-
Content Count
203,519 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Washington (Caasimada Online) – Mudanayaasha Xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa dib u soo ceshtay aqlabiyadda Aqalka Odayaasha, kaddib markii ay saddex kursi oo kamid ah kuraasta Senatka kaga guuleesteen mudanayaashi horay ugu fadhiyay ee xisbiga Dimoqraadiga. Aqalka Senate-ka oo ka kooban 100 kursi ayay Jamhuuriyiintu ku guuleysteen 52 ka mid ah, halka Dimoqraadiyiintu ay heystaan 48. Tani ayaa u sahli doonta madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump marka xilka loo dhaariyo kadib in uu si fudud ku marsiiyo ajandayaashiisa siyaasadeed. Mitch McConnell, oo noqon doona guddoomiyaha aqlabiyadda ee Aqalka Senatka ayaa sheegay in Aqalka Odayaasha ee soo socda uu waardiye muhiim ah u noqon doono America. “Maalin wanaagsan ayay u tahay Xisbiga Jamhuuriga,” ayuu McConnell u sheegay wariyaasha Arbacadi shalay. Hase ahaatee, waxaanan wali go’aan laga gaarin halka uu dhici doono Aqalka Wakiillada, oo aaney wali soo bixin natiijada rasmiga ah ee qaar kamid ah kuraasta lagu tartamay Talaadadi. Dhammaan kuraasta Aqalka Wakiillada oo ka kooban 435 ayaa lagu tartamay. Wali Aqlabiyadda waxaa heysta Jamhuuriga, lamana oga in ay sii heyn doonaan iyo in Dimoqraadigu heli doono. The post Jamhuuriyiinta oo la wareegay aqlabiyadda Aqalka Senate-ka Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Itoobiya ayaa Khamiista sheegtay in ay baarayso dilka 48-ka qof ee lagu dilay gobolka Oromia ee rabshadaha ay ka socdaan, waxayna eedda dhiiggan la daadiyey dusha ka saartay mucaradka. Weerarkan oo ay fuliyeen Jabhadda Xoreynta Oromada (OLA), oo ah mid Addis-Ababa ay u aqoonsan tahay argagixiso, ayaa toddobadkii tegay ka dhacay degmada waqooyi ee Shewa ee galbeed ka xigta caasimadda, sida uu sheegay Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya (EHRC). Ugu yaraan 48, oo uu ku jiro mas’uul degmo, ayaa la dilay. “Xaaladda aagga hadda aad ayay u kacsan tahay,” Ato Badassa, oo ah madaxa gobolka ee ee hay’adda EHCR ee dowladda xiriirka la leh balse madax-banaan ayaa u sheegay AFP. Tiro dad ah ayaa sidoo kale la afduubay, ayuu yiri, isagoo aan sheegin tirada. Oromia, oo ah gobolka ugu dadka badan Itoobiya, ayaa tan iyo 2018 waxaa ka socday kacdoo ay wadaan jabhada OLA, ayadoo wadahadallo nabadeed ay ku guuldareysteen inay ka soo baxaan horumar la taaban karo. Gobolka oo dhaca bartamaha dalka, islamarkaana ku hareeraysan caasimadda, ayaa waxaa hareeyay colaado badan oo ay ka mid yihiin is-qabqabsi siyaasadeed, murano dhul iyo colaado qowmiyadeed. Ururka OLA waxa ay dawladu ku eedaysay in ay soo abaabushay xasuuqyo, taas oo ay jabhaduhu beeniyeen. Mas’uuliyiinta dowladda ayaa iyagana lagu eedeeyay inay wadaan olole aan kala sooc lahayoo sii huriyay carada Oromada. Awoodda OLA, oo lagu qiyaasay dhawr kun oo rag ah sanadka 2018, ayaa kor u kacday sannadihii u dambeeyay, in kasta oo dadka indha-indheeya ay aaminsan yihiin in aanay si ku filan u abaabulneyn ama u hubeysneyn si ay khatar dhab ah ugu noqdaan dawladda. In kasta dagaalkii arxan darada ahaa ee labada sano ka socday gobolka waqooyi ee Tigray la soo afjaray November 2022, waxaa weli ka socda Itoobiya colaado aad u tiro badan oo ay ku jiro mid ka taagan gobolka Amxaarada. Dhanka kale, ciidamada Itoobiya ayaa si aan kala sooc lahayn xabsiga ugu guraya kumannaan qof oo rayid ah oo ku jira xeryo ku meel gaar ah oo ku yaalla gobolka Axmaarada, halkaasoo ay ka socdaan kacdoonno hubeysan oo ka dhan ah dowladda federaalka, sida ay Arbacadii ka digtay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International. Laga soo bilaabo April 2023, dawladda federaalku waxay dagaal kula jirtay Fano, oo ah maleeshiyo “is-difaac” oo muddo dheer ay laheyd qowmiyadda Axmaarada, oo ah tan labaad ee ugu tirada badan Itoobiya. Bishii September, ciidanka federaalku waxa ay gobolka oo dhan geeyeen ciidamo aad u badan, ayaga oo ay weheliyaan maamulka amniga Amxaarada. The post Mucaaradka Itoobiya oo 48 qof ku dilay weerar culus appeared first on Caasimada Online.
-
Malabo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Guinea Teodoro Mangue, ayaa sheegay in qof kasta oo shaqaale ah oo lagu qabto isagoo galmo ku sameynaya xafiis shaqo uu muteysan doono ciqaab adag. Arrintan waxay ku soo aadeysaa iyadoo oo ay baraha bulshada ku baaheen muuqaalo nin lagu magacabo Baltasar Ebang Engonga oo sida la sheegay xiriir la sameeyay dhowr haween oo la sheegay inay yihiin xaasaska dadka caan ah uu ku baahay baraha bulshada. Baltasar Ebang Engonga waa madaxa hay’adda baarista dambiyada la xiriira maaliyadda qaranka, waxa ayna walaalo yihiin madaxwaynaha dalka. Farriin uu Mangue ku baahiyay baraha bulshada gaar ahaan X ayaa lagu yiri “Waxay sii wadayaan shaqada ay ka joojinayaan dhammaan shaqaalaha ku dhaqma falalka anshax xumadda ah a ee wasaaradaha dalka”. Mangue waxa uu intaa ku daray in Dawladdu ay ciqaabi doonto cid kasta oo lagu qabto falkan sababtoo ah “wuxuu ka soo horjeedaa” buu yiri sharciga shaqada ee Equatorial Guinea. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in Kaamirooyin lagu rakibay xarumaha kala duwan ee shirkadaha, wuxuuna uga digay shaqaalaha inay ka fogaadaan wax kasta oo ka hor imaanaya sharciga dalka. “Anshaxa iyo ixtiraamka ayaa aasaas u ah maamulkayaga, mana ogolaanayno in dhaqanka mas’uuliyad-darrada ah uu wax u dhimo kalsoonida shacabka,” ayuu yiri Teodoro Mangue. “Mas’uuliyadda iyo karti-xirfadeedku waa inay noqdaan tiirarka shaqadayada shaqaale dawladeed,” ayuu intaa ku daray. Madaxa cadaalada ee dalka Equitorial Guinea ayaa sheegay in ay run tahay in Baltasar Ebang Engonga uu taageero ka helay haweenka ka hor inta uusan sameyn muuqaalkan ku faafay baraha bulshada, balse laga saari karo maxkamadda dambiyada caafimaadka bulshada hadii lagu helo in uu qabo cudur la is qaadsiiyo. Garsooraha ayaa intaa ku daray in tani ay tahay qorshe dowladeed oo lagu xaqiijinayo in qof kasta oo shaqaale ah uu u hoggaansamo sharciga, si sax ahna u guto shaqadiisa, isla markaana ixtiraamo saaxiibadiis. Madaxweyne ku xigeenka Teodoro Mangue ayaa xaddiday xiriirka galmada ee u dhexeeya shaqaalaha wuxuuna ka codsaday shaqaalaha inay xoogga saaraan shaqada ay u yimaadeen inay qabtaan. Waa kuma Baltasar Engonga? Baltasar Ebang Engonga waxaa uu ka mid yahay madaxda xukuumadda Equatorial Guinea waana siyaasi. Da’diisa ayaa lagu sheegay inay tahay 54 jir. Waxa uu ahaa madaxa Hay’adda Baaritaanka dambiyada la xiriira Maaliyadda ee Qaranka (ANIF). 1998-kii ayuu shaqada dowladda bilaabay markii loo magacaabay wasiirka waxbarashada. Mr Engonga wuxuu ka shaqeeyaa wax ka qabashada dambiyada maaliyadeed sida lacagaha sida sharci darada ah loo kala gudbiyo. Baltasar Ebang Engonga waa wiilka Baltasar Engonga Edjoo, oo ah madaxa bulshada dhaqaalaha iyo lacagta ee bartamaha Afrika (CEMAC). Waa xaas, wuxuuna leeyahay lix carruur ah. Muqaalo dhawaan soo baxay ayaa lagu soo waramayaa in la arkayo Baltasar Ebang Engonga oo xafiiskiisa kula galmoonaya dumar kala duwan oo ay ku jiraan xaasaska mas’uuliyiin caanka ah. Dumarka uu galmada la sameeyey ee uu fiidiyowyada ka duubay ayaa tiradooda lagu qiyaasay ilaa 400. Muqaalada su’aalaha la iska weydiinayo ayaa la faafiyay ka dib markii Mr Engonga loo xiray eedeymo musuqmaasuq oo kala duwan, waxaa sidaasi sheegay telefishinka dowladda. Intii lagu guda jiray baaritaanka ayaa waxaa ay saraakiisha gacanta ku dhigeen kombuyuutar uu isticmaalayay Baltasar Ebang Engonga, halkaasi oo laga helay muuqaalo galmo ah ka dibna ku faafay baraha bulshada. Ilaa iyo hadda ma jirta wax war ah oo ka soo baaxay Baltasar Ebang Engonga. The post Muxuu ahaa ninkan reer Equatorial Guinea ee caalamku hadal hayo waxa uu sameeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka ayaa xalay saqdii dhexe weeraray guri uu magaalada Beledweyne ka deganaa nin sheegtay madaxweynaha maamul uu ugu magac daray Hiiraan State, kaas oo la ogaaday in Itoobiya uu gacan saar la leeyahay. Cabdullahi Cabdiraxmaan Aadan ayaa lagu magacaabaa ninkaas, waxaa calay gurigiisa u dhacay ciidan ka tirsan hoggaanka sahanka iyo sirdoonka ciidanka xoogga dalka, balse kuma guuleysan inay qabtaan. Gurigii loo dhacay ee ninkaasi deganaa waxaa loogu tegay aqoonsigiisa oo (la-taliye wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya) ay ugu qoran tahay, Calanka Itoobiya iyo agabyo kale oo ciidan, balse xiliga la galay gurigiisa waa uu ka maqnaa. Saraakiil ka tirsan ciidankii howlgalka fuliyey ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in ninkaasi uu u baxsaday dhanka magaalada Feerfeer, waxaana dabagal ku haya ciidanka xoogga dalka. Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada ayey waaran soo qabasho ah ka wateen ciidanka xalay guriga u dhacay, waxaana ciidanka lagu amray inay soo qabtaan ninkaas iyadoo wax khasaare ah uusan dhicin. Sida ay ogaatay Caasimada Online, sarkaalka xalay gurigiisa la weeraray waxay Itoobiya u balan qaaday inay u tababareyso ciidamo maleeshiyaad ah oo dhowr kun ah, si danaha Itoobiya ee gudaha Soomaaliya loogu adeegaado. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u sheegay in dowladda Itoobiya ay gudaha Soomaaliya ka wado qorshada maleeshiyaad u fuliya danaheeda gaarka ah, taasna ay ka hortegi doonto dowladda Soomaaliya. Dhowaan dowladda Soomaaliya ayaa dalka ka ceyrisay sarkaal ka tirsanaa safaaradda Itoobiya ee Muqdisho, kaas oo ku howlanaa abaabulka ciidamo maleeshiyaad ah oo gudaha Soomaaliya uu ka waday, waxaana ku fahantay dowladda Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa TV-ga Qaranka u sheegay in lix bilood ay ninkaas ku raad-joogtay dowladda Soomaaliya, si loo ogaado waxa uu ka shaqeynayo, taasi oo fududeysay in ugu dambeyntii dalka laga ceyriyo. The post Xog: Ciidanka xoogga u dhacay guriga nin arrimo xasaasi kala shaqeeya Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo magacaabay Guddi kumeel gaar ah oo ka kooban 15 xubnood oo Xildhibaanada iyo Senatorrada labada Aqal isugu jira. Guddigaan ayaa ka shaqeynaya diyaarinta xeerarka doorashooyinka Ururada iyo Xisbiyada, xeerka doorashooyinka iyo sharciga dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka. Baarlamaanka labada Aqal ayaa toddobaadkan muddo bil ah dib u dhigay fasaxooda, kadib codsi uu ka hor jeediyay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh. Waxaa la filayaa in dhawaan uu Baarlamaanka Soomaaliya bilaabo doodaha la xiriira xeerarka doorashooyinka, maadaama deg deg looga sugayo guddiyadii jiheyn lahaa doorashooyinka. Kalfadhigaan ayuu qorshuhu ahaa in toddobaadkii hore uu xirmo xildhibaanaduna ay galaan fasaxooda caadiga ah oo labo bilood ah, balse muddo bil ah ayaa lagu daray kulamada golaha, waxaana sidaas baarlamaanka ka codsaday Xasan Sheekh. Guddiga ay Guddoomiyayaasha labada Gole ee BFS soo magacaabeen ayaa kala ah: Xil. Mahdi Maxamed Guuleed Sen. Iftiin Xasan Imaan Xil. Xiis Xasan Aadan Sen. Zamzam Daahir Maxmuud Xil. Cabdi Ibraahim Warsame Xil. Ilyaas Sheekh Axmed Ibraahim Xil. Nurulcayn Khaliif Sheekh Abuu Sen. Cabdiqani Ugaas Geele Maxamed Xil.Maxamed Muxumed Maxamed Xil. Sayid Cali Isxaaq Maxamed Sen.Aadan Cabdinaasir Maxamed Xil.Dahabo Suusow Maxmuud Sen. Bilaal Idiris Cabdullahi Xil. Cali Xasan Ibraahim Xil. Yuusuf Xeyle Jimcaale Waajibaadka Guddiga ayaa ah: Ka baataandegga iyo Diyaatinta Xeerarka Doorashooyinka, Ururrada iyo Xisbiyada siyaasideed, iyo Sharciga dhismaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha. U soo gudbinta labada aqal oo wadajira warbixin dhamaystiran oo ku saabsan xeetarka kor ku xusan. The post Baarlamanka oo magacaabay guddi ka shaqeynaya arrin aad looga horyimid (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo wariyeyaasha kula hadlay magaalada Garoowe ayaa ka horyimid tallaabo uu qaaday madaxweynaha Soomaaliya oo ku aadan Soomaalida ku nool dalka Jarmalka. Caydiid ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu aqbalay in lasoo masaafuriyo qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalkaas, taasina ay tahay arrin nasiib darro ah. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in maalmahan oo dhan ay dowladdu qaadeyso tallaabo ka dhan shacabka, isaga oo soo hadal qaaday howlaha burburinta ee ka socda Muqdisho. Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dhulalka danta guud ee lala wareegayo ay ka dambeyso dan dhaqaale, isla markaana laga macaashayo ganacsato la siinayo dhulkaasi. “Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu ka shaqeenayo waa in dadka Soomaaliyeed ee masaakiinta ah laga saaro guryahoodii oo kaliya in laga dudumiyo guryahan si loo helo dhul ay dad gaar ah ka macaashi doonaan in dadka magan-gelyo-doonka ah ee Yurub jooga dib loogu celiyo Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamul goboleedka Puntland. Waxaa sidoo kale arrinta soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Jarmalka ka hadlay ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo sheegay in Xasan Sheekh Maxamuud uu saxiixay heshiis Jarmalka looga soo celinayo dad Soomaaliyeed. “In Madaxweynaha Dalku saxiixo heshiis dalka Jarmalka looga soo tarxiilayo dad Soomaaliyeed, iyadoo aysan dowladdu wax ka beddelin duruufihii dalka ee ay ka tahriibeen, una diyaarin qorshe nololeed, fursado shaqo, iyo mustaqbal yididiilo leh oo ay u soo noqdaan, waxay muujinaysaa qorshe la’aanta iyo mas’uuliyad-darrada dowladda. Waxaana ayaandarro ah in Madaxweynaha Dalku uusan fahamsaneyn saameynta uu go’aankani ku yeelanayo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool daafaha dunida” ayuu yiri Mr. Khayre. Xasan Cali Khayre ayaa sidoo kale sheegay in go’aankan uu saameyn karo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dibadaha, taasina ay noqon doonto caqabad soo korortay. Si kastaba, arrintan ayaa dhalisay hadal heyn xoogan oo qabsatay baraha bulshada, wuxuuna warkan noqday mid faafay oo walaac ku abuuray Soomaalida dalka Jarmalka. The post PUNTLAND oo ka hortimid tallaabo uu qaaday XASAN appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddi Kumeel gaar ah oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka kaasoo u xilsaaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururrada iyo Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sidoo kale soohdimaha. Guddigan oo ka kooban 15 xubnood oo isugu jira senatarro iyo xildhibaanno ayaa loo igmaday inay soo diyaariyaan warbixin iyo xog aruurin ku saabsan xeerarka doorashooyinka dalka, ururrada iyo xisbiyada, iyo sharciga loo marayo dhismaha guddiga doorashada. Qabashada doorasho qof iyo cod ah ayaa kamid ahayd qodobadii ka soo baxay shirka madasha wada-tashiga qaran, balse maamullada Puntland iyo Jubbaland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa diiddan oo shaki galinaya sida ay doorasho aan dalku u diyaarsanayn loo qaban karo. Source: goobjoog.com
-
Waxa maanta si rasmi ah xisbiga Waddani ugu biiray Cabdilaahi Abokor oo ka mid ahaan jiray wasiiradda ugu tunka weyn xukuumadda Muuse Biixi. Wasiir hore Maxamed Abokor oo ku sugnaa magaalada Burco ayaa saxaafada ka soo muuqday isaga oo ku soo biiray xisbiga Waddani oo ah xisbiga badbaadada Somaliland. Qaran News
-
AQOKwfV_jzWpZ2PMl5Ke6ECFeqhnjY-XR9gwTl5fzGrMsO-r6jrrwxS-h6pX2FgNX7a4LCam-28O0ETUjkGD0cv0 Qaran News
-
The unquotable Bihi: “As you know, this week Abiy Ahmed said that even if he does not sign the maritime Memorandum of Understanding with Somaliland, future Ethiopian generations will.” Hargeisa (PP News Desk) — The President of Somaliland’s administration, Muse Bihi Abdi, yesterday claimed that the purpose of signing a maritime Memorandum of Understanding with the Prime Minister of Ethiopia, Abiy Ahmed, in January was “to secure diplomatic recognition for Somaliland.” While on the election trail in Hargeisa, Bihi gave a speech portraying the illegal maritime MoU as one of his administration’s achievements. He misquoted Abiy Ahmed and misinterpreted the Ethiopian Prime Minister’s remarks about seeking access to the sea. “As you know, this week Abiy Ahmed said that even if he does not sign the maritime Memorandum of Understanding with Somaliland, future Ethiopian generations will,” Bihi said. A clip of the speech by Bihi in which he misquoted Abiy Ahmed. Abiy Ahmed, the Prime Minister of Ethiopia, claimed that Ethiopians of the present generation owe it to future generations to secure access to the sea. Abiy claimed that Ethiopians of the present generation owe it to future generations to secure access to the sea. In response to this provocative statement, President Hassan Sheikh Mohamud of the Federal Republic of Somalia stated that Ethiopia should lose the privilege of hosting the African Union headquarters due to violations by Ethiopia against the territorial integrity of a member state. “Somalia has formed a defence pact with Egypt and Turkey to contain the expansionist regime of Ethiopia. The [British] colonial administration allowed Ethiopia to annex Somali territories, yet Ethiopia now seeks to annex territory belonging to [an independent] Somalia,” President Mohamud said earlier this week in a speech to the bicameral legislature in Mogadishu. © Puntland Post, 2024 The post Muse Bihi Misinterprets “sea access” remarks of the Ethiopian Prime Minister appeared first on Puntland Post.
-
Washington (Caasimada Online) –Madaxweynaha xilka ka degaya ee dalka Mareykanka Joe Biden ayaa jeediyey hadalkiisii ugu horreeyay ee fagaare uu ka jeediyo tan iyo markii xisbigiisa Dimuqraadiga ah uu lumiyay Aqalka Cad. Joe Biden ayaa sheegay in guulaha madaxweynanimadiisa la dareemi doono toban sano, isagoo ballan qaaday in uu si habsami leh oo nabad ah ugu wareejin doono xilka Madaxweynaha la doortay Donald Trump. “Waxa aan ka tageynaa Mareykanka oo leh dhaqaalaha ugu xooggan adduunka,” ayuu yiri Joe Biden oo xisbigiisa looga guuleystay doorashada Mareykanka. Wuxuu intaas ku sii daray, “Hadda waxa aan haysanaa 74 maalmood oo aynu ku dhameeynayno waqtiga muddo xileedkayagu, aynu maalin walba xisaabinno.” Madaxweynaha Mareykanka ee xukunka ka sii degaya ayaa hoosta ka xariiqay in masuuliyadi ay ka saaran tahay horumarinta wadanka inta uusan wareejin xukunka, isagoo ka faa’iideysanaya fursada uu weli heysto. “Guuldaradu waa mid aan laga maarmi karin, laakiin quusashadu waa mid aan la cafin karin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Madaxweyne Joe Biden. Isagoo kaftamaya ayuu Biden yiri “Dhammaanteen waa nalaga adkaaday, laakiin cabbirka dabeecaddeena.” Hadal-jeedinta Biden ayaa aheyd mid loogu niyad qaboojinayo taageerayaasha xisbiga, maadaama laga guuleystay, wuxuuna yiri, “Aan dib isugu noqono oo wixii naga qaldamay saxno.” The post Biden oo shaaciyey goorta uu xilka ku wareejinayo Trump appeared first on Caasimada Online.
-
Sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Lubnan, ugu yaraan 40 qof ayaa lagu dilay duqeymo ay ciidamada Isra’il Arbacadi shalay ku garaaceen magaalada Baclabak ee ku taalla Dooxada Beqaa cee dalka lubnan. Weeraro kale oo dhanka cirka ah ayay wasaaraddu sheegtay in Isra’il ay shalay ku garaacday nawaaxiga koofureed ee magaalada caasimadda ah ee Beuyruut. Guddoomiyaha gobolka bari ee Baclabak-Xermel, Bashir Khodri ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay, in ugu yaraan 40 madfac oo soo tuureen ciidamada Isra’il ay ku naf-waayeen 38 qof ayna ku dhaawacmeen 54 kale. Wuxuu sheegay in howlaha gurmadka ee lagu baadi goobayo dadka la la’yahay ay wali socdaan. Dhanka kale, hogaamiyaha cusub ee Xisbullah Nacim Qasim ayaa ka digay in dagaalyahannadiisu ay la dagaallami doonaan Isra’il ilaa ay ka aqbaleyso nabad. Hadalkaasi ayuu ku sheegay qudbad lasoo duubay oo laga baahiyay telefishannada. Wuxuu sheegay in ay jiri karaan wadahadallo aan toos aheyn, haddii Isra’il ay joojiso weerarka. Tan iyo marki uu billowday dagaalka muddada 13-ka bil socda ee u dhaxeeya Isra’il iyo Xisbullah, Lubnan waxaa lagu dilay in ka badan 3,000 oo ruux, dadkaas intooda badan waxaa la dilay wixi ka danbeeyay bishi September. Source
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta shir guddoomiyay shirka Golaha wasiirada maamulka Galmudug. Golaha Wasiirada Galmudug ayaa shirkaan cod aqlabiyad leh ugy ansixiyay miisaaniyadda Galmudug ee 2025 oo sameysay koror ka badan boqolkiiba labaatan. Golaha ayaa sidoo kale meel-mariyay heshiiskii golaha wadatashiga qaranka, kaas oo muran badan ka taagan yahay, islamarkaana muddo kororsi loogu sameeyay dowlad goboleedyada qaarkood. Sidoo kale waxaa shirkaan warbixin looga dhageystay wasaaradda amniga gudaha, oo ka warbixisay amniga guud ee Galmudug iyo howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo maalmihii lasoo dhaafay si dardar leh uga socda deegaannada maamulka. Waxaa sidoo kale warbixin looga dhageystay wasaaradda howlaha guud oo ka warbixisay mashaariic kaabayaal dhaqaale ah oo dhawaan ka billaabanaya deegaanada Galmudug. Mashaariicdan ayaa kala ah; dekedda Hobyo, dhismaha waddooyinka caasimadda Galmudug iyo wsdddada weyn ee isku xirta magaalooyinka Dhusamareb iyo Cadaado, dhismaha xarunta baarlamaanka oo hadda maraya meel gebo-gebo ah iyo sidoo kale dhismaha garoonka caasimadda oo si dardar ah ku socda. Golaha wasiirada ayaa waxa kale oo maanta loo qeybiyay nuqullo ka mid ah qabyo qoraalka sharciga maalgashiga shisheeye ee Galmudug. The post Golaha wasiirada Galmudug oo ansixiyay heshiiskii golaha wadatashiga appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Itoobiya ayaa Khamiista sheegtay in ay baarayso dil wadareed loo geystay 48 qof, kuwaas oo lagu toogtay gobolka Oromia ee rabshadaha ay ka socdaan, waxayna eedda falkan dusha ka saartay jabhadaha halkaas ka dagaalamaya. Weerar oo ay fulisay Jabhadda Xoreynta Oromada (OLA), oo ah mid Addis-Ababa ay u aqoonsan tahay argagixiso, ayaa toddobadkii tegay ka dhacay degmada waqooyi ee Shewa ee galbeed ka xigta caasimadda, sida uu sheegay Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya (EHRC). Ugu yaraan 48, oo uu ku jiro mas’uul degmo, ayaa la dilay. “Xaaladda aagga hadda aad ayay u kacsan tahay,” ayay tiri Ato Badassa, oo ah madaxa gobolka ee ee hay’adda EHCR ee dowladda xiriirka la leh, balse ka madax-banaan, sida ay ka soo xigatay wakaaladda wararka AFP. Xaaladda Itoobiya ayaa ah mid cakiran, dagaallo u dhexeeya ciidanka dowladda iyo jabhadaha hubaysan ayaana inta badan gobollada dalkaas ka socda, balse maamulka Abii Axmed ayaa dadweynaha ku mashquulinaya hardanka gobolka geeska Afrika, iyo arrimaha badda-cas. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland. Xildhibaannadan oo laga soo doortay deegaanada maamulka Jubbaland ayaa waxay halkaasi uga qeyb-galayaan shir wadatashi ah oo uu isugu yeeray madaxweyne Axmed Madoobe Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, iyadoo intaas kadib loo sii galbiyay madaxtooyadda maamulkaasi. Xildhibaannadan oo dhawaan shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa aqbalay shirka wada-tashi ee ugu yeeray Axmed Madoobe, iyaga oo ugu dambeyn maanta ka degay Kismaayo. Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan shir wada-tashi ah isugu yeeray xildhibaanada labbada aqal ee baarlamaanka JFS ku metela Jubbaland, iyadoo uu shirka wadatashi furmi doono maalinta berri ah, haddii uusan wax iska beddelin qorshaha. Xiisadda siyaasadeed ee Jubbaland iyo dowladda federaalka ayaa cirka isku shareertay wixii ka dambeeyey markii Axmed Madoobe uu ka tegay shirkii golaha wadatashiga qaranka ee Muqdisho ka qabsoomay. Arrinta ugu weyn ee la isku hayo waa nooca doorasho ee Xasan Sheekh uu rabo oo qof iyo cod ah iyo qorshaha Axmed Madoobe oo doorasho dadban ah, waxaana muuqata in khilaafka labada dhinac uu cirka isku sii shareerayo. Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu qorsheynayo inuu qabsado doorasho dadban, taas oo bilaaban doonta toddobaadyadaan. Dhankiisa Xasan Sheekh ayaa gadaal ka riixaya qorshihii lagu ansixiyey shirka golaha wadatashiga qaran oo dowlad goboleedyada loogu ogolaaday muddo kororsi hal sano ah, si sanadka dambe loo bilaabo doorashooyin qof iyo cod ah oo ka dhaca dowlad-goboleedyada. Axmed Madoobd oo qodobkaas ka carooday ayaa isaga baxay shirka, waana diiday muddo kororsiga halka sano ah ee dowlad-goboleedyada kale ay ogolaadeen, maadaama ay ku adag tahay in doorasho qof iyo cod ah uu galo. The post Xildhibaanno ka tirsan BF oo maanta gaaray Kismaayo iyo qorshe culus oo socda appeared first on Caasimada Online.
-
Popular Contributors