Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    199,416
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Ottawa police secretly wiretapped five of its Somali officers and their family members for months, never laid any charges, and refuses to tell them why, alleges a $2.5-million lawsuit filed by the officers. Source: Hiiraan Online
  2. When Somalia's President Hassan Sheikh Mohamud visited Egypt last month, he handed his hosts a large file that laid out in detail the threat posed by Ethiopia and Al Shabab militants to his Horn of Africa nation. Source: Hiiraan Online
  3. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta soo saartay bayaan dheer oo ka kooban 23 qodob, kaasi oo looga hadlay arrimo dhowr ah, oo qeyb ka yahay safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee Shiinaha iyo tallaabooyinkii u dambeeyay ee ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre. Sidoo kale waxaa qoraalkan oo ah warbixinta toddoobadlaha ee dowladda lagu soo qaatay xiisadda Itoobiya iyo baaqii golaha wasiirada ee “in loo midoobo difaaca dalka, laguna caddeeyay in Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta nabadda iyo xasiloonidda gobolka.” Hoos ka aqriso qodobada oo dhameystiran 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgelayaa Shir Madaxeedka Shiinaha iyo Afrika oo ka dhacaya magaalada Beijing ee Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha. 2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Beijing, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha Mudane Xi Jingping. 3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Shir madaxeedkka Shiinaha iyo Afrika ee ka dhacay magaalada Beijing, isagoo sharaxay muhiimadda iskaashiga labada dal iyo horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso. 4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shir guddoomiyay shir arrimaha iskaashiga Dhaqaalaha Buluugga ee Soomaaliya iyo Shiinaha ah oo ka dhacaya magaalada Beijing. 5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Beijing kulamo kula yeeshay Madaxweyneyaasha Libya, Eritrea iyo Kenya, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dhinac. 6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khadka telefonka kula hadley Madaxweyne Ku-Xigeenka Midowga Yurub, Josep Borrell oo ay ka wadahadleen iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dhinac. 7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, iyadoo kulankaasi looga wadahadley dardar gelinta hawlgalada dalka looga xorreynayo Khawaarijta Al Shabaab. 8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka ka qaadey Xildhibaan Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley oo ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada. 9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Qaahira kulan kula yeeshay dhiggiisa Masar, Mudane Mustafa Madbouly, waxaana kulankan looga wadahadley xoojinta xiriirka iyo iskaahiga labada dal. 10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daah furay Qorshaha Qaran ee Wadiiqooyink Xalka Waara ee Barakaceyaasha. 11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo hoygiisa kulan kula yeeshay Madaxweyne Ku-Xigeennada maamulada Jubbaland iyo Galmudug. 12- Shirka Golaha Wasiirrada oo laga soo saarey baaq ku aaddan in loo midoobo difaaca dalka, isla markaana lagu caddeeyay in Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta nabadda iyo xasiloonidda gobolka. 13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdullahi Bin Salem Al Nuaimi, iyagoo ka wadahadley xoojinta xiriirka labada dal. 14- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa magaalada Muqdisho ka daahfuray Shirka Madasha Bani’aadannimada Soomaaliya oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), kaas oo looga hadlayo xaaladaha la xariira arrimaha bani’aadannimo ee dalka. 15- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay xuska 102-aad ee Maalinta Jamhuuriyadda Turkiga, oo lagu qabtay xarunta safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho. 16- Golaha Wasiirrada oo meel mariyay heshiis is-afgarad ee dhinaca dalxiiska oo ay gelayaan Soomaaliya iyo Kenya. 17- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdillaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa tababbar ugu soo xiray qaar ka mid ah Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed xarunta Akadeemiyada Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho. 18- Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ayaa soo saartay war saxaafadeed ku saabsan jarista dhirta, iyadoo raacisay digniino culus oo ku aadan ku xadgudubka Sharciga Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka. 19- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aweys, ayaa tababbar lagu baranayo habka sameynta iyo soo saarista Filmada iyo Barnaamijyada Documentariga u soo xiray ilaa 30 xubnood oo ka kala socday warbaahinta qaranka, shirkadaha filimada sameeya iyo warbaahinta kale ee dalka ka jirta. 20- Wasiirka Qoyska iyo Horumatinta Xuquuqul Insaanka Mudane Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa qaabilay wakiilo ka kala socday hey’addaha UNICEF iyo UNSOM, waxaana kulankaasi looga hadley xoojinta sharciyada difaaca xuquuqda carruurta. 21- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige ayaa khudbad ka jeediyay Madasha Ganacsiga iyo Xirfadlayaasha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka. 22- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Jabriil Cabdirashiid iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Axmed Moalim Fiqi, ayaa si wadajir ah uga qeybgalay shirkii 9-aad heerka Wasiir ee madasha Iskaashiga China iyo Afrika oo ka dhacay magaalada Beijing. 23- Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya shacabka Gobolka Hiiraan ayaa hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka sameeyay degaanno hoostaga degmada Halgan,halkaa oo ay ku burburiyeen fariisimo ay cadowga ku lahaayeen. The post Aqriso: DF Soomaaliya oo soo saartay bayaan dheer oo looga hadlay dhowr arrin appeared first on Caasimada Online.
  4. Bankiyada dhexe ee dalal badan oo dunida ah ayaa xaddi badan oo dahab ah soo iibsanaya. Waxaa ka mid ah Bankiga Keydka ee Hindiya. Warbixintii ugu dambeysay ee Golaha Dahabka Adduunka ayaa lagu sheegay in bishii July keliya, iibka ay sameeyeen bankiyada dhexe ay gaartay 37 tan. Dalalka iibsanaya dahabka waxaa ka mid ah Poland, Türkiga, Uzbekistan iyo Czech Republic. Si kastaba, iyadoo soo iibsashada dahabka ay xowli ku socoto, haddana waxaa jira dalalka qaar oo bankiyadooda dhexe ay iska iibinayaan dahabka Tani waxay kusoo aadeysaa iyadoo xiisadaha adduunka ay kordheen sababo la xiriira dagaalka Ruushka iyo Ukraine, kan Gaza iyo Israa’iil iyo xasaradda deegaanka. Dalalkee iska iibiyay dahabka? Sida laga soo xigtay Golaha Dahabka Adduunka, intii lagu guda jiray bilihii dhexe ee sanadkan sida April-June, Hindiya ayaa noqotay dalka labaad ee soo iibsada dahab. Bankiga Dhexe ee Poland ayaa noqday kan ugu horreeya liiska dalalka xaddiga ugu badan ee dahab soo iibsaday kaasoo gaarayay 18.68 tan, halka Bankiga Keydka Hindiya uu soo iibsaday 18.67 tan oo dahab ah intii isla muddadan lagu dhex jiray (April-June). Turkiga ayaa soo iibsaday 14.63 tan, Uzbekistan ayaa soo iibsaday 7.46 tan, iyo Jamhuuriyadda Czech oo iyana iibsatay 5.91 tan oo dahab ah intii muddadan lagu dhex jiray. Bankiyada Dhexe ee adduunka ayaa soo iibsaday 183 tan oo dahab ah qeybtii dhexe ee sanadkan, halkaasoo 173.6 tan oo dahab ah lasoo iibsaday isla muddadan oo kale balse sanadkii 2023. Qeybtii labaad ee sanakan, sida April-June, Kazakhstan ayaa iska iibisay 11.83 tan oo dahab ah. Singapore ayaa iska iibisay 7.7 tan oo dahab ah halka Jarmalka uu iska iibiyay 780 kg oo dahab ah. Dahabka ayaa sanado badan qeyb muhiimsan ka ahaa keydka hantida dalalka wuuna sii yahay weli. Sida laga soo xigtay warbixinta Golaha Dahabka Adduunka, bankiyada dhexe ayaa 1,037 tan oo dahab ah dhigtay keydkooda sanadkii 2023. Bankiyada dhexe ayaa 1,082 tan oo dahab ah keydsaday sanadkii 2022. Xogtan ayaa muujineysa in bankiyada dhexe ay weli ahmiyad badan siinayaan dahabka iyagoo hanti ahaan u keydsanaya. Dahabka ayaa keyd sugan u ah bankiyada dhexe. Wuxuu ka caawiyaa xasilinta dhaqaalaha inta lagu guda jiro xasaradaha dhaqaale sidoo kalena wuxuu dheellitiraa keeydka. Doollarka Mareykanka ayaa astaan u ah ‘lacagta keydka’ bankiyo badan oo adduunka ku yaalla ayaana hiigsanaya inay yareeyaan ku tiirsanaantiisa dahabka ayaana door muhiim ah ka qaadanaya arrintan. Waa tan sababta ka dambeysa inay dalalka soo iibsadaan dahabka Anuj Gupta, oo ah madaxa hantida iyo lacagaha ee shirkadda HDFC Securities ee dalka Hindiya, ayaa sheegtay, “Sababo la xiriira doollarka oo sii dhacaya, bankiyada dhexe ayaa dahabka ku darsanaya qorshahooda. Qof walba wuxuu aaminsan yahay in haddii Mareykanku uu in badan sii jari karo dulsaarka, markaa qiimaha doollarka uu dhici karo, sidaa darteedna waxay hiigsanayaan dahabka.” “Marka la eego sida dhaqaalaha Mareykanka uu deymo usii galayo, waxaa jira cabsiyo laga qabo in doollarku uu qiimo dhici doono xilliyada soo socda.” Anuj ayaa tiri, “Hindiya ayaa sidoo kale tan ku darsaneysa qorshaheeda. Hindiya waa inay kordhisaa keydkeeda dibadda. Haddii Hindiya ay sidoo kale soo iibsato dahabka beddelkii doollarka, waxaa u suurto galeysa inay daabacdo lacag badan. Tan ayaa sidoo kale sabab u noqon karta arrintaas.” Marka tan laga soo tago, xiisadaha la xiriira dhulalka ayaa sidoo kale kusii kordhaya qeybo badan oo dunida ah. Haddii ay qaar kale oo dheeri ah dhacaan, qiimaha lacagta ayaa hoos u dhici doonta qiimaha dahabkana wuu kordhi doonaa Bbcsomali Qaran News
  5. Beijing, CHINA (HOL) — China and Somalia have elevated their diplomatic relationship to a strategic partnership during the 2024 Forum on China-Africa Cooperation (FOCAC) Summit in Beijing. The announcement was made after Somali President Hassan Sheikh Mohamud met with Chinese President Xi Jinping. Source: Hiiraan Online
  6. Gaadhi Qof shacab ahi leeyahay Iyo Gaadhiga Wasiir xukuumada Somaliland ka tirsan uu leeyahay oo isku dhacay Iyo khasaaraha ka dhashay. Gaadhiga uu leeyahay Wiil dhalinyar ah oo Reer Somaliland ah iyo Gaadhiga Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Mareexan ayaa si xun iskugu dhacay . Waxaana ka dhashay Khasaare kala duwan inta la Ii xaqiijiyay waxa jira dhaawacyo gaadhay Dhalinyaradii saarnayd Gaadhiga Noohada ah. Ciidamada Taraafikada ayaa hada soo gaadhay goobta shilka waxanay bilaaben baadhista. Goobtan oo ay Ishaaro ku taalo una dhow Guriga Madaxweyne ku xigeenka iyo Xarunta CID-da ayaa waxa ku yaala Kamarado badan oo laga ogaan karo cida Shilkan khaladkiisa leh Ciidamada Taraafikaduna u soo bandhigaan muuqalka CCTV camaredu duubtay sidii ay hore ay ugu soo bandhigi jireen oo kale . Luqmaan Maxamed Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa hoygiisa kulan muhiim ah kula yeeshay madaxweyne ku-xigeennada dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland Cali Daahir Ciid iyo Maxamuud Sayid Aadan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa labada masuul ka dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda deegaannada dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland, iyaga oo Xamza la wadaagay duruufaha ka jira deegaanada labada maamul. Intii kulanka uu socday waxaa diirada la saaray la-dagaalanka argagixisada, ayada oo ra’iisul wasaaraha kula dardaarmay in ay xoojiyaan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuna dadaalaan sidii looga sifeyn lahaa meelaha ay kaga harsan yihiin deegaannada Galmudug iyo Jubbaland. Madaxweyne ku-xigeennada labada maamul ayaa dhankooda uga mahad-celiyay ra’iisul wasaaraha soo dhaweynta uu u sameeyay iyo wada-shaqeynta kala dhaxeeysa dowladda Soomaaliya. Madaxweyne ku-xigeennada dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Jubbaland ayaa horay sidan oo kale ula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin dastuurka, doorashooyinka iyo dagaalka Al-Shabaab. Dhincyada ayaa is dhaafsaday aragtiyo iyo sida loo wajihi karo marxaladda kala guurka ah, ayada oo ujeedka kulanan uu yahay mid Villa Somalia ugu diyaarabeyso doorashooyinka soo socda iyo isbeddalla la filan karo. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jira xaalado siyaasadeed oo gudaha iyo dibadda ah, waxaana is haya dowladda iyo mucaaradka, ayada oo halkeedii weli tahay xiisadda Itoobiya. The post Sawirro: Xamza oo kulan laba ujeedo leh la qaatay madaxda laba maamul appeared first on Caasimada Online.
  8. Mogadishu (HOL) — Somali Lower House leadership has resolved a political standoff between lawmakers from the Mogadishu Clan clan and Southwest State, which led to the postponement of two parliamentary sessions this week. Source: Hiiraan Online
  9. Khartoum (Caasimada Online) — Ku dhawaad laba boqol oo ah Booyado sida shidaal oo ku xanibnaa xadka dalka Koonfurta Sudan uu la wadaago dalka Sudan ayaa lagu soo warramayaa, in lagu amray in ay dib ula laabtaan shidaalka ay wadaan. Lama oga ilaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee gaadiidkaan loogu amray in ay dib ula laabtaan shidaalka ay wadaan, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Koonfurta Sudan oo aarrintaan ku saabsan marka laga yimaado in ay amarka soo saartay. Booyadahaan oo intooda badan ay leeyihiin ganacsato Soomaali ah ayaa ku wajahnaa magaalada Abyei ee xadka labada Sudan ku taalla sida uu BBC-da u sheegay mid ka mid ah darawallada gaadiidkaas oo lagu magacaabo Maxamed Cabbdirisaaq Axmed (Boqol). Boqol wuxuu sheegay in muddadii ay jidka ku sii jireen koox burcad ah ay ka dileen nin magaciisa uu ku soo koobay Xuseen.Wuxuu sidoo kale sheegay in gawaarida ay leeyihiin Qaramada Midoobey kaliya loo oggalaaday in ay gudbaan. Booyadahaan iyo gawaarida kale ee loo diiday in ay tagaan halkii bartilmaameedku ahaa ayaa markii hore qaarkood ka baxay dalka Kenya, halka qaarka kalena ay ka ambabaxeen magaalada Jubba ee caasimadda Koonfurta Sudan. Muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa waxaa ka muuqanayay booyado badan oo saf dheer ku jira isla markaana tuban waddo dhinaceed oo lagu sheegay in ay leeyhiin dad Somaali ah. Wada-yaasha ayaa sidoo kale sheegay in aysan ilaa iyo hadda wax caawin ah helin, maadama ay jirto safaarad Soomaaliya ku leedahay dalkaas. Isha: BBC The post Booyadihii ugu badnaa ee shidaalka oo Soomaali leedahay oo ku xaniban xadka… appeared first on Caasimada Online.
  10. 458692977_2205494536492995_8624529480606024287_n Qaran News
  11. Galkacyo (HOL) — Somali security forces seized a vehicle transporting supplies to the al-Shabab militant group during a security operation in the Mudug region on Friday. Source: Hiiraan Online
  12. Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa wajahaya cadaadis horleh, kaddib markii ciidanka federaalka lagu jebiyay dagaallo ay kala hortageen kooxaha wax iska caabbinta ee Amxaarada. Cadaadiskan ciidanka ee Abiy oo sii kordhayay toddobaadyadii u dambeeyay ayaa wuxuu go’aansaday inuu kordhiyo ciidamada ka jooga furimaha dagaalka, sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo ku dhow ra’iisul wasaaraha Itoobiya. Ra’iisul wasaare Abiy ayaa cabsi weyn ka qaba in ay aagga kusoo durkaan ama kusoo dhawaadaan kooxaha kasoo horjeeda saldhigyada ciidanka federaalka ku leeyihiin halkaasi. Sidoo kale wuxuu xilligaan xoogga saaraya niyad dhiska ciidanka, isaggoo faray wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa inay diiradda saaraan sidii ay niyadda ugu dhisi lahaayeen ciidamadooda oo qaarkood dib u goconaya askar ay dagaalka ku wada jireen oo u gacan galay xubnaha kasoo horjeeda. Dagaalka ka socda ismaamulka Amxaarada ayaa culeys weyn ku haya xukuumadda Abiy Axmed, maadaama ay horay ugu jabtay dagaalladii ka dhacay maamulka Tigree, oo askar badan uu ku waayay, halka boqolaal kale looga qabsaday Abiy. Arrimahan ayaa imanaya xilli uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya wajahayo cadaadis caalami ah, kadib markii uu heshiis qaras ka tuurnimo uu la saxiixday Somaliland, kaas oo uu ku rabay riyo-maalmeedka marin badeed ay hesho Itoobiya. Dowladda federaalka Soomaaliya oo si weyn uga carootay heshiiskaas ayaa caalamka tustay xad-gudubka Abiy Axmed uu ku kacay, taas oo dhaawac weyn u geysatay meeqaamkii diblumaasiyadeed ee Itoobiya ku laheyd caalamka. The post ABIY oo qaaday tallaabo cusub xilli uu wajahayo culeys horleh oo uga imanaya… appeared first on Caasimada Online.
  13. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wada-hadallo laba geesood ah kula yeeshay Madaxweynaha Shiinaha, Mudane Xi Jinping, Madaxtooyada Beijing. Labada Madaxweyne ayaa waxay isku afgarteen in kor loo qaado xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ee Shiinaha iyo Soomaaliya, lana gaarsiiyo heer sareeya oo iskaashi istiraatiiji ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u daneynaya labada shacab. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyay siyaasadda Labada dal ee ku salaysan taageerada iyo garab istaagga midnimada dhuleed ee Labada dal mid kasta uu u hayo kan kale, si wafaaqsan xeerarka caalamiga ah ee gobanimada iyo dowladnimada. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shiinaha Mudane Xi Jinping ayaa xusay ballanqaadka Shiinaha ee ku saabsan in la xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya dalkiisa Jamhuuriyadda Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga kaabeyaasha nolosha iyo ganacsiga, amniga cuntada iyo isbeddelka cimilada. Sidoo kale Madaxweyne Xi ayaa ku dhawaaqay deeq dhan 200 milyan oo yuan oo lagu taageerayo qorsheyaasha mudnaanta u leh Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  14. Beijing (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wada-hadallo laba geesood ah Madaxtooyada Beijing kula yeeshay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping. Labada madaxweyne ayaa kulankooda looga hadlay xiriirka labada dal iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay Villa Somalia. Sidoo kale waxay isku afgarteen in kor loo qaado xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ee Shiinaha iyo Soomaaliya, lana gaarsiiyo heer sareeya oo iskaashi istiraatiiji ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u daneynaya labada shacab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay siyaasadda labada dal ee ku salaysan taageerada iyo garab istaagga midnimada dhuleed ee labada dal mid kasta uu u hayo kan kale, si wafaaqsan xeerarka caalamiga ah ee gobanimada iyo dowladnimada. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shiinaha Xi Jinping ayaa xusay ballan-qaadka Shiinaha ee ku saabsan in la xoojiyo iskaashiga kala dhexeeya dalkiisa Jamhuuriyadda Soomaaliya. Si gaar ah wuxuu Mr. Jinping u carabaabay dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga kaabeyaasha nolosha iyo ganacsiga, amniga cuntada iyo isbeddelka cimilada. Sidoo kale madaxweyne Xi ayaa ku dhawaaqay deeq dhan 200 milyan oo yuan oo lagu taageerayo qorsheyaasha mudnaanta u leh Soomaaliya. Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir diblumaasiyadeed wanaagsan, waxayna Beijing ay siiyo xukuumadda Muqdisho taageero dhowr jiho ah, ayada oo dhinacyadu horey u gaareen heshiisyo kala duwan, kuwaasi oo qeyb ka ah horumarinta Soomaaliya. The post Sawirro: Xasan oo kulan xasaasi ah la qaatay dhiggiisa Shiinaha + Qodobada appeared first on Caasimada Online.
  15. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta wada-hadallo laba geesood ah kula yeeshay Madaxweynaha Shiinaha, Mudane Xi Jinping, Madaxtooyada Beijing. Labada Madaxweyne ayaa waxay isku afgarteen in kor loo qaado xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal ee Shiinaha iyo Soomaaliya, lana gaarsiiyo heer sareeya oo iskaashi istiraatiiji ah iyo sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u daneynaya labada shacab, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya. Warsaxaafadeed ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu adkeeyay siyaasadda Labada dal ee ku salaysan taageerada iyo garab istaagga midnimada dhuleed ee Labada dal mid kasta uu u hayo kan kale, si wafaaqsan xeerarka caalamiga ah ee gobanimada iyo dowladnimada. Madaxweynaha Shiinaha Mudane Xi Jinping ayaa xaqiijiyay ballanqaadka Shiinaha ee ku saabsan in la xoojiyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, maalgashiga kaabeyaasha nolosha iyo ganacsiga, amniga cuntada iyo isbeddelka cimilada. Sidoo kale Madaxweyne Xi ayaa ku dhawaaqay deeq dhan 200 milyan oo yuan oo lagu taageerayo qorsheyaasha mudnaanta u leh Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Dowladda Shiimaha ayaa Soomaaliya ugu deeqday 200 oo milyan oo yuan appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ciidamo badan oo gaashaaman kusoo daabushay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda u dhaxeysa labada dal. Tallaabadan ayaa imanaysa maalmo un kadib markii Masar ay Soomaaliya la saxiixatay heshiis milateri, kaasi oo 10 kun oo askari oo Masar ah lagu keenayo gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka noqonaya howl-galka cusub ee nabad ilaalinta ee soo socda. Dowladda federaalka ayaa dooneysa in ciidamada Itoobiya aysan kamid noqon howl-galka cusub ee nabad ilaalinta, maadaama ay ku kacday xad-gudub ka dhan ah qaranimadeeda, beddelkeeda ay u galaan ciidamada Masar. Dhaq-dhaqaaqa ciidan ee Itoobiya ayaa uga sii dari kara xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya, taas oo salka ku haysa is-afgaradkii Somaliland ee badda, kaas oo Itoobiya siinayay ogolaansho ay kusoo gaarto biyaha Soomaaliya. Is-afgaradkaas oo si weyn uga carootay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu meel xun gaarsiiyay cilaaqaadkii Itoobiya, ayada oo labada dhinacna ay si weun usii kala fogaadeen. Isku-dayo la rabay in xal looga gaaro xiisadda labada dal ayaa illaa hadda mira-dhalin, ayada oo Turkiga uu laba jeer Ankara isugu keenay wasiirada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya, wax natiijo ahna lagama gaarin wada-hadalladaasi. Labada dal ayaa markale u ballansan wejiga saddexaad ee wada-hadallada uu Turkiga garwadeenka ka yahay, mana muuqato isbeddel xal looga gaari xiisadda, ayada oo tallaabooyinkii u dambeeyay ay xiisadda gaarsiiyeen meel xasaasi ah oo walaac xooggan abuurtay. The post Itoobiya oo qaaday tallaabo uga sii dareysa xiisadda kala dhaxeysa Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  17. Afhayeenka Qaramada Midoobey Stephane Dujarric ayaa sheegay in in ka badan hal milyan oo qof oo ku nool bartamaha iyo koonfurta Gaza bishii Agoosto ee tagtay aysan helin sahay caafimaad iyo gargaar cunto . Afhayeenka ayaa intaa ku daray in xaaladda bini’aadanimo ee Gaza ay weli tahay mid ka baxsan ama ka sareysa masiibooyinka. Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in millatariga Israa’iil ay diidayaan in kooxaha caafimaadka ee xiriirka la leh ololaha tallaalka dabaysha ay gaaraan aagagga ku yaal koonfurta gobolka. Xamaas ayaa ku eedaysay ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu in uu fashiliyay heshiis xabbad joojin ah oo uu diiday in uu ka soo saaro ciidammada xadka Qaza ee Masar. 40878 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ku dhimatay dagaalka Israa’iil ee Gaza halka dhaawaca la tilmaamay in uu marayo 94454 tan iyo markii uu bilowday dagaalka ee 7 dii Oktobar sanadkii tagay. PUNTLAND POST The post Qaramada Midoobey oo ka deyrisay xaaladda ba’an ee ka taagan marinka Gaza appeared first on Puntland Post.
  18. Ciidamada laamaha amniga Gobolka Mudug ee dhinaca Galmudug ayaa gacanta ku soo dhigay laba eedeysane iyo gaari ay wateen oo ku socday degaanada Dumaaye Iyo Dabalo ee dhaca Koofurta Gobolka Mudug. Gaarigaan oo noociisu ahaa Nooha waxa uu sidday Shiidaal iyo raashin khafiif ah oo ku socday kooxaha argagixisada kaasi oo la sheegay in uu ka soo ambabaxay degmada Gaalkacyo. Ciidamada laamaha amniga ayaa sheegay in ay kor kala socdeen dhaq dhaqaaqiisa maalmihii lasoo dhaaf iyagoo markii dambe gacanta ku dhigay gaarigaasi iyo raggii la socday. Taliska Ciidanka ka Booliska gobolka Mudug ee dhinaca Galmudug ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ay wadaan baaritaanno ku aadan baabuurkaasi iyo ciddii wadatay waxaana uu intaasi raaciyay in ay dhowaan horgeyn doonaan maxkamadaha ku shaqada leh. PUNTLAND POST The post Rag Sahay u siday kooxaha Argagixisada ah iyo gaarigii ay wateen oo lagu qabtay Gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  19. Dabka ka kacay iskuulka Hillside Edarasha ee Nyeri, Kenya ayaa sababay dhimashada 17 arday. Afhayeenka booliiska Kenya, Dr. Resila Onyango, ayaa xaqiijisay in saraakiisha booliisku ay baaritaan ku sameynayaan sababaha ka dambeeya dabka. Iskuulka ayaa xiran, waxaana booliisku diiradda saarayaan qeybta jiifka ee uu dabku ka kacay. 14 qof oo kale ayaa lagu daweynayaa isbitaallo kala duwan, waxaana badankood ay yihiin arday iyo shaqaalaha iskuulka. Maamulka iskuulka iyo saraakiisha deegaanka ayaa ka walaacsan xaaladda, waxaana laga cabsi qabaa in baaritaanku uu qaato waqti si loo helo sababaha saxda ah ee dabka ka dambeeya. Dabka ayaa inta badan burburiyay qeyb ka mid ah dhismaha iskuulka, waxaana iskuulka loo xiray si loo fuliyo baaritaanno dheeri ah. Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa tacsi u diray shacabka Kenya iyo gaar ahaan ehelada 17 arday ee ku geeriyooday dab ka kacay iskuulka Hillside Edarasha ee Nyeri. Madaxweyne Ruto ayaa muujiyay in dowladda ay garab taagan tahay qoysaska dhibaatada soo gaartay, wuxuuna ballan qaaday taageero iyo caawimaad dhinaca dhaqaale iyo mid kale oo loo fidin doono qoysaskaas. Source: goobjoog.com
  20. Dowladda Japan ayaa ka walaacsan waayeelada kaligood guryaha ku nool ee dhimanaya. Kaliya sannadkan 2024 in ka badan afartan kun (40,000) oo waayeel ayaa ku dhintay guryahooda kuwaasoo meydkooda la helay bilo iyo sannado markii la waayay. Arrintan ayaa la xiriirta in aysan dadka Japan ilmo dhalin, iyagoo ugu dambeyn cidlada ku dhinta, sida lagu soo bandhigay tira koob soo baxay toddobaadkii hore. Japan ayaa ka mid ah dalal fara ku tiris ah oo tirada dadkooda inay hoos u dhacdo oo ay wax ka dhinteen ma ahee aysan waxba ku soo kordhin , taasi oo xaalad khatar ah ay u aqoonsantahay dowladda Japan. PUNTLAND POST The post Dowladda Japan oo ka walaacsan dadka kalinimada guryahooda ugu dhimanaya appeared first on Puntland Post.
  21. Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay warbixinta shaqooyinka laga qabtay gobolka Mudug ka dhegaystay masuuliyiinta dowladda ee ku sugan gobolka Mudug. Mas’uuliyiintaan oo uu hoggaaminayo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha wakiillada Puntland Maxamed Ciise (Awoowe), ayna qeyb ka yihiin xubno ka mid ah goleyaasha dowladda iyo hay’adaha madaxa banaan, saraakiisha laaamaha amniga, la-taliyeyaal madaxweyne, maamulka gobolka Mudug iyo kan degmada Gaalkacyo. Waxaa madaxweynaha lala wadaagay warbixinta shaqooyinka qabsoomay iyo kuwa socda oo kala ah; 1. Amniga iyo sida looga shaqeeyay degmada Gaalkacyo oo ay bulshadu boggaadisay lagana dareemay iyo qorsheyaasha lagu horumarinayo Amniga oo isagoo qoraal ah lala wadaagay Madaxweynaha . 2. Nabadeynta iyo xallinta Colaadaha soo noqnoqday ee ka dhaca Gobolka Mudug. 3. Qorshaha biyaha looga saarayo magaalada oo ay guddiga loo xil saaray soo bandhigeen iyadoo qiimeyntii iyo wixii farsamo ah ee loo baahanyahay lasoo diyaariyey. 4. Dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolka, iyadoo la dhisay Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Buursaalax iyo Xarfo, halka degmada Jariban howsheedu socoto. 5. Dhismaha Waddooyinka. * Waxaa xariga laga jaray wejiga koowaad ee Wadada Laamiga ah ee bartamaha magaalada marta iyadoo qeybaha kale ee Wadada la qorsheeyay in la billaabo. * Waxaa la qorsheeyay dhismaha wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Xarfo. * Waxaa la saxiixay Heshiiska dib-u-dhiska iyo dayactirka Wadada isku xirta Gobolada Puntland oo ay wada galeen Wasaaradda Maaliyadda iyo Shirkadaha dhisaya. Ugu dambeyn, madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee la qabtay oo ah ujeedooyinkii Wafdigu u yimi Gobolka Mudug, wuxuuna kula dardaarmay masuuliyiinta in la dardargeliyo shaqooyinka socda iyo kuwa qorsheysan si loo dhameystiro muddada lagu suganyahay gobolka Mudug. The post Saciid DENI oo loo gudbiyay warbixin 5 qodob ka kooban – Maxaa ku qoran? appeared first on Caasimada Online.
  22. Beijing (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud held a meeting on the sidelines of the China-Africa Summit in Beijing on Thursday, focused on enhancing cooperation between Somalia and China in the Blue Economy sector. Source: Hiiraan Online
  23. President Xi Jinping pledged on Thursday to step up China's support across debt-laden Africa with funding of nearly $51 billion over three years, backing for more infrastructure projects, and the creation of at least 1 million jobs. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada ee Soomaaliya ayaa kulankoodii khamiislaha ahaa waxaa maanta ay ku meelmariyeen heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Kenya, kaas oo ku saabsan iskaashiga Dalxiiska. Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Daauud Aweys ayaa sheegay in heshiiskan is-afgardka uu yahay mid lagu xoojinayo iskaashiga dalxiiska ee labada dal. Waxaa uu intaa ku daray in Kenya ay ka mid tahay dalalka Afrika ee ku fiican dhanka dalxiiska islamarkana ay heshiiskani isku afgarteen. “Heshiiskaan is-afgarad waxaa uu ku saabsan yahay is-afrad u udhaxeeya jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya iyo jamhuuriyadda Kenya waliba dhinaca dalxiiska,” ayuu yiri Mr Aweys. Wasiirka ayaa sheegay in ay jirto rejo dhaqaale oo mustaqbalka laga qabo dalka Soomaaliya islamarkana ay doonayaan ka faaideysiga fursadaasi. “Dowladda fedraalka ee Soomaaliya iyada oo muhiimad siinaysa adeega dalxiiska iyo rejada dhaqaale ee laga qabo awgeed ayaa waxay soo waday barnaamijyo ku saabsan in dib loo qaabeyo dalxiiskii Soomaaliya,” ayuu yiri wasiir Daa’uud. Dalka Kenya ayaa ka mid ah dalalka qaaradda Afrika ee ku wanaagsan dhanka dalxiiska waxaana sanad kasta soo booqda ku dhawaad 2 milyan oo dalxiisayaal ah. Kenya waxa ay diiwaangelisay 1.96 milyan oo dalxiisayaal ah sannadkii 2023 , sida lagu xusay warbixin uu soo saaray michadka dalxiiska ee dalka Kenya . Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ayaa xusay in darasad ay sameeyeen uu uga soo baxay in iskaashi dhanka dalxiiska ah lala yeesho dalalka dariska ee ay Kenya ka mid tahay. “Sanadkii hore dowladda waxay ku guuleysatay inay sameyso daraasad ku saabsan dalxiiska Soomaaliya iyo qaabka ugu haboon oo loo hagaajin karo marka darasadaasi waxyaabaha nooga soo baxay waxaa ka mid ah iskaashi inaan la yeelano dalalka sida wayn ugu hormaray dalxiiska ee gobolka gaar ahaan dalalka dariska marka heshiiskan qeyb ayuu arrintan ka yahay,” ayuu intaa ku daray. Maxaa ka mid ah waxyaabaha la iska kaashan doono? Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Daauud Aweys oo faahfaahin ka bixinayayay ayaa sheegay in dhinacyo badan oo dalxiiska la xiriira ay labada dal iska kaashan doonaan. Mr Aweys ayaa xusay in dhanka tacliinta la xiriirta dalxiiska, suuqeynta iyo cilmi-baarista ay ka mid yihiin meelaha ay iska kaashan doonaan Kenya iyo Soomaliya. “Labada wadan waxay iska kaashan doonaan dhinaca cilmi-baarista, dhinaca suuq geynt dalxiiska dhinaca waxbarshada dalxiiska,” ayuu yiri. Wasiirka ayaa farta ku fiiqay in imikaba Soomaaliya ay leedahay adeegyo dalxiis sida hoteelo waawayn, balse loo baahan yahay in la sii casriyeeyo si caalamka loola jaan-qaado. “Haatan-ba Soomaaliya marka la fiiriyo dhinaca adeegyada dalxiiska way ka jiraan huteelo iyo adeegyo kale laakiin waxaa loo baahan yahay in la casriyeeyo iyaga oo la jaanqaadi kara wadamada hor maray dhanka dalxiiska sida dalalka dariska ay ak mdi yihiin,” ayuu yiri Mr Aweys. Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Daauud Aweys ayaa shegay in haddii dadal badan la galiyo dib u dhiska dalxiiska Soomaaliya uu dalka saami wanaagsan ka heli karo dhaqaalaha dalxiiska Afrika. “Soomaaliya marka la eego kheyraadka ay leedahay haddii dhinacaasi si wanaagsan loogu jeesto waxaa hubaal ah in ay Soomaaliya ka heli karto saami aad u wanaagsan ee dakhligaasi dalxiiska Afrika,” ayuu intaa ku daray. Ka hor dagaaladii sokeeye waxay Soomaaliya ka mid ahayd dalalka Afrika ee ay dad badan u soo dalxiis tagi jireen. Isha: BBC The post Muxuu yahay heshiiska is-afgaradka ee Soomaaliya iyo Kenya ay kala saxiixdeen? appeared first on Caasimada Online.