Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga KULMIYE ayaa diiday Musharaxnimada Cabdiqaadir Iimaan Warsame, oo u sharraxnaa golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa. Xisbiga ayaa sheegay in musharrax ka soo jeeda deegaankiisa uu ka sharraxan yahay xisbiga kaas oo isaga ka soo horreeyay.. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa ahaa guddoomiyihii hore ee guddida Doorashooyinka Somaliland. Source
  2. Iyadoo ay sii korortay xaalada caafimaad daro ee ka dhalatay xanuunka Covid-19 oo ay dad badan u geeriyoodeen labadii todobaad ee lasoo dhaafay islamarkaana wasaarada caafimaadka ay shaacisay in uu sii faafayo cudurka, isla markaana ay jirto Oksajiin la’aan baahsanna ayay maanta hay’adda Hormuud Salaam Foundation waxa ay wasaarada caafimaadka DFS ku wareejisay 1,500 (kun iyo shan boqol) oo haamood oo Oksajiin kuwaas oo loogu talagalay in lagula tacaalo bukaanada uu soo ritay cudur karoon virus. Munaasabadan ay hay’adda HSF oksajiinka ku warejineysay ayaa waxaa kaoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan HSF ,Wasaarada Caafimaadka iyo masuuliyiin kale. Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Cali sheikh yaasiin oo ku hadlayay magaca hay’adda HSF waxa uuna faah faahin ka bixiyey oksajiinka ay maanta ugu deeqeen dadka soomaaliyeed ee la xanuunsanayo xanuunka Karoona Virus asagoo sheegay in Hay’adda Hormuud Salaam bank Foundation ay markasta ka go’antahay garab istaaga umada Soomaaliyeeed. Sidoo kale waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Caafimaadka DFS Dr .fowsiya Abiikar Nuur waxayna uga mahad celisay maamulka hay’adda Hormuud Salaam Bank Foundation sida joogtada ah ay u garab taaganyihiin shacabka soomaaliyeed gaar ahaan marka ay timaada xiliyadan oo kale xaaladaha adag ee uu dalka ku soo laba kacleeyay Covid-19. Waa markii labaad mudo 10 maalmood guduhood ah oo ay maamulka hay’adda Hormuud Salaam bank Foundation Oksajiin ugu deeqaan shacabka soomaaliyeed ee uu hayo xanuunka Covid 19 . Deeqdan oksajiinka ka ah ee gaaraysa 1,500 oo haamood ee maanta lagu wareejiyey wasaarada Caafimaadka ayaa ku soo aadaysa xili wasiirka caafimaadka maalinimadii shalay ahayd ay sheegtay in Oksajiinka uu aad ugu yaryahay isbitalada lagula tacaalayo dadka qaba covid 19. Hay’adda Hormuud Salaam Bank Foundation ayaa tan iyo markii uu dalka soo galay COVID-19 ilaa iyo hada door muuqda ka qaadanaysay wacyi galinta, ka hortaga iyo la dagaalanka Cudurka. View the full article
  3. Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee sanadkan 2021-ka. Ugu horreyn Puntland ayaa soo dhoweysay dadaallada uu wado ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulamo la yeeshay Musharraxiinta. Sidoo kale waxa ay Puntland shaaca ka qaaday inay diyaar u tahay inay ka qeyb-qaadato shirarka siyaasadeed ee looga arrinsanayo xaaladda dalka, si loo gaaro xal mideysan. Halkan hoose ka aqriso: Puntland waxay u aragtaa dadaalada ay wadaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta kuwo u gogol xaaraya jawi ay ku qabsoomi karaan shirar looga wada hadlo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay. Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay cadeynaysaa inay markasta diyaar u tahay ka qaybgalka shirarka xalka loogu raadinayo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay oo ku qotonta heshiiskii 17 September 2020. Dowladda Puntland waxay soo jeedinaysaa in shirarku ka dhacaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu, waxayna ka filaysaa Xafiiska Qaramada Midowbay iyo AMISOM inay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka. Dowladda Puntland waxay Wakiilada Beesha Caalamka uga mahad celinaysaa dadaalada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya. View the full article
  4. (SLT-Riyadh)-Ilhan Cumar oo ka mid ah mudanayaasha Aqalka Wakiillada Mareykanka ayaa salaasadii shalay soo saartay, qodob sharci ah oo ay ku rabto in Aqalka Hoose uu cuna-qabateyn saaro Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman. Ilhaan ayaa sheegtay, in ay Maxamed Bin Salman oo ku magac-dheer MBS lagu ciqaabo, doorki uu ku lahaa dilki qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul loogu geystay, wariye Jamaal Khashoggi, sannadki 2018-ki. Sirdoonka Mareykanka ayaa Jimcihi shaaciyay, warbixin in muddo ahba la sugayay oo si cad ugu eedeysay Maxamed Bin Salman, inuu amray in lasoo xidho ama lasoo dilo wariye Kashoggi oo ahaa saxafi u dhashay Sacuudiga balse heystay deganaashaha Mareykanka. Bayaan ay shalay soo saartay, ayay Ilhan ku tidhi: “Tani waa tijaabada bani’aadannimadeenna. Haddii Mareykanka uu si dhab ah u taageero xorriyadda hadalka, dimoqraadiyadda iyo xuquuqda aadanajha, ma jirto sabab aanan cuna-qabateyn loo saarin Mohammed bin Salman oo ah ninka ay sirdoon-keenna xaqiijiyeen inuu dilay Jamal Kashoggi oo ahaa saxafi degannaa Mareykanka” Marrykanka ayaa todobaadki hore cuna-qabateyn saaray in ka badan 60 muwaadin oo Sacuudi ah, balse kuma jirin Maxamed Bin Salamn. Source
  5. Wasiir Cabdisamad Gallan Wasiirka Amniga dowladda Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan, ayaa amar ku bixiyay in la burburiyo dhammaan bogcadaha laga samaystay dooxooyinka Bixin iyo Woow oo dhaca duleedka waqooyi ee caasimadda Garoowe. Wasiir Gallan, oo tixraacaya dikreeto Madaxweyne, oo lagu mamnuucay degaameysiga dooxooyinka Bixin iyo Woow, ayaa sheegay in aysan waxba iska beddelin go’aankii dowladda Puntland ku joojisay degaameysiga dooxooyinkaas oo loo aqoonsaday dhul-daaqsimeed. Mr Gallan, wuxu tilmaamay in ay jiraan dad jebiyay Amarkii dowladda, islamarkaana bogcado degaameysi ka bilaabay dooxooyinka Bixin iyo Woow, waxaana uu Laamaha kala duwan ee Amniga faray in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan dadkaas. 17-kii July 2019, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dikreeto uu soo saaray ku mamnuucay in wax degaameysi ah laga sameeyo dooxooyinka Bixin iyo Woow, isagoo sheegay in dowladda Puntland u aqoonsatay dhul-daaqsimeed. PUNTLAND POST The post Puntland oo amartay in la burburiyo dooxooyinka Bixin iyo Woow appeared first on Puntland Post.
  6. Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay wiil dhalinyaro ahaa lagu dilay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi. Dilka oo ka dhacay xaafadda Xaawo Taako ayaa waxaa fuliyey rag burcad ah oo ku hubeysnaa Mindiyo, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Maxamed, waxaana markii hore soo gaaray dhaawac halis ah, isaga oo markii dambe ku geeriyooday isbitaalka. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku sii daraya in kooxdii ka dambeysay falkaasi ay ku baxsadeen mooto ay wateen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta gaaray, kuwaas oo sameeyey howl-gallo kooban, balse ma jirto illaa iyo hadda cid ay u soo qabteen dilkaasi. Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa magaalada Beledweyne ka dhacayey falal ammaan darri oo u badan dilal qorsheysan iyo dhac loo geysanayo dadka shacabka ah. View the full article
  7. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka subax Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Subax-332021.mp3 View the full article
  8. Maamulka Puntland ayaa war ka soo saaray shirka uu Markale Farmaajo ku baaqay in magaalada Muqdisho ay isugu yimaadaan madaxda dowlad gobaleedyada dalka ,DF iyo Maamulka Gobalka Benadir . Puntland ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay qoraallada iyo go’aanada uu qaadanayo madaxweeynaha Waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Xukuumadda Garowe ayaa waxa ay sidoo kale ku baaqday in shirka lagu qabto Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho ammaankiisana ay sugaan AMISOM iyo Beesha Caalamka. Xafiiska Madaxtooyada Puntland ayaa qoraalka kasoo baxay lagu sheegay in loo bahan yahay in waqti lasiiyo wada hadalada u socdo Rooble iyo Musharixiinta . Hoos Ka Akhriso Qoraalka Puntland Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay walaac ka muujinaysaa in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markasta soo saarayo qoraalo, qaadayana tillaabooyin carqaladeynaya dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geeddi socodka qabsoomidda doorashada Barlamaanka iyo Madaxweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Dowladda Puntland waxay u aragtaa dadaalada ay wadaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta kuwo u gogol xaaraya jawi ay ku qabsoomi karaan shirar looga wada hadlo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay. Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay cadeynaysaa inay markasta diyaar u tahay ka qaybgalka shirarka xalka loogu raadinayo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay oo ku qotonta heshiiskii 17 September 2020. Dowladda Puntland waxay soo jeedinaysaa in shirarku ka dhacaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu, waxayna ka filaysaa Xafiiska Qaramada Midowbay iyo AMISOM inay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka. Dowladda Puntland waxay Wakiilada Beesha Caalamka uga mahad celinaysaa dadaalada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya. ====DHAMMAAD=== Source: goobjoog.com
  9. Minnesota lawmaker says holding Saudi crown prince accountable is ‘a test of our humanity’. Source: Hiiraan Online
  10. National Council of Canadian Muslims demands immediate action to combat Islamophobia Source: Hiiraan Online
  11. MPs say Commons vote is needed as funding budget has dropped below 0.7% of UK gross national income Source: Hiiraan Online
  12. YRDSB Board voted 10-2 in favour of renaming school after Hodan Nalayeh Source: Hiiraan Online
  13. The new Deputy Special Representative of the United Nations Secretary-General (DSRSG), Ms. Anita Kiki Gbeho, arrived in Mogadishu Tuesday to assume her duties with the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM). Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa durba soo ifbaxay su’aalo ku aadan inta uu la egyahay xiriirka wadashaqeyn ee u dhaxeeya Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee xil gaarsiita Maxamed Xuseen Rooble, kadib warqadii habeen hore ka soo baxday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa warqaddaas ku Iclaamiyay shir u dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya, maamul gobaleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir, kaas oo lagu saxiixayo heshiiska laga gaaray muranka doorashada Soomaaliya ee Baydhaba. Qoraalka Farmaajo ayaa burinaya qodob ka mid ah 6-dii qodob oo ay ku heshiiyeen Maxamed Xuseen Rooble iyo golaha midowga musharaxiinta ee Madaxweynaha Soomaaliya, heshiiskaas oo dhacay 25-kii bishii Febraayo. Qodobka uu Madaxweyne Farmaajo jebiyay ee ku jira heshiiskii mucaaradka iyo Xukuumada ayaa ahaa, in mucaaradka oo kamid ah saamileyda siyaasada ay kamid noqdaan shirarka iyo go’aanada siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashada dalka iyo marxalada kala-guurka ah. Mucaaradka oo dareensan xajmiga warqadda Farmaajo iyo sida loogu wiiqay rajadooda aheyd ka qeyb-galka shirarka lagu gaaray go’aanada siyaasadeed ee dalka ayaa qoraal ay soo saareen shalay ku yiri “Waxaase nasiib-darro ah in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/laahi Farmaajo uu si ula kac ah u xagal-daacinayo wadahadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga, kaddib markii uu isla-maalintii shirka loo ballansanaa uu ku dhawaaqay shir uusan sharciyad u lahayn u yeeriddiisa, kaasoo uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo wadadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga Murashaxiinta.” Dad badan ayaa is weydiinaya, ma waxaa iska warqabin ama khilaaf u dhaxeeyaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, halka qaar kale ay qabaan su’aal ah, heshiiska mucaaradka iyo xukuumadu gaareen ma waxa uu ahaa dabin siyaasadeed ama shirqool loo maleegay mucaraadka, kaas oo ay soo abaabuleen Rooble iyo Farmaajo? Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay shir deg deg ah oo ay ku yeesheen hotel Jaziira waxay ku sheegeen in Madaxweyne Farmaajo xagal daacinayo heshiiska xukuumada iyo mucaaradku ku gaareen Muqdisho.
  15. Washington (Caasimada Online) – Ilhan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka wadanka Maraykanka ayaa qaaday tallaabo culus oo ka hor-keeni karto madaxweynaha dalkaasi, Joe Biden iyo xittaa afhayeenka golaha aqalka wakiillada, Nancy Pelosi. Ilhan ayaa shaacisay inay dooneyso in cunaqabaten lagu soo rogo dhaxal-sugaha Sucuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan, iyada oo diyaarisay hindise sharciyeed la xiriira arrintaasi. Sidoo kale waxa ay sheegtay in hindise sharciyeedkan uu tijaabo u yahay dareenka bani’aadannimo ee dadka iyo dalka Maraykanka. “Haddii Maraykanka uu si dhab ah u taageero xorriyada hadalka, dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha, ma jirto sabab aan cunaqabateyn loo saarin Maxamed bin Salman oo ay sirdoonkeenu sheegeen inuu oggolaaday dilka weriye Jamal Khashoggi,” ayey tiri. Qorshaha ay wado Ilhan Cumar iyo tallaabada ay qaaday ayaa ah mid ka horkeeni karo madaxweyne Joe Biden iyo afhayeenka aqalka wakiillada, Nancy Pelosi, kuwaas oo aan horey uga hadlin sida laga yeelayo arrinta dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan. Si kastaba sirdoonka Mareynkanka ayaa todobaadkii hore baahiyey warbixin lagu sheegay in Maxmaed Bin Salman uu amray dilka Wariye Jamal Khashoggi oo lagu dilay Turkiga.
  16. Sida aynu wada ognahay waxaa dalka ku soo fool leh doorashooyinka isku sidkan ee labada gole ee Wakiilladda iyo deegaanka oo ku mudaysan 31-ka bisha may 2021. Komiishanka doorashooyinka qaranku waxa uu faray Musharixiinta u taagan doorashooyinku inay banneeyaan shaqada ay ka hayaan hay’adaha qaranka. Waxaa Xeerka guud ee doorashooyinku Xeer Lambar 91/2020 uu ku waajibinayaa shaqaalaha dawladda,Ciidamadda qaranka iyo hay’adaha dawliga ah darajo kasta oo ay yihiin in aan loo ogolayn inay isku sharaxaan doorashooyinka Wakiilladda iyo deegaanka hadii aanay shaqo ka tagis soo qorin 90 Cisho ka hor qabsoomidda doorashadda. Sidaa daraadeed waxa uu Komiishanku ku wargalinayaa Cid kasta oo doonaysa inay ka qayb qaataan doorashadda gollaha wakiillada iyo golayaasha deegaanka ee ku mudaysan 31-ka bisha May 2021 in Xiliga sharcigu u xadeeyay soo gudbinta is casiladoodu ay tahay ugu danbayn 02.03.2021 ( oo maanta ku beegan ) Warsaxaafadeedku waxa uu intaas ku daray in shaqo ka tagistaas ay shardi u ah inuu qoraal ku soo cadeeyo, Xafiiska, Hay’adda ama cida awooda u lihi sida uu waajibinayo qodobka 90-aad ee xeer Lambar 91/2020. Sidoo kale waxa uu Komiishanka doorashooyinka qaranku cadaynayaa inay reeban tahay in hantidda qaranka loo isticimaalo ololaha doorashooyinka sida ku cad qodobka 94-aad ee Xeer Lambar 91/2020 Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeynta la xariirta in shirka uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada lagu xalag-daacinayo shirarka iyo wadahadallada u socda midowga musharaxiinta iyo ra’iisul wasaare Rooble. Afhayeenka Villa Somalia Cabdirashiid Xaashi oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in u jeedkoodu uusan aheyn carqaladeyn shir kale, balse arrimahani ay yihiin kuwo iskaabaya oo labada shirba ay muhiim u yihiin howlaga socda. “Hadii madaxda maamul goboleedyadu ay yimaadaan Muqdisho uma maleynayo in taasi ay caqabad ku noqoneyso wadahadallada xukuumaddu ay la furtay mucaaradka inay sii socdaan, waxaana is leeyahay waa fursad lagu wada wajihi karo hanaanka doorashada,” ayuu yiri Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya. Waxa uu sheegay in ra’iisul wasaare Rooble uu awood booxda u leeyahay in cid kasta uu kala fariisto tabashada ay qabto, isla markaana aysan jirin cid carqaladeyn karta shirarka uu hoggaaminayo. Mar wax laga weydiiyey waxa uga qorsheysan madaxweynaha hadii shirkan uu baaqdo sidii kuwii hore, waxuu ku jawaabay in marnaba uusan madaxweyne Farmaajo ka daaleyn dadaalka uu ugu jiro in dalka ay doorasho ka dhacdo, sida uu sheegay. “Mar hadii la xaliyey waxyaabihii lagu kala duwanaa oo madaxweynuhu tanaasul xoog leh sameeyey, si loo qanciyo walaalaha kale, waxaan aad ugu raja weynahay in shirka 4-ta bishan ay ka soo qeyb geli doonaan madaxda maamul goboleedyada,” ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday. Hoos ka dhageyso wareysiga
  18. Kismaayo (Caasimada Online) – Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay fagaare ku yaalla degmada Jilib oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ku toogtay shan nin oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiin u shaqeeya Mareykanka. Fagaaraha lagu toogtay raggan ayaa waxaa ku sugnaa xubno sar-sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo dadweyne kala duwan oo la’isugu yeeray halkaasi. Raggga la toogtay oo uu ku jiray Oday 63-sano jir ah ayaa waxaa si gaar ah loogu eedeeyey inay la shaqeeynayeen sirdoonka Mareykanka ee CID-da. Al-Shabaab ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in raggan qaarkood la qabtay, iyaga oo hagaya diyaaradaha Drone-ka ee Mareykanka ee duqeymaha ka fuliya Soomaaliya. Shaqsiyaadka toogasha lagu fuliyey ayaa kala ah:- 1: Abuukar Xasan Maxamed oo ay Al-Shabaab sheegeen in uu qirtay in uu wada-shaqeyn la lahaa hay’adda CIA-da Mareykanka, 2: Xasan Maxamuud Maxamed (Xasan dheere ) oo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay hay’adda CIA-da Mareykanka, 3: Mahad Cabduqaadir Aadan oo loo yaqaanay Mahad Qaadoole ayay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu Shaqeynayay hay’adda CIA-da Mareykanka, 4: Axmed Cabdi Cabdullaahi Salmaan oo ay Shabaab sheegeen in uu basaas u ahaa hay’adda CIA-da Mareykanka, 5: Macalin Abuukar Maxamed Calasow oo ahaa Nin Oday ah oo jiray da’ada 63, kaas oo ay ku eedeeyeen in uu basaas u ahaa hay’adda CIA-da Mareykanka. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dilal toogasho ah ka fuliso deegaanada ay ka arrimiso ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
  19. Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysnaa oo ay xalay kooxo burcad ah ka geysteen gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo loo geystay wiil dhalinyaro ah oo ku sugnaa halkaasi. Marxuumka ayaa waxaa lagu magcaabi jiray Cabdishakuur Maxamed, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon-yahay. Wararka ayaa sheegaya in ragga burcadda ah ay dilka marxuumka u adeegsadeen Mindi, iyaga kadib ku baxsaday mooto ay wateen. Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Xaawo-Taako ee magaalada Beledweyne, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Soomaaliya. Cabdishakuur ayaa markii hore waxaa soo gaaray dhaawac halis ah, balse wuxuu ku dhintay isbitaalka, sida ay shaaciyeen saraakiisha caafimaadka ee Beledweyne. Kooxda fulisay dilkan oo haatan lagu raad-joogo ayaa dooneysay inay dhac u geysato marxuumka, balse muran kadib waxa ay tooreeyeen wiilkaasi dhalinyarada ahaa. Beledweyne ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo badanayey falalka liddiga ku ah amniga, sida dilalka qorsheysan & dhac xilliyada habeenkii ah.
  20. Kismayo (PP News Desk) — Jubaland President Ahmed Sheikh Mohamed Islan today rejected the summit on Somalia elections proposed by President Mohammed Abdullahi Mohammed. In a Somali language tweet, Jubaland President has expressed support for talks between the Federal Government of Somalia and the Union of Somali Presidential Candidates in Mogadishu and called for a summit based on September 17th electoral agreement to be held in a secure venue. Undecided: Jubaland President Ahmed Sh. M. Islam might not attend the Mogadishu summit proposed by Villa Somalia. Somalia’s International Partners have urged the Federal Government of Somalia and Federal Member States “to hold their summit in the coming days.” Jubaland volte-face on September 17th agreement contrasts with the support for continued talks with Presidential Candidates who do not have a stakeholder status in finalising modalities in electoral agreement. The Union of Somali Presidential Candidates have no objections to the electoral agreement about which Jubaland expressed reservations several weeks ago. Last week, Jubaland State called for the exclusion of the incumbent Somali President from electoral talks, a position adopted by the Union of Presidential Candidates, who criticised President Mohammed for proposing a summit to be held in Mogadishu. © Puntland Post, 2021. The post Jubaland Rebuffs Electoral Talks Proposed By Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
  21. Dowladda Puntland ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu markasta qaadayo tillaabooyin carqaladeynaya dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geeddi socodka qabsoomidda doorashada Soomaaliya. War-saxaafadeeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay walaac ka muujinaysaa in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markasta soo saarayo qoraalo, qaadayana tillaabooyin carqaladeynaya dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geeddi socodka qabsoomidda doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya”. Puntland ayaa soo jeedisay in shirarka Muqdisho ay ka dhacaan Garoonka diyaaradaha Muqdisho (Xerada Xalane), Qaramada Midoobay-na ay qaado mas’uuliyadda amni ee shirarkaas. “Dowladda Puntland waxay soo jeedinaysaa in shirarku ka dhacaan Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxayna ka filaysaa Xafiiska Qaramada Midoobay iyo AMISOM in ay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland. Puntland waxay sheegtay in ay u aragto dadaalada ay wadaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta kuwo u gogol xaaraya jawi ay ku qabsoomi karaan shirar looga wadahadlo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay. Puntland waxay cadeysay in ay markasta diyaar u tahay ka qaybgalka shirarka xalka loogu raadinayo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay oo ku qotonta heshiiskii 17 September 2020. Ugu dambeyna Puntland waxay Beesha Caalamka uga mahadcelisay dadaalada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Puntland oo eedeysay Farmaajo, soona jeedisay in shirarka Muqdisho lagu qabto Xalane appeared first on Puntland Post.
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Puntland ayaa jawaab kulul ka bixisay qoraalkii xalay kasoo baxay madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee uu shir isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada. Puntland ayaa qoraal ay caawa soo saartay ku tiri “Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay walaac ka muujinaysaa in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markasta soo saarayo qoraalo, qaadayana tillaabooyin carqaladeynaya dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geeddi socodka qabsoomidda doorashada Barlamaanka iyo Madaxweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.” Puntland ayaa taa beddelkeed sheegtay inay taageereyso dadaallada ay wadaan rai’iisul wasaaraha xilka sii haya iyo Midowga Musharaxiinta. “Dowladda Puntland waxay u aragtaa dadaalada ay wadaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta kuwo u gogol xaaraya jawi ay ku qabsoomi karaan shirar looga wada hadlo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka. Puntland waxay kale oo sheegtay inay markasta diyaar u tahay ka qaybgalka shirarka xalka loogu raadinayo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay oo ku qotonta heshiiskii 17 September 2020. “Dowladda Puntland waxay soo jeedinaysaa in shirarku ka dhacaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu, waxayna ka filaysaa Xafiiska Qaramada Midowbay iyo AMISOM inay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka. Dowladda Puntland waxay Wakiilada Beesha Caalamka uga mahad celinaysaa dadaalada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland.