-
Content Count
210,038 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
In ka badan 1,400 oo qof oo isugu jira arday, wariyayaal iyo qareenno ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib bannaan-baxyo Tukiga ka socda habeenkii toddobaad. Rabshadaha habeenkii ah ayaa billowday Arbacadii hore markii musuqmaasuq lagu eedeeyay duqa magaalada Ankara, Ekrem Imamoglu oo loo arko in uu yahay ninka ay siyaasadda isku hayaan madaxweyne Recep Tayyip Erdogan. Kooxaha u dooda xuquuqul insaanka iyo Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay xadhigga iyo xoogga ay booliisku u adeegsadeen dibadbaxayaasha. Imamoglu ayaa sheegay in eedeymaha loo soo jeediyay ay yihiin kuwo siyaasadaysan, hadalkaas oo uu beeniyay madaxweynaha Turkigu. Isaga oo Talaadadii Ankara ku la hadlayay koox dhallinyaro munaasibad afur isugu yimid, ayaa madaxweyne Erdogan waxa uu ku boorriyay in ay muujiyaan dulqaad iyo caqli-galnimo iyadoo lagu jiro maalmo uu ku tilmaamay “kuwo xasaasi ah”. Qaran News
-
Wiil da’diisa lagu sheegay 18 sanno jir ah oo ka soo jeeda degaannada Koonfur Galbeed, kaasi oo ka shaqaysan jiray dhaqidda baabuurta ayaa saaka lagu dilay magaalada Garoowe. Askari ka tirsan Ilaalada Hotel Taleex ee magaalada Garoowe ayaa toogtay Mustafe Manuur oo baabuur Leyla-Calaawi ah ku dhaqayay bannaanka hore ee Hotelka, waxaana goobta laga qaaday meydka marxuumkaasi oo rasaas badan jirkiisa ka muuqato, sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal. “Nin ka tirsan ilaalada Hotel Taleex oo hubaysan ayaa marxuumka qori ku qabtay waxaana uu ku amaray in uu joojiyo dhaqidda baabuurka haddana wuxu markiiba ku furay tacshiirad waxaana meesha laga soo qaaday meydkiisa oo ay rasaas badan ka muuqato” ayuu yiri ku warbixiyay goob-jooge ku sugnaa iridda Hotel Taleex markii dilkaasi dhacayay. Waa marxuumkii labaad ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo mudda todobaad gudihiis ah lagu dilay magaalada Garoowe waxaa ka horreeyay marxuum Cabdimaalik Xuseen oo lagu dilay goob Tima-jare ah islamarkaana aan weli la soo qaban eedaysanihii dilkaasi geystay. PUNTLAND POST The post Marxuumkii labaad ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo todobaad gudihiis ah lagu dilay Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) — Armed militants attacked the central police station in Bosaso on Wednesday, aiming to seize weapons recently captured by Puntland security forces. The assault led to a violent clash, resulting in the death of one attacker, according to local security sources. Source: Hiiraan Online
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in saaka dabley hubeysan ay weerar culus ku qaadeen saldhigga bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, kaas oo dhaliyay khasaare xoogan. Maleeshiyaadka weerarka qaaday ayaa la sheegay inay ka caroodeen hub xalay laga qabtay, kadib howlgal ciidamada ay ka sameeyeen gudaha magaaladaasi. Dadka deegaanka ayaa saaka kusoo waabariistay dhawaqa rasaas xooggan oo laba dhinac ah, taas oo laga maqay saldhiga bartamaha Boosaaso, halkaasi oo xalay la geeyay hub lasoo qabtay oo ay laamaha amniga ku tilmaameen mid sharci darro ah. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay weerarka, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay tiro ahaan. Sida uu sheegay sarkaal u hadlay Booliska gobolka Bari, ciidamada ayaa iska difaacay weerarka lagu soo qaaday wuxuuna xaqiijiyay inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac. Xaaladda ayaa hadda deggan, waxaana la filayaa in laamaha amniga Puntland ay faah-faahin dheeraad ah ka bixiyaan shaqaaqada saaka ka dhacday halkaasi. Boosaaso ayay mararka qaar waxaa ka dhaca iska hor imaadyo khasaare gaysta, waxaana sidoo kale xilliyada qaar weeraro ka fuliyo kooxaha argagixisada. Weerarka saaka ayaa kusoo aadayo, xilli haatan magaaladaasi uu ka socdo abaabulka dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish oo galay wajiga saddexaad, kaas oo si gaar ah uga socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, gaar ahaan aagga Calmiskaad. Waxaa sidoo kale magaalada ay fadhi u tahay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo dagaalka Daacish darda-gelinayo, si looga xoreeyo dhulka kala sarreeyo ee Puntland. Si kastaba, dagaalka Daacish ayaa haatan maraya meel adag, waxaana oo xalay oo ugu dambeysay duqeymo iyo howlgallo culus ay ka dhaceen aagga fog ee dhulka buuraha Calmiskaad, kuwaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka kooxda Daacish. Duqeynta oo uu fuliyay Mareykanka ayaa si gaar ah uga dhacday aagga Togga Miiraale, halka howlgal kale oo lagu dilay 4 xubnood oo Daacish u qabilsanaa qaraxyada uu isna ka dhacay deegannada Buqa Sarre, Xoomiso iyo Guryasamo ee aagga Calmiskaad.
-
Garowe (HOL) — U.S. airstrikes hit the Al Miskaad mountain range in Somalia's Bari region late Monday night, targeting ISIS militants entrenched in the remote Miiraale Valley. The airstrike is part of ongoing operations to weaken ISIS's growing presence in northern Somalia, with Puntland forces and international allies supporting the effort. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Somali President Hassan Sheikh Mohamud has returned to the frontlines in the Middle Shabelle region to boost morale ahead of a renewed military offensive against the Al-Shabaab insurgency, in what government officials describe as a critical phase of the national campaign to reclaim territory and restore state authority. Source: Hiiraan Online
-
Cadale (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar xooggan oo qaraxyo ku billowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeelaha Dhexe, iyaga oo dagaal kadibgudaha u galay deegaankaasi oo ay horay ugu sugnaayeen ciidanka dowladda iyo Macawiisleyda. Xoogaga Al-Shabaab ayaa gaadiid qaraxyo laga soo buuxiyay ku beegsaday saldhigyo ciidamada huwanta ay ku lahaayeen halkaas, waxayna ka weerareen dhowr jiho, ayada oo kadib sidaas uu ku qarxay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in weerarka qaraxyada iyo dagaalka xigay ay ka dhasheen khasaare xooggan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse aan weli la caddeyn karin inta uu gaarsiisan yahay. Sidoo kale waxaa lasoo wariyay in Al-Shabaab ay si buuxda ula wareegeen deegaanka, kadib markii ay ka baxeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee saaka lagu weeraray deegaankaasi oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka socday abaabul xoogan. Qoraal ay baahisay kooxda waxa ay ku sheegtay in dagaalyahannadooda ay weerareen deegaanka Masaajid Cali Gaduud, ayna gudaha u galeen, welina uu socda howlgalka. Dhanka kale, afhayeen u hadlay HirShabelle oo lagu magacaabo Daa’uud Xaaji Cirro ayaa xaqiijiyay in laga baxay deegaanka, balse waxa uu wacad ku maray in caawa aysan ku hoyan doonin Khawaarijta oo dib looga soo saari doono. “Miney Cali Gaduud caawa ku hoydaan gabarteenuba guur ma leh” ayaa ku yiri qoraal kooban oo uu soo saaray afhayeenka u hadlay dowlad goboleedka HirShabelle. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemayaa aagga Masaajid Cali Gaduud oo laba sano kahor laga xoreeyay Al-Shabaab. Weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan madaxweyne Xasan Sheekh uu ku sugan yahay aagga Cadale, halkaas oo uu ka hogaaminayo dagaalka ka socda gobolka Shabeelaha Dhexe, si loo dardar-geliyo gulufka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa inta badan weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda. Si kastaba, Labada Shabeelle ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii ay culeys soo saareen deegaannadii horay looga qabsaday ee gobolladaasi oo daris la ah magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
-
Kooxda Xuutiyiinta ee dalka ayaa weerareen maraakiibta dagaalka Mareykanka 174 jeer, ayagoo sidoo kale beegsaday maraakiibta xamuulka ah 145 jeer, sida lagu sheegay tira-koob ay soo bandhigtay shabakadda Aljazeera. Kooxdan oo adeegsanaysa gantaallo casri ah iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo la sheegay in Iran lagu farsameeyay, qaarna ayaguba ay sameysteen ayaa sheegtay inay weerarradoodu jawaab u yihiin dhibaatada ay Israa’iil ku hayso dadka reer Falastiin ee Marinka Qasa. Maamulka Trump ayaa haatan isku diyaarinaya inay kooxdan guluf militari oo xoog leh ku qaadaan, sida ku cad sir dhowaan dibedda uga baxday saraakiisha ammaanka Mareykanka, balse Ansaru-llaahi waxay wacad ku mareen inay jawaab kulul ka bixin doonaan duullaan kasta oo uga yimaada reer galbeedka iyo Israa’iil. Source: goobjoog.com
-
Mogadishu (HOL) — Somalia’s search for a first-ever win in FIFA World Cup qualifying continues after a 2-0 defeat to Botswana on Tuesday night in Francistown, a result that illustrated the Ocean Stars’ defensive resilience but ultimately exposed their struggles in transition and depth. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) — Hussein Hassan Mahmoud Ma'da, a soldier in the Somali National Army, has been sentenced to death by firing squad for the murder of Sergeant Major Shafi'i Mohamed Hansi Ali, a group commander. Source: Hiiraan Online
-
Diyaaradan Akinci waa oo ah nooca aan duuliyaha lahayn ayaa ka mid ah kuwa ugu horumarsan dhanka ciidamada, waxaana soo saarta shirkadda duulista iyo difaaca Turkiga ee Baykar. Akinci waxaa loogu talagalay inay fuliso hawlgallo kala duwan, oo ay ku jiraan weerarro uu bartilmaameedkoodu sax yahay, ilaalin, iyo taliska iyo hawlgallada ciidamada. Akıncı UAV waxa ay qaadi kartaa rasaas, gantaalo iyo bambooyin ay ka mid yihiin MAM-L, MAM-C, Cirit, Giidance Guidance Kit (KGK)-MK-82 iyo SOM-A. Diyaaradaan waxay hawada ku jiri kartaa24 saacadood. Akıncı waa mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee isticmaala tignoolajiyada sirdoonka macmalka ah ee laga soo saaro Turkiye. Waxaa lagu tilmaamaa diyaarad leh “awood go’aan qaadasho” iyada oo ku habaysan xogta ay ka hesho dareemayaasheeda iyada oo adeegsanaysa kombuyuutar sirdoon oo ku shaqeeya garaad macmal ah. Diyaaradda Akinci waa diyaarad adkeysi badan, waxay leedahay nidaamyo ilaalin heersare ah, iyo awooda lagu sameeyo weerarro sax ah oo meelaha fog wax ka dila. Waxay qaadi kartaa ugu badnaan 1,500 kiiloogaraam, taas oo u oggolaanaysa in ay qaado hub kala duwan, oo ay ku jiraan gantaallada SOM cruise missiles, gantaallada lidka diyaardaha ee Gökdoğan, bambooyinka la hago ee Bozok, iyo bambooyinka MK-82. Bayraktar Akinci ayaa ku duuli karta joog dhan 30,000 fiit, waxayna hawada ku jiri kartaa 13 saacadood iyo 24 daqiiqo sida ay sheektay wakalaada wararka Turkiga ee Anadolu. Halkan ka sii akhriso warbixinta oo faah-faahsan Bbcsomali Qaran News
-
Wararka naga soo gaaraya deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay iska difaaceen weerarkii ay saaka soo qaadeen kooxda Al-Shabaab. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa weli la maqlayaa hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ilo xog ogaal ah ay sheegayaan in ciidamada dowladda ay ka hortageen weerarka, iyagoo dagaal toos ah la galay kooxda weerarka soo qaaday. Kooxda ayaa isku deydey in ay la wareegaan magaalada balse Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka sii ogaa qorshahooda ayaa dhabarka u dhigay kooxda. Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku sugan yahay gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu ka wada dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Xaaladda deegaanka ayaa weli kacsan, waxaana la filayaa in faahfaahin dheeraad ah laga helo saacadaha soo socda. Source: goobjoog.com
-
Brussels (Caasimada Online) – Mararka qaar waxaa wanaagsan inaadan ogaan waxa ay saxiibadaada isku sheegaan marka aadan joogin. Tusaale ahaan: marka saaxiibkaaga ugu dhow uu kuugu yeero “NACAS,” kugu eedeeyo inaad tahay “ku dul noole” isla markaana uu yiraahdo waa in lagugu khasbaa inaad bixiso wax aadan waligaa ogeyn in la qorsheeyay. Mas’uuliyiin iyo diblomaasiyiin ka tirsan Britain iyo Midowga Yurub ayaa si isku dhafan oo caro iyo niyadjab leh uga falceliyay xog sir ah oo shaaca laga qaaday, taas oo muujisay farriimo gaar ah oo ay is dhaafsadeen saraakiil sare oo ka tirsan maamulka Donald Trump, kuwaas oo ka hadlayay duqeymo la qorsheeyay oo lagu beegsanayo fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen. Sida uu qoray The Atlantic, oo tifaftirihiisa si khalad ah loogu daray group chat ay barta Signal ku leeyihiin xubnaha sare ee maamulka Trump, madaxweyne ku-xigeenka JD Vance ayaa sheegay inuu neceb yahay “in mar kale la samata-bixiyo Yurub” iyadoo la qaaday tallaabo militari oo lagu difaacayo maraakiibta ganacsiga, taas oo badankeed faa’iido u leh ganacsiga Yurub. Wasiirka difaaca Pete Hegseth ayaa ugu jawaabay: “Waan kula qabaa nacaybka Yurub oo kaliya cunid diyaar u ah. Waa NAXDIN.” Jawaabta Britain Diblomaasi British ah ayaa sheegay inuu si amakaag leh u daawanayay markii farriimahaasi la shaaciyay fiidnimadii Isniinta, isagoo dhacdada ku tilmaamay “mid aad u yaab badan.” Wuxuu intaas ku daray in arrintani ay xoojisay dareenka ah in Vance yahay ninka hormuudka u ah cadaawadda Maraykanka ee Yurub, taasoo – sida uu sheegay – ku qasbeysa Trump iyo saraakiisha kale inay qaataan mowqif adag si Trump uusan u muuqan mid ka jilicsan Vance. Dhinaca kale, wasiirro iyo mas’uuliyiin British ah ayaa si dadban isugu dayay in ay yareeyaan waxyeellada ka dhalatay shaacinta xogtan, iyagoo adkeeyay in xiriirka xulafonimo ee Maraykanka uu weli xooggan yahay isla markaana hababka isgaarsiinta ay ammaan yihiin. Si kastaba, Wasiirkii hore ee Difaaca Britain, Grant Shapps, ayaa sheegay in qaar ka mid ah saraakiisha maamulka Trump ay si muuqata ugu baahan yihiin in dib loo baro muhiimadda xulafada. Wuxuu sheegay inay ahayd mid khaldan in la yiraahdo ciidamada Yurub waxba kama qaban khatarta Xuutiyiinta ay taageerto Iran ee weeraraya maraakiibta ganacsiga. Farriimaha la dusiyay ayaa xitaa ka koobnaa dood ku saabsan sidii Yurub loogu khasbi lahaa inay bixiso kharashaadka hawlgalka. Warbixino kale ayaa muujinaya in duqeymaha laga hadlayay ay taageero ka heleen diyaaradaha shidaal-siinta ee Britain. “Waan oggolahay in Yurub ay wax badan ka qabato arrimaha amniga,” ayuu Shapps ku qoray baraha bulshada X. “Laakiin [Ra’iisul Wasaare] Sir Keir [Starmer] waa inuu xusuusiyaa Maraykanka in UK ay hormuud ka ahayd. Anigaa amray afar duqeyn oo RAF ay ku qaadeen Xuutiyiinta, Royal Navy-na waxay difaacday maraakiibta Badda Cas. Ciidamadeennu waxay halis ugu jireen badbaadinta ganacsiga. Qaar ka mid ah madaxda DC waa in la xusuusiyaa.” Ed Davey, hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ee Liberal Democrats, ayaa yiri: “JD Vance iyo saaxiibadiis xitaa uma qalmaan inay maareeyaan group chat, iska daa hoggaaminta ciidanka milatari ee ugu awoodda badan dunida. Arrintani waxay welwel gelinaysaa hay’adaha amniga ee ku aaddan xogta aan la wadaagno.” Yurub inteeda kale Meelo kale oo Yurub ka tirsan, diblomaasiyiinta ayaa muujiyay murugo iyo rajo-beel. Hammigii ay ka qabeen in Vance iyo kooxdiisu si dadban ugu kacsan yihiin Yurub balse ay si gaar ah u muujinayaan garasho iyo xushmad, wuu ka baxay meesha. “Waa niyad jab in la arko sida ay uga hadlayaan Yurub marka ay moodayaan in cidina maqlayn,” ayuu yiri diblomaasi Midowga Yurub ah oo codsaday inaan la magacaabin “Laakiin ma ahan wax la yaab leh… Hadda waxaan aragnay sida ay arrimaha u eegaan, iyadoo wax diblomaasiyad ah aan lagu darin.” Sarkaal kale oo Midowga Yurub ah ayaa yiri: “Vance waa ninka hada haysta aragtidan xagjirka ah, laakiin wuu khaldami doonaa oo mar uun wuu fashilmi doonaa.” Wuxuu intaas ku daray in Maraykanka uu mar kale noqon doono xulafo la isku halayn karo. Diblomaasi labaad oo Yurub ah ayaa raaciyay in taariikhdu muujisay in Maraykanku uu ugu dambayn ku soo noqon doono doorkiisii xulafo dhab ah. “Waqtigan, inkastoo la maqlo hadallo diblomaasiyadeed oo macaan, kalsoonidu way burburtay,” ayuu yiri. “Ma jiri karto xulafnimo la’aan kalsooni. Sidaas darteed, Yurub waa inay wax badan qabataa, maadaama aysan haysan ikhtiyaar kale.” Marka laga hadlayo arrinta Maraykanku uu ku dalbanayo kharashaadka hawlgalka, sarkaal sare oo Midowga Yurub ah ayaa si kaftan leh u yiri: “Wali biilkii nalama soo gaarsiin.”
-
The ex-Al-shabaab member: “I have surrendered to Puntland. I did not kill anyone. I want to be released so that I can join my extended family members.” Garowe (PP Commentary) — In 1995, the late Somaliland administration President Mohamed Ibrahim Egal told BBC Focus on Africa that “terrorists are in Laascaanood and Boorame.” In 2025, a former Al-Shabaab member, who grew up in Hargeisa, claimed he was trained to brainwash [(“tashkiilid”)] people of Buuhoodle into joining Al-Shabaab. “I refused to do that job, but a substantial number of people in Buuhoodle are Al-Shabaab members. I have surrendered to Puntland. I did not kill anyone. I want to be released so that I can join my extended family members,” the man told Puntland State prosecutors. It would be unfair to take a leaf from the Somali secessionists’ book who lie about their fellow Somali citizens. Secessionists were up in arms when Al Jazeera published a report suggesting that key members of Al-Shabaab who hail from Hargeisa have a political agenda to keep the south in turmoil so that the north can secede. Al-Shabaab operatives gather intelligence on assassination targets, tips off the assassin about nearby security personnel and misleads soldiers who arrive at the scene of the assassination by directing them to the wrong location of the assassin’s escape. ICG propaganda against Puntland State of Somalia. Under Puntland law, assassins and undercover agents of Al-Shabaab or Daesh are considered terrorists and murderers. Without undercover agents, Daesh or Al-Shabaab cannot carry out terrorist attacks. In 2015, Puntland State released Abdiwahid Gama’diid, a poet from Hargeisa who was a member of Al-Shabaab units near Boosaso. The late traditional leader of the Isaaq clan, Mohamed Abdulkadir, pleaded with King Burhan of the Darod clan, who lobbied the former Puntland State President, Dr Abdiweli Mohamed Ali, to release Abdiwahid Gama’diid. Nearly two years ago, Gama’diid joined Al-Shabaab in Jilib. The mainstay of Al-Shabaab and Daesh is their undercover agents, who supply crucial intelligence on where to attack. The compartmentalised nature of Al-Shabaab prevents members of the assassination group from knowing each other’s first names. After extensive planning, the assassin, the target identifier and the back-up agent, who facilitates the assassin’s escape, receive their attack plans on the “assassination or suicide bombing day.” Puntland’s counter-terrorism experience indicates that terrorist agents cause more harm than the Daesh or Al-Shabaab terrorists who pull the trigger or detonate explosives in public places to cause maximum death and destruction. In 2021, Puntland Post reported that operatives of an Al-Shabaab cell, captured and prosecuted by Puntland in North Gaalkacyo, were locals who masterminded and carried out assassinations. To secure his release, the former Al-shabaab member chose to describe Buuhoodle as a terrorist hub. That is the hallmark of a terrorist psychopath, whose narrative is now being diabolically disseminated by secessionists and credulous individuals. Earlier this week, the International Crisis Group was promoting the narrative that clans in Calmiskaad are ambivalent about Daesh hideouts. ICG was pushing a terrorist narrative in an attempt to undermine the effectiveness of Puntland State’s counterterrorism operations against Daesh. It is unwise to validate the distorted narrative of Daesh and Al-shabaab terrorists who claim innocence despite evidence to the contrary. © Puntland Post, 2025 The post Puntland Counters Terrorist Narratives as Ex-Al-shabaab Agent Pleads Guilty appeared first on Puntland Post.
-
How Puntland and its allies battle Islamic State in Somalia
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Somali-born cleric Abdul Qadir Mumin, head of the Islamic State group in East Africa, in 2016. © Simon Maina/AFP As the Islamic State establishes a major cell in northern Somalia, the American, British and Moroccan intelligence services are seeking to step up their cooperation to neutralise members of the organisation. Read more here The post How Puntland and its allies battle Islamic State in Somalia appeared first on Puntland Post. -
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si qoto dheer ugu mahadcelisay dowladda Turkiga taageerada xooggan iyo garab istaagga ay u fidisay dadaallada socda ee lagula dagaallamayo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab. Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys, oo la hadlay TRT Afrika, ayaa muujiyay muhiimadda iskaashiga difaaceed ee Turkigu si joogto ah ula garab taagan yahay Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxda xagjirka ah ee muddada dheer carqaladeyneysay xasilloonida dalka. Wasiir Aweys ayaa carrabka ku adkeeyay in taageerada Turkiga aysan ku koobnayn kaliya dhinaca farsamada, balse ay ka turjumayso walaaltinimo qoto dheer oo xoojinaysa awoodda ciidamada amniga xilli muhiim ah oo dalku wajahayo. “Xiriirka aan la leenahay Turkiga waa mid waara, ku dhisan dan wadaag iyo iskaashi istaraatiji ah,” ayuu yiri Wasiir Aweys. “Waa tiir muhiim u ah la-dagaalanka argagixisada, xoojinta amniga, iyo horumarinta nabadda waarta ee gobolka. Iskaashigan wuxuu tusaale u yahay sida awoodaha soo koraya ay gacan uga geysan karaan xasillinta iyo dib-u-dhiska dowladaha kasoo kabanaya colaadaha.” Nabad lagu gutay Ramadaanka Wasiir Aweys ayaa sidoo kale ammaanay taageerada Turkiga ee bisha barakeysan ee Ramadaan, isagoo ku tilmaamay tallaabo dhab ah oo muujinaysa midnimo iyo garab istaag. Wuxuu xusay in iskaashiga labada dal uu si weyn uga qayb qaatay dadaallada dhismaha nabadda ee Soomaaliya. “Iskaashigeennu wuxuu ahaa mid lama huraan ah,” ayuu yiri. “Garab istaagga joogtada ah ee ay Turkigu na siiyeen intii lagu jiray Ramadaanka wuxuu muujiyay walaaltinimo dhab ah, wuxuuna door muhiim ah ka qaatay soo celinta nabadda dalka.” Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa si weyn uga faa’iideystay taageerada Turkiga oo ay ka mid yihiin tababarka dugsiyada milateriga, taageero farsamo, iyo qalab horumarsan oo dhanka difaaca ah. Taageeradan ayaa horseeday horumar la taaban karo, taasoo keentay in Ramadaanka 2025 uu noqdo mid ka nabad badan sannadihii hore ee ay colaadaha iyo amni darridu hareeyeen. “Iskaashigan awgiis, waxaan markhaati ka nahay Ramadaan deggan oo ka duwan kuwii hore,” ayuu yiri Aweys. “Khayraadka ay ina siiyeen iskaashigan difaaceed ayaa muhiim u ahaa xoojinta hawlgalladeenna milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana ay si weyn uga qayb qaateen guulaha aan ka gaarnay dagaalka.” Xakamaynta dacaayadda Al-Shabaab Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hoggaaminaya dagaal qaran oo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida, taasoo Soomaaliya ku haysay argagixiso muddo ka badan toban sano. Dhawaan, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa guulo waaweyn ka gaartay kooxdaas, iyagoo dilay in ka badan 80 dagaalyahan isla markaana gacanta ku dhigay tiro kale. Wasaaradda Warfaafinta ayaa sidoo kale qaaday tallaabooyin muhiim ah oo lagu xakameynayo warbaahinta faafisa borobogaandada Al-Shabaab, iyadoo xirtay xarumo warbaahineed oo lala xiriiriyay kooxda. Guddiga Madaxa Bannaan ee Warbaahinta Soomaaliya ayaa ammaanay tallaabadan, isagoo sheegay inay lagama maarmaan u tahay difaaca shacabka lagana ilaaliyo marin habaabinta iyo adeegsigga khaldan ee diinta. Waxaa intaa dheer, dowladda Soomaaliya ayaa mamnuucday isticmaalka magaca “Al-Shabaab” warbaahinta qaar, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu xadidayo saameynta kooxda ee doodaha bulshada. Wasiir Aweys ayaa hadalkiisa kusoo gabagabeeyay isagoo mar kale ku celiyay go’aanka Soomaaliya ee ah inay si buuxda u cirib tirto Al-Shabaab. Wuxuu carabka ku adkeeyay in ciidamada amniga oo ay garab taagan yihiin Turkiga iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah ay dalka ka xorayn doonaan kooxaha argagixisada ah. “Waxaan kalsooni ku qabnaa guusha howlgaladeenna, iyadoo aan leenahay meel istiraatiji ah oo muhiim ah gobolka,” ayuu yiri. “Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa Turkiga taageeradooda joogtada ah. Anagoo la kaashanayna saaxiibadeenna, waxaan cirib tiri doonnaa Al-Shabaab, waxaana dalka dib ugu soo celin doonnaa nabad iyo xasillooni waarta.” Madax-bannaanida Soomaaliya Wasiir Aweys ayaa sidoo kale ugu baaqay warbaahinta caalamka inay ka fiirsato sheegashooyinka ah in xiriirka Turkiga uu saameyn ku yeeshay go’aannadii dhowaan ee Golaha Wasiirrada Soomaaliya. Wuxuu sheegay in sheegashooyinkaas ay si khaldan u matalayaan madax-bannaanida Soomaaliya, isagoo xusay in hoggaanka dalka uu go’aamada u gaaraa si madax bannaan oo ku saleysan danaha qaranka iyo shacabka. Wasiirku wuxuu intaa ku daray in Soomaaliya ay sii wadi doonto iskaashiga ay la leedahay saaxiibadeeda caalamiga ah, iyadoo u maraysa hannaan waafaqsan himiladeeda amniga, horumarka iyo isku filnaanshaha. Isagoo xusay in Soomaaliya tahay dal madax bannaan, ayuu adkeeyay inay ka go’an tahay dhisidda xiriir istiraatiji ah oo ku saleysan is-ixtiraam, si mudnaanta loo siiyo amniga, horumarka, iyo xasilloonida dalka.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Tiro badan oo dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, oo ay wehliyeen gaadiid dagaal, ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay u wareegay gobollada Bay iyo Bakool, kaddib guuldarrooyin culus oo ka soo gaaray dagaallada socda ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha milatariga Isniintii. Taliyaha Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Janaraal Xasan Isaaq Cumar, oo loo yaqaanno Xasan Baydhabo, ayaa sheegay in ciidamada ammaanku si dhow ula socdaan dhaqdhaqaaqa kooxdaasi ee ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed. “Waan ognahay in cadowga nabadda diidan laga saaray Shabeellaha Dhexe. Waxa ay la kulmeen khasaare ballaaran, haatanna waxay u jiheysteen dhanka Koonfur Galbeed, gaar ahaan gobollada Bay iyo Bakool. Ciidankeenna waa diyaar, waxaana uga hortagi doonnaa qorshahooda sidii aan horeyba ugu guuleysanay gobollo kale,” ayuu yiri Janaraal Xasan Baydhabo. Taliyuhu waxa uu xusay in Ciidanka Xoogga Dalka ay si buuxda heegan ugu yihiin inay ka hortagaan joogitaanka kooxda ee Koonfur Galbeed. “Waxaan faray taliyeyaasha guutooyinka Qaybta 60-aad in ay feejignaadaan, isla markaana ay sugaan ammaankooda, ayna difaacaan gobolka cadowga,” ayuu yiri. Howlgalladii ugu dambeeyay ee ciidamada ayaa kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyay khasaare culus, taasoo keentay in dagaalyahannadooda ay u kala firxadaan deegaanno cusub. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ciidan, ayaa booqday jiidaha hore ee dagaalka ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, si uu uga qeyb galo kormeerka hawlgallada, kuwaas oo lagu xoojiyay weerarada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab. Dhanka kale, ciidamo ka tirsan ilaaladiisa oo kusoo haray degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa adkeeyay amniga, iyada oo Madaxweynaha Soomaaliya uu u sii jihaysanayo deegaanno aan weli si rasmi ah loo shaacin. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in Madaxweyne Xasan Sheekh, oo dagaalka hoggaaminaya, uu ku haminayo in ciidda ka hor laga saaro Al-Shabaab gobolka Shabeellaha Dhexe, oo hadda ay billaabeen in ay ka cararaan.