-
Content Count
209,207 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa muddo ku dhow afar bilood oo xiriir ah lagu la’yahay Kismaayo Senator Ilyaas Bedeel Gaboose oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare, kaas oo isaga oo ahaa musharrax madaxweyne Jubbaland lagu xiray gudaha magaaldaasi. Xildhibaan Qaali Cali Shire ayaa maanta Senatorka ka dhex baafisay baarlamaanka, waxayna sheegtay inuu ku dhex maqan yahay magaalada Kismaayo oo fadhi KMG u ah maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ee Jubbaland. “Xildhibaan ayaa 4 bilood lagu la’yahay magaalada Kismaayo waa Ilyaas Gaboose, isaga oo musharrax ah ayuu meesha tegay raadsanayo madaxweyne ma dhihi karnaa sababo la xiriira arrintaas in xildhibaanka tega meeshaas inuu nabad kusoo noqono iyo inuu kusoo noqoneynin sababo amnigooda la xiriira inay u xanibtay hay’adda NISA” ayay tiri Qaali Cali Shire. Sidoo kale waxaa arrintan si kulul uga hadlay Senator Cabdiweli Ibraahim Garyare oo isna shir jaraa’iid qabtay, wuxuuna sheegay in Ilyaas Gaboose uu u afduuban yahay hoggaamiyaha maamulka Jubbaland, uuna ugu xiran yahay magaalada Kismaayo. “Waxaa rabnaa in laga hadlo xoriyadda Senator Ilyaas Gaboose oo runtii saddex bilood ka badan xabsi guri ugu jira hoggaamiyihii hore ee maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, taas oo ah mid ku xadgubeysa xoriyadda Senatorka iyo tan muwaadinka Soomaaliyeed” ayuu yiri Senator Cabdiweli Ibraahim Garyare oo ka tirsan Aqalka Sare. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in iyaga oo 14 Senator ah ay keeneen mooshin looga hadlayo xaaladda uu ku sugan Senator Gaboose, balse waxa uu tilmaamay inuu diiday guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi. “Guddoomiyaha Aqalka Sare wuxuu si ku takrifal awoodeed ah noogu diiday in aan usoo jeedino in maanta golaha looga hadlo sidii xoriyaddiisa loogu soo celin lahaa Senatorka” ayuu mar kale yiri Cabdiweli Garyare. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waa ayaan darro wayn arrinta uu maanta ku kacay guddoomiyuhu, mana ka hari doono illaa xoriyaddiisa helo Senator Ilyaas, loogana soo saari lahaa gacanta cadowga”. The post Daawo: Senator lagu waayay magaalada Kismaayo oo la baafinayo 4 bilood kadib appeared first on Caasimada Online.
-
𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐎𝐨 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐦𝐞𝐲𝐬𝐚𝐲 𝐐𝐚𝐲𝐛𝐭𝐢𝐢 𝐮𝐠𝐮 𝐡𝐨𝐫𝐞𝐲𝐬𝐚𝐲 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 . Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Maxamed Cali Aw Cabdi iyo waftigii uu hoggaaminayey ee maal-mihii u dambeeyey safarka shaqo ku joogay Gobolka Sanaag oo ay wehelinayaan Wasiirka Gaashandhiga, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Taliyaha Ciidanka Qaranka, Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Gudaha, W/K/X Maalgashiga, Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Xildhibaano, ayaa maanta ka qayb galay, goob-joogna ka ahaa munaasabad ballaadhan oo lagu Qaramaynaayey qaybtii u horraysay ee Ciidanka Madaniga ay iyo gadiidkoodii dagaalka. Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL Somaliland ayaa Ciidamada u qaabiley si kal furran, waxanay u sheegaan in ay ka mid yihiin saacada laga bilaabo Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Xukuumadda WADDAJIR iyo WAX-QABAD iyada oo fullinaysa ballan-qaadkii hore ee ahaa in ay qaramayn doonto Ciidamada Madaniga ah, ayaa waxaa ay maanta qaramaysay wajigii koowaad ee ciidamadaasi, iyada oo maal-maha soo socdana la qarameyan doono cutub-yo kale oo kamid noqon doona Ciidanka Qaranka JSL. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, , 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xaflad lagu furayay xarunta shanaad ee Suuqa Hayat Market ayaa ka dhacday xarunta suuqa oo ku taalla xaafadda Cali Kamiin, degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho. Munaasabadda waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin sare, xildhibaanno, wasiirro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Maamulka Hayat Market ayaa warbixin ka bixiyay suuqa, iyagoo xusay in dhismaha iyo qalabaynta suuqan ay soo socotay muddo dheer. Waxay tilmaameen in Hayat Market uu yahay suuq casri ah oo laga heli karo dhammaan adeegyadii iyo agabkii loo baahnaa. Sheekh Bashiir Axmed Salaad, oo ka tirsan culimada Soomaaliyeed, ayaa munaasabadda ka hadlay, isagoo u mahadceliyay intii ka shaqeysay furitaanka suuqa. Wuxuu u duceeyay ganacsatada suuqan leh, isagoo Allaah uga baryay in uu xoolahooda barakeeyo. Guddoomiye ku-xigeenka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Galambi, oo isna hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa sheegay in suuqan uu fursad u furayo in Soomaaliya ay la jaan-qaado suuqyada casriga ah ee caalamka. Wuxuu ganacsatada Soomaaliyeed ku dhiirrigeliyay in ay ka qeyb qaataan horumarinta dalka. Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Jawaahir Baarqab, oo iyana ka hadashay xafladda, ayaa u mahadcelisay ganacsatada furay xarunta shanaad ee Hayat Market. Waxay sheegtay in furitaanka suuqan uu calaamad u yahay sida ay Soomaaliya ugu tallaabsaneyso horumar iyo nabadgelyo. Sidoo kale, xildhibaanada Gobsan, Khaliif Cabdi Cumar, iyo guddoomiyaha degmada Warta Nabadda, Seynab Xaabsey, ayaa bogaadiyay ganacsatada shirkadda Hayat Market, iyagoo xusay dadaalka ay galeen si ay u hirgeliyaan suuqan. Waxay ugu hambalyeeyeen guusha ay gaareen inkastoo ay la soo kulmeen caqabado badan. Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee xukuumadda Soomaaliya iyo guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadlay munaasabadda, ayaa sheegay in xaruntan cusub ay sare u qaadeyso bilicda caasimadda, isla markaana ay shaqo u abuurtay dhalinyaro badan. Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray suuqa. Wuxuu xusay in dowladda ay soo dhaweynayso furitaanka suuqyada casriga ah sida Hayat Market, isagoo bogaadiyay ganacsatada maalgashanaya dalka. “Jidkan Hayat Market laga furay, gaari xaajiyad ah ayaan ku mari jiray, xasuus baan galay. Aniga Hayat waan ku horreeyay, oo waxaan kala soo billaabay bilowgii,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka. The post Sawirro: Xaruntii shanaad ee suuqa Hayat Market oo Muqdisho laga furay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xasan Yare oo kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka, kuwooda mucaaradka ah ayaa mar kale maanta buuq ka sameeyay xarunta baarlamaanka, xilli laga doodayay mooshin ay xildhibaannada kasoo jeedo Jubbaland horgeeyeen golaha, kaas oo looga hadlayay xayiraadda saaran Kismaayo. Xildhibaanka oo hadal ka jeediyay fadhiga maanta ayaa barakacayaal ku tilmaamay xildhibaannada kasoo jeedo Somaliland, arrintaas oo durbo abuurtay caro xooggan. Xildhibaan Gobsan oo kasoo jeedo Hargeysa ayaa ka daba qaadatay Makarafoonka, waxayna si caro leh ugu jawaabtay xildhibaan Xasan Yare, iyada oo ku goodisay inay la dagaalami doonto cid kasta oo golaha dhexdeeda uga xad-gudubta deegaankeeda. “Somaliland wax ay ku suntan tahay anaa idin sheegaayo ee labada dhagood furo waxaana kuu sheegayaa aniga iyo adiga farqiga inoo dhexeeyo waxaan ku suntanahay dadnimada. Ogow Xasanow Somaliland la’aanteed midnimo kama jireyso Soomaaliya” ayay tiri xildhibaan Gobsan oo si weyn uga carootay hadalka xildhibaanka. Sidoo kale waxa ay raacisay “Nafar dambe oo san ku neefla ah oo halkan imaada, kuna xadgudba Somaliland dhaar waxaan ku maray inaan shan shan ugu taakeeyo”. Intaas kadib waxaa hadalka kusoo noqday xildhibaan Xasan Yare oo raalligelin buuxda ka bixiyay hadalka kasoo yeeray ee buuqa ka dhex abuuray Golaha Shacabka. “Xildhibaannada sharafta leh ee meesha fadhiyo waxaan rabaa hortiina wixii hadal ahaa ee erayga barakac ahaa xildhibaannada qaarkood oo saaxibadey waan ka raalligelinayaa si Public ah” ayuu yiri Xildhibaan Xasan Yare oo mar kale hadalka qaatay. Horay xildhibaankan ayaa u feeray mid kamid ah saraakiisha Booliska ee ka howlgala xarunta baarlamaanka, kadib markii ay askarta soo dhex-galeen xildhibaannada dhexdooda oo isku qabtay arrimo la xariiray doorashooyinka dalka iyo dastuurka.
-
Mogadishu (HOL) — Dr. Mohamed Yusuf Hassan, a respected Somali surgeon who spent decades operating in war zones and saving lives through some of Somalia’s darkest periods, was laid to rest in Mogadishu on Saturday. For decades, Dr. Mohamed Yusuf Hassan stood between life and death in Somalia’s war-torn capital, his scalpel moving under dim surgical lights as gunfire rattled outside. Source: Hiiraan Online
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta xaalad adag ay ka taagan tahay deegaanka Biyo-Cadde oo qaybo kamid ah ay weli gacanta ku hayaan maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in goordhow uu dib qarxay dagaal culus oo u dhexeeyo ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanayo dadka deegaanka iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan. Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo qaybo kamid ah magaalada oo gubaneyso, kadib markii ay qaraxyo ku xireen maleeshiyaadka argagixisada. Sidoo kale ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa isku sii ballaarinayo Biyo-Cadde, kuwaas oo ku guda jiro sidii magaalada looga xoreyn lahaa Al-Shabaab. Waxaa sidoo kale dagaalladan barbar socda duqeymo diyaaradeed oo lagu garaacayo aagga ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, si loo jabiyo. Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana sidoo kale jiro burbur xoogan oo ay argagixisada u gaystay deegaankan oo horay looga xoreeyay, balse ay dib ugu soo laabatay. Xaaladda ayaa aad u cakiran, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku aadan dagaalka ku dhex-maraya deegaanka Biyo-Cadde ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay xoogga soo saaray gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay ka fuliyeen weeraro ay kula wareegeen deegaanno muhiim ah. Todobaadkii hore ayay ahayd markii Al-Shabaab gudaha usoo gashay degmada Balcad oo qiyaastii illaa 35 KM u jirta magaalada Muqdisho, kadib saacado kooban oo ay magaaladaasi haysteeen maleeshiyaadka Khawaarijta, haddane dib looga saaray.
-
Xalay oo Jimce ahayd, dunidu waxay si toos ah u daawatay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo dood kulan oo aan nooceeda horey loo arkin ku dhex martay xafiiska Oval-ka ee gudaha Aqalka Cad. Saraakiisha hab-maamuuska Aqalka Cad iyo saxafiyiinta halkaas ka howlgalayay mudada dheer ayaa sheegay in aysan horay u arag wax la mid ah gudaha dhacdada taariikhda gashay oo ka dhacda xayndaabka Aqalka Cad. Dhammaadkii kulanka, Trump iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka J.D. Vance ayaa ka dalbaday Zelensky, madaxweynaha Ukraine oo ay ku tilmaameen mid abaal lahayn, in uu dibeda uga baxo Aqalka Cad ee looga taliyo Mareykanka. Kani waxaa uu ahaa muuqaal aanad malayn karin inuu ka dhacayo Aqalka Cad,” mid ka mid ah weriyeyaasha ayaa yiri sidaas markii uu ka baxayay Xafiiska madaxweynaha Mareykanka ee Oval. Haddaba, sidee ayay Ukraine iyo caalamkuba uga falceliyeen kulankan, kaasoo ahaa mid aan horay loo arag wax u dhig dhaqanka diblumaasiyada. Madaxda Yurub iyo waxa ay uga falceliyeen Xigashada Sawirka,EPA Qoraalka sawirka,Kulanka Trump iyo Zelenesky Hogaamiyayaasha Yurub oo ka falcelinaya kulanka Donald Trump iyo Volodymyr Zelensky, ayaa si wadajir ah u taageeray Ukraine. Ra’iisul wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa muujiyay “taageerada aan kala go’a lahayn ee Ukraine” kadib markii ay isku dhaceen madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Ukraine Volodymyr Zelensky. Haweeney Afhayeen ah oo u hadashay Starmer ayaa sheegtay in uu mar hore talefoonka kula hadlay labada madaxweyne. “[Starmer] ayaa weli ah mid taageerada uu u hayo Ukraine aysan kala go’ lahayn wuxuuna samaynayaa wax kasta oo uu awoodo si uu u helo waddo nabad waarta loo maro oo ku salaysan madax-bannaanida iyo ammaanka Ukraine,” sida lagu xusay war kasoo baxay xafiiska warbaahinta ee ra’iisul wasaaraha Britain. Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa yiri: “Ma jiro qof doonaya nabad in ka badan inta ay doonayaan nabadda muwaadiniinta Ukraine. Taasi waa sababta aan dhammaanteen u raadineyno waddo lagu helo nabad la isku halleyn karo oo caddaalad ah. Ukraine waxay ku tiirsanaan kartaa Jarmalka iyo Yurub” Raiisel wasaaraha Talyaaniga Giorgio Meloni ayaa yiri: “Khilaaf kasta oo ka jira Galbeedka waxa uu wiiqayaa awoodeenna dhammaan, wuxuuna u adeegaa kuwa jecel inay arkaan dhammaadka ilbaxnimadayada. Ma aha awooddeeda ama saameynteeda, laakiin aasaaskeeda, iyo dhammaan waxa ugu sarreeya, oo ah xorriyadda. Khilaafyadu cidna uma fiicna. Waxa loo baahan yahay ayaa ah shir deg-deg ah oo u dhexeeya Maraykanka, dalalka Yurub iyo xulafadooda si aan uga wada hadalno si daacad ah sida aan u doonayno inaan uga jawaabno caqabadaha halista ah ee maanta, ayadoo laga bilaabayo Ukraine, oo aanu si wadajir ah u difaacnay sanadihii dhawaa ee lasoo dhaafay, iyo kuwa na sugaya mustaqbalka. Talyaanigu wuxuu ku talo jiraa inuu u soo jeediyo la-hawlgalayaashiisa qorshahaan saacadaha soo socda.” sidoo kale ku qoray X: “Madaxweynuhu waa saxan yahay, nabad aan dammaanado lahayn waa wax aan macquul ahayn.” Agaasimaha Xafiiska madaxweynaha Ukraine ayaa sidoo kale ku qoray Telegram: ” Waxaan taageerayaa madaxweynaha, kaas oo ah geesiga difaacaya danaha dadkeenna. Marwalba, xaalad walba.” Ciidamada Ukraine waxay taageeraan madaxweynaha dalka, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Ukraine Oleksandr Syrsky ayaa ku sheegay sidaasi kanaalka Telegram. “Ciidanku wuxuu la jiraa Ukraine, dadka, iyo taliyaha ugu sarreeya ee ciidamada. Xooggeenu wuxuu kujiraa midnimada,” Syrsky ayaa qoray sidaas. Ruushku oo dhoosha ka qoslaya Xigashada Sawirka,EPA Qoraalka sawirka,Kulan hore oo dhexmaray Putin iyo Trump Magaalada Moscow, saraakiisha Ruushka ayaa aad ugu farxay soo dhawaynta aan wanaagsanayn ee Trump iyo Vance u fidiyeen madaxweynaha Ukraine. “Waxaan u maleynayaa in Zelensky beentiisa ugu weyn ay kujirto bayaankiisa Aqalka Cad ee ah in xukuumada Kiev 2022 kaligeed laga tagay, taageero la’aan. Sida Trump iyo Vance ay isu xakameeyeen oo aysan uga jawaabin qashinkan waa mucjiso dulqaad,” ayay ku qortay haweeneyda ah wakiilka rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Maria Zakharova, barta Telegram. Madaxweynihii hore ee Ruushka Dmitry Medvedev ayaa ugu yeeray Zelensky “doofaar aan caqli lahayn” kaasoo ay ku dhacday ” dharbaaxo sax ah oo wejiga uga dhacday gudaha Xafiiska Oval.” Kirill Dmitriev, madaxa Sanduuqa Maalgelinta tooska ah ee Ruushka isla markaana xubin ka ahaa ergadii Ruushka ee wadahadalkii Ruushka iyo Mareykanka ee 18-kii Febraayo ka dhacay Sacuudi Carabiya, ayaa sheegay kaliya in iska horimaadkii u dhexeeyay Trump iyo Zelensky uu ahaa “mid taariikhi ah.” Qaran News
-
Diyaarad sidday wafdiga Ukraine ayaa hadda caga dhigatay Garoonka Stansted ee London. Waxaa la rumeysan yahay inay siddo madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, isagoo la filayo inuu wada-hadallo la yeesho raysal wasaaraha UK Keir Starmer maalinta berri ah iyo shirka hoggaamiyeyaasha Yurub ee ka qabsoomi doona London. Gawaari lagu soo dhoweynayo ayaa garoonka ku sugnaa kadib markii ay soo caga-dhigatay diyaaraddii sidday. Zelenesky oo ka hadlay wixii dhacay Warar kale ayaa ka soo baxaya madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky, oo sheegay inay muhiim tahay in “Ukraine la maqlo oo aysan cidna illaawin, inta dagaalku socdo iyo kadib-ba”. Qoraal uu soo dhigay barta Telegram, ayuu kaga hadlay booqasho isaga xubno ka mid ah bulshada Ukraine ay ku tageen Washington DC, isagoo sheegay in dadkiisa ay muhiim u tahay inay “ogaadaan inaysan keligood ahayn” iyo in “dahanooda dal walba wakiil looga yahay, gees walba oo dunida ah”. “Waad ku mahadsan tihiin taageeradiinna xilligan adag, dhammaan dadaalladiinna Ukraine iyo dadka Ukraine dartood iyo caawinaaddiinna- keliya maaha diblomaasi iyo dhaqaale ahaan, balse sidoo kale siyaasad ahaan oo duco wadata,” ayuu qoraalkiisa raaciyay. Maalintu si caadi ah ayay u bilaabay iyo sidii lagu yaqiin Aqalka Cad sida uu usoo dhoweeyo marti-dharafta ajaanibta ah ee soo booqda. Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa waxaa albaabka Garabka Galbeed kusoo dhoweeyay Madaxweyne Donald Trump iyadoo ilaalo-sharafeed ay la socdeen, hoggaamiyeyaasha ayaana si edeb leh isu gacan qaaday. Kulanka ayaa adduunka toos looga daawanayay. Zelensky ayaa Madaxweyne Trump guddoonsiiyay sun uu billad ahaan ugu guuleystay feeryahanka reer Ukraine Oleksandr Usyk. Trump ayaa ammaanay dharka uu xirnaa Zelensky. Ila aiyo hadda, xaalku waa mid diblosaamiyadeed. Balse daqiiqado kadib, waxa dhacay ma ahayn wax la filayay. Hadalka ayaa ka taagtaagmay labada hoggaamiye. Codka ayaa sare la isugu qaaday, farahaa la isu taag taagay – waxan dhanna waxay ka hor dhacayaan kaamirooyinka telefishinnada adduunka. Weriyeyaasha qolka ku jiray ayaa daawanayay iyagoo yaabban, maaddaama hadallo aan caadi ahayn la is weydaarsaday. Dhammaadkii kulanka, Trump iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka J.D. Vance ayaa ka dalbaday Zelensky, madaxweynaha Ukraine oo ay ku tilmaameen mid abaal lahayn, in uu dibeda uga baxo Aqalka Cad ee looga taliyo Mareykanka. “Kani waxaa uu ahaa muuqaal aanad malayn karin inuu ka dhacayo Aqalka Cad,” mid ka mid ah weriyeyaasha ayaa yiri sidaas markii uu ka baxayay Xafiiska madaxweynaha Mareykanka ee Oval. Dadka Ukraine waxay taageerayaan hoggaamiyahooda Xigashada Sawirka,EPA Warbaahinta Ukraine ayaa ka mid ahayd warbaahinadii ugu horreeyay ee sheegay in Zelensky uu goor hore ka tagay Aqalka Cad, wada xaajoodyaduna ay ku dhammaadeen guuldarro. Laakiin siyaasiyiinta Ukraine arrintan kuma eedayn madaxweynahooda, taas beddelkeedana, waxay u muujiyaan taageerada ay u hayaan. Afhayeenka Verkhovna Rada Ruslan Stefanchuk ayaa ku qoray asagoo isticmaalayay af Ingiriisi barta X ka dib kulankii Aqalka Cad: “Taageerada buuxda ee madaxweynaha.. ma jiro qof xaq u leh inuu iloobo in dagaalkan Ruushku yahay gardaroolaha, Ukrainena ay tahay dhibbanaha gardarrada !!!” Ra’iisul wasaaraha Ukraine Dmytro Shmyhal ayaa sidoo kale ku qoray X: “Madaxweynuhu waa saxan yahay, nabad aan dammaanado lahayn waa wax aan macquul ahayn.” Agaasimaha Xafiiska madaxweynaha Ukraine ayaa sidoo kale ku qoray Telegram: ” Waxaan taageerayaa madaxweynaha, kaas oo ah geesiga difaacaya danaha dadkeenna. Marwalba, xaalad walba.” Ciidamada Ukraine waxay taageeraan madaxweynaha dalka, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Ukraine Oleksandr Syrsky ayaa ku sheegay sidaasi kanaalka Telegram. “Ciidanku wuxuu la jiraa Ukraine, dadka, iyo taliyaha ugu sarreeya ee ciidamada. Xooggeenu wuxuu kujiraa midnimada,” Syrsky ayaa qoray sidaas. Qaran News
-
Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka socdaan deegaanka Biyacadde. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) iyo kuwa deegaanka oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Biyacadde, Indhagiir, ayaa dagaal kula jira kooxda Al-Shabaab, iyagoo inta badan gudaha u galay magaalada. Magaalada ayaa maanta waxaa soo weeraray Kooxda Shabaab. Dhinaca kale, diyaaradaha dagaalka ayaa duqeymo culus ka geystay magaalada Ceelbaraf, oo ka tirsan isla gobolka Shabeellaha Dhexe. Duqeymahan ayaa lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Al-Shabaab, inkastoo aan weli la xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarradan. Xaaladda guud ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ah mid kacsan, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay wadaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, si loo xoreeyo deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolkaas. Source: goobjoog.com
-
Dhakhaatiirta magaalada New Delhi ee caasimadda dalka Hindiya ayaa qaliin ku sameeyay wiil 17 jir ah, oo calooshiisa laga soo saaray lafo isugu jira lugo dheeraad ah, misko iyo xubno taran ee qof kale oo ku dhex geeriyooday. Dhakhaatiirtu waxay sheegaan in qalliinkan naf-badbaadinta ah in uu yahay mid dhif iyo naadir ah oo lagu arko hal ilmo markii ay dhasheen boqol kun oo carruur ah. Bukaankan hadda 17 jirka ah ayaa ku dhashay isaga o oleh lugo ka dheeraad ah kuwiisa caadiga ah, isaga oo ahaa afar lugoole. Lugaha dheeraad ah ayaa ku dhegnaa calooshiisa. Dhakhaatiirka Isbitaalka Premier waxay sheegaan in qalliinkan uu yahay kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay abid sameeyaan. Qaliinka oo socday labo saac ayaa looga jaray gacmaha dheeraadka ah, oo ay sabab ku ahayd mataano walaal la ah oo geeriyooday oo jirkiisa ku dheganaa. Xaaladda mataanaha noocan ah ayay dhakhaatiirtu ku tilmaameen inay tahay kudul noole mataan ah. waa mataan uu joogsado korriinkiisu dhalmada ka hor. Laakiin waxaa uu ku dhagaa mataankaasi jirka walaalkiis asagoo ka awood qaata. Dhaqtar Asuri Krishna oo ah madaxa dhaqaatiirta qalliinka sameeyay ayaa sheegay in qalliinku gaar ahaan ahaa mid adag maadaama da’da wiilku weyn tahay. Marka loo eego asaga, maadaama xaaladaha caynkaasi ah ay aad dhif iyo naadir tahay. Taas waxaa wehliya in aysan jirin waayo aragnimo badan oo caafimaad iyo wax qoraallo caafimaad ah oo badan oo qalliinka noocan ah tilmaamaya, taasi oo keentay in kooxda dhakhaatiirta ah ee fulisay qaliinka inay ku tiirsanaato xirfadooda iyo aqoontooda iyaga oo aan lahayn waayo aragnimo hore oo noocaan ah. Wuxuu sheegay in dunida oo dhan laga diiwaan geliyay 40 ilaa 50 carruur ku sugan xaaladan oo kale oo afar lugoodle ah, taas oo ay sababtay kudul noole mataan ah. Cadaadiska dhiigga ee wiilka ayaa aad hoos ugu dhacay intii lagu jiray qalliinka Xigashada Sawirka,Getty Images Qoraalka sawirka,Sawirka wiil xaaladan oo kale ay ku dhacday sawirkaan oo la qaaday 2010 Mataanaha kudul nooleha ah waxay ku abuurmaan uurka hooyada marka hal uurjiif qayb ahaan ku xirmo uurjiifka labaad ee koraya. Marka laga hadlayo 17-sano jirkaan, wuxuu lahaa laba lugood oo si buuxda u koray, sin dheeraad ah iyo xubnaha taranka inta dibadda lagu arko sida caadiga ah oo kaga dhaganaa xabadka, miisaankooduna isku dar uu gaaray 15kg. Waxaa wax lala yaabo ahayd in lugahaas dheeraadka ah ee mataankiisii ee halkaa kaga dhagnaa ay dareemi kareen xanuun, taabasho, iyo isbeddelada heerkulka. Dr Krishna waxa uu sheegay in uu ahaa qofkii ugu horeeyay ee aqoonsada ilaa inta ay isku xiran yihiin mataanka kudul noolaha ahaa iyo mataanka lagu dul noolaa. Ayagoo isticmaalayay iskaano ayaa dhaqaatiirtu waxay ogaadeen in mataanka kudul noolaa wiilka qalliinka lagu sameeyay uu ku dhaganaa wiilka lafta xabadkiisa uuna dhiig ka qaadanayay halbowleyaasha xabadka mara. ‘Wax badan xiriir lama lahayn xubnaha muhiimka ah ee kale sida beerka iyo kalyaha’. Qaliinka waxaa loo sameeyay laba mar xaalad. Marka hore mataanka kudul noolaha ahaa ayaa laga saaray jirka wiilka ka dibna kiishashkii dheecaanku ka buuxsamay ayaa laga soo saaray xubnaha ku xeeran meesha qalliinka lagu sameeyay. Xubnaha kooxda dhakhaatiirta ah oo xirfado kala duwan leh ayaa qalliinka ku soo gabagabeeyey laba saacadood iyo bar. “Xididada dhiigga ee isku dhafan, neerfayaasha iyo xuubka unugyada waxay ahayd in la kala saaro. Sidaa darteed, waa la taxadaray si loo hubiyo in uusan dhaawaci soo gaarin xubin ama unug ka mid ah jirka wiilka qalliinka galay. “Intii qalliinku socday ayaa wiilka cadaadiska dhiigiisu aad hoos ugu dhacay ayadoo boqolkiiba 30 ilaa 40 dhiigiisu galay hilbaha mataankiisa ee ku dhaganaa,” Sidaas ayuu sheegay dhakhtarka hoggaaminayay kooxda caafimaad ee fulisay qalliinkan. Laakiin dhakhaatiirtu waxay sheegeen inay diyaar u ahaayeen arrinka, sidaa darteed waxay markiiba dib u soo celiyeen cadaadiska dhiigga oo ay kasoo dhigeen sidii caadiga ahayd. Qaliinka kadib ayaa wiilka waxaa uu isbitaalka jiifay mudo afar maalmood ah kadibna waxaa loo ogolaaday in uu gurigiisa aado. “Hadda wuu caafimaad qabaa, wax dhibaato ahna ma soo gaarin qalliinka ka dib,” ayuu yiri Dr Krishna. Aduunka Cusub iyo nolol cusub Qalliinka hortii, wiilka ayaa waxaa soo wajahay kaftanno qallafsan oo uu kala kulmay deegaanka uu ku nool yahay muuqaalkiisa geyru caadiga ah daraadii. Wiilka yar ayaa waxaa sidoo kale waxyeello ay soo gaartay caafimaadka maskaxadeed maadaama aad dadku usoo dhowri jireen had iyo jeer ayna ku jeesjeesi jireen. Wiilka ayaa u sheegay wargeyska The Indian Express oo wareystay, “Meelna uma safri karin, mana u bixi karin wax hawlo ah oo toos ah.” Si kastaba ha ahaatee, qaliinka ka dib, wiilka ayaa hadda sheegay inuu aad u faraxsan yahay oo uu hadda doonayo inuu ku noolaado nolol firfircoon. “Waxaan rajeynayaa inaan wax barto oo aan shaqo helo. Waxay ii tahay bilawga nolol cusuba” ayuu yiri qalliinka kadib. . Bbcsomali Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta la geeyay mooshin culus oo ku saabsan xaaladda Jubbaland, kaas oo ay saxiixeen Xildhibaanno kasoo jeedo maamulkaasi iyo kuwa kale oo u badan dhanka mucaaradka. Mooshinka oo kusoo aaday xilli xasaas ah ayaa ah mid ka dhan ah dhibaatooyin ay Xildhibaannadu sheegeen in ay ku qabaan dhinaca safarka, gaar ahaan Jubbaland. Xildhibaannada gudbiyay mooshinka oo la shaaciyay magacyadooda ayaa guddoonka ka codsaday in ajendaha lagu soo daro soo jeedintooda, kadibna sidaas ayaa looga dooday. “Annaga oo ka duuleyno xad-gudubyada loo gaystay muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Xildibaannada si waafaqsan qodobka 25-aad, faqraddiisa 3-aad xarfaha B iyo E ee xeer-hoosaadka golaha shacabka waxaan soo jeedineynaa in lagu daro ajendaha in wax la’iska waydiiyo ku tumashada qodobada dastuurka iyo xasaanadda xildhibaannada” ayay yiraahdeen Xildhibaannada mooshinka gudbiyay oo u badan kuwa mucaaradka. Sidoo kale Xildibaannada mooshinka geeyay golaha ayaa guddoonka ka dalbaday in Baarlamaanka uu soo saaro qaraar arrintan looga hortegayo, si aysan mar kale u dhicin in la hor istaago safarka Xildhibaannada Soomaaliyeed ee Baarlamaanka dalka. “Waxaan mudane guddoomiye codsaneynaa in qaraar Baarlamaani ah soo baxo oo xayiraadda lagaga qaado Xildhibaannada iyo shacabka” ayaa lasii raaciyay. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah mudanayaasha gudbiyay mooshinka ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe inay ku tumatay xuquuda shacabka iyo Xildhibaannada. “Waxaad arkaysaa diyaarad la handadayo oo la leeyahay Xildhibaan Jeesoow ha soo qaadina, DFS waa ka dartay waxayna ku tumatay sharcigii xuquuqda muwaadinka ama xildhibaanka uu lahaa”. ayuu yiri Xildhibaan Jeesow oo wax ka gudbiyay mooshinka. Si kastaba, Todobaadkii hore Dowladda Soomaaliya ayaa Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle iyo Xildhibaan Cumar Qalad-diid ku xayirtay garoonka Aadan Cadde, kadib markii la ogaatay inay u socdaan magaalada Kismaayo, waxaana laga hor istaagan safarkaasi.
-
Ciidamada difaaca Puntland oo maanta hawlgal amni ka sameeyay buuraha Calmiskaad ayaa degaanka Buqo-caleed ka helay guryo ka samaysan Shub oo buur ka dhex dhisan, sida uu shaaciyay Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland. Bayaan kooban oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Puntland, gaar ahaanna Xafiiska qaabilsan Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ayaa lagu sheegay in Ciidamadu degaanka Buqo-caleed ka heleen guryo ka samaysan Shub oo buur ka dhex dhisan, kuwaasi oo leh xafiisyo maamul iyo kuwo Shirar. “Buqa-caleed, Ciidanku waxay maanta heleen Guryo Buur ka dhex dhisan, oo shub lagu dhisay , leh xafiisyo maamul iyo kuwo Shirar, waxaa yaalla labo Gaari midweyn iyo midyar oo ay sii gubeen iyo Agabkale” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Xafiiska Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland Ciidamada difaaca Puntland waxay sidoo kale maanta hawlgallo ka sameeyeen jihooyin kala duwan degannada ku hareeraysan Dhasaan iyo Dhadaar, waxaana weli soo badanaya Godadka la helayo iyo Hubka iyo Agabka kale ee laga soo saarayo dhulka hoostiisa. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo buuraha Calmiskaad ka helay guryo ka samaysan Shub oo Xafiisyo leh iyo gaadiid dhex yaalla appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabiley wefdi ka socda Hay’adda Laanqayrta Cas ee Caalamiga ah (International Committee Of Red Cross- ICRC) ee Soomaaliya oo uu hogaaminayey Mudane Manish Das. Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegtay in mudane Ilyaas Lugatoor uu Xarunta Madaxtooyada Garoowe ku qaabiley wefdi ka socda Hay’adda Laanqayrta Cas ee Caalamiga ah (International Committee Of Red Cross- ICRC) ee Soomaaliya oo uu hogaaminayey Mudane Manish Das. Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Kulanka labada mas’uul looga wada-hadlay xoojinta xidhiidhka wadashaqayneed ee Puntland iyo ICRC, sidii Hay’addu qayb uga qaadan lahayd caawinta Shacabka kasoo barakacay deegaanada Buuraleyda Calmiskaad ee uu ka socdo hawlgalka Hilaac iyo qodobo kale. “Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xidhiidhka wadashaqayneed ee Puntland iyo ICRC, sidii Hay’addu qayb uga qaadan lahayd caawinta Shacabka kasoo barakacay deegaanada Buuraleyda Calmiskaad ee uu ka socdo hawlgalka Hilaac iyo qodobo kale” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo qaabiley wefdi ka socday Hay’adda Laanqayrta Cas ee Caalamiga ah appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Xaalad kacsanaan ah ayaa kasoo korortay magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle, kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay soo buux dhaafiyeen duleedka magaaladaasi. Maleeshiyaadka kooxda oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkay deegaano u dhow magaalada, taas oo keentay in cabsi ay dareemaan dadka deegaanka. Xubnaha Al-Shabaab ayaa lasoo wariyay inay isku uruursanaayeen aaggaasi, iyaga oo durbo dhaq-dhaqaaqyo culus ka bilaabay tuulooyin hoostaga Jowhar, taas oo keentay xaalad horleh iyo in la dareemo cabsi la xiriirta ammaanka. Sidoo kale waxaa iyaguna dhaq-dhaqaaqyo xooggan bilaabay ciidamada dowladda iyo daraawiishta HirShabelle oo adkeeyay amniga waddooyinka laga soo galo caasimada, si looga hortago haddii ay weerar soo qaadaan xubnaha soo qul-qulaya ee Al-Shabaab. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal oo kasoo baxay dhinaca maamulka HirShabelle oo ku aadan xaalada soo korortay iyo abaabulka Al-Shabaab ay ka wadaan halkaasi. Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay xoogga soo saaray gobolka Shabeelaha Dhexe oo ay ka fuliyeen weeraro ay kula wareegeen deegaanno muhiim ah. Todobaadkii hore ayay ahayd markii Al-Shabaab gudaha u gashay degmada Balcad oo qiyaastii 35 KM u jirta magaalada Muqdisho, kadib saacado kooban oo ay magaaladaasi haysteeen maleeshiyaadka Khawaarijta haddane dib looga saaray.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul-goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo bixiyey wareysi dheer ayaa si faah-faahsan uga hadlay arrimaha doorashooyinka ee dhaliyay khilaafka kala dhexeeya dowladda federaalka. Axme Madoobe ayaa shaaca ka qaaday doorashada ay afduuban tahay Villa Soomaaliya, isla markaana ay kamid ahayd waxyaabihii keenay inuu ka baxo Golaha Wadatashiga Qaranka. Sidoo kale madaxweynaha Jubbaland ayaa ka horyimid dhismaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka, isaga oo sheegay in wax kalsooni ah aanu ku qabin guddiga ay magacowday dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hadda kala dhexeeyo khilaaf siyaasadeed oo aad u wayn. Axmed ayaa xusay in guddiga lasoo magacaabay laga keenay Cabdalle Shideeyaha Bakaaro, isla markaana aynan ka shaqeyn doonin dan qaran, sida uu hadalka u dhigay. “Kuwa guddiga ah dhexdooda ayaa is og in aanay wax sharciyad ah lahayn, waa Cabdalle Shideeye waxa ay wadaan ma ahan wax Soomaali leedahay. Waa wax ay shirkadi leedahay,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe. Waxaa la weydiiyey metelaada Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, wuxuuna sheegay inuu yahay nin ku biiray shirkad uu maamulo Xasan Sheekh oo ku cayaareysa dowladnimada Soomaaliya, sida uu hadalkiisa u dhigay. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Villa Soomaliya ay dardar-gelineyso qorshaheeda ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka, xilli ay diidan yihiin Jubbaland, Puntland iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan gudaha dalka.
-
Aadan Yabaal (Caasimada Online) – War cusub oo xasaasi ah ayaa kasoo kordhay kiiska hoggaamiyihii Macawiisleyda deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdi Maxamed Suubiye oo ku magac dheer (Cabdi Wabiir). Ninkan oo muuqaalkiisu baraha bulshada qabsaday isagoo sharaxaya sidii Khawaarijta ay isaga difaaceen, uguna laayeen deegaanka, iyagoo saaran Masjid ayaa haddane waxyar waxaa la arkay ninkii oo u gacan galay kooxda, muuqaal kalena laga soo duubay, taas oo dhalilay hadal-heyn iyo shaki xooggan. Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida, Xasan Cali Nuur (Shuute) oo haatan ku sugan jiidda hore ee dagaalka ayaa soo farogeliyay kiiska Cabdi Wabiir oo haatan xiran, wuxuuna sheegay in uu ku jiro gacan ammaan ah. Shuute ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in baaris lagu hayo ninkan, maadaama mugdi badan uu ku jiro kiiskiisa, isagoo tilmaamay in la deyn doono haddii aanu dambi yeelan. “Cabdi Wabiir iyo arrintiisa anaga waxa uu inoo ahaa nin idinka mid ah oo dagaalamaya oo halgamaya oo diidan dhibaatada ayuu inoo ahaa waana inoo yahay ilaa hadda, waala baarayaa,” ayuu yiri Guddoomiye Xasan Cali Nuur (Shuute). Waxa uu intaas kusii daray “Haddii sida aan ku naqaanay uu noqdo halyeygiisa ayuu inoo ahaanaa, haddii kitaabkiisa uu dhaqmay sida oo dhinaca kale kasoo jeystay sida uu u camal falay ayaa loo camal falaa.” Cabdi Maxamuud Suubiye (Cabdi Wabiir) wuxuu ahaa oday geesi ah oo laga yaqaan deegaankaas, waxaa laga dhigay hoggaamiyaha macawiisleyda deegaanka Cali Axmed, waxaana halkaas uga warqabtay dowladda oo lacag iyo rasaas-ba sii jirtay. Hase ahaatee, Khawaarijta ayaa dhowaan baahisay muuqaal laga duubay isagaoo gacanta ku haysta marada madow ee calanka u ah argagixisada, sheegayana in Al-Shabaab uu isku dhiibay, wuxuuna ugu baaqay saaxiibadiis inay argagixisada isku dhiibaan, taas oo noqotay arrin aad loola yaabay. Si kastaba, kiis kan lamid ah wuxuu dhowr bilood ka hor ka dhacay aagga Xarardheere, halkaas oo nin oday ah oo qori Seban ah wata lagu soo bandhigay, kaas oo ka tirsanaa macawiisleyda, una muuqday nin uu daacad ka yahay dagaalka Khawaarijta, ilaa uu gaaray heer la isku qabsaday reerka uu yahay oo baraha bulshada aad loogu faafiyey.
-
Minneapolis, MN – Nin 22 jir ah oo lagu magacaabo Abdisatar Ahmed Hassan ayaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu u safro Soomaaliya si uu ugu biiro kooxda ISIS bishii December. Hassan ayaa la xiray Khamiistii, waxaana lagu soo oogay dacwad la xiriirta isku dayga inuu ISIS siiyo taageero iyo agab. Jimcihii ayuu ka soo muuqday maxkamad, waxaana la amray in xabsiga lagu sii hayo ilaa dhageysiga dacwadiisa oo la qorsheeyay Maarso 5. Saraakiisha waxay sheegeen in Hassan uu labo jeer isku dayay inuu u safro Soomaaliya si uu ugu biiro ISIS, balse labadaba la fashiliyey. Wuxuu sheegay inuu u socday qoys, inkastoo uusan wax qaraabo ah ku lahayn Soomaaliya. Sidoo kale, wuxuu watay dukumeenti muujinaya dhalashadiisa iyo waxbarashadiisa. FBI-du waxay baaritaan ku samaysay Hassan, waxayna heleen caddeymo muujinaya inuu baraha bulshada ku faafin jiray fikradaha ISIS. Waxa uu xiriir la sameeyay bog Facebook ah oo la yiraahdo Manjaniq Media Center, kaas oo ISIS u adeegsato qorista dagaalyahannada. Sidoo kale, Hassan wuxuu amaanay Shamsud-Din Jabbar, oo ahaa ninkii weerarka argagixisada ah ka geystay New Orleans, Louisiana, Janaayo 1. Bishii Febraayo 21, Hassan wuxuu soo dhigay muuqaal isaga oo gaari wada isla markaana haysta calanka yar ee ISIS. Wuxuu sidoo kale soo dhigay muuqaal kale oo uu wadayo gaari iyadoo mindi furan ay u saaran tahay dhabta. Febraayo 26, waxaa mar kale lagu arkay isaga oo wata calanka ISIS. Lisa D. Kirkpatrick, oo ah Ku-simaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka, waxay sheegtay: “ISIS iyo taageerayaasheeda khatar bay ku yihiin bulshadeenna. Qof kasta oo isku daya inuu taageero kooxaha argagixisada waa in lala xisaabtamaa.” FBI-da Minneapolis ayaa xaqiijisay inay sii wadi doonaan dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada, iyagoo la kaashanaya hay’adaha ammaanka. Dacwadda waxaa gacanta ku haya xeer ilaaliyeyaasha Benjamin Bejar, Ryan White, iyo Charles Kovats, Jr. Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Maxkamadda Derejada kowaad ee Ciidamada Qalabka sida iyo dembiyada culus ee dowladda Soomaaliya, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ka hadlay halganka iyo dagaalka ay dowladda iyo shacabka Puntland kula jiraan kooxda Daacish. Guddoomiye Xasan Cali Nuur Shuute, oo la hadlayey ciidamo iskudhaf ah oo dagaal kula jira Alshabaab ayaa tusaale u soo qaatay dagaalka ay reer Puntland kula jiraan Daacish iyo isku duubnida ay dagaalka argagixisada ka muujiyeen xukuumadda, ciidamada iyo dhammaan shacabka Puntland. Waxa uu ugu baaqay dhammaan maamulada iyo bulshooyinka Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya inay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, isagoo sheegay in laga guulaysan doono dhammaan kooxaha isku soo bahaystay dhibaataynta umadda Soomaaliyeed. “Waxaan rabnaa Soomaaliyeey in dagaalka argagixisada loo midoobo, bogcad gaar ah ama cid gaar ah oo ay u socdaan majirto ee meelkastoo ay tagaan inay qofka Soomaaliyeed hantidiisa dhacaan oo ku dilaan ayey rabaan dhaqan iyo diinna ma wadaan, ka soo bilow Cal-miskaad iyo reer Puntland aadbayna ugu mahadsan yihiin dadka iyo maamulkuba siday ula dirireen waana ka guulaysanayaan”, Ayuu yiri Shuute. PUNTLAND POST The post Guddoomiye Shuute oo ciidamada Puntland ku bogaadiyay dagaalka Cirib-tirka Argagixisada Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in xalay dagaallo culus iyo duqeymo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ay ka dhaceen deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay dhawaan uun la wareegeen maleeshiyaadka Khawaarijta. Ilo dadka deegaaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaallo kala duwan ay ka dhaceen deegaanka, kuwaas oo dhex-maray ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo Al-Shabaab. Sidoo kale waxaa howlgalladan barbar socday duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay illaa deegaanka Cali Fooldheere, waxaana lagu beegsaday maleeshiyaadka argagixisada ah. Ma cadda kasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weeraradan oo uu ujeedkoodu ahaa in lagu cuuryaamiyo dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ee ku sugan aagga deegaanka Ceelbaraf oo ay soo buux dhaafiyeen maalmihii u dambeeyay. Dhanka kale, waxaa howlgallo kuwaan lamid ah ay ka socdaan deegaannada dhaca xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ah halka ay kasoo tallaabaan maleeshiyaadka Al-Shabaab kasoo gudbaya wabiga Shabelle ee mara labada gobol. Khawaarijta ayaa haatan culeys xoogan soo saartay Shabeelaha Dhexe, iyada oo todobaadyadii u dambeysay weeraro ku ekeysay deegaanno iyo degmooyin dhaca gobolkaasi, kuwaas oo dhaliyay khasaarooyin xooggan. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo culus oo iska soo horjeedo laga dareemayaa gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ay isku hayaan labada dhinac.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa beeniyay in wasaaraddiisu ay sabab u tahay diidmada warqadda habraaca dalbashada fiisaha dalka Koonfur Afrika. Wuxuu caddeeyay in warqaddii ay u direen Dowladda Koonfur Afrika ay dib ugu soo celisay wasaaradda. Wasiir Cali Balcad ayaa sheegay in Dowladda Koonfur Afrika ay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ka weydiisay wafdiga Ra’iisul Wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble, iyo cidda rasmi ahaan u casuuntay dalkaas. Dowladda Koonfur Afrika ayaa su’aal ka keentay sida Ra’iisul Wasaare hore uu u hoggaamin karo wafdi ka kooban wasiiro iyo xildhibaanno, iyada oo aysan jirin warqad casuumaad rasmi ah oo dowladeed. Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Cali Balcad wuxuu qiray in Xildhibaan Cabdullaahi Carab uu mar kale la xiriiray mas’uuliyiinta, una sheegay inuu ku safrayo baasaboorka Soomaaliga, taasoo fududeysay in fiisaha loo soo saaro. Dhanka kale, Xildhibaan Cabdullaahi Carab ayaa war qoraal ah oo uu ku daabacay bartiisa Facebook kaga jawaabay hadalka Wasiir Cali Balcad, wuxuuna yiri: “Waxaan ognahay oo kaliya in Wasiir Cali Balcad uu si shaqsi ah u hor istaagay warqaddaas, diidayna in ay ka gudubto kaydka (Archive) Wasaaradda Arrimaha Dibadda.” Wuxuu hadalkiisa ku daray: “Markii aan xaqiiqsannay in warqadda la hor istaagay, waqtiguna nagu socday, ayaan u maray guddoonka Baarlamaanka sida xildhibaannada kale si aan fiisaha u qaato. Wafdiga qayb ka mid ahna ma suurtagelin inay safraan, oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaare hore Rooble.” Dhinaca kale, Rooble oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in qaar ka mid ah saaxiibbadiis ay saameysay dhacdadan, balse ay la xisaabtami doonaan marka uu dib u soo laabto. “Nin ciid kugu rogay, calooshiisa ku tusay. Markaan dalka imaado, ayaan la xisaabtami kuwa dadka u dowladaynaya ee na hor istaagay,” ayuu yiri Rooble. Rooble oo aan horey loogu baran hadallo kulul ayaa markan si adag uga hadlay qorshaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee doorashooyinka, wuxuuna uga digay inuu ku dhaqaaqo wixii uu shalay ka diiday Farmaajo markii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa. “Wixii shalay walaalkey Farmaajo aan kor ugu sheegay hoosna ugu sheegay, ayaan rabaa inaan maanta walaalkey Madaxweyne Xasan Sheekh kor iyo hoos ugu sheego, taasoo ah in wax loo dhan yahay la wada helo. Waxaan shalay anigu diiday yaan dalka lagu celin,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka.
-
Popular Contributors