-
Content Count
203,504 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday in ay hakisay dadaalkii ay ku laheyd dhexdhexaadinta wadahadallada muhiimka ah ee lagu rabay in xabad joojin lagu kala dhex dhigo Isra’il iyo Xamaas, si loo soo afjaro dagaalka Gaza. Qatar waxay sheegtay in tallaabadani ay u qaadday sababo ay ku sheegtay niyad jabka ka dhashay horumar la’aanta heshiiska xabbad joojinta ee Gaza. Qatar waxay kaloo sheegtay in aysan miiska wadahadalka ku soo laaban doonin ilaa ay niyad wanaagsan oo ku qotoma wadahadallada la imanayaan Xamas iyo Isra’il. Dalkan yar ee hodonka ah ee ku yaalla khaliijka Carabta ayaa ka barbar shaqaynayay Maraykanka iyo Masar muddo bilo ah, iyaga oo riixayay wadahadalo aan miro dhal noqon kuwaas oo u dhaxeeyay dhinacyada isku haya Gaza. Go’aankan ayaa durba guux badan ka dhaliyay gudaha Isra’il. Sabtidi shalay, kumannaan qof oo Isra’aa’iiliyiin ah ayaa ku mudahaaraaday magaalada Tel Aviv, kuwaas oo ka walaacsan xaaladda la heystayaasha wali ku harsan gacmaha kooxaha Falastiiniyiinta. Source: goobjoog.com
-
MINNEAPOLIS, MINNESOTA — Huldah Momanyi Hiltsley made history November 5 by becoming the first Kenyan-born immigrant elected to the Minnesota House of Representatives. She describes her victory as a testament to resilience, determination and the realization of the American dream. Source: Hiiraan Online
-
US, UN discuss security challenges in Haiti, Somalia, Yemen
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Over phone, Antony Blinken, Antonio Guterres share concerns over security situations in Haiti, Somalia, as well as detainees held by Houthis in Yemen Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan uga hor-timid tallaabada uu qaaday madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe, ee uu ku magacaabay guddiga doorashada madaxweynaha Jubaland. Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa qoraal ay soo saartay ku tiri “Waxaa nasiib darro ah in mar kale uu Mudane Axmed Madoobe hadana ka baxay hishiiskii uu la galay saamileyda siyaasadeed ee Jubaland, isaga oo ku andacooday in uu wax ka badalay qodobka 70-aad ee dastuurka Jubaland si uu mar sedexaad fursad ugu helo in uu dib isugu doorto xilka Madaxweynaha Jubaland.” Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran Dowladda Federalka Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta hannaanka dimoqoraadiyadeynta heerarka kala Dowladnimada dalka si dadka Soomaaliyeed awood loogu siiyo in ay iyagu doortaan madaxdooda. Iyadoo taas laga amba qaadayo wuxuu hoggaanka Dowladda Federaalku wadatashiyo qoto dheer la yeeshay madaxda maamulada dalka, waxayna ku guuleysteen in ay dib u eegis ku sameyaan Dastuurka Qabyada ah, taas oo Baarlamaanka Federaalku uu si aqlabiyad ah ku ansixiyey cutubyo ka mid ah. Golaha Wadatashiga Qaranka muddadii uu jiray wuxuu ku guuleystay in heshiisyo muhim ah uu ka gaaro arrimo masiiri ah, oo ay ka mid yihiin heshiiska qaab dhismeedka amniga qaranka, heshiiska hannaanka federaaleynta nidaamka maaliyadda dalka, heshiiska wadaagga awoodaha heerarka dowladda, iyo heshiiska nidaamka cadaaladda taas oo fududeysay in uu wadanka guulo waaweyn ka gaaro dhinacyada la dagaalanka argagixisada, dhameystirka dastuurka iyo maqaamka qaranka ee fagaarayaasha caalamka. Golaha Wadatashiga Qaranka waxa uu sidoo kale dardargeliyay hannaanka geedi socodka dowlad dhiska iyo dimoqoraadiyeynta dalka, waxaa uuna ka gaaray heshiisyo dhaxal gal ah oo dalka looga saarayo nidaamkii doorashada dadban laguna gaarsiinayo nidaamka doorashada tooska ah 00 ku dhacda hannaan dimuqraadiyadeed oo xor iyo xalaal ah. Sida la wada ogyahay, Madaxweynaha Jubaland Mudane Ahmed Mohamed Islaan waxa uu ka mid ahaa xubnihii go’aannadaas dhaxal galka ah qeybta ka ahaa, door shariif ahna ku lahaa dhamaan hishiisyadii goluhu gaaray mudadii u dhaxeysay Juun 2022 ilaa May 2024, kuwaas oo qeexayey: 1- In la mideeyo doorashada dalka, 2- In la qabto doorasho qof iyo cod ah iyo 3- In la sameeyo hal guddi oo madax-banaan, isku-dhaf ah oo dalka ku hogaamiya inay ka qabsoonto doorasho dadweynuhu si toos ah uga qeyb galaan. Waxaa lama filaan iyo wax laga xumaado noqotey in iyadoo waxaas oo dadaal ah la soo sameeyey uu Mudane Ahmed Madoobe ka baxo shirkii 10-aad ee Golaha Wadatashiga Qaranka oo ah halka looga arrinsado masiirka dalka iyada oo muddo dhowr bilood ah shirku u xayirnaa isaga oo mar walba keenayay cudurdaar macquul ah iyo mid aan ahaynba. Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu ka soo qeyb galay Mudane Ahmed Madobe Bishii October ayuu isla markiiba shirka isaga baxay maalinkii 2aad isaga oo ku andacooday in uusan diyaar u aheyn in uu fuliyo heshiiskii lagu hirgelinayay doorasho xor iyo xalaal ah isla markaana caddeystay in uu rabo in uu dib ugu laabto doorasho dadban oo uu isagu maamulo isla markaana isla asagu ku soo baxo. Waxaa dadaal iyo waqti badan lagu bixiyey sidii uu dib ugu soo noqon lahaa shirka balse nasiib darro wuu ku gacan sayray dhammaan dadaaladaas. Taasi waxay ka dhigan tahay in Mudane Ahmed Modoobe si bareer ah ugu balan furay Madasha Wadatashiga Qaran, Ummadda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka oo uu hortooda ku balan qaaday kuna saxiixay heshiisyada la xiriira in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah si ay shacabka Soomaaliyeed fursad ugu helaan in ay madaxdooda doortaan. Ma aha markii ugu horeysay oo Mudane Axmed Maxamed Islaan balan-bax tan oo kale ah sameeyo tan iyo markii uu noqday Hogaanka Jubaland, waxaa xusid mudan in doorashdii dhacday 2019kii ay ku dhamaatay khilaaf xoogan, taas oo markii dambe keentay in saamileyda siyaasadda Jubbaland ay ku hishiiyeen in doorashada xigta uusan qeyb ka noqon Mudane Axmed Madoobe sida uu qabo dastuurka Jubaland qodobkiisa 70-aad 00 qeexaya in muda xileedka Madaxwaynuhu yahay laba jeer oo kali ah. Waxaa nasiib darro ah in mar kale uu Mudane Axmed Madoobe hadana ka baxay hishiiskii uu la galay saamileyda siyaasadeed ee Jubaland, isaga oo ku andacooday in uu wax ka badalay qodobka 70-aad ee dastuurka Jubaland si uu mar sedexaad fursad ugu helo in uu dib isugu doorto xilka Madaxweynaha Jubaland. Dowladda Federalka, waxaa waajib ka saaranyahay ilaalinta iyo fulinta dhammaan heshiisyadii ay Madasha Wadatashiga Qanku hore u gaareen, lagamana aqbali karo cid kasta oo qaada talaabo sharci darro ah oo khilaafsan wixii lagu heshiiyay. Dowadda Federalka, waxay caddeynaysaa in Mudo xileedkii Mudane Ahmed Moobe ka dhammaaday bishii August 2023, wixii ka dambeeyayna uu xilka ku sii hayay heshiis siyaasadeed oo ay wada galeed Dowladda Federalka iyo Dowlad goboleedyadu si looga wada shaqeeyo qabashada doorasho qof iyo cod ah, sidaa owgeedna uusan haysanin sharciyad uu dastuurka ku badalo ama mid uu ku maamulo doorasho ka duwan tii lagu heshiiyay. Dowladda Federaalka waxey cambaareyneysaa tallaabada sharci darrada ah ee Mudane Ahmed Madobe ku magacaabay Guddi is doorasho, waxeyna uga digaysaa talaabo kasta oo sharci darro ah, taas oo abuuri karta qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dhaqaale, isla markaana kala qaybin karta bulshada reer Jubaland ee walaalaha ah. Dowladda Federalka, waxay ugu baaqaysaa siyaasiyiinta, aqoonyahanka, madaxda dhaqanka, culimada, haweenka, dhalinyarada iyo dhammaan shacabka reer Jubaland ee samirka badan in ay difaacdaan awoodooda dastuuriga ah ee la xiriirta in ay si xor iyo xalaal ah u doortaan cidda xukumaysa, isla markaana ay ilaashadaan nabadooda, midnimada iyo wadajirkooda. The post DF oo jawaab kulul ka soo saartay tallaabada uu xalay qaaday Axmed Madoobe appeared first on Caasimada Online.
-
Warbixin/ Madaxweynaha Jubbaland oo magacaabay guddi doorasho iyo dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa magacaabay guddiga doorashada dadban ee maamulkiisu uu qorshaynayo inuu dhowaan ka qabto deegaanada uu ka arrimiyo, xilli arrintaasi ay tahay qodobka ugu weyn ee gun-dhigga u ah xiisadda dowladda Federaalka iyo Jubbaland. Magacaabista guddigan oo ka kooban 7 xubnood ayaa loo arkaa tillaabo uga sii daraysa khilaafka labada dhinac, waxayna ku soo beegantahay xilli inta badan xildhibaanada iyo Senator-rada laga soo doorto deegaanada maamulkaasi ay ku suganyihiin magaalada Kismaayo. Dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay guddiga uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Jubbaland, waxaana war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha lagu yiri” Dowladda Federalka Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta hannaanka dimoqoraadiyadeynta heerarka kala duwan ee Dowladnimada dalka si dadka Soomaaliyeed awood loogu siiyo in ay iyagu doortaan madaxdooda”. Iyadoo taas laga amba qaadayo wuxuu hoggaanka Dowladda Federaalku wadatashiyo qoto dheer la yeeshay madaxda maamulada dalka, waxayna ku guuleysteen in ay dib u eegis ku sameyaan Dastuurka Qabyada ah, taas oo Baarlamaanka Federaalku uu si aqlabiyad ah ku ansixiyey cutubyo ka mid ah”. Sidoo kale war saxaafadeed oo dheeraa ayaa lagu sheegay in golaha Wadatashiga Qaranku muddadii uu jiray, uu ku guuleystay in heshiisyo muhiim ah uu ka gaaro arrimo masiiri ah, oo ay ka mid yihiin heshiiska qaab dhismeedka nabad-gelyada qaranka, heshiiska hannaanka federaaleynta nidaamka maaliyadda dalka, heshiiska wadaagga awoodaha heerarka dowladda, iyo heshiiska nidaamka cadaaladda, taas oo fududeysay in uu dalku guulo waaweyn ka gaaro dhinacyada la dagaalanka argagixisada, dhameystirka dastuurka iyo maqaamka qaranka ee fagaarayaasha caalamka. Sidoo kalena uu golaha Wadatashiga Qaranku dardargeliyay hannaanka geedi socodka dowlad dhiska iyo dimoqoraadiyeynta dalka, islamarkaana la gaaray heshiisyo dhaxal gal ah oo dalka looga saarayo nidaamkii doorashada dadban, laguna gaarsiinayo nidaamka doorashada tooska ah oo ku dhacda hannaan dimuqraadiyadeed oo xor iyo xalaal ah. ” Sida la wada ogyahay, Madaxweynaha Jubaland Mudane Ahmed Mohamed Islaan waxa uu ka mid ahaa xubnihii go’aannadaas dhaxal galka ah qeybta ka ahaa, door shariif ahna ku lahaa dhamaan hishiisyadii goluhu gaaray mudadii u dhaxeysay Juun 2022 ilaa May 2024, kuwaas oo qeexayey: 1. In la mideeyo doorashada dalka, 2. In la qabto doorasho qof iyo cod ah iyo 3. In la sameeyo hal guddi oo madax-banaan, isku-dhaf ah oo dalka ku hogaamiya inay ka qabsoonto doorasho dadweynuhu si toos ah uga qeyb galaan. ” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay dowladdu. War saxaafadeed oo luuq adag ku qornaa ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Jubbaland uu ku ballan furay madasha wada-tashiga qaranka, umadda Soomaaliyeed, iyo beesha caalamka, islamarkaana uu doonayo inuu qabsado doorasho dadban oo asagu uu ku soo baxo. Dhanka kale wasaaradda arrimaha guduhu waxay siyaasiyihiinta, aqoonyahannada, Culumada, iyo guud ahaan dadweynaha Jubbaland ugu baaqday inay difaacdaan hannaanka dimoquraadiyadda, ayadoo sheegtay hoggaamiye Axmed madoobe uu diiday dadaal walba oo xal loogu raadinayo xiisadda taagan. Tillaabada uu qaaday hoggaamiyaha Jubbaland iyo war saxaafadeedka aadka u adag ee ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga jawaabtay ayaa muujinaysa in khilaafka labada dhinac uu gaaray meeshii ugu xumayd, lamana oga halka ay xaaladdu ku dambayn doonto. Source: goobjoog.com
-
Doha (Caasimada Online) – Qatar ayaa ka dalbatay madaxda Xamas in ay dalkeeda ka guuraan kadib cadaadis xooggan oo ka yimid Mareykanka, waxaa sidaas sheegay saraakiil Mareykan ah. Arrintan ayaa la sheegay in Doha ay sabab uga dhigtay in Xamas aysan daacad ka aheyn wada-hadallada lagu sii daynayo la-haystayaasha Israel ee gacanta ugu jira iyo xabad-joojin ka dhacda Gaza. Maamulka Mareykanka ayaa u sheegay Qatar in joogitaanka Xamas ee Doha aysan hadda kadib aheyn mid la aqbali karo, maadaama kooxda Falastiiniyiinta ay diideen hindisihii ugu dambeeyey ee lagu gaari lahaa xabad-joojin iyo sii daynta la-haystayaasha Israel. “Kadib markii ay Xamas diiday soo jeedinno is-daba joog ah oo lagu sii dayn lahaa la-haystayaasha, madaxdeeda waa in aan lagu soo dhaweyn caasimadaha saaxiibada Maraykanka. Taas waxaan u cadeynay Qatar ka dib markii Xamaas ay diiday toddobaadyo ka hor soo jeedin kale oo lagu sii dayn lahaa la-haystayaasha,” ayuu yiri sarkaal Mareykan ah oo codsaday in aan la magacaabin. Si kastaba, sarkaal sare oo Xamas ah ayaa Sabtidii u sheegay AFP, in kooxda aysan weli Qatar ka heli wax tilmaamo ah oo ku saabsan in ay dalka ka tagaan. “Ma xaqiijin karno ama beenin karno waxa la daabacay ee laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed oo aan la aqoon, balse aanan helin wax codsi ah oo aan kaga baxno Qatar,” ayuu yiri sarkaalka. Dhinaca kale, Qatar ayaa baxday dhex-dhexaadiye nimadii wada-xaajoodyada xabad-joojinta Gaza iyo sii daynta maxaabiista Israel. “Qatar waxa ay 10 maalmood ka hor ku wargelisay dhinacyada, intii lagu guda jiray isku dayadii ugu dambeeyay ee lagu doonayay in heshiis lagu gaaro, in ay joojin doonto dadaalkeeda ku aadan dhex-dhexaadinta Xamaas iyo Israel, haddii aan heshiis la gaarin,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Doha Majed Al Ansari. “Qatar waxay dib u billaabi doontaa dadaalladaas… marka ay dhinacyadu muujiyaan rabitaan iyo dhabnimo” ayuu raaciyay. The post Qatar oo madaxda ururka Xamas ka dalbatay in ay ka baxaan dalkeeda + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Saadasha Doorashada Madaxtooyada ee 2024 HORDHAC Maqaalkan kooban waxaan kusoo bandhigayaa, odoros kooban oo aan ku sameeyay doorashada madaxweynaha ee maalin dhaw foodda innagu soo haysa. Seeska ama tixraaca ay saadaashani ku dhisan tahay, waa natiijadii doorashadii madaxtooyada ee 2017kii ee ka muuqata shaxda hoose, taas oo u qoran si heer gobol ah. Doorashadii Madaxtooyada ee 2017kii Region Registered Voters in 2017 Total Votes Turn Over Ratio UCID – Votes Kulmiye – Votes Wadani – Votes Awdal 102,571 80,030 78% 617 1% 38,454 48% 40,959 51% Maroodijex 249,229 213,256 86% 19,795 9% 130,334 61% 63,127 30% Saaxil 60,817 48,144 79% 563 1% 31,182 65% 16,399 34% Togdheer 147,440 118,136 80% 1,233 1% 57,499 49% 59,404 50% Sool 63,698 39,516 62% 383 1% 21,707 55% 17,426 44% Sanaag 80,334 56,059 70% 550 1% 26,732 48% 28,777 51% Totol 704,089 555,141 79% 23,141 4% 305,908 55% 226,092 41% Shaxdan ayaa soo bandhigaysa tirada guud ee doorashada loo diwaan geliyay oo dhammayd 704,089 cod bixiye, tirada codka dhiibatay 555,141 cod iyo saamigeeda boqolay oo heer gobol ah. Sidoo kale waxay soo bandhigaysaa natiijada cod bixinta ee ay ka heleen saddexda xisbi oo heer gobol iyo wadar ba leh taas oo Kulmiye guushu ku raacday 79,816 cod. HABRAACA SAADAASHA Hab raaca saadaashan ayaa ku salaysan ama ay sees u tahay diiwan gelinta codbixiyaayasha 2024 iyo natiijadii doorashadii 2017kii, taas oo aan ka soo qaatay, heerka cod bixiyayaasha “turn-over rate” ee gobollada kala duwan iyo sidoo kale doorashada/natiijaada gobollada qaarkood, walow ay ka danbeeysay doorashadii 2021kii, haddana maadaama ay ahayd doorasho wakiillo iyo deegaan, si aan saamaynta xildhibaannadu aanay u majaro habaabin natiijada ayaa loo qaatay doorashadii madaxweynaha ee 2017. Saadashan ayaa soo bandhigaysaa saddex sawir (Scenarios) oo suura-gal ah kuna salaysan xaaladaha siyaasiga ah ee is beddelay intii u dhaxaysay labada doorasho iyo sidoo kale heeshiisyada iyo dhacdooyinka siyaasadeed ee intaa dhacay. Saddexdan sawir baa ah aragtida dayro, niyad sami iyo dhexdhexaad (Pessimistic, Optimistic and Average view). Sool: Codadka Sool ee odoroskani isticmaayaa waa degmada Caynabo oo qudha. Sawirka Kowaad (Pessimistic view) Tiyoo la isticmaalayo, diiwaan gelinta cod-bixiyayaasha ee 2024 iyo natiijada doorashadii madaxweynaha ee 2017kii, sawirkan waxaa ku salaysa yahay qodobada hoos ku xusan: 1. In go’aannadii shirkii Ceel-Afweyn iyo heshiiska isbahaysigu keeno saamayn ah in beesha East Burco Clan codkeedu si isleeg (50% and 50%) ugu qaybsamo labada murashax ee Cirro iyo Muuse. 2. In codka West Burco Clan (Gaar ahaan Ciidagale) ee doorashadii hore saddexda xisbi u qaybsamay uu soo laabto kalabadh ka mid ahi, marka la eego qodobbo ay ka mid yahiin, sida hadda Faysal u hawl gabmay, sida ollolaha abtinnimo ee Muuse doorkii hore u shaqaysay gebagabo u tahay iyo doorka hawlgal ee Mayor Mooge iyo hogaanka reerku. 3. In aan Awdal wax weyn iska beddelin oo ay kala helayaan, Waddani 55% iyo Kulmiye 44%. Halka ay doorkii hore ahayd 51% iyo 48% Waddani iyo Kulmiye kala ahaa. 4. In codadka reeraha musharaxiinta iyo gobollada Saaxil iyo Maroodijeex in aan waxba iska beddelin saami ahaan. Region Registered Voters 2024 Turn Over Rate of 2017 Anticipated Voters Ucid Kulmiye Wadani Awdal 181,801 78% 141,848 1,418 62,413 78,017 Maroodijex 497,734 86% 425,893 21,295 247,018 157,580 Saaxil 92,620 79% 73,320 733 43,992 28,595 Togdheer 236,279 80% 189,318 1,893 45,436 141,989 Sool / Caynabo 35,565 62% 22,063 221 8,825 13,238 Sanaag 119,648 70% 83,493 835 20,038 62,620 Totol 1,163,647 80% 935,935 26,395 427,723 482,038 Percentage of votes per Party/Candidate 3% 46% 52% Sadaashan natiijadeedu waa in Waddani / Cirro ku guulaysan doono 54,315 cod. Sawirka Labaad (Average View) Qaar ka mid ah qodobbada ay ku dhisan tahay saadaasha hore dad badan ayaa u arka in ay sidaas ka duwanaan doonto, markaa tan labaad waxa ay beddelaysaa qaar ka mid ah aragtiyaas, gaar ahaan codka Awdal iyo East Burco Clan. Hase yeeshee sawirkan labaad waxa keliya oo uu beddelay, saadaasha codka East Burco Clan oo uu kasoo qaadayo in 60% Cirro helo, Kulmiye-na 40%, taas oo lagu dabbaqay gobollada Sanaag, Sool iyo Togdheer. Waxa xusid mudan in beddelkan ay ka maqan yahiin codadka beesha East Burco Clan ee Saaxil iyo gobollada kale ee dalka. Region Registered Voters 2024 Turn Over Rate of 2017 Anticipated Voters Ucid Kulmiye Wadani Awdal 181,801 78% 141,848 1,094 56,739 83,691 Maroodijex 497,734 86% 425,893 21,295 247,018 157,580 Saaxil 92,620 79% 73,320 733 43,992 28,595 Togdheer 236,279 80% 189,318 1,893 37,864 149,561 Sool / Caynabo 35,565 62% 22,063 221 6,619 15,224 Sanaag 119,648 70% 83,493 835 15,864 66,795 Totol 1,163,647 80% 935,935 26,070 408,095 501,445 Percentage of votes per Party/Candidate 3% 44% 54% Sadaashan natiijadeedu waa in Wadani / Cirro ku guulaysan doono 93,350 cod. Sawirka Saddexaad (Optimistic View) Sawirkan saddexaad oo ah mid ku dhisan aragtida maasha Allah-da ama optimistic-ga ah, ayaa waxa dooddiisa sal u ah dhawr qodob oo ay ka mid yahiin: 1. In Muuse Biixi ay dad badan oo markii hore reernimo ku dhisay gaar ahaan Gabiley Clan ay isa-seegaan imikana Cirro dhisayaan, ha u bataan indheer garad, siyaasiyiin iyo ganacsato, dadkaasina cod kasoo goyn doonaan. Sidoo kalena ay jiraan in badan oo niyad jabsan, heelanaantooduna hoos u dhacday oo aanay aad u codayn doonin. 2. In dad badan saluugsan yihiin mamulka Muuse Biixi iyo xaaladda dalku marayo, sidoo kalena aragtidooda mucaaridku is beddeshay ay ka codayn doonaan. 3. In Gobolka Saaxil isbeddel weyn ka jiro oo uu mucaaridku ku xoogaystay. 4. Wax iska beddelka isdiiwaan gelinta oo xagga korodhku u badan yahay mucaaradka. 5. In Awdal ay u badatay mucaarid, badi siyaasiyiintii, dhaqankii iyo aqoonyahankii gobolkuba dhisayaan mucaaradka. 6. Xaaladda gobolka Sool iyo dhacdooyinka ku gedaaman. Tii oo qodobadaas la tix gelinayo saadashani waxa ay ku dhisan tahay isbeddalladan hoose: – Awdal in Mucaaridku ka helo 62%, Muusena ka helo 37%. – In Maroodijeex iyo Saaxil ay ka wareegeen Muxaafidka tiro dad ah oo u dhiganta 7%. – In East Burco Clan 60% u coday doonto Cirro, 40% u codayn doonto Muuse. Region Registered Voters 2024 Turn Over Rate of 2017 Anticipated Voters Ucid Kulmiye Wadani Awdal 181,801 78% 141,848 1,094 52,484 87,946 Maroodijex 497,734 86% 425,893 17,036 212,946 195,911 Saaxil 92,620 79% 73,320 733 36,660 35,927 Togdheer 236,279 80% 189,318 1,893 35,970 151,454 Sool / Caynabo 35,565 62% 22,063 221 6,619 15,224 Sanaag 119,648 70% 83,493 835 15,864 66,795 Totol 1,163,647 80% 935,935 21,811 360,543 553,256 Percentage of votes per Party/Candidate 2% 39% 59% Sadaashan natiijadeedu waa in Wadani / Cirro ku guulaysan doono 192,713 cod. TALOOYIN Si loo sugo hanashada guusha guud ahaan iyo tan ay soo bandhigayso saadaashuba waxaa muhiim ah in mucaaridku sii xoojiyo hawl galkooda doorashada, hannaanka maamulidda cod bixinta, xidhiidhka iyo heeganka guddiyada taageero. Si gaar ah na waxa aan u soo jeedinayaa: 1. Deegaanka codka mucaaridku ku xooggan yahay (Waddani power houses) in aad looga shaqeeyo fududaynta cod bixinta iyo sidii dadka ugu badani u codayn lahaa. 2. In si weyn looga hawl galo gobolka Awdal, guddiyo xirfad leh iyo dhaqaale ba lagu xoojiyo, maalmaha kooban ee ka hadhay doorashada. 3. In deeganada East Burco Clan aad loogu baxo oo loo wacyi geliyo gaar ahaan guddiyada dhaqanka ee East Burco Clan, xildhibaannada, Kaah iyo siyaasiyiinta kale ee taageersan is beddelka oo heer deegaan hoose looga hawl galo. 4. Horseed/Arabka: in si dhaw loola socdo loona xoojiyo dedaallada ku aaddan Arabka, lagana taxaddiro dedaallada Kulmiye ee aadka ugu aaddan. 5. In la xoojiyo oo la tageero guddiyada iyo siyaasiyiinta ka shaqaynaya deegaaada Muuse Biixi ku xooggan yahay, dhaqaale iyo dad ba lagu taageero si loo sugo in aanay noqon taageerayaasha la hantay. Alla Mahad Leh! Roble Abdi Muse. Qaran News
-
Ahmed Abdirahman Hassan thanked the people of Las Anod for the warm welcome extended to the delegation of the Independent Constitutional Review and Implementation Commission. Mogadishu (PP Editorial) — A delegation from the Independent Constitutional Review and Implementation Commission, led by the Deputy Minister of Somalia’s Ministry of Justice, Ahmed Abdirahman Hassan, is visiting Las Anod, the administrative capital of the interim Sool, Sanaag, Ceyn, and Khaatumo administration. The committee members will hold consultations with leaders of the SSCK and civil society representatives. Amendments to chapters 5 through 9 will be discussed, with one key point of contention being the criteria for forming a federal member state — specifically, article 5 (whether this requires one and a half regions, two regions or more than two regions). The committee members are unable to hold consultations in areas under the secessionist Somaliland administration, whose MPs retain federal representation in the bicameral legislature despite being unable to visit their constituencies. Given that the Federal Government of Somalia has designated secession as a national security threat, a question arises: how will the input of Somaliland MPs and Senators be incorporated into the outcomes of these discussions? Proposed amendments to article 7 are equally contentious, particularly concerning who will be in charge of the government — the President or the Prime Minister. Should the Prime Minister assume control of the government, the President would assume responsibility for the state. Conversely, if the President were to be elected directly by the people, he would hold the privilege of appointing a Prime Minister. In such a scenario, it is unlikely that a Somali President would permit a PM to become head of the government. Currently, a Prime Minister in Somalia retains a degree of power because the bicameral legislature elects the President. The incumbent President, Hassan Sheikh Mohamud, favours a system in which the presidency wields powers similar to the pre-1991 presidency. Such ambitions do not reflect the irreversible changes in Somali governance brought about by state collapse, civil war and the threat of transnational terrorism. At present, the bicameral legislature is largely beholden to the presidency, a feature of the institutional anomalies that reflect the fragility of Somalia’s federal institutions. While consultations on constitutional amendments are a commendable step, it is essential to prevent them from becoming mere talking shops aimed at producing a superficially mediated review process. Somalia’s federal system turned 20 in October 2024. The fact that consultations on amendments to the provisional constitution are taking place in Las Anod represents significant progress in state-building, one year after the city was mercilessly shelled by forces of the Somaliland administration, which has claimed unilateral secession from the Federal Republic of Somalia since 1991. © Puntland Post, 2024 The post Constitutional Review Commission Visits Las Anod Amid Federal Reform Debates appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magacaabay guddiga madaxa banaan ee Xudduudaha iyo doorashooyinka Jubaland. Xubnaha guddiga oo ka kooban todobo xubnood ayuu Madaxweyne Axmed Madoobe ku amray in ay soo diyaariyaan doorasho dad badan xilli dowladda Soomaaliya sheegtay in dalka laga qabanayo doorasho qof iyo cod ah. Guddigan la magacaabay ee doorashooyinka Jubaland ayaa la filayaa in ay dhawaan guda galaan howlaha doorashada dadban ee Baarlamaanka iyo Madaxtooyada dowlad goboleedka Jubaland. Halkan ka akhriso warqada magacaabista PUNTLAND POST The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo magacaabay guddiga doorashada Jubaland appeared first on Puntland Post.
-
Dr Baadiyow and Dr Wei Xu, the co-translator of Making Sense of Somali History. Mogadishu (PP News Desk) — For the first time, a book on the political history of Somalia has been translated into Mandarin. Making Sense of Somali History, written by Dr Abdurahman Abdullahi (Baadiyow), was jointly translated by Dr Wei Xu of Zhejiang University and Dr Hodan Osman, the Somali Ambassador-designate to China. The two-volume book is a survey of Somali history and is regarded by some scholars as a synthetic and original work, issued at a time when Somali Studies continues to be stifled by the failure to replace the first generation of scholars, who published their works before 1991, when the state collapsed. Dr Baadiyow, a leading scholar, educationist and peace advocate, holds a PhD from McGill University. He has authored several books on Somali history, politics and religious movements. He returned to Somalia during the 1990s and played a leading role in reconstituting higher education institutions in Mogadishu and other parts of Somalia. © Puntland Post, 2024. The post Pioneering Translation of Somali Political History into Mandarin appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) –Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Madoobe ayaa Magacaabay Guddiga Madaxa-banaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubbaland, waxaana socda qorshe uu ku boobsiinayo doorashada, xilli dowladda federaalka ay diidan tahay in doorasho dadban ay ka dhacdo Jubbaland. Xubnaha guddiga ayaa ka kooban 7 qof oo lix rag tahay iyo hal gabar, kuwaas oo ka shaqey doona qabashada doorasho oo si deg deg ah uga dhaceysa Jubbaland, sida uu qorsheystay Axmed Madoobe. Shalay iyo maanta waxaa Kismaayo ku sugnaa xildhibaanada labada Aqal ee Jubbaland ku metesha dowladda federaalka, intoodii aqbashay casuumaadii Axmed Madoobe. Madaxweynaha Jubbaland oo dhegaha ka fureystay rabitaanka dowladda federaalka ayaa dhowaan soo saaray warqad casuumaad ah oo xildhibaanada federaalka uu ugu yeeray, isagoo iclaamiyey kulan aayo ka tashi ah. Xubnaha Kismaayo gaaray ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in qorshaha Axmed Madoobe uu yahay inuu qabto doorasho dadban, wuxuuna si cad u diiday inuu kororsado hal sano, isla markaana doorasho qof iyo cod ah u diyaariyo Jubbaland. Jubbaland ayaa caawa soo saartay qoraal ay ku eedeysay dowladda federaalka, waxayna shaacisay in ciidamada xoogga dalka ee ka howlgala gobolka Jubbada Hoose laga soo saaray furimaha dagaalka, kuwaas oo la isugu geeyey Kismaayo, si qalalaase looga abuuro Jubbaland, sida loo dhigay warka ka soo baxay wasaaradda amniga Jubbaland. Hoos ka eeg liiska xubnaha guddiga: The post DEG DEG: Axmed Madoobe oo magacaabay guddi doorasho iyo qorshe culus oo ka socda Kismaayo appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha maamulka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magacaabay Guddiga Madaxa banaan ee Xudduudaha iyo Doorashooyinka Jubaland. Xubnaha Guddiga ayaa ka kooban todobo xubnood. waxaa uu ku amray in ay soo diyaariyaan doorasho dadban xilli dowladda Federaalka ay diiday in dalka laga qabto wax aan ka aheyn doorasho qof iyo cod. Xubnaha Guddiga ayaa kala ah: Mursal Siyaad Maxamed Axmed Maxamuud Yuusuf Warfaa Maxamed Jaamac Maxamed Cusmaan Yuusuf Axmed Xaaji Cabdi Maxamed Xuseen Cusmaan Naciimo Ibraahim Maxamed Source: goobjoog.com
-
Trump's leadership: new horizons for Africa-U.S. relations?
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
A Trump win could have a mixed impact on Somalia,particularly given Somalia's strategic location, security challenges, and ongoing development needs. It could mean Increased Counter-terrorism Support since Trump previously took a hard stance on terrorism, including drone strikes and support for counter-terrorism operations. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe ku eedeysan in uu ka qeyb qaatay dil dhowaan labo muwaadin loogu geystay Degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. “Dhagar-qabaha oo lagu magacaabo Cabdisamad Axmed Cismaan ayaa ku eedeysan in uu wade ka ahaa Mooto Bajaaj siday labo dhagar-qabe, kuwaas oo 26-kii October degmada Dharkenley dil ugu geystay labo muwaadin,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay NISA. Sidoo kale Hay’adda ayaa shaacisay magacyada ragga lagu eedeynayo in ninkaan uu dilkooda ka qeyb qaatay, waxaana la kala dhihi jiray Maxamed Cumar Nuur oo ahaa maamulaha Markazka Al-ansaar oo lagu dilay gudaha Markazka iyo Arday lagu magacaabi jiray Muscab Daahir Xuseen. Wiilka yar ee Ardayga ahaa ayaa xilliga la dilayay ku hawlanaa farsamada Kaamiro ku xirneyd banaanka Markazka, waana sababta la aaminsan yahay in loo beegsaday dadkaas. “Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa ku raad jooga dhagar-qabeyaasha kale, si caddaaladda loo hor keeno,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA. NISA ayaa soo bandhigtay sawirka ninka gacanta lagu dhigay ee loo heysto in dilka labadaas marxuum uu ku lug lahaa, waxaana ku socda baaritaan, si loo soo qabto raggii kale ee dilka gacantooda ku geystay, maadaama kan uu Mootada ay ku baxsadeen uu waday. Dadkaan ayaa sababsaday kaamiro ay ku xirayeen goobtaas waxbarasho ee ay ku sugnaayeen, waxaana Shabaab ka go’an inay ka hortagaan dadka xiranaya kaamirooyinka wax duuba ee CCTV-ga ah. Kooxda ayaa sidaan oo kale u dishay ganacsato badan oo xiratay kaamirooyinka, waxaana xusid mudan in maalmihii lasoo dhaafay lasoo qabtay xubno ka qeyb qaadanayey dilalkaas, dowladda Soomaaliya ayaa dadka ku amartay inay xirtaan kaamirooyinka. The post NISA oo soo bandhigtay nin ka tirsan Amniyaadka oo ka qeyb qaatay dilka labo qof appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay amar ku bixisay in ciidanka xoogga dalka ay kaso baxaan furimaha hore ee dagaalka ee gobolka Jubbada Hoose. Jubbaland ayaa war-saxaafadeedkaan ku sheegtay in dowladda federaalka ay siyaasadaysay dagaalka dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah. Wasaaradda ayaa sheegtay in ciidamadii ka soo baxay furimaha dagaalka ee xoogga dalka ay gudaha u soo galeen magaalooyinka waaweyn ee Jubbaland, gaar ahaan magaalada Kismaayo. “Dagaaladii dhacay 6-dii bishaan iyo maanta oo ah 9-ka November waxaa kali ku ahaa ciidamada Jubbaland oo kaligood jilibka u aastay Khawaarijta, khasaarihii ka dhashay dagaaladaas waxay ku gaar noqdeen ciidamada Jubbaland,” ayaa lagu yiri qoraalka. Jubbaland ayaa sheegtay in ciidamada dowladda federaalka ay waayahaan damacsanaayeen qorshaha ay uga soo baxeen furimaha dagaalka, isla markaana ay Jubbaland sameysay isku day kasta, si loogu qanciyo inay furimaha ku laabtaan oo dalka difaacaan. “Waxaa lacago lagu bixinayaa in ciidamadaasi ay ka soo baxaan furimaha dagaalka, iyadoo lasoo geliyey magaalooyinka waaweyn oo Kismaayo ku jirto, iyadoo laga leeyahay dano gaar ah oo siyaasadeed,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo baxay wasaaradda amniga Jubbaland. Sidoo kale Jubbaland ayaa dusha ka saartay wixii cawaaqib xumo ah oo ka dhasha hadii uu fashilmo dagaalka Khawaarijta oo ay ugu horeyso inuu faraha ka baxo amniga magaalada Kismaayo. “Dadka Soomaaliyeed iyo daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya waxaan ogeysiineynaa in talaabooyinkii ugu dambeeyey ee DF ay furimaha uga soo saartay ciidamada ka jooga Jubbaland, iyadoo adeegsaneysa awood dhaqaale iyo isku dirka beelaha ay ka dhalan karaan barakac iyo dagaala sokeeye oo Jubbaland ka bilowda,” ayaa lagu yiri warkaan. Hoos ka akhriso The post Jubbaland oo DF ku eedeysay fashilinta dagaalka Al-Shabaab iyo qorshe kale oo xasaasi ah appeared first on Caasimada Online.
-
Waxa dalka soo gaadhay goob joogayaal caalami ah oo la socon doona doorashada Somaliland ka dhici doonta 13ka November oo ay inaga xigto ayaamo kooban Goob joogayaashani ayaa u kuur gali doona sida ay u qabsoomi doonto doorashadu, waxana saaka tababar loo furay 23 ka mid ah goob joogayaasha oo dalka ku sugan kuwaasi oo shalay dalka soo gaadhay Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya ayaa ku wargelisay umadda Soomaaliyeed in shaqsiga magaciisa la yiraahdo Cabdullahi Cabdiraxmaan Aadan oo mar ahaan jiray la-taliyaha barnaamijka dhaqancelinta iyo isa soo dhiibayaasha Serendi xukuumadii hore laga soo bilaabo bilowgii sanadkii 2021-kii, ilaa bilowgii sanadkii 2022-kii, shaqada laga eryay Bishii Maarso 2022-kii. “Sidaas darteed waxaan u cadeeyneynaa dadka Soomaaliyeed iyo cid walba oo uu la xiriiray in uusan hadda u aheyn xukuumadda Dan-Qaran la-taliye ka tirsan Wasaaradda Amniga Gudaha,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda Amniga Soomaaliya. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa habeen ka hor xili saqdii dhexe weeraray guri uu magaalada Beledweyne ka deganaa nin sheegtay madaxweynaha maamul uu ugu magac daray Hiiraan State, kaas oo la ogaaday in Itoobiya uu gacan saar la leeyahay. Cabdullahi Cabdiraxmaan Aadan ayaa lagu magacaabaa ninkaas, waxaa calay gurigiisa u dhacay ciidan ka tirsan hoggaanka sahanka iyo sirdoonka ciidanka xoogga dalka, balse kuma guuleysan inay qabtaan. Gurigii loo dhacay ee ninkaasi deganaa waxaa loogu tegay aqoonsigiisa oo (la-taliye wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya) ay ugu qoran tahay, Calanka Itoobiya iyo agabyo kale oo ciidan, balse xiliga la galay gurigiisa waa uu ka maqnaa. Saraakiil ka tirsan ciidankii howlgalka fuliyey ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in ninkaasi uu u baxsaday dhanka magaalada Feerfeer, waxaana dabagal ku haya ciidanka xoogga dalka. Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada ayey waaran soo qabasho ah ka wateen ciidanka xalay guriga u dhacay, waxaana ciidanka lagu amray inay soo qabtaan ninkaas iyadoo wax khasaare ah uusan dhicin. Sida ay ogaatay Caasimada Online, sarkaalka xalay gurigiisa la weeraray waxay Itoobiya u balan qaaday inay u tababareyso ciidamo maleeshiyaad ah oo dhowr kun ah, si danaha Itoobiya ee gudaha Soomaaliya loogu adeegaado. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u sheegay in dowladda Itoobiya ay gudaha Soomaaliya ka wado qorshada maleeshiyaad u fuliya danaheeda gaarka ah, taasna ay ka hortegi doonto dowladda Soomaaliya. Dhowaan dowladda Soomaaliya ayaa dalka ka ceyrisay sarkaal ka tirsanaa safaaradda Itoobiya ee Muqdisho, kaas oo ku howlanaa abaabulka ciidamo maleeshiyaad ah oo gudaha Soomaaliya uu ka waday, waxaana ku fahantay dowladda Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa TV-ga Qaranka u sheegay in lix bilood ay ninkaas ku raad-joogtay dowladda Soomaaliya, si loo ogaado waxa uu ka shaqeynayo, taasi oo fududeysay in ugu dambeyntii dalka laga ceyriyo. The post DF oo warbixin kasoo saartay nin la shaqeeya Itoobiya oo ka tirsanaa wasaaradda amniga appeared first on Caasimada Online.
-
Popular Contributors