-
Content Count
203,478 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ku dhowaad 10 xubnood oo ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa isku soo dhiibay ciimada nabad-gelyada ee ka howlgala Magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, sida uu xaqiijiyay maamulka degmadu. Guddoomiye ku xigeenka degmada Xarardheere Mudane Maxamed Abshir Jiirow ayaa Warabaahinta u sheegay in 7 kamid ah Kooxda Alshabaab ay isku soo dhibeen Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ka howlgala aagga degmadaas. Dhallinyaradaan ayaa markii la wareystay waxay sheegeen inay ayagu go’aansadeen inay iskood uga soo baxaan kooxda Alshabaab. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Aqal ee laga soo doorto Puntland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka cusub ee ka dhashay doorashooyinka, waxayna taageero u muujiyeen Jubbaland. Warsaxaafadeedkan oo ay si wadajir usoo saareen illaa 26 xildhibaan oo kasoo jeedo Puntland ayaa waxaa garab istaag loogu muujiyay Jubbaland oo haatan khilaaf siyaasadeed uu kala dhexeeyo Villa Soomaaliya, waxayna soo dhaweeyeen doorashada ay galeyso. “Waxaan si buuxda u garab u taaganahay in dowladda Jubbaland ay qabsato doorashooyinkeeda si waafaqsan dastuurka DFS qodobkiisa 120-aad iyo dastuurka iyo xeerarka iyaga u degsan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xildhibaannada. Sidoo kale waxa ay taageereen warsaxaafadeed shalay kasoo baxay xildhibaannada dhigooda ee laga soo doorto Jubbaland oo qaadacay tallaabada uu qaaday baarlamaanka Soomaaliya oo haatan guda galay diyaarinta xeerarka muhiimka u ah doorashooyinka. Waxa ay warmurtiyoodkooda ku caddeeyeen in aysan qayb ka ahayn arrin ay ku tilmaameen juub juub oo la rabo in si sharci darro ah lagu marsado goleyaasha sharci dejinta federaalka sharciyada guddiga doorashooyinka, axsaabta iyo doorashooyinka, kuwaas oo dhamman baalmarsan dastuurkii ay dadka ku heshiiyeen August 1, 2012. Xildhibaanada kasoo jeeda Puntland ayaa sidoo kale diiday dhismaha guddiga labada Aqal ee loo xilsaaray soo diyaarinta xeerarka doorashooyinka, kaas oo uu hoggaaminayo xildhibaan Mahdi Guuleed. Sidoo kale waxa ay dowladda dhexe ugu baaqeen inay joojiso siyaasadeynta mashaariicda dalka, iyaga oo ka digay inay isticmaasho cunaqabateyn ka dhan ah maamullada kasoo horjeedo. Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa haatan khilaaf xoogan uu kala dhexeeyaa dowladda federaalka ah, kaas oo salka ku hayo dastuurka iyo sida loo wajahayo doorashooyinka The post Xildhibaannada kasoo jeedo Puntland oo taageero wayn u muujiyay maamulka Jubaland appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa shir-guddoomiyay Madasha daneeyayaasha Caalamiga oo lagu soo bandhigay Qorshaha Qaran ee Waddooyinka Xalka Waara oo lagu qabtay Geneva. Madashan oo ay soo agaasimeen Waaxda Yareynta Saboolnimada iyo Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iyo Xafiiska Gaarka ah ee Xal-u-helidda Barakaca ee Qaramada Midoobay, waxaa ka qeyb galay safiirro iyo wakiillo ka socday in ka badan 20 dal, hay’ado caalami ah iyo bangiyada horumarinta. Wasiirka khudbad uu ka jeediyey furitaan shirka wuxuu ku tilmaamay muhiimada ay leedahay helidda xal waara ee barakacayaasha, isagoo xusay in Soomaaliya ay qorsheynayso in mudda 2 sano ah xal waara loogu helo 1 milyan oo barakacayaal ah, taasoo u baahan iskaashi iyo maalgelin. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoygiisa ku qaabilay, islamarkaana kulan muhiim ah la yeeshay wafdi ka socda dowladda Kenya. Xubnaha wafdiga ayaa Ra’iisul Wasaaraha soo gaarsiiyay dhambaal iyo salaan ay ka wadeen Madaxweynaha Kenya, William Ruto, waxayna ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee dariska ah iyo iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo ganacsiga. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wafdigan ka socday dowladda Kenya, doorka dowladda Kenya ee ku aaddan taageerada dowlad dhiska Soomaaliya, iyo xasilloonida gobolka. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jamac, ayaa ka qayb-galay Shirka Madaxda Adduunka ee Isbedelka Cimilada, kaas oo qayb ka ah shirweynaha COP29 ee ka socda magaalada Baku, Azerbaijan. Kulanka ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ahaa Madaxweynaha Ciraaq, Mudane Dr. Abdul Latif Rashid, iyo Madaxweyne Ku-Xigeenka Burundi, Mudane Prosper Bazombanza. Shirka ayaa waxa diiradda lagu saaray oo si wadajir ahna looga dooday xoojinta maaliyadda cimilada (#ClimateFinance) si loo dardargeliyo nidaamka wax-soo-saarka gaar ahaan dalalka nugul ee ay saameeyeen colaadaha iyo xaaladaha nugul ee cimilada. Shirkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Sanduuqa Caalamiga ah ee Maaliyadda Cimilada (GCF) iyo Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), isaga oo xoogga lagu saarayo sidii loo heli lahaa maalgelin iyo taageero lagu horumarinayo nidaamyada cuntada iyo beeraha ee adkeysiga leh, kuwaas oo muhiim u ah dalalka ay dhibaatooyinka cimilada iyo colaadaha ku habsadeen. Mudane Salax Axmed Jaamac ayaa si qota-dheer uga hadlay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga caalamiga ah ee lagu taageerayo dalalka sida gaarka ah ugu nugul cimilada isbedelaysa, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay la tacaaleyso saameynta daran ee cimilada, kuwaas oo ay kamid yihiin abaaraha iyo daadadka soo noqnoqda. Source: goobjoog.com
-
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxay soo dhoweynaysay doorashooyinka tooska ah (qof iyo cod) ee mudooyinkii u dambeeyay ka qabsoomay Maamulka Gobollada Waqooyi ee Somaliland. Malinta Berri ah ee ay taariikhdu tahay 13-ka November 2024 ayaa lagu waddaa in ay dhacdo doorashada Somaliland. Doorashooyinka ka dhacayay Somaliland waxay door weyn ka ciyaarayaan hannaanka dowlad wanaagga iyo dadaallada dib-u-dhiska ee dowladnimada Soomaaliya. Waa tallaabo muhiim ah oo ku dhisan kalsoonida shacabka, kuna saleysan mabda’a in muwaadinku xaq u leeyahay inuu codkiisa ku muujiyo rabitaankiisa siyaasadeed. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee DFS waxay ugu baaqday guddiga doorashooyinka Somaliland inay xaqiijiyaan in nidaamka doorashadu ku qabsoomo ammaan iyo hufnaan, iyagoo gudanaya kalsoonidii shacabka ay ka heleen, kuna dhaqmaya kitaabka ay ku dhaarteen. Waxaa la faray inay noqdaan guddi dhex-dhexaad ah oo daacadnimo, xilkasnimo, iyo eex la’aan ku shaqeeya, kana fogaada musuq iyo dano gaar ah, si ay hufnaan ugu maareeyaan doorashada ay tartamayaan xisbiyada siyaasadeed ee hogaanka Maamulka Somaliland. Sidoo kale, Wasaaradda waxay shacabka reer Somaliland ugu baaqaysaa inay ilaaliyaan xasilloonidooda, una dhaqmaan si nabad ah inta ay doorashadu socoto, sida horay looga bartay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Maamulka Somaliland. Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee DFS waxay xaqiijineysaa inay si dhow ula socoto doorashada tooska ah ee maalinta Berri ka dhici doonta Somaliland, iyadoo rajeynaysa inay ku dhammaato guul iyo horumar dhinaca dimuqraadiyadda ah. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Onine) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta soo gaarayw wafdiga Kenya ee ku jira dhex-dhexaadinta dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, kuwaas oo horay u tegay Kismaayo, lana soo kulmay Axmed Madoobe. Wafdigan culus ayaa waxaa maanta hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho ku qaabilay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo ay ka wada-hadleen xiisadda taagan. Ugu horreyn xubnaha wafdiga ayaa ra’iisul wasaaraha la wadaagay dhambaal iyo salaan ay ka wadeen Madaxweynaha Kenya, William Ruto, waxayna kadib ka wada-hadleen xoojinta xiriirka labada dal ee dariska ah iyo iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda iyo ganacsiga. Inta uu socday shirkooda ayaa waxaa si gaar ah loogu falanqeeyay dadaallada ay wadaan wafdigan Kenyaanka ah oo kala ah Amb Mahboub Moallin, Amb Mohamed Abdi Affey iyo Hon Abdirahman Ali Hassan Colow, kuwaas oo ra’iisul wasaaraha u gudbiyay qorshahooda iyo halka uu marayo dadaalka ay wadaan ee dhex-dhexaadinta. Dhankiisa ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wafdigan ka socday dowladda Kenya, doorkooda ku aaddan taageerada dowlad dhiska Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka. Kulankan ayaa ah mid hordhac ah, waxaana la filayaa in Villa Soomaaliya ay kasii socdaan shirar looga hadlayo xiisadda u dhexeyso dowladda dhexe iyo Jubbaland. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Kenya ka dalbaday inay arrinta soo gasho, si ay ula hadasho Axmed Madoobe, siday ay horay u xaqiijisay madaxtooyada Jubbaland oo booqashadooda koowaad ku tageen wafdiga Kenya, si u guda galaan arrinta loo xilsaaray. Si kastaba, illaa iyo hadda mamuuqato wax u qabsoomay ergada Kenyaanka ah, waxaana weli Axmed Madoobe uu wataa qorshihiisa gaarka ah ee qabashada doorashada Jubbaland. The post Wafdiga Kenya ee dhex-dhexaadinta DF iyo Jubaland oo maanta la kulmay Xamza appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay doorashada madaxweyne ee beri ka dhici doonta deegaanada Somaliland, taas oo ah mid toos ah oo qof iyo cod ah. Doorashada ayaa waxaa ku loolamaya saddexda Xisbi ee kal ah Kulmiye, Wadani iyo UCID, waxaana u kala sharraxan Muuse Biixi, Cabdiraxaam Cirro iyo Faysal Cali Waraabe. Dowladda Federaalka ayaa si weyn u boggaadisay hannaanka ay ku socota doorashada Somaliland, waxayna farriin culus u dirtay guddiga maamulaya doorashadaasi. Qoraalka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa waxaa looga codsaday guddiga doorashada Somaliland inay hubiyaan maamulka doorashada uu jiro gacan ammaan ah, si looga hortego qalalaase ka dhashay natiijada soo bixi karta. “Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay guddiga doorashooyinka Somaliland ugu baaqeysaa inay hubiyaan in maamulka doorashada gacan ammaan ah ku jirto” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Doorashooyinka maamulka Somaliland waxay ahmiyad gooni ah u leedahay dowlad wanaagga iyo dowlad dhiska Soomaaliya”. Hadalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo dhowaan kasoo baxay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo boggaadiyay doorashada dadweyne ee ka dhaceysa Somaliland. wuxuuna qiray in aysan ahayn tii ugu horreysay ee ka dhacda halkaasi. “Waxaan boggaadinayaa walaalaha Somaliland oo maalmo gudahood u dareeri doona doorasho dadweyne, taas oo aanan ahayn markii koowaad iyo markii labaad” ay yiri. Si kastaba, waxaan haatan soo dhammaaday ololihii doorashada Somaliland, waxaana berri oo Arbaco ah 13-ka Novermber loo dareeri doonaan codeynta doorashada oo ah xasaasi. The post DF oo war xasaasi ah kasoo saartay doorashada berri ka dhaceysa Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA ayaa sheegtay in hawlgal ay ka fulisay gobolka Galguduud ay ku dishay in ka badan 23 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab. War qoraal ah oo ay Hay’addu soo saartay ayaa lagu yiri: “In ka badan 23 xubnood oo ka tirsanaa Kooxda Alshabaab ayaa lagu dilay howlgal ay Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA xalay ka sameeyeen deegaanka Dharaarweyn ee hoostaga magaaalada Galcad ee Gobolka Galgaduud. Howlgalka oo ahaa mid ballaaran ayaa sidoo kale waxaa lagu gubay ilaa seddax gaari oo mid ka mid ah uu ahaa nooca loo yaqaan Cabdi Bile oo Khawaarijtu ay ku wateen hub iyo rasaas. Ciidamada Qaranka ayaa ku raad jooga firxadka Khawaarij u badan dhaawac oo isku dayaya in ay howlgalka ka baxsadaan kuwaas oo firxadkoodu kusii socdo deegaano u dhaw Cowsweyne”. Source: goobjoog.com
-
Qaran News
-
Guriceel (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya muwaadiniin Itoobiyaan ah oo maanta dil iyo dhaawac loogu geystay gudaha magaalada Guriceel ee gobolka Galgauud. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in nin ku labisan dareeska ciidamada milatariga uu rasaas ku furay goob ay ku sugnaayeen muwaadiniintaasi u dhashay Itoobiya, oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada, waxaana soo gaaray dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyay waxaa goobta ku dhintay ugu yaraan 1 qof oo Itoobiyaan ahaa, halka uu ku dhaawacmay mid kale oo la geeyay goob caafimaad oo ku taalla magaaladaasi oo hoostagta maamul goboleedka Galmudug. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in Itoobiyaanka ku sugnaa goobta ay aruurinayeen biro, gaar ahaan birta ka sameysan maarta, sida ay innoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka. Ninka falkan gaystay ayaa lasoo wariyay inuu goobta ka baxsaday, mana jiro wax war ah oo weli kasoo baxay mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka. Horay ayaa la sheegay in loogu digay Oromada ku sugan Guriceel, waxaana hanjabaadyo ay kala kulmayeen maleeshiyaad deegaanka ah. Xaaladda magaalada ayaa hadda deggan, waxaana laga war sugayaa talaabada ay qaadaan maamulka iyo hay’adaha amniga Guriceel. The post Muwaadiniin Itoobiyaan ah oo dil iyo dhaawac loogu geystay GURICEEL – Xog appeared first on Caasimada Online.
-
FARRIIN MUHIIM AH Ugu horrayn Shacabkayga JSL waxaan ugu baaqayaa dhammaantood in ay ka qayb qaataan doorashada afraad ee lagu dooranayo madaxweynaha lixaad ee Jamhuuriyadda Somaliland si nabadgelyo ah, oo masuuliyad ku dheehan tahay. Doorashooyinky waa fursad aynu ku muujin karno dimuqraadiyadda iyo horumarka dalka inaga oo u soo marnay duruuf adag iyo dadaal bulsho, sidaas darteed Codkaagu waa mas’uuliyad culus oo go’aaminaya mustaqbalka Somaliland. Shacabkaygii Somalilandoow waxaan idinku boorrinayaa in aad u codeysaan si nabad ah, kana fogaataan wax kasta oo keeni kara kala qaybsanaan iyo xasilooni darro abuurta in sumcadda Doorashadu hoos u dhacdo. Ugu dambayntii aan tusno dunida in Somaliland ay tahay dal qaan-gaar ah oo ku dhaqma dimuqraadiyad dhab ah. Nabad ku codeeya, kuna dadaala midnimada iyo wadajirka bulshada. Guul iyo nabad dhinaciina ha ahaato. Jamhuuriyadda Somaliland ha waarto! Qaran News
-
Dowladda Soomaaliya ayaa Warsaxaafadeed Rasmi ah ka soo saartay doorashooyinka Somaliland ee la qorsheeyay in ay qabsoomaan maalinta berri ah. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya ayay ku bogaadisay doorashooyinka qof iyo cod ee loo madlan yahay maalinta berri ah oo ku beegan 13 November 2024. Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa ugu baaqday guddida doorashooyinka in ay hubiyaan in doorashadu ku dhacdo hannaan caddaalad ah oo ka fog musuq iyo eex islamarkaana dhex-dhexaad u noqdaan dhammaan xisbiyada tartamaya. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku baaqday in doorashadu ay ku qabsoonto si nabdoon waxaana ay shacabka Somaliland ku boorrisay in ay ilaashadaan amniga iyo xasiloonida degaannadooda. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya oo War Rasmi ah ka soo saartay doorashooyinka Somaliland ee loo madlan yahay maalinta berri ah appeared first on Puntland Post.
-
Popular Contributors