Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    210,678
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) — Somalia's U-17 national team endured a tough start to their Africa Cup of Nations campaign on Tuesday, falling 3-0 to a clinical Tunisian side led by standout forward Fedi Tayechi. Source: Hiiraan Online
  2. Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo miino oo ay ku dhinteen carruur ay dhaleen xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe. Qaraxyadan oo ahaa kuwa dhulka la geliyo ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Masaajid Cali Gaduud iyo tuulooyinka u dhow, waxaana ay waxyeelo kasoo gaartay carruur iyo xaasas ay dhaleen xubnaha Al-Shabaab. Guddoomiyaha deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo la hadlay ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ayaa ka hadlay dhacdadan, wuxuuna xaqiijiyay in carrruur iyo xasaas u dhaxa xubnaha Al-Shabaab ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxyadaasi. Waxa uu tilmaamay in qaraxyada ay si gaar ah uga dhaceen deegaannada ay howlgallada ka socdaan, isaga oo ku eedeeyay in Al-Shabaab ay dhibaatadaasi la rabeen dadka shacabka ah iyo ciidamada isbaheysanaya ee howlgallada ka wada halkaasi. “Maanta waxa ay u baahan yihiin in laga bad-baadiyo ilmahooda iyo naagahooda, meeqo carruur ah ayaa darraad iyo shalay ku dhintay miino ay iyaga dhigeen oo ilmahoodi ah ogaada maanta waxaan rabnaa inaan ka bad-baadino ilmahooda?” ayuu yiri guddoomiyuhu. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay in Khawaarijta aysan naxeyn, ayna usoo jeesatay leynta dadka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan carruurta, haweenka iyo dadka da’da ah. “Waxaad kale oo ogaataan nimankaas cadowtimada ay qabaan in aysan qof u aabe yeeleen, ninkii hooyooyinkoodii iyo ilmahoodii inta miino u dhigo oo qarxiya asxaan miyay leeyihiin?”. ayuu kusii daray. Dhanka kale, guddoomiyaha deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo hadalkiisa wata ayaa xusay inay ka go’an tahay in lasii wado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga xoreeyo deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle. “Go’aankeennu waxa uu yahay inaan Shabaab dhulkaan ka tirtirno wax kale qorayga uma wadano, ogaadana dagaalkan inuu yahay naf-hurnimo oo jihaad ah” ayuu yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan xubnaha kooxda Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ay dagaal kula galeen ciidamada dowladda, inkastoo markii dambe laga saaray, kadib duqeymo lagu garaacay halkaasi. Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay culeys soo saartay gobolka Shabeellaha Dhexe, iyada oo dib ula wareegtay deegaanno horay looga qabsaday, waxaase hadda soconayo guluf culus oo ay dhankeeda wado dowladda dhexe.
  3. Mogadishu (HOL) – Somali Minister of Foreign Affairs, Amb. Ahmed Moallim Fiqi congratulated Djibouti’s newly appointed Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Amb. Abdoulkader Houssein Omar, during a phone call on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  4. Senator Cory Booker oo ka tirsan aqalka senadka Mareykanka, gaar ahaan xisbiga Dimuqraadiga, lagana soo doorto New Jersey ayaa dhigay wacdarihii ugu weynaa dhanka hadal-jeedinta, ka dib markii uu in ka badan 24 saacadood oo xariir ah khodbaynayay, asagoo aan nasan, wax cunin, biyana cabin. Hadal jeedinta Booker ayaa ah tii ugu waqtiga dheerayd Senadka Mareykanka tan iyo 2013-kii, xilligaas oo Senator lagu magacaaboTexas Ted Cruz, oo Jamhuuri ahaa uu 21 saacadood si toos ah mimbarka uga khodbaynayay. Hadal-jeedinta la yaabka leh ee Cory Booker ayaa lagu sheegay nooc gadood ama mudaharaad ah oo uu ku muujinayo diidmadiisa siyaasadda iyo hab maamulka madaxweyne Trump . Source: goobjoog.com
  5. Djibouti has named a new foreign minister to succeed Mahamoud Ali Youssouf, who was elected as head of the African Union in February, according to a presidential decree published Tuesday. Source: Hiiraan Online
  6. Mogadishu (HOL) – Somali National Army (SNA) forces, in coordination with local militia fighters, killed at least seven Al-Shabaab militants in a targeted operation in the Middle Shabelle region on Wednesday. Source: Hiiraan Online
  7. Laascaanood (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabid Barre iyow wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in dhowaan u ambabaxaan magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xamza uu maalmaha soo socda u bixi doono Laascaanood, halkaas oo uu ku tagi doono booqasho indho-indheyn ah, sida ay ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Ujeedka safarka Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale la xiriira xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka SSC-Khaatumo, si loo sii amba qaado howlaha harsan ee la xiriira maamulkaasi oo weli KMG ah, isla markaana weli wajahayo xaalado dagaal. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii darayo in ra’iisul wasaaruhu uu kulamo la qaadan doono madaxda maamulkaas iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo uu ka xog wareysan doonaan horumarka deegaanka, xaaladaha ka jira, gaar ahaan baahiyaha gaarka ah.. Waxaa kale oo uu qorshuhu yahay in ra’iisul wasaare Xamza uu dhagax-dhigo mashaariic horumarineed oo lagu taageerayo dib-u-dhiska iyo horumarka deegaannada SSC-Khaatumo, kuwaas oo haatan laga hirgelinayo deegaannada maamulkaasi. Socdaalka wafdigan sare ee uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha ayaa sare u qaadaya maqaamka maamulka SSC-Khaatumo oo weli dowladda federaalka ay u aqoonsan tahay mid ku meelgaar ah, tan iyo markii uu dagaal adag la galay maamulka Somaliland. Socdaalkan ayaa sidoo kale la filayaa inuu caddeeyo mowqifka dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan taageerada maamulkaasi iyo horumarinta gobollada SSC. Qaban-qaabada loogu jiro soo dhaweynta Xamza iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale si weyn looga dareemayaa Laascaanood oo xarun u ah maamulka SSC, waxaana maamulka iyo shacabka ay u diyaar garoobayaan inay qaabilaan wafdiga ka socda dowladda dhexe. Magaalada Laascaanood ee uu haatan tegayo ra’iisul wasaare waxaa horay uga dhacay dagaallo culus oo u dhexeeyay maamulada Somaliland iyo SSC Khaatumo, kuwaasi oo ay dad badan ku geeriyoodeen, welina xiisadda labada maamul ayaa ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya. Si kastaba, waxaa horay deegaannada SSC-Khaatumo booqashooyin ugu tegay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan dowladda federaalka, balse ka soo jeedo deegaannadaasi.
  8. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/04/AQM1_r1JApLjmZ9DN4O4WubdIHE_bKnjfVfT8g_ivPCwuHNITSZKpwKxZVWNTsGQ7p08QjcHVqx4XHVancB3KCtJ.mp4 Qaran News
  9. Mogadishu (HOL) - A United Nations-registered aircraft made an emergency landing at Mogadishu's Adan Adde International Airport on Tuesday afternoon after its front landing gear failed to deploy, officials said. Source: Hiiraan Online
  10. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay ku qasban tahay inay xidho dhammaan xarumaha lagu sameeyo roodhida ee Gasa, sababtuna tahay bur yaraanta ka dhalatay go’doominta Israa’iil ee dhulkaas. Xarumahan ayaa muhiim u ahaa quudinta kumanaan qof oo reer Qaza ah . Israa’iil ayaa joojisay in muddo ah gargaarkii Qaza soo gali jiray. Dhanka kale dowladda Israa’iil ayaa isku dayaysa inay iska difaacdo dilkii shaqaale caafimaad oo lagu dhex dilay gaari kuwa gurmadka degdega ah. Afhayeen u hadashay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cunnada adduunka ayaa sheegtay in xidhitaankan ay saamayn doonto boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah oo ku tiirsan roodhida la dubo. Israa’iil ayaa go’doominta bilowday horraantii bishii hore si ay u kordhiso cadaadiska Xamaas ay ku doonayso in ay sii deyso la haystayaasha Israa’iil. Joojinta gargaarka ayaa waxaa ay imika ka digayaan hay’adaha arrimaha bina’aadanimada in ay dhibaato wayn ka dhalan karto. Dhanka kale Ciidamada Israel ayaa isku dayay inay difaacaan falkii ay ka geysteen Gaza todobaad ka hor markii ciidamadooda ay rasaas ku fureen kolonyo gaadiid ah, halkaasi oo ay ku dileen shan iyo toban ka mid ah shaqaalaha caafimaadka, shaqaalaha difaaca rayidka iyo shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay. Source bbcsomali Qaran News
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan ku dhawaaqay inuu fidinayo gogol wadatashi, xilli ay muddooyinkii dambe si weyn isku hayeen siyaasiyiinta mucaaradka oo ka biyo-diiddan hannaanka doorasho ee ay Villa Somalia marsatay Baarlamaanka Soomaaliya. Gogosha wadatashiga ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku dhawaaqay ayaa dhalisay su’aalo badan oo ilaa hadda aan loo helin jawaabo cad. Inkasta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku dhawaaqay gogol wadatashi qaran, haddana falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa tallaabadan u arka mid soo daahday oo ka dhalatay cadaadis isa soo tarayay, kaas oo Villa Somalia kaga imaanayay mucaaradka gudaha, balse ugu dambeyn ay beesha caalamku cadaadis xooggan ka geysatay. Maalmo ka hor ku dhawaaqista gogoshaas, safiirrada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa si toos ah Madaxweynaha cadaadis ugu saaray arrintan, iyagoo sidoo kale farriin taas la xiriirta hore ugu soo dhiibay qaar ka mid ah saaxiibbadiisa siyaasadeed. Farriintaas ayaa ku qotontay baahida loo qabo in la furo saaxadda siyaasadda, la dejiyo hannaan doorasho oo loo dhan yahay, iyo inuu billaabo wada-hadal dhab ah oo lala yeesho madaxda dowlad-goboleedyada ka maqan wadahadallada, sida Puntland iyo Jubbaland. Xeeldheerayaasha siyaasadda ayaa tilmaamaya in dowladda federaalka aysan weli caddeyn arrimo muhiim ah, sida: Dastuurka lagu dhaqmi doono waa kee? Sidee loo qaban doonaa doorashooyinka 2026-ka? Yaa hagi doona wadahadallada u dhexeeya dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada? Istaraatiijiyad noocee ah ayaa lagu wajahaya dagaalka ka dhanka ah argagixisada? Sidoo kale, su’aal kale oo walaac badan abuurtay ayaa ah: Yaa ka qeyb galaya gogoshan? Ma dhammaan siyaasiyiintii hore xilalka uga soo qabtay heer federaal ayaa lagu casuumayaa, mise waxaa laga qeybgelinayaa iyadoo lagu saleynayo heerka qaylada iyo buuqa siyaasadeed ee qofka ama kooxdu samayn karto? Jawaabta su’aashan weli ma cadda, balse waxaa muuqata in Villa Somalia iyo Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ay go’aamin doonaan cidda saameynta ku leh ajendaha gogosha, kuwaas oo aan laga tegi karin. Maadaama aan su’aalahaas ilaa hadda loo helin jawaabo cad, waxaa jirta cabsi ah in gogosha lagu dhawaaqay ay tahay mid ay Villa Somalia ku raadineyso waqti siyaasadeed, halkii ay ka noqon lahayd qorshe dhab ah oo lagu gaari karo dib-u-heshiisiin siyaasadeed iyo ajande qaran oo lagaga hortago kooxaha argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.
  12. Outrage has spread in Somalia after an eight-year-old girl, who had been missing for six months, was found living with a man who said he was her husband. Source: Hiiraan Online
  13. RIYADH: Saudi aid agency KSrelief has delivered thousands of food, clothing and shelter packages to some of the world’s most vulnerable people, the Saudi Press Agency reported on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  14. Türkiye has taken a more active role in enhancing Somalia’s security, supporting both the country’s administration and military in counterterrorism efforts. Source: Hiiraan Online
  15. Bukayo Saka celebrated his return from injury with a goal as Arsenal closed Liverpool's lead at the top of the Premier League to nine points on Tuesday with a 2-1 win at home to Fulham. Source: Hiiraan Online
  16. Goosankii duqeymaha ka fiigay ee firxadkii dagaallamayaasha Daacish oo ku go’doonsan ceelka Miraale ayaa wajahaya xaalad afjar ah, waxaana sida qorshaysan saaacadaha soo socda ku bilaaban doona hawlgal xooggan oo dhinac dhulka ah. Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca dowladda Puntland oo si buuxda u qalabaysan ayaa saaka jiho kasta kaga siqaya ceelka Miraale, oo ay ku dhuumanayaan hambadii duqeymaha ka fiigay ee dagaallamayasha argagixisada, kuwaasi oo haatan ku sugan xaalad xaraarug ah. Dhinaca kale, dowladda Puntland oo bayaan kooban ka soo saartay duqeymihii shalay Mareykanku ka fuliyay togga Miraale iyo nawaaxigiisa ayaa sheegtay in halkaasi lagu laayay firxadkii mileeshiyaadka Daacish, sida ku xusan bayaanka oo luuqadda English-ka ku qoran. Wejiga saddexaad ee hawlgalka dagaalka Calmiskaad oo muddooyinkii danbe socday ayaa haatan maraya marxalad dhammaystir ah, siday sheegeen saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada difaaca Puntland oo dhawaan warbaahinta la hadlay. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo saaka jiho kasta kaga siqaya ceelka Miraale oo ay ku go’doonsan yihiin firxadkii Daacish appeared first on Puntland Post.
  17. Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya iyo dalalka kale ee Khaliijka ayaa mamnuucay in diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku isticmaalaan garoomadooda ama hawadooda si ay weerar ugu qaadaan Iran, kaddib markii Madaxweyne Donald Trump dhammaadkii toddobaadkan ku hanjabay inuu dalkaas duqeyn doono. Sacuudiga, Imaaraadka, Qatar iyo Kuwait ayaa dhammaantood Maraykanka u sheegay in aysan oggolaan doonin in dalalkooda iyo hawadooda loo adeegsado weerarro ka dhan ah Iran, xitaa haddii ay tahay hawlgallada shidaalka iyo gurmadka diyaaradaha, sida uu Middle East Eye u xaqiijiyay sarkaal sare oo Maraykan ah oo codsaday inaan magaciisa la shaacin. “Ma doonayaan inay qeyb ka noqdaan dagaalkan,” ayuu yiri sarkaalkaasi. Go’aanka adag ee dalalka Khaliijka ayaa dhabarjab ku ah maamulka Trump oo rajeynayay inuu duqeymo culus oo ka dhan ah Xuuthiyiinta Yemen ku cadaadiyo Tehran si ay u aqbasho wadaxaajood cusub oo nukliyeer ah. Haddii Iran ogaato in dalalka Khaliijka aysan taageero siinayn weerarrada Maraykanka, waxay arrintaasi sii adkeyn kartaa mowqifka wadaxaajood ee Tehran. Markii hore dalalka Khaliijka ayaa aad u dabacsanaa arrinta weerarrada Xuuthiyiinta Yemen, sida uu sheegay sarkaal hore oo Maraykan ah oo xog ogaal u ah arrintaas. Sarkaalkan ma shaacin dalalka loo adeegsaday saldhigyada duqeymahaasi. Maamulka Trump ayaa si weyn ugu dadaalayay inuu helo taageerada dalalka Khaliijka, si uu u kordhiyo cadaadiska uu saarayo Iran. Saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga iyo sirdoonka Maraykanka ayaa bishii Maarso kulan kula yeeshay Washington dhiggooda Imaaraadka iyo Sacuudiga. Maamulka Trump ayaa isla markiiba ansixiyay iibka hub muddo dheer hakad galay oo loo diray Qatar iyo Sacuudiga. Doha ayaa loo oggolaaday inay iibsato diyaaradaha drone-ka ah ee MQ-9 Reaper, halka Riyadh loo ansixiyay hubka gantaalaha aan hagaha lahayn loo beddelo kuwa haggan. Trump ayaa Isniintii sheegay inuu qorsheynayo inuu booqdo Sacuudiga iyo dalal kale oo Khaliijka ah bisha May. Maraykanka ayaa hadda u weecday saldhigga Diego Garcia ee Badweynta Hindiya, kadib markii dalalka Khaliijku xayireen adeegsiga hawadooda. Saldhiggan ayaa hore loogu adeegsaday weerarradii 1990-meeyadii lagu qaaday Ciraaq, markii Sacuudigu hakiyay isticmaalka garoomadiisa. Diyaaradaha B-2 ee saldhigga Diego Garcia ayaa awood u leh inay qaadaan bamamka culus ee loo yaqaan “bunker-buster,” kuwaas oo burburin kara xarumaha nukliyeerka ee Iran ee dhulka hoostiisa ku yaalla. Iran ayaa hore u digniin siisay dalalka Khaliijka bishii Oktoobar 2024, iyadoo ku hanjabtay inay duqeyn doonto xarumahooda shidaalka haddii Israa’iil weerarto xarumaha tamarta ee Iran. Si kastaba ha ahaatee, haddii Maraykanku weerar ku qaado Iran isaga oo adeegsanaya Diego Garcia, waxaa Tehran ku adkaanaysa inay cabsigeliso dalalka Khaliijka. Warbixin uu qoray wargeyska The Telegraph ayaa sheegtay in taliyeyaasha ciidamada Iran lagu cadaadinayo inay weerar ka hortag ah ku qaadaan saldhigga Diego Garcia. Trump ayaa sii kordhiyay xiisadda gobolka, isagoo Sabtidii sheegay in Iran wajihi doonto “duqeyn aysan waligeed arag” haddii aysan aqbalin heshiiska cusub ee nukliyeerka. Maamulka Trump ayaa doonaya inuu gebi ahaanba burburiyo awoodda nukliyeerka ee Iran, halka Tehran ay ku adkeysaneyso in barnaamijkeedu yahay mid nabadeed. Dhanka kale, Maraykanka ayaa xoojiyay joogitaankiisa militari ee gobolka, isagoo gobolka u diray laba markab oo diyaaradaha xambaara, halka ciidamada Maraykanka ee Bariga Dhexe ay hadda gaareen ku dhawaad 40,000 oo askari oo ku kala sugan dalalka Khaliijka sida Sacuudiga, Imaaraadka, Kuwait, Qatar iyo Bahrain.
  18. Tel Aviv (Caasimada Online) – Booliiska Israa’iil ayaa Isniintii xiray laba ka mid ah la-taliyeyaasha ugu dhow Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, iyadoo fadeexadda loo bixiyay “Qatargate” ay sii xoogaysatay gudaha Israa’iil. Jonathan Urich, oo ah la-taliyaha sare ee warbaahinta ee Netanyahu, iyo Eli Feldstein, oo ah afhayeenkiisa arrimaha militariga, ayaa lagu xiray baaritaan lagu sameynayo xiriirka ka dhexeeya xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo saraakiisha dowladda Qatar. Labadan mas’uul ayaa lagu eedeeyay inay xiriir la yeesheen wakiil ajnabi ah, lacag dhaqid, laaluush qaadasho, musuq-maasuq iyo khiyaano. Netanyahu, oo isla maalintaas maxkamad ku sugnaa isagoo ka jawaabaya dacwado isaga lagu soo eedeeyay oo la xiriira musuq-maasuq iyo khiyaano, ayaa lagu khasbay inuu ka baxo maxkamadda si uu uga jawaabo baaritaanka lagu hayo dadka isaga ku dhow. Waxaa sidoo kale loo yeeray wariye aan magaciisa la shaacin, kaas oo isagana lala xiriirinayo fadeexaddan. Warbaahinta Haaretz ayaa sheegtay in booliisku dhawaan u yeeri doonaan wariyeyaal kale oo arrintan looga shakisan yahay. Baaritaanka ayaa hadda lagu soo rogay amar xayiraad xogeed, waxaana jira faahfaahin badan oo aan weli shaaca laga qaadin. Wararka laga helayo Israa’iil ayaa sheegaya in Urich, Feldstein iyo dadka kale ee lagu tuhunsan yahay ay fariimo u direen wariyeyaal iyadoo loogu adeegayo dowladda Qatar. Fariimahaas ayaa u muuqday kuwo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil. Eran Etzion, oo hore u ahaa ku-xigeenka Golaha Ammaanka Qaranka ee Israa’iil ayaa u sheegay Middle East Eye in ay weli adag tahay in la qiimeeyo heerka halista fadeexaddan, balse “haddii Urich iyo Feldstein ay ka shaqaynayeen xafiiska ra’iisul wasaaraha, isla markaana ay u adeegayeen Qatar, waxaa laga yaabaa inay heleen xog sir ah.” “Marka heerka ugu sarreeya ee sharciga la eego, waxay noqon kartaa in xafiiska ra’iisul wasaaraha laga shaqaaleysiiyay wakiillo laba dhinac u adeegaya, taasoo loo aqoonsan karo khatar amniga qaranka iyo khiyaano qaran,” ayuu yiri Etzion. ‘Qatargate’ Fadeexadda ay warbaahinta Israa’iil ugu yeertay “Qatargate” ayaa markii ugu horraysay waxaa shaaciyay wargeyska Haaretz bishii November. Sida uu sheegay wargeyska, Urich iyo Srulik Einhorn, oo muddo dheer la-taliye u ahaa Netanyahu, ayaa Qatar u shaqeynayay kahor Koobka Adduunka 2022 oo lagu qabtay dalkaasi Khaliijka ah. Labadan nin ayaa shirkadooda Perception u isticmaalay inay hagaajiyaan sumcadda Qatar oo ay u muujiyaan in ay tahay dal u ololaynaya “nabad iyo xasillooni dunida ah.” Waxay sidoo kale gudaha Israa’iil ku soo bandhigayeen ololaha Qatar, iyagoo wariyeyaal Israa’iili ah ku casuumay Qatar. Bishii February, Channel 12 ayaa shaacisay in Feldstein isagana uu ku lug lahaa fadeexadda. Sida lagu sheegay warbixintaas, Feldstein waxaa shaqaalaysiiyay shirkad gaar loo leeyahay oo ay maalgeliso Qatar, si uu u wanaajiyo muuqaalka Qatar ee Israa’iil, gaar ahaan kaalinteeda wada-xaajoodka Israa’iil iyo Hamas oo Qatar dhex-dhexaadinayso. Feldstein ayaa hore loogu xiray tuhun ah inuu sirro la xiriira Hamas u gudbiyay wargeyska Jewish Chronicle ee Ingiriiska iyo Bild ee Jarmalka. Warbixinnadaas ayaa markii dambe la ogaaday inay ahaayeen been abuur, taasoo sababtay in Jewish Chronicle uu ka saaro maqaallo badan boggiisa internet-ka, isla markaana afar ka mid ah qorayaashooda caanka ahi ay is-casileen. Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay su’aalo la xiriira Robbie Gibb, oo ka tirsan maamulka BBC-da. Bishii hore, Channel 13 ayaa daabacday in Feldstein uu soo abaabulay safar Qatar loogu qaaday Zvika Klein, oo ah tifaftiraha wargeyska garabka midig ee Jerusalem Post. Feldstein oo aan ka qaadan wax mushaar ah xafiiska Netanyahu, ayaa lagu soo warramayaa inuu la shaqaynayay Jay Footlik, oo ah ololeeye Mareykan ah oo dowladda Qatar u shaqeeya. Netanyahu iyo Shin Bet Kadib markii warbixino badan oo arrintan ku saabsan la daabacay, xeer ilaaliyaha guud ee Israa’iil Gali Baharav-Miara ayaa bishii hore amartay in baaritaan rasmi ah la bilaabo, kadib baaritaan amni oo ay fuliyay Shin Bet, oo ah hay’adda amniga gudaha Israa’iil. Etzion ayaa sheegay in haddii Netanyahu uu ka war hayay shaqada ay la-taliyeyaashiisu u qabanayeen Qatar, ay xaaladdiisu aad u xun tahay, haddii uusan ogeynna ay arrintu weli khatar badan tahay. Muddo dheer ayuu sheegay in Netanyahu dagaal adag kula jiray nidaamka caddaaladda Israa’iil, hadda se ay hay’adaha fulinta sharciga noqdeen kuwo daciif ah. Netanyahu ayaa gabi ahaanba beeniyay eedeymaha ka dhanka ah la-taliyayaashiisa, isagoo sheegay in baaritaanku yahay ugaarsi siyaasadeed. Xisbiga Likud ayaa sidoo kale sheegay in baaritaanku yahay “isku day lagu doonayo in lagu dilo dimoqraadiyadda.” Horraantii bishan, Netanyahu ayaa isku dayay inuu shaqada ka eryo madaxa Shin Bet, Ronen Bar, balse Maxkamadda Sare ayaa tallaabadaas hakisay illaa ay ka qabtaan dhegeysi bisha soo socota. Tan iyo markii fadeexadda “Qatargate” shaaca laga qaaday, Netanyahu wuxuu ku celceliyay in uu jiro qorshe hoose (Deep State) oo isaga laga soo horjeedo, isagoo bartiisa TikTok ku sheegay in dowlad-hoosaadka “garabka bidix” ay doonayaan in isaga iyo xukuumaddiisu noqdaan “ubax lagu qurxiyo keliya.” Netanyahu ayaa sidoo kale muuqaal uu soo duubay ku sheegay in Urich iyo Feldstein ay yihiin “la haystayaal,” taasoo dhalisay dhaleeceyn gudaha Israa’iil ka timid, gaar ahaan qoysaska dadka ay Hamas gacanta ku hayso ee Gaza.
  19. Booliska Soomaaliya, gaar ahaan cutubka ilaalada Xeebaha ayaa sheegay inay in ka 50 qof oo halis ugu jiray inay biyaha maashoodaan ka soo badbaadiyeen xeebta Liido intii lagu jiray damaashaadka ciidda. Saaraakii ka tirsan Booliska ayaa sheegay in dadka ay gurmad u fidiyeeni ay u badnaayeen kuwa badda qaaday, halka qaar kalena hantidooda u badbaadiyeen, ka dib markii ay la kulmeen xaalado boob iyo xatooyo ah. Xeebaha Liido, jasiiro, iyo Xamar weyne waxaa si maalinle ah u taga Boqolaal qof, balse halista ku hafashada biyaha ayaa aad u sarraysa, waxayna taasi lama-huraan ka dhigtay in booliska ay goobahaas si joogto ah u gaaf wareegaan. Source: goobjoog.com
  20. Puntland ayaa si adag uga hadashay dhaqdhaqaaqyada dagaal ee kooxda Alshabaab muddooyinkii danbe ka bilowday degaamo ka tirsan gobollada Shabeelooyinka ee deriska la ah magaalada Muqdisho, kadib markii ay dib u qabsadeen degaanno badan oo laga saaray sannadkii 2022. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo la hadlayey boqolaal kamid ah shacabka Garoowe oo taageero u muujinayey ciidanka dagaalka kula jira argagixisada Daacish, ayaa xusay in Alshabaab ay isku dayayso qabsashada Muqdisho, wuxuuna madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu ku fara-adaygo caasimadda. “Waan ka xunnahay in labadii kantarool ee Afgooye iyo Bal-cad ay Shabaab iyo xagjir joogaan, waan ka xunnahay laakiin maanta wax matari karno, waxaanna leenahay dowladda Soomaaliyeed ku mashquul cadawga dalkii qaybo kamid ah qabsaday inaysan Caasimadda qabsan”,ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor. Dhinaca kale, Madaxweyne Ku xigeenka Puntland ayaa xusay in Argagixisadu meel walbo oo ay joogto ay tahay in lala dagaalamo oo la ciribtiro, isagoo sheegay in hadda dowladda Puntland masuuliyada koowaad ee saaran ay tahay marka hore in Argagixisada ka ciribtirto dhulka Puntland oo dhan. PUNTLAND POST The post Ilyaas Lugatoor: Madaxweyne Xasanow ku fara-adayg in aysan Al-shabaab kaa qabsan caasimadda Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  21. Ankara (Caasimada Online) – Türkiye ayaa sare u qaaday taageerada ay siiso Soomaaliya ee hawlgallada ka dhanka ah argagixisada, iyadoo geysay diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn (UCAV), bixisay tababbarro milatari, isla markaana xoojisay iskaashiga difaaca labada dal, sida laga soo xigtay wargeyska Türkiye Daily. Türkiye ayaa dowladda Soomaaliya u dirtay diyaarado casri ah oo aan duuliye lahayn oo ay soo saartay shirkadda Baykar, sida Bayraktar TB2 iyo diyaaradaha dagaalka ee Akinci, taasoo qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu sugayo amniga qaranka Soomaaliya. • Diyaaradaha Bayraktar TB2 ayaa markii ugu horreysay Soomaaliya la keenay sannadkii 2022 si ay u taageeraan hawlgallada sahanka iyo weerarrada bartilmaameedsan. • Diyaaradaha Akinci UCAV oo dhawaan Soomaaliya loo keenay iyadoo la adeegsanayo diyaaradda gaadiidka milatariga ee A400M ayaa durba hawlgallo billaabay. • Waxaa socda wadahadallo lagu keenayo helikobtarada T129 Atak si loo kordhiyo awoodda dhaqdhaqaaqa iyo weerarrada ka dhanka ah argagixisada. Diyaaradahan ayaa hadda si firfircoon loogu isticmaalayaa ilaalinta dowladda Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Ciidamada Turkiga ayaa tababarro milatari oo ballaaran siinaya ciidamada Soomaaliya, iyadoo loo marayo Taliska Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya (oo loo soo gaabiyo STGK), kaas oo si dhow ula shaqeeya dowladda Soomaaliya. Hase yeeshee, ilo wareedyo ayaa sheegay in ciidamada Turkigu aysan ka qaybqaadan doonin dagaallada tooska ah. Doorka ciidamada Turkiga ayaa ku koobnaan doona bixinta taageero farsamo iyo talobixin la xiriirta howlgalka ciidamada Soomaaliya ee la dagaallanka kooxaha argagixisada. Ammaanka xarunta ciidamada Turkiga ee Soomaaliya ayaa sidoo kale la xoojiyay, iyadoo la tixgelinayo xaaladaha dhowaan dhacay. Taageerada milatariga ee ballaaran ee Türkiye Soomaaliya ayaa ka mid ah 47 dal oo kaalmo milatari ka hela Türkiye. Ankara ayaa sii wadday inay saameynteeda ku xoojiso gobolka iyadoo toos u bixisa taageerada difaaca, iskaashiga milatariga, tababarrada iyo hubka, taasoo waafaqsan danaha istaraatiijiga ah ee ay ka leedahay Geeska Afrika. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Ankara kadib markii uu ka badbaaday isku day dil oo dhowaan lala beegsaday, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. War kasoo baxay Agaasinka Isgaarsiinta ee Dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada-hadleen xiriirka labada dal iyo arrimaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka. Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Ankara, ayaa Erdogan sheegay in Ankara muhiimad weyn siineyso nabadda, amniga iyo midnimada Soomaaliya, isla markaana taageerada Türkiye ay sii socon doonto si joogto ah illaa laga gaarayo nabad iyo xasilooni waarta oo Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmarta. Erdogan ayaa intaas ku daray in iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye ee la dagaallanka argagixisada uu sii kordhi doono, isagoo hoosta ka xarriiqay in Türkiye mar walba garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed ee ka hortagga argagixisada. Waxa uu sidoo kale sheegay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, amniga iyo difaaca. Türkiye ayaa u aragta joogitaankeeda Soomaaliya inuu muhiim u yahay ilaalinta booskeeda istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika. Iyadoo adeegsanaysa tababarrada milatariga, taageerada diyaaradaha dagaalka ee UCAV iyo heshiisyada helikobtarada, Türkiye ayaa doonaysa inay gacan weyn ka geysato xasilinta iyo sugidda ammaanka gobolka iyada oo aan si toos ah ugu lug yeelan dagaallada.
  22. MOGADISHU, Somalia—Somalia is embarking on a high-stakes bid to unlock potential uranium wealth. It is partnering with a domestic conglomerate and joining the UN’s nuclear watchdog, the IAEA, in a move aimed at economic transformation but shadowed by deep-seated security and governance hurdles. The government of President Hassan Sheikh Mohamud inked a preliminary deal late last year granting Mogadishu-based Almond Energy status as its strategic partner for developing the Horn of Africa nation’s mineral resources, with a sharp focus on uranium. The agreement, which was approved by parliament shortly after with minimal public attention, positions the company centrally in Somalia’s nascent mining strategy. Almond Energy will now serve as the primary advisor to the Ministry of Petroleum and Minerals, headed by Minister Dahir Shire Mohamed. Under the reported terms, Mogadishu intends to overhaul its mining regulations, replacing an outdated 1984 law with a new framework based on principles drafted by Almond Energy. Almond Energy: A diversified partner Established in 2019, Almond Energy belongs to the broader Almond Group Holdings, a diversified Somali business with interests spanning aviation (Almond Air and Logistics, servicing UN and Somali forces), hospitality (Almond Resort hotels), and logistics. The group, employing around 400 staff and with offices in Mogadishu and Nairobi, regularly receives UN supply contracts. While experienced in logistics and services, Almond Energy’s specific track record in the technically demanding field of uranium exploration appears limited. Nonetheless, the partnership assigns it a leading role in charting the course for Somalia’s mining sector, including designating key exploration territories. A joint venture is envisioned, with Almond Energy initially holding a dominant stake (around two-thirds) and the government retaining the rest. A cornerstone of this initiative was Somalia’s formal entry into the International Atomic Energy Agency (IAEA) in September 2024, preceding the Almond Energy deal by mere weeks. Negotiations underpinning the partnership reportedly commenced before President Mohamud assumed office in 2022. Technically supported by Almond Energy and Kenyan experts—Kenya has been an IAEA member since 1965—Somalia’s membership grants access to vital technical expertise and potential funding. Critically, it also commits the fragile state to the IAEA’s rigorous safeguards and inspection regimes, a significant undertaking given its circumstances. IAEA records confirm that a Somali delegation, including Ministry Director General Arabey Abdi Hashi and Almond Energy CEO Abdifatah Mohamed, alongside Kenyan consultant Willy Murithi, visited the IAEA’s Vienna headquarters last year to finalize the membership. Further engagements between Mogadishu and the agency are expected this month. Potential rewards vs. Pervasive risks The government’s push draws on historical data, notably a 1985 IAEA report referenced by Almond Energy, suggesting Somalia could harbor uranium deposits up to 150,000 tonnes. Early exploration by US, Italian, and German firms in the 1960s and 70s identified promise, particularly within the central Mudug region. However, formidable obstacles loom. Decades of conflict halted initial exploration efforts in the early 1990s. Today, instability persists, with the Al-Qaeda affiliate Al-Shabaab controlling swathes of territory, including potential exploration zones in Mudug. The ongoing insurgency severely hampers prospects for secure, large-scale resource development. Furthermore, establishing robust regulatory, environmental, and safety protocols for uranium extraction represents a monumental task for a nation still consolidating its institutions and grappling with limited capacity. The venture has piqued tentative regional interest. Associates of Kenyan President William Ruto have reportedly shown curiosity, potentially eyeing Somalia’s uranium for Kenya’s own nuclear power aspirations centered around a proposed plant in Uyombo. Yet, this outlook is clouded by proposed changes within Kenya, including the potential dissolution of its Nuclear Power and Energy Agency (NuPEA). Somalia may also seek to engage Turkey, a key strategic ally with significant investment and influence in the country and possessing its nuclear energy program. [Link to reputable source on Turkey-Somalia relations]. While tapping its uranium could offer Somalia a potent economic lever, the path forward is laden with profound technical, security, financial, and governance challenges that Mogadishu and Almond Energy must navigate before any potential wealth can be unearthed.
  23. Ankara, Turkey – Turkey is significantly increasing its military assistance to Somalia in the ongoing fight against terrorism, deploying advanced combat drones, and intensifying military training and defense cooperation, according to a report in Türkiye Daily. The Turkish newspaper stated that Ankara has supplied the Somali government with cutting-edge unmanned combat aerial vehicles (UCAVs) from Turkish defense manufacturer Baykar, including the well-regarded Bayraktar TB2 and the more sophisticated Akinci drones. This move is a key component of broader efforts to bolster Somalia’s national security as it continues to combat the persistent threat posed by the Al-Shabaab militant group. The Bayraktar TB2 drones were initially deployed to Somalia in 2022 to support reconnaissance missions and conduct targeted strikes against insurgent elements. These drones have proven effective in providing vital intelligence and executing precise attacks, significantly aiding the Somali National Army (SNA) in its operations against Al-Shabaab, an affiliate of al-Qaeda that has waged a violent insurgency in Somalia for over a decade. More recently, Akinci UCAVs were delivered to Somalia via Turkish military A400M transport aircraft and have already commenced operations. The Akinci offers enhanced capabilities compared to the TB2, including a larger payload capacity, longer flight endurance, and more advanced sensors, enabling more complex and sustained missions against the militants. Furthermore, discussions are reportedly underway regarding the potential supply of T129 Atak helicopters to Somalia. These attack helicopters would further enhance the SNA’s operational mobility and firepower in counter-terrorism efforts, providing crucial close air support for ground forces battling Al-Shabaab. These advanced aerial assets are now actively employed by the Somali government to protect its forces and combat the Al-Shabaab insurgency, which remains a significant threat to the country’s stability, carrying out frequent bombings, assassinations, and attacks on government and civilian targets. Turkish military training mission intensifies Beyond drone deployments, Turkish forces are providing extensive military training to Somali soldiers through the Turkish Military Training Mission in Somalia (STGK). This mission works closely with the Somali government to develop the skills and professionalism of the SNA. However, sources cited by Türkiye Daily indicate that Turkish military personnel will not participate in direct combat operations. Their primary role is to provide technical assistance and operational guidance to Somali forces engaged in counter-terrorism efforts. Security at the Turkish military training facility in Somalia has also been heightened in response to recent regional security concerns. Somalia is among 47 nations receiving military assistance from Turkey, underscoring Ankara’s growing role as a security partner in various regions. Turkey has been steadily increasing its influence in the strategically important Horn of Africa, directly providing defense support, military cooperation, training, and weapons, aligning with its strategic interests. The Horn of Africa’s proximity to key shipping lanes and its geopolitical significance in the Red Sea and the Gulf of Aden make it a region of considerable international interest. This increased military support follows a recent assassination attempt on Somali President Hassan Sheikh Mohamud. Shortly after the incident, he visited Ankara to discuss the situation with Turkish President Recep Tayyip Erdogan. According to a statement from the Turkish Directorate of Communications, the two leaders discussed bilateral relations and exchanged views on regional and international matters. During their meeting at the Presidential Complex in Ankara, Erdogan reaffirmed Turkey’s strong commitment to Somalia’s peace, security, and unity. He emphasized that Turkish support would continue until lasting peace and stability are achieved in Somalia and the broader region. Erdogan further stated that cooperation between Somalia and Turkey in the fight against terrorism would continue to deepen, reiterating Turkey’s unwavering support for the Somali people in their struggle against terrorism. He also highlighted the importance of strengthening bilateral cooperation in economy, trade, security, and defense. Turkey views its presence and support in Somalia as crucial for maintaining its strategic position in the Horn of Africa. Turkey aims to play a significant role in stabilizing and securing the region without direct combat involvement by providing military training, UCAV capabilities, and potentially helicopters. This approach allows Ankara to project influence and support its allies while minimizing direct military engagement on the ground.
  24. To: The Rt Hon. British Prime Minister, European Union Leadership, African Union Commission, and United Nations Secretary-General Subject: Recognizing Somaliland—A Strategic Imperative for Global Security, Energy, and Mineral Independence The time has come for the international community, led by Britain’s historic vision, to recognize Somaliland as a sovereign state. This is not merely a matter of justice for a stable, democratic people—it is a strategic necessity for global security, energy resilience, and a rebalanced supply chain free from China’s dominance. I urge you to act decisively. Somaliland, self-governing since 1991, stands as an oasis of peace in the volatile Horn of Africa. Its democratic elections, functioning institutions, and control of 850 km of Red Sea coastline contrast sharply with Somalia’s chaos, piracy, and Al-Shabaab insurgency. Recognizing Somaliland bolsters global security by securing a pro-Western ally at a chokepoint of world trade—the Bab el-Mandeb Strait, through which 10% of global oil passes. Britain, with its naval legacy and post-Brexit African focus, should lead this charge, rallying the EU, AU, and UN to preempt regional crises that threaten us all. Beyond stability, Somaliland offers untapped renewable energy potential critical to the West’s green transition. Its arid highlands boast some of the world’s highest solar irradiance levels (up to 6.5 kWh/m²/day) and wind speeds averaging 8-10 m/s along its coast—ideal for gigawatt-scale projects. Feasibility studies suggest it could export clean energy via Ethiopia or power desalination for regional food security. This is an alternative to fossil fuel dependence and a bulwark against energy insecurity, amplified by conflicts like Ukraine. The EU’s climate goals and Britain’s net-zero pledge demand such bold diversification. Equally vital are Somaliland’s strategic minerals. Geological surveys hint at deposits of rare earths, lithium, and cobalt—resources China currently monopolizes (60-80% of global supply). Berbera port, modernized with UAE investment, positions Somaliland to bypass Beijing’s chokehold, offering the West a reliable partner for battery metals and tech supply chains. The AU’s hesitance on secession must yield to this reality: Somaliland’s colonial borders and de facto statehood make it a unique case, not a Pandora’s box. To the British PM: Your Balfour Declaration legacy calls you to shape nations anew—Somaliland is that opportunity. To the EU: Your energy and industrial future hinges on such allies. To the AU: Stability, not dogma, should guide Africa’s rise. To the UN: Self-determination and peace demand this recognition. Act now—convene a coalition, upgrade diplomatic ties, and table a UN resolution. Somaliland’s recognition is not charity; it’s a strategic win for a world at a tipping point. HRH King Désiré-Joseph Mugisha @UmuhaMugisha Qaran News
  25. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa galabta dadweynaha Caasimada Garoowe kala qayb galay banbax ay Shacabku munaasabadda Ciidul-fitriga darteed ku taageerayaan Ciidamada Geesiyaasha ah ee Puntland ee Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada, kuwaasi oo hadda Argagixisada Daacish ka sifeynaya buuralayda Calmiskaad. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland oo la hadlay shacabweynaha oo isugu soo baxay garoonka Kubada Cagta ee Mire Awaare Stadium, wuxuu ku boggaadiyey garab istaaga ay u muujinayaan Ciidanka iyo doorka ay ka qaateen hawlgalka, isagoo ugu baaqay in ay halkaasi kasii wadaan taageerada maadaama weli hawlgalku socdo. Wuxuu Madaxweyne Ku-xigeenku xusay in Argagixisadu meel walbo oo ay joogto ay tahay in lala dagaalamo oo la ciribtiro, isagoo sheegay in hadda Dowladda Puntland masuuliyada koowaad ee saaran ay tahay marka hore in Argagixisada ka ciribtirto dhulka Puntland oo dhan. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda , Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe , saraakiisha Amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Caasimada Garoowe. Halkaan ka eeg Sawirada PUNTLAND POST The post Banbax lagu taageerayo ciidamada difaaca Puntland oo maanta Garoowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.