Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo ka Hadlay Cabasho Shacabka Ka soo yeedhay Shacabka Hargeysa Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood, ayaa sheegay in saacaddihii ay dhawaan macaamiishooda ku amreen in ay iibsadaan ay qayb ka tahaya koboca iyo horumarinta Wakaaladda. Maareeye Daarood, waxa uu ka dhawaajiyey in dadka ka cabanaya qiimaha ay laba dariiqo u fursan yihiin “Barnaamijka Saacaddaha ee Wakaaladda Biyuhu waxa uu qayb ka yahay koboca iyo horumarka ay samaynayso Wakaaladda Biyaha Hargeysa. Baahida keentayna, waxa weeye saacaddihii dalka iman jiray oo aanay tayadoodu fiicnayn, oo dhibaato badan ka dhex sababi jiray macmiilka iyo Wakaaladda Biyaha, markaa waxa weeye in shaqadaas la casriyeeyo oo ay hore u socoto, oo khaladaadkii fara badnaa ee dhici jiray la yareeyo” Ayuu yidhi Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Maxamed Cali Daarood, oo u warramayey Telefishanka Bulsho TV. Maareeyaha oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Doodda ugu badan ee soo noq noqonaysay waxay khusaysay xagga qiimaha, marka qiimaha laga hadlayo dadka laba ayaa u fursan, qofkii awooddaa inuu hal mar bixiyo, qofkii kale ee aan awoodina biilkiisa muddo billo ah loogu qaybiyo oo kolba sidii uu u awooddo uu u bixiyo.”. Qaran News
  2. 3rd such tragedy in 6 months befalls migrants en route to Yemen, according to UN migration agency Source: Hiiraan Online
  3. The International Court of Justice (ICJ) will hold a public hearing for the maritime dispute involving Kenya and Somalia on March 15, 2021. Source: Hiiraan Online
  4. Jabuuti (Caasimada Online) – Tobaneeyo muhaajiriin African ah ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen Arbacadii kadib markii ay tahriibiyeyaal ay ku tuureen badda Jabuuti, xilli ay kusii jeedeen Yemen, ayaga oo rajeynaya inay garaaan Sacuudi Carabiya, si ay shaqo uga helaan. Doonta oo sidday 200 oo muhaajiriin ah ayaa ka tagtay xeebta Oulebi ee Jabuuti, 2:00 am, sida ay sheegtay Yvonne Ndege, oo ah afhayeenka hay’adda caalamiga ah ee socdaalka ee IOM. Hase yeeshee dad ka bad-baaday dhacdadan ayaa sheegay in saacad kadib markii ay doonta baxday, ay tahriibiyayaashu go’aamiyeen in doonta uu culeyska ka batay, ayna ka tuureen 80 qof, sida ay sheegtay Ndege. Waxa ay ku warrantay in illaa iyo hadda la helay meydadka shan qof. Dadka inta badan ku harqama xeebaha Jabuuti, ayaa ka yimaada dalalka Soomaaliya ama Ethiopia, ayaga oo isku dayaya inay ka baxsadaan saboolnimada ka jirta dalalkooda, islamarkaana shaqooyin ka raadinaya dalalka Sacuudi Carabiya ama Imaaraadka Carabta. Qaarkood ayaa marka ay gaaraan Yemen ku xannibma, kadib marka ay ku guul-darreystaan inay u gudbaan xuduudda Sacuudiga, waxayna kadib mararka qaar badda ku harqamaan ayaga oo isku dayaya inay dalalkooda kusoo laabtaan. REUTERS + VOA
  5. Dagaal khasaare dhaliyay oo ka dhex qarxay Dalalka Itoobiya & Suudaan Ciidamo Itoobiyaan ah iyo maleeshiyaad ayaa la laayay kadib markii uu dagaal ku dhexmaray ciidamada Suudaan dhulka lagu mursan yahay ee ku yaalla xadka labada dal, sida ay ku warrantay warbaahin laga leeyahay Suudaan. Warbaahinta Sudan Tribune oo soo xiganeyso saraakiil ka tirsan ciidamada Suudaan inay qarka u saaran yihiin inay qabsadaan deegaanka Barakat Nuureyn oo dhaca dhul baaxadda weyn ee lagu muransan yahay ee Al Fashaqa. “Dagaalka ayaa socday tan iyo koowdii bishan kaas oo u dhexeeyay ciidamada Suudaan iyo kuwa Itoobiya oo garab ka helaya ciidamo Eritrean ah…..Ciidamada Suudaan waxay khasaare gaarsiiyeen ciidamada Itoobiya iyo xulafadoodii” ayay ku warrantay warbaahinta Sudan Tribune. Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan arrintan oo kasoo baxay dhinaca Suudaan. Eritrea waxay beenisay inay ciidamadeeda ay ka garab dagaallamayaan kuwa Itoobiya ee ku sugan dhulka lagu muransan yahay ee ku yaalla xudduudda Suudaan iyo Itoobiya. Al-Fashaqa, oo ku fadhida dhul dhan 600 kiilo mitir ayaa ah dhul ku fiican dhanka beeraha. Waxaa marar badan goobtan uu dagaal ku dhexmaray beeraleyda labada dal. Itoobiya iyo Sudan ayaa waxaa u dhaxeeya xuduud aad u dheer taasi oo dhan 1,600 km. Qaran News
  6. Baardheere (Caasimada Online) – Maalin kasta diyaarado sida ciidan, gaadiid dagaal, hub iyo agabyo kale ayaa ka dagayay gobalka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. Kaliya dowladda Soomaaliya gobalkaan ma geynin ciidanka ee sidoo kale maamulka Jubaland ayaa meelo kamid ah geeyay ciidan iyo gaadiid dagaal. Dhowr bil kadib, shacabka gobalka Gedo maanta uma baahna ciidan ee waxay u baahan yihiin wax ay cunaan iyo wax ay cabaan oo deg deg ah. Degmooyinka qaar dhimasho ayaa laga soo sheegayaa kadib markii ay dadku waayeen wax ay cunaan iyo wax ay cabaan, qaar kale oo degmooyinka ka mid ah waxaa ka jiraxaalado bini-aadinimo oo aad u daran. Ilaa hadda gobalka Gedo ma helin wax gargaar ah waxaana la sheegayaa in boqolaal dollar la kala iibsanayo booyada biyaha ah, sidoo kale isgaarsiinta gobalkaas ayaa maqan, waxaana jaray Al-Shabaab. Degmooyinka ugu daran waa Baardheere iyo Ceelwaaq oo la xaqiijiyay geerada xoolo badan iyo dad ku dhow ilaa 5 qof. Wararka qaar ayaa sheegaya in dhimashadu dadka ay intaas ka badan tahay. Maamulka Jubaland iyo Madaxweyne Farmaajo waxa uu gobalkaan mid kasta u yahay muhiim waana gobalka sababay in muddo dheer laga heshiin waayo doorashada Soomaaliya oo qodobada la isku haayo ay ugu weyn tahay arrinta gobalka Gedo. Farmaajo waxa uu Soomaaliya oo dhan u xayiran una diidan yahay inay doorasho ka dhacda gobolkan dartiis, inkasta oo dadka qaar rumeysan yihiin in gobolka uu qiil ka dhiganayo, balse sababta uusan doorasho u ogoleyn ay tahay inuu doonayo inuu kursiga ku fadhiyo. Iminka, shacabka Gobalka Gedo iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayaa hada is weydiinayaa, Madaxweyne Farmaajo sida uu ciidan ugu daabulay Gedo, gargaar deg deg ah ma ugu daabuli doonaa?
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in guddigii loo saaray dilka guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiim Dhagajuun ay joojiyeen baaritaankii ay wadeen kadib markii uu ka dhaqaaqi waayay shaqsiyaad saameyn weyn leh oo uu lugaha la galay. Xubnaha guddiga ayaa Caasimada Online u sheegay in arrintaan ay dhaqaaqi weysay kadib markii ay adkaatay in la sii wado baaritaanka sababo badan aawgeed. “Hanjabaad, caga-jugleen, cabsi gelin ayaa la kulanay waxaa uuna dilka u muuqda mid aan ku dhicin si kam ah balse uu ahaa mid la qorsheeyey. Waxaa soo faro-geliyey ganacsato maal-qabeeno ah iyo xubno sare oo ka tirsan xafiisyada dowladda, waxaa aaminsanahay in dilkiisa ay la xariirtay arrimo dhul,” ayuu yiri mid ka mid ah mas’uuliyiinta ku howlan baaritaanka arrintaan oo la hadlay Caasimada Online. Masuuliyiinta arintaan ku jira ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxda dowladda Soomaaliya ay la wadaageen culeysyada haysta balse aan ilaa hadda laga jawaabin codsiga ay gudbiyeen, taas oo fududeyn kartay in uu sii socda baaritaanka ay ku wadaan arintaan. Dowladda Soomaaliya ayaa maalmo kamid ah dilka guddoomiyaha degmada Hodan Cabdixakiim Dhagajuun u saartay guddi uu hogaaminayo Cabdullaahi Buula-kameey iyo masuuliyiin kale. Hore ayey dowladda Soomaaliya guddiyo u saartay baaritaanka kiisas culus oo ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo ugu dambeyn ku dhamaaday AF-DABOOLAN DAHAB, lama oga kiiskaana uu sidaas ku dhamaan doono.
  8. Toronto (Caasimada Online) – Iskuul dugsi sare ah oo ku yaalla wadanka Canada ayaa loogu magac daray Hodan Neeleeye oo ah gabar Soomaali ah, samafale aheyd oo wakhti badan ku nooleed dalka Canada, balse weerar ka dhacay magaalada Kismaayo bishii July 2019-kii ku geeriyootay. Weerarkaas waxaa sheegtay dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku xoogan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan koonfurta iyo bartamaha, waxeyna gabadhaas ka mid noqotay boqolaal haldoor oo ku naf waayay dhibaatooyinka gudaha Soomaaliya ka jira. Dugsi la oran jiray Vaughan Secondary School aya loogu magac daray, waana magaaladii ay ku nooleed ee Vaughan ee dhacda gobolka Ontario. Habeenimadii talaadada aheyd ayey guddiga tacliinta qaateen kulan, waxeyna gaareen xarunta waxbarasho ee loogu magac daray Hodan Naaleeye sida lagu baahiyay warbaahinta SBC News. Si kastaba dadka madowga ah ee heysta dhalashada Canada ayaa soo dhaweeyay tallaabada ay qaaday dowladda Canada, iyadoo agaasimaha fulinta ururka ay ku mideysan yahiin African Canadian-ka oo lagu magacaabo Shernett Martin ay soo dhaweysay tallaabadaan. Waxeyna war qoraal ah oo kasoo baxay ku tiri: “Dhaxalkeeda waa mid sii jiri doona iyo farxadda cidda ay ahayd iyo waxa ay u istaagtay ayaa dib ugu soo laaban doona wadiiqooyinka iyo fasallada dugsigan sare waligeena ma ilaawi doonno nafhurnimadda ay Hodan samaysay. Waxaan u dabaaldageynaa in haweeney xjibaab oo madoow isla markaana muslim ah uu magaceeda ka dul-dabanayo Dugsiga magaaladeena” Qoyska Hodan oo soo saarey war-saxaafadeed ayaa ka mahadceliyey talaabaddan, waxaana ay carabka ku adkeeyeen in ay u noqon doonto dhiiragelin ay kusii xijiyaan “dhaxalka wanaagsan oo ay ka tagtey”. Hodan waxaa la dhintay seygeeda Fariid Jaamac Suleymaan uu ku wehliyey dadka lagu dilay weerarkii Al-Shabaab ee Hotel Cascasey isla markaana waqtigii ay dhimaneysay ahayd xaamilo ama mid uur leh. Waxey aheyd gabar muuqaal baahiyaha kusoo gudbisa waxyaabaha wanaagsan ee Soomaaliya isla markaana safari ku tagtay meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya, iyadoo warbixino ka sameysay dadka qurbaha ku nool ee Soomaaliyeed.
  9. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Bar___Qubanaha-332021.mp3 View the full article
  10. Wararka ay Howlwadeenada Puntlandi.con helayaan, Isniinta waxaa la isugu imaanayaa Magaalada Muqdisho, Shirkuna wuxuuna dhacayaa Xareed Xalane. Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa Qoraaladiisa ay Xalay soo saareen waxay ku gacan sayreen Shirkii uu ku baaqay Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey waxayna ku macneeyeen in Shirarka uu ku baaqayo Madaxweynaha Walhtigiisu dhamaadey ay Carqaladeynayaan Geedi socodka socda oo wadada loogu xaarayo Doorasho Dalka ka fhacda. Labadaan Masuul waxay muujiyeen inaysan shir unimaanayn Villa Soomaaliya, balse ay aqbalayaan oo qura hadii Shirka lagu qabanayo goob nabdoon sida Garoonka Diyaaradaha ama Xalane, aakhirkiina Beesha Caalamku Way ticgaliyeen Codsigaan, waxayna dhowaan ku dhawaaqayaan Shir la isugu imaanayo Bilowga Todobaadka soo socda kasoo ka dhici doona Xalane. Warar kale oo aan helayno waxay sheegayaan in Mucaaradku ay taageereen soo jeedinta Deni iyo Axmed Madoobe oo ay iyagu xitaa Beesha Caalamka ku cadaadiyeen in Shirka lagu qabto goob ka Madaxbanaan Qolada hada Xilku ka dhamaadey. Isla warar kale waxay sheegayaan in Villa Soomaaliya ay maanta Xiriir la sameeyeen Beesha Caalamka iyagoo oo ka codsanaya Beesha Caalamka in hadii Shirka lagu qabanayo Xalane ay aqbalayaan oo qura hadii la fuliyo hal arin, arinkasoo ah in Casumaada Shirka ay Xukuumadu u dirto Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada. Codsigaan waa mid ay Villa Soomaaliya Madaxa Ciida uga ceshanayaan maadaama uu Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey uu laba jeer oo hore uu ku guul daraystay in la isugu yimaado Muqdisho, labadaas jeerna waxaa diiday Jubbaland iyo Puntland, Dhinaca kalena waxaa jira warar sheegaya in Raysal wasaaruhu uu si hoose ula shaqaynayo Mucaaradka , uuna wado dadaalo ka dhan ah Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey. Puntlandi.com Garowe The post Breaking News— Beesha Caalamka oo aqbalay Dalabkii Deni iyo Madoobe appeared first on . Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa lagu shaaciyey in dowladdu ay mucaaradka ka dalbatay in banaanbaxa u qorsheysan lagu qabto garoonka kubadda cagta ee Eng. Yariisow oo laga waareejiyo fagaaraha Daljirka, balse ay ka biya diideen soo jeedintaas. Xukuumaddu waxay ku sheegtay qoraalkaan in dalabkaas ay uga gollaheyd in la helo fursad lagu xaqiiji karo habraacyada xakamaynta COVID-19, laakiin hadda ay ogolaatay markii mucaaradku ku adkaystay fagaaraha tallada Daljirka Dahsoon. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyada oo tixgelinaysa geeddi socodka dimuqraadiyada, qabsoomidda doorashooyinka qaranka iyo ilaalinta heshiisyadii mucaaradka waxa ay u ogolaatay mucaaradka codsigoodii ahaa in mudaharaadka ay ku qabsadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon,” ayaa lagu yiri qoraalka. War-saxaafadeedkan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa intaas ku sii daray, “Bilowgii, Xukuumaddu waxay u soo jeedisay mucaaradka in ay mudaharaadkooda ku qabsadaan Eng Yariisow Stadiyoom si loo xaqiijin karo habraacyada xakamaynta COVID-19 ee waajibka ah, laakiin markii mucaaradku ku adkaysteen fagaaraha Daljirka Dahsoon xukuumaddu iyada oo tixgelinaysa heshiisyadii la wada gaaray waxay ogolaatay dalabkii mucaaradka.” Ugu dambayntii xukuumadda xil-gaarsiintu waxay fartay qaban qaabiyayaasha mudaharaadka, inay dibadbaxayaasha ku adkeeyaan soo qaadashada afxirka iyo kala fogaanshaha. Warkaan ka soo baxay xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhawaan ay Caasimada Online baahisay xogta shir natiijo la’aanta ku soo dhamaaday oo maanta ay isugu yimaadeen guddiga labada dhinac ee loo xilsaaray qaban-qaabada banaanbaxaas. Shirkii maanta oo ahaa kii ugu horeeyey guddigan uu yeesho ayaa lagu kala tegay, kadib markii garabka metelaya dowladda uu soo jeediyey in banaanbaxa laga bedelo taallada Daljirka Daahsoon, halka garabka mucaaradkuna uu ku adkeysta Daljirka. Hadda sida ku cad qoraalkan dowladdu waxay u ogolaatay mucaaradka in fagaaraha Daljirka ay ku qabsadaan banaanbaxa , kaas oo qorshuhu yahay inuu dhaco maalinka Sabtiga ah ee 6-da bishan.
  12. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa u ogolaatay mucaaradka codsigoodii ahaa in ay mudaharaadka ku qabsadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho. War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu yiri “Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyada oo tixgelinaysa geeddi socodka dimuqraadiyada, qabsoomidda doorashooyinka qaranka iyo ilaalinta heshiisyadii mucaaradka waxa ay u ogolaatay mucaaradka codsigoodii ahaa in mudaharaadka ay ku qabsadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon”. Xukuumadda Federaalka ayaa sheegtay in ay markii hore mucaaradka u soo jeedisay in ay mudaharaadka ku qabsadaan garoonka Eng. Yariisow si loo xaqiijiyo habraacyada xakamaynta COVID-19, laakiin markii mucaaradku ku adkaysteen fagaaraha Daljirka Dahsoon xukuumaddu ogolaatay dalabka mucaaradka. Mudaharaadka Muqdisho oo ah mid looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo ayaa qorsheysan maalinta sabtida ee horraanta todobaadka dambe. PUNTLAND POST The post Mucaaradka oo loo ogolaaday in ay mudaharaadka ku qabsadaan Daljirka Dahsoon appeared first on Puntland Post.
  13. Raysal wasaaraha KMG Maxamed Rooble ayaa fuliyay qodobkii u horeeyey Heshiiskii uu la galay Murashixiinta, Kasoo ahaa inuu aqbalo Mudaharaadka loogasoo horjeedo Madaxweynohooda Wakhtigu ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Kulankii maanta waxay Gudigii ka socdey Xukuumada ay soo jeediyeen in Mudaharaadka laga badalo Daljirka Dahsoon Laguna qabto Garoonka Kubada Cagta Studio Koonis balse Mucaaradku waxay ku adkeysteen in lagu qabto Daljirka, aakhirkiina Xukuumadu Way aqbashay. Warqad kasoo Baxdey Xukuumada KMG ah ayaa lagu cadeeyay in la qabanayo Mudaharaadka. waatan warqadii The post Rooble oo si buuxda u aqbalay Mudaharaadkii ka dhanka ahaa Farmaajo, Warsaxaafadeed appeared first on . Source
  14. Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, iyada oo tixgelinaysa geeddi socodka dimuqraadiyada, qabsoomidda doorashooyinka Qaranka iyo ilaalinta heshiisyadii mucaaradka waxa ay u ogolaatay mucaaradka codsigoodii ahaa in mudaharaadka ay ku qabsadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon. Xukuumaddu waxay u soo jeedisay mucaaradka in ay mudaharaadkooda ku qabsadaan Eng Yariisow Istaadiyoom si loo xaqiijin karo habracyada xakamaynta COVID-19 ee waajibka ah, laakiin markii mucaaradku ku adkaysteen fagaaraha Daljirka Dahsoon xukuumaddu iyada oo tixgelinaysa heshiisyadii la wada gaaray waxay ogolaatay dalabkii mucaaradka. Ugu dambeyn Xukuumaddu waxay fartay qaban qaabiyayaasha mudaaharaadku inay dibad baxayaasha ku adkeeyaan soo qaadashada Afxirka iyo kala fogaanshiyaha. Halkan ka akhriso War-saxaafadeedka View the full article
  15. War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu fasaxay banaanbaxa Sabtiga ee ay qabanayaan Musharixiinta Mucaaradka. Dowladda ayaa horay dhowr jeer u diiday in uu dhaco banaanbaxa ay soo abaabuleen Midawga Musharixiinta . Ugu danbeyn Villa Soomaliya ayaa Aqbashay Isusoobaxa Looga soo horjeedo Farmaajo. war-saxaafadeedka Villada ayaa loogu baaqay qaban qaabiyayaasha in ay ilaaliyaan khataraha uu ku faafi karo xanuunka Covid. Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Villa Somalia. War Saxaafadeed Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyada oo tixgelinaysa geeddi socodka dimuqraadiyada, qabsoomidda doorashooyinka qaranka iyo ilaalinta heshiisyadii mucaaradka waxa ay u ogolaatay mucaaradka codsigoodii ahaa in mudaharaadka ay ku qabsadaan fagaaraha Daljirka Dahsoon. Bilowgii, Xukuumaddu waxay u soo jeedisay mucaaradka in ay mudaharaadkooda ku qabsadaan Eng Yariisow Stadiyoom si loo xaqiijin karo habraacyada xakamaynta COVID-19 ee waajibka ah, laakiin markii mucaaradku ku adkaysteen fagaaraha Daljirka Dahsoon xukuumaddu iyada oo tixgelinaysa heshiisyadii la wada gaaray waxay ogolaatay dalabkii mucaaradka. Ugu dambayn Xukuumaddu waxay fartay qaban qaabiyayaasha mudaharaadku in ay dibad baxayaasha ku adkeeyaan soo qaadashada afxirka iyo kala fogaanshaha. Dhamaad Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddigii loo xil-saaray qaban qaabada bannaanbixii ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta ayaa maanta kulankii ugu horey ku yeeshay hotelka Decale oo markii hore lagu gaaray heshiiskaan, waxuuna kulankaas ku soo dhamaaday natiijo la’aan. Xog ay Caaimada Online ka heshay shirkii maanta dhexmaray xubnaha guddiga ayaa sheegaysa in garabkii ka socda dowladda ay soo jeediyeen in goobta bannaanbaxa lagu qabanayo laga bedelo fagaaraha taallada Daljirka Dahsoon. Hase yeeshee xubnaha guddigaas ee ka socday Midowga Musharaxiinta ayaa ku gacan seyray soo jeedanta ah in goobta bannaanbaxa laga bedelo Daljirka, iyagoo ku dooday in waqti lagu bedelo goobta aysan heysay oo mudo dheer ay dadka ku balaminayeen halkaas. Xogta aan helnay waxay tilmaameysaa in shirkii maanta lagu soo kala tegay iyadoo aan lagu gaarin wax heshiis ah, maadaama guddigu ku kala qeybsamay dalabka dowladda oo ah in la badelo goobta lagu qabanayo banaanbaxa. Xubnaha shirka joogay ee guddiga labada dhinac ayaa kala ahaa: 1- Wasiirka Amniga Xasan Xundubey 2- Duqa Muqdisho Cumar Filish 3- Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur 3- Musharax Mustafa Dhuxulow Musharax Daahir Geele iyo Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa ka maqnaa xubnihii maanta kulmay ee guddiga qaban qaabada banaanbaxa looga soo hor jeedo madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka. Banaanbaxa ayaa la qorsheeyay in uu ka dhaco maalinka Sabtiga ah ee 6-da bishan, balse waxaa soo baxaya shaki ku saabsan sida uu banaanbaxaan u qabsoomi karo. Labada dhinac ee dowladda iyo mucaaradka oo markii hore ku heshiisyey in si nabad ah loo qabto banaanbaxaas ayaa hadda ku kala qeybsamay goobta lagu qabanayo banaanbaxa. Dowladda ayaa damacsan in laga badelo taaladda Daljirka, halka mucaaradku uu ku adkeysanayo in banaanbaxaas ay kuqabsanayaan fagaaraha Daljirka oo markii hore loo diiday, waxaana maalinkii loo qorsheeyey ka harta laba maalmood.
  17. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Habeen-332021-OK-OK.mp3 View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta kulan gaar ah la qaatay guddiga Qaran ee xakameynta cudurka COVID-19 iyo xubno ka socday bulshada rayidka, waxuuna ka dhageystay warbixino ku saabsan saameynta caafimaad iyo dhaqaale ee soo laba kaclaynta cudurkan, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay Villa Somalia. Wasiirka Caafimaadka xukumadda xil-gaarsiinta Fowsiya Abiikar Nuur ayaa Madaxweynaha u soo bandhigtay warbixin muujinaysa kororka tirada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee uu soo ritay cudurkan iyo tiro kale oo badan oo dhimasho ah. Wasiir Fowziya ayaa bulshada ku adkeysay inay taxadir buuxa iyo garowshiyo u yeeshaan halista cudurkan oo ku soo laba kacleeyey dalka. “Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalka Xukuumaddu ay ku xaqiijineyso ilaalinta badqabka caafimaad ee shacabka, waxa uuna xusay in la qaaday tallaabooyin wax-ku-ool ah oo dadka iyo dalka lagaga xakameynayo Cudurka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay madaxtooyada. Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Bulshada ayaa laf dhabar u ah dadaalka dowladdu ay kaga hortageyso faafidda cudurkan, sidaas darteed waxa waajib ah in aan u istaagno wacyigelinta bulshada, una hoggaansanno farriimaha caafimaad iyo qorsheyaasha lagaga hortageyo.” Ugu dambeytii Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhiirrigeliyey qorsheyaasha Caafimaad, dhaqaale iyo amni ee ay soo bandhigeen Guddiga Qaran ee xakameynta COVID-19, waxuuna ganacsatada Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay dadkooda u turaan wakhtigan adag. 24-kii saac ee u dambaysay waxaa dalka laga diiwaan geliyey 209-kiis oo Coronavirus ah, kuwaas 181 ka mid ah ay ku noolyihiin gobolka Banaadir, halka 28-ka kale laga diiwaan geliyey Somaliland. Sidoo kale 11 qof ayaa u geeriyootay cudurkaas 24-kii saac ee u dambeysay, halka 21 qof oo kale ay ka soo bogsadeen, sida lagu shaaciyey qoraal goordhaw ka soo baxay wasaaradda caafimaadka dowladda federaalka.