Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    209,983
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) — Dr. Mohamed Abdullahi Hassan, a Somali physician practicing in the United Kingdom, has travelled to Somalia's Puntland region to support local medical teams treating soldiers wounded in battles against Islamic State militants in the mountainous Al Miskaad region. Source: Hiiraan Online
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoraal ka soo saaray gogoshii uu xalay ku dhaaway Madaxweyne Xasan Sheekh inuu u dhigayo siyaasiyiinta, taas oo inta badan siyaasiyiinta mucaaradka ah ay soo dhaweeyeen. Rooble ayaa ugu horeyn bogaadiyey dagaalka ay ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed kula jiraan argagixisada ‘duulanka ku soo qaaday diinta, dadka iyo dalka.’ Sidoo kale, wuxuu soo dhaweeyey gogosha uu ku dhawaaqay Xasan Sheekh inuu dhigayo, isagoo talo ka bixiyey sida ay ku haboontahay in looga faa’iideysto. “Waxaan soo dhaweynayaa gogosha wadatashi ee Madaxweyne Hassan Sheekh Maxamuud ku baaqay xalay, waa tallaabo hore loogu qaadayo in danta, dalka iyo diintaba ay masuuliyad naga wada saaran tahay kulligeen. Waxaan rajeynayaa in ay gogoshan ka soo baxdo natiijo dalka iyo dadka faa’iido u leh,” ayuu yiri R/Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble. Qoraalka uu soo saaray Rooble ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ugu baaqayaa Madaxda dowladda iyo saamileyda kale ee siyaasadda in fursaddaan looga faa’iideysto si daacadnimo leh, mar kastana Danta Guud laga hormariyo Danta Gaarka ah taas oo hore u marinaysa dhammeystirka geeddi socodka dowlad-dhiska Soomaaliya ee xilligan adag.” Sidaan oo kale, Siyaasiyiinta mucaaradka ee kala ah; Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre, iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyey gogosha wadatashi ee uu xalay ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku tilmaamay “tillaab dhanka wanaagsan loo qaaday.” Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen, ayey marka hore ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyeen munaasabadda Ciidul Fidriga, iyagoo Alle SWT ka baryey inuu “naga aqbalo cibaadadii Soonqaadka, quluubteennana isu-soodumo, midnimada iyo wadajirkeennana xoojiyo.” Siyaasiyiintan ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan gogosha wadatashiga, iyagoo xusay in “halista Argagaxisada iyo duufaanta is-beddelka siyaasadeed ee dunida ka socota waxay nagu waajibinayaan isku tanaasul, xisaabtan caqli ku dhisan iyo waaqicinnimo, si loo badbaadiyo jiritaanka qarannimadeena.” Hadalkan ka soo baxay siyaasiyiintan ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu khudbad uu xalay ka jeediyey uu ku shaaciyey inuu gogol u fidinayo siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha bulshada, si talooyinkooda ay ugu biiriyaan dagaalka Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam federaal ah, kuna shaqeysa dastuurka iyo sharciyada noo degsan.
  3. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa sheegay in uu aad ugu farxay baaqii nabadeed ee ka soo yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ku saabsanaa inuu gogol wadatashi ah u fidiyo siyaasiyiinta iyo dadka rayiga ka duwan. Axmed Madoobe waxa uu xusay in wadahadalku yahay fursad dahabi ah oo lagu gorfeeyo xallinta caqabadaha hortaagan horumarka dalka, si looga gudbo kala aragti duwanaanta ka dhex jirta ummadda Soomaaliyeed. Intaa waxaa dheer, Madaxweyne Axmed Madoobe waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay ciribtirka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, isaga oo caddeeyay in kooxdani ay tahay tan caqabadda ugu weyn ku ah koboca iyo baraaraha Soomaaliya. Waxaa uu ugu baaqay dhammaan dhinacyada siyaasadda dalka in aanay waqti ku lumin khilaafaadka aan micnaha lahayn, balse ay feejignaantooda isugu geeyaan sidii looga guuleysan lahaa argagixisada Al-Shabaab. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee si cad oo rasmi ah uga jawaaba codsiga Madaxweynaha Soomaaliya, kaas oo uu jeediyay fiidnimadii xalay. Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee Maamul Goboleedka Puntland, Mudane Maxamuud Caydiid Dirir, mar wax laga weydiiyay aragtida Puntland ee ku aaddan gogosha uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa iska fogeeyay inuu wax faahfaahin ah ka bixiyo arrintaas. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa horay u shaaciyay in Puntland ay soo dhaweynayso shir loo dhan yahay oo looga wada hadlo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka. Hadalkan kasoo baxay siyaasiyiintan ayaa yimid xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud khudbad uu xalay jeediyay uu si faahfaahsan u sheegay inuu gogol u fidinayo siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada, si ay talooyinkooda qiimaha leh ugu darsadaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku saleysan dimoqraadiyad iyo nidaam federaal ah, iyadoo la raacayo dastuurka iyo shuruucda dalka u degsan. Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku ammaanay fahamka wanaagsan ee hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ku aaddan in “aan Khawaarijta isku heysan, balse aan isku heysanno sidii loo dhisi karo dowlad dimoqraadi ah oo dalkeena ka hanaqaada.” Waxa kale oo uu yiri, “Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta, si ay aragtidooda ugu biiriyaan dagaalka lagaga hortagayo Khawaarijta,” isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyay ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ee nafahooda u huraya sidii dalka looga xoreyn lahaa Al-Shabaab. Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si ballaaran u mahadceliyay beesha caalamka, isaga oo qiray in “muddo dheer oo adag aad garab taagnaayeen Soomaaliya. Waxaad si hagar la’aan ah u taageerteen dib u dhiska dowlad casri ah oo dimoqraadi ah. Waad ku mahadsan tihiin, waxaad dalkeenna soo gaarsiiseen meel aysan suurtagal ahayn inuu maanta dib ugu laabto,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya. Soo dhaweynta gogoshan wadatashiga ah ee ka timid siyaasiyiintan waaweyn ayaa ku soo beegantay xilli dalku uu wajahayo caqabado dhanka amniga ah iyo isbeddello siyaasadeed oo xasaasi ah. Waxaa la filayaa in faahfaahinta dheeraad ah ee ku saabsan gogoshan ay soo baxdo maalmaha soo socda.
  4. 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐟𝐭𝐢𝐠𝐢𝐢 𝐮 𝐇𝐨𝐠𝐚𝐚𝐦𝐢𝐧𝐚𝐲𝐞𝐲 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐥𝐚𝐚𝐝𝐚 𝐜𝐢𝐢𝐝𝐚 𝐥𝐚 𝐭𝐮𝐤𝐚𝐝𝐚𝐲 𝐛𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐞𝐞𝐫𝐢𝐠𝐚𝐚𝐛𝐨. Madaxweyne Kuxigeenka Somaliland Md.Maxamed Cali Aw Cabdi iyo waftigii u hogaaminayey ayaa maanta salaada ciidal fidrida la tukaday shacabka ku dhaqan degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag. Madaxweyne kuxigeenka SL oo halkaasi kala hadlay shacabka reer Ceerigaabo ayaa siweyn ugu mahadnaqay sidii ay uga qayb qaateen qaramaynta ciidanka madaniga waxaana uu yidhi:- “Shacabka Ceerigaabo waxaan uga mahadnaqayaa sidii ay noola shaqeeyeen, waxaanan rajaynayaa in ceerigaabo sideedi hore ku soo noqon doonto, wali way taalaa gogoshi nabadeed ee aan ku baaqay. Walaalayaal sidoo kale waxan ceel afwayn u joognaa in aan Qaramayno Ciidanka Madaniga ah ee deegaanadan sidii aanu hore ugu balan qaadnay waqtigii aanu ololaha ku jiray, Ciidanka madaniga ahi waxay heli doonaan xuquuq dhamaystiran oo ay kaga mid noqonayaan, waxaan cadaynayaa in Ciidanka Milatariga Jamhuuriyada Somaliland ay ku filan yihiin difaaca Dalka iyo xuduudihiisa.” Ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka JSL . Qaran News
  5. Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Shiikh Ahmed, Ra’iisul Wasaarihii hore dalka Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo Warmurtiyeed wadajir ah soo saaray ayaa soo dhaweeyay gogosha wadatashi ee Madaxweyne Xasan Shiikh ugu baaqay hoggaamiyaasha siyaasadda iyo kuwa bulshada ee dalka. “Waxaan soo dhaweyneynaa gogosha wadatashi ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay, waxaana u aragnaa in ay tahay tillaab dhanka wanaagsan loo qaaday. Halista Argagaxisada iyo duufaanta is-beddelka siyaasadeed ee dunida ka socota waxay nagu waajibinayaan isku tanaasul, xisaabtan caqli ku dhisan iyo waaqicinnimo, si loo badbaadiyo jiritaanka qarannimadeena.” “Haddaba, si ay gogoshu u noqoto mid wax ku ool ah, natiijo mira dhal ahna u yeelato, looguna midoobo difaaca dalka iyo dagaalka argagixisada lagula jiro, waxaan dhowraynaa in faahfaahin dheeri ah laga helo, ajandaha, waqtiga iyo ka soo qaybgalayaasha aan looga maarmin ka mira dhalinta gogosha” ayay Warmurtiyeedkooda ku sheegeen Madaxweyne hore Shariif Shiikh Ahmed, Ra’iisul Wasaare hore, Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Hadalkooda ayaa yimid kaddib markii Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo xalay jeediyay khudbadda munaasabadda Ciidul Fitriga uu ku dhawaaqay in uu gogol u fidinayo Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda iyo kuwa Bulshada, si ay qeyb uga noqdaan dadaalka dowladdiisa ee ku jihaysan ciribtirka mileeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Shiikh Shariif, Xasan Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo so dhaweeyay gogoshii Wadatashi ee Madaxweyne Xasan Shiikh appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka ee kala ah; Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre, iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyey gogosha wadatashi ee uu xalay ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo ku tilmaamay “tillaab dhanka wanaagsan loo qaaday.” Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen, ayey marka hore ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyeen munaasabadda Ciidul Fidriga, iyagoo Alle SWT ka baryey inuu “naga aqbalo cibaadadii Soonqaadka, quluubteennana isu-soodumo, midnimada iyo wadajirkeennana xoojiyo.” Siyaasiyiintan ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan gogosha wadatashiga, iyagoo xusay in “halista Argagaxisada iyo duufaanta is-beddelka siyaasadeed ee dunida ka socota waxay nagu waajibinayaan isku tanaasul, xisaabtan caqli ku dhisan iyo waaqicinnimo, si loo badbaadiyo jiritaanka qarannimadeena.” Hase yeeshee, waxay intaa ku dareen in “si ay gogoshu u noqoto mid wax ku ool ah, natiijo mira dhal ahna u yeelato, looguna midoobo difaaca dalka iyo dagaalka argagixisada lagula jiro, waxaan dhowraynaa in faahfaahin dheeri ah laga helo, ajandaha, waqtiga iyo ka soo qaybgalayaasha aan looga maarmin ka mira dhalinta gogosha.” Hadalkan ka soo baxay siyaasiyiintan ayaa yimid kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu khudbad uu xalay ka jeediyey uu ku shaaciyey inuu gogol u fidinayo siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha bulshada, si talooyinkooda ay ugu biiriyaan dagaalka Khawaarijta iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam federaal ah, kuna shaqeysa dastuurka iyo sharciyada noo degsan. Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku bogaadiyey garashada wanaagsan ee hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee ku aaddan inaan “Khawaarijta aannan isku heysan, balse aan isku heysanno hanaanka loo dhisi karo dowlad dimoqraadi ah oo dalkeenna ka hirgasha.” Waxa uu sidoo kale yiri, “Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta, si aragtiyahooda ay ugu biiriyaan dagaalka Khawaarijta,” isagoo u mahadceliyey ciidamada qaranka Soomaaliyeed ee ku jira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Ugu dambeyntii, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si weyn ugu mahadceliyey beesha caalamka, isagoo qiray in “muddo dheer oo adag aad Soomaaliya lasoo garab istaagteen. Waxaad baga taageerteen dib-u-dhiska dowlad casri ah oo dimoqraadi ah. Waad ku mahadsan tihiin, waxaa dalkeenna soo gaarsiiseen meel aysan suurtagal ahayn maanta inuu dib ugu noqdo,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya. Soo dhaweynta gogoshan wadatashiga ah ee ka timid siyaasiyiintan caanka ah ayaa ku soo beegantay xilli dalku uu wajahayo caqabado dhanka amniga ah iyo isbeddello siyaasadeed oo xasaasi ah. Waxaa la filayaa in faahfaahinta gogoshan ay soo baxdo maalmaha soo socda. Hoos ka aqriso bayaanka mucaaradka
  7. MOGADISHU, Somalia – Key figures within Somalia’s political opposition have cautiously welcomed President Hassan Sheikh Mohamud’s recent call for a national consultative forum, describing it as a “positive step forward.” Former president Sharif Sheikh Ahmed, former prime minister Hassan Ali Khayre, along with politician Abdirahman Abdishakur Warsame, jointly issued a statement signaling their initial support for the dialogue initiative unveiled by President Mohamud during a televised address on the eve of Eid al-Fitr. In their communique, the opposition leaders first felicitated the Somali populace on the occasion of Eid al-Fitr, offering prayers for the acceptance of their Ramadan fast and the strengthening of national unity and cohesion. Their statement affirmed, “We welcome the invitation for consultations,” underscoring that “the enduring threat of terrorism and the evolving global political landscape necessitate a spirit of compromise, judicious deliberation, and pragmatic realism to safeguard our national sovereignty.” Awaiting specifics on agenda and key stakeholders However, the opposition leaders also emphasized the critical need for comprehensive details to ensure the efficacy and ultimate success of the envisioned forum. “For this platform to yield meaningful outcomes and foster genuine unity in the defence of our nation and the ongoing counter-terrorism efforts, we anticipate further clarification regarding the precise agenda, the proposed timeline, and the indispensable stakeholders whose participation is vital for the forum’s success,” they articulated. President Hassan Sheikh Mohamud, in his preceding address, had announced his intention to convene a broad spectrum of political actors and community leaders to solicit their insights and contributions towards bolstering the fight against “Khawaarijta” (widely understood to be a reference to the Al-Shabaab extremist group) and the establishment of a contemporary, democratic, and federal system of governance grounded in the constitution and existing legal frameworks. The President lauded the political leadership for their shared understanding that “we are not divided on the imperative to confront the Khawaarijta, but rather united in our aspirations to construct a robust democratic government that serves our nation’s interests.” Urgency of unified action against extremism “I am extending an invitation to all political stakeholders to contribute their perspectives to the ongoing campaign against the Khawaarijta,” President Mohamud declared, simultaneously expressing profound gratitude to the Somali National Army for its unwavering dedication to the struggle against Al-Shabaab. Furthermore, he sincerely appreciated the international community’s sustained support, acknowledging that “Throughout a protracted and arduous period, you have stood resolutely by Somalia. You have provided invaluable support for reconstructing a modern and democratic state. We extend our deepest thanks; you have helped our nation reach a point from which regression is no longer a viable prospect.” This cautiously optimistic response from prominent opposition figures emerges at a pivotal moment for Somalia as it continues its protracted struggle against the Al-Qaeda-affiliated Islamist insurgency of Al-Shabaab. The group, which has maintained a relentless campaign of violence for years, frequently orchestrates attacks in the capital, Mogadishu, and across various regions of the country. President Hassan Sheikh Mohamud, who secured re-election in May 2022, has made restoring security and stability a paramount objective of his administration. His government has been actively engaged in a concerted effort to counter Al-Shabaab’s influence, often in close collaboration with international partners. The term “Khawaarijta,” with its historical connotations of a radical early Islamic sect, is commonly employed in Somali discourse to denote extremist groups such as Al-Shabaab, highlighting their perceived deviation from mainstream Islamic teachings. Al-Shabaab’s overarching aim remains the overthrow of the internationally recognized Somali government and the imposition of its own austere interpretation of Sharia law. Sharif Sheikh Ahmed served as President of Somalia from 2009 to 2012. Hassan Ali Khayre held the office of Prime Minister between 2017 and 2020. Abdirahman Abdishakur Warsame has previously contested the presidential elections. Their collective, albeit conditional, acceptance of the dialogue initiative suggests a potentially significant step towards fostering greater political harmony within the nation.
  8. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masaajidka Isbahaysiga Islaamka kula oogay Salaadda Ciiddul Fidriga qaar kamid ah shacabka Muqdisho, masuuliyiinta hay’adaha iyo howlwadeennnada dowladda. Madaxweynaha ayaa Khudbad uu jeediyay Salaadda Ciidda kaddib ugu hambalyeeyay dhammaan muslimiinta meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan dadka Soomaaliyeed Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga oo astaan u ah is-jacaylka, midnimada iyo is garab istaagga dadka muslimiinta ah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku boorriyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqammada wanaagsan ee aynu mudnaanta siineynay muddadii Bishii Ramadaan, kuwaas oo ay ugu horreyso garab istaaga halyeeyada difaacaya Qaranka, kaalmada iyo u gargaaridda dadkeenna danyarta ah, ka shaqeynta danta guud iyo ducada ku aaddan in uu Alle inoo wanaajiyo dalkeenna, naguna gallado amni, xasillooni iyo barwaaqo. Madaxweynaha ayaa munaasabadda Ciidda awgeed, waxa uu si gaar ah ugu hambalyeey Taliyeyaasha, saraakiisha, askarta iyo qoysaska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka, kuwaasi oo difaacaya Qarannimada, midnimada iyo sharafka umadda Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Masajidka Isbahaysiga Islaamka Salaadda Ciidda kula oogay Shacabka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  9. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/03/AQO_H49pbRn5S7LQqQRM_wh4yDPbO-cqm_iekgJ4-V_ex8EXpitwRAnAwvTBIRXV95shdJt8YxEe3DEs_yYhnCTf.mp4 Qaran News
  10. Qaar kamida ah madaxda dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa soo dhoweeyay gogashii uu fidiyay madaxweynaha dalku, ayagoo ku baaqay in loo midoobo dagaalka Alshabaab iyo Daacish, iyo xaaladda adag ee Soomaaliya ay ku jirto. Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa war saxaafadeed ay wadajir u soo saareen ku sheegay inay soo dhoweynayaan gogasha uu madaxweynuhu fidiyay. Sidoo kale madaxweynaha Jubbaland oo khudbaddii munaasabadda ciidda kaga hadlay arrimo dhowr ah ayaa sheegay inay diyaar u yihiin ka qeyb-galka gogol walba oo looga hadlayo danta ummada iyo dowladnimada dalka, asagoo tilmaamay in dagaalka kooxaha Daacish iyo Alshabaab si wadajir ah loo wajaho. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowaan shaaciyay inuu gogol wada-hadal u fidinayo siyaasiyiinta ka aragtida duwan Xukuumadda, xilli Soomaaliya ay dagaal adag kula jirto kooxaha Daacish iyo Alshabaab, sidoo kalena ay wajahayso faragelin dibedda ah oo wadajirka iyo madax-bannaanideeda halis ku ah. Source: goobjoog.com
  11. Tel Aviv (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa amray hay’adda sirdoonka Mossad in ay aqoonsato waddamo oggolaan kara inay qaabilaan tiro badan oo Falastiiniyiin ah oo laga rarayo Marinka Gaza, sida lagu sheegay warbixin la shaaciyay Jimcihii. Inkasta oo dalal dhowr ah ay horey u qaabileen tiro yar oo ah Falastiiniin xanuunsan — badankoodna carruur ah oo loo qaaday daaweyn — haddana weli ma jiro waddan aqbalay inuu martigeliyo tiro bada oo reer Gaza ah. Sidoo kale, dadka reer Gaza laftooda ma muujinayaan rabitaan ah inay si ballaaran u guuraan. Si kastaba ha ahaatee, Israa’iil ayaa sii waddo dadaalka lagu doonayo in Falastiiniyiinta laga saaro Gaza, iyadoo taageero xooggan ka helaysa xubnaha xulafada midigta-fog ee xukuumadda Netanyahu, oo ay ka mid yihiin Bezalel Smotrich iyo Itamar Ben Gvir. Dadaalkaas ayaa helay dhiirrigelin siyaasadeed bishii hore markii madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, uu soo jeediyay qorshe ah in Mareykanku la wareego Gaza oo uu meesha ka saaro dhammaan dadka ku nool — oo gaaraya laba milyan. Trump ayaa dib uga laabtay qorshahaas aan si buuxda loo qeexin, isagoo sheegay inaanay jirin Falastiiniin si khasab ah loo rarayo, isla markaana beeniyay in qorshahaasi uu la macno yahay nadiifin qowmiyadeed. Israaiil waxay iyaduna sheegtay inaysan dadka reer Gaza ku qasbi doonin inay baxaan. Si kastaba, weli lama caddeyn sida dadkaas loogu qancin karo inay si iskood ah u guuraan, iyo waxa dhici doona haddii dadaalkaasi guul-darro ku dhaco. Sida lagu sheegay warbixin uy qortay warbaahinta Axios, dowladda Mareykanka ma ahan mid si firfircoon u hirgelinaysa qorshaha Trump, iyadoo ergayga Bariga Dhexe, Steve Witkoff, uu xoogga saarayo sidii dib loogu soo celin lahaa xabbad-joojinta iyo heshiiska lagu sii deynayo la-haysteyaasha ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas. Xiriirka Israel ee Soomaaliya iyo dalal kale Israaiil ayaa isku dayday inay buuxiso kaalintaas, iyadoo la gashay wadahadallo ay la leedahay dalal ay colaado ragaadiyeen sida Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan, iyo sidoo kale Indonesia iyo dalal kale, si loo eego suurtagalnimada inay qaabilaan Falastiiniin, sida lagu sheegay warbixinta Axios oo soo xiganaysa laba masuul oo Israa’iili ah iyo masuul hore oo Mareykan ah. Wadahadalladaasi illaa hadda wax natiijo ah lagama gaarin. Warbixinno hore ayaa sidoo kale muujinayay in Suuriya, Suudaan, iyo Somaliland — oo ah gobol gooni u goosed ah oo ka tirsan Soomaaliya — laga yaabo in loo arko meelaha suuragalka ah ee dadka reer Gaza loo raro, qorshe ay Israa’iil iyo Mareykanku si gaar ah isha ugu hayaan. Maamulka Falastiin iyo dalalka Carabta ayaa si xooggan uga horyimid dadaallada lagu doonayo in dadka reer Gaza lagu raro meel ka baxsan dhulkooda, iyagoo ku doodaya in dadkaasi ay xaq u leeyihiin inay ku sii nagaadaan Gaza. Waxay sidoo kale ka digeen in qorshahani uu hurin karo dagaallo cusub iyo kororka xagjirnimada. Israaiil iyo Mareykanka waxay ku doodayaan in Gaza aysan mar dambe ammaan ahayn kaddib in ka badan sanad iyo bar oo weerarro Israa’iil ah lagu bartilmaameedsaday kooxda Xamaas, sidaas darteedna dadka reer Gaza waa in la siiyo fursad ay ugu guuraan meel nabdoon. Hase yeeshee, diidmada Israa’iil ee ah inay si cad u ballanqaaddo in dadka baxaya loo oggolaan doono inay mar dambe ku soo noqdaan, ayaa sii xoojisay shakiga laga qabo ujeeddooyinkeeda. Trump ayaa markii ugu horreysay shaaciyay qorshahan xilligii Netanyahu uu booqday Aqalka Cad, intii lagu jiray dadaalladii lagu dhex-dhexaadinayay xabbad-joojinta iyo sii-deynta la-haysteyaasha — heshiis ay hormuud ka ahaayeen Mareykanka, Qatar iyo Masar. Heshiiskaasi wuxuu hakiyay dagaal socday 15 bilood oo ka socday Gaza, kaasoo bilowday 7-dii Oktoobar 2023, markii ururka Xamaas uu horkacay weerar ay ka qayb qaateen in ka badan 5,000 oo dagaalyahan oo ku duulay Koonfurta Israa’iil, halkaas oo ay ku dileen 1,200 oo qof, intooda badanna ay ahaayeen rayid, halka 251 kalena ay qafaasheen. Dagaalkaasi wuxuu Gaza u geystay burbur baaxad leh, taasoo dhalisay baahi degdeg ah oo loo qabo qorshe dib-u-dhis dhammaystiran, kaasoo Israa’iil ay ku adkaysatay inuu ka koobnaado maamul cusub oo beddela xukunka Xamaas. Masar ayaa si degdeg ah u soo bandhigtay qorshe kale oo Carbeed, kadib markii dalalka Carabta ay ka cabsadeen soo-jeedintii Trump ee ahayd in Gaza dib loogu dhiso sidii “Riviera-da Bariga Dhexe.” Qorshaha Carabta wuxuu soo jeedinayaa in guddi madax-bannaan oo ka kooban khubaro farsamo ay muddo lix bilood ah si ku-meel-gaar ah u maamulaan Gaza, kadibna ay maamulka ugu wareejiyaan Maamulka Falastiin. Waxa kale oo uu qorshuhu oggolaanayaa in dadka reer Gaza ay sii joogaan dhulkooda inta dib-u-dhisku socdo — taasoo si cad uga duwan qorshaha Trump oo doonaya in dhammaan dadka la raro. Dowladda Trump ayaa ilaa hadda diraysa fariimo is burinaya oo ku saabsan qorshaha Masar.
  12. Washington (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa Maraykanka usoo bandhigtay “maamul gaar ah oo hawleed” oo ay ku maamulayaan dekedaha istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed si looga hortago in Washington aqoonsato gobollada gooni u goosadka ah ee dalka. Warqad uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u diray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kuna taariikheysan Maarso 16, oo ay heshay Reuters, ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay Maraykanka usoo bandhigtay “hanti istaraatiiji ah” oo kor u qaadi karta saameynta Maraykanka ee gobolka, hubin karta marin aan hakad lahayn oo milatari iyo saadka ah, isla markaana looga hortagayo tartamayaasha shisheeye inay saldhig ka sameystaan marinka istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed. Hase yeeshee, goobaha la soo bandhigay — dekedda iyo saldhigga Berbera ee Somaliland iyo dekedda iyo saldhigga Bosaso ee Puntland — kama hoos shaqeeyaan dowladda Soomaaliya, balse Muqdisho waxay u aragtaa dhammaan goobahaas inay ka mid yihiin dhulkeeda qaran. Maxay diblomaasiyad ahaan ka dhigan tahay warqaddan? Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa BBC-da u sheegay in warqaddan ay ka muuqato “degdeg, tabardarri, iyo quus uu madaxweynaheennu qabo.” Wuxuu intaa raaciyey inaan loo baahnayn in la arko warqaddan. Danjire Cawad ayaa xusay inaysan muuqan in dalabku ka yimid dalka Maraykanka, oo ay ahayd inay muuqato doonistooda goobahan iyo in loo maro kanaallo diblomaasiyadeed oo labada dal ah. “Waraaqda ayaan ka garanaynaa haddii ay jirto. Warqaddu waxay ku bilaaban lahayd annigoo tixraacaya tixraacyo kulamo hore ama teleefoonkeenii hore, tixraac ayey yeelan lahayd, marka halkan tixraac kama muuqdo. Hadda qof kasta wuxuu doonayaa inuu Trump is jeclaysiiyo,” ayuu yiri Danjire Axmed Ciise Cawad. Maraykanka ayaa dhaqaale xooggan ku caawiya Soomaaliya, iyagoo sidoo kale tababara ciidamada Danab ee sida gaarka ah u tababaran. Madaxweyne Trump ayaa muddo xileedkiisii labaad ee Aqalka Cad qaaday tallaabooyin uu ku joojinayo dhaqaale badan oo Maraykanku ku kabi jiray dalalka saboolka ah ee dunida. Maxaa ka dhalan kara warqadda? Inkasta oo aysan dowladda Soomaaliya ka hadlin warqaddan ay aragtay Reuters, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa qaba inaysan muuqan ilaa hadda waxa Soomaaliya ay ka helayso dhankeeda qorshahan. Cawad ayaa qaba in warqaddan ay ka dhalan karto “inay cod xooggan siiso oo ka badan inta hadda codkoodu dhan yahay Somaliland, oo ay ka faa’iidaysato,” ayuu BBC-da u sheegay. “Dalka Soomaaliya, bad, berri, iyo hawada sare, waxaa mas’uuliyad qaanuuni ah ka saaran tahay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya guud ahaan Dowladda Federaalka oo keliya ayaa heshiis u geli karta. Qasab ma ahan in ay dowladda dalka oo dhan ka taliso…. “Sharci ahaan, heshiis way la geli kartaa dal kale sida Maraykanka isticmaalka hawada, dekedaha, iyo gegida diyaaradaha ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Heshiiskaasna waxa uu noqonayaa mid qaanuun ahaan sax ah,” ayuu yiri Dr. Ahmed Ali Khayre, oo ah Lataliye Sharci, Bare Jaamacadeed, PhD. Dekedda iyo saldhigga Berbera ee Somaliland ayaa ah meelaha ugu muhiimsan ee lagala socon karo dhaq-dhaqaaqa maraakiibta ganacsiga ee mara Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, si gaar ahna looga hortago weerarrada Xuutiyiinta. Sanadkii 2022, Somaliland ayaa si iskeed ah Maraykanka ugu bandhigtay inay adeegsato dekedda Berbera si loogu beddelo aqoonsi rasmi ah. Puntland, oo xiriirkii u jartay Muqdisho bishii Maarso ee sanadkii hore kadib khilaafyo siyaasadeed oo soo jiitamayay, waxay gacanta ku haysaa dekedda Boosaaso oo si istaraatiiji ah ugu taalla Gacanka Cadmeed, waana deked ganacsi oo muhiim ah. Waqtigan xaadirka ah, shirkadda DP World, oo ah shirkad caalami ah oo ka shaqaysa saadka lagana leeyahay Imaaraadka Carabta, ayaa gacanta ku haysa hawlgallada dekedaha Berbera iyo Boosaaso.
  13. Xilli maanta dalalka Islaamka intooda badan ay u tahay maalinta koobaad ee ciidul fidriga ayaa magaalooyin iyo deegaanno kamid ay Soomaaliya laga soomanyahay, ayadoo dadka ku nool qaarkood ay sheegeen inaysan bishii arkin, sidaas awgeedna ay 30-ka Ramadaan dhammeystirayaan. Magaalooyinkaas waxaa kamid ah Caabudwaaq, Guriceel, Gaalkacyo,magaalada Garoowe dadka ku nool qarkood, iyo meelo kale, sida ay inoo sheegeen xog-ogaal u waramay goobjoog. Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka sida joogtada ah laysugu khilaafo dhalashada bilaha Soonka iyo Soon-furka, iyo xittaa ciidda Carafo, ayadoo dadka gobollada ku nool qaarkood ay maalinta labaad ciidaan. Source: goobjoog.com
  14. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul uga jawaabtay warqad ay sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u diray Maraykanka, taasoo lagu codsanayay in Washington la wareegto maamulka dekedaha Berbera iyo Boosaaso si looga hortago aqoonsiga Somaliland. Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa sheegay in tallaabada Madaxweyne Xasan Sheekh ay muujinayso xasillooni-darro siyaasadeed iyo dadaal kasta oo lagu horjoogsanayo aqoonsiga Somaliland. “Waa arrin muujinaysa in hoggaaminta Xasan Sheekh ay tahay mid aan culayska qaadi karin, khaasatan marka la eego arrimaha Somaliland. Mar kasta oo uu maqlo aqoonsiga Somaliland, nooc waali ah ayuu galayaa. Xusuuso waalida ka haysatay heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya oo gaadhay heer uu heshiis qarsoodi ah la galo Turkiga,” ayuu yidhi Wasiir Ayaanle. Waxa uu intaa ku daray in xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanku uu yahay mid qoto dheer oo soo bilaabmay wakhti hore, gaar ahaan golayaasha sharci-dejinta Maraykanka. Wasiirka ayaa xusay in xeerka cusub ee difaaca Maraykanka lagu daray qodobo qasab ka dhigaya in Somaliland lala macaamilo, taasoo muujinaysa in Maraykanku noqon doono dalka ugu horreeya ee Somaliland aqoonsada. “Maraykanku wuxuu noqon doonaa dalka ugu horreeya ee Somaliland aqoonsada,” ayuu yidhi Wasiir Ayaanle, isaga oo xusay in Somaliland diyaar u tahay inay noqoto dowlad walaal la ah Soomaaliya oo gacan ka geysata dib u dhiska dalkaas. Wasiir Ayaanle ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu diyaariyay warqado badan oo uu u diray Washington si looga hor istaago aqoonsiga Somaliland. “Wuxuu diyaar u yahay inuu Soomaaliya oo dhan bixiyo si uu uga hortago aqoonsiga Somaliland,” ayuu yidhi, isaga oo intaa ku daray in laga yaabo in ay jiraan waraaqo kale oo aan weli la arag oo Soomaaliya u dirtay Maraykanka. Jariiradda Semafor iyo wakaaladda wararka ee Reuters ayaa baahiyay warqad Madaxweyne Xasan Sheekh uu Maarso 16 u diray Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, taasoo lagu codsaday in Maraykanka la wareego maamulka dekedaha Berbera iyo Boosaaso si looga hortago aqoonsiga Somaliland. Warqadda ayaa lagu xusay in Soomaaliya ay Maraykanka usoo bandhigtay “maamul gaar ah oo hawleed” oo lagu maamulayo dekedaha istaraatiijiga ah ee Gacanka Cadmeed si loo xoojiyo saameynta Maraykanka ee gobolka, looga hortago tartamayaasha shisheeye, loona hubiyo marin aan hakad lahayn oo milatari iyo saadka ah. Hase yeeshee, Wasiir Ayaanle ayaa sheegay in goobaha la xusay — dekedaha iyo saldhigyada Berbera ee Somaliland iyo Boosaaso ee Puntland — aanay ka hoos shaqaynin dowladda Soomaaliya. “Muqdisho waxay u aragtaa dhammaan goobahaas inay ka mid yihiin dhulkeeda qaran, balse xaqiiqadu waa in Somaliland iyo Puntland ay si gaar ah u maamulaan goobahaas,” ayuu yidhi. Wasiirka ayaa ku adkaystay in dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay maamulkii dalka, isla markaana warqadda ay u dirtay Trump waxba kama beddeli karto xaqiiqada ah in Somaliland ay heli doonto aqoonsi. “Haddii Somaliland hesho aqoonsi, waxay noqon doontaa dowlad walaal la ah Soomaaliya oo qayb ka qaadan doonta dhismaha Soomaaliya,” ayuu yidhi Wasiir Ayaanle.
  15. 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 𝐉𝐒𝐋 𝐨𝐨 𝐭𝐮𝐤𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐚𝐥𝐚𝐚𝐝𝐢𝐢 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐮𝐥-𝐟𝐢𝐝𝐫𝐢𝐝𝐚 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛-𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐪𝐚𝐚𝐫 𝐤𝐚𝐦𝐢𝐝 𝐚𝐡 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐫𝐠𝐞𝐲𝐬𝐚. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa kumanaan kun oo kamid ah shacabka ku dhaqan caasimadda Somaliland ee Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda Ciidul-fidrida oo maanta la oogay. Madaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada kala duwan ee qaranka iyo xubno kale oo katirsan xukuumadda, ayaa tukashada salaadda Ciidul-fidrida kala qayb-galay kumanaan qof oo ku tukanayey Masjid-Jaamaca Magaalada Hargeysa, waxanu salaadda kaddib bulshada u jeediyey khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa, taas ku salaysan muhiimadda ay leedahay nabada wada-jirka iyo isku duubnimada bulshadu. Ugu horrayn, Madaxweyne Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa bulshada Somaliland Alle uga baryey inuu ka aqbalo cibaadadii, soonkii iyo acmaashii wanaagsanayd ee ay soo sameeyeen bishii barakaysnayd ee Ramadaan. Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa guud ahaanba shucuubta Islaamka, gaar ahaanna shacabka reer Somaliland ku bogaadiyey maalinta Ciidul-fidrida isaga oo Eebbena uga baryey inuu sanadkan sanadkiisa ku gaadhsiiyo, barwaaqo iyo dambi-dhaaf. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫), 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝. Qaran News
  16. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saaka Salaadda Ciidda la tukaday cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo dadweynaha ku dhaqan magaalada Nambar 50 ee gobolka Shabellaha Hoose. Ra’iisul Wasaaraha oo tuutaha dagaalka xirtay ayaa ku sii jeeda furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose, asagoo sidoo kale booqan doona xerada ciidamada ee balli-doogle sida ila xog-ogaal ahi sheegayaan. Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, halkaas oo todobaadyadii la soo dhaafay ay ka socdeen dhaqaaqyo ciidan iyo iska hor-imaadyo toos ahi. Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo inta badan khudbadiisii Ciidda uga hadlay dagaalka Al-Shabaab iyo heerka ay gaarsiisan tahay ka go’naashihiisa in laga guuleysto kooxdaas, ayaa ugu horrayn aad u amaanay ciidamada qaranka, isagoo u sameeyey ballan-qaadyo muhiim ah. Xasan Sheekh ayaa khudbaddan ku caddeeyey in wax kasta ay uga muhiimsan tahay soo afjaridda kooxda Al-Shabaab, isagoo yiri: “Waxaa naga go’an wax kasta iyo qiimo kasta inaan u hurno sidii loo gaari lahaa dhammaadka cadowga Khawaarijta ah ee umadda Soomaaliyeed, oo hadda maraya rajadii ugu dambeysay.” Madaxweynaha, oo si dadban u xusay weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee Al-Shabaab ay la beegsadeen kolonyadiisa, ayaa yiri: “Wax kasta oo dhaca nama cabsi gelinayso tallaabooyinka naf-la-caariga ah ee ay sameynayaan Khawaarijtu.” Madaxweyne Xasan Sheekh, oo sii muujiyey sida uu dagaalkan uga go’an yahay, ayaa intaas ku sii daray: “Aniga oo ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda, suurtagal ma aha inaan aamino in karaamo madaxtinimo iyo sharaf aan yeelanayo inta qof argagixiso ah uu khatar ku yahay jiritaankeena, sharafteena, iyo midnimadeena.” Madaxweynaha ayaa caddeeyey in dowladda Soomaaliya ay ku kalsoontahay Ciidamada Qaranka oo ka adkaaday Khawaarijta. “Waan ku kalsoonahay in guushu dhowdahay, waxaana ugu baaqayaa ciidamadeenna joogtaynta jihaadka,” ayuu yiri. Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay in dowladdu ay mudnaanta koowaad ilaa saddexaad sii doonto ciidamada qaranka, tayeyntooda, qalabeyntooda, iyo horumarintooda: “Nin lagu seexdow ha seexan, ciidamadeenow dadkeenu idinkey idinku jiifaan.” Sidoo kale, shacabka Soomaaliyeed ayuu Madaxweynuhu u sheegay in la soo dhaafay xilligii laga cabsan jiray koox yar oo Khawaarij ah, oo aan ‘dalka, dadka, iyo diinta midna u naxaynin.’ “Waa ku mahadsan tihiin taageerada aad u heysaan, una muujiseen ciidamada qaranka,” ayuu yiri. Madaxweynaha ayaa caddeeyey in aysan jirin cid gabaad u noqon karta Khawaarijta. “Dhammaan ballamihii aan galnay waxay caddeynayaan in aysan jirin cid loogu dulqaadan doono garab siinta Khawaarijta. Ka fogaada goobaha ay joogaan, waa noo hadaf, waana la beegsanayaa,” ayuu yiri. “Umadda Soomaaliyeed waxay leedahay oo mar dhow qormi doonta taariikh loo diiwaan gelin doono waagii Khawaarijta la jebiyey. Qof kasta ha raadsado halkii uu taariikhdaas uga qormi lahaa. Waxa is haya waa xaqa iyo baadilka, waxaana guuleysanaya xaqa, sida Ilaahey noogu caddeeyey Qur’aankiisa,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
  18. Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku dhawaaqay gogol ay isugu imaanayaan siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha bulshada si looga arrinsado dagaalka ka dhanka ah Shabaab iyo dhismaha dawladnimo casri ah. Tallaabadan ayaa la doonayaa in xal mideysan looga gaaro arrimaha amniga iyo xasilloonida dalka, si loo xaqiijiyo horumarka mustaqbalka ee Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa sheegay in kulanka uu diiradda saari doono sidii loo heli lahaa is-afgarad qaran oo ku aaddan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah, kuwaas oo khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida dalka. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in muhiim ay tahay in la xoojiyo hannaanka dawlad-dhisidda, lana helo nidaam mideysan oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Fursadda Puntland iyo Jubbaland Shirkan ayaa fursad weyn u ah maamulada Jubbaland iyo Puntland si ay u soo bandhigaan tabashadooda iyo aragtidooda ku aaddan mustaqbalka Soomaaliya. Labadan maamul ayaa horey u muujiyay baahida loo qabo in la helo wadatashi qaran oo dhammaan dhinacyada ay ka qeyb qaataan, si xal waara loogu helo caqabadaha jira. Puntland iyo Jubbaland ayaa fursad u heli doona in ay miiska wadahadalka keenaan aragtidooda iyo doorkooda ku aaddan dhismaha dowladnimada. Saameynta Shirkan iyo Rajada Mustaqbalka Shirka uu iclaamiyay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa loo arkaa mid fursad u ah xal u helidda caqabadaha waaweyn ee haysta Soomaaliya, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha Shabaab iyo hanaanka doorashooyinka. Si loo xaqiijiyo midnimo qaran, waxaa muhiim ah in dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyadu ay yeeshaan wadashaqeyn dhab ah, si loo helo isfaham buuxa oo lagu wada qanacsan yahay. Iyadoo xaaladdu ay weli cakiran tahay, waxa la sugayaa tallaabada xigta ee Madaxweynaha iyo sida ay Puntland iyo Jubbaland uga faa’iideysan doonaan fursaddan si ay u muujiyaan baahidooda iyo aragtidooda. Waxaana laga dhursugayaa in wadahadalladu suurtagal noqon karaan, iyo in uu shirkan horseedi karo is-afgarad qaran. sidoo kale Siyaasiyiinta diidan hanaanka doorashada qof iyo cod ayaa dhankooda loogu baaqay in ay ka qeyb galaan hanaanka wadatashiga ee Madaxweynaha si loogu heshiiyo hanaan lagu wada qanacsan yahay. Muddo dheer ayay Mucaaradka ugu baaqaayeen Madaxweynaha in uu furo hanaanka wadatashiga balse waxaa caqabad noqon doonta haddii aan laga faa’iideysan. Source: goobjoog.com
  19. Ceelgaras, Galmudug – Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelgaras ee bariga Dhuusamarreeb ayaa sheegaya in dagaal culus uu halkaasi ka qarxay, kaas oo u dhexeeya ciidamada deegaanka iyo kooxda Al-Shabaab. Dagaalka ayaa billowday kaddib markii ciidanka deegaanka ay weerar ku qaadeen fariisimo ay kooxda AS ku lahayd deegaanka. Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku sugan halkaasi, labada dhinac ayaa isku adeegsanaya hub culus, waxaana jira khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyada dagaallamaya. Weli lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka. Dowladda iyo saraakiisha ammaanka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dagaalkan, hase yeeshee waxa uu imaanayaa xilli howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka socdaan deegaano ka tirsan Galmudug. Wixii warar ah ee ku soo kordha dagaalka Ceelgaras, waan idinla socodsiin doonaa. Source: goobjoog.com
  20. Taliska Ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM) oo xalay warsaxaafadeed soo saaray ayaa shaaciyay in ay Sabtidii duqeymo kala duwan ka fuliyeen degaanno koonfur bari ka xiga magaalada Boosaaso, halkaasi oo ay ku sugan yihiin mileeshiyaad ka tirsan Daacish. Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM oo si kooban u soo saaray qiimayn hordhac ah ayaa sheegay in tiro kamid ah dagaallamayaasha Daacish lagu dilay duqeymahan, islamarkaana aysan jirin wax khasaaare ah oo rayidka ka soo gaarin “qiimaynta hordhac ah waxay muujinaysa in tiro kamid ah dagaallamayaasha Daacish ku dhinteen duqeymaha islamarkaana aysan jirin cid rayid ah o waxyeello ka soo gaartay” ayuu yiri Taliska AFRICOM. Dhinaca kale, bayaan kooban oo ka soo baxay xafiiska Warbaahinta u qaabilsan hawlgalka ciidamada difaaca Puntland ee Calmiskaad ayaa lagu sheegay in mileeshiyaadka Daacish lagu beegsaday duqeymo xooggan oo ay fuliyeen saaxiibada Puntland ee Mareykanka gaar ahaanna Taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM). Dowladda Puntland waxay sheegtay in duqeymahaasi oo ka dhacay degaanno jihada koonfur bari kaga beegan magaalada Boosaaso ay sababeen khasaare gaaray mileeshiyaadka argagixisada ah ee Daacish, waxayna intaasi raacisay in dib laga sheegi doono faahfaahinta khasaaraha rasmiga ah ee gaaray dagallamayaasha argagixisada ah. PUNTLAND POST The post Mareykanka iyo Puntland oo ka warbixiyay khasaaraha duqeymihii shalay ka dhacay Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
  21. Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay jeediyay khudbadda munaasabadda Ciidul Fitriga ayaa ku dhawaaqay in uu gogol u fidinayo Hoggaamiyeyaasha Siyaasadda iyo kuwa Bulshada, si ay qeyb uga noqdaan dadaalka dowladdiisa ee ku jihaysan ciribtirka mileeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab. “Waxaan gogol u fidinayaa siyaasiyiinta iyo hogaamiyaasha bulshada si aragtidooda iyo dadaalkooda uu qeyb ugu noqdo dagaalka khawaarijta iyo dhismaha dowladnimmo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad iyo nidaam Federaal ah, kuna shaqeyso dastuurka iyo sharciyada inoo dagsan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. “Hoggaamiyaasha siyaasadeed waxaan uga mahadcelinayaa garashadooda wanaagsan, ee inaan khawaarijta isku haysanin afkaar siyaasadeed, ee aan isku haysano jiritaanka dowlad Soomaaliyeed oo xor ah, waxaan soo dhaweyneynaa garaadka wanaagsan ee lagu ilaalinayo midnimadeenna” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh sii raaciyay Hadalkiisa. Baaqyada maalmihii u dambeeyay ka imaanayay Xubnaha Mucaaradka iyo Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka ayaa loogu jeedinayay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu dhigo gogol qaran oo looga arrinsado xaalada cakiran ee siyaasadda gudaha, isla markaana Madaxweynuhu furo Saaxadda siyaasadda (Political Space) si dalka uu Midnimo Qaran ugu wajaho la dagaalanka Argagixisada. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo gogol u fidiyay Hoggaamiyaasha Siyaasadda iyo kuwa Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  22. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo farriin hambalyo ah oo ku addaan ciiddul fidriga u diray dadweynaha Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay inay ka qeyb-qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, asagoo xusay in inta qof argagixiso ahi uu dalka joogo aanu dareemayb wax sharaf iyo gobannimo ah. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in mudnaanta koobaad uu siinayo qalabaynta iyo tayaynta Ciidanka Qaranka, asagoo sheegay in koox tiro yari aysan cabsi gelin karin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan oo ka hadlayay dadka cabsida ka muujinaya weerarada Alshabaab ayaa ku tilmaamay qolyo qalbiga ka jirin, asagoo intaas ku daray in lala xisaabtami doono kuwa u haysta in dowladda iyo dadka Soomaaliyeed oo isku dhinac ah iyo Alshabaab ay yihiin laba kooxood oo loolamaya. Source: goobjoog.com
  23. The Leak That Ended a Presidency: How Washington Turned on Hassan Sheikh Mohamud The collapse of U.S. confidence in President Hassan Sheikh Mohamud didn’t come with a press release. It came with a leak—a cold, calculated release of a private letter from the Somali president to the U.S. President Donald J. Trump. The letter itself was unremarkable, but its disclosure was anything but accidental. It was a warning. Widely interpreted as a deliberate act of dissent from within the U.S. Embassy in Mogadishu, the leak signaled the end of Washington’s patience with Mohamud’s leadership—a relationship that had been steadily unraveling for months. The letter—intended to secure U.S. support—backfired. It exposed a weakened president pleading for help while his government lost credibility domestically and internationally. According to multiple sources, the leak originated from embassy officials fed up with President Mohamud’s defiance, paranoia, and inaction. “This was not an accident,” said one senior U.S. official. “It was a deliberate signal that the relationship is over.” That signal marked a decisive rupture between President Hassan Sheikh Mohamud and the American diplomatic establishment. U.S. and regional officials point to his failure to control Somalia’s security landscape and his obstruction of counterterrorism efforts. “The leak was a shot across the bow,” said another senior official. “We’re done covering for him.” The fallout follows months of unfulfilled commitments, strategic defiance, and a pattern of provocation. Tensions peaked when Mohamud’s government publicly dismissed a U.S. Embassy security advisory, calling it baseless—a move seen as both reckless and deliberately antagonistic. The final blow came when he delayed firing his Defense Minister despite repeated U.S. requests. When he finally acted, he blamed U.S. pressure, triggering backlash in Washington. Officials saw this as an attempt to undermine American diplomacy and shift accountability. Inside the White House, the verdict is clear: “He’s out of alignment with every key regional and security interest we have,” said a senior administration official. The Trump administration is now exploring alternative Somali leaders—those who can restore institutional credibility, rebuild trust, and cooperate on counterterrorism. Across the State Department, Pentagon, and National Security Council, officials describe Mohamud as unreliable, politically paralyzed, and self-interested. Within the U.S. Embassy in Mogadishu, the mood is described as one of cold hostility, driven by what many see as a pattern of lies, broken promises, veiled deals with foreign actors, and growing paranoia. “There’s a shared view now,” said one diplomat. “He is dangerous to Somalia, and he can’t be trusted. He says the right things behind closed doors but constantly undermines U.S. efforts on the ground.” With Washington’s patience exhausted, the policy conversation has shifted to contingency planning. Senior officials are engaged in internal discussions over a potential political realignment in Somalia. “The question is no longer if there will be a transition,” said a National Security Council official. “It’s when—and how soon.” No one is calling it regime change, but no one is defending Mohamud either. “His credibility is gone. So is our patience.” More broadly, regional partners have grown alarmed by Mohamud’s inconsistent and transactional diplomacy. Officials in Cairo, Riyadh, Abu Dhabi, Doha, Nairobi, and Addis Ababa, who have long expressed concern over his erratic posture, now view his leadership as a source of regional instability and confusion—not because of one specific alignment, but because of a broader pattern of half-truths, broken promises, contradictory deals, and amateur statecraft. • In Cairo, officials are frustrated by Mohamud’s simultaneous outreach to Ethiopia, a direct competitor, after having publicly committed to Egypt’s position on the Nile dispute—a move viewed as duplicitous and reckless. • In Abu Dhabi, diplomats cite repeated instances where Mohamud has agreed to regional security cooperation, only to later backtrack or sideline Gulf-led initiatives in favor of ad hoc bilateral deals elsewhere. • Even Riyadh and Doha, which had maintained more neutral ties, have begun to step back, describing Somalia’s foreign policy under Mohamud as chaotic, contradictory, and driven by short-term political needs rather than strategic vision. For now, President Hassan Sheikh Mohamud remains in office. But his government is isolated, his allies are vanishing, and his enemies—inside and outside the country—are circling. The letter meant to save his presidency may instead become the document that sealed its unraveling. https://www.reuters.com/world/africa/somalia-offers-us-exclusive-control-air-bases-ports-2025-03-28/ Qaran News
  24. Dubai: Saudi Arabia has announced that Sunday, March 30, 2025, will be the first day of Eid Al Fitr, after the Shawwal crescent moon was sighted on Saturday evening. Source: Hiiraan Online
  25. Si looga dhigo Maraykanku waddan amaan ah, xooggan, oo barwaaqo ah, Madaxweyne Trump wuxuu xaqiijinayaa in sharciga socdaalka ee Maraykanka la raaco. Haddii aad isku daydo inaad si sharci darro ah ku soo gasho Maraykanka, aad been u sheegto si aad u hesho fiiso, aad ka shaqayso si aan sharci ahayn, ama aad sii joogto Maraykanka ka dib marka fiisahaaga ama muddada oggolaanshaha fiisaha dhammaato, waxaad la kulmi doontaa ganaaxayo culus. Waxaana ka mid ah xabsi, masaafurin, iyo mamnuuc joogto ah oo ka hor istaagaya helitaanka fiiso Maraykan ah mustaqbalka. Haddii aad leedahay qoys ama saaxiibo ku sugan Maraykanka si sharci darro ah, hadda waa waqtigii aad u sheegi lahayd inay waddankooda ku soo laabtaan. Hadaa Isku Daydid Inaad Si Sharci Darro Ah Ku Gasho Ama Ku Joogto Maraykanka Waa lagu Qabaneyaa. Qaar ka mid ah dadka waxay aaminsan yihiin inay si dhuumaalaysi ah ku geli karaan Maraykanka oo aysan la kulmi doonin in la qabto. Taasi waa mid aan run ahayn. Maamulka Madaxweyne Trump wuxuu xoojiyey ammaanka xuduudaha wuxuuna si weyn u kordhiyey tirada ajaaniibta sharci darrada ah ee la qabto lana masaafuriyo. Bishii Febraayo 2025, isku dayga in si sharci darro ah loo soo galo xadka ayaa hoos u dhacay 94% marka la barbar dhigo Febraayo 2024, halka qabashada dadka xadka si sharci darro ah uga soo gudbay ee ku sugan gudaha Maraykanka ay kordheen 627%. Haddii aad isku daydo inaad xadka Maraykanka si sharci darro ah uga soo gudubto ama aad sii joogto gudaha Maraykanka si sharci darro ah, waa laguu qaban doonaa, waxaana laguugu celin doonaa waddankaaga. Waxa kale oo laga yaabaa in lagaa mamnuuco soo laabashada mustaqbalka ama lagugu soo oogo ganaaxyo iyo dacwad ciqaabeed. Khayaanada Fiisaha Maraykanka Waxay Leedahay Cawaaqib Xumo Culus Habka lo helo fiisaha Maraykanka waa kan ugu fudud uguna amaansan caalamka. Hasa ahaate, qaar ka mid ah dadka ayaa weli si aan caqli gal ahayn isku dayaya inay khiyaameeyaan nidaamka iyagoo isticmaalaya dukumiintiyo been abuur ah, ku been sheegaya codsiyada, ama sii joogaya ka dib marka fiisahooda dhaco. Kuwani waa tusaalooyin khiyaano fiise, waana dembi culus. Haddii aad jebiso sharciga qaabkan, waa laguu ciqaabi doonaa, waana laga yaabaa in aanad mar dambe loguu ogolaanin in aad gasho Maraykanka. Safarka Xadka Maraykanka Waa Khatar Kuwa ka fikiraya inay qaadaan safarka halista ah si ay si sharci darro ah ugu gudbaan gudaha Maraykanka, waa muhiim inaad fahanto in amnigaaga – xataa naftaadu – ay khatar ku jirto. Kooxo dambiileyaal ah, kartelo (Muuriyaan), iyo dadka ka ganacsada bani’aadamka ayaa bartilmaameedsada muhaajiriinta sharci-darrada ah, iyaga oo u geysanaya rabshado, baad, iyo weeraro. Dad badan oo isku daya safarkan ayaan waligood gaarin meesha ay u socdaan. Maraykanku wuxuu la shaqeynayaa dalalka kale ee ka tirsan Hemisphere-ga Galbeed si loo joojiyo oo loo celiyo dadka isku daya inay si sharci darro ah ku soo galaan xadka ka hor inta aysan gaarin xadka Maraykanka. Adkeynta xuduudaheena, ma aha oo kaliya inaan ilaalineyno muwaadiniinta Maraykanka, laakiin sidoo kale waxaan ka hortageynaa dhibaatooyinka ay keenaan socdaalka sharci-darrada ah. Madaxweyne Trump wuxuu la xisaabtami dona Qof Kasta Dawladda Maraykanku waxay sidoo kale tallaabo ka qaadaysaa kuwa ka caawiya dadka inay si sharci darro ah ku galaan dalka. Tan waxaa ku jira kuwa wax tahriibiya, kuwa ka ganacsada dadka, iyo xataa saraakiisha dowladaha shisheeye ee u oggolaada socdaalka sharci darrada ah inuu sii socdo. Dhawaantan, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio wuxuu ku dhawaaqay sharci cusub oo xaddidaya fiisaha saraakiisha ajnabiga ah – oo ay ku jiraan shaqaalaha laanta socdaalka, kastamka(furdadaha), iyo maamulka dekedaha – kuwaas oo ku guuldareysta inay caawiyaan joojinta socdaalka sharci darrada ah. Tani waxay ku dhisan tahay xaddidaadyo la mid ah oo horey u jiray oo loogu talagalay kuwa ku jira warshadaha gaadiidka iyo dalxiiska. Kuwa khatar ku ah ammaanka Maraykanka iyagoo fududeynaya socdaalka sharci darrada ah laguma soo dhoweyn doono dalkeenna. Goanka adigaa iskaleh– Raac Sharciga Khatarta isku dayga in si sharci darro ah loogu soo guuro Maraykanka way ka badan tahay faa’iido kasta oo macquul ah. Waxaad lumin kartaa noloshaada, waxaad noqon kartaa dhibbane u ah dambiilayaal, ama waxaad ku dambayn kartaa rikoodh dhaawacaya mustaqbalkaaga iyo mustaqbalka qoyskaaga. Soo galidda sharci darrada ah ma aha oo kaliya jebinta sharciyada Maraykanka, laakiin sidoo kale waxay khatar gelinaysaa badbaadadaada iyo wanaaggaaga. Ganaxu waa kuwo culus: xabsi, kala go’id qoyskaaga, iyo mamnuucid joogto ah oo ka hor istaagaysa soo gelidda Maraykanka mustaqbalka. Haddii aad taqaanid qof ku sugan Maraykanka si sharci darro ah, waxa ugu wanaagsan ee aad samayn karto waa inaad ku dhiirigeliso inuu hadda ka tago ka hor inta aan la qaban. Farriintu waa mid cad: dooro goanka saxda ah, raac sharciga, hana khatar gelin badbaadadaada, qoyskaaga, ama mustaqbalkaaga. Source: goobjoog.com