Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,806
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. National Council of Canadian Muslims demands immediate action to combat Islamophobia Source: Hiiraan Online
  2. MPs say Commons vote is needed as funding budget has dropped below 0.7% of UK gross national income Source: Hiiraan Online
  3. YRDSB Board voted 10-2 in favour of renaming school after Hodan Nalayeh Source: Hiiraan Online
  4. The new Deputy Special Representative of the United Nations Secretary-General (DSRSG), Ms. Anita Kiki Gbeho, arrived in Mogadishu Tuesday to assume her duties with the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM). Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa durba soo ifbaxay su’aalo ku aadan inta uu la egyahay xiriirka wadashaqeyn ee u dhaxeeya Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee xil gaarsiita Maxamed Xuseen Rooble, kadib warqadii habeen hore ka soo baxday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Madaxweyne Farmaajo ayaa warqaddaas ku Iclaamiyay shir u dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya, maamul gobaleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir, kaas oo lagu saxiixayo heshiiska laga gaaray muranka doorashada Soomaaliya ee Baydhaba. Qoraalka Farmaajo ayaa burinaya qodob ka mid ah 6-dii qodob oo ay ku heshiiyeen Maxamed Xuseen Rooble iyo golaha midowga musharaxiinta ee Madaxweynaha Soomaaliya, heshiiskaas oo dhacay 25-kii bishii Febraayo. Qodobka uu Madaxweyne Farmaajo jebiyay ee ku jira heshiiskii mucaaradka iyo Xukuumada ayaa ahaa, in mucaaradka oo kamid ah saamileyda siyaasada ay kamid noqdaan shirarka iyo go’aanada siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashada dalka iyo marxalada kala-guurka ah. Mucaaradka oo dareensan xajmiga warqadda Farmaajo iyo sida loogu wiiqay rajadooda aheyd ka qeyb-galka shirarka lagu gaaray go’aanada siyaasadeed ee dalka ayaa qoraal ay soo saareen shalay ku yiri “Waxaase nasiib-darro ah in madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/laahi Farmaajo uu si ula kac ah u xagal-daacinayo wadahadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga, kaddib markii uu isla-maalintii shirka loo ballansanaa uu ku dhawaaqay shir uusan sharciyad u lahayn u yeeriddiisa, kaasoo uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo wadadallada u dhexeeya Raysalwasaaraha iyo Midowga Murashaxiinta.” Dad badan ayaa is weydiinaya, ma waxaa iska warqabin ama khilaaf u dhaxeeyaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, halka qaar kale ay qabaan su’aal ah, heshiiska mucaaradka iyo xukuumadu gaareen ma waxa uu ahaa dabin siyaasadeed ama shirqool loo maleegay mucaraadka, kaas oo ay soo abaabuleen Rooble iyo Farmaajo? Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay shir deg deg ah oo ay ku yeesheen hotel Jaziira waxay ku sheegeen in Madaxweyne Farmaajo xagal daacinayo heshiiska xukuumada iyo mucaaradku ku gaareen Muqdisho.
  6. Washington (Caasimada Online) – Ilhan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka wadanka Maraykanka ayaa qaaday tallaabo culus oo ka hor-keeni karto madaxweynaha dalkaasi, Joe Biden iyo xittaa afhayeenka golaha aqalka wakiillada, Nancy Pelosi. Ilhan ayaa shaacisay inay dooneyso in cunaqabaten lagu soo rogo dhaxal-sugaha Sucuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan, iyada oo diyaarisay hindise sharciyeed la xiriira arrintaasi. Sidoo kale waxa ay sheegtay in hindise sharciyeedkan uu tijaabo u yahay dareenka bani’aadannimo ee dadka iyo dalka Maraykanka. “Haddii Maraykanka uu si dhab ah u taageero xorriyada hadalka, dimuqraadiyadda iyo xuquuqda aadanaha, ma jirto sabab aan cunaqabateyn loo saarin Maxamed bin Salman oo ay sirdoonkeenu sheegeen inuu oggolaaday dilka weriye Jamal Khashoggi,” ayey tiri. Qorshaha ay wado Ilhan Cumar iyo tallaabada ay qaaday ayaa ah mid ka horkeeni karo madaxweyne Joe Biden iyo afhayeenka aqalka wakiillada, Nancy Pelosi, kuwaas oo aan horey uga hadlin sida laga yeelayo arrinta dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan. Si kastaba sirdoonka Mareynkanka ayaa todobaadkii hore baahiyey warbixin lagu sheegay in Maxmaed Bin Salman uu amray dilka Wariye Jamal Khashoggi oo lagu dilay Turkiga.
  7. Sida aynu wada ognahay waxaa dalka ku soo fool leh doorashooyinka isku sidkan ee labada gole ee Wakiilladda iyo deegaanka oo ku mudaysan 31-ka bisha may 2021. Komiishanka doorashooyinka qaranku waxa uu faray Musharixiinta u taagan doorashooyinku inay banneeyaan shaqada ay ka hayaan hay’adaha qaranka. Waxaa Xeerka guud ee doorashooyinku Xeer Lambar 91/2020 uu ku waajibinayaa shaqaalaha dawladda,Ciidamadda qaranka iyo hay’adaha dawliga ah darajo kasta oo ay yihiin in aan loo ogolayn inay isku sharaxaan doorashooyinka Wakiilladda iyo deegaanka hadii aanay shaqo ka tagis soo qorin 90 Cisho ka hor qabsoomidda doorashadda. Sidaa daraadeed waxa uu Komiishanku ku wargalinayaa Cid kasta oo doonaysa inay ka qayb qaataan doorashadda gollaha wakiillada iyo golayaasha deegaanka ee ku mudaysan 31-ka bisha May 2021 in Xiliga sharcigu u xadeeyay soo gudbinta is casiladoodu ay tahay ugu danbayn 02.03.2021 ( oo maanta ku beegan ) Warsaxaafadeedku waxa uu intaas ku daray in shaqo ka tagistaas ay shardi u ah inuu qoraal ku soo cadeeyo, Xafiiska, Hay’adda ama cida awooda u lihi sida uu waajibinayo qodobka 90-aad ee xeer Lambar 91/2020. Sidoo kale waxa uu Komiishanka doorashooyinka qaranku cadaynayaa inay reeban tahay in hantidda qaranka loo isticimaalo ololaha doorashooyinka sida ku cad qodobka 94-aad ee Xeer Lambar 91/2020 Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka jawaabtay eedeynta la xariirta in shirka uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada lagu xalag-daacinayo shirarka iyo wadahadallada u socda midowga musharaxiinta iyo ra’iisul wasaare Rooble. Afhayeenka Villa Somalia Cabdirashiid Xaashi oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in u jeedkoodu uusan aheyn carqaladeyn shir kale, balse arrimahani ay yihiin kuwo iskaabaya oo labada shirba ay muhiim u yihiin howlaga socda. “Hadii madaxda maamul goboleedyadu ay yimaadaan Muqdisho uma maleynayo in taasi ay caqabad ku noqoneyso wadahadallada xukuumaddu ay la furtay mucaaradka inay sii socdaan, waxaana is leeyahay waa fursad lagu wada wajihi karo hanaanka doorashada,” ayuu yiri Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya. Waxa uu sheegay in ra’iisul wasaare Rooble uu awood booxda u leeyahay in cid kasta uu kala fariisto tabashada ay qabto, isla markaana aysan jirin cid carqaladeyn karta shirarka uu hoggaaminayo. Mar wax laga weydiiyey waxa uga qorsheysan madaxweynaha hadii shirkan uu baaqdo sidii kuwii hore, waxuu ku jawaabay in marnaba uusan madaxweyne Farmaajo ka daaleyn dadaalka uu ugu jiro in dalka ay doorasho ka dhacdo, sida uu sheegay. “Mar hadii la xaliyey waxyaabihii lagu kala duwanaa oo madaxweynuhu tanaasul xoog leh sameeyey, si loo qanciyo walaalaha kale, waxaan aad ugu raja weynahay in shirka 4-ta bishan ay ka soo qeyb geli doonaan madaxda maamul goboleedyada,” ayuu yiri afhayeenka madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday. Hoos ka dhageyso wareysiga
  9. Kismaayo (Caasimada Online) – Dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay fagaare ku yaalla degmada Jilib oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ku toogtay shan nin oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiin u shaqeeya Mareykanka. Fagaaraha lagu toogtay raggan ayaa waxaa ku sugnaa xubno sar-sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab iyo dadweyne kala duwan oo la’isugu yeeray halkaasi. Raggga la toogtay oo uu ku jiray Oday 63-sano jir ah ayaa waxaa si gaar ah loogu eedeeyey inay la shaqeeynayeen sirdoonka Mareykanka ee CID-da. Al-Shabaab ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in raggan qaarkood la qabtay, iyaga oo hagaya diyaaradaha Drone-ka ee Mareykanka ee duqeymaha ka fuliya Soomaaliya. Shaqsiyaadka toogasha lagu fuliyey ayaa kala ah:- 1: Abuukar Xasan Maxamed oo ay Al-Shabaab sheegeen in uu qirtay in uu wada-shaqeyn la lahaa hay’adda CIA-da Mareykanka, 2: Xasan Maxamuud Maxamed (Xasan dheere ) oo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay hay’adda CIA-da Mareykanka, 3: Mahad Cabduqaadir Aadan oo loo yaqaanay Mahad Qaadoole ayay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu Shaqeynayay hay’adda CIA-da Mareykanka, 4: Axmed Cabdi Cabdullaahi Salmaan oo ay Shabaab sheegeen in uu basaas u ahaa hay’adda CIA-da Mareykanka, 5: Macalin Abuukar Maxamed Calasow oo ahaa Nin Oday ah oo jiray da’ada 63, kaas oo ay ku eedeeyeen in uu basaas u ahaa hay’adda CIA-da Mareykanka. Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dilal toogasho ah ka fuliso deegaanada ay ka arrimiso ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
  10. Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysnaa oo ay xalay kooxo burcad ah ka geysteen gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo loo geystay wiil dhalinyaro ah oo ku sugnaa halkaasi. Marxuumka ayaa waxaa lagu magcaabi jiray Cabdishakuur Maxamed, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon-yahay. Wararka ayaa sheegaya in ragga burcadda ah ay dilka marxuumka u adeegsadeen Mindi, iyaga kadib ku baxsaday mooto ay wateen. Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Xaawo-Taako ee magaalada Beledweyne, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Soomaaliya. Cabdishakuur ayaa markii hore waxaa soo gaaray dhaawac halis ah, balse wuxuu ku dhintay isbitaalka, sida ay shaaciyeen saraakiisha caafimaadka ee Beledweyne. Kooxda fulisay dilkan oo haatan lagu raad-joogo ayaa dooneysay inay dhac u geysato marxuumka, balse muran kadib waxa ay tooreeyeen wiilkaasi dhalinyarada ahaa. Beledweyne ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo badanayey falalka liddiga ku ah amniga, sida dilalka qorsheysan & dhac xilliyada habeenkii ah.
  11. Kismayo (PP News Desk) — Jubaland President Ahmed Sheikh Mohamed Islan today rejected the summit on Somalia elections proposed by President Mohammed Abdullahi Mohammed. In a Somali language tweet, Jubaland President has expressed support for talks between the Federal Government of Somalia and the Union of Somali Presidential Candidates in Mogadishu and called for a summit based on September 17th electoral agreement to be held in a secure venue. Undecided: Jubaland President Ahmed Sh. M. Islam might not attend the Mogadishu summit proposed by Villa Somalia. Somalia’s International Partners have urged the Federal Government of Somalia and Federal Member States “to hold their summit in the coming days.” Jubaland volte-face on September 17th agreement contrasts with the support for continued talks with Presidential Candidates who do not have a stakeholder status in finalising modalities in electoral agreement. The Union of Somali Presidential Candidates have no objections to the electoral agreement about which Jubaland expressed reservations several weeks ago. Last week, Jubaland State called for the exclusion of the incumbent Somali President from electoral talks, a position adopted by the Union of Presidential Candidates, who criticised President Mohammed for proposing a summit to be held in Mogadishu. © Puntland Post, 2021. The post Jubaland Rebuffs Electoral Talks Proposed By Villa Somalia appeared first on Puntland Post.
  12. Dowladda Puntland ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uu markasta qaadayo tillaabooyin carqaladeynaya dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geeddi socodka qabsoomidda doorashada Soomaaliya. War-saxaafadeeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri “Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay walaac ka muujinaysaa in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markasta soo saarayo qoraalo, qaadayana tillaabooyin carqaladeynaya dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geeddi socodka qabsoomidda doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya”. Puntland ayaa soo jeedisay in shirarka Muqdisho ay ka dhacaan Garoonka diyaaradaha Muqdisho (Xerada Xalane), Qaramada Midoobay-na ay qaado mas’uuliyadda amni ee shirarkaas. “Dowladda Puntland waxay soo jeedinaysaa in shirarku ka dhacaan Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxayna ka filaysaa Xafiiska Qaramada Midoobay iyo AMISOM in ay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland. Puntland waxay sheegtay in ay u aragto dadaalada ay wadaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta kuwo u gogol xaaraya jawi ay ku qabsoomi karaan shirar looga wadahadlo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay. Puntland waxay cadeysay in ay markasta diyaar u tahay ka qaybgalka shirarka xalka loogu raadinayo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay oo ku qotonta heshiiskii 17 September 2020. Ugu dambeyna Puntland waxay Beesha Caalamka uga mahadcelisay dadaalada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Puntland oo eedeysay Farmaajo, soona jeedisay in shirarka Muqdisho lagu qabto Xalane appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Puntland ayaa jawaab kulul ka bixisay qoraalkii xalay kasoo baxay madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee uu shir isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada. Puntland ayaa qoraal ay caawa soo saartay ku tiri “Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay walaac ka muujinaysaa in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markasta soo saarayo qoraalo, qaadayana tillaabooyin carqaladeynaya dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geeddi socodka qabsoomidda doorashada Barlamaanka iyo Madaxweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.” Puntland ayaa taa beddelkeed sheegtay inay taageereyso dadaallada ay wadaan rai’iisul wasaaraha xilka sii haya iyo Midowga Musharaxiinta. “Dowladda Puntland waxay u aragtaa dadaalada ay wadaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta kuwo u gogol xaaraya jawi ay ku qabsoomi karaan shirar looga wada hadlo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka. Puntland waxay kale oo sheegtay inay markasta diyaar u tahay ka qaybgalka shirarka xalka loogu raadinayo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay oo ku qotonta heshiiskii 17 September 2020. “Dowladda Puntland waxay soo jeedinaysaa in shirarku ka dhacaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu, waxayna ka filaysaa Xafiiska Qaramada Midowbay iyo AMISOM inay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka. Dowladda Puntland waxay Wakiilada Beesha Caalamka uga mahad celinaysaa dadaalada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka Puntland.
  14. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyey bartiisa twitterka waxuu ku shaaciyey mowqifkiisa ku aadan shir kale oo madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyadu ay isugu yimaadan, waxuuna ku xiray laba sharuudood. Waxa uu sheegay in Jubbaland ay diyaar u tahay ka qeyb galka shir ka dhaca meel ammaankeeda lagu kalsoonaa karo iyo in gundhigga shirkaas uu ahaado heshiiskii ay madaxdu gaareen 17-kii September. Sidoo kale qoraalkan oo lagu baahiyey barta twitterka ee madaxweyna Jubbaland ayaa lagu soo dhaweeyey oo lagu bogaadiyey wadahadallada ra’iisul wasaare Rooble iyo midowga musharaxiinta. “Dowlad Jubaland waxay dhiiri gelinaysaa, qabtaana in la tabantaabiyo waqtina la siiyo wada hadalada u dhexeeya RW Rooble iyo midowga musharixiinta. Waxay sidoo kale diyaar u tahay ka qayb galka shir ka dhaca meel amnigeeda lagu kalsoon yahay, gundhigiisuna yahay heshiiskii Sep17,” ayaa lagu yiri qoraalka maadxweynaha Jubbaland. Dowlad Jubaland waxay dhiiri gelinaysaa, qabtaana in la tabantaabiyo waqtina la siiyo wada hadalada u dhexeeya RW Rooble iyo midowga musharixiinta. Waxay sidoo kale diyaar u tahay ka qayb galka shir ka dhaca meel amnigeeda lagu kalsoon yahay, gundhigiisuna yahay heshiiskii Sep17 — Ahmed Sheikh Mohamed Islam (@PresidentMadobe) March 2, 2021 Qoraalkan Axmed Madoobe waxuu ku soo aadayaa iyadoo madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo uu iclaamiyey shir madaxda dowlad goboleedyada uu uga dalbaday inay Muqdisho isugu yimadaan 4-ta bishan. Hase yeeshe horay madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa u soo jeediyey dalab ah in shirkaas lagu qabto goob ammaankeedu ka madax banaanyahay Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday, dalabkaas oo sida muuqata aan weli la xalin.
  15. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo rogtay xayiraado la xiriira xanuunka Covid-19. Wasiirka Warfaafinta dawladda Soomaaliya Cismana Abuukar Dubbe ayaa caawa warbaahinta u arkhriyay go’aamo uu soo saaray Ra’iisul Wasaarw Rooble. Go’aamadan waxaa ka mid ah in dhammaan goobaha waxbarashsda la xiri doono muddo laba asbuuc ah oo ka bilaamanaysa berri oo 3-da Maarso ah ilaa Maarso 27. Sidoo kulamada dadweynaha wixii ka badan 10 qof ayaa la joojiyay muddo bil ah, marka laga reebo dadka ogolaanshaha haysta oo iyagana lagu xiray in ay isku jirsadaan laba mitir iyo in ay soo qaataan afxir. Waxaa sidoo kale dowladdu sheegay in qof kasta ay waajib ku tahay in uu qaato afxirka marka uu joogo goobaha la iskugu yimaado sida masaajidda, goobaha ganacsiga, gaadiidka dadweynaha iyo meelaha kale ee la iskugu yimaado. Xafiisyada dawladda ayaa si ku meel gaar ah loo xirayaa muddo laba asbuuc ah oo ka billaamanaysa berrito, sidoo kale isu socodka Muqdisho iyo gobollada ayaa la dhimi doonaa. Dowlada waxay sheegtay in gadiidka dadweynaha iyo kuwa khaaska ah ay si caadi ah u sii socon doonaan, balse ay dadka waajib inay xirtaan afxirka. Hooska daawo wasiir Dubbe oo ka hadlaya arrimahaas iyo kuwo kale. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo sop saartay go’aamo appeared first on Puntland Post.
  16. Dowladda Soomaaliya ayaa goordhaw ku dhawaaqday in gebi ahaan la xirayo gobaha ay dadka isugu yimaadan sida Goobaha waxbarashada . Wasiirka Warfaafinta Cisman Abukar Dubbe ayaa ku dhawaaqay in muddo laba isbuuc ah xayiraad lagu soo rogay goobaha ay dadka isugu yimaadan. Dubbe ayaa sidoo kale sheegay in la fasaxay dhamaan shaqaalaha dowladda ayna ka soo shaqeyn donaan guryahooda halka shaqalaha lagama maarmaanka ah oo keliya loo ogolaan doono in ay yimaadan xarumaha shaqada. Wasiirka ayaa ku Amray shacabka in ay xirtaan qalabka Afsaabka(Face Mask) si looga hortago qatarta uu xanuunka ku faafi karo. Cismaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in laga bilaabo 03/032021 illa 17/03/2021 ay xirnaandonan goobahaas aan soo sheegnay. Source: goobjoog.com
  17. -Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya H.E. Maxamed Xuseen Rooble, markii uu qiimeeyey soo laba kaclaynta xanuunka COVID-19 Markii uu dib u eegis Ku sameeyey go’aamadii hore ee Xukuumadda Isla markaana tixgeliyey talooyinkii iyo soo-jeedimihii Guddiga Qaran ee ka Hortaga iyo Xakameynta Cudurka Covid19: Si looga hortagayo loona xakameynayo Faafidda Xaunuunka Covid19. Waxa uu soo saaray amaradan iyo habraacyadan soo socda: XAKAMEYNTA XANUUNKA COVID19 EE GUDAHA DALKA: • Qofkasta waa inuu xirtaa Afsaar ama Mask marka uu joogo dhammaan goobaha la isugu yimaado sida Suuqyada, Masaajida, gaadiidka dadweynaha, goobaha ganacsiga iyo meel kasta oo dadweyne isugu yimaaddo. • Xafiisyada Dowladda si ku meel gaar ah ayaa loo xirayaa muddo 2 usbuuc ah oo ka bilaabanaysa 3da March 2021, Shaqaalaha waxey kasoo shaqeyn doona guriga, marka laga reebo kuwa bixiya adeegyada muhiimka ah. • Dhammaan goobaha waxbarashada kuwa Dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay sida Iskuullada iyo Jaamacadaha waa la xidhi doonaa Muddo 2 Isbuuc ah laga bilaabo 3da March ilaa 17ka March 2021. • Isu socodka Caasimada Dalka iyo Gobalada waa la dhimi doonaa muddo 2 isbuuc ah laga bilaabo 3da March 2021 ilaa 17ka March 2021. • Gaadiidka Dadweynaha iyo kuwa Gaarka loo leeyahay ayaa si caadi ah usii socon doona guddaha magaalooyinka, waxaana waajib ah in dadku xirtaan Afsaar ayna hubiyaan Kala fogaashaha bulshada. . Waxa muddo 30 maalmood ah la’ joojiyey xafladaha Aroosyada, sidoo kalena waxa la mamnuucay goobaha caweysyada ee habeenkii dhalinyaradu ku kulanto. • Mootooyinka (Bajaaj) iyo Basaska (Hoomeey) waa loo oggol yahay inay qaadaan rakaab waana inay dhowraan nadaafadda, Dadkuna kal fogaadan, qaataana Afxirka wajiga. • Kulamada dadka wixii kabadan 10 qofood waa la joojiyay mudda 1 Bil ah. Isu soo baxyada khaaska ah ee ruqsadda la siiyey waxa ku xiran shuruud ah: 1. In dadka isu soo baxayaa isu jirsadaan 2 mitir 2. In qof kasta oo imanayna isu soo baxa uu soo qaato afxir ama mask • Goobaha Jirdhiska iyo Garoomada Ciyaaraha waxaa la hakiniyaa muddo 2 todobaad ah oo ka bilaabanaysa 3-da March illaa 17ka March 2021. • Kulamada aaska iyo kuwa tacsida waa inaysan ka badnaan 10 qofood iyadoo la hubin doono kala fogaashaha bulshada iyo qaadashada Afsaarka. • Wasaaradda Caafimaadku waxay adkaynaysaa ilaalinta fayadhowrka guud ee goobaha dadku isugu yimadaan sida suuqyada, Masaajida, Isbitaaldda, Bangiyada iyo goobaha lamidka ah si loo yareeyo faafitaanka Cudurka Covid19. • Waxaa Waajib ah in dhamaan dadka adeega usoo doonta ama jooga goobaha Caafimaadka ay markasta xirnaadaan Afxirka ama Afsaarka sida Isbitaalada iyo Farmashiyaasha. . Waxa waajib ah in dhammaan dadka ka adeeganaya goobaha ganacsiga ay qaataan afsaar ama afxir. DADKA DHOOFAYA AMA SOO GALAYA DALKA • Qof walba oo imaanaya ama ka’dhoofaya Dalka waa inuu si joogta ah u xirtaa Afxirka si loo yaareeyo faafitaanka cudurka Covid19. • Waa in dadka safraya ay maraan baarista Xanuunka COVID-19, iskana soo baaraan goobaha loo asteeyay baarista si ay iskaga soo hubiyaan inaysan qabin xanuunka (COVID-19) ka hor 72 saacadood inta ayna safrin. • Qof aanan wadanin Shahaadadda baaritaanka Covid19 looma ogolaan doono inuu soo galo Dalka (Negative COVID-19 Certificate), waxaa waajiba ah qofku in uu wato shahaado soo baxday muddo 72 saacadood Gudohood ah. • Shirkadaha diyaaradaha waa inay fariimaha ka hortaga COVID-19 dabaacaan una sharaxaan rakaabka si loo ilaayo fayaqabka inta lagu gudo jiro duulimaadka • Dhammaan Dadka Ka imaanaya dibad dalka waa inay si iskood isu Karantiillan muddo 7 maalmood isla Markaasna iska maraan tijaabada PCR marka uu dhamaysto muddada karantiilka. • Arimaha la’ xiriira kala badalka Ciidamada Nabad ilaalinta (AMISOM) iyo Ciidamada Ilaaliya xarumaha UNka (United Nation Guard Unit in Mogadishu) waxaa lafaraya inay raacaan habraaca UNGU Rotation Plan for COVID-19 si loo ilaaliyo caafimaadka guud ee dalka. • Dhamaan Hay’addaha Dowliga ah ee ku shaqada leh hawlaha garoomada diyaaradaha dalka in ay si dhaw uga wada shaqeeyaan arrimaha duulimaadyada dadka imaanayana si loogu diyaariyo jawi caafimad qab ah loogana taxadaro codurka COVID-19 . Waxa la farayaa Wasaaradda Caafimaadka in sida ugu dhakhso badan ay u soo diyaariso habraac lagu hubinayo bedqabka dadka ka imanaya Dalka dibaddiisa, isla markaana lagaga qaadayo baaris rasmi ah marka qofku soo dego, qofkii COVID19 laga helana lagu karantiilo, iyada oo qofkaasi jeebkiisa ka bixin doono qarashka karantiilka. View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa soo saartay amarro la xariira cudurka Coronavirus, waxaana hakad la geliyey mudo laba todobaad ah goobaha waxbarashada dalka, sida jaamacadaha iyo iskuullada. Wasiirka warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe oo ka hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in xukuumaddu go’aamisay in wixii Arbacada berri ka dambeeya la dhimi doono isu socodka caasimadda iyo gobollada dalka. Sidoo kale waxaa ku jira go’aanadaan cusub in la fasaxay dhammaan shaqaalaha dowladda, kuwaas oo wasiirku sheegay in xaafdahooda ay ka soo shaqeyn doonaan. Sidoo kale wasiir Dubbe waxa uu sheegay in mudo 30-cisho ah la mamnuucay xafladaha, aroosyada iyo goobaha caweyska ee dadka badan ay isugu yimaadaan. Gaadiidleyda ayaa lagula dardaarmay inay shaqeystaan, laakiin aad u feejignaadaan, isla markaana dhowraan nadaafadda, sidoo kale guud ahaan dadka waxaa waajib looga dhigay inay xirtaan afka oo faraxalka joogteeyaan. Hoos ka Daawo
  19. Dowlad gobaleedka Jubbaland ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada shirka wadatashiga arrimaha Doorashooyinka. Maamulka Jubbaland ayaa sidoo kale ugu Baaqay Farmaajo in waqti la siiyo wadahadalada u socda Musharixiinta iyo Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta ah ee Rooble. Qoraal uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Madaxweynaha Jubbaland ayuu ku baaqay in waqti la siiyo wada hadalada Rooble iyo musharrixiinta wuxuu intaas ku daray in Jubbaland diyaar u tahay shirka iyadoo lagu qabanayo goob amnigeeda la isku haleen karo. Hoos Ka Akhriso Qoraalka Axmed Madkobe. Dowlad Jubaland waxay dhiiri gelinaysaa, qabtaana in la tabantaabiyo waqtina la siiyo wada hadalada u dhexeeya RW Rooble iyo midowga musharixiinta. Waxay sidoo kale diyaar u tahay ka qayb galka shir ka dhaca meel amnigeeda lagu kalsoon yahay, gundhigiisuna yahay heshiiskii Sep17 Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka hadlay banaanbaxa maalinka Sabtida ah ee soo socota ka dhacaya magaalada Muqdisho, kaas oo mucaaradku uu soo abaabulayo. Duqa Muqdisho oo wareysi siiyey VOA ayaa wax laga weydiiyey sida maamulka gobolka Banaadir uu isku mar u marti geli karo banaanbax dowladda looga soo hor jeedo iyo shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Waxuu sheegay inay awoodaan inay isku mar maareeyaan banaanbaxa iyo shirka uu iclamiyey madaxweyne Farmaajo Cumar Filish ayaa sheegay in rabitaankooda uusan ku imaan banaanbaxaas, balse ay ku qasbanyihiin inay sugaan ammaanka, si dhib la’aan ay ugu soo dhamaato howshu. “Maalmihii lasoo dhaafay waxaan mucaaradka kala hadleynay arrinta banaanbaxa, laakiin way ku adkeysteen, anagu waxaan u sheegnay in banaanbax nabadeed aanaa diidaneyn, balse amiga iyo caafimaadka ay caqabado ka jiraan,” ayuu yiri Cumar Filish. Waxa uu sheegay in wadaxaajood dheer kadib ay isla qaateen iyaga iyo musharaxiinta, in rabitaankooda loo fuliyo, iyadoo taxadar laga muujinaayo dhinacyada amiga iyo caafimaadka. Mar wax laga weydiiyey sababta ay uga qeyb qaadanayaan banaanbax dowladda looga soo hor jeedo, waxa uu sheegayin banaanbaxu uu yahay rabitaanka mucaaradka, balse iyaga ay mas’uuliyadi ka saran tahay ammaanka. Mar wax laga weydiiyey sida ay ku suurta geleyso in magaalada lagu wada qabto banaanbaxa mucaaradka iyo shirka uu iclaamiyey madaxweyne Farmaajo ee dowlad goboleedyada, ayuu sheegay in waxaba aysan iska quseyn oo la isku reed wadi karo. “Sida ugu fudud oo dhibaatadu ku yaraa karto iyagana rabitaankooda uu ugu fuli karo ayaan u maareyn doonaa howshaas, mida kale madaxweynuhu waa marti qaaday dowlad goboleedyada oo waa imaanayaan, wax is khuseeyana maaha, sidii caadiga aheydna waa shir dad lambar kooban ah ay isku arkayaan, wax kastana si taxadar leh ayey ku dhici doonaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Cumar Filish. Hoos ka dhageyso wareysiga https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2021/03/cod.mp3
  21. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Dhimbiil Rooble. Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii Marxuumku uu ka soo qaatay dowladnimada, midnimada, nabadda, xasilloonida iyo horumarka Shacabka Soomaaliyeed xilliyadii adkaa ee uu dalku soo maray. “Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Waa geeri xanuun badan, Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Dhimbiil Rooble (Casoowe) waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, isagoo noqday Guddoomiye Ku-xigeenkii 2-aad ee Baarlamaankii Dowladdii Kumeel gaarka ahayd, labaatankii sano ee u danbeysayna wuxuu ahaa mudane ka tirsan Golaha Shacabka, waxa uuna si hufan ugu soo shaqeeyey Qarankeenna.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle u waydiiyey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed. View the full article
  22. Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 126 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 6 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 32 ruux. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (74) Somaliland (41) Jubbaland (6) Hishabeelle (4) iyo Galmudug (1) qof, 87 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 39-na ay yihiin haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 7,518 waxaa bogsootay 3,846 Ruux. guud ahaan 249 ruux oo kale ayaa u geeriyootay. Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay markale inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19. View the full article
  23. (SLT-Hargeysa)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qoraal uu soo saaray ku caddeeeyey in muddada sharcigu u banneeyey inay isku casilaan dadka shaqaalaha dowladda ah darajo kasta oo ay leeyihiin iyo saraakiisha ciidammada ee doonaya inay isku sharaxaan Golayaasha Wakiillada iyo degaannada ay ugu dambayso maanta oo ah (Salaasa, 2 March 2021). Warsaxaafadeed ka soo baxay Komiishanka Doorashooyinka Qaranka isla markaana uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somalilandtoday ayaa u dhignaa Sidan:- Sida aynu wada ognahay waxaa dalka ku soo fool leh doorashooyinka isku sidkan ee labada gole ee Wakiilladda iyo deegaanka oo ku mudaysan 31-ka bisha may 2021. Komiishanka doorashooyinka qaranku waxa uu faray Musharixiinta u taagan doorashooyinku inay banneeyaan shaqada ay ka hayaan hay’adaha qaranka. Waxaa Xeerka guud ee doorashooyinku Xeer Lambar 91/2020 uu ku waajibinayaa shaqaalaha dawladda,Ciidamadda qaranka iyo hay’adaha dawliga ah darajo kasta oo ay yihiin in aan loo ogolayn inay isku sharaxaan doorashooyinka Wakiilladda iyo deegaanka hadii aanay shaqo ka tagis soo qorin 90 Cisho ka hor qabsoomidda doorashadda. Sidaa daraadeed waxa uu Komiishanku ku wargalinayaa Cid kasta oo doonaysa inay ka qayb qaataan doorashadda gollaha wakiillada iyo golayaasha deegaanka ee ku mudaysan 31-ka bisha May 2021 in Xiliga sharcigu u xadeeyay soo gudbinta is casiladoodu ay tahay ugu danbayn 02.03.2021 ( oo maanta ku beegan ) Warsaxaafadeedku waxa uu intaas ku daray in shaqo ka tagistaas ay shardi u ah inuu qoraal ku soo cadeeyo, Xafiiska, Hay’adda ama cida awooda u lihi sida uu waajibinayo qodobka 90-aad ee xeer Lambar 91/2020. Sidoo kale waxa uu Komiishanka doorashooyinka qaranku cadaynayaa inay reeban tahay in hantidda qaranka loo isticimaalo ololaha doorashooyinka sida ku cad qodobka 94-aad ee Xeer Lambar 91/2020 Source