha ka siiyo. إنا لله وإنا إليه راجعون” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble. Allaha u naxriistee Xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe) ayaa ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 10-aad. View the full article
  16. TORONTO -- An Ontario woman who went overseas to attend her father's funeral says she feels gouged by the government's "ill-conceived" hotel quarantine plan that cost her $3,458 for a one-night stay. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Axmed Dhimbiil Rooble oo ku magac dheeraa Xildhibaan ‘Casoowe’. Xildhibaan Casoowe ayaa ka tirsanaa baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya, gaar ahaan Golaha Shacabka. Waxaa la sheegay inuu ku geeriyooday isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho, waxaana ku dhacay cudurka Coronavirus, oo si weyn ugu baahay dalka. Xildhibaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay uu ku xanuunsanaa Muqdisho, sida ay noo sheegeen xildhibaano noo xaqiijiyey geeridiisa. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo saaray uga tacsiyadeeyay dhammaan xildhibaanada Golaha Shacabka, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Axmed Dhimbiil Casoowe. Sidoo kale ra’iisul wasaare Rooble ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri, “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska,asxaabtii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe). Marxuumka Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelkiisana samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.” Xildhibaan Casoowe waxa uu ka mid ahaa xubnaha ugu da’da weynaa golaha shacabka, waxaana laga soo doortay gobollada waqooyi ee Somaliland.
  18. U.S. Agency for International Development (USAID) PRESS RELEASE USAID Deploys Disaster Assistance Response Team to Respond to Humanitarian Needs in Tigray, Ethiopia USAID’s partners have been pivoting existing programs to provide life-saving assistance in the few areas of Tigray that can be reached WASHINGTON D.C., United States of America, March 2, 2021/ — The U.S. Agency for International Development (USAID) is deploying a Disaster Assistance Response Team (DART) to respond to growing humanitarian needs stemming from conflict in Ethiopia’s Tigray region. After nearly four months of fighting between armed groups, hundreds of thousands have been forced to flee their homes and more than four million people are in need of food assistance. USAID’s DART will lead the U.S. Government’s humanitarian response. The team includes disaster experts who are assessing the situation, identifying priority needs to scale up assistance, and working with partners to provide urgently needed assistance to communities affected by the conflict. Since the outbreak of conflict, USAID’s partners have been pivoting existing programs to provide life-saving assistance in the few areas of Tigray that can be reached. While USAID has been working with partners to overcome many access challenges, an estimated 80 percent of Tigray remains cut off from assistance. The United States remains committed to supporting the people of Ethiopia and is the largest humanitarian donor in Ethiopia. In FY 2020, the U.S. provided more than $652 million in humanitarian assistance to respond to acute food needs, conflict-driven displacement, flooding, a desert locust infestation, and the COVID-19 pandemic. Distributed by APO Group on behalf of U.S. Agency for International Development (USAID). SOURCE U.S. Agency for International Development (USAID) Qaran News
  19. Allaha u naxariisto waxaa magaalada Muqdisho maanta ku geeriyooday Xildhibaan Axmed Dhimbiil Rooble ( Casoowe) oo ka tirsanaa Golaha Shacabka Barlamaanka Soomaaliya. Xildhibaan Axmed Dhimbiil Rooble Canshuur oo hadda ka tirsanaa Baarlamaanka 10-aad ee JFS ayaa la sheegaya in uu u geeriyooday xanuunka Corona Virus . Xildhibaankaan oo da’ahaa ayaa ku jiray baarlamaanka Soomaaliya 16-sano ee la soo dhaafay , waxa uuna Guddoomiye ku-xigeenka labaad ka noqday Baarlamaamkii 8-aad ee dalka. Axmed Dhimbiil Rooble ayaa deegaan doorashadiisu aheyd Gobalada Waqooyi ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com