Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    203,660
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Janaraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa maanta la wareegaya xilka taliyaha ciidanka xoogga dalka oo dhowaan dib loogu magacaabay, ku dhowaad sano ka dib markii isla jagadaas laga qaaday. Munaasabadda ka socata xarunta wasaaradda gaashaandhigga oo ay ka qeyb-galayaan masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda iyo saraakiil ciidan ayuu xilka kula wareegayaa Janaraalkan ay madaxda qaranku qireen in hoggaamintiisa loo darsaday. Janaraal Odawaa oo ciidanka xoogga dalka hoggaaminayay intii u dhexaysay sanadihii 2019-2022 ayaa haatan laga sugayaa inuu dib u qaabeeya miliriga, islamarkaana uu dagaalka Alshabaab dardargelin iyo guluf cusub ku wajaho. Source: goobjoog.com
  2. Wasiir Maxamed Faarax Maxamuud Fadhiga saaka ee Baarlamaanka Puntland ayaa loo ballansan yahay in su’aalo lagu weydiiyo mas’uuliyiinta wasaaradda Maaliyadda. Qoraal kooban oo ka soo baxay Baarlamaanka ayaa lagu sheegay in fadhiga saaka loo ballansan yahay in ay golaha hor-yimaadaan mas’uuliyiinta wasaaradda Maaliyadda Puntland si wax looga weydiiyo dhaqaalaha dalka. “Ajandaha fadhiga ayaa ahaa La Xisaabtanka Golaha Xukuumadda, waxaana Golaha hor imanaya maanta; Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland” ayaa lagu yiri qoraalka Baarlamaanka. Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa lagu wadaa in ay su’aalo ku saabsan xaaladda dhaqaalaha oo ay ku jiraan xuquuqda shaqaalaha iyo ciidamada in ay weydiiyaan mas’uuliyiinta Maaliyadda oo uu ugu horreeyo wasiir Maxamed Faarax Maxamuud. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo saaka su’aalo weydiin ugu yeeray mas’uuliyiin wasaaradda Maaliyadda appeared first on Puntland Post.
  3. Somaliland’s Minister of Information, Ali Marehan, on Sunday sharply rebuked Somalia’s Foreign Minister Ahmed Moalim Fiqi, accusing him of envious resentment towards Somaliland’s progress in holding free and fair elections. This came in response to the Somali official’s recent admonition to European diplomats in Hargeisa, claiming that their recent comments during a visit to Hargeisa constituted a violation of Somalia’s sovereignty. “He is condemning the very nations that have extended recognition to his administration, which exercises no control over any territory. These countries, however, are fully entitled to visit Somaliland and commend its advancements and progress without requiring his consent,” said Ali Marehan. Qaran News
  4. Wararka ka imaanaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saaka halkaasi lagu dilay mid kamid ah guurtida magaaalada. Marxuum Saalax Maxamuud Cali Gurey oo kamid ahaa guurtida sida weyn loogu yaqaan hawlaha nabadaynta iyo dib u heshiisinta bulshada ayaa lagu toogtay bartamaha Ceerigaabo siday xaqiijiyeen qoyskiisa. Wararka ayaa sheegaya in dabley hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ay fuliyeen dilka marxuumka kadibna goobta isaga baxsadeen islamarkaana ma jirto cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay dilka marxuumka. PUNTLAND POST The post Guurti Saalax Maxamuud Cali Gurey oo saaka lagu dilay magaalada Ceerigaabo appeared first on Puntland Post.
  5. Many in Somali society are concerned that online bravado can cross the line into hate speech, worsening clan-based rivalries Source: Hiiraan Online
  6. Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada Macawiisleyda ay weerar culus ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku taalla deegaanka Hilowle Gaab ee gobolkaasi. Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa lagu beegsaday koontarool ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, waxaana xigay dagaal toos ah. Saraakiil u hadashay ciidamada deegaanka ayaa sheegaya in weerarkan ay ku dileen ugu yaraan illaa saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda, ayna kasoo furteen iyo hub saanad. Sidoo kale Macawiisleyda ayaa muddo kooban la wareegtay fadhigii Al-Shabaab, kadib markii ay isaga baxeen goobta la weeraray. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkan ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dadka deegaanka ee ka dhacay Hilowle Gaab. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo qaybo badan oo kamid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle. Gobolkan oo intiisa badan laga xoreeyay Khawaarijta ayaa waxaa weli kasii soconayo guluf ka dhan ah deegaannada kooban ee ay weli ka joogaan gobolkaasi. The post Macawiisleyda oo weeraray goob ay ku sugnaayeen Al-Shabaab + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  7. Duqeyn naadir ah oo ay Israa’iil ku garaacday bartamaha Beyruut ayay ku dishay afhayeenkii guud ee Xisbullah Maxamed Cafiif Al Naabulsi. Sarkaalkan ayaa lagu weerar lagu qaaday xafiiska xisbiga hantiwadaaga Carabta ee Bacas ee magaalada Beirut, sidaasi waxaa lagu xaqiijiyay bayaan kasoo baxay Xisbullah. Maxamed Cafiif ayaa si weyn u muuqday wixi ka danbeeyay billowga dagaalka culus ee hadda u dhaxeeya Isra’il iyo Xisbullah kaas oo xoogeysay bishi September. Bayaan kasoo baxay milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in Al Naabulsi uu saamayn weyn ku lahaa hawlgallada milatari ee Xisbullah isla markaana uu dhiirrigelin jiray weerarrada ka dhanka ah Israa’iil. Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa sidoo kale sheegtay in duqeyn kale oo xalay ay Isra’il ku duqeysay dukaan lagu garo kambuyuutarrada lagu dilay 2 qof laguna dhaawacay 22 kale. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo duqeyn bartamaha Beyruut ku dishay Afhayeenkii guud ee Xisbullah appeared first on Puntland Post.
  8. Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland, Muuse Xasan Yuusuf, ayaa shaaca ka qaaday in tirinta codadka doorashadii dhawaan ka dhacday Somaliland ay kasoo dhamaadeen heer degmo iyo heer gobol. Wuxuu sheegay in codadka laga soo uruuriyay heer degmo iyo gobol loo gudbinayay xarunta dhexe ee guddiga doorashooyinka, halkaas oo natiijada kama dambaysta ah lagu diyaarin doono. Tirinta codadka caasimadda iyo gobollada kale ayaa si nabad ah kusoo dhamaaday, iyadoo guddigu ka digayo warar aan rasmi ahayn oo lagu faafinayo baraha bulshada. Waxaa la filayaa in natiijada rasmiga ah lagu dhawaaqo toddobaad gudihiis, sida uu dhigayo jadwalka sharciga ee doorashada​​​​. Doorashadan ayaa muhiimad weyn u leh xasilloonida siyaasadeed ee Somaliland iyo dadaallada ay ugu jirto aqoonsi caalami ah, iyadoo sidoo kale ay xiiso gaar ah u hayaan beesha caalamka oo doorashadan u aragta tijaabo muhiim ah oo dimuqraadiyadeed​​​​. Source: goobjoog.com
  9. Mogadishu (HOL) — Somali Foreign Minister Ambassador Ahmed Moalim Fiqi received the credentials of the new International Organization for Migration (IOM) Chief of Mission to Somalia, Manuel Marques Pereira, during a meeting in Mogadishu on Sunday. Source: Hiiraan Online
  10. A rare Israeli strike in central Beirut killed the Hezbollah militant group’s chief spokesman on Sunday, while an Israeli strike in northern Gaza ’s Beit Lahiya killed at least 30 people, a hospital director there told The Associated Press. Source: Hiiraan Online
  11. England secured promotion back to the top tier of the Nations League with a 5-0 romp over 10-man Ireland in interim manager Lee Carsley's last game in charge at Wembley on Sunday. Source: Hiiraan Online
  12. Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo gelinkii dambe ee Axaddii shalay ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa qabsaday gaari ay la socdeen dad shacab ah oo marayay deegaanka Doonka oo illaa 7 KM u jira magaalada Afgooye. Ugu yaraan illaa saddex qof oo shacab ahaa ayaa ku dhintay qaraxan, halka uu ku dhaawacmay qof kale oo kamid ahaa rakaabkii la socday baabuurka, sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose, Maxamed Ibraahim Barre. Dadka dhintay ayaa kala ahaa gabar dhaqtarad ah iyo gabar yar oo ay dhashay iyo darawalkii gaariga, halka qofka dhaawacmay uu yahay wiil dhalinyaro ah oo la geeyay degmada Afgooye. “Nabad-diidka ayaa qarxiyay gaari ay la socdeen dad shacab ah waxaa ku dhintay gabar dhaqtara ah iyo gabar yar oo ay dhashay iyo darawalkii gaariga ayaa ku geeriyooday” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Gaariga waxa uu kasoo baxay degmada Wanlaweyne, waxayna kusoo socdeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose”. Xaaladda ayaa maanta deggan, inkastoo geerida ka dhalatay qaraxan ay saameysay ehellada dadka shacabka ah ee lagu beegsaday weerarkaasi miino. Inta badan qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waxaa waddooyinka galiya maleeshiyaadka Al-Shabaab oo beegsaday ciidamada, balse waxaa khasaare uu kasoo gaaraa rayidka. The post Gaari ay la socdeen SHACAB oo lagu qarxiyay SH/HOOSE appeared first on Caasimada Online.
  13. Russia unleashed its largest air strike on Ukraine in almost three months on Sunday, launching 120 missiles and 90 drones that killed at least seven people and caused severe damage to the power system, officials said. Source: Hiiraan Online
  14. The Ministry of Foreign Affairs of the Federal Democratic Republic of Ethiopia expresses its condolence to the people of Somaliland on the passing away of former President Ahmed Mohamed Mohamud (Siilaanyo). Source: Hiiraan Online
  15. On Friday, the King Salman Humanitarian Aid and Relief Center (KSrelief) distributed 1,000 shelter kits, 1,000 clothing kits, and 80 tents to displaced persons in the Banadir region of the Federal Republic of Somalia. Source: Hiiraan Online
  16. Dowladda denmark ayaa raali-gelin hordhaca ka bixisay hadallo ay dowladda Soomaaliya meel ka dhac ku tilmaamtay oo danjirehoodu uu dhowaan ka yiri doorashadii Soomaaliland. Sida ay Ilo-wareedyo dublumaasiyadeed oo xog ogaal ah laga soo xigtay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee Denmark iyo Soomaaliya ayaa is dhaafsaday qoraallo rasmi ah, oo ku saabsan hadalki uu danhiraha Denmark ka yiri Soomaaliland, oo uu ku tilmaamay dal. Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay hadalka danjiraha denmark, waxayna wasaaradda arrimaha dibeddu ku eedeysay xadgudub ka dhan ah midnimada iyo madax-bannaanida dalka. Safiirka Denmark Steen Sonne Andersen ayaa la filayaa inuu maalmaha soo aaddan la kulmi doono wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi, ka dib markii ay wasaaraddu u yeertay si wax looga weydiiyo hadalkii xasaasiga ahaa ee uu ka yiri Soomaaliland. Source: goobjoog.com
  17. Beirut (Caasimada Online) – Duqeyn naadir ah oo ay Israa’iil Axaddii shalay ku garaacday bartamaha Beyruut ayay ku dishay afhayeenkii guud ee Xisbullah Maxamed Cafiif Al Naabulsi. Sarkaalkan ayaa lagu weerar lagu qaaday xafiiska xisbiga hantiwadaaga Carabta ee Bacas ee magaalada Beirut, sidaasi waxaa lagu xaqiijiyay bayaan kasoo baxay Xisbullah. Maxamed Cafiif ayaa si weyn u muuqday wixi ka danbeeyay billowga dagaalka culus ee hadda u dhaxeeya Isra’il iyo Xisbullah kaas oo xoogeysay bishi September. Bayaan kasoo baxay milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in Al Naabulsi uu saamayn weyn ku lahaa hawlgallada milatari ee Xisbullah isla markaana uu dhiirrigelin jiray weerarrada ka dhanka ah Israa’iil. Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa sidoo kale sheegtay in duqeyn kale oo xalay ay Isra’il ku duqeysay dukaan lagu garo kambuyuutarrada lagu dilay 2 qof laguna dhaawacay 22 kale. Dhanka Gaza, saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymo ay ciidamada Isra’il ka geysteen deegaanka Beyt Laxiya ay ku dileen ugu yaraan 30 qof. Agaasimaha Isbitaalka Kamal Adwan ee Beyt Laaxiya, Hosam Abu Safiya ayaa sheegay in dad badan ay ku dhaawacmeen weerarka ciidanka Isra’il. Goor sii horeysay oo Axaddii shalay aheyd, 10 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay deegaannada Nuseyrat iyo Bureyj ee Marinka Gaza, halkaas oo ka mid ah xerooyinka qaxooti ee ugu waaweyn Gaza The post Israel oo dishay afhayeenkii kooxda Xisbullah appeared first on Caasimada Online.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Denmark ayaa raali gelin deg deg ah ka bixisay hadalkii ay ka carootay dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo safiirka Denmark ee Soomaaliya uu ka sheegay magaalada Hargeysa. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa in safiirka Denmark oo ka mid ahaa koox safiirro ah oo Hargeysa tegay uu jeediyey hadallo xad-gud ku ah wadajirka iyo qaranimada Soomaaliya. Ilo wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Denmark ay deg deg uga soo jawaabtay hadalkii wasiir Fiqi. Denmarka ayaa Soomaaliya ka raali gelisay hadaladii xanafta lahaa ee Hargeysa uu ka jeediyey safiirkooda Muqdisho, waxayna cadeysay in isla xisaabtan diblomaasiyadeed lagu sameynayo safiirka. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo u yeertay safiirka Denmark ee Muqdisho ayaa balamisay maalinta Arbacada ah ee soo socota, waxaana su’aalo laga qeydiinayaa hadalkii kuu ka sheegay Hargeysa. Somaliland oo si caro leh uga soo jawaabtay hadalkii wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa masuuliyiinta u hadlay waxay sheegeen in Wasiirku ka xunyahay horumarka ay gaareen reer Somaliland iyo doorashooyinka guuleystay oo ay qabsadeen. Siyaasiyiinta Somaliland ayaa ku dooday in Fiqi uu quuri waayey inuu hambalyeeyo guulaha ay gaareen reer Somaliland, taas bedelkeedna uu kiis ku soo oogay safiiradii Hargeysa u tegay inay taageeraan oo korjoogteeyaan doorashada. Siyaasiyiin kale oo u badan reer SSC Khaatumo iyo reer Muqdisho ayaa Wasiir Fiqi ku amaanay doorkiisa firfircoon ee diblomaasiyadeed iyo sida uu uga jawaabay xadgudubkii safiirkaas uu kula kacay qaranimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed. The post Denmark oo raali-gelin ka bixisay hadalkii ka caraysiiyey DF appeared first on Caasimada Online.
  19. Addis Ababa, November 17, 2024 (FBC) – The Ministry of Foreign Affairs of the Federal Democratic Republic of Ethiopia expresses its condolence to the people of Somaliland on the passing away of former President Ahmed Mohamed Mohamud (Siilaanyo). President Ahmed Mohamed was a longtime friend of Ethiopia who played a significant part in cementing the strong relationship between the two peoples, the Ministry of Foreign Affairs said in a statement. The Ministry conveys its sympathies to his family and to the entire people of Somaliland during this difficult time. Qaran News
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa cirka isku shareertay xiisadda ka dhalatay qorshaha doorasho ee uu rabo madaxweyne Xasan Sheekh, kadib markii uu shalay baarlamaanka marsaday sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha, kaas oo ujeedkiisu yahay in la hirgeliyo nidaamka doorashada qof iyo cod. Qorshahan iyo tallaabadan baarlamaanka uu qaaday ayaa waxaa si adag uga horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo ku tilmaamay “mid dhabaha u xaaraya muddo kororsi sharci darro ah” oo uu damacsan yahay madaxweyne Xasan Sheekh. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka ee ka horyimid qorshahan ayaa sheegay in hadii ay sidaan wax kusii socdaan ay aadi doonaan Mirinaayo iyo Badbaado Qaran 2. Xildhibaan Jeesow oo wareysi siiyay telefishanka Somali Cable ayaa caddeeyay in aan sanadka cusub lagu qaban karin doorashooyinka qof iyo cod ee maamullada oo ay dowladda dhexe dooneyso inay ka qabato dowlad-goboleedyada, si hoggaanka maamullada loo soo doorto. Sidoo kale wuxuu uga digay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh inuu dalka u horseedo colaad hor leh, si arimahaasi looga fogaadana weli la haysto fursad looga fikiri karo hanaan doorasho oo aan aheyn midka qof iyo cod. Heshiiskii dhawaan kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaran oo ka maqnaayeen maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa muddo kordhin hal sano ah loogu sameeyay dowlad-gboleedyada Koofur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle. Go’aannada shirkaan oo uu qaadacay madaxweynaha Jubbaland ayaa waxa uu ku dhaqaaqay sidii uu u qabsan lahaa doorasho uu kusoo laabto, isagoo guddi doorasho oo uu magacaabay u muddeeyay in 25-ka bishan November ay qabsoomeyso doorashada madaxtinimada maamulka. The post “Badbaado Qaran 2 ayaa u soconaa, maadaama uu Xasan Sheekh u socdo…” appeared first on Caasimada Online.
  21. Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga WADDANI Amb Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa qaabilay, Aqoonyahanka, Dhallinyaradda iyo Siyaasiyiinta Gobolka Awdal,kuwaas oo hambalyo,salaan iyo duco ugu yimi. Musharrax Madaxweyne ku-xigeen Amb Maxamed Cali ayaa uga mahadnaqay sidii ay hiil iyo hoodaba ugu garab istaageen Musharraxiinta Xisbiga wakhtigii doorashooyinka. Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga madaxa cusub ee hay’adda caalamiga ah ee socdaalka (IOM) ee Soomaaliya, Manuel Marques Pereira. Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta wasaaradda Manuel lagaga guddoomay warqadaha aqoonsiga, ayadoo kadib ay labada masuul yeesheen kulankan gaar ah. Kulanka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo madaxa cusub ee IOM ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta iskaashiga ku aaddan horumarinta Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha dibadda waxay hormuud u tahay dadaallada lagu aasaasayo Xarunta Qurbajoogta si ay uga faa’iidaysato in ka badan 4 milyan oo Soomaali ah oo ku nool qurbaha. Xaruntan ayaa waxay si gaar ah muhiim ugu tahay kobcinta doorka qurbajoogta ee horumarka dalka. Wasiirka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay mashaariicda xasilinta ee IOM, kuwaas oo si dhow ula jaanqaadaya qorshaha xukuumadda ee dib-u-soo celinta adeegyada dowladda ee deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab. Wasaaradda ayaa ugu dambeyntiina xaqiijisay inay sii wadayso iskaashiga dhow ee hay’adda caalamiga ah ee socdaalka (IOM), si loo xaqiijiyo yoolalka wadajirka ah. The post Sawirro: FIQI oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay madaxa cusub ee… appeared first on Caasimada Online.
  23. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga Madaxa Cusub ee Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Soomaaliya, Mudane Manuel Marques Pereira. Kulankan ayaa lagu lafa guray xoojinta iskaashiga ku aaddan horumarinta Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay hormuud u tahay dadaallada lagu aasaasayo Xarunta Qurbajoogta si ay uga faa’iidaysato in ka badan 4 milyan oo Soomaali ah oo ku nool qurbaha. Xaruntu waxay muhiim u tahay kobcinta doorka qurbajoogta ee horumarka dalka. Wasiirka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay mashaariicda xasilinta ee IOM, kuwaas oo si dhow ula jaanqaadaya qorshaha xukuumadda ee dib-u-soo celinta adeegyada dowladda ee deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab. Wasaaradda waxay sii wadaysaa iskaashiga dhow ee IOM si loo xaqiijiyo yoolalka wadajirka ah. Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay meel-mariyay hindise sharciyeed ku saabsan dhismaha guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha, taas oo ujeedkeedu yahay in la hirgeliyo nidaamka doorashada qof iyo cod. Tallaabada uu qaaday baarlamaanka ayaa si weyn loogu dhalleeceeyay, waxayna madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaridka ku tilmaameen mid dhabaha loogu xaarayo “muddo kororsi sharci darro ah”. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, ayaa dhaliilo kulul u jeediyay baarlamaanka, isagoo sheegay in uu ka liito baarlamaankii xilligii kali-taliska. Sidoo kale wuxuu shaki geliyay in xildhibaanada soo xaadira fadhiyada baarlamaanka ay buuxi karaan kooramka, uuna qorshahan yahay mid guddoonka marinayo baarlamaanka oo ay ka dambeyso Villa Somalia. “Waan ognahay xildhibaanada jooga inaysan 120 ka badnayn oo kooram xitaa aysan dhamayn una badan yihiin wasiiradii xukuumadda iyo dad ay duruufo ku kalliifeen,” ayuu yiri Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta sida weyn uga horyimid tallaabadan. Cabdiraxmaan ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu doonayo muddo kororsi, isaga oo ku soo gabanaya doorasho qof iyo cod ah, xilli ay maqan yihiin maamul goboleedyada qarkood. Madaxweynihii hore ee dalka Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa isna shalay ka digay in loo baahdo badbaado qaran oo dib loo aas-aaso, isagoo tusaale ka bixiyey in sida ay wax u socdaan aysan wanaagsaneyn. Shariif ayaa sidoo kale xusay in dhag jalaq loo siin waayay xildhibaannada laga soo kala doortay Puntland iyo Jubbaland oo iyagu cadeeyey mowqifkooda, iskana diiday qorshaha socda. Isku soo wada duubo, sharcigan maray baarlamaanka ayey dowladda federaalka u aragtaa guul muhiim ah oo loo qaaday dhanka dimuqraadiyadda, xilli ay si adag uga horyimaadeen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, islamarkaana ay maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland. The post BF Somalia oo dhalleeceyn xooggan kala kulmay tallaabadii uu qaaday appeared first on Caasimada Online.
  25. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/11/AQPYgLmFr34mxEtDKbS756cjy7sXhHFuPJCqtoD9muFwHu7EIoJqpqvYSQJTG4vKt0UsqQUlVs0sJXI2g1Hy883_.mp4 Qaran News