Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Habeen Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-habeen-432021-OK-.mp3 View the full article
  2. Asmara (Wararka PP) — Safaaradda Maraykanka fadhigeedu yahay Eritreeya ayaa taageertay baaris uu soo jeediyay ururka xuquuqda aadanaha Itoobiya ku saabsan gaboodfallo ay ciidammada Eritreeya ka geysteen magaalo taariikheedka Axum oo ku taalla gobolka Tigray. Madaxweynaha Eritreeya Isaias Afwerke (bidix) wuxuu Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed (midig) ka caawiyay jabinta kooxdii TPLF. “Waxaannu qabnaa in xogaha Amnesty International heshay la xiriira xasuuqa rayidka loogu geystay Axum aan la dhayalsanin, oo waxaannu soo jeedinayaa in warbixinno la rumeysan karo la baaro oo gaboofalayaasha lala xisaabtamo” ayay safaaraddu ku xustay hadal ay ku soo saartay bogga ay Facebook ku leedahay. Amnesty International waxay ku eedeysay ciidammada Itoobiya iyo Eritreeya inay muddo 24 saacadood si aan kala go’ lahayn oo aan loo kala aabbiyeelin loo duqeeyay magaalada Axum kaddib labada ciidan ay dilal sharcidarro ah ka geysteen magaalada iyagoo ka aargudanayay weerar uga yimid koox maleeshiyo ahayd. © Puntland Post, 2021 The post Maraykanka oo ku baaqay baarista gaboodfallo ka dhacay Tigree appeared first on Puntland Post.
  3. Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay doorka Xildhibaannada uga aadan xakameynta cudurka COVID-19, kaasi oo fara ba’an ku haya dalkeenna. Xildhibaan Cabdi Shire Cayaar jecel, Senator Zamzam Ibraahim Cali iyo Senator Nuuro Faarax Jaamac oo ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya, Golaha shacabka iyo Golaha Aqalka Sare, kana qeyb galay barnaamij dood furan ah oo lagu falan qeynayay sida loo dhaqan gelin karo go’aannada Xukuumada ka soo baxay iyo doorka Xildhibaannada uga aadan, ayaa sheegay inay dhankooda gacan weyn ka geysan doonaan wacyigelinta bulshada. Xildhibaannada ayaa xusay in telefoonada ay bulshada ugu soo dhaceyso fariimo wacyigelin ah oo ay ugu horeysay marka qofka uu telefon gacanta ah ehelkiisa iyo asaxaabtiisa wacayaan, taasi oo qeyb lixaad ah ka qaadan kara xakameynta cudurka COVID-19. Xildhibaannada ayaa waxa ay tilmaameen in uu jiro dadaal aad u xogan oo ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Caafmaadka ay waddo, iyagoo ganacsatada ugu baaqay in isbitaalada ay dhaqaale ku kabaan si bukaanada uu soo rito cudurka COVID-19 loogu gado haanta neefbixiyaha ah (Oxygen) Sheekh Axmed Cabdi Cumar oo ah nin sharci yaqaan ah, kana mid ha mashaa’iqda Soomaaliyeed oo isna barnaamijka ka qeyb galay ayaa soo jeediyay in la joogteeyo wacyigelinta bulshada, si shacabka ay faham buuxda uga helaan saameynta cudurka. View the full article
  4. Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 123 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 14 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 34 ruux. Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (76) iyo Somaliland (31) Jubbaland (13) iyo Koonfur Galbeed (3) qof, 76 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 47-na ay yihiin haween. Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 7,850 waxaa bogsootay 3,901 Ruux. guud ahaan 274 ruux oo kale ayaa u geeriyootay. Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay markale inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19. View the full article
  5. Waxaa inoo socotey dhibaatada ay keensan karto Mareegaha bulshada oo looga faa-iideysto si gurracan ama xataa xad-dhaaf ah, tusaale ahaan iyadoo keeni karta cudurro nafsaani ah ama (psychological illness), iyo cudurro jidheed oo xataa qaab-dhismeedka jidhka ku keena xanuunno. Bal ka warran qofka soo qaata Barkin ee moobilkiisa is hor-dhiga isagoo suxul keliya dhulka ku haya ee weliba muddo badan ku jira waxa loo yaqaan Chatting ama wada sheekeysi?. Bal ka warran adigoo kombiyuutarka hor fadhiya maalin kasta 4 saac oo xidhiidh oo aanad istaagtaagin oo jimicsan miyaanney indhahaaga, kelyahaaga, dhabarkaaga iyo xataa maskaxdaada waxyeello ku keeneyn fadhigaas badani?. Markeynu xaggaas caafimaadka iyo sidey mareegaha bulshada oo ay xidhiidh weyn wada leeyihiin internetku ka nimaadno waxaa jira dhibaatooyin ku xidhiidhsan kuwii hore oo ay ka mid yihiin oo ay keeni karaan isticmaalka faraha badan ee baraha bulshadu sida: 7. Reduction in real human contact-Waxaa ku yimaadda qofka ku welfa ama QABATIMA isticmaalka Baraha bulshada ama si kale mareegaha bulshada inuu dayaco xidhiidhka qoyskiisaoo ay u uku seego dantii reerkiisa ama ahalkiisa inuu wuxuun ka agaasimo. Xataa xidhiidhka Lammanaha is qaba ayuu dhib weynn u geystaa waayo marka midkood kombiyuutarkiisa ama moobilkiisa ku lumiyo waqti badan qofka kale kuma faraxsana inuu jaanis u waayo wada-sheekeysiga lammaanihiisa. 8. Loss of motivation in students- Dadka waxbarasha ku jiraa waa kuwa ugu badan ee dhibaato kasoo gaadho isticmaalka faraha badan ee Mareegaha bulshada. Ardeygii laga rabey inuu maalin kasta imtixaan gudbiyo, ama jaamacad iyo macaahid kale dhiganayey hadduu naftiisa ka qaban kari waayo isticmaalka faraha badan ee alaabtaas waxaa lagu xaqiijiyey research-yo badan inuu ku dhaco imtixaamadada. La soco …. Wacays Caanood faraska1988@gmail.com Qaran News
  6. Maxamuud Cabdi Shide Danjire,Siyaasi, Daljire iyo Waddani Aan Dib Loo helayn Maxamuud Cabdi Shidde waxa ay u yaqaanaan dadka reer Somaliland badiba inuu ahaa aabbaha saxaafadda cusub ee Somaliland, dabcan wuu ahaa oo waa lagu majeeran doonaa taa inta madaxeen saan leeyahay. haddana waxa uu ahaa horseedihii aaladda internetka oo aan isaga la’aantii suurta gal noqoteen in ay Somaliland soo gaadho. Waxa kale oo uu ahaa mid danyarta jecel oo ka xorroobay aragtidda qabiilka oo ah sun ku mudan dadka Soomaalidda ah guud ahaan iyo gaar ahaan dadka reer Somaliland. Haddana waxa uu ahaa nin gacan furan oo aanay bakhaylnimaddu agtiisa oolin waxaana taa marag kac uga ah sida Xasan Xaaji Cabdillahi(Xasan Ganey) iyo Abwaan Gaariyeba oo labaduba uga marag kaceen. Intaas oo kaliya ma’aha ee waxa uu lahaa hibbooyin wax curineed oo dhif ku ah dadka Somaliland iyo Somaliyaba inay keenaan fikraddo wax curineed taasi oo adduunka kale millaayiin dollar lagu kala siisto hindise ama fikir qof lahaa lana maalo isagoo adduunka ka hoyday oo sannooyim badan ka sii mootanaa kuwaasna Saudi Arabia ayaa u uku daah furay oo Adduun badan kaga helay. Intaas kuma koobna hibbooyinkii Maxamuud Cabdi Shidde, waxaanay noqon karaan qaar tiraba kor u dhaafa tobanaan iyo tobanaan waxaase ugu mudan oo aan qormaddan kaga faallo kaga bixin doonnaa hibbaddii uu u lahaa fahamka siyaasadda waa tan uu nin waliba siyaasi noqday ee Hadraawi ku yidhi maansadiisii “Rag Siayaasi Wada Noqoy” Maxamuudse ma ahayn kuwaasi ee waxa uu ahaa siyaasi dhab ah oo ka keenay maxsuul la wada arkay oo midho dhalay. Haddii aad ka waydo qof siyaasiya (Legacy) ama Dhaxal uu ka tagay oo la sii maalo waa been sheeganaya Siyaasi ee ma’aha. Sidaa si la mid ah haddii aad ka waydo abwaan ama mu’alif suugaantiisa laga reebi waayo Halkudhegyo waa iska gole ka fuul oo ma’aha Abwaan ama mu’alif dhab ah. Maxamuud Cabdi Shidde waxa uu ahaa dadka ay dhif ku tahay in laga helo dadka reer Somaliland isagoo kale waxaanu lahaa astaamo badan oo aan qof kaliya kuwada kulmin, kuwaasi oo aan ka xusi karo kuwan hoos ku taxan iyagoo oo aan ahayn kuwo aan la jeclaysaty ee ay yihiin kuwo uu u dhashay: Deeqsinimadii Maxamuud Cabdi Shidde Ma sahlana in qof noqdo mid dadka ka liita ama aan hayntoodu badnayn inuu hoos u eeggo oo uu u damqaddo sifahaa waxaa lahaa Maxamuud Cabdi Shidde oo ay dad badani uga marag kaceen oo aan ka xusi karo saddex qof oo kale ah Abwaan Gaarriye Alle ha u naxariisto’e, kaasi oo ka sheekeeyay dhacdo dhex martay isaga iyo Maxamuud Cabdi Shidde goor ay ahayd Ciid oo uu abwaanku faro madhnaa kana fikirayay reerkiisa iyo ciidda oo barri oo kale ah, waad dareemi kartaa adigoo faro madhan ooridaaddii iyo carruurtaaddiina aanay hayn wax ay ku ciiddan waana uurku taallo qof kasta uu si fudud u dareemi karo, taasi oo habeenimadda ay barri oo kale ciid noqonayso uu si kedis ah uga soo hor baxay Maxamuud Cabdi Shidde abwaan Gaarriye uuna u dhiibay dhowr boqol oo Dollarka oo Maraykanka ah waanad dareemi kartaa inta uu farxay abwaan Gaariye habbeenkaa oo inuu duulo ku dhawaaday, aadna u muusooday, ugana mahadnaqay kana sheekeeyay dhacdaddaa waliba si aan qarsoodi ahayn. Xasan Ganey Waa Abwaan kale oo isna ay is muteen Maxamuud oo isna farax iyo rayn rayn kala dheelmaday goobihii ay Abwaanka iyo Maxamuud isku muteen waliba markan Xasan Xaaji Cabdillahi Xasan “Ganey” waxa uu ku tiriyay Maanso uu ku tilmaamayo qofka uu ahaa Maxamuud Cabdi Shidde. Waa tan maanso dheer oo abwaan Xasan Ganey ku muuneeyey Maxamuud Cabdi Shidde, maansada oo Garab-daar la yidhaa waxaa ay tidhi: Godka hanadkii lagu riday Gurmadkiisa aasiyo Gogoshii tacsiyadiyo Gabayada baroorta le’ Rag intay ku dhilayeen Gurigayga kama bixin Manaan gabin halkaygee Waxaa Alle gaabshee Gadaal i ridaa jiray Geedigaasi waa kow Guurayoo haddana raray Garbo la hadhsanaayiyo Gabi baa dayaamo Waxa dhacay gu’wayniyo Geedkii habriiro Guumaysta taahdiyo Galowgiyo xiidkii Waxay giida la hayaan Hanad lagu goblamayoo Galbaday ogaaden Geedkaa ba’ geeraay Garabkii dugsoonaa Gabayo iyo wax lul badaniyo Gabadaraa ku socotee Goobtii qaboobaa markuu gudub jaleecaba Galiilya i qabatee geeridu xumaydaa Goblan talo aduunyooy markuu geesi hoydaba Garashaa u oydoo Sidii gabaygii cali yidhi Waxaan ahay geddiisee Intuu gaare gooni u lahaa Gocoshiyo xasuusba leh Gulufkii colaadihii Gobonimo u dirirkii Inagiyo gumaystaha Ragii guura bahalaha Gaadmiyo badheedhaba Ku guntaday dalkoodiyo Intii goolka dhalisiyo Gaashaan biruu ahaa Gocoshiyo xasuusba leh Wuxuu gaadh ka hayn jiray Danta guud xilkoodoo Waligii nin geesiya Gafuux uu ku raaciyo Uu gardaran yahay Guubaabinteed iyo Baaq iyo guhaadiyo In la geedi galiyoyo Hadba geesta dhowrta leh In uu godin u qaatiyo In uu gacan u gooyiyo Gocor iyo rifbaa jira Raadkiisa gurayoo Farta waxa ku godi jiray Inta gawska xeershe Goda raaca liitee Wuxuu galay Maxamed Wuxuu goday intii ogayd Gocoshiyo xusuusba leh Gabigeed aduunyada Waxa geedi lagu yahay Geeraarka libintiyo Gobartidu hadeer tahay Waa geeda saarka leh Garoomaha ciyaaraha Gudaha iyo dibada Tiinkii galaaskiyo Soo hooyay guulaha Gadhwadeen hogaaansho Lagu gam i’ jiruu ahaa Gooshoo macaashiyo Ganacsi u ma jeedine Geyiguu la rabay magac Gocoshiyo xusuus ba leh Goob la isku xaadhiyo Gole doodu adag tahay Xaajaduna gudubtooy Geed daaqsinkiiyo Tagtay buuro guudkood Go’na lagu cumaamaday Waxaan doqontu garanayn Fuluhuna ka gaabsaday Giir la iska kiciyo Isha la isku gabayiyo Inta gaarka wax u raba Goolaaftan koodii Ina shide Galgalashiyo Muu aqoonin galowdee Taladuu Galaankiyo Girgirkeeda hayn jiray Jeer uu gudoonsado Gurysamo in lagu wado Gocashiyo xusuusba leh Waxay guuyo xamataa gudhahana lacaaye Alla gacan furnaayee Marti fiid gab soo tidhi Subixiina kaa gudday Gaariyow ma buurne Intuu laba is guursaday Isku jecel gar iyo waaq Hayeeshe waqtigu gabay Gabashana ku kala nool Goldalooladoo diyo Goortuu xogtii helay Go’aan qaadashada dhow Isagoon garnaba dayin Nolosha u gardaarshee Maalmo gaaban dabadood Galbiyay ka yeedhee Gaafkooda lagu tumay Rugtiina gooni lagu qalay Gocoshiyo xusuus ba leh Intuu guri sabooloo Gadan karin anfaacadii Gurbood kuu la kariyiyo Hadba guuf ku tuuriyo Gasiin kooda siin jiray Garab daarna ku lahaa Galabba kuu ka madhan yahay Gocashiyo xasuusba leh. Taasina waa maansaddii Garabdaar oo aan ka soo garoocday gibin yar oo marag u ah qofkii uu Maxamuud Cabdi Shidde ahaa. Waa marag ma doon mar kale abwaan ka marag kacay. Siyaasi: Waa markan marka si balaadhan uu magaciisu u faafayaa waana hirdankii SNM iyo xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre, qarniggii tagay badhtamihii siddeetanaadkiisa, iyadoo xilligaa lagu hirdamayay gobaladdii Waqooyi ee hore (Somaliland) maanta iyo siddii loo soo dhicin lahaa gobanimaddii Somaliland ee ay lumiyeen 32 kii Xildhibaan ee Somaliland laga doortay marka laga reebo kii 33aad oo ahaa Michael Maryamo Cali oo ahaa Xildhibaankii ku taliyay inuu inala sii joogo xukunkii boqortooyadda Great Britain oo aynu ka barano qaabka dawladnimadda loo maamulo, ilayn ninankaa Taliyaani ka kacayo ee aynu doonayno inaynu bilaa shuruud gobanimaddeena farta ka saarnaa waxay haystaan 10 sanno oo is maamul hoose ah. Waana 10 kii sanno ee markii danbe inagu dileen ee ay inagaga adkaadeen, waana halka aan mar walba uga qiro Michael Maryamo Cali inuu ahaa Siyaasi aragti fog oo waliba ku darsaday sharci yaqaanimo (Lawyer). Taladiisii la diidayna waa la eeday, isaga iyo Garaad Cali oo isna talo taa la mid ah bixiyay oo aan dhag jalaq loo siin. Waxaase laga dheefay laga soo bilaabo 1960 kii ilaa 1991kii taasi oo ahayd 30 sanno oo halaag ah. Aan ku soo laabto Maxamuud iyo kaalinta uu ku lahaa halgankaa aan kor ku soo xusay waxa uu kaga qayb galay filim duubid uu jiidda hore ee dagaaladda ay foodda isku dareen SNM iyo xukuumaddii Siyaad Barre. Waxaanu noqday mid dhiiran oo soo duuba dagaaladdii faraha badnaa ee labadaa ciiddan ku dhex maray goobbo kala gadisan oo aan waxba la isku hanbayn si garab waliba guusha u hantiyo. Waxa caan noqotay in la yidhaa ma haysaa cajaladii dagaal hebel iyo dagaal hebel ee uu soo duubay Maxamuud Cabdi Shidde. Muqaaladaas oo aad waadax u ahaa sida loogana bogan karayay wixii dhacay. Goob goobahaas dagaalka ka mid ahna ay ku kulmeen si kedis ah Muuse Biixi Cabdi ( Shaani) iyo Maxamuud Cabdi Shidde, kaasi oo inta uu ka firka naxay Maxamuud oo aanu meesha ka filayn maadama oo uu ahaa nin ladan oo hantiile ah oo aanay u badnayn inuu iman doono goobbahan dagaalka. Halkaas oo wadahadalkii dhexmaray ay ka mid ahayd suaalsha Muuse ee uu waydiiyay waxa uu halkan ka soo doonay Maxamuud Cabdi Shidde? Taasi oo Maxamuudna kaga falceliyay in uu soo dagaal tagay oo uu wax ka soo dhicin doono Gobaad oo hore ay u lumiyeen 32 Muddane wakiilo ee Somaliland 1dii July 1960, taasi oo Muusena waa Muuse Shaaniye uu kaga fal celiyay in uu u baahan yahay in qori la siiyo hase ahaatee Maxamuud Cabdi Shidde waxa uu si fudud ugu sheegay, inuu sito mid ka tiiro dheer kaa uu Muuse Shaani ka hadlayo. Hadalkiisaas oo markii danbe dhaboobay markii aqalka sare ee odayaasha (Senator House) ee Maraykanka lagu daawaday cajaladihii uu duubay Maxamuud Cabdi Shidde oo aasaas u noqoatay in mucaawimaddii lagaga joojiyo Siyaad Barre iyo xukuumadiisii ka dib markii xukuumaddii Ronald Reagan ay garowsatay falalkii uu Siyaad Barre kula kacay Shacabkii ku noolaa magaalooyinka Hargaysa, Burco, Berbera iyo guud ahaan goboladdii Waqooyi ee hore. Miyaanu haddaba Maxamuud Cabdi Shidde ka siyaasisanayn. Muuse Biixi Cabdi (Shaani) oo maanta inoogu magacaaban madaxwayne qaran isagoo gees uu u la kaco garan la’ qaranimaddii halkaa adag lagu soo guryo hooyay. Allaylehe waa uu ka siyaasisanaa kana aragti dheeraa isaga waa Muuse Shaani iyo kuwo kale oo badan. Maxamuud Cabdi Shidde waxa uu lahaa (influence) saamayn uu wax ku badali karo, waxaana astaantaa yeesha qofka siyaasigga ah, waana ta ugu yar in la soo helo qof Somaliland u dhashay oo leh hibbo uu ku dhacsiin karo ama ku badali karo dad go’aan leh oo go’aankoodaasina saamayn milatari iyo mid siyaasadeedba yeelan karo, waana uu xaqiijiyay oo 100 Senator oo Aqalka duqaydda ee Maraykan ayaa uu ku badlay muuqaaladdii uu soo duubay oo tustay xaqiiqdii meesha taalay, beenisayna wararkii beenta ahaa ee Siyaad barre ku shubayay caalamka isagoo adeegsanaysa awooddii dawladeed oo dhan. Haddana waxaa taa beeniyay muuqaaladdii iyo kamaraddii Maxamuud Cabdi Shidde ee ka tiiro dheeraatay qorrigii Muuse Biix Cabdi oo isku arkayay inuu ahaa geesi balaayo ka dhacday, laakiin Maxamuud Eebbe qabrigga ha u nuuree in halkaasna ku dhaliyay goolkii uu ku hantay hibbaddii iyo awooddii uu Eebbe u siiyay si isbedel loo dhalin karo. Qormooyin danbena waxaan ku lafo guri doonaa haddii Hal-abuurnimaddiisii ganacsi iyo kaalintii uu ku lahaa Somaliland hadii Eebe ogolaado. Qore: Cabdi Muhumed. Cabdimuhumed60@gmail.com Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta shir gaar ah yeeshay golaha Midowga Musharaxiinta iyo Beesha Caalamka C6+, kaas oo ku qabsoomay aalladda Zoomka. Labada dhinac waxay shirkaas uga wada-hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka, waxayna isku raaceen in fursad la siiyo wada-hadalada u dhaxeeya Midowga Murashaxiinta iyo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta. Sidoo kale intii uu sacday shirkan waxaa hoosta laga xariiqay muhiimada heshiis labada dhinac ay gaaraan uu u leedahay shirka soo socda ee dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada oboleedyada. Ra’iisul wasaare Rooble ayaa caawa shirkii sedaxaad la yeelanaya golaha midowga musharaxiinta, kaas oo markii loo balansanaa inuu qabsoomo Khamiista maanta ah. Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray waxuu ku sheegay in caawa fiidka hore uu shirkaas ka furmayo Hotelka Decale oo ku dhex yaalla garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaas oo labadii shir ee kan ka horeeysay ay ka dhaceen. “Shirkii uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la ballansanaa Midowga Musharaxiinta waxa uu Inshallah Decale ka dhacayaa fiidkan, Wixii ku soo kordha waan idinla wadaagi doonaa,” ayaa Macalimuu ku yiri qoraalkiisa. Sidoo kale shirkan waxuu ku soo aadayaa iyadoo maanta uu fashilmay oo baaqday shirkii uu Madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo markii horaba ay midowga musharaxiintu ku tilmaameen mid Farmaajo ku xagal-dacinayo heshiisyada iyo kulamada u socda, iyaga iyo xukuumadda.
  8. Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM, ayaa maanta shaacisay in tobaneeyo muhaajiriin Afrikaan ah laga cabsi qabo in ay Arbacadii ku dhinteen xeebaha waddanka Jabuuti, kadib markii laga tuuray doonni ay la socdeen. Doonta oo siday 200 oo muhaajiriin ah, ayaa Arbacadii shalay ka tegtay xeebta Oulebi ee dalka Jabuuti, waxaana ay ku sii jeeday waddanka Yemen, ka hor inta aan badda lagu tuurin 80 qof oo kamid ahaa muhaajiriinta. Hay’adda IOM ayaa laga soo xigtay in saacad kadib markii doontu baxday ay Tahriibayaashu go’aansadeen in ay ka tuuraan 80 ruux, kadib markii culays saa’id ah laga dareemay doonta. Hay’adda waxay sheegtay in ilaa iyo haatan la helay maydadka 5 qof oo kamid ah muhaajiriintii doonta laga tuuray, balse weli la la’yahay 75 ruux oo kale. Muhaajiriinta ka tahriiba xeebaha Jabuuti, ayaa inta badan ka yimaada dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana ay u safraan dhanka Yemen, iyagoo uga sii gudba dalka Sacuudiga, si ay shaqa uga helaan. PUNTLAND POST The post Ilaa 80 muhaajiriin ah oo si khasab ah loogu daadiyay badda jabuuti appeared first on Puntland Post.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa shaaciyey goorta uu dhacayo wajiga sedaxaad ee shirarkii u socda xukuumadda xil-gaarsiinta iyo golaha midowga musharaxiinta, kaas oo loo balansanaa Khamiista maanta ah. Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray waxuu ku sheegay in caawa fiidka hore uu shirkaas ka furmayo Hotelka Decale oo ku dhex yaalla garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, halkaas oo labadii shir ee kan ka horeeysay ay ka dhaceen. “Shirkii uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la ballansanaa Midowga Musharaxiinta waxa uu Inshallah Decale ka dhacayaa fiidkan, Wixii ku soo kordha waan idinla wadaagi doonaa,” ayaa Macalimuu ku yiri qoraalkiisa. Waxaa jira shaki weyn oo laga muujinayo qabsoomidda shirkaas, sida ay ilo ku dhaw shirka u sheegeen Caasimada Online waxaa Ra’iisul wasaare Rooble lagu cadaadinayaa inuu ka baaqdo shirka Midowga Musharixiinta, waxuuna cadaadiskaas uga imaanayaa dhanka madaxweyne Farmaajo. Hadii uu caawa qabsoomo, waa shirkii seddaxaad oo Rooble uu la yeelanayo golaha midowga musharaxiinta, waxaana qodobada looga hadlayo oo miiska saaran ka mid ah, in xukuumaddu ogolaato in shirka heer federaal iyo heer dowlad goboleed ee looga hadlayo doorashada laga qeyb geliyo xubno metelaya midowga musharixiinta iyo saamileyda kale ee siyaasadda dalka. Dalabkaas oo soo taagnaa mudo dheer, isla markaana ay horay u soo jeediyeen Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, waxaa si weyn u diidan madaxweyne Farmaajo. Dhanka kale waxaa maanta fashilmay oo baaqday shirkii uu Madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo markii horaba ay midowga musharaxiintu ku tilmaameen mid Farmaajo ku xagal-dacinayo heshiisyada iyo kulamada u socda, iyaga iyo xukuumadda.
  10. 80 Tahriibayaala oo laga tuuray Doon Badda Jabuuti+Cida ka tuurtay,Dalalkay u dhasheen & Tirada Meydkooda la helay Tobaneeyo muhaajiriin African ah ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen Arbacadii kadib markii ay tahriibiyeyaal ay ku tuureen badda Jabuuti, xilli ay kusii jeedeen Yemen, ayaga oo rajeynaya inay garaaan Sacuudi Carabiya, si ay shaqo uga helaan. Doonta oo sidday 200 oo muhaajiriin ah ayaa ka tagtay xeebta Oulebi ee Jabuuti, 2:00 am, sida ay sheegtay Yvonne Ndege, oo ah afhayeenka hay’adda caalamiga ah ee socdaalka ee IOM. Hase yeeshee dad ka bad-baaday dhacdadan ayaa sheegay in saacad kadib markii ay doonta baxday, ay tahriibiyayaashu go’aamiyeen in doonta uu culeyska ka batay, ayna ka tuureen 80 qof, sida ay sheegtay Ndege. Waxa ay ku warrantay in illaa iyo hadda la helay meydadka shan qof. Dadka inta badan ku harqama xeebaha Jabuuti, ayaa ka yimaada dalalka Soomaaliya ama Ethiopia, ayaga oo isku dayaya inay ka baxsadaan saboolnimada ka jirta dalalkooda, islamarkaana shaqooyin ka raadinaya dalalka Sacuudi Carabiya ama Imaaraadka Carabta. Qaarkood ayaa marka ay gaaraan Yemen ku xannibma, kadib marka ay ku guul-darreystaan inay u gudbaan xuduudda Sacuudiga, waxayna kadib mararka qaar badda ku harqamaan ayaga oo isku dayaya inay dalalkooda kusoo laabtaan. Qaran News
  11. (SLT-Yemen)-Tobaneeyo muhaajiriin African ah ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen Arbacadii kadib markii ay tahriibiyeyaal ay ku tuureen badda Jabuuti, xilli ay kusii jeedeen Yemen, ayaga oo rajeynaya inay gadhaaan Sacuudi Carabiya, si ay shaqo uga helaan. Doonta oo sidday 200 oo muhaajiriin ah ayaa ka tagtay xeebta Oulebi ee Jabuuti, 2:00 am, sida ay sheegtay Yvonne Ndege, oo ah afhayeenka hay’adda caalamiga ah ee socdaalka ee IOM. Hase yeeshee dad ka bad-baaday dhacdadan ayaa sheegay in saacad kadib markii ay doonta baxday, ay tahriibiyayaashu go’aamiyeen in doonta uu culeyska ka batay, ayna ka tuureen 80 qof, sida ay sheegtay Ndege. Waxa ay ku warrantay in illaa iyo hadda la helay meydadka shan qof. Dadka inta badan ku harqama xeebaha Jabuuti, ayaa ka yimaada dalalka Soomaaliya ama Ethiopia, ayaga oo isku dayaya inay ka baxsadaan saboolnimada ka jirta dalalkooda, islamarkaana shaqooyin ka raadinaya dalalka Sacuudi Carabiya ama Imaaraadka Carabta. Qaarkood ayaa marka ay gaadhaan Yemen ku xannibma, kadib marka ay ku guul-darreystaan inay u gudbaan xuduudda Sacuudiga, waxayna kadib mararka qaar badda ku harqamaan ayaga oo isku dayaya inay dalalkooda kusoo laabtaan. REUTERS Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Fadhigii 71aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta qabsoomay, ayaa lagaga dooday qodobbo muhiima ah oo ay ka mid ahaayeen, arrimaha doorashooyinka, abaaraha soo foodsaaray meelo dalka ka mid ah iyo arrimo kale. Ugu horrayn golaha wasiirradu waxay fadhigii maanta ku lafo-gureen in la xoojiyo amniga waqtiga doorashada is-barkan ee wakiillada iyo deegaanka ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qorshaysan 31-05-2021-ka. Waxa kale oo goluhu isla qaatay sida inshuruucda doorashooyinku dhigayo warbaahinta dawladda oo ah hanti qaran, ay dhex u noqoto xisbiyada qaranka, lana sii dardargeliyo wada-shaqayntii hore uga dhaxaysay xisbiyada qaranka iyo warbaahinta dawladdu maamusho. Waxa kale oo uugoluhu go’aamiyey in guddidii abaaruhu dib u hawl-gasho, xubno xaqiiqo raadin ahna u dirto goobaha abaaruhu ka jiraan ee u baahan biyo dhaamis iyo raashin qaybin, isla markaana soo saarto baaq qaylo-dhaan ah, si loo bilaabo u gurmadka muwaaddiniinta tabaalaysan ee abaaruhu sameeyeen. Goluhu isaga oo ka duulaya baahiyaha soo noq-noqday ee la xidhiidha biyo yaraanta waqtiyada qaar waxay isla meel dhigeen in xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland sannadaha soo socda xoogga saarto qodista biyo xidheenno waaweyn, si looga faa’iidaysto waqtiyada abaaraha iyo biyo yaraanta. Ugu danbayntiina waxa uu goluhu isku raacay in si buuxda la soo celiyo wacyigelintii ka hortagga xanuunka Covid 19 oo wakhtigan dunida ku soo laba kacleeyey, lagama maarmaanna ay tahay in bulshada lagu barbaarujiyo khatarta uu leeyahay xanuunkaasi si loogu diyaar garoobo. ALLAA MAHAD LEH Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL. Source
  13. The International Organization for Migration says at least 20 migrants are dead after smugglers threw 80 overboard during a voyage from Djibouti in East Africa to Yemen. A statement says “smugglers started shouting there were too many onboard” after the boat with 200 migrants, including children under 18, set off on Wednesday. The IOM says five bodies have been recovered, and survivors are being treated in Djibouti. This has happened before as thousands of migrants continue to try to make their way from the Horn of Africa to Yemen and then on to rich Gulf countries. The coronavirus pandemic and the resulting closed borders have slowed but not stopped the flow of migrants. The IOM said about 138,000 people made the journey in 2019 but just 37,500 in 2020. It is not immediately clear what countries the migrants in this latest journey were from, but many make the voyage from Ethiopia and Somalia. In October, at least eight migrants drowned after smugglers forced them off a boat near Djibouti. In 2017, up to 50 migrants from Somalia and Ethiopia were “deliberately drowned” when a smuggler forced them into the sea off Yemen’s coast. And in 2018, at least 30 migrants and refugees died when a boat capsized off Yemen, with survivors reporting gunfire. View the full article
  14. Senior African Union Mission in Somalia (AMISOM) and Somali National Army (SNA) military chiefs visited the Ugandan troops in the southern region as part of efforts to plot joint operations against al-Shabab. The AU mission said on Thursday the joint visit by its force commander Diomede Ndegeya and Somalia’s Chief of Defence Forces Odowaa Yusuf Rageh is part of wider efforts to enhance coordination and joint military operations by the allied forces against the militant group. “The visit has the objective to set up staff and coordination activities in sectors, to engage sector commanders on enhancing joint offensive operations, to promote the spirit of cooperation and to synchronize operation plans,” Ndegeya said in a statement issued in Mogadishu. The Ugandan troops are in charge of sector 1, which includes the Lower Shabelle region of Somalia and Mogadishu and houses the headquarters of AMISOM and international partners. Ndegeya lauded Ugandan troops for their immense role in restoring security and stability by degrading the al-Shabab and winning the hearts and minds of local Somali communities. “Allow me to congratulate through you, sector commanders – both AMISOM and SNA, and all the brave SNA and Ugandan soldiers who, recently, on Feb. 20 put out of action 60 al-Shabab militants, including some of their commanders,” Ndegeya said. The joint visit is also part of efforts to enhance synergy between the two forces in the implementation of the Somali Transition Plan, under which the mission will gradually hand over security responsibilities to Somali security forces and exit by 2021. The AMISOM said the joint visit is part of wider efforts to enhance coordination and joint military operations by AMISOM and the SNA against al-Shabab. On his part, Rageh, commended AMISOM for its contribution to the stabilization of Somalia, noting that SNA is keen to harmonize strategies. Uganda is one of the Troop Contributing Countries under AMISOM and was the first country to volunteer its troops to the mission when it was formed in 2007. View the full article
  15. First Avenue in Nairobi’s Eastleigh estate will in the next two weeks be renamed Yusuf Haji Road in honour of the late Garissa senator. Source: Hiiraan Online
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Daladda waxbarshada ee FPENS ayaa qoraal ay maanta soo saartay waxay dowladda Soomaaliya uga dalbatay in dib u eegis lagu sameeyo go’aankii xukuumadda xil-gaarsiinta ka soo baxay 2-dii bishaan, kaas oo mudo laba todobaad ah lagu fasaxay goobaha waxbarashada, sababo la xariira faafitaanka cudurka COVID-19. Waxyar kadib markii ay soo baxday warqadda dalladaas, qoraal kale oo ka soo baxay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa mar kale looga codsaday daladaha waxbarashada ahliga ah, jaamacadaha iyo iskuullada inay dhaqan geliyaan go’aanka xukuumadda. Daladda FPENS ayaa ku dooday in markii dib loo eego casharadii ay bahda waxbarashadu ka baratay go’aankii sidaan oo kale ay hadda ka hor xukuumaddu u soo rogtay aysan u saamaxay inay kan cusub u hoggaansamaan, iyagoo soo bandhigay dhowr qodob oo dib u dhac ah. “Go’aankaan cusub waxaa ka dhalanaya in dugsiyadu burburaan, adeegyada waxarashadu meesha ka baxaan, in ay adkaato sidii dib loogu furi lahaa dugsiyada. In qoysas badan oo ku tiirsan dakhli ka soo gala waxbarashada ay u burburaan dhaqaale xumo awgeed, in uu saameyn ku yeesho natiijada imtixaanka sanad dugsiyeedkaan 2020-2021,” ayaa lagu yiri qoraalka Daladda FPENS. Sidoo kale dalladu waxay ku dooday in la beegsaday waxbarashada oo kaliya, laakiin ay dalka si caadi ah u yimaadaan dullimaadyada caalamiga ah, kuwa qaadka, sidoo kalena aysan waxaba iska bedelin suuqyada iyo gaadiidka dadweynaha. Dhanka kale Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha, iyo Tacliinta Sare oo qoraal soo saartay wax yar un kadib qoraalka daladdan ayaa goobaha waxbarashada dalka ka codsatay in la dhaqan geliyo go’aankii xukuumaddu ay ku soo rogtay furnaashaha goobaha waxbarashada. “Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS oo dhaqan-gelineysa amarka Xukuumadda ee ahaa in la xiro goobaha Waxbarashada, waxay fareysaa dalladaha Waxbarashada, maamuleyaasha Iskuullada iyo Guddoomiyeyaasha Jaamacadaha inay u hoggaamsamaan amarka xiridda goobaha Waxbarashada muddo labo todobaad ah oo ka bilaabaneysa 3-da Maarso 2021,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda. Hoos ka akhriso qoraaladan oo dhameystiran
  17. Muqdisho (SMN)- Halkan ka dhageyso warka Duhur Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2021/03/Warka-Duhur-432021.mp3 View the full article
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo saaray go’aano culus oo la xiriira xakameynta Coronavirus, si looga hortago fidis xanuunkan oo mar labaad kusoo laba-kacleeyey gudaha dalka Soomaaliya. Maxkamadda Sare ayaa shaaca ka qaaday in l a joojiyay dhammaan dacwadaha inta aan aheyn kuwa ciqaabta, illaa inta lagu guda jiro cudurka saf-marka ah ee Covid-19. Sidoo kale qoraal ka soo baxay Maxkamadda Sare ayaa waxaa si gaar ah loogu socod-siiyay hay’adaha Garsoorka dalka iyo laamaha amniga Soomaaliya. Maxkamaddu waxay sheegtay in ay sii socon doonaan kiisaska dacwadaha ciqaabta ku saabsan, inta laga soo sa Dhinaca kale warqaddan ayaa waxaa lagu shaaciyey inay sii socon doonaan kiisaska dacwadaha ciqaabta ku saabsan, inta laga soo saarayo go’aan kale oo rasmi ah. Go’aanadan ayaa kusoo aadaya, xilli dowladda Soomaaliya ay horey usoo rogtay xayiraado lagu xakameynayo fidista cudurka saf-mareenka ah ee Coronavirus. Halkan hoose ka aqriso:- Laga bilaabo 6.03.2021, waxa la hakiyey dhagaysiga, furashada iyo fulinta dhammaan dacwadaha aan ciqaabta ahayn illaa go’aan dambe. Waxa la furi doonaa lana dhagaysan doonaa dacwadaha ciqaabta ah oo kaliya inta uu go’aan kale ka soo baxayo dacwadaha aan ciqaabta ahayn. Dhammaan hawl-wadeenada Garsoorka waxa la farayaa in ay guryahooda ku shaqeeyaan marka laga reebo hawl-wadeenada ay maalintaas dacwad ciqaab ahi u mudaynsan tahay, kuwa horgeynta leh iyo maamulka hay’adaha Garsoorka. Dhammaan garmaqalada maxkamaduhu waxay noqon doonaan kuwo dadweynaha ka xiran., waxaana la joojiyey ka qaybgalka dadweynaha ee dacwadaha inta lagu jiro xaalada xanuunka Covid-19. Maxkamaddaha, Xeer Ilaalinta, Qareenada, Saldhigyada Booliiska iyo Waaxda Dambi Baarista waxa la farayaa in ay xil iska saaraan in ay si taxadar leh u socodsiyaan dacwadaha ciqaabta ah iyagoo qaadaya talaabooyinka muhiimka u ah xakamaynta iyo ka hortagga faafida xanuunka Covid-19, dhawrayana bedqabka maxaabista iyo haw wadeenada. Garsooreyaasha waxa la farayaa in ay dacwadaha ku dhagaystaan qolalka loogu talogalay dhagaysiga dacwahada oo kaliya, kana dheeraadaan in ay xafiisyadooda dacwad ku dhagaystaan. Xafiisyada Xeer Ilaalinta iyo Maxkamaddaha Rafcaanku waa in ay si joogto ah ula socdaan xaalada xabsiyada iyo maxaabiista. Ciidamada Asluubta waxa la farayaa in ay joojiyaan booqashada dadweynaha ee xabsiyada maxaabiista si looga fogaado in xanuunku xabsiyada ku faafo 9. Waxa la joojiyey kulamada tooska ah iyo tababarada. Wixii kulamo ah waxa loo adeegsan habka fogaan-araga. Hawl-wadeenada Garsoorka waxa la farayaa in si buuxda ugu hogaansamaan awaamirta iyo talaaboyinka lagu xakamaynayo faafida xanuunka ee ka soo baxa Wasaaradaha Caafimaadka ee Dawlada Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka
  19. Garowe (PP News Desk) — As the security situation in some cities in Puntland deteriorates, Puntland State Government introduced a new policy to ban firearms in towns. Bosaso, the commercial city, pioneered the ban, with Karkaar following suit. This is a major security policy that aims to criminalise firearms carried by civilians in towns. Many people carry concealed handguns concealed, a situation that terrorist groups exploit to carry out targeted assassinations. President Deni’s administration prefers top-down securitisation approach to the legislature’s role in proposing and enacting security-related policies. Under the new policy only security forces are allowed to carry forearms. Citizens are allowed to keep their firearms at their properties or business premises. Random searches conducted by Bari regional administration last month produced startling results. Many civilians carry weapons in their vehicles, making it difficult for security forces to foil Al-shabaab and ISIS plots to destabilise Puntland cities. No citizen has been charged for carrying firearms. People cited self-defence as the primary reason for carrying concealed guns. The new ban is fraught with legal ambiguities. There is less clarity on how authorities will distinguish between violators with possible links to terrorist groups and those who still lack confidence in the competence of security forces nipping terrorist plots in the bud. Region-wide security measures get introduced in Puntland without Parliamentarians or Councillors discussing issues that affect their constituencies. The disconnect between Puntland legislature and district councils poses governance hurdles for the Federal Member State that will conduct a controversial pilot local elections in three designated districts in 2021. © Puntland Post, 2021. The post Puntland Bans Firearms in Towns appeared first on Puntland Post.
  20. MOGADISHU (HOL) - The electoral talks slated for today between President Mohamed Farmaajo and Federal Member States did not commence after it emerged that regional leaders did not travel to Mogadishu. Source: Hiiraan Online
  21. Daallada waxbarashada ee FPENS ayaa si weyn uga hortimid go’aankii kasoo baxaya dowladda Soomaaliya ee lagu xiray goobaha waxbarashada, sababo la xiriira Covid-19. Warsaxaafadeed kasoo baxay dallada oo nuql ka mid aha lasoo gaarsiiyey Shabelle ayaa marka hore lagu faah-faahiyey sameyntii laga dhex-lay xayiradihii lasoo rogay sanadkii hore. Sidoo kale waxa ay dalladu soo jeedisay in dib u eegis lagu sameeyo go’aanka cusub ee ay soo rogtay dowladda Soomaaliya ee lagu xiray Jaamacada & Iskuullada. FPENS ayaa shaaca ka qaadyay in go’aankan uu saameynayo mustaqbalka arday badan oo Soomaaliyeed & qoysas ku tiirsanaa dakhliga kasoo gala waxbarashada. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article