Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The mandate of the African Union Mission in Somalia (Amisom) has been extended by two weeks from end of February to March 14 as the country’s leaders push for a political deal. Source: Hiiraan Online
  2. The COVID-19 pandemic has worsened food scarcity in Somalia to the point that many families are only eating once a day, a UN agency said on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 iyo Bulshada Rayidka ayaa ka dhageysta warbixin ku saabsan saameynta caafimaad iyo dhaqaale ee soo laba kaclaynta cudurkan safmarka ah. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Madaxweynaha u soo bandhigtay warbixin dhammeystiran oo muujinaysa kororka tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee uu soo ritay cudurkan iyo tirada welwelka leh ee dhimashada, waxa ayna adkeysay in bulshada ay taxadir buuxa iyo garowshiyo u yeeshaan halista cudurkan oo soo laba kacleeyey. Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalka Xukuumaddu ay ku xaqiijineyso ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka, waxa uuna xusay in la qaaday tallaabooyin wax-ku-ool ah oo dadka iyo dalka lagaga xakameynayo Cudurka. “Bulshada ayaa laf dhabar u ah dadaalka dowladdu ay kaga hortageyso faafidda cudurkan, sidaas darteed waxa waajib ah in aan u istaagno wacyigelinta bulshada, una hoggaansanno farriimaha caafimaad iyo qorsheyaasha lagaga hortageyo.” Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhiirrigeliyey qorsheyaasha Caafimaad, dhaqaale iyo amni ee ay soo bandhigeen Guddiga Qaran ee Xakameynta COVID-19, waxa uuna ganacsatada Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay dadkooda u turaan wakhtigan adag. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article
  4. Dhanka bidix Adan Omar Dayuur Allah how naxariiste Maxamed Xaashi Diiriye Lixle oo ka fadhiistey shaqadii ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed oo abaabuul ka wada gudaha magaalada Hargeysa iyo Burco ayey isku xidhmeen mujaahidka dabadeed markii la ogaadey inu Lixle joogo Hargeysa ayaa lagu qariyey guri adeerkey aabahay walaalo yihiin oo ku yaalla xaafada Waraaba Salaan ee u dhow xaafada Aw Aadan geerash adeerkey hadda wuu dhintay Allah how naxariisto waa Cabdilaahi Xuseen Diiriye (Cabdilaahi Cawar).Markii muddo bil iyo xoogaya ayaa la damcay in la talaabiyo Lixle iyo pilot Xayd oo ahaa pilot-kii Gaani oo iska baxsaday shaqadii ciidamada isna uu ku dhuumanaayo markaa Hargeysa halkaa sheekadu markey mareyso ayaa nin waliba ka baqay in uu gaadhigiisa ku talaabiyo labada mujaahid inta dabadeed adeerkey Cabdilaahi Cawar iyo Aadan Cumar Daayuur ayaa go,aan ku qaatey in gaadhiga Adan lagu talaabiyo darawalkii waxa looga dhigey inaadeerkey Carab Afweyne oo maanta nool dabadeed kaarto ayay adeero iyo mujaahid aadan sameeyeen gaadhigii land cruiser waxay ka buuxiyeen cows xoolaad Lixle iyo pilot Xayd waxay ku mataleen odayaal reer miyi oo xoolaha ka shaqeeya warqad dhaqdhaqaaqi xoolaha Berbera ka dhoofayana wey qaateen oo waxay tusayeen kaantaroolada iyo weliba askarta siinayey maraaduuf jaada iyo stick yo sigaar bensala ka dibna waxay Hargeysa ka baxeen 8:00 habeenimo iyagoo maray wadada berbera waxaaney gaashamo gaadheen salaadkii subax horteed iyagoo nabad qabaa,wakhtigaas ninkastoo isaaq ahi wuu ka baqay inu talaabiyo waayo waxay ahaayeen niman wanted oo aad loo deydayaayey isago weliba gaadhiga mujaahid Aadan noqonayaa gaadhigii koowaad ee ugu hor talaaba. Gaadhigaasi Adan Cumar Dayuur waxa uu ahaa gaadhigii ugu horeeya ee Tikniko ah ee qori la saaro ee ay SNM yeelato. Alle ha u naxariistee muj. Adan waxa halgankii qadhaadhaa kaga baxay laba wiil oo halgankii ku shahiiday kuwaasi oo ka mid ahaa ururkii SNM garbkii hubaysnaa Marxuunka oo lahaa taariikh balaadhan waxa shalay lagu aasay magaalada Hargeysa ee Somaliland oo uu ka tagay dal xor ah oo shaqaynaaya, taasi oo qayb ka ahayd himilooyinkiisi Qalinkii Abdirahmaan Ali Tows Qaran News
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida muuqato waxaa markii 3-aad baaqanaya shirkii uu iclaamiyay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo looga hadli lahaa muranka la xariira doorashada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal laga soo saaray xafiiskiisa waxaa lagu iclaamiyay shirka dowladda iyo maamul gobaleedyada muddo saddex jeer ah, waxaana ugu dambeeyay kii habeen hore oo ahaa in la isugu yimaado 4-ta bishaan oo berri ku beegan. Shirarka kale ee iclaamiyay Farmaajo ayaa ka kala dhici lahaa magaalooyinka Muqdisho iyo Garowe, waxayna labadooda u qabsoomi waayeen kadib markii ay diideen maamulada Puntland iyo Jubaland. Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa xalay qoraal ay soo saareen ku sheegay in ay soo dhaweynayaan shir walba oo looga hadlayo xal u helida arrimaha ka taagan doorashada Soomaaliya balse aysan ka qeyb galeyn shir lagu qabtay meel aan ammaan aheyn. Tani ayaa ka dhigan in markii 3-aad uu wajahayo guul darro culus taas oo si weyn hoos ugu dhigtay sumcaddiisa. Arrintaan kaliya Farmaajo kuma ahan guul darro ee waxay culeys weyn ku tahay qaranka. “Waa guul darro weyn oo uu dhabarka u radinayo madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday, sidoo kale waxay ceeb ku tahay qaranka waxaana la gudboon in uu caqliga shaqeeyo,” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Cadde oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa sheegay in aysan ku kalsooneyn Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxayna dhowr jeer ku baaqeen in shirka lagu qabto meel amaan ah, waxaana muuqato in Madaxweyne Farmaajo uu ka dhaga adeegayo talo soo jeedinta labadaas maamul. Guul-darrooyinka Farmaajo ayaa waxaa ugu wacan inuu mar kasta ku dhowaaqo shirar uusan markii hore ka talo-gelin ama uusan aqbalaaddooda kasoo helin dadka u uku casuumayo, taasi oo aan la garaneyn sababta uu u sameynayo.
  6. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta Shir Gudoomiyey Kulan looga hadlayay Wacyigelinta Xanuunka Covid-19 oo ka dhacay xarunta degmada Shibis ee magaalada Muqdisho. kulankan ayaa Waxaa ka qeyb galay Gudoomiye ku xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir, Gudoomiyasha Degmooyinka, Saraakiisha Aminga iyo Agaasimayaal ka tirsan Waaxyaha Dowladda Hoose iyo Gobalka Banaadir. Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii looga wacyigelin lahaa Bulshada ku nool Caasimadda Cudurka Safmarenka ah ee Covid -19. View the full article
  7. Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Madaxda Bangiyada gaarka loo leeyahay ayaa ku boorriyey in ay kaalintooda ka qaataan xakameynta iyo la tacaalidda cudurka COVID-19 ee faraha ba’an ku haya dadkeenna. Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku booriyay Madaxda ka qeyb gashay shirka inay doorkooda muujiyaan oo ay kaalin mugleh ka qaataan sidii loo xakameyn lahaa cudurka COVID-19 oo saameen ku yeeshay bulshada Soomaaliyeed. View the full article
  8. Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 209 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 11 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 21 ruux. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (181) iyo Somaliland (28) qof, 140 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 69-na ay yihiin haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 7,727 waxaa bogsootay 3,867 Ruux. guud ahaan 260 ruux oo kale ayaa u geeriyootay. Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay markale inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19. View the full article
  9. The Somali-based al-Qaeda-affiliated terror group al-Shabaab has executed five people in the southern town of Jilib in Somalia’s Middle Juba region. Abdirahman Adan, a local official of the Jubaland administration in the state’s administrative capital Kismayo, told Anadolu Agency over the phone that the people executed by al-Shabaab were civilians. “It’s not the first time al-Shabaab terrorists execute civilians, and they also forced the people of the Jilib town to come out and watch the execution,” he said. Hundreds of people were gathered in Jilib, southern Somalia, where the terror group executed the five people. The Middle Juba is the only region in the Horn of African country that al-Shabaab fully controls. The terror group accused the five executed of spying for US and Somali intelligence agencies, according to al-Shabaab-affiliated media on Tuesday. They were executed publicly by a firing squad after a so-called al-Shabaab court in Jilib allegedly convicted them of being spies for US and Somali intelligence agencies. Al-Shabaab’s leader Ahmad Abu Ubaida meanwhile released a new audio message on Monday marking the centennial death anniversary of Sayid Mohamed Abdullah Hassan, a Somali legendary leader that fought against the British and Italian colonists in Somalia in the early 20th century. The Somali-based al-Qaeda-affiliated group al-Shabaab has been fighting against the Somali government and African peacekeeping mission forces in Somalia for over a decade. View the full article
  10. The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) rejects in totality, the conviction of freelance journalist Kilwe Adan Farah today, by a military tribunal in Garowe, capital of Puntland State of Somalia. Kilwe, who initially detained incommunicado for more than two weeks, was sentenced to three months in jail running retrospectively from 28 December 2020. He was charged with inciting the public to violence before Puntland’s Court Martial of first instance. The charges stemmed from his arrest on 27 December 2020 by Puntland secret services (PISA), which accused him of “incitement to violence” by covering protests by members of the public. He was arrested after he covered public protests over spiralling inflation in Puntland. “This is another example of the Puntland authorities wanton abuse of power and targeting of messengers. We reject this sentence in totality and denounce the practice of subjecting journalists to trials in military tribunals where decisions are arbitrary,” said NUSOJ Secretary General Omar Faruk Osman. NUSOJ considers today’s verdict as a smokescreen intended to hide the blatant miscarriage of justice, and called upon the authorities in Puntland to put an end to this practice which is an open attack on freedom of the press and a brake on the aspirations of Puntland as an evolving democracy. “Kilwe was arrested and has been held on no justifiable grounds. Today’s conviction is an illegal and futile attempt to legitimize injustice by making it appear that Kilwe is the beneficiary of due process. We insist that Kilwe has always been innocent and deserves redress rather than improvised justice” declared Osman. NUSOJ demands that rather than harass journalists, Puntland authorities should instead direct resources at protecting them from attacks by non-state actors who on Monday gunned down independent journalist Jamal Farah Adan in Galkayo. Journalists deserve protection. They need to feel secure and safe before they can make their contribution to democratisation, peace building and national development. View the full article
  11. Wasiirkii Arrimaha Dibadda Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon, ayaa maanta si rasmiya isaga casilay jagadaasi. Faratoon, ayaa warqaddiisa iscasilaada u gudbiyay madaxweyne Biixi, oo isaguna ka aqbalay sida ay ii sheegeen illo-xogogaal ah. Faratoon, oo u sharraxan golaha Wakiillada Somaliland ayaa la filayaa in maalinta berri ah uu tago xarunta Kulmiye si uu u diiwaan geliyo Musharraxnimadiisa. Waa mas’uulkii labaad ee maanta iska casila xukuumadda Biixi, si ay isugu sharraxaan Wakiillada. Source
  12. Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa shir Gudoomiyay kulanka Todobaadlaha ah ee Amniga Magaalada Bosaaso ee Gobalka Bari, waxaana fadhiga ku sugnaa dhamaan Saraakiisha Amniga Magaalada Bosaaso iyo qaar kamid ah Taliyaasha Saldhigyada kulankaan oo manta diirada lagu saaray amniga iyo kala warqaadasho Saraakiisha iyo Taliyahooda oo dib ugu soo laabtay Xafiskiisa, Kulankaan oo ahaa u jeedadiisa kala warqaadashada amniga Bosaaso ayaa Taliye Xuseen waxa uu dhamaan ciidamada Booliska Gobalka uga mahadceliyay dadaalka ay galiyeen sugida amniga guud ee Gobalka Bari Sidoo kalle inta uu socday shirka amniga Gobalka Bari ayaa diirada lagu saarey sida ugu haboon ee loo xoojin karo amaanka guud. Taliyaha Qeybta G/Sare Xuseen Cali ayaa kulankan ku shaacisey in aan la aqbali doonin soo galinta waxyaabaha maanka dooriya Guddaha Magaalooyinka Gobalka Bari isagoona ku amray Baraha Gadiidka in ay labajabaraan Baarista Gadiidka Soogala Magaalada si looga hortago wax walba oo dhibaato amni iyo mid Nafeed u geesanaya shacabka iyo Dhalinyarada. Inta uu socday kulankaan ayuu Taliyuhu sharaxaad ka bixiyay Go’aanada kasoo baxay shirkaas isagoona sheegay in sidoo kale aan la aqbali Karin in hub sharci darro ah lagu dhex qaato gudaha Magaalada waxana uu dhamaan amray Sarakiisha in shacabka aan lagu dhibaateen Dareeska ciidanka Dowlada. PUNTLAND POST The post Gudaha magaalada Boosaaso oo Hubka laga mamnuucay appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimadda Online) – Heshiiska 17-kii September 2020 dhexmaray dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah waa udub dhexaadka heshiis doorasho loo dhan yahay oo dalka ka hirgala sidey ku celceliyeen Beesha caalamka, balse waxaa jira caqabado badan oo ku xeeran heshiiskaas lagu gaaray magaalada Muqdisho. Caqabadaha shirkaas kasoo laabtay waa kuwa diiday in la hirgaliyo hanaan doorasho iyo in si hanaan hufan ah looga gudbo marxaladda kala guurka ah ee dalka uu ku sugan yahay, in heshiis laga gaaro xaaladaha cakiran ee dalka ayaana hadda maraya heer ay Beesha caalamka ku qasbanaatay si muuqata iney usoo faragaliso hawlaha la isugu keenayo dadka ku kala aragtida duwan hab-sami u socodka marxaladaan. Shan caqabadood ayaa la aaminsan yahay iney ku xeeran yahiin hirgalinta heshiiska 17-kii September lagu gaaray magaalada Muqdisho, saddex ka mid ah waa kuwa soo jiitamayay halka laba qodob ay timid kadib dhamaadka muddo xileedka xukuumadda iyo dhaqanka bilahii ugu dambeeyay. KURAASTA SOMALILAND: Dowladda muddo xileedka dhamaaday ayaa soo faragalisay arrinta kuraasta gobollada Waqooyi (Somaliland), sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaana lagu eedeeyaa inuusan ku xushmeyn Cabdi Xaashi oo ah gudoomiyaha aqalka sare, isla markaana ah qofka ugu sarreeya ee xildhibaanada kasoo jeeda gobollada waqooyi inuu u daayo soo xulista, waxaana ka dhashay dood aan ilaa iyo hadda lagu heshiin iyadoo Villa Soomaaliya ay arinkaan u wakiilatay Mahdi Guuleed oo ah ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda xil heynta. GOBOLKA GEDO: Maadaama heshiiska doorashada ee 17-kii September la gaaray ay aheyd in laba meelood maamul walba uu doorashada ku qabto, Gedo-na ay ka mid noqoneyso goobaha laga rabo in Jubbaland ay doorashada ku qabato, halkaas waxaa kasoo laabtay dood badan maadaama ay dowladda muddo xileedkeeda dhamaaday ciidamo ku daabushay gobolka Gedo. Heshiisyo badan oo laga gaari lahaa arrimaha doorashooyinka waxey u burbureen arrinta gobolka Gedo iyadoo maamulka Jubbaland ay doonayaan iney maamulaan sida ay maamullada kale u maamuli doonaan goobaha doorashooyinka. Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaa isku haya, iyadoo guddigii farsamada ee Baydhaba ku shiray la sheegay in arintaas is faham ay ka gaareen, balse waa caqabadda ugu weyn ee ku xeeran doorashooyinka. GUDDIGA DOORASHADA: Guddiga doorashada oo ay dowladdu magacowday waa lagu muransan yahay, waxaana la sheegay iney ku jiraan xubno daacad u ah taliska FARMAAJO, taliyayaal ka tirsan hay’adda nabadsugidda qaranka iyo shaqaale ka tirsan xukuumada uu wakhtigeeda dhamaaday. Midowga musharaxiinta iyo laba ka mid ah maamullada Federaalka ayaa ka hor yimid kuwaas oo wali saluugsan habka loo xulay guddigaas, waxaana shaki la galiyay sida ay u qaban karaan doorasho loo siman yahay. Dhanka kale waxaa jira laba qodob oo yimid kadib 8-dii February 2021, markii uu dhamaaday muddo xileedka madaxweyne Farmaajo. Maadaama uu muddo xileedka ka dhamaaday madaxweynaha Soomaaliya, ma gaari karo go’aanno masiiri ah, taasna waxey la macno tahay in saamileyda siyaasadda ay ku biirto miiska wadahadalka. Baarlamaanka wuxuu muddo xileedkiisa dhamaaday 27-kii December, sidaas darteed golaha sharci dajinta wey sii joogayaan ilaa kuwii badali lahaa yimaado, balse madaxweynaha xaq uma lahan inuu kursiga kusii fadhiyo. Sidoo kale qodobka ugu dambeeya wuxuu yahay iney luntay kalsoonidii lagu qabay dowladda maadaama lagu tuhunsan yahay in taliska jooga ay doonayaan muddo kororsi ama in xoog lagu maamulo wadanka, waxaana jirta in ciidamo loo adeegsaday dibad bax nabadeed oo la diiday, sidoo kalana siyaasiyiin, xildhibaano iyo musharaxiin lagu rasaaseeyay caasimdda.
  14. Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ay weyelinayaan Madaxda ugu sarreysa Xisbiga ee Hoggaanka & Fulinta ah ayaa maanta Hargeysa kaga qeyb galay Xafladda Shaacinta Musharrixiinta isku sidkan ee Golaha Wakiilada iyo Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa iyo Degmada Balli-gubadle. oo kala ah: 1-Mudane Farxaan Muuse Iimaan oo ah Musharraxa Golaha Wakiilada JSL ee Gobolka Maroodijeex. 2-Mudane Cabdillaahi Maxamed Gaaxnuug [Aar], Musharraxa Golaha Deegaanka ee Caasimadda Hargeysa . 3-Mudane Ibraahin Cabdillaahi Khaliif [Shoombe] Musharraxa Golaha Deegaanka ee Degmada Balli-gubadle. Munaasibadda Xafladda ayaa waxaa ka soo qeybgalay kumannaan ka tirsan taageerayaasha iyo dadka deggan deegaanka ay ka soo jeedaan Musharrixiinta uu Xisbiga WADDANI uu maanta guddoomay. Source
  15. Click here to read more about this article Qaran News
  16. Kala Shaandhaynta Musharraxiinta Doorashooyinka Golayaasha Wakiilada & Degaanka S/land oo Meel xasaasiya Maraya Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland, ayaa ku mashquulsan kala shaandheynta Liiska Murrashaxiinta Xisbiyadaasi u meteli doona Doorashooyinka isku sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, ee la filayo in ay ka dhacaan dalka bisha May ee soo socota. Xisbiyada Kulmiye, Waddani iyo UCID, tan iyo markii si rasmi ah loo shaaciyey qabsoomida doorashada, bilaabay in ay diyaariyaan Xildhibaannada ku meteli doono tartanka doorashooyinka soo socda, ayaa waxa imika ay ku mashquulsan yihiin sidii ay u kala xuli lahaayeen Murrashaxiinta ay aqbaleen ee doonaya in ay iska sharaxaan Xisbigaasi, madaama oo lagu sii siqayo wakhtiga loo cayimay doorashada oo ay ka hadhsan tahay 88 maalmood. Guddida xulinta iyo xalinta khilaafaadka murrashaxiinta u qaabilsan Xisbiyada, ayaa maalmihii u dambeeyey, waxa ay ku mashquulsanaayeen qaabkii ay u xulan lahaayeen Murrashaxiinta rasmiga ah ee buuxiyey shuruudaha iyo xeer-hoosaadyada ay u dhigeen kala xulashada Murrashaxiintooda, si ay u soo saaraan Liista Murrashaxiinta rasmiga ah ee ku meteli doona doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee iska sharaxaya Degmooyinka iyo gobollada dalka. Xisbiyadan oo marki hore qaabilayey Murrashaxiinta hanka leh ee deegaannadoodu wataan iyo kuwo iskood si waday, ayaa waxa ay imika qiimeyn ku wadaan xubnaha ay is leeyihiin waa kuwo cod ay ku soo baxaan haysa iyo kuwa aan taageerada haysan ee Murrashaxa Deegaankoodu isku raacsan yahay Xisbi kale la geeyey. Sidoo kale, waxa ay Xisbiyadu eegayaan Murrashaxiinta ay hayaan iyo weliba qaabkii ay ugu salayn lahaayeen saamiga Reeraha Xisbiga taageera iyo deegaanka laftiisa, iyaga oo murrashaxiin ay hore u aqbaleen ku war geliyey inuu ka buuxsamay Xisbigu oo aan meel loo haynin Xubno murrashaxiin ka ahaa Xisbiyada Qaranka, ayaa waxa ay bilaabeen maalmihii ina dhaafay in ay tanaasulaan, ka dib markii qaarkood Xisbiyadu u sheegeen in aanay u haynin kuraas ay u tartamaan oo ay ka buuxsadeen, halka kuwo kalena Beelahoodu ku khasbeen in ay isu tanaasulaan xubnaha isku deegaanka ah ee saddexda Xisbi ka sharaxan. Share this: Qaran News
  17. Gudoomiyaha Texas Greg Abbott Gobolka Texas ayaa noqday gobolka ugu weyn gobollada Mareykanka ee ilaa iyo hadda qaaday amarki dadka farayay in ay xirtaan maaska ama marada afka lagu daboolo ee looga gaashaanto faafista cudursidaha Coronavirus. Inkasta oo ay khubarrada caafimaadka ay codsadeen in aanan tallaabadani la qaadin, haddana, guddoomiyaha gobolka Texas Greg Abbott oo Jamhuuri ah, ayaa isaga oo ku dhexjira maqaayad lagu magcaabo Lubbock, shalay kaga dhawaaqay, in la gaaray waqtigii boqolkiiba boqol Texas la furi lahaa. Wareegtada guddoomiye Abbott ayaa fareysa laamaha amniga iyo maxkamadaha, in aysan dadka gobolkiisa wax ciqaab ah dul-dhigi karin, dadka aanan wada af-xirka ama maaska. Amarkan ayaa dhaqan-gali doona marka la gaaro 10-ka bishan March ee sannadka 2021-ka. PUNTLAND POST The post Texas oo qaadeysa amarka marada afka lagu xirto appeared first on Puntland Post.
  18. Baydhaba (Caasimada Online) – Muddo ku dhow toddobaad waxaa uu qadka Internet-ka ka maqanyahay guud ahaan degaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo Gobalka Gedo oo dhamaantood ku yaalla Koonfurta Soomaaliya. Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay jareen guud ahaan Internet-ka goballadaas lamana oga sababta keentay in amarkaas ay soo saaraan Al-Shabaab. Xubno ka mid ah maamullada gobalada iyo degmooyinka ayaa Caasimada Online u sheegay in guud ahaan qadka ka maqanyahay islamarkaana ay Al-Shabaab jareen iyagoo amar dul dhigay shirkadaha bixiya Internet-ka ee gobaladaas. Al-Shabaab ma aysan faah faahin sababta ay u soo saareen amarkaan, sidoo kale maamullada shirkadaha ma aysan bixin faah-faahin ku aadan waxa ay isku haayaan iyaga iyo Al-Shabaab. Waqti adag ayey oo ay abaaro xoog leh ka jiraan aagaas ayey Al-Shabaab qadka gooyeen waxa uuna saameyn weyn ku yeeshay guud ahaan degaanada maamuladaas. Xiriiro aan la sameynay shirkadaha Isgaarsiinta ee bixiya Internet-ka ayaa sheegay in adeegyada kale ay fiicanyihiin sida wicitaanka mobilka iyo adeegyada kale ee lacagaha la isugu diro.
  19. Somalia on Wednesday imposed strict measures to stem the second wave of COVID-19 in the country, banning large public gatherings for 30 days and closing schools and universities, government offices, and sports arenas for two weeks. People must wear masks and observe a two-meter distance and other health guidelines when attending permitted gatherings, information minister Osman Dubbe said. The number of COVID-19 cases has been rising in the past two months. On Tuesday, Dubbe said on national television that all passengers arriving in the country will be required to have negative results from valid polymerase chain reaction (PCR) COVID-19 tests done within 72 hours and will have to undergo a mandatory seven-day quarantine. All local flights and interstate movements of people are also suspended. Staff must work from home unless they provide essential services. The new measures came after Minister of Health and Human Services Fawziya Abikar Nur warned that the COVID-19 situation in Somalia is dire and called on citizens to adhere to health measures to curb the spread of the virus. As of Monday, the Horn of Africa nation had reported 7,392 confirmed COVID-19 cases, 243 deaths and 3,814 recoveries. View the full article
  20. Maxkamadda Ciidamada Puntland ayaa xukun ku ridday Wariye Kilwe Aadan Faarax oo muddo ku xiran mid ka mid ah xabsiya Puntland Puntland ayaa wariye Kilwa kusoo eedeysay in uu duubay muuqaa sawirka madaxweyne Deni oo la jeexjeexayo, maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in aysan hayn wax cadayn ah oo ku saabsan eedayntaas, waxayna ku xukuntay 3 bilood ah oo xarig ah taas oo ka bilaabanaysa 28. December 2020 oo ah maalintii la xiray. Kilwe ayaa muddo dhowr jeed ah Puntland sheegtay in uu u xiran yahay dambiyo kale. Source: goobjoog.com
  21. Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay amarro cusub oo lagu sheegay in lagaga hortagyo fiditaanka fayraska korona maadaama oo cudurka Covid-19 aad ugu soo laba kacleeyey dalka. Wasiirka warafaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa BBC u sheegay in tallaabooyin looga dalka si looga hortaggo fiditaanka cudurka Covid-19 sida in la xiray iskuulaada, jaamacadaha, in la xaddiday isu socodka gudaha dalka iyo in cudurka laga baaro dadka dibadda ka imaanaya. Wuxuu intaas ku daray in lagu heshiiyay in mucaaradka Sabtida ay qabsan doonaan dibadbaxa balse lagu xiray labo arrin. “Dibadbax lasoo codsaday oo ah kii laga heshiiyay xaley…labo shurudood oo kaliya ah ayaa ku xiran oo qabanqaabiyeyaashii dibadbaxu ay horey u sheegeen labadaa qodob inay diyaar u yihiin waa marka koowaad ee in dadka dibadbaxa imaanaya ay kala fogaadaan iyo inay soo qaataan afsaar labadaa shurudood ayaa muhiim ah, labadaa shurudood marka la fuliya dibadbaxa Sabtida waa la ogolaaday” View the full article
  22. Maxkamadda Ciidamada qalabka-sida ee dowladda Puntland maanta oo Arbaco ah saddex bilood oo xabsiya ku xukuntay weriye Kilwe Aadan Farax oo dowladda u xirnaa muddo 60 cisho ah. Maxkamaddu waxay sheegtay sheegtay in xeer ilaalinta aysan soo bandhigin wax caddayn ah oo muujinaya eedaynta loo jeediyay weriye Kilwe taas oo ahayd in uu duubay sawirka madaxweyne Deni oo la jeexjeexayo. Xukunka lagu riday weriye Kilwe Aaden, wuxu ka soo bilaaban maalintii la xiray oo ku beegnayd 28 December 2020 sida ay sheegtay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida. View the full article