Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    199,939
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. A high-level military delegation from Ethiopia, led by Field Marshal Birhanu Jula, Chief of General Staff of the National Defense Forces, is attending the 11th Beijing Xiangshan Forum. The forum, which has drawn over 500 representatives from more than 100 countries and international organizations, also features participation from over 200 scholars and experts from both China and abroad. Notably, more than 30 defense ministers and military leaders are in attendance, alongside senior officials from various international and regional bodies. During the forum, Field Marshal Berhanu met with General Liu Zhenli, Chief of the Joint Staff Department of the People’s Liberation Army of China, to discuss enhancing military collaboration. The two sides agreed to focus on fifth-generation warfare, technology transfers, military equipment, and capacity building. Following their discussions, the two leaders signed a Memorandum of Understanding (MoU) to formalize their commitments. Ethiopia’s Ambassador to China, Tefera Derbew, expressed to Fana Broadcasting Corporation that the senior military delegation’s participation in the forum and subsequent bilateral meetings is expected to strengthen the capabilities of the Ethiopian defense forces. Source Fanabc Qaran News
  2. Boosaaso (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Puntland oo war culus soo saaray ayaa ka hadlay xiisadda dagaal ee kasoo cusboonaatay magaalada Boosaaso, kadib markii ay tallaabo qaadeen ciidanka PSF, taas oo keentay inuu xirmo garoonka magaaladaasi. Maxamuud Caydiid Dirir oo ah wasiirka warfaafinta xukuumaddda madaxweyne Saciid Deni ayaa sheegay in aysan magaalada Boosaaso ka jiri karin labo dowladdood oo isbarbar socda, wuxuuna sheegay inay ka hortegayaan cid kasta oo kasoo horjeedo Puntland. Wasiirka ayaa ku dooday in Puntland ay mandate u haysato inay maamusho guud ahaan deegaannadeeda oo ay ku jirto magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday tabashada ay qabaan ciidanka Puntland Security Force (PSF), isaga oo sheegay in loo baahan yahay in cabashadooda usoo maraan sharciga. “Yaan loo gafin dowladnimada. Puntland iyadaa mandate u haysta inay maamusho Boosaaso iyo guud ahaan Puntland. Ciddii wax tabanayso hasoo marto dariiqada sharciga ah.” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamul goboleedka Puntland. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo maanta ay istaagtay shaqadii garoonka Boosaaso, sababo la xiriira digniinta kasoo baxay ciidanka PSF ee deggan gudaha magaaladaasi. Si kastaba, labada dhinac ayaa isku qabtay isticmaalka garoonka diyaaradaha Boosaaso, kadib markii PSF ay sheegtay in laga hor istaagay in askar dhaawacyo ah ay ka dhoofiso halkaasi. The post Puntland oo sheegtay in laba dowlad aysan ka jiri karin Boosaaso kadib xiisadda soo korortay appeared first on Caasimada Online.
  3. Balcad (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta gaaray degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa kulamo xasaasi ah ka bilaabay gudaha magaaladaais, kuwaas oo la qaadanayo saraakiisha ciidanka Xoogga. Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada HirShabelle ayaa waxaa lagu sheegay in socdaalka madaxweynaha iyo dhaq-dhaqaaqa uu ka bilaabay Balcad uu la xiriiro abaabula dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo furi lahaa waddada dheer ee Jowhar. “Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa ah sidii Khawaarijta looga soo af-jari lahaa waddada isku xirta magaallooyinka Balcad iyo Jowhar” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa si gaar ah ula shiray Taliye ku-xigeenka ciidanka lugta ee XDS Genaral Cirro, Taliyaha qeybta 12-ka April, Taliyaha Guutada 3-aad, Taliyaha Dugsiga Tababarka Qorilloow, Madaxa Taakuleynta Ciidamada Lugta, wuxuuna dhammaantood kala hadlay dardargelinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Inta badan kulankan waxaa looga hadlay sidii Khawaarijta looga xorreyn lahaa goobaha ay kaga hareen Gobalka Shabeellada Dhexe iyo sidii culeyska looga dulqaadi lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku safra jidka xiriiriya Balcad iyo Jowhar. “Waxaan ku fooganahay sidii dhulka Hirshabeelle oo dhan uu u noqon lahaa mid ka caagan haraadiga Khawaarijta, wajiga 2-aad ee dagaalka waxaan Alle ka rajeyneynaa inuu nagu guulleeyo.” ayuu yiri madaxweynaha HirShabelle oo shirka hadlay Waxaa kale oo uu umahadceliyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidamada Deegaanka iyo Shacabka oo sabab u ahaa in la xoreeyo deegaano ku yaalla halkaasi. HirShabelle ayaa waxaa ka soconayo howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo uu ujeedkooda uu yahay in kooxda looga sifeeyp deegaanada ay kaga hareen maamulkaas. The post GUUDLAAWE oo dhaq-dhaqaaq culus ka bilaabay BALCAD + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  4. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ugu tagay qoyska Allaha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi (Fara-Cade), si uu ula qeybsado xanuunka geerida. Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi uu ahaa astaan iyo tiir weyn oo dhaqan, door muhiim ahna ka qaatay nabadeynta, isku xirka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed. Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi oo kamid ahaa bahda dhaqanka Soomaaliyeed ayaa horraantii todobaadkan geeriyooday, waxaana socota tacsidiisa oo kulmisay qeybaha kala duwan ee bulshada. Source: goobjoog.com
  5. Hey’adda Women Centre for Peace and Development (WCPAD) oo gacan ka helaysa hey’adaha UNICEF iyo UNSOM ayaa 12 September 2024 ku soo gabangabeysay Dhuusamareeb tababarka tababarayaasha oo sare loogu qaaday xirfadda hoggaamiyaasha Naadiyada Xuquuqul Insaanka ee ka dhisan Galmudug. Tababarka Tababarayaasha oo socday muddo saddex beri ah ayaa lagu soo gabangabeeyay caasimaadda Galmudug ee Dhuusamareeb oo ay ka soo qeybgaleen 24 xubnood oo ka socday naadiyada xuquuqul inskaanka ee ka dhisan dhuusamareeb. Ujeedada tababarka ayaa aheyd sare u qaadidda xirfadda hoggaamiyeyaasha iyo xubnaha naadiyada xuquuqul insaanka ee ka dhisan Galmudug si ay u sameeyaan olole sare loogu qaadayo wacyiga bulshada ee ku aaddan xuquuqul insaanka iyo caddaaladda bulshada gaar ahaan ardayda iyo goobaha waxbarashada. Tababarka intii uu socday ayaa lagu faaqiday xirfadaha aasaasiga u ah tababarayaasha sida hoggaaminta, xiriirka iyo gudbinta farriimaha, sinnaanta iyo wadajirka bulshada. Ka qeybgalayaasha tababarka ayaa muujiyay dhiiranaan iyo ka qeybgal firfircoon iyada oo ay ka doodeen hababka ugu habboon ee sare loogu qaadi karo wacyiga dadweynaha, iyo qaababka ugu fudud ee farriimo la xariira difaacidda xuquuqul Insaanka lagu gaarsiin karo bulshada si loo helo bulsho caafimaad qabta oo ka caagan faquuq iyo takoor. “Waxaa mahadsan hey’adaha taageeray tababarka ee WCPAD, UNICEF iyo UNSOM, waxa ugu weyn ee aan baranay inta tababarka socday ayaa aheyd in aan soo saarno dad, oo aan gaarsiino farbriimaha iyo aqoonta aan halkaan ku baranay, innaga oo ku dabbaqeyna iskuulada iyo xarumaha bulsha, waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee aan baranay waxay ahaayeen xirfadda xiriirka, hoggaaminta, iyo soo saarista fariimaha xuquul insaanka.” Ayay tiri Shukri Cabdulqadir oo ka mid ah dadkii ka qeybgalay tababarka. Cabdiraxmaan Faarax Maxamad, guddoomiyaha ururka Human Right Club oo ka mid ahaa ka qeybgalayasha tababarka tabarayaasha ayaa yiri “ tababarkaan oo noosocday saddex maalin waxa uu ahaa u jeedkiisa in naloo tababaro in aan sii tababarno ardayda iyo qeybaha kale ee bulshada, waxaana nala siiyay casharo la xariira xirfadaha aasaasiga ah ee uu u baahanyahay qofka tababaraha ah, sida xirfadda xiriirka, hoggaaminta, qorsheynta, diyaarinta casharada, waxaan rajeyneynaa in aan sameyno dhaqangelin oo aan tagno dugsiyada magaalada kuyaal illaa saddex dugsi, si aan u dabbaqno wixii nala baray.” “Waxaan qaadanay tababar ku saabsan tababarka tababarayaasha oo muddo saddex maalin ah noo socday, waxaana baranay qaabka xiriir wanaagsan loo sameeyo, hannaanka diyaarinta tababarada, sida diyaarinta cashirada, jadwalaynta shaqada, iyo qorsheynta ka qeybgalayaasha, hagaajinta nidaamka goobta tababarka.” Ayay tiri Naciimo Shariif oo ka mid aheyd ka qeybgalayaasha Ka qeybgalayaasha tababarka oo u mahadceliyay hey’adaha gacanta ka geystay qorsheynta iyo fulinta tababarka, ayaa dhanka kale codsaday in la xoojiyo wacyiga bulshada ee fahamka xuquuqul Insaanka. Tababarayaasha ayaa la qorsheynayaa in ay dhaqangeliyaan cilmiga iyo aqoontii ay ku qaateen tababarka tabarayaasha ee la soo xiray iyaga oo olole wacyigelin ka sameyndoona saddex dugsi oo ka dhisan Dhuusamareeb. Hey’adda WCPAD oo soo qabanqaabisay tababarka ayaa ka qeybgalayaasha kula dardaarantay hirgelinta iyo dhaqangelinta aqoontii la gaarsiiyay iyaga oo ka faa’iideysanaya xirfadda lagu baray tababarka, waxayna kula dardaarantay in ay iskood isku abaabulaan si loo helo bulsho wadajirta, ka caagan faquuq, sinnaan iyo caddaalad bulsho. Source: goobjoog.com
  6. 460014858_1842862613158919_3720232443183520160_n Qaran News
  7. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta xarunta madaxtooyada maamulkaasi ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan oo gaaray halkaasi. Waxaa Kulanka ka qeybgalay wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan. Inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorka Puntland ee Dowlad dhiska Soomaaliya. Sidoo kale waa kulanka Deni iyo Sawan lagu soo qaaday arrimaha amniga Puntland, nabadeynta, dimuqraadiyadda iyo mashaariicda horumarinta ee maamulkaasi, sida lagu sheegay war kooban oo kasoo baxay Puntland. Ilo wareedyo madax banaan oo ku dhow kulankaasi waxa sidoo kale noo xaqiijiyeen in wada-hadalkan lagu soo qaaday arrimaha siyaasadda, gaar ahaan khilaafka u dhexeeyay maamulka Garoowe iyo dowladda dhexe, si ugu yaraan loo sameeyo dadaalloi isku soo dhaweyn ah. QM ayaa inta badan dadaal ku bixisa xalinta khilaafaadka mararka qaar soo kala dhex-galay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka, si loo helo dhex-dhexaadin guud oo xal u keenta is-mariwaaaga madaxda Soomaaliyeed. Xiisadda u dhexeysa Puntland iyo dowladda federaalka ayaa gaartay meeshii ugu xumeyd, waxaana gebi ahaan go’ay xiriirkii iyo wada-shaqeyntii labada dhinac. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda daba dheeraatay ee Garoowe iyo Muqdisho oo soo jiitameysay tan iyo 2022-kii. The post Xogta kulan xasaasi ah oo DENI iyo Swan ku dhex-maray Garoowe appeared first on Caasimada Online.
  8. 459735275_1075817534112927_2523868288131949723_n Qaran News
  9. MINNEAPOLIS, Minn (HOL) — The Biden administration has introduced new regulations to curb the influx of low-cost shipments from China, a move that directly targets popular e-commerce giants Shein and Temu. Source: Hiiraan Online
  10. Mogadishu (HOL) — Somali government forces and Jubbaland troops killed several Al-Shabaab militants early Sunday in a clash in Janay Abdalla, Lower Jubba, marking the latest offensive in the government's ongoing campaign to dismantle the militant group. Source: Hiiraan Online
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacday degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir taas oo lagula kacay gabar yar oo si arxan darro ah loogu dilay halkaasi. Gabadha oo 14 sano jir ahayd ayaa maydkeeda laga helay gurigooda, waxaana jirkeeda gaar ahaan madaxa ka muuqday jirdil xoogan oo loo gaystay. Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maa’ido Maxamed Axmed, waxaana sidoo kale ay ahayd arday, iyada oo xilliga la dilayay ka timid iskuulka. Garbar la dhalatay marxuumadda ayaa ka sheekeysay sida ay wax u dhaceen, waxayna sheegtay in dilkeeda aan loo adeegsaday hub ee garaacis iyo ceeji lagu dilay. “Gabadha madaxaa jug looga gaystay kadib waa dhiig baxday iyo ceeji loo gaystay ayay u dhimatay, iyada dhan wada dhiig ayay ahayd qof ayaa dilay kas cad ayuun u dilay” ayay tiri. Sidoo kale waxa ay tilmaamay in la xiray dad tuhmanayaal ah, kuwa kale lagu raad-joogo, si cadaaladda loo horkeeno. “Dad ayaa lagu tuhmoowaa illaa haddana waa lagu raad-joogaa qaarna waa la haayaa waana tuhun lee” ayay mar kale tiri gabadha walaasheed oo la hadashay warbaahinta. Dadka lasoo xiray waxaa kamid ah saddex qof oo kamid ah ehellada gabadha yar ee sida arxan darrada ah loogu dilay degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir. Illaa iyo hadda ma jiro wax kasoo baxay laamaha amniga, waxaase soconayo baaris ay wadaan booliska iyo laanta dambi baarista C.I.D oo la wareegay kiiska gabadhaasi yar. The post Muqdisho: Gabar yar oo si arxan darro ah loogu dhex-dilay gurigooda + Video appeared first on Caasimada Online.
  12. Mogadishu (HOL) — Ethiopia's Deputy Permanent Representative to the African Union, Nebiyu Tedla, has disparaged recent comments by Somalia's Foreign Minister, Ahmed Moalim Fiqi, as "comical." Source: Hiiraan Online
  13. Garowe (HOL) — Puntland's Minister of Information, Mahamoud Aydid Dirir, declared that Bosaso cannot operate under two competing administrations, emphasizing the regional government's sole mandate over the strategic city. His statement follows an intensifying standoff between the Puntland Security Force (PSF) and the Puntland Maritime Police Force (PMPF), which has resulted in the closure of Bosaso Airport for the fourth consecutive day. Source: Hiiraan Online
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa gebi ahaan hakad-gashay shaqada garoonka diyaaradaa magaalada Boosaaso ee gobolka Bari halkaas oo ay ka taagan tahay xiisad culus oo u dhexeyso ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PSF iyo maamulka Puntland. Labada dhinac ayaa isku qabtay isticmaalka garoonka diyaaradaha Boosaaso, kadib markii PSF ay sheegtay in laga hor istaagay in askar dhaawacyo ah ay ka dhoofiso halkaasi. Intaas kadib taliska ciidanka PSF ayaa soo saaray hanjabaad culus oo uu ugu digay shacabka deggan aagga garoonka iyo diyaaradaha tega magaalada Boosaaso. Shaqada joogsatay ayaa sidoo kale timid, kadib markii xalay ay PSF ku celisay digniinteedii hore, iyada oo intaas ku dartay in aanu weli xal rasmi ah laga gaarin arrinta garoonka, ayna u digayaan shacabka iyo shirkadaha duulimaadyada. Arrintan ayaa sidoo kale keentay inuu baaqdo duulimaadyo ay maanta Boosaaso ku tegi lahaayeen Daallo Arline iyo Itoobiya Arlines oo cabsi ka muujiyay digniinaha soo baxay. Puntland oo maalin kahor jawaab ka bixisay tallaabda ciidanka PSF ayaa hoosta ka xariiqday in wax xaalad ah aysan ka jirin Boosaaso, isla markaana ay tahay nabadgelyo. “Waxaan rabnaa in shacabka magaalada in ay ogaadaan in aysan jirin nabad galyo xumo, waxaan uga digeynaa dadka nabad galyo darrada abuuraya in ay ka fogaadaan” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Bari. Arrintan ayaa durbo dhalisay xiisad xoogan oo laga dareemay Boosaaso oo ay horay ugu dagaalameen ciidamada PSF-ta iyo kuwa kale oo taabacsan madaxtooyada maamulkaas. The post Shaqadii garoonka diyaaradaha Boosaaso oo istaagtay, kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
  15. Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Maanta Xarunta Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Ku-simaha Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Kulanka looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorka Puntland ee Dowlad dhiska Soomaaliya iyo arrimaha Puntland sida Amniga, nabadeynta, dimuqraadiyadda iyo mashaariicda horumarin. “Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorka Puntland ee Dowlad dhiska Soomaaliya iyo arrimaha Puntland sida Amniga, nabadeynta, dimuqraadiyadda iyo mashaariicda horumarin” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi. Waxaa Kulanka kala qeybgalay Madaxweynaha Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Maanta Garoowe ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta qaaday tallaabo culus ayaa howlgeliyay xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka, taas ku taalla gudaha isbitaalka Banaadir ee magaalada caasimad ah ee Muqdisho. Xamza oo madasha ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda ay xaruntan u leedahay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan in la helo dhiig ku filan oo lagu badbaadin karo nolosha dad badan oo u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah. Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha xaruntan cusub ayaa kaalin ka qaadan doonto samata bixinta bukaanada u baahan dhiigga, waxaana la dhigay mashiinadii ugu dambeeyay iyo qalab casri ah. “Xarunta Bangiga Dhiigga ayaa ah mid casri ah oo laga hirgeliyey caasimadda, isla markaana la dhigay mishiinadii ugu danbeeyey oo casri ah ayaa la filayaa inay kaalin weyn ka qaataan samata bixinta bukaannada u baahan dhiigga, iyada oo gacan weyn ka geysan doonta yareynta helitaanka dhiig caafimaad qaba oo ku filan bukaannada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Intaasi kadib Xamza Cabdi Barre ayaa booqday Isbitaalka Banaadir, isaga oo kormeeray qaybta dhaqidda kelyaha oo Iyana la dhigay qalab casri ah, isla markaana si lacag la’aan ah bukaanka ugu adeegi doonta. Ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in horumarinta adeegyada caafimaadku ay ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee qorshaha xukuumadda, isagoo ku nuuxnuuxsaday in caafimaadka bulshada uu yahay aasaaska horumarka. Waxaa kale oo uu ku boorriyay shaqaalaha caafimaadka in ay sii wadaan dadaalkooda si loo xaqiijiyo in adeegyada caafimaadku ay noqdaan kuwo waxtar leh oo gaara dhammaan bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna dhinaca kale u mahadceliyay dowladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo gacan ka siisay hirgelinta iyo dib habeynta qaybahan caafimaad. Waxa gabagabadii warsaxaafadeedka lagu yiri “Xukuumadda DanQaran ayaa ku howlan dardar-gelinta qorshayaasha horumarinta adeegyada caafimaadka, si loo hagaajiyo tayada adeegyada caafimaad ee dalka, loona xaqiijiyo helitaanka adeegyo caafimaad oo dhan walba ah” The post Sawirro: R/W Xamza oo qaaday tallaabo culus oo Muqdisho looga howlgeliyay… appeared first on Caasimada Online.
  17. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray howlgelinta xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka , ayaa tilmaamay muhiimadda ay xaruntan u leedahay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan in la helo dhiig ku filan oo lagu badbaadin karo nolosha dad badan oo u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah. Xarunta Bangiga Dhiigga ayaa ah mid casri ah oo laga hirgeliyey caasimadda, isla markaana la dhigay mishiinadii ugu danbeeyey oo casri ah ayaa la filayaa inay kaalin weyn ka qaataan samata bixinta bukaannada u baahan dhiigga, iyada oo gacan weyn ka geysan doonta yareynta helitaanka dhiig caafimaad qaba oo ku filan bukaannada. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale waxa uu booqday Isbitaalka Banaadir, halkaas oo uu kormeeray qaybta dhaqidda kelyaha oo Iyana la dhigay qalab casri ah, isla markaana si lacag la’aan ah bukaanka ugu adeegi doonta. Mudane Xamsa waxa uu xusay in horumarinta adeegyada caafimaadku ay ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee qorshaha xukuumadda, isagoo ku nuuxnuuxsaday in caafimaadka bulshada uu yahay aasaaska horumarka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay shaqaalaha caafimaadka in ay sii wadaan dadaalkooda si loo xaqiijiyo in adeegyada caafimaadku ay noqdaan kuwo waxtar leh oo gaara dhammaan bulshada Soomaaliyeed. Ra’iisul Wasaaaraha ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay dowladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo gacan ka siisay hirgelinta iyo dib habeynta qaybahan caafimaad. Xukuumadda DanQaran ayaa ku howlan dardar-gelinta qorshayaasha horumarinta adeegyada caafimaadka, si loo hagaajiyo tayada adeegyada caafimaad ee dalka, loona xaqiijiyo helitaanka adeegyo caafimaad oo dhan walba ah. Source: goobjoog.com
  18. Anakara (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya inuu baaqday wajiga saddexaad ee wada-hadallada Soomaaliya Itoobiya uga socday magaalada Ankara ee caasimada Turkiga, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo. Sida uu qorshuhu ahaa 17-ka bishan ayaa la filayay in dib loo amba qaado wada-hadallada, si looga xaajooda xiisadda ka dhalatay heshiiska badda ee dhex-maray Itoobiya iyo Somaliland Sababta ugu wayn ee keentay baaqashada kulankan ayaa ah in weli uusan jirin wax isku soo dhawaansho ah oo ay labada dhinac ka sameeyeen xiisadda taagan, waxaana Itoobiya ay ku dhagan tahay heshiiska badda, halka Soomaaliya uu weli halkeedii yahay mowqifkeeda ku aadan in marka hore Itoobiya ka laabato heshiiska ay la gashay Somaliland. Dib u dhaca ku yimid wada-hadallada wajiga saddexaad ayaa kusoo aaday, iyadoo xiisadda ay kasii dareyso, isla markaana labada dal ay hawada isku marinayaan hadalo xanaf leh oo saamayn ku yeelan kara sii socoshada wada xaajoodka magaalada Ankara. Shirkan ayaa noqon lahaa kii saddexaad oo ka dhaca Turkiga, waxaana horay natiijo la’aan usoo dhammaaday labada kulan oo ay yeesheen Muqdisho iyo Addis Ababa. Si kastaba, Xiisadda ka dhalatay heshiiskan ayaa cirka isku sii shareertay, waxaana si weyn looga dareemay gobolka, kadib markii ay kusoo biirtay Masar oo dhowaan heshiis difaac la gashay Soomaaliya, kaas oo dhigaya in ciidamo Masaari ah la keeno gudaha Soomaaliya, taas oo iyana ay ka hortimid Itoobiya oo ay wabiga Nile isku hayaan dowladda Masar. The post Wajigii saddexaad ee wada-hadallada Soomaaliya iyo Itoobiya oo baaqday + Sababta appeared first on Caasimada Online.
  19. Kismayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaas oo u dhexeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada Jubbaland. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig Daraawiishta Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolkaasi. Ciidamada ayaa ka hortegay weerarka Al-Shabaab, waxaana ay gaarsiiyeen khasaare culus oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. War kooban oo kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in la fashiliyay weerarka Al-Shabaab oo uu ujeedka ahaa in lagu beesado ciidanka deggan Janaay Cabdalle. “Ciidamada Daraawiishta Jubbaland gaar ahaan guutada labaad ee ka howlgasha deegaanka Janaa Cabdalle ee gobolka Jubada hoose ayaa fashiliyay weerar fuleynimo ah oo ay doonayeen in Khawaarijta ay kusoo qaadaan saldhigga ciidamada ee deegaankaasi” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Jubbaland. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in goobta lagu dilay 5 xubnood, ayna maydadkooda iyo kuwa kale oo dhaawac ah ka carareen kooxdii weerarka soo qaaday. “Maleeshiyaadkii weerarka fuleynimada ah soo qaaday waxaa loo dhigay cashir aysan iloobin doonin iyagoo isaga cararay meydadka shan kamida khawaarijta iyo dhaawaca qaar kamida Argagixisadii.” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Jubbaland. Horay sidaan oo kale ayaa kooxda Al-Shabaab loogu jabiyay weerar ay kusoo qaadeen Buulo-xaaji, waxaana kadib madaxweynaha Jubbaland uu abaal-mariyay ciidamadii ka hortegga sameeyay ee jilibka u dhigtay maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday. The post Shabaab oo jab culus lagu gaarsiisay weerar ay kusoo qaadeen duleedka Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
  20. Ciidamada Daraawiishta Jubbaland gaar ahaan guutada labaad ee fadhigoodu yahay deegaanka Janaa Cabdalle ayaa sheegay inay ka hortageen weerar ay koox Alshabaab ku soo qadeen deegaankaas. Ciidanka ayaa sheegay inay khasaaro weyn u geysteen dagaalameyaasha Alshabaab ee weerarka soo qaaday, balse faahfaahin dheeraad ah kama bixin tirida rasmiga ah ee dhimashada xubnaha Alshabaab iyo waxyeellada dhankooda soo gaartay. Wararka ku saabsan dhacdadan ayaa weli isi soo taraya, waxaana la filayaa in Wasaaradda Gaashaandhigga ay war saxaafadeed faahfaahin arrintan ka soo saari doonto. Source: goobjoog.com
  21. Dooni ganacsi oo lagu magacaabo “BLUE STAR” ayaa ku gubtay xeebaha dalka Cumaan xalay saqdhexe sida ay xaqiijiyeen ganacsato ku sugan Boosaaso. Doontaan ayaa kusoo jeeday magaalada Boosaaso ee Puntland, Soomaaliya. Sida ay sheegeen ganacsatada doonidaan ayaa u siday badeecado kala duwan dadka Soomaaliyeed, taasoo muhiim u ahayd ganacsiga iyo dhaqaalaha gobolka. Dhacdadaan ayaa saamayn ku yeelan karta ganacsatada Soomaaliyeed iyo guud ahaan dhaqaalaha gobolka. Waxaa soo laab laabtay gubashada doomaha ganacsi ee ka yimaada dalalka Carabta waxaa la sheegay in mararka qaar ay keenaan arrimo ganacsi. Ganacsatada Magaalada Boosaaso ayaa dhibaato badan ku qaba dhacdooyinka, sanadwalba waxa ay ku waayaan Malaayiin doollar. Source: goobjoog.com
  22. Ciidanka Israa’iil ayaa xaqiijiyay in gantaal laga soo riday dalka Yaman uu ka dhacay gudaha ismaamulka Yuhuudda, ayagoo intaa ku daray in uu meel aan la deganayn, waxyeellona aanay ka dhalan. seeriga duullaanka cirka ayaa laga maqlay Tel Aviv iyo guud ahaan bartamaha Israa’iil saacadihii hore Axadda maanta, taasoo dadka deegaanka u dirtay farriin ah inay u cararaan goobaha gabbaadka ah. Militariga Israa’iil ayaa sheegay inay ogaadeen in gantaalka loo waday bartilmaameedyo ku yaalla bartamaha maamulkaas, balse uu ku dhacay meel bannaan oo aan cidina deganayn. Kooxda Xuutiyiinta ayaa billaabay weerarro ka dhan ah maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil wixii ka dambeeyay bishii October, xilligaas oo Israa’iil ay duullaanka dhulka ku qaaday marinka Qasa ee dhulka reer falastiin. Source: goobjoog.com
  23. Nairobo (Caasimada Online) – Dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa soo saaray digniin culus oo ku aadan suurtagalnimada weeraro qaraxyo ah oo ka dhaca dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi ee caasimada dalkaasi. Digniintan ayaa waxa ay kasoo baxday safaaradaha Mareykanka iyo Britain ee ku yaalla Nairobi, waxayna farriin u diray muwaadiniintooda ku sugan gudaha waddanka Kenya. Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa tilmaamay in weeraradan qaraxyada ah lagu beegsaday hoteellada waa wayn, safaaradaha, maqaayadaha suuqyada iyo saldhigyada ciidamada, waxayna ugu baaqeen muwaadiniintooda inay muujiyaaan feejignaan dheeri ah. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen in kooxaha argagixisadu ay beegsan karaan meelaga ay ku badan yihiin dadka ajaaniibta ah, gaar ahaan kuwa dalxiisayaasha ee tega Kenya. Waxaa kale oo digniinta lagu sheegay inuu dhici karo afduub lagula kaco dadka kasoo jeeda reer galbeedka ee ku dhaqan halkaasi, loona baahan yahay taxadar iyo dadaal dheeri ah. Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo illaa iyo hadda kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga Kenya oo ku aadan weeraradan laga digay inay ka dhici karaan dalkaasi. Horay kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro toos ah iyo kuwa qaraxyo ah ka fulisay gudaha dalka Kenya, kuwaas oo dhaliyay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. The post Mareykanka iyo Ingiriiska oo ka digay weeraro qaraxyo ah oo ka dhaca KENYA appeared first on Caasimada Online.