-
Content Count
210,539 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Goosankii duqeymaha ka fiigay ee firxadkii dagaallamayaasha Daacish oo ku go’doonsan ceelka Miraale ayaa wajahaya xaalad afjar ah, waxaana sida qorshaysan saaacadaha soo socda ku bilaaban doona hawlgal xooggan oo dhinac dhulka ah. Cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca dowladda Puntland oo si buuxda u qalabaysan ayaa saaka jiho kasta kaga siqaya ceelka Miraale, oo ay ku dhuumanayaan hambadii duqeymaha ka fiigay ee dagaallamayasha argagixisada, kuwaasi oo haatan ku sugan xaalad xaraarug ah. Dhinaca kale, dowladda Puntland oo bayaan kooban ka soo saartay duqeymihii shalay Mareykanku ka fuliyay togga Miraale iyo nawaaxigiisa ayaa sheegtay in halkaasi lagu laayay firxadkii mileeshiyaadka Daacish, sida ku xusan bayaanka oo luuqadda English-ka ku qoran. Wejiga saddexaad ee hawlgalka dagaalka Calmiskaad oo muddooyinkii danbe socday ayaa haatan maraya marxalad dhammaystir ah, siday sheegeen saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada difaaca Puntland oo dhawaan warbaahinta la hadlay. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo saaka jiho kasta kaga siqaya ceelka Miraale oo ay ku go’doonsan yihiin firxadkii Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya iyo dalalka kale ee Khaliijka ayaa mamnuucay in diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku isticmaalaan garoomadooda ama hawadooda si ay weerar ugu qaadaan Iran, kaddib markii Madaxweyne Donald Trump dhammaadkii toddobaadkan ku hanjabay inuu dalkaas duqeyn doono. Sacuudiga, Imaaraadka, Qatar iyo Kuwait ayaa dhammaantood Maraykanka u sheegay in aysan oggolaan doonin in dalalkooda iyo hawadooda loo adeegsado weerarro ka dhan ah Iran, xitaa haddii ay tahay hawlgallada shidaalka iyo gurmadka diyaaradaha, sida uu Middle East Eye u xaqiijiyay sarkaal sare oo Maraykan ah oo codsaday inaan magaciisa la shaacin. “Ma doonayaan inay qeyb ka noqdaan dagaalkan,” ayuu yiri sarkaalkaasi. Go’aanka adag ee dalalka Khaliijka ayaa dhabarjab ku ah maamulka Trump oo rajeynayay inuu duqeymo culus oo ka dhan ah Xuuthiyiinta Yemen ku cadaadiyo Tehran si ay u aqbasho wadaxaajood cusub oo nukliyeer ah. Haddii Iran ogaato in dalalka Khaliijka aysan taageero siinayn weerarrada Maraykanka, waxay arrintaasi sii adkeyn kartaa mowqifka wadaxaajood ee Tehran. Markii hore dalalka Khaliijka ayaa aad u dabacsanaa arrinta weerarrada Xuuthiyiinta Yemen, sida uu sheegay sarkaal hore oo Maraykan ah oo xog ogaal u ah arrintaas. Sarkaalkan ma shaacin dalalka loo adeegsaday saldhigyada duqeymahaasi. Maamulka Trump ayaa si weyn ugu dadaalayay inuu helo taageerada dalalka Khaliijka, si uu u kordhiyo cadaadiska uu saarayo Iran. Saraakiil ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga iyo sirdoonka Maraykanka ayaa bishii Maarso kulan kula yeeshay Washington dhiggooda Imaaraadka iyo Sacuudiga. Maamulka Trump ayaa isla markiiba ansixiyay iibka hub muddo dheer hakad galay oo loo diray Qatar iyo Sacuudiga. Doha ayaa loo oggolaaday inay iibsato diyaaradaha drone-ka ah ee MQ-9 Reaper, halka Riyadh loo ansixiyay hubka gantaalaha aan hagaha lahayn loo beddelo kuwa haggan. Trump ayaa Isniintii sheegay inuu qorsheynayo inuu booqdo Sacuudiga iyo dalal kale oo Khaliijka ah bisha May. Maraykanka ayaa hadda u weecday saldhigga Diego Garcia ee Badweynta Hindiya, kadib markii dalalka Khaliijku xayireen adeegsiga hawadooda. Saldhiggan ayaa hore loogu adeegsaday weerarradii 1990-meeyadii lagu qaaday Ciraaq, markii Sacuudigu hakiyay isticmaalka garoomadiisa. Diyaaradaha B-2 ee saldhigga Diego Garcia ayaa awood u leh inay qaadaan bamamka culus ee loo yaqaan “bunker-buster,” kuwaas oo burburin kara xarumaha nukliyeerka ee Iran ee dhulka hoostiisa ku yaalla. Iran ayaa hore u digniin siisay dalalka Khaliijka bishii Oktoobar 2024, iyadoo ku hanjabtay inay duqeyn doonto xarumahooda shidaalka haddii Israa’iil weerarto xarumaha tamarta ee Iran. Si kastaba ha ahaatee, haddii Maraykanku weerar ku qaado Iran isaga oo adeegsanaya Diego Garcia, waxaa Tehran ku adkaanaysa inay cabsigeliso dalalka Khaliijka. Warbixin uu qoray wargeyska The Telegraph ayaa sheegtay in taliyeyaasha ciidamada Iran lagu cadaadinayo inay weerar ka hortag ah ku qaadaan saldhigga Diego Garcia. Trump ayaa sii kordhiyay xiisadda gobolka, isagoo Sabtidii sheegay in Iran wajihi doonto “duqeyn aysan waligeed arag” haddii aysan aqbalin heshiiska cusub ee nukliyeerka. Maamulka Trump ayaa doonaya inuu gebi ahaanba burburiyo awoodda nukliyeerka ee Iran, halka Tehran ay ku adkeysaneyso in barnaamijkeedu yahay mid nabadeed. Dhanka kale, Maraykanka ayaa xoojiyay joogitaankiisa militari ee gobolka, isagoo gobolka u diray laba markab oo diyaaradaha xambaara, halka ciidamada Maraykanka ee Bariga Dhexe ay hadda gaareen ku dhawaad 40,000 oo askari oo ku kala sugan dalalka Khaliijka sida Sacuudiga, Imaaraadka, Kuwait, Qatar iyo Bahrain.
-
Tel Aviv (Caasimada Online) – Booliiska Israa’iil ayaa Isniintii xiray laba ka mid ah la-taliyeyaasha ugu dhow Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, iyadoo fadeexadda loo bixiyay “Qatargate” ay sii xoogaysatay gudaha Israa’iil. Jonathan Urich, oo ah la-taliyaha sare ee warbaahinta ee Netanyahu, iyo Eli Feldstein, oo ah afhayeenkiisa arrimaha militariga, ayaa lagu xiray baaritaan lagu sameynayo xiriirka ka dhexeeya xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo saraakiisha dowladda Qatar. Labadan mas’uul ayaa lagu eedeeyay inay xiriir la yeesheen wakiil ajnabi ah, lacag dhaqid, laaluush qaadasho, musuq-maasuq iyo khiyaano. Netanyahu, oo isla maalintaas maxkamad ku sugnaa isagoo ka jawaabaya dacwado isaga lagu soo eedeeyay oo la xiriira musuq-maasuq iyo khiyaano, ayaa lagu khasbay inuu ka baxo maxkamadda si uu uga jawaabo baaritaanka lagu hayo dadka isaga ku dhow. Waxaa sidoo kale loo yeeray wariye aan magaciisa la shaacin, kaas oo isagana lala xiriirinayo fadeexaddan. Warbaahinta Haaretz ayaa sheegtay in booliisku dhawaan u yeeri doonaan wariyeyaal kale oo arrintan looga shakisan yahay. Baaritaanka ayaa hadda lagu soo rogay amar xayiraad xogeed, waxaana jira faahfaahin badan oo aan weli shaaca laga qaadin. Wararka laga helayo Israa’iil ayaa sheegaya in Urich, Feldstein iyo dadka kale ee lagu tuhunsan yahay ay fariimo u direen wariyeyaal iyadoo loogu adeegayo dowladda Qatar. Fariimahaas ayaa u muuqday kuwo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Israa’iil. Eran Etzion, oo hore u ahaa ku-xigeenka Golaha Ammaanka Qaranka ee Israa’iil ayaa u sheegay Middle East Eye in ay weli adag tahay in la qiimeeyo heerka halista fadeexaddan, balse “haddii Urich iyo Feldstein ay ka shaqaynayeen xafiiska ra’iisul wasaaraha, isla markaana ay u adeegayeen Qatar, waxaa laga yaabaa inay heleen xog sir ah.” “Marka heerka ugu sarreeya ee sharciga la eego, waxay noqon kartaa in xafiiska ra’iisul wasaaraha laga shaqaaleysiiyay wakiillo laba dhinac u adeegaya, taasoo loo aqoonsan karo khatar amniga qaranka iyo khiyaano qaran,” ayuu yiri Etzion. ‘Qatargate’ Fadeexadda ay warbaahinta Israa’iil ugu yeertay “Qatargate” ayaa markii ugu horraysay waxaa shaaciyay wargeyska Haaretz bishii November. Sida uu sheegay wargeyska, Urich iyo Srulik Einhorn, oo muddo dheer la-taliye u ahaa Netanyahu, ayaa Qatar u shaqeynayay kahor Koobka Adduunka 2022 oo lagu qabtay dalkaasi Khaliijka ah. Labadan nin ayaa shirkadooda Perception u isticmaalay inay hagaajiyaan sumcadda Qatar oo ay u muujiyaan in ay tahay dal u ololaynaya “nabad iyo xasillooni dunida ah.” Waxay sidoo kale gudaha Israa’iil ku soo bandhigayeen ololaha Qatar, iyagoo wariyeyaal Israa’iili ah ku casuumay Qatar. Bishii February, Channel 12 ayaa shaacisay in Feldstein isagana uu ku lug lahaa fadeexadda. Sida lagu sheegay warbixintaas, Feldstein waxaa shaqaalaysiiyay shirkad gaar loo leeyahay oo ay maalgeliso Qatar, si uu u wanaajiyo muuqaalka Qatar ee Israa’iil, gaar ahaan kaalinteeda wada-xaajoodka Israa’iil iyo Hamas oo Qatar dhex-dhexaadinayso. Feldstein ayaa hore loogu xiray tuhun ah inuu sirro la xiriira Hamas u gudbiyay wargeyska Jewish Chronicle ee Ingiriiska iyo Bild ee Jarmalka. Warbixinnadaas ayaa markii dambe la ogaaday inay ahaayeen been abuur, taasoo sababtay in Jewish Chronicle uu ka saaro maqaallo badan boggiisa internet-ka, isla markaana afar ka mid ah qorayaashooda caanka ahi ay is-casileen. Arrintan ayaa sidoo kale dhalisay su’aalo la xiriira Robbie Gibb, oo ka tirsan maamulka BBC-da. Bishii hore, Channel 13 ayaa daabacday in Feldstein uu soo abaabulay safar Qatar loogu qaaday Zvika Klein, oo ah tifaftiraha wargeyska garabka midig ee Jerusalem Post. Feldstein oo aan ka qaadan wax mushaar ah xafiiska Netanyahu, ayaa lagu soo warramayaa inuu la shaqaynayay Jay Footlik, oo ah ololeeye Mareykan ah oo dowladda Qatar u shaqeeya. Netanyahu iyo Shin Bet Kadib markii warbixino badan oo arrintan ku saabsan la daabacay, xeer ilaaliyaha guud ee Israa’iil Gali Baharav-Miara ayaa bishii hore amartay in baaritaan rasmi ah la bilaabo, kadib baaritaan amni oo ay fuliyay Shin Bet, oo ah hay’adda amniga gudaha Israa’iil. Etzion ayaa sheegay in haddii Netanyahu uu ka war hayay shaqada ay la-taliyeyaashiisu u qabanayeen Qatar, ay xaaladdiisu aad u xun tahay, haddii uusan ogeynna ay arrintu weli khatar badan tahay. Muddo dheer ayuu sheegay in Netanyahu dagaal adag kula jiray nidaamka caddaaladda Israa’iil, hadda se ay hay’adaha fulinta sharciga noqdeen kuwo daciif ah. Netanyahu ayaa gabi ahaanba beeniyay eedeymaha ka dhanka ah la-taliyayaashiisa, isagoo sheegay in baaritaanku yahay ugaarsi siyaasadeed. Xisbiga Likud ayaa sidoo kale sheegay in baaritaanku yahay “isku day lagu doonayo in lagu dilo dimoqraadiyadda.” Horraantii bishan, Netanyahu ayaa isku dayay inuu shaqada ka eryo madaxa Shin Bet, Ronen Bar, balse Maxkamadda Sare ayaa tallaabadaas hakisay illaa ay ka qabtaan dhegeysi bisha soo socota. Tan iyo markii fadeexadda “Qatargate” shaaca laga qaaday, Netanyahu wuxuu ku celceliyay in uu jiro qorshe hoose (Deep State) oo isaga laga soo horjeedo, isagoo bartiisa TikTok ku sheegay in dowlad-hoosaadka “garabka bidix” ay doonayaan in isaga iyo xukuumaddiisu noqdaan “ubax lagu qurxiyo keliya.” Netanyahu ayaa sidoo kale muuqaal uu soo duubay ku sheegay in Urich iyo Feldstein ay yihiin “la haystayaal,” taasoo dhalisay dhaleeceyn gudaha Israa’iil ka timid, gaar ahaan qoysaska dadka ay Hamas gacanta ku hayso ee Gaza.
-
Booliska Soomaaliya, gaar ahaan cutubka ilaalada Xeebaha ayaa sheegay inay in ka 50 qof oo halis ugu jiray inay biyaha maashoodaan ka soo badbaadiyeen xeebta Liido intii lagu jiray damaashaadka ciidda. Saaraakii ka tirsan Booliska ayaa sheegay in dadka ay gurmad u fidiyeeni ay u badnaayeen kuwa badda qaaday, halka qaar kalena hantidooda u badbaadiyeen, ka dib markii ay la kulmeen xaalado boob iyo xatooyo ah. Xeebaha Liido, jasiiro, iyo Xamar weyne waxaa si maalinle ah u taga Boqolaal qof, balse halista ku hafashada biyaha ayaa aad u sarraysa, waxayna taasi lama-huraan ka dhigtay in booliska ay goobahaas si joogto ah u gaaf wareegaan. Source: goobjoog.com
-
Puntland ayaa si adag uga hadashay dhaqdhaqaaqyada dagaal ee kooxda Alshabaab muddooyinkii danbe ka bilowday degaamo ka tirsan gobollada Shabeelooyinka ee deriska la ah magaalada Muqdisho, kadib markii ay dib u qabsadeen degaanno badan oo laga saaray sannadkii 2022. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo la hadlayey boqolaal kamid ah shacabka Garoowe oo taageero u muujinayey ciidanka dagaalka kula jira argagixisada Daacish, ayaa xusay in Alshabaab ay isku dayayso qabsashada Muqdisho, wuxuuna madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqay inuu ku fara-adaygo caasimadda. “Waan ka xunnahay in labadii kantarool ee Afgooye iyo Bal-cad ay Shabaab iyo xagjir joogaan, waan ka xunnahay laakiin maanta wax matari karno, waxaanna leenahay dowladda Soomaaliyeed ku mashquul cadawga dalkii qaybo kamid ah qabsaday inaysan Caasimadda qabsan”,ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor. Dhinaca kale, Madaxweyne Ku xigeenka Puntland ayaa xusay in Argagixisadu meel walbo oo ay joogto ay tahay in lala dagaalamo oo la ciribtiro, isagoo sheegay in hadda dowladda Puntland masuuliyada koowaad ee saaran ay tahay marka hore in Argagixisada ka ciribtirto dhulka Puntland oo dhan. PUNTLAND POST The post Ilyaas Lugatoor: Madaxweyne Xasanow ku fara-adayg in aysan Al-shabaab kaa qabsan caasimadda Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Ankara (Caasimada Online) – Türkiye ayaa sare u qaaday taageerada ay siiso Soomaaliya ee hawlgallada ka dhanka ah argagixisada, iyadoo geysay diyaaradaha dagaalka ee aan duuliyaha lahayn (UCAV), bixisay tababbarro milatari, isla markaana xoojisay iskaashiga difaaca labada dal, sida laga soo xigtay wargeyska Türkiye Daily. Türkiye ayaa dowladda Soomaaliya u dirtay diyaarado casri ah oo aan duuliye lahayn oo ay soo saartay shirkadda Baykar, sida Bayraktar TB2 iyo diyaaradaha dagaalka ee Akinci, taasoo qeyb ka ah dadaallada ballaaran ee lagu sugayo amniga qaranka Soomaaliya. • Diyaaradaha Bayraktar TB2 ayaa markii ugu horreysay Soomaaliya la keenay sannadkii 2022 si ay u taageeraan hawlgallada sahanka iyo weerarrada bartilmaameedsan. • Diyaaradaha Akinci UCAV oo dhawaan Soomaaliya loo keenay iyadoo la adeegsanayo diyaaradda gaadiidka milatariga ee A400M ayaa durba hawlgallo billaabay. • Waxaa socda wadahadallo lagu keenayo helikobtarada T129 Atak si loo kordhiyo awoodda dhaqdhaqaaqa iyo weerarrada ka dhanka ah argagixisada. Diyaaradahan ayaa hadda si firfircoon loogu isticmaalayaa ilaalinta dowladda Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Ciidamada Turkiga ayaa tababarro milatari oo ballaaran siinaya ciidamada Soomaaliya, iyadoo loo marayo Taliska Ciidamada Turkiga ee Soomaaliya (oo loo soo gaabiyo STGK), kaas oo si dhow ula shaqeeya dowladda Soomaaliya. Hase yeeshee, ilo wareedyo ayaa sheegay in ciidamada Turkigu aysan ka qaybqaadan doonin dagaallada tooska ah. Doorka ciidamada Turkiga ayaa ku koobnaan doona bixinta taageero farsamo iyo talobixin la xiriirta howlgalka ciidamada Soomaaliya ee la dagaallanka kooxaha argagixisada. Ammaanka xarunta ciidamada Turkiga ee Soomaaliya ayaa sidoo kale la xoojiyay, iyadoo la tixgelinayo xaaladaha dhowaan dhacay. Taageerada milatariga ee ballaaran ee Türkiye Soomaaliya ayaa ka mid ah 47 dal oo kaalmo milatari ka hela Türkiye. Ankara ayaa sii wadday inay saameynteeda ku xoojiso gobolka iyadoo toos u bixisa taageerada difaaca, iskaashiga milatariga, tababarrada iyo hubka, taasoo waafaqsan danaha istaraatiijiga ah ee ay ka leedahay Geeska Afrika. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Ankara kadib markii uu ka badbaaday isku day dil oo dhowaan lala beegsaday, halkaas oo uu kula kulmay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. War kasoo baxay Agaasinka Isgaarsiinta ee Dowladda Turkiga ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada-hadleen xiriirka labada dal iyo arrimaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka. Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Ankara, ayaa Erdogan sheegay in Ankara muhiimad weyn siineyso nabadda, amniga iyo midnimada Soomaaliya, isla markaana taageerada Türkiye ay sii socon doonto si joogto ah illaa laga gaarayo nabad iyo xasilooni waarta oo Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmarta. Erdogan ayaa intaas ku daray in iskaashiga Soomaaliya iyo Türkiye ee la dagaallanka argagixisada uu sii kordhi doono, isagoo hoosta ka xarriiqay in Türkiye mar walba garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed ee ka hortagga argagixisada. Waxa uu sidoo kale sheegay muhiimadda iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, amniga iyo difaaca. Türkiye ayaa u aragta joogitaankeeda Soomaaliya inuu muhiim u yahay ilaalinta booskeeda istaraatiijiga ah ee Geeska Afrika. Iyadoo adeegsanaysa tababarrada milatariga, taageerada diyaaradaha dagaalka ee UCAV iyo heshiisyada helikobtarada, Türkiye ayaa doonaysa inay gacan weyn ka geysato xasilinta iyo sugidda ammaanka gobolka iyada oo aan si toos ah ugu lug yeelan dagaallada.
-
MOGADISHU, Somalia—Somalia is embarking on a high-stakes bid to unlock potential uranium wealth. It is partnering with a domestic conglomerate and joining the UN’s nuclear watchdog, the IAEA, in a move aimed at economic transformation but shadowed by deep-seated security and governance hurdles. The government of President Hassan Sheikh Mohamud inked a preliminary deal late last year granting Mogadishu-based Almond Energy status as its strategic partner for developing the Horn of Africa nation’s mineral resources, with a sharp focus on uranium. The agreement, which was approved by parliament shortly after with minimal public attention, positions the company centrally in Somalia’s nascent mining strategy. Almond Energy will now serve as the primary advisor to the Ministry of Petroleum and Minerals, headed by Minister Dahir Shire Mohamed. Under the reported terms, Mogadishu intends to overhaul its mining regulations, replacing an outdated 1984 law with a new framework based on principles drafted by Almond Energy. Almond Energy: A diversified partner Established in 2019, Almond Energy belongs to the broader Almond Group Holdings, a diversified Somali business with interests spanning aviation (Almond Air and Logistics, servicing UN and Somali forces), hospitality (Almond Resort hotels), and logistics. The group, employing around 400 staff and with offices in Mogadishu and Nairobi, regularly receives UN supply contracts. While experienced in logistics and services, Almond Energy’s specific track record in the technically demanding field of uranium exploration appears limited. Nonetheless, the partnership assigns it a leading role in charting the course for Somalia’s mining sector, including designating key exploration territories. A joint venture is envisioned, with Almond Energy initially holding a dominant stake (around two-thirds) and the government retaining the rest. A cornerstone of this initiative was Somalia’s formal entry into the International Atomic Energy Agency (IAEA) in September 2024, preceding the Almond Energy deal by mere weeks. Negotiations underpinning the partnership reportedly commenced before President Mohamud assumed office in 2022. Technically supported by Almond Energy and Kenyan experts—Kenya has been an IAEA member since 1965—Somalia’s membership grants access to vital technical expertise and potential funding. Critically, it also commits the fragile state to the IAEA’s rigorous safeguards and inspection regimes, a significant undertaking given its circumstances. IAEA records confirm that a Somali delegation, including Ministry Director General Arabey Abdi Hashi and Almond Energy CEO Abdifatah Mohamed, alongside Kenyan consultant Willy Murithi, visited the IAEA’s Vienna headquarters last year to finalize the membership. Further engagements between Mogadishu and the agency are expected this month. Potential rewards vs. Pervasive risks The government’s push draws on historical data, notably a 1985 IAEA report referenced by Almond Energy, suggesting Somalia could harbor uranium deposits up to 150,000 tonnes. Early exploration by US, Italian, and German firms in the 1960s and 70s identified promise, particularly within the central Mudug region. However, formidable obstacles loom. Decades of conflict halted initial exploration efforts in the early 1990s. Today, instability persists, with the Al-Qaeda affiliate Al-Shabaab controlling swathes of territory, including potential exploration zones in Mudug. The ongoing insurgency severely hampers prospects for secure, large-scale resource development. Furthermore, establishing robust regulatory, environmental, and safety protocols for uranium extraction represents a monumental task for a nation still consolidating its institutions and grappling with limited capacity. The venture has piqued tentative regional interest. Associates of Kenyan President William Ruto have reportedly shown curiosity, potentially eyeing Somalia’s uranium for Kenya’s own nuclear power aspirations centered around a proposed plant in Uyombo. Yet, this outlook is clouded by proposed changes within Kenya, including the potential dissolution of its Nuclear Power and Energy Agency (NuPEA). Somalia may also seek to engage Turkey, a key strategic ally with significant investment and influence in the country and possessing its nuclear energy program. [Link to reputable source on Turkey-Somalia relations]. While tapping its uranium could offer Somalia a potent economic lever, the path forward is laden with profound technical, security, financial, and governance challenges that Mogadishu and Almond Energy must navigate before any potential wealth can be unearthed.
-
Ankara, Turkey – Turkey is significantly increasing its military assistance to Somalia in the ongoing fight against terrorism, deploying advanced combat drones, and intensifying military training and defense cooperation, according to a report in Türkiye Daily. The Turkish newspaper stated that Ankara has supplied the Somali government with cutting-edge unmanned combat aerial vehicles (UCAVs) from Turkish defense manufacturer Baykar, including the well-regarded Bayraktar TB2 and the more sophisticated Akinci drones. This move is a key component of broader efforts to bolster Somalia’s national security as it continues to combat the persistent threat posed by the Al-Shabaab militant group. The Bayraktar TB2 drones were initially deployed to Somalia in 2022 to support reconnaissance missions and conduct targeted strikes against insurgent elements. These drones have proven effective in providing vital intelligence and executing precise attacks, significantly aiding the Somali National Army (SNA) in its operations against Al-Shabaab, an affiliate of al-Qaeda that has waged a violent insurgency in Somalia for over a decade. More recently, Akinci UCAVs were delivered to Somalia via Turkish military A400M transport aircraft and have already commenced operations. The Akinci offers enhanced capabilities compared to the TB2, including a larger payload capacity, longer flight endurance, and more advanced sensors, enabling more complex and sustained missions against the militants. Furthermore, discussions are reportedly underway regarding the potential supply of T129 Atak helicopters to Somalia. These attack helicopters would further enhance the SNA’s operational mobility and firepower in counter-terrorism efforts, providing crucial close air support for ground forces battling Al-Shabaab. These advanced aerial assets are now actively employed by the Somali government to protect its forces and combat the Al-Shabaab insurgency, which remains a significant threat to the country’s stability, carrying out frequent bombings, assassinations, and attacks on government and civilian targets. Turkish military training mission intensifies Beyond drone deployments, Turkish forces are providing extensive military training to Somali soldiers through the Turkish Military Training Mission in Somalia (STGK). This mission works closely with the Somali government to develop the skills and professionalism of the SNA. However, sources cited by Türkiye Daily indicate that Turkish military personnel will not participate in direct combat operations. Their primary role is to provide technical assistance and operational guidance to Somali forces engaged in counter-terrorism efforts. Security at the Turkish military training facility in Somalia has also been heightened in response to recent regional security concerns. Somalia is among 47 nations receiving military assistance from Turkey, underscoring Ankara’s growing role as a security partner in various regions. Turkey has been steadily increasing its influence in the strategically important Horn of Africa, directly providing defense support, military cooperation, training, and weapons, aligning with its strategic interests. The Horn of Africa’s proximity to key shipping lanes and its geopolitical significance in the Red Sea and the Gulf of Aden make it a region of considerable international interest. This increased military support follows a recent assassination attempt on Somali President Hassan Sheikh Mohamud. Shortly after the incident, he visited Ankara to discuss the situation with Turkish President Recep Tayyip Erdogan. According to a statement from the Turkish Directorate of Communications, the two leaders discussed bilateral relations and exchanged views on regional and international matters. During their meeting at the Presidential Complex in Ankara, Erdogan reaffirmed Turkey’s strong commitment to Somalia’s peace, security, and unity. He emphasized that Turkish support would continue until lasting peace and stability are achieved in Somalia and the broader region. Erdogan further stated that cooperation between Somalia and Turkey in the fight against terrorism would continue to deepen, reiterating Turkey’s unwavering support for the Somali people in their struggle against terrorism. He also highlighted the importance of strengthening bilateral cooperation in economy, trade, security, and defense. Turkey views its presence and support in Somalia as crucial for maintaining its strategic position in the Horn of Africa. Turkey aims to play a significant role in stabilizing and securing the region without direct combat involvement by providing military training, UCAV capabilities, and potentially helicopters. This approach allows Ankara to project influence and support its allies while minimizing direct military engagement on the ground.
-
To: The Rt Hon. British Prime Minister, European Union Leadership, African Union Commission, and United Nations Secretary-General Subject: Recognizing Somaliland—A Strategic Imperative for Global Security, Energy, and Mineral Independence The time has come for the international community, led by Britain’s historic vision, to recognize Somaliland as a sovereign state. This is not merely a matter of justice for a stable, democratic people—it is a strategic necessity for global security, energy resilience, and a rebalanced supply chain free from China’s dominance. I urge you to act decisively. Somaliland, self-governing since 1991, stands as an oasis of peace in the volatile Horn of Africa. Its democratic elections, functioning institutions, and control of 850 km of Red Sea coastline contrast sharply with Somalia’s chaos, piracy, and Al-Shabaab insurgency. Recognizing Somaliland bolsters global security by securing a pro-Western ally at a chokepoint of world trade—the Bab el-Mandeb Strait, through which 10% of global oil passes. Britain, with its naval legacy and post-Brexit African focus, should lead this charge, rallying the EU, AU, and UN to preempt regional crises that threaten us all. Beyond stability, Somaliland offers untapped renewable energy potential critical to the West’s green transition. Its arid highlands boast some of the world’s highest solar irradiance levels (up to 6.5 kWh/m²/day) and wind speeds averaging 8-10 m/s along its coast—ideal for gigawatt-scale projects. Feasibility studies suggest it could export clean energy via Ethiopia or power desalination for regional food security. This is an alternative to fossil fuel dependence and a bulwark against energy insecurity, amplified by conflicts like Ukraine. The EU’s climate goals and Britain’s net-zero pledge demand such bold diversification. Equally vital are Somaliland’s strategic minerals. Geological surveys hint at deposits of rare earths, lithium, and cobalt—resources China currently monopolizes (60-80% of global supply). Berbera port, modernized with UAE investment, positions Somaliland to bypass Beijing’s chokehold, offering the West a reliable partner for battery metals and tech supply chains. The AU’s hesitance on secession must yield to this reality: Somaliland’s colonial borders and de facto statehood make it a unique case, not a Pandora’s box. To the British PM: Your Balfour Declaration legacy calls you to shape nations anew—Somaliland is that opportunity. To the EU: Your energy and industrial future hinges on such allies. To the AU: Stability, not dogma, should guide Africa’s rise. To the UN: Self-determination and peace demand this recognition. Act now—convene a coalition, upgrade diplomatic ties, and table a UN resolution. Somaliland’s recognition is not charity; it’s a strategic win for a world at a tipping point. HRH King Désiré-Joseph Mugisha @UmuhaMugisha Qaran News
-
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa galabta dadweynaha Caasimada Garoowe kala qayb galay banbax ay Shacabku munaasabadda Ciidul-fitriga darteed ku taageerayaan Ciidamada Geesiyaasha ah ee Puntland ee Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada, kuwaasi oo hadda Argagixisada Daacish ka sifeynaya buuralayda Calmiskaad. Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland oo la hadlay shacabweynaha oo isugu soo baxay garoonka Kubada Cagta ee Mire Awaare Stadium, wuxuu ku boggaadiyey garab istaaga ay u muujinayaan Ciidanka iyo doorka ay ka qaateen hawlgalka, isagoo ugu baaqay in ay halkaasi kasii wadaan taageerada maadaama weli hawlgalku socdo. Wuxuu Madaxweyne Ku-xigeenku xusay in Argagixisadu meel walbo oo ay joogto ay tahay in lala dagaalamo oo la ciribtiro, isagoo sheegay in hadda Dowladda Puntland masuuliyada koowaad ee saaran ay tahay marka hore in Argagixisada ka ciribtirto dhulka Puntland oo dhan. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda , Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe , saraakiisha Amniga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Caasimada Garoowe. Halkaan ka eeg Sawirada PUNTLAND POST The post Banbax lagu taageerayo ciidamada difaaca Puntland oo maanta Garoowe lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii uu bilowday dagaalka kooxaha argagixisada, waxaa soo baxaysay in dowlad goboleedyada qaarkood uusan dhab ka aheyn dagaalka, amase ay caqabad ku yihiin in kooxaha argagixisada, gaar ahaan Al-Shabaab laga ciribtiro dalka. Taliyaha Guutada 18-aad ee Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Dhexe Xasan Ciraaqi oo ku sugan yahay magaalada Wisil ee gobolka Mudug, ayaa dhankiisa xaqiijiyay inay jiraan maamul goboleedyo aan si buuxda uga qeyb qaadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Isagoo la hadlaya boqolaal askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, ayuu Taliye Xasan Ciraaqi shaaca ka qaaday in maamulladan aysan dooneyn in laga ciribtiro maleeshiyadka Shabaab dalka. “Waxaa jira maamul goboleedyo aan qeyb ka ahayn dagaalka Khawaarijta, kuwaas oo raba in ay guuleystaan. Waa arrin la ogyahay, mana ahan wax la dhageysan karo. Shacabka Soomaaliyeed go’aan bay qaateen, go’aankaasina waa mid lagu ciribtirayo Khawaarijta,” ayuu yiri taliyaha. Inkasta oo uusan taliyuhu magacaabin maamul goboleedyada uu ku eedeeyey in aysan dooneyn in dalka laga xoreeyo Al-Shabaab, wuxuu tilmaamay in maamullada aysan dooneyn in laga adkaado Shabaab. Taliyaha ayaa sidoo kale wuxuu adkeeyay in howlg-allada sii socon doonaan, isagoo ugu baaqay siyaasiyiinta inay garab istaagaan Madaxweynaha Soomaaliya, islamarkaana ay taageeraan dadaallada dowladda ee la-dagaalanka Al-Shabaab. Ugu dambeyntiina, Taliye Xasan Ciraaqi ayaa bogaadiyay guulaha ay gaareen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa difaaca deegaanka, isagoo carrabka ku adkeeyay in dagaalka Shabaab uu sii socon doono ilaa guul buuxda laga gaarayo.
-
Diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay oo ku sugan Soomaaliya ayaa maanta si deg deg ah ugu soo degtay magaalada Muqdisho, kadib markii ay cilad ku timid qalabkii ay u adeegsan lahayd degidda. Diyaaraddan oo uu maamulo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ayaa ku guda jirtay duulimaadkeedii caadiga ahaa ee Muqdisho ilaa Baydhabo markii shaqaalihii la socday ay ogaadeen cilad ka hor istaagtay in taayarradii ay ku degi lahayd diyaaraddu ay si sax ah u shaqeyn waayeen. Duuliyayaasha ayaa isla markiiba diyaaradda dib ugu soo celiyay Garoonka Caalamiga ah ee Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee caasimadda si ay si bedqab leh ay wax ugaga qabtaan arrinta. Marka laga reebo hal qof oo rakaab ah oo la sheegay in uu dhaawac fudud soo gaaray intii ay socotay hawshii rakaabka looga soosaarayey diyaaraadda, dhammaan rakaabka kale iyo shaqaalaha ayaan wax dhib ah ka soo gaarin. Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa ay bogaadineysay sida degdegga ah ee xirfadaysan ee ay shaqaalaha diyaaradda iyo hawlwadeennada iyo adeegyada xaaladaha degdegga ah ee garoonka ay wax uga qabteen xaaladda, kuwaas oo uu diyaar-garowgooda iyo taageeradooda ay xaqiijiyeen in si habsami leh ay xaaladda u maareeyaan. “Waxaan bogaadineynaa iskaashiga u dhaxeeya UNSOS iyo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ee suurageliyay wax-ka-qabashadan wax-ku-oolka ah,” ayay tiri Madaxa UNSOS, Kaaliyaha Xoghayaha Guud Aisa Kirabo Kacyira. Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Siyaasi Xasan Shire Abgaal ayaa ka jawaabay baaqii uu dhawaan diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo gogol wadatashi ugu fidiyay siyaasiyiinta mucaaradka iyo saamileyd siyaasadda. Xasan Abgaal ayaa marka hore si buuxda u soo dhaweeyay gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, si loo helo talo midaysan oo dalka lagu hago marxaladdan xasaasiga ah. “Anigoo ka duulaya baahida ba’an ee loo qabo midnimo qaran, is-afgarad siyaasadeed, iyo ka hortagga caqabadaha haysta dowlad-dhiska Soomaaliya, waxaan si buuxda u taageerayaa gogosha wadatashi ee uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda,” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dhamaan dhinacyada siyaasadeed ee isdiidan inay u istaagaan danta guud, ayna madaxda qaranka ku garab istaagaan dagaalka kooxaha argagixisada, si loo xaqiijiyo nabad waarta, horumar muuqda iyo dowladnimo sal adag leh. “Waxaa lagama maarmaan ah in laga fogaado siyaasadeynta halganka qaran ee lagu difaacayo dalka, loona midoobo ilaalinta danaha shacabka iyo qaranimada,” ayuu yiri Xasan Abgaal. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran; Anigoo ka duulaya baahida ba’an ee loo qabo midnimo qaran, is-afgarad siyaasadeed, iyo ka hortagga caqabadaha haysta dowlad-dhiska Soomaaliya, waxaan si buuxda u taageerayaa gogosha wadatashi ee uu ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Tallaabadan geesinimada leh waa astaanta hoggaan masuul ah, kana tarjumaysa rabitaan dhab ah oo lagu xoojinayo midnimada shacabka Soomaaliyeed, lana dardargelinayo hanaanka dhismaha dowladnimo loo dhan yahay. Waa fursad taariikhi ah oo aan la dayici karin, si wadajir looga hortago dhibaatooyinka dib-u-dhigay horumarka ummadda Soomaaliyeed. Waxaan si xushmad leh ugu baaqayaa dhammaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay u istaagaan danta guud, ayna garab istaagaan Madaxda Qaranka, si loo suuliyo khatarta Khawaarijta, loona xaqiijiyo nabad waarta, horumar muuqda, iyo dowladnimo sal adag leh. Waxaa lagama maarmaan ah in laga fogaado siyaasadeynta halganka qaran ee lagu difaacayo dalka, loona midoobo ilaalinta danaha shacabka iyo qaranimada. Sidoo kale, waxaan ku dhiirrigelinayaa in aan dhigno aasaas adag oo ku saleysan midnimo, wadajir iyo is-aaminaad, si aan u dhisno mustaqbal Soomaaliyeed oo barwaaqo ah, ka foga khilaafaadka siyaasadeed ee ragaadiyey horumarka iyo dowlad-dhiska dalkeenna. Ugu dambayn, guusha dhabta ah waxay u sugnaatay shacabka Soomaaliyeed ee si mideysan ugu istaagay difaaca qarannimadooda, islamarkaana garab taagan Ciidamada Qalabka Sida ee naf-hurnimada ugu jira xoraynta dhulka iyo ilaalinta karaamada qaranka. Soomaaliya ha noolaato! Horumar ha lagu gaadho midnimo, xasillooni iyo dowladnimo waarta!
-
Duqeymo is xigay oo ay fulisay dowladda Mareykanka ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay ceelka Miraale ee buuraha Calmiskaad, halkaasi oo ay weli ku dhuumanayaan firxadkii ka baxsaday mileeshiyaadka Daacish ee lagu jebiyay hawlgalkii togga Jeceel. Saraakiil ka tirsan ciidamada difaaca Puntland oo ku sugan furimaha dagaalka Calmiskaad ayaa soo sheegay in ay maqleen dhawaqa duqeyn xooggan oo duhurnimadii maanta ka dhacay ceelka Miraale, kuwaasi oo lagu beegsaday mileeshiyaad firxad ah oo kamida argagixisadii jabtay ee Daacish. Goob-joogayaal ku sugan degaanno ka baxsan Miraale ayaa sidoo kale soo tebiyay in ay maqleen jug culus oo xiriir ah islamarkaana arkeen qiiq iyo uuro madow oo samada isku shareeray kaddib markii duqeymo is xiga lagu garaacay ceelka Miraale iyo nawaaxigiisa balse faahfaahin intaasi ka baxsan lagama hayo khasaaraha gaaray argagixisada. Dowladda Mareykanka oo dhawaanahan sare u qaadday duqeymaha ay ka fulinayso buuraha Calmiskaad ayaa sida wararku sheegayaan fulisay duqeymaha maanta ka dhacay togga Miraale, kuwaasi oo la rumaysan yahay in ay haleeleen bartilmaameedyo sugan. PUNTLAND POST The post Puntland: Mareykanka oo maanta duqeymo xooggan ku garaacay ceelka Miraale oo ay ku dhuumanayaan firxadkii kooxda Daacish appeared first on Puntland Post.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Xiisadda ka taagan xuduudka u dhaxaysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo ayaa kasii dartay, iyada oo xaaladdu isu beddeshay mid ay ku lug leeyihiin afduubyo lala beegsanayo dadka rayidka ah. Wararka ka imanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubaysan oo ka tirsan Somaliland ay degaanka Bohol ku qafaasheen dad rayid ah oo ka soo jeeda degmada Xuddun, kuwaasoo hadda lagu hayo magaalada Burco. Jawaab ahaan, maleeshiyaad kale oo taageersan SSC-Khaatumo ayaa iyaguna qafaashay dad u dhashay Somaliland, taasoo sii hurisay xiisadda colaadeed ee labada dhinac. Sidoo kale, dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo jiidda hore ee dagaalka ayaa muujinaya diyaar-garow dagaal, iyadoo Somaliland ay xoojinayso ciidamada ku sugan furimaha hore. Dagaalka labada dhinac ayaa dib u qarxay horraantii bishii hore, xilli ay xukuumadda Somaliland deegaanno ka tirsan Sool ka wadday qorshe lagu qaramaynayo maleeshiyo beeleedyada SSB iyo G36, kuwaasoo samaysmay xilligii ay colaadaha joogtada ahi ka taagnaayeen deegaannadaas. Inkasta oo xukuumadda Somaliland ay sheegtay inay wada-hadal ku wajahayso arrinta gobolka Sool, oo haatan ay maamusho SSC, haddana marnaba ma joojin abaabulka ay ka waddo jiidda hore. SSC ayaa dhankeeda xaqiijisay in dagaalka ay kula jirto Somaliland uu sii socon doono, iyadoo hoggaamiyaha maamulka KMG ah uu xusay in Ceerigaabo muhiim u tahay maamulkiisa, halkaasi oo bishii na dhaaftay uu ku sugnaa madaxweyne ku-xigeenka Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, arrimahan ayaa dab kusii shidaya xiisadda u dhexeysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo, taasoo caqabad ku noqon karta dadaallada nabadeed ee xal loogu raadinayo colaadda.
-
Diyaarad nooceedu yahay De Havilland Dash 8 (DH8D) oo ay leedahay UNSOS ayaa la kulantay cillad farsamo oo la xiriirta taayirka hore kadib markii ay ka duushay Garoonka Caalamiga ah ee Aden Cadde 11:16 waqtiga maxalliga ah, iyada oo u socotay magaalada Baydhabo. Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), duuliyeyaasha diyaaradda ayaa dareemay cillada, taasoo keentay in ay go’aansadaan inay dib ugu soo laabtaan garoonka Muqdisho. “Kadib markii ay ogaadeen arrinta, shaqaalaha duulimaadka waxay go’aansadeen inay dib ugu soo laabtaan Muqdisho iyaga oo raacaya hab-raacyada badbaadada,” ayaa lagu yiri bayaanka SCAA. Diyaaradda ayaa si badbaado leh ugu soo degatay garoonka Aden Cadde iyada oo aanay taayiradeedu shaqaynin, taasoo loo yaqaan ‘belly landing’, waxaana la xaqiijiyay in aysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay dhacdadan. Sida laga soo xigtay SCAA, “diyaaraddu waxay si ammaan ah ugu soo degtay garoonka 13:28 waqtiga maxalliga ah, mana jiraan wax dhaawacyo ah, halka khasaarihuna uu yahay mid aad u yar.” Mas’uuliyiinta garoonka ayaa ku howlan ka saarista diyaaradda laamiga si howlihii duulimaadyadu caadi ugu soo noqdaan saddexda saacadood ee soo socda. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Maanshiil oo ay ku mideysan yihiin xubnaha mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa soo dhaweysay baaqii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ee ku aadanaa qabashada shir qaran oo wada-tasho ah. Siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in gogosha uu dhigay madaxweynaha ay kusoo aaday xilli muhiim ah, iyaga oo tilmaamay inay wax badan ka tari doonto xaalada dalka uu ku jiro. “Madasha Maanshiil waxay soo dhaweeynaysaa baaqii madaxwayne Xassan Shiikh Maxamuud uu ku dhawaaqay oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ku fidineyso gogol wadatashi heer qaran ah taas oo looga tashanayo masiirka ummadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay Madasha Maanshiil. Sidoo kale waxa ay madashu intaasi ku dartay in baaqa madaxweynaha ay u aragto inuu yahay tallaabo boggaadin iyo ajiibid mudan oo horseedi karta xal u helidda hubanti la’aanta siyaasadeed iyo xaaladaha kale ee ka jira dalka, sida dagaalka Al-Shabaab. Mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa sidoo ku baaqay in dowladda Soomaaliya ay ka dhabeeyso hirgelinta gogosha si loo helo siyaasad furan oo wada-ogol ah, looguna midoobayo difaaca dalka iyo dagaalka argagixisada lagula jiro. Waxaa kale oo ay tilmaameen in arrintan ay abuureyso rajo yadadiilo u leh shacabka Soomaaliyeed, loogana gudbi karo caqabadaha gudaha ee haatan jira. Hadalkan ka soo baxay siyaasiyiintan ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu khudbad uu dhawaan jeediyey ku shaaciyey inuu gogol u fidinayo siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha bulshada, si talooyinkooda ay ugu biiriyaan dagaalka Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam federaal ah, kuna shaqeysa dastuurka iyo sharciyada noo degsan. Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku bogaadiyey garashada wanaagsan ee hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ku aaddan inaan “Khawaarijta aannan isku heysan, balse aan isku heysanno hanaanka loo dhisi karo dowlad dimoqraadi ah oo dalkeenna ka hirgasha.” Waxa uu sidoo kale yiri, “Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta, si aragtiyahooda ay ugu biiriyaan dagaalka Khawaarijta,” isagoo u mahadceliyey ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee ku jira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn ugu mahadceliyey beesha caalamka, isagoo qiray in “muddo dheer oo adag aad Soomaaliya lasoo garab istaagteen. Waxaad baga taageerteen dib-u-dhiska dowlad casri ah oo dimoqraadi ah. Waad ku mahadsan tihiin, waxaa dalkeenna soo gaarsiiseen meel aysan suurtagal ahayn maanta inuu dib ugu noqdo,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya. Soo dhaweynta gogoshan wadatashiga ah ee ka timid siyaasiyiintan caanka ah ayaa ku soo beegantay xilli dalku uu wajahayo caqabado dhanka amniga ah iyo isbeddello siyaasadeed oo xasaasi ah. Waxaa la filayaa in faahfaahinta gogoshan ay soo baxdo maalmaha soo socda.
-
Diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay (QM) ayaa shil ku gashay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho xilli ay ku soo degeysay. Wararka ayaa sheegaya in Diyaaradda ay kasoo laabatay magaalada Baydhabo, islamarkaana siday 17 shaqaalle ah. Sida ay xaqiijiyeen saraakiisha amniga ee garoonka, shilku wuxuu ka dhacay iyadoo diyaaradda ay soo degeysay, laakiin si wanaagsan ayaa loo xakameeyay. Waxa la sheegay in shilkan uusan sababin wax khasaare ah, waxaana laga hortagay in waxyeelo ka dhalato. Shaqaalaha garoonka iyo ciidamada ammaanka ayaa si degdeg ah u dhaqaaqay, waxaana diyaaradda si nabad ah loogu daad-gureeyay, iyadoo aanay jirin wax dhaawac ah oo ka dhashay shilka. Saraakiisha amniga ee garoonka ayaa xaqiijiyay in xaaladda ay tahay mid degan. Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Cabdirashiid Maxamed Xaashi (Duqa) oo ah afhayeenka madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan gogosha uu fidiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka dalka. Cabdirashiid Duqa oo wareysi siiyay Shabelle Tv ayaa marka hore soo dhaweeyay shirka wadatashiga ah ee uu ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya, waxaase uu tilmaamay in madaxtooyada looga fadhiyo inay caddeyso goorta la qabanayo, cidda ka qayb-galeyso iyo ajendaha guud ee shirka wadatashiga ah. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in weli aanu caasuumaad ramis ah soo gaarin dhankooda, ayna jawaab ka sugayaan kooxda Villa Soomaaliya. “Madaxtooyadu marka ay ku baaqeyso shir qaran oo noocaan oo kale ah waxaa jira tallaabooyin is xig-xiga oo loogu gogol xaarayo sidii shirkaas looga dhabeyn lahaa arrimahaasna weli may dhicin waxaa kamid ah in uu soo baxo bayaan lagu caddeeyo goorta, goobta iyo cidda kasoo qayb-galeyso” ayuu yiri afhayeenka Farmaajo. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Marka inta aynan is waydiin Madaxweyne Farmaajo ma ka qayb-galayaa mise kama qayb-galayo waxaa ka horreysa in horta madaxtooyada ay Process-ka ay dhammeystirto oo casuumaadda ay qolo walba u dirto, marka weli casuumaad nama soo gaarin”. Dhanka kale, wxuuu ka hadlay xiisadda dhex oogan dowladda federaalka iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada, isagoo ku taliyay in madaxweynuhu doono madaxda maqan. “Haddii ay taagan tahay car iyo wir oo madaxweynayaasha maamul goboleedyada qaarkood loo jaray waaran soo qabasho ah marka ay halkaas taagan tahay runta la’isku sheegayaa, shirkan waxaa muhiimaddiisu ay tahay in talo wadaag la yeesho, waxaana la rabaa in madaxweynaha uu doono madaxda maqan” ayuu mar kale yiri Cabdirashiid. Waxaa kale oo uu soo hadal qaaday arrinta doorashooyinka iyo wax ka beddalka dastuurka oo uo u tilmaamay in hal dhinac laga raray, sida uu hadala u dhigay. “Qaabka doorashooyinka loo galayo, guddiga ka shaqeynaya iyo dastuurka waxaas oo dhan waxaad moodaa inuu yahay Process uu keligiis isku koobay madaxweynuhu, dowladihii xubnaha ka ahaa DFS qayb kama ah, waxayna ahayd in shaqada la’isla wado” ayuukusii daray. Farmaajo oo horay bayaan usoo saaray ayaa soo dhaweeyay baaqa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku tilmaamay “tallaabo loo baahan yahay oo qeyb ka noqon karta xal u helidda duruufaha siyaasadeed iyo khataraha amni ee dalka.” “Baaqa ku saabsan qabsoomidda shir wadatashi qaran ah ee uu soo jeediyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waa tallaabo loo baahan yahay oo qeyb ka noqon karta xal u helidda duruufaha siyaasadeed iyo khataraha amni ee ku gadaaman dalkeenna.” ayuu yiri Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo). Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray ““Madaxweynuhu waa inuu abuuraa jawi siyaasadeed oo ku dhisan kalsooni, wadashaqeyn iyo ilaalinta dastuurka lagu doortay,”.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka Boolis Milataaro Gaashaanle Aadan Jeelle oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalladii ugu dambeeyay ee ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, kuwaas oo ay uga dhinten askar iyo saraakiil ka tirsanaa ciidanka xasilinta ee loo xilsaaray amniga guud ee caasimada. Aadan Jeelle ayaa xaqiijiyey in intii ay ku guda jireen howlgalladii lagu sugay amniga bishii Ramaadaan ay ku waayeen askar iyo saraakiil ka tirsanaa Boolis Milataaro, kuwaas oo uu tilmaamay inay ku shahiideen howlgallo ay fuliyeen. Taliyuhu ma shaacin tirada askarta iyo saraakiisha ka dhintay oo uu Alle uga baryay inuu u naxariisto, kana waraabiyo Jannadii Fardowso. “Bishii Ramadaan gudaheeda intii aan ku guda jirnay ciidana way naga shahiideen, saraakiilna way naga shahiideen, iyada oo weliba ay tahay bil Ramadaan ay Sooman yihiin, waxa ay u dagaalamayeena waxa ay ahayd badqabka shacabka” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu raaciyay “Aan u duceyno, iyaga oo Sooman ayay shahiideen, Ilaahey ha u naxariisto, Jannadii Fardowso Alle haka waraabiyo”. Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay in guul wayn ay ka gaareen howlgallada ay sameeyeen, isla markaana ay si nabad ah ku soomeen dadka Soomaaliyeed, kuna fureen, maadaama haatan loo dabaal-degayo munaasabadda Ciidul-Fitriga. “30-kii cisho ee lasoo dhaafay qof naga mid ah oo hurday ma jiro, saacad kasta ayaan soo jeednay, xilli kasta ayaan u diyaarsaneen waajibaadka iyo xaalad kasta oo soo kororta, runtii waana ku guuleysanay maanta dadka Soomaaliyeed si nabad ah ayay ku Soomeen,Ilaahey ayaa mahadaa iska leh” ayuu mar kale yiri Taliye Aadan Jeelle. Waxaa kale oo uu farriin culus u diray reer Muqdisho, isaga oo ka dalbaday inay kala shaqeeyaan amniga guud, si looga hortago wax kasta oo halis ku ah nabad-geylada. Muqdisho ayaa haatan ka nasatay weeraradii qaraxyada ahaa iyo dilalkii ay ka gaysan jirtay kooxda Al-Shabaab, waxaana ay ku timid qorshaha ay la timid dowladda dhexe. Howlgallo is daba joog ah ayaa inta badan ciidamada Booliska Soomaaliya, kuwa Xasilinta iyo Nabad-sugidda ay ka sameeyeen caasimada iyo nawaaxigeeda.
-
Mogadishu (HOL) — Somalia’s U-17 national team will kick off their Africa Cup of Nations campaign on Tuesday evening with a high-stakes opener against Tunisia as the 15th edition of the continental tournament gets underway in Morocco. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) – The Maanshiil Forum, an opposition group in Somalia’s Southwest regional state, has welcomed President Hassan Sheikh Mohamud’s recent call for national peace talks to unite efforts to defeat Al-Shabaab and address the country’s political and security challenges. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — A coalition of opposition politicians from Somalia's Southwest State has endorsed President Hassan Sheikh Mohamud's recent call for national peace consultations, calling it a pivotal opportunity to address the country's deepening political instability and rising security threats. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamada Difaaca Deegaanka ee degmada Mahadaay ayaa saaka weerar qorsheysan ku qaaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, iyaga oo qaar toogtay halka kuwo kalena ay nolosha ku qabteen. Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, ciidamada ayaa dagaal culus kadib gacanta ku dhigay hub ay ka mid yihiin lix qori oo nooca AK-47 ah, mooto, gaari, iyo maxaabiis nool. Maydadka xubnihii la dilay ayaa wali yaalla goobta dagaalka. Kooxda ayaa la sheegay in ay marayeen meel u dhow degmada Mahadaay. Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda iyo ciidamada deegaanka ay kula dagaallamayaan Al-Shabaab, si loo xoreeyo deegaannada ay wali kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Dhexe. Source: goobjoog.com