Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    203,504
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Musharaxa madaxweyne Xisbiga WADDANI Cabdirahman Mohamed Cabdilaahi Cirro ayaa la kulamay xubno ka tirsan , Goob-joogayaal Caalamiya oo ka socda wadamo kale duwan. Oo dalka u yimid in ay goobjoog u noqdaa doorashada madaxtooyada ee dhacay 13/Nov/2024. Kulankan ayaa musharaxa iyo Goobjoogayaashu iska wareysteen hawlaha doorashooyinku sida ay u socdaan iyo qorshaha diyaar garowga hawlaha goob-joonimada. Waxa kulanka Musharaxa ku weheliyay gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Dr Mohamed Abdilahi Omar , Siyaasi Maxamed Cismaan Fadal , Xildhibaan Koodbuur iyo masuuliyiin kale. Qaran News
  2. 35 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka labada Aqal ee ka soo jeeda Jubbaland ayaa qaadacay shuruucda la xiriirta doorashooyinka ee Baarlamaanka la horgeeyay iyo tallaabadii Guddiga Kumeel gaar loogu saaray oo ah mid baalmarsan Dastuurka. Xildhibaannada ayaa taageero weyn u muujiyay doorashada ay Jubbaland galeyso, taasoo ay ku tilmaameen inuu yahay mid waafaqsan sharciga iyo dastuurka dowladda Federaalka iyo kan Jubbaland. “Iyadoo ay naga go’an tahay in xal loo helo wadashaqeynta Jubbaland iyo dowladda Federaalka, haddana tallaabooyinkan ay qaadayso dowladda Federaalka waxay halis ku yihiin inay sii ballaariyaan khilaafyada jira” ayay ku sheegeen Warsaxaafadeed ay soo saareen xildhibaannadaasi. Khilaafka Jubaland iyo dowladda federaalka ayaa salka ku haya nooca doorasho ee la qabanayo, ayada oo dowladda federaalka ay dooneyso doorasho toos oo qof iyo cod ah, halka Jubaland ku adkeysanayso doorasho dadban. Halkan hoose ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doorto Jubaland oo la mowqif noqday Madaxweyne Axmed Madoobe appeared first on Puntland Post.
  3. Dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, ayaa markii u horreysay maanta sheegay in ay Israa’iil xasuuq ka geysanayo marinka Gaza, waxaana uu sidoo kale cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday Iran. Dhaxal-suge Maxamed bin Salmaan ayaa ku baaqay xabad-joojin deg deg ah oo ka dhacda Gaza iyo Lubnaan, iyo dal ay helaan Falastiiniyiinta, isaga oo hadal ka jeediyey shir madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka. Dhaxal sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan oo furay shir madaxeedka ayaa sheegay in beesha caalamka ay tahay in ay “sida ugu dhaqsaha badan u joojiso falalka Israa’iil ee ka dhanka ah walaalaha reer Falastiin iyo Lubnaan.” Waxaa kalo uu dalbaday in Falastiin loo aqoonsado dawlad madax bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobay. “Sacuudi Carabiya waxay xaqiijinaysaa taageerada ay siiso walaalaha Falastiin iyo Lubnaan si ay uga gudbaan cawaaqib xumada masiibada ah ee ka dhalata gardarrada joogtada ah ee Israa’iil,” ayuu yiri Maxamed bin Salmaan. PUNTLAND POST The post Dhaxal sugaha Sacuudiga oo dalbaday in Falastiin loo aqoonsado dowlad madax-bannaan appeared first on Puntland Post.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Mudaneyaasha labada Aqal ee BJFS oo maanta yeeshay kulan wadajir ah ayaa ansixiyay habraaca fadhiyadda wadajirka ah ee ansixinta saddex hindise sharciyeed oo la xiriira qorshaha doorasho qof iyo cod ah. Saddexdan hindise sharciyeed ayaa waxaa ku shaqeyn doono guddiga kumeel-gaarka ah ee labada aqal ee baarlamaanka dalka ee u xil-saaran diyaarinta xeerarka doorashooyinka, ururrada iyo xisbiyadda iyo sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka, soohdimaha iyo sidoo kale qorshe howleedka guddiga. 170-Xildhibaan ayaa u codeysay maanta, mana jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay, waxaana sidaas ansax ku noqday habraaca fadhiyada wadajirka ah ee ansixinta saddexda hindise-sharciyeed, sida uu sheegay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya. Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa labada gole ka hor akhriyay ahmiyadda ay shurucdaan u leeyihiin dalka iyo dadka, isagoo sheegay in seddexda hindisa sharciyeed ee golaha horyaal dib u babeen iyo wax kabadal lagu sameeyay. Xildhibaan Mahdi Guuleed oo ah guddoomiyaha guddiga KMG ah ee labada gole u qaabilsan diyaarinta xeerarka doorashooyinka ayaa golaha ka hor akhriyay habraaca fadhiyadda wadajirka ah ee ansixinta seddaxda hindise shharciyeed ee uu ku shaqeyn doono guddiga kumeel-gaarka ah. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay diiradda saareyso qorshaha iyo dadaallada lagu gaarayo doorasho qof iyo cod ah, xilli uu dhawaan golaha wadatashiga uu gaaray heshiis ay ka maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland. Si kastaba, tallaabada uu maanta qaaday baarlamaanka ayaa imaneysa kadib markii uu aqbalay codsi uga yimid madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si looga shaqeeyo arrimaha doorashooyinka iyo xeerarka kale ee muhiimka ah. The post BF oo maanta qaaday tallaabadii ugu horeysay ee doorashada qof iyo cod appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa mar kale kusoo laatay hoggaaminta ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, kadib markii ay xalay golaha wasiirada ansixiyeensoo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabistiisa. Sababta loo soo celiyay Odowaa ayaa ah si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxda Al-Shabaab oo dagaal ay ku jirto dowladda federaalka Soomaaliya. Jeneraal Odawaa ayaa lagu amaanaa xoreyntii wadanka mudadii uu Taliyaha Xoogga ahaa, waxaana muuqata in shaqadii looga maarmi waayey, waxaana xalay mar kale loo magacaabay Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Tallaabadan ayaa sidoo kale abuurtay rajo cusub, waxaana si weyn ugu farxay shacabka oo intooda badan soo dhaweeyay magacaabista taliye Odowaa Yuusuf Raage. Cabdirashiid Muxumed Cali “Hambalyo S/Gaas Odowaa ciidanka waa kuu baahnaa gadaashaana waa liicay”. Axmed Naaji Cabdalla “Nin wayn baa ku soo laabtay hogaanka ciidanka Xoogga dalka, hambalyo Taliye”. Axmed Gaashaan “Allaha kula qaado masuuliyadda Culus Moralka ciidanka xooga ayaa dib usoo noqday. Gen. Odowaa Yuusuf Raage, hambalyo Taliye”. Cabdulqaadir Beddal “Qofka in shaqadii shalay laga qaaday looga maarmi waayo ee mar kale lagu soo celiyo qiimo ayay u samayneysaa!”. Maxamed Geeddi “Libaax labo ma ahan waxaa tahay halyay ay tabeen Umadda Soomaaliyed iyo CXDS soo dhawoow mudane”. Maxamuud Cabdisalaan “Odowaa waa mudanyahay inuu hoggaamiyo ciidanka qaranka mar labaad i kastoo wakhtigii uu mudnaa xilka lag qaaday,”. Macruuf Mataan “Waa howlkar laga maarmi waayay guul ayaan u rajayn dhammaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed”. The post Soo laabashada taliye Odowaa oo rajo cusub abuurtay – Sidee? appeared first on Caasimada Online.
  6. Mogadishu (HOL) — Somali government forces killed at least six al-Shabab militants, including two key leaders, in an operation near the Qansah Dhere district in the Bay region on Monday. Source: Hiiraan Online
  7. Amsterdam (Caasimada Online) – Xarunta Warbaahinta iyo Wadahadalka ee Center for Media and Dialogue (CMD) ayaa abaal marin gudoonsiisay orodyahanka Soomaaliyeed ee heer caalami ee Cabdi Nageeye oo asbuucii la soo dhaafay ku guulaysaty orodka dheer ee New York Marathon. Gudoomiyaha CMD Cabdullaahi Maxamed Xuseen Taajirow, oo ay wehliyaan xubano ka tirsan CMD, ayaa gudoonsiiyey Cabdi Nageeye abaal-marin dhiiri galin ah oo ay ugu talogashay Center for Media and Dialogue. Taajirow ayaa sheegay in Negeeye oo sare u qaaday magaca umadda Soomaaliyeed, islamarkaana uu soo hooyey guul ay ku faanaan. Abaal-marintan oo ka dhacaday Grand Hotel ee magaalada Amsterdam ayuu Mr Nageeya ka mahad-celiyey abaalmarinta ay siiyeen CMD, isaga oo xusay in uu ku farxay sida sharafta leh ee loo maamuusay. Center For Media and Dialogue ayaa qabata abaalmarin la siiyo dadka Soomaalida ah ee gaaray guulo lataaban karo oo micno iyo milgo u samaynaya sumacadda Soomaaliya, islamarkaana ku dhiiri-galinaya bulshada inay hiigsadaan yoolalka ay gaareen dadka iskood u dadaalay ee magaca soo hooyey. The post Center for Media & Dialogue (CMD) oo abaal-marin guddoonsiisay Cabdi Nageeye appeared first on Caasimada Online.
  8. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ayaa sheegaya in saaka xaalad kacsanaan ah ay ka taagan tahay magaaladaasi, taas oo u dhexeyso laba ciidan oo ka wada tirsan dowladda. Xiisadda ayaa salka ku heyso muran xoogan oo ka dhashay dhul ku yaalla halkaasi oo u dhexeeyo ganacsade dagan magaalada iyo maamulka Galmudug, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah. Galmudug ayaa lasoo wariyay in ganacsadaha ay ku amartay inay ka guuro dhulkaasi oo ay leedahay dowladda Soomaaliya, balse uu ka biyo diiday, waxaana kadib sidaas ku qaraxday xiisadda u dhexeysa labada dhinac. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ganacsadaha uu wato ciidamo taabacsan oo ka tirsan kuwa milatariga oo kasoo baxay furimaha hore ee dagaalka, si ay u garab istaagaan waxayna soo galeen magaalada oo saaka laga dareemay dhaq-dhaqaaq xoogan. Sidoo kale dadka deegaanka ayaa cabsi xoogleh ka muujinayo suurtagalnimada dagaal ka qarxa caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda Galmudug, kuna aadan xiisadda dagaal ee saaka taagan maagalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Si kastaba, xiisadda taagan ayaa saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa guud ee ganacsiga magaalada oo saaka xiran, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka. The post GALMUDUG oo dagaal qarka u saaran iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  9. Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa wada-hadalkii ugu horreeyay ee telefoonka ah la yeeshay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin. Labada hoggaamiye ayaa ka hadlay arrimaha dagaalka ka socda Ukraine. Sida uu sheegay wargeyska Washington Post, wada-hadalkan ayaa ahaa mid muhiim ah oo labada hoggaamiye ay ku muujiyeen rabitaankooda ah inay sii wadaan wadahadallo dheeraad ah si loo gaaro xalka nabadeed ee khilaafka Ukraine. Qorshaha Trump ee Joojinta Dagaalka Trump ayaa ballanqaaday inuu ku dadaali doono sidii uu uga shaqeyn lahaa joojinta dagaalka Ukraine intuu xilka hayo. Wuxuu carabka ku adkeeyay in Mareykanku uu diyaar u yahay inuu taageero buuxda siiyo xasilloonida gobolka. Trump wuxuu sheegay in uu rabto in dagaalka la soo afjaro si degdeg ah, isagoo ka dhigaya arrintan mid ka mid ah mudnaanta ugu weyn ee saacadihiisa u horreeya ee xafiiska. Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa aan wali wax rasmi ah ka soo saarin wada-hadalkan, balse maalin kaddib markii Trump uu xaqiijiyay guushiisa doorashada, Putin ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu telefoonka kala hadlo haddii Trump uu soo waco. Guddoomiyaha Kremlin, Dmitry Peskov, ayaa yiri: “Astaamuhu waa kuwo wanaagsan… ugu yaraan wuxuu ka hadlayaa nabadda, ma aha mid ku wajahan isqabqabsiga.” Source: goobjoog.com
  10. Kismaayo (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Jubaland ayaa sheegay iuu hakiay xiriirkii wada-shaqeyn ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, xilli uu sii xoogeystay khilaafka labada dhinac. Khilaafka, oo ku soo shaac baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee uu horraantii October ka baxay madaxweyaha Jubaland Axmed Madoobe, ayaa ka sii daray shalay kadib markii Axmed Madoobe uu magacaabay guddi doorasho oo ka kooban 7 xubnood. Hase yeeshee, waxaa isla saacado gudahood ku gacan sayrtay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya oo ku tilmaamtay sharci-darro. Ayada oo ka jawaabeysa qoraalkaas, ayaa wasaaradda arrimaha gudaha Jubaland waxay sheegtay in ay Jubaland ay xaq u leedahay qabashada iyo maamulka doorashadeed. “Iyadoo raacaysa dastuurka ku-meel gaarka ah ee DFS iyo kan Jubaland kana dheeraanaysa wax kasta oo horseedi kara sharci daro iyo firaaq dastuuri ah in ay u madax-banaan tahay qabashada iyo maamulidda doorashada Jubaland, sida uu qabo qodboka 120-aad ee dastuurka ku meel gaarka ah ee DFS iyo qodobada 62-aad iyo 80-aad ee dastuurka Jubaland,” ayey ku tiri war-saxaafadeed. Maxay kala doonayaan Jubaland iyo DF? Sida ku cad qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha ee Soomaaliya, dowladda Federalka ayaa doonaysa saddex qodob oo kala ah. 1- In la mideeyo doorashada dalka, 2. in la qabto doorasho qof iyo cod ah, 3. in la sameeyo hal guddi oo madaxbannaan oo isku dhaf ah oo Soomaaliya ka hirgaliya doorasho dadku codkooda dhiibtaan. Dadka ka faalooda arrimaha siyaasadda ayaa sheegay in qodobadaas dhanka dowladda ay wehilisay muddo kordhin sanad ah oo loo sameeyey madaxda maamulada dalka marka laga reebo Puntland oo iyadu doorashadeedii qabsatay sanadkan 2024-kii. Inkasta oo dowladda Soomaaliya aysan qarin doonisteeda ah in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah uma muuqato inay arrintani ka miro dhalayso Kismaayo, sida ay qabaan dadka ka faalooda siyaasadda gudaha. Jubaland ayaa caddeysay in doorasho qof iyo cod ah aysan suura gal ahayn inay ka dhacdo dalka iyadoo Madaxweyne Madoobe uu ka soo baxay shirkii madasha wadatashiga Qaran isagoo sheegay in Jubaland aysan doonayn muddo kordhin. Maxamed Mukhtaar, oo ah falanqeeye arrimaha Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in wax la isku yahay ay tahay awoodaha ayna arrintan taagnaan doonto ilaa go’aan laga gaaro sida ay noqoyso awoodaha dowladda federalka iyo Maamulada. “Doorashadu waa cudurka laysku hayo calaamadihiisii laakiin waxa la isku hayo waa awoodda. Haddii Farmaajo shalay joogay, maanta Xasan Sheekh joogo, barina qof kale joogi doonno doodaasi waa taagnaanaysaa ilaa iyo go’aanka laga gaaro awood qaybsiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyo sida ay kala noqonayaan,” ayuu yiri Mukhtaar. Go’aanno isku eg Sanadkii 2018 bishii June, madaxda dowladda federaalka iyo Maamulada ayaa shirkoodii wadatashiga qaran ku yeeshay magaalada Baydhabo kaas oo lagaga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen hannaanka doorashada ee dalka iyo qaybsiga qayraadka. Bishii September isla sanadkaas, madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku shiray magaalada Kismayo iyagoo sheegay inay xiriirka u jareen dowladda federalka. Sida uu qabo Maxamed Mukhtaar, waxaa haatan humaag u eg tan sanadkii 2019 kii. Sanadkii 2019 kii, Jubaland ayaa sheegtay inay qabsanayso doorashadeed iyadoo bishii Agoosto isla sanadkaas ay dhacday doorasho lagu murmay oo mucaaradku diideen taas oo lagu doortay Madaxweyne Axmed Madoobe. Dowladda Federalka ee xiligaas ayaa sheegtay inaysan aqoonsanayn natiijada doorashadaasi. Cilme-baare Axmed Shire oo la hadlay BBC ayaa sheegay in “haddii doorashada ka dhacda Jubaland ay noqoto mid si saxa u dhacda loona tartamo waxaa la aadi doonaa dhanka Jubaland haddiise siduu hadalka u dhigay ay la mid noqoto iyadoo ay haysato caqabada ah inaa labada heer la isla socday waxay u ekaanaysaa in sharciyadeeda su’aal ku timaado, sidaas daraadeedna doodda laga yaabo in ay dowladda dhankeeda ka timaado ay xoogeysato.” Balse Mukhtaar ayaa qaba in waxkasta oo dhaca ay ku dhammaan doonto in laga gudbo oo laga heshiiyo marka la is mari waayo. “Runtii sida horrey u soo aragnay, waa la kala caroon, ayaanbaa la kala qaylin, cid xoog cid ku maquunin kartana ma jirto, waxay ku dhammaan doontaa aan hore u socono iyo aan heshiino” ayuu yiri Maxamed Mukhtaar oo la hadlay BBC. The post Maxaa dhacaya haddii ay Jubaland qabato doorasho? appeared first on Caasimada Online.
  11. Taliyaha guud ee ciidanka Sacuudiga, Marshal Fayyad bin Hamed ayaa booqasho aan la sii shaacin ku tegey magaalada Tehran ee xarunta dalka Iran. Marshal Fayyad bin Hamed ayaa Tehran kula shiray taliyaha guud ee ciidanka Iran, Major General Mohammad Bagheri, waxaana la sheegay in ay ka wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Iran ee IRNA. Waxyar kaddib kulankan, waxaa khadka telefoonka wada-hadal ku yeeshay madaxweynaha Iran, Masoud Pezeshkian iyo dhaxal-sugaha boqorka Sacuudiga,Mohammed bin Salman. Sacuudiga ayaa hadda dib u hagaajinaya xiriirka uu la leeyahay Iran oo dib loo soo celiyay, kaddib dhex dhexaadin uu sameeyay Shiinaha , iyadoo hadda labada dal ee mar cadowga isku ahaa ay muujinayaan sida ay u doonayaan iskaashi iyo wanaajinta xiriirkooda. PUNTLAND POST The post Taliyaasha Ciidamada Sacuudiga iyo Iran oo shir Amni ku yeeshay magaalada Tehran appeared first on Puntland Post.
  12. Golaha wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shir aan caadi ahayn ka yeeshay xaaladda nabad-gelyo ee dalka iyo dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab ayaa meel mariyay magacaabista taliyiha cusub ee ciidanka xoogga dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage. Janaraalkan ayaa xilka laga qaaday wax ka yar laba sano ka hor, haddana dib ayaa loo magacaabay, waxaana qoraal ay golaha wasiirradu soo saareen lagu sheegay in looga maarmi waayay hoggaaminta ciidanka iyo dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab. Janaraal Odawaa oo in ka badan 4 sano hoggaaminayay ciidanka xoogga dalka, horayna u soo qabtay xilal kala duwan oo uu kamid ahaa taliyaha ciidanka lugta ayaa loo arkaa nin firfircoon oo ciidanku ay jecelyihiin, islamarkaana ku wanaagsan isku dubaridka, abaabulka, iyo dhiirigelinta ciidanka. Sidoo kale wuxuu haystaa taageero dadweyne oo baaxad leh, wuxuuna hormuud u yahay saraakiisha hoggaaminta dagaalka iyo qaabaynta awoodda ciidanka hibada gaarka ah u leh ,sida ay qireen xeeldheereyaasha arrimaha milarigu. Si kastaba ha ahaatee dib u magacaabista Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa loo arkaa natiijo ka dhalatay hoos u dhaca ku yimid dagaalkii dardarta ku socday ee kula jiray kooxda Alshabaab, iyo kala dhalantaalnaan laga dareemay ciidanka mudadii uu xaafiiska ka maqnaa. Source: goobjoog.com
  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-igeenka maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, isagoo uu garab taagan musharaxa madaxweyne ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ku dhowaaqay inuu taageersan yahay Cirro, doorashada dhaceysa Arbacada. Saylici ayaa si adag uga hadlay xaaladda Somaliland, wuxuuna si gaar ah u eedeeyey madaxweynihiisa Muuse Biixi oo sheegay inuu ka baxay wixii lagu dhaariyey, dastuurkiina jabiyey. “Muuse Biixi dalka laguma sii aamini karo, anigaa dad ugu dhawaaa wixii na lagu dhaariyey, Muuse Biixi wuu ka baxay,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Saylici. Saylici oo muddo ka badan 14 sanno ahaa madaxweyne ku xigeen ayaa sidoo kale si cad u sheegay inuu dhisayo musharax Cirro, waxayna talaabadani dhabar-jab ku tahay madaxweynaha xilka ka dagaya ee Somaliland Muuse Biixi. “Waxaan ummadda reer Somaliland ugu baaqayaa inay taageeraan isbaddalka socda uu hoggaaminayo xisbiga Waddani oo uu hoggaaminayo musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Saylici. Si la mid ah dhawaqii ka soo yeeray maalmo ka hor, waxa uu taageero u muujiyay ururka Barwaaqo oo kasoo jeeda bogolka Awdal, isaga oo kasoo horjeestay ururka Hilaac oo xaga xisbiga Kulmiye u janjeedha. Musharax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa isaguna soo dhaweeyay taageerada Saylici, isaga oo bulshada ugu baaqay in ay taageeraan xisbiga Waddani iyo ururada kale ee bahwadaagta la ah. Musharax Cirro ayaa taageero is daba joog ah ka helaya siyaasiyiinta, ganacsatada iyo dadka magaca ku leh Somaliland, waxaana raja wayn laga qaba in uu ku guulaysto doorashada 13 November. The post Saylici oo taageeray Cirro, shaaciyey arrin khiyaano ah oo uu ku kacay Muuse Biixi appeared first on Caasimada Online.
  14. Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) ee Somaliland, Md. Muuse Xasan Yuusuf, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Kormeerayaasha Caalamiga ah ee u yimid inay korjoogteeyaan habsami-u-socodka Doorashada Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka ee dhawaan ka dhici doonta dalka JSL. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xaqiijin lahaa in doorashadu u dhacdo si hufan, daahfurnaan leh, kana turjumaysa heerarka caalamiga ah ee doorashooyinka. Intii uu kulanku socday, Guddoomiyaha KDQ ayaa faahfaahin ka bixiyay diyaar garowga doorashada iyo tallaabooyinka loo qaaday sugidda amniga iyo habsami-u-socodka doorashada guud ahaan. Kormeerayaasha Caalamiga ah ayaa dhinacooda ku adkeeyay muhiimada daahfurnaanta iyo cadaaladda doorashada, iyaga oo ballan qaaday inay si muuqata uga qayb qaadan doonaan kormeerka doorashada, si ay u taageeraan dadaallada lagu xaqiijinayo hufnaanta Doorashooyinka 13 November 2024. Source
  15. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), qaabkii uu Kulmiye ku yimid, waxa ay ahayd qaab horseedi gaadhay burbur ku yimaada Xisbigaasi, waxaanu imaanshihii Saylici ku tegay Ahmed Siillaanyo, oo Guddoomiyaha Kulmiye ahaa qiimo sare, markii uu qaatay go’aan adag oo uu ku beddelayey Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, oo kuxigeen ku murrashaxu ahaa Siillaanyo 2003-kii, isla markaana isa dhaceen. Ahmed Siillaanyo oo ka fikiraya codka Awdal yaala iyo taageero dhaqaale, waxa uu qaatay Go’aan adag oo Xisbigiisu ku burburi gaadhay oo ahaa inuu 2008-dii Saylici ka dhigtay Murrashax Madaxweyne kuxigeen isaga oo ka tegay Cabdiraxmaan Aw Cali, waxaanu uga tegay, madaama oo mar wada dhaceen, isla markaana Abdiraxmaan ahaa Deegaanka hoose ee Rayaale, go’aankan Siillaanyo waxa uu keenay dildilaac Kulmiye ku yimaad oo halis geliyey, madaama oo rag badan oo masuuliyiin ahaa iscasileen go’aankan wagii, kuwo kale garab badbaadin la baxeen, balse waxa xusid mudnaan in Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, oo Cabdiraxmaan Aw Cali saaxiib ahaayeen aanay ka tegista go’aankaasi u adeegsadeen meel marin damac kale oo ah Hoggaanka xisbigaasi iyo mustaqbalka in ay wakhtigii adkaa ee Siillaanyo wajahayey kaga faa’iidaysteen. Siillaanyo go’aankan uu murrashaxa kaga dhigtay Saylici uga khasaare, taageero cod iyo mid dhaqaaleba uu kaga helay deegaanka Saylici, 2010-kii way ku guuleysteen doorashadii. Mar kale Maalintii Saylici ayaa timid, waa 2015-kii Khilaafkii Xisbiga Kulmiye ee salka ku hayey Murrashaxnimada Kulmiye. Khilaafkan Kulmiye dhex qarxay ee uu Muuse Biixi, ka faa’idaystay 2008-dii, waxan isna markiisa ka faa’idaystay Saylici, oo la safnaa Wasiiradii is casilay 2015-kii, ee ka soo horjeeday murrashaxnimada Muuse Biixi. Muuse Biixi, oo aan raali ka ahayn inuu murrashaxnimada Saylici, ayaa duub ku liqday, madaama duruufuhu keeneen khilaafkii jiray awgii inuu mar kale Saylici murrashax noqdo. Isku laab-xadh la’aantan waxa ay keentay in xidhiidhka wada shaqayneed mararka qaar walaac laga muujiyo. Tani waxa ay weji kale yeelatay markii Muuse Biixi oo ah Madaxweynaha Somaliland ka fikiro wakhtigiisa labaad murrashax u noqonaysa, madaama markii hore duruufi keentay. Saylici waxa uu is tusay in muhiim tahay in uu talada cidda noqonaysa Murrashaxa Kursiga kuxigeenka uga dambaynaysaa noqoto mid uu talo ku leeyahay oo xulisteeda qayb ka noqdo, madaama oo wuu doonayey laba mid in qofka imanayaa noqdo mid deegaankiisa hoose ka yimaada ama deegaan kale oo ay isku sidkanaayeen oo qayb ka ahaa labadii doorasho ee gobolka Awdal, waana halka sii xoojisay khilaafka, inta badan huursanaa, balse imika bannaankan u soo baxay. Saleebaan Saxansaxo Source
  16. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Riyaadh ee dalka Sacuudi Carabiya sida ay sheegtay Madaxtooyada Villa Somalia. War Qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu halkaasi kaga qayb galayo shirar degdeg ah oo ay yeelanayaan madaxda dalalka Islaamka iyo Carabta. Madaxda ayaa ka wadahadlaya colaadda iyo gumaadka ka dhanka ah dadka Falastiin iyo Lubnaan, gaar ahaan joojinta xasuuqa iyo sidii gurmad degdeg ah ay u heli lahaayeen dadka reer Qasa ee dhibaataysan, siday sheegtay Villa Somalia. “Inta lagu guda jiro shirkan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda, Boqorrada, Amiirrada iyo Hoggaamiyeyaasha Islaamka ee shirka ka soo qeyb-galaya, si loo xoojiyo xiriirka dalkeennu uu la leeyahay Caalamka Islaamka iyo Carabta” ayay tiri Villa Somalia. Qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay in Shirka ay ka soo qeyb-galayaan madax iyo wufuud ka socoto dowladaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Shirar deg deg ah kaga qayb galaya dalka Sacuudiga appeared first on Puntland Post.
  17. Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta ciidanka daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ay howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ka sameeyeen aagga degmada Qansaxdheere ee gobolkaasi. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan, laguna dilay xubno ka tirsanaa Khawaarijta ayaa si gaar ah uga dhacay tuulada Weel-manaas oo 15 kiilo miitir u jirta degmada Qansaxdheere, waxaana lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ilaalo u ahaa, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalka. Ugu yaraan illaa 6 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo horjoogayaashooda ayaa lagu dilay goobta ay weerareen ciidanka Koonfur Galbeed, waxaana kamid ah saraakiisha la khaarijiyay Nuur Keerow Xaydar iyo Sheegow Aadan Macalin. Labada horjooge ayaa kooxda u qaabilsanaa cunaqabeteynta degmada Qansaxdheere iyo lacagaha baadda ah ee sida qasabka ah looga qaado shacabka ku dhaqan degmadaasi. Sidoo kale waxaa howlgalkan ay ciidamada kusoo furteen mooto Fekon ah iyo saanad ciidan oo ay lahaayeen xubnaha Al-Shabaab ee lagu dilay duleedka Qansaxdheere. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana ciidanka Koonfur Galbeed ay weli howlgallo kasii wadaan qaybo badan oo kamid ah gobolka Baay, kuwaas oo lagu beegsanayo Shabaab. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Khawaarijta ee ku aadan howlgalkaasi khasaaraha lagu gaarsiiyay ee ay guulaha ka sheegatay Koonfur Galbeed. Gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxaa si aad ah ugu xoogan dagaalyahannada Al-Shabaab, waxayna go’doon geliyeen dhammaan degmooyinka muhiimka ah ee gobolladaasi oo ay xittaa ku jirto magaalada Baydhabo oo hadda xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed. The post Horjoogayaal Shabaab ah iyo ilaaladooda oo hal goob lagu dilay + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
  18. Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa sheegay, in uu baarlamaanka weydiisan doono codka kalsoonida ka hor inta aanan la gaarin dhammaadka bisha December. Tallaabadaas ayaa waddada u xaari doonta in Jarmalka laga qabto doorasho baarlamaani ah oo waqtigeeda laga soo hormariyay. Arrintan waxay ka danbeysay kaddib marki uu burburay isbaheysigi saddex-geesoodka ahaa ee ay ku tiirsaneyd xukuumadda Scholz. Dalka Jarmalka oo ah waddanka ugu dhaqaalaha wanaagsan Yurub ayaa todobaadki hore galay qalalaaso siyaasadeed, kaddib marki isbaheysiga ay ka koobneyd xukuumadda uu isku qilaafay, cadadka lacagaha ay dowladda ku taageryso Ukraine, iyo inta ay xukumadda ku kharja-gareyn karto dhiirigelinta koboca dhaqaalaha. Scholz ayaa horay u sheegay in codka kalsoonida baarlamaanka ee xukuumaddiisu la qorsheeyay 15-ka January, isla markaana doorashada xilliga hore ay dhici doonto bisha March, hase yeeshee wuxu uu taariikhdaasi baddalay oo uu soo hormariyay kaddib marki uu caddied kala kulmay axaasbta mucaaridka ee dhinica midigta u janjeera. PUNTLAND POST The post Hogaamiyaha Jarmalka oo sheegay in uu Baarlamaanka weydiisan doona codka Kalsoonida appeared first on Puntland Post.
  19. Magaalo madaxda dalka Kenya ee Nairobi, gaar ahaan xaafadda ay Soomaalidu ku badantahay ee Islii waxaa muddooyinkii dambe ka dhacayay falal burcadnimo ah oo lagu afduubanayo dadka, ka dibna muuqaallo laga duubayo ayadoo la jirdilayo. Dadka la afduubtay qaarkood ayaa lacag madax furasho ah laga qaatay, halka qaarna la diley oo meydadkooda jidadka lagu soo tuuray, waxaana si weyn loo xasuustaa xasuuqii foosha xumaa ee 21-kii bishii Oktoobar nafta lagu dhaafiyay hooyo Waris Siciid Daa’uud iyo labada gabdhood oo ay midna dhashay, midna xigto ahaayeen. Dilka xubnahan iyo gabar kale oo si arxan-darro ah loo gowracay ayaa loo xiray nin lagu magacaabo Haashim Dhaqane Muxamed, kaas oo hadda ku jira gacanta laamaha nabad-gelyada Kenya. Fal-dembiyeedka loo haysto ninkan ayaa daboolka ka qaaday in falalka arxan-darrada ah ee magaaladaas ka dhacaya qaarkood ay dhallinyaro Soomaaliyeed hormuud ka yihiin, halka isla Soomaalidu ay dhibanaha koobaad u yihiin falalkaas bahalnimada. Dilalka, jirdilka, iyo afduubka muuqaallada fool xumada ah laysaga duubayo ayaa astaan u noqday halbeegga arxan-darrada kooxaha abaabulan ee ka dilaacay Nairobi, waxaana saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada qabsaday muuqaal laga duubay gabar Soomaaliyeed oo si xun loo jirdilayo. Gabadhan oo kamid ah dhallinyarada caanka ah, laguna magacaabo Rayaan Bajaaj ayaa warbaahinta u sheegtay in wiilal Soomaali ahi ay afduubteen, ka dibna ay dhawr mindi meelo halis ah uga dhifteen, muuqaal anshax xumo ahna ka duubeen. Si kastaba ha ahaatee cabsida iyo walwalka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Nairobi ayaa aad u sii kordhaya, cidda beegsanaysaahi balo cirka uga soo dhacday ma ahan ee waa kuwo walaalahood ah oo damqashadii iyo damiirkii Islaamnima meel iska dhigay, ka dibna falal arxan-darro ah u tafa-xaytay. Source: goobjoog.com
  20. Mohammed Abdiwali sexually violated women in 2014 and 2020. Now in and out of jail because of repeatedly breaching his release conditions, he has nowhere permanent to live so sleeps either on the streets or with meth-addicted friends, risking, he says, relapsing into his own addiction. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) — Somalia is grappling with dangerously low immunization and treatment rates for pneumonia and diarrhea, two of the leading killers of children under five. According to a new report from the Johns Hopkins Bloomberg School of Public Health, Somalia remains far behind in providing essential healthcare interventions, placing thousands of young lives at risk. Source: Hiiraan Online
  22. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Midowga Afrika ayaa go’aan ku gaaray in ciidamada ka qeyb galaya howlgalka nabad ilaalinta ee soo socda ee Soomaaliya (AUSSOM) ay ka imaanayaan oo kaliya waddamada ixtiraamaya madax banaanida iyo qarannimada Soomaaliya. Arrintan ayaa caqabad ku ah Itoobiya, oo dowladda Soomaaliya ay horey ugu eedeysay inay ku xadgudubtay madax-banaanida Soomaaliya kadib markii ay heshiis la saxiixatay maamulka Somaliland ee waqooyiga Somaliland. Guddiga Midowga Afrika oo fulinaya go’aannada iyo hawl-maalmeedka Midowga Afrika, ayaa la-tashiyo la sameynaya dalalka Afrikaanka ah ee muujiyay inay diyaar u yihiin inay ciidammo ku biiriyaan Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ee loo diro Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga. Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ka hadlay go’aanna ka soo saaray arrimaha la xiriira taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaasoo bedeli doona ATMIS. Waxa kale oo uu soo saaray bayaan uu ku faahfaahiyey nuxurka shirka iyo go’aamadii ka soo baxay golaha ammaanka. Iyadoo dowladda Soomaaliya ay qaabili doonto isla markaana ay martigelin doonto howlgalka xiga ee nabad ilaalinta ayaa golaha ammaanka waxa uu ku dhawaaqay in guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika uu la kulmayo dowladda federaalka Soomaaliya si uu wadatashi ugala sameeyo qaabka ay noqon doonaan ciidamada howlgalka ku jira iyo dalalka ay ka imaanayaan. Dhinaca kale, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika ayaa ka hadlay oo go’aan ka soo saaray khilaafkii u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya, iyadoo go’aankaas uu Guddoomiyaha Midowga Afrika ku sheegay inay si dhow ula shaqeeyaan dhinacyada dhaqaalaha ee Qaaradda Afrika, hay’adaha gobolka iyo kuwa kale ee ay khusayso si khilaafka labada dal si degdeg ah loo xalliyo. Si loo xaliyo khilaafka labada dal, guddiga Midowga Afrika ayaa faray in la isticmaalo dhammaan kanaalada diblomaasiyadeed ee ay awoodaan. Sidoo kale, wuxuu sheegay in dadaallada lagu xallinayo khilaafka labada dal lagu saleeyo qodobka 4-aad ee Axdiga Midowga Afrika, Hab-maamuuska dhismaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika, Axdiga Qaramada Midoobay, iyo sidoo kale mabaadi’da deris wanaaga ee Midowga Afrika iyo shuruucda caalamiga ah. Isha: HOL The post Midowga Afrika oo shardi ku adag Itoobiya ku xiray ka qeyb-galka howlgalka Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
  23. RIYADH, Saudi Arabia (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Riyadh on Monday to join an emergency summit of Arab and Islamic leaders convened by Saudi Arabia. The summit is focused on addressing escalating violence in Gaza and Lebanon. Source: Hiiraan Online
  24. Hargeisa (HOL) — Somaliland Vice President Abdirahman Abdillahi Ismail Saylici publicly backed the opposition Waddani Party on Sunday, urging voters to support "change-seeking" groups in the upcoming November 13 election. Source: Hiiraan Online
  25. As the clock ticks down to Somaliland's presidential election, the breakaway region of Somalia changes colour every day as political parties take turns to stage their campaign rallies. Source: Hiiraan Online