-
Content Count
203,493 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa Maanta oo Khamiis ah Xilka qaadis ku sameeyay Xoghayihii Dowladda Hoose ee degmada Garoowe. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiir Cabdi Faarax Juxaa ayaa xilka looga qaaday Xoghayihii Dowladda Hoose ee Caasimadda Garoowe Maxamuud Cali Gurey waxaana lagu magacaabay Xoghaye cusub. Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland ayaa u magacaabay Xoghayaha Dowladda Hoose ee Caasimadda Garowe Cabdalle Maxamed Cabdalle (Kaylaco), sida lagu sheegay Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Wasiirka. Halkaan ka akhriso Magacaabista PUNTLAND POST The post Cabdalle Kaylaco oo loo magacaabay Xoghayaha Dowladda Hoose ee Caasimadda Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Todobaad kaddib marki uu kaga guuleystay doorashadi madaxtinimo ee Mareykanka, ayuu madaxweynaha dooran ee Mareykanka Donald Trump booqasho ku tegey Aqalka Cad, kaddib casuumaad uu ka helay madaxweynaha xilka ka sii dagaya ee Joe Biden. Kaddib muddo laba saac ah oo ay ku wada sugnaayeen Aqalka Cad, ayay Biden iyo Trump ballan qaadeen xil wareejin nabad ah oo ay talada ku kala wareegaan marka la gaaro 20-ka bisha January ee sannadka soo socda ee 2025-ka. afhayeenka Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre ayaa wariyaasha u sheegtay in kulanka uu ahaa mid wax ku ool ah. Waxay kaloo sheegtay in labada mas’uul ay ka wada hadleen qodobo ay ka mid ahaayeen arrimaha muhiimka ah ee amniga qaranka, iyo siyaasadaha gudaha iyo dibadda. Mareykanka waxaa dhaqan siyaasadeed ka ah, in madaxweyanaha xilka kasii dagaya uu Aqalka Cad ku casuusmo madaxweynaha la doortay ee baddali doono, si loo muujiyo biseylka dimoqraadiyadda iyo in xil wareejintu u dhacdo si nabad ah. Waxay aheyd marki ugu horreysay oo uu Trump booqday Aqalka Cad tan iyo marki uu ka tagay xafiiska bishii Jannaayo ee sannadki 2021-ki, markaas oo uu doorashadi 2020-ki uga guuleystay Joe Biden. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Joe Biden oo Aqalka Cad ku soo dhaweeyay Madaxweynaha la doortay ee Donald Trump appeared first on Puntland Post.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Jubbaland ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kadib markii maleeshiyaadka kooxda ay weerar ku qaadeen deegaanka Buulo-xaaji, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Ciidamada daraawiishta ayaa saaka isku fidiyay aagga Buulo-xaaji, waxayna beegsadaan goobo lagu tuhamayay maleeshiyaadka Al-Shabaab, si ay uga jawaabay weerarka. Howlgalka oo weli sii socda ayaa lagu warramayaa in ay barbar socdaan iska hor imaadyo ay kala kulmayaan xubnaha Al-Shabaab oo weli ku xoogan halkaasi. Saraakiisha ciidanka Jubbaland waxa ay sheegeen inay sii dhaqaaqi doonaan, si kooxda looga fogeeyay aagga magaalada Buulo-Xaaji oo dhawaan uun laga xoreeyay. Weerarkii shalay oo ahaa mid xoogan ayaa Al-Shabaab waxa ay sheegeen inay ku dileen 3 askari, kuna dhaawaceen 9 kale, balse ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Jubbaland. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Jubbada Hoose. Howlgalladan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan ay dagaalka keli ku noqdeen ciidamada Jubbaland, kadib markii dhowaan maamulka uu sheegay in ciidamada dowladda ay kasoo baxeen furimaha hore, iyaga oo arrintaas ku eedeeyay hoggaanka Villa Soomaaliya. Jubbaland iyo dowladda dhexe ayaa waxaa haatan soo kala dhex-galay khilaaf salka ku haya doorashooyinka, kaas oo sababay in Jubbaland ay xiriirka u jarto dowladda dhexe. The post Jubbaland oo jawaab ka bixisay weerar ASKAR looga dilay appeared first on Caasimada Online.
-
13-kii bishan Nofeember dadweynaha deegaanada Soomaaliland ayaa u dareeray goobaha codbixinta doorasho qof iyo cod ah oo bulshadu ay go’aan uga gaarayaan cidda hogaamin doonta 5-ta sano ee soo socata. Doorashadan oo dowladda Soomaaliya iyo dalalka waaweyn ee duniduba ay bogaadiyeen ayaa muujisay sida shacabka Somaliland ay ugu heelan yihiin inay hoggaankooda si dimoqoraadi ah ku doortaan, si ka duwan deegaanada kale ee soomaalida oo aan intooda badan u bislayn doorasho caynkaas ah. Inkasta oo Somaliland si sharci ah ay u tahay qayb ka mid ah jamhuuriyadda Soomaaliya, islamarkaana aysan weli aqoonsi ka dib markii ay gooni isku taag ku dhawaaqday sanadkii 1993, haddana dhismaha hannaan maamul oo dimoquraadi ah, nabad-gelyo buuxda, iyo doorasho hufan ayaa ah guulaha ay Soomaaliland indhaha caalamka ku soo jiidatay. Doorashada qofka iyo codka ah ayaa muujinaysa in dadweynaha Somaliland ay awood u leeyihiin in ay mar kasta si nabad ah u beddeshaan hoggaankooda, taasoo ah arrin ku dhiirrigelin karta maamullada kale ee Soomaaliya ay ku daydaan. Somaliland waxay gaartay horumar dimoqoraadiyadeed oo ka duwan nidaamka ay ku shaqeeyaan maamullada kale ee Soomaaliya, waxayna awood u yeelatay inay sameyso doorashooyin toos ah oo shacabka si xor ah ugu codeeyaan cidda hoggaanka maamul u qabanaysa. Si kastaba ha ahaatee doorashada madaxtinimada ee Somaliland ayaa tusaale iftiimaya u ah maamullada kale ee Soomaaliya, iyada oo muujinaysa sida dimoqoraadiyadda loo horumarin karo iyo sida xasillooni waarta loo gaari karo, waxaana culayska ugu weyn ee ay Soomaaliland ka gudubtay, maamullada kale’se haystaahi uu la xariira nabad-gelyada aan si buuxda laysugu hallayn karin. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada waxaa si rasmi ah uga bilowday hirgelinta qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan qabashada doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ka taagan tahay xiisad xoogan. Maamulka gobolka Banaadir ayaa bilaabay dadaal xoogan oo ku aadan meel-marinta qorshaha Villa Soomaaliya, waxaana degmooyinka ka bilowday dhaq-dhaqaaq xoogan. Guddoomiyaha maamulka degmada Yaaqshiid Suleymaan Maxamuud Fargax oo kulan la qaatay bulshada ku dhaqan xaafadda Towfiiq ayaa kala hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan sidii ay dalka uga dhici lahayd qof cod, wuxuuna sheegay inay u diyaar garoobaan, si ay kaalintooda u qaataan. “Maanta waxay mareee codkaaga ku ciil bax, waa inaan u diyaar garownaa doorasho qof iyo cod ah, reer Towfiiqna ay ku ka noqdaan” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Yaaqshiid. Waxaa kale oo uu raaciyay “Guddoomiyaha degmada waa inaad amri kartaa oo dhihi kartaa maxaa i qabatay anaa shalay codkeyga kuugu keenay maxaad degmadaan kusoo kordhisay?”. Fargax ayaa sidoo kale u jawaabay xubnaha mucaaradka ee diiday doorashooyinka qof iyo codka ah, wuxuuna tilmaamay in aan loo joojin doonin, horana loo sii socon doono. Annaga lix qof todobo qof miyaan xabsi ugu jireynaa waxaa la rabaa Soomaali in shacabka loo soo celiyo awoodda degmadaan Yaaqshiidna ay ka bilaabato illaa dalka oo dhana ay gaarto”. ayuu mar kale yiri guddoomiye Suleymaan Maxamuud Fargax. Horay sidaan oo kale waxaa arrimaha doorashooyinka uga hadlay guddoomiyaha degmada Kaaraan Faarax Cadaani oo sheegay in degmadiisa ay kow ka noqon doonto qof iyo cod. Soomaaliya ayaa waxaa ka taaganxiisad culus oo ka dhalatay sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda, waxaana qorshaha Villa Soomaaliya ee qof iyo cod diidan Jubbaland, Puntland iyo sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan Muqdisho. Si kastaba, waxaa arrinta ay hadda u gudubtay baarlamaanka Soomaaliya oo guda galay doodda la xiriira doorashooyinka iyo xeerarkooda, isaga oo kasoo saari doono go’aan rasmi ah. The post Daawo: Hirgelinta qorshaha Villa Somalia oo ka bilowday Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Turkiga ayaa markii u horreysay maanta ku dhawaaqay in la jaray dhammaan xidhiidhkii ay la lahaayeen Israa’iil, sida laga soo xigtay madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan. “Dawladda Jamhuuriyadda Turkiga, ee uu hoggaamiyo Erdogan, ma sii wadi doonto, mana horumarin doonto xiriirka ay la leedahay Israa’iil.” ayaa lagu yidhi hadalka laga soo xigtay Erdogan. Turkiga ayaa xidhiidh diblomaasiyadeed iyo mid ganacsi la lahaa Israa’iil, wuxuu ka mid yahay dalal dhowr ah oo Islaam ah oo wali marin u ah Israa’iil, kuwaa oo dekedahooda ay Israa’iil u adeegsato goob ay marinka bambooyinka iyo hubka ay ku disho carruurta iyo haweenka Qasa iyo weerarrada ay ka geysanayso Lubnaan. Source
-
In ka badan hal milyan oo qof oo diiwaan gashan ayaa maanta u dareeray codeynta doorashada madaxtinimada ee Somaliland. Doorashadan oo laba sanno dib uga dhacday xilligii ay mudaysnayd ayaa maanta si rasmi loogu dareeray. Dadweyne badan ayaa la arkayay maanta iyagoo safaf ku jira si ay codkooda u dhiibtaan, qaar badan oo ka mid ah ayaa sheegay inay doonayaan dhaqaale xooggan iyo shaqooyin. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta heshiis cusub la gashay hay’adda Global Center for Climate Mobility, waxaana heshiiskan saxiiday wasiirka deegaanka iyo isbeddalka cimilada Marwo Khadiija Al-Makhzoumi. Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda deegaanka ayaa waxaa lagu sheegay in heshiiskan uu la xiriira raadinta xalka waara ee adkeysi u leh Soomaaliya. “Heshiiskan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhinaca horumar waara oo adkaysi leh oo Soomaaliya ku habboon” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda. Sidoo kale iskaashigan cusub wuxuu ahmad siinayaa awood siinta bulshooyinka u nugul deegaanka, iyadoo la hubinayo badbaadada iyo wax ku oolnimada istaraatiijiyadda la qabsiga isbeddelka cimilada ee dalka. Waxaa kale uu heshiiskan uu maalgelin doono mashaariic gaar ah oo ka turjumaya baahiyaha dadka, isla markaana lagu xoojinayo maamulka maxalliga ah si loo dhiso kalsooni iyo iskaashi bulsho oo xooggan. Wasaaradda deegaanka ayaa muddooyinkan wadday dadaallo guud oo hormarin ah, waxaana wasiir Khadiija ay soo gashay dhowr heshiis oo muhiim ah. Hoos ka daawo saxiixa heshiiska iyo sawirrada:- The post DF Soomaaliya oo gashay heshiis cusub oo xal loogu raadinayo… appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Somaliland ayaa sheegaya in weli ay socoto tirinta codadka doorashadii shalay ka dhacday deegaannada maamulkaasi, taas oo si weyn loo sugayo natiijadeeda. Doorashadan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa codadkooda dhiibtay shacabka Somaliland oo soo dooranayo madaxweynaa cusub ee maamulkaasi. Saddexda xisbi ee Somaliland Kulmiye, Wadani iyo UCID ayaa ku tartamay doorashadan, waxaana u kala sharaxan Muuse Biixi, Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in natiijada hordhaca ah ee illaa iyo hadda la helay uu ku horreeyo musharaxa xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cirro oo haysta in ka badan 60% codadka la dhiibtay, halka uu kaalinta 2-aad ku jiro madaxweynaha hadda talada haya Muuse Biixi oo ka socda xisbiga Kulmiye. Sidoo kale ururada siyaasadda Kaah iyo Horseed ayaa iyaguna natiijo wanaagsan ka ka helay codadkii la dhiibtay, waana laba urur oo ku cusub saaxadda siyaasadda Somaliland. Weli waxaa sii soconaya tirinta codadka, waxaana go’aanka ugu dambeeyay ee natiijada doorashada laga sugayaa guddiga doorashada Somaliland oo haatan haya shaqo adag. Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Xaaji Yuusuf oo la hadlay BBC ayaa sheegay in natiijada degmo iyo goob kasta oo codka laga dhiibtay ay ku soo baxi doonto laba maalmood gudahood. “Guud ahaan isu gaynta natiijooyinkaas kala duwan ee heer goobeed, heer degmo iyo heer gobol, waxay qaadan doonaan toddobo cisho,”ayuu yiri guddoomiye Muuse. Si kastaba, Somaliland waa maamulka kaliya ee qabta doorasho qof iyo cod ah, isla markaana shacabka ay soo doortaan hoggaankooda, taas oo aad loogu boggaadiyo. The post Wararkii ugu dambeeyay natiijada doorashada SOMALILAND – Yaa ku horreeya? appeared first on Caasimada Online.
-
Doorashadii shalay dhacday ayaa ilaa hada isu gaynteeda iyo hubinteeda la wadaa waxana marka la eego badiba dalka oo dhan tirada guud marka la isu geeyo ku horeeya oo hogaaminaaya musharaxa madaxweynaha ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro. Waxa dhawaan la shaacin doonaa tirooyinka hordhaca ah ee natiijada goob kasta oo laga codeeyay oo sax ah waxana awoodaasi iska leh gudiga doorashooyinka qaranka Somaliland. Dalku waxa uu u baahanyahay midnimo iyo walaalnimo iyo in marblabaad Somaliland la gaadhsiiyo oo la dhaafiyo xagii ay joogi jirtay. La soco wararka wixii ka soo kordha Qaran News
-
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya Axmed Macallin Xasan ayaa Muqdisho kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka socday Hay’adda Duulista Caalamiga ah ee ICAO. Mas’uuliyiinta ICAO iyo Maareeyaha oo kulan yeeshay ayaa ka wada hadlay sidii lagu horumarin lahaa iskaashiga farsamo ee labada Hay’adood iyo qiimeeynta sida Soomaaliya ay diyaar ugu tahay baarista farsamo oo dhawaan Hay’adda ICAO ku samanayso Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed. Kulanka ayaa lagu faaqiday siyaabaha lagu xoojin karo awoodda farsamo ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya iyo hubinta waafaqsanaanta Hawlaha Hay’adda ee shuruucda iyo heerarka Duulista Caalamiga, sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay Hay’addu. “Booqashada wafdigan ayaa ka dhigan tilaabo horumar leh oo loo qaaday dhanka xoojinta khibradda farsamo iyo heerarka howlgelinta shaqooyinka Hay’adda, waxay jidka u xaareeysaa in Duulista Rayidka Soomaaliya ay bixiso addeeeg leh badqab la hubo isla markaana heerkiisu sareeyo” ayaa lagu yiri qoraalkaasi. PUNTLAND POST The post Hay’adda ICAO oo baaris farsamo ku samaynaysa Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa magacaabay qaar ka mid ah xubnaha golahiisa wasiirrada ee soo socda, kuwaas oo dhammaantood ka mid ah siyaasiyiinti daacadda u ahaa, balse lagu tilmaamay kuwo aanan khibrad u laheyn jagooyinka uu u magacaabay. Trump ayaa Wasiirka Caddaaladda u magacaabay Matt Gaetz oo ah 42 jir ka tirsan Koongareeska Mareykanka lagana soo doorto degmada koowaad ee gobolka Florida. Matt oo horay u soo noqday garyaqaan ayaanan waligiis kasoo shaqeyn Waaxda Caddaaladda Trump wuxuu sidoo kale shalay haweeneyda lagu magacaabo Tulsi Gabbard u magacaabay Agaasimaha Hey’adda Sirdoonka Qaranka. Tulsi, oo horay u aheyd mudane Dimoqraadi ah oo ka tirsan Koongareeska balse isu baddashay Jamhuuri, ayaanan laheyn khibrar toos ah oo dhanka mukhaabaraadka Mareykanka. Talaadadii, Trump ayaa wariye ka tirsan telefishanka Vox News, Pete Hegseth u magacaabay Wasiirkiisa Difaaca ee soo socda. Sidoo kale Senator Marco Rubio ayuu u magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka. Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa xilka la wareegi doona 20-ka bisha January ee sannadka foodda nagu soo haya ee 2025-ka. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Donald Trump oo magacaabay mas’uuliyiin aan wax khibrad ah u lahayn jagooyinka loo dhiibay appeared first on Puntland Post.
-
Minneapolis (Caasimada Online) – Laba nin oo Soomaali ah oo lagu kala magacaabo Abdi Yuusuf Hassan iyo Mohamed Tahlil Mohamed ayaa waxaa lagu xukumay min 30 sano oo xabsi ah kadib markii lagu eedeeyay in ay afduubteen suxufi Maraykanka ah sanadkii 2012-kii, sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda Maraykanka. Abdu Yusuf oo ah 56 jir ku sugan magaalada Minneapolis ee dalka Marayknaka iyo Mohamed Tahlil oo reer Muqdisho ah ayaa waxaa lagu soo oogay dacwado ay ka mid ahaayeen afduub, argagixisanimo iyo danbiyo hub loo adeegsaday, kuwaas oo sababay in 977 maalmood ay qafaal ku haystaan suxufi Maraykan ah gudaha Soomaaliya. Labada nin ayaa waxa la sheegay in ay xilal ka hayeen dowladda Soomaaliya ayna si xun u isticmaaleen boosaskii ay hayeen. Sida ay muujiyeen cadeymihii la keenay dhagaysiga dacwadda, Michael Scott Moore oo ah suxufi madaxbanaan oo Maraykan ah ayaa waxa uu u safray Soomaaliya si uu xog baaris ugu sameeyo arimaha burcadda Soomaaliya iyo sidoo kale dhaqaalaha dalka. Mar ay taariikhdu ahayd bishii Janaayo 21-keedii sanadkii 2012-kii, ayaa Moore gaadiid ku safraya meel u dhow magaalada Galkacyo waxaa hareereeyay rag ku hubaysnaa qoryaha fudud iyo qoriga loo yaqaano sabanka (RPG). Ragga ayaa la sheegay in Moore ay ka soo dajiyeen gaariga kadibna ay garaaceen lana dhaceen qoryihii ay wateen. Gaari kale ayay kuu riteen waxayna la aadeen jiho kale, halkaas oo ay horay ugu heysteen laba nin oo kale oo ahaa kaluumeysato u dhalatay Seychelles. Waxa la sheegay xilligaas kadib in Moore ay ku haysteen raggaais meel kala duwan oo Soomaaliya ah una dhow magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ku hayeen muddo lagu qiyaasay ilaa saddex bilood. Bishii April ee sanadkaas ayaa waxa la sheegay in Moore ay kooxihi I haystay ay u wareejiyeen doon u afduubneed iyaga oo magaceedu ahaa F/V Naham III, halkaas oo uu kula kulmay shaqalaahii doonta oo iyaguna qafaalnaa, tiradooduna ahayd ilaa 28 ruux oo u kala dhashay Vietnam, China, Philippines, iyo Taiwan. Moore waxa uu xilligaas ogaaday in kooxdii gacanta ku haysay oo ahayd burcad badeed in ay dileen kabtankii waday doontaas, maydkiisana ay galiyeen talaagada wax qaboojisa ee doonta. Waxaa la sheegay in Moore gacanta lagu hayay ilaa iyo bishii August ee sanadkii 2012 kii. Intaa ka dib ayaa la sheegay in suxifiga ay dhowr qolo isku wareejiyeen gacan ku hayntiisa muddo laba sanadood ahay. Xilliga la haystay ayaa la sheegay in dadka uu u afduubnaa ay kú hayeen guryo aamin ah, habeenkiina ay silsiladeyn jireen si uusan uga fakan, sidoo kale waxay ku hareereyn jireen rag aad u hubaysan oo marwalba ugu hanjabi jiray in ay dili doonaan. Sidoo kale Moore waxa uu sheegay in marar kala duwan ay ku qasbeen kooxdu in uu duubo muuqaalo uu ku muujinayay in uu nool yahay kuwaas oo ku codsanayay in ay la dhiibo lacag madaxfurasho ah oo ay dalbanayeen burcaddu. Bishii September ee sanadkii 2014 kii kadib markii la bixiyay madaxfurashadii ay dalbadeen dadkii haystay ayay sii daayeen oo siiyeen xoriyadiisa. Sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda ee Maraykanka Hassan iyo Mohamed oo ah ragga la xukumaya “ayaa waxay kaalin muhiim ah ka qaateen afduubkii lagu haystay Moore”. Hassan oo noqday muwaadin Maraykan ah ayaa waxaa uu horay u soo noqday wasiirka arimaha gudaha ee Galmudug tii jirtay sanadkii 2012-kii. Dhanka kale Maxamed ayaa waxay sheegtay waaxda Cadaaladda ee Maraykanka in uu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliya kaas oo korjoogto u ahaa kooxdii haysatay Moore. Kaaliyaha Xeer ilaaliyaha guud Natthew G. Olsen, Xeer ilaaliya Damian Williams oo ka howlgala degmada koonfureed ee New York iyo Kaaliyaha sare ee Agaasimaha FBI da laanteeda Amniga Qaranka Robert Wells ayaa ku dhawaaqay kiiska. Xaafiiska FBI da ee Boston iyo Minneapolis ayaa waxa uu baaritaan ku sameeyay iyaga oo caawimaad ka helaya Waaxda Adeegga Amni ee Diblumaasiyadda. The post Mareykanka oo 30 sano ku xukumay laba Soomaali ah oo horey xilal u soo qabtay appeared first on Caasimada Online.
-
Doorashada madaxtinimada Somaliland iyo tartanka axsaabta ayaa xalay la soo afjaray, iyada oo xilligan lagu guda jiro tirinta codadka. Guddiga Doorashooyinka Somaliland (NEC) ayaa sheegay inay tirinta codadka si habsami leh u socoto, ayna filayaan in natiijooyinka horudhaca ah lagu dhawaaqi doono maanta. Doorashadan oo ah mid xasaasi ah, ayaa waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa mustaqbalka siyaasadeed ee Somaliland, iyadoo xisbiyada iyo ururada siyaasadeed ee soo gudba ay ka mid noqon doonaan axsaabta rasmiga ah. Doorashadu waxay muhiimad u leedahay ololaha Somaliland ee qaddiyadda aqoonsi raadinta. Beesha caalamka oo xiisaynaysa geedi socodka dimuqraadiyadda Somaliland ayaa u aragta doorashadan tijaabo muhiim ah oo muujinaysa dedaalkooda xagga dimuqraadiyadda iyo xasiloonida. Gobolka Geeska Afrika, oo ay dhibaatada siyaasadeed iyo colaadaha ku sii kordhayaan, waxay Somaliland u noqotay tusaale wanaagsan oo ku dayasho mudan marka la eego xasilloonida iyo dimuqraadiyadda ay gaareen. Waxaa sidoo kale la filayaa in doorashadu ay wax ka beddesho awood qaybsiga siyaasadda iyo saameynta beelaha Somaliland. Xisbiga Waddani iyo xisbiga talada haya ee Kulmiye labaduba waxay ballanqaadeen inay xoojin doonaan dedaalada lagu mideynayo bulshada, gaar ahaan deegaamada bariga Somaliland, si ay u helaan ka qaybgal buuxa oo siyaasadeed. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre met with a Kenyan delegation in Mogadishu on Tuesday, marking the start of mediation efforts to ease the political standoff between the federal government and Jubbaland leader Ahmed Madobe over the upcoming electoral process. Source: Hiiraan Online
-
Garsoorayaasha iyo howlwadeennada Maxkamadda Sare ee Brazil ayaa si deg deg ah looga daad-gureeyay dhismaha maxkamadda ka dib marki ay laba qarax oo waaweyn ka dhaceen meel u dhaw maxkamadda, sida ay sheegeen booliska dalkaasi. Mid ka mid ah qaraxyada ayaa ka dhacay barxadda weyn ee u dhaxeysa aqalka Koongareeska iyo dhismaha Madaxtooyada ee magaalada caasimadda ah ee Brasilia, Booliska ayaa sheegay in hal qof uu ku dhintay qarraxaas. Qaraxyadan ayaa imanaya ayadoo shan maalmood ka dib uu magaalada Rio de Janeiro ka furmi doono shirweynaha dalalka dhaqaalaha ku horumaray ee loo soo gaabiyo G20. Bayaan kasoo baxay Maxkamadda Sare ayaa lagu sheegay in qaraxa uu ka dhacay goob lagu nasto oo u dhaw maxkamadda shalay gelinki danbe. Garsoorayaasha ayaa si nabad ah halkaasi looga daad gureeyay. Booliska waxay sheegeen ninka ku dhintay goobta uu qarraxu ka dhacay ayaa waxaa ku xirnaa alaadaha qarxa, waxana meydkiisa loo baaray si taxaddar leh. Source: goobjoog.com
-
Kenyan shilling weakens slightly as dollar demand increases
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The Kenyan shilling weakened slightly against the dollar on Wednesday, one trader said, as the U.S. currency has strengthened globally following the presidential election, increasing local demand. Source: Hiiraan Online -
Days after Donald Trump's victory in the US presidential election, the country's ambassador to Kenya has handed in her walking papers. Source: Hiiraan Online
-
Popular Contributors