Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    203,477
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Ministry of Foreign Affairs of the Federal Democratic Republic of Ethiopia expresses its condolence to the people of Somaliland on the passing away of former President Ahmed Mohamed Mohamud (Siilaanyo). Source: Hiiraan Online
  2. On Friday, the King Salman Humanitarian Aid and Relief Center (KSrelief) distributed 1,000 shelter kits, 1,000 clothing kits, and 80 tents to displaced persons in the Banadir region of the Federal Republic of Somalia. Source: Hiiraan Online
  3. Dowladda denmark ayaa raali-gelin hordhaca ka bixisay hadallo ay dowladda Soomaaliya meel ka dhac ku tilmaamtay oo danjirehoodu uu dhowaan ka yiri doorashadii Soomaaliland. Sida ay Ilo-wareedyo dublumaasiyadeed oo xog ogaal ah laga soo xigtay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda ee Denmark iyo Soomaaliya ayaa is dhaafsaday qoraallo rasmi ah, oo ku saabsan hadalki uu danhiraha Denmark ka yiri Soomaaliland, oo uu ku tilmaamay dal. Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn uga carootay hadalka danjiraha denmark, waxayna wasaaradda arrimaha dibeddu ku eedeysay xadgudub ka dhan ah midnimada iyo madax-bannaanida dalka. Safiirka Denmark Steen Sonne Andersen ayaa la filayaa inuu maalmaha soo aaddan la kulmi doono wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi, ka dib markii ay wasaaraddu u yeertay si wax looga weydiiyo hadalkii xasaasiga ahaa ee uu ka yiri Soomaaliland. Source: goobjoog.com
  4. Beirut (Caasimada Online) – Duqeyn naadir ah oo ay Israa’iil Axaddii shalay ku garaacday bartamaha Beyruut ayay ku dishay afhayeenkii guud ee Xisbullah Maxamed Cafiif Al Naabulsi. Sarkaalkan ayaa lagu weerar lagu qaaday xafiiska xisbiga hantiwadaaga Carabta ee Bacas ee magaalada Beirut, sidaasi waxaa lagu xaqiijiyay bayaan kasoo baxay Xisbullah. Maxamed Cafiif ayaa si weyn u muuqday wixi ka danbeeyay billowga dagaalka culus ee hadda u dhaxeeya Isra’il iyo Xisbullah kaas oo xoogeysay bishi September. Bayaan kasoo baxay milatariga Israa’iil ayaa lagu sheegay in Al Naabulsi uu saamayn weyn ku lahaa hawlgallada milatari ee Xisbullah isla markaana uu dhiirrigelin jiray weerarrada ka dhanka ah Israa’iil. Wasaaradda caafimaadka Lubnan ayaa sidoo kale sheegtay in duqeyn kale oo xalay ay Isra’il ku duqeysay dukaan lagu garo kambuyuutarrada lagu dilay 2 qof laguna dhaawacay 22 kale. Dhanka Gaza, saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in duqeymo ay ciidamada Isra’il ka geysteen deegaanka Beyt Laxiya ay ku dileen ugu yaraan 30 qof. Agaasimaha Isbitaalka Kamal Adwan ee Beyt Laaxiya, Hosam Abu Safiya ayaa sheegay in dad badan ay ku dhaawacmeen weerarka ciidanka Isra’il. Goor sii horeysay oo Axaddii shalay aheyd, 10 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay deegaannada Nuseyrat iyo Bureyj ee Marinka Gaza, halkaas oo ka mid ah xerooyinka qaxooti ee ugu waaweyn Gaza The post Israel oo dishay afhayeenkii kooxda Xisbullah appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Denmark ayaa raali gelin deg deg ah ka bixisay hadalkii ay ka carootay dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo safiirka Denmark ee Soomaaliya uu ka sheegay magaalada Hargeysa. Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo shalay shir jaraa’id qabtay ayaa in safiirka Denmark oo ka mid ahaa koox safiirro ah oo Hargeysa tegay uu jeediyey hadallo xad-gud ku ah wadajirka iyo qaranimada Soomaaliya. Ilo wareedyo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Denmark ay deg deg uga soo jawaabtay hadalkii wasiir Fiqi. Denmarka ayaa Soomaaliya ka raali gelisay hadaladii xanafta lahaa ee Hargeysa uu ka jeediyey safiirkooda Muqdisho, waxayna cadeysay in isla xisaabtan diblomaasiyadeed lagu sameynayo safiirka. Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo u yeertay safiirka Denmark ee Muqdisho ayaa balamisay maalinta Arbacada ah ee soo socota, waxaana su’aalo laga qeydiinayaa hadalkii kuu ka sheegay Hargeysa. Somaliland oo si caro leh uga soo jawaabtay hadalkii wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa masuuliyiinta u hadlay waxay sheegeen in Wasiirku ka xunyahay horumarka ay gaareen reer Somaliland iyo doorashooyinka guuleystay oo ay qabsadeen. Siyaasiyiinta Somaliland ayaa ku dooday in Fiqi uu quuri waayey inuu hambalyeeyo guulaha ay gaareen reer Somaliland, taas bedelkeedna uu kiis ku soo oogay safiiradii Hargeysa u tegay inay taageeraan oo korjoogteeyaan doorashada. Siyaasiyiin kale oo u badan reer SSC Khaatumo iyo reer Muqdisho ayaa Wasiir Fiqi ku amaanay doorkiisa firfircoon ee diblomaasiyadeed iyo sida uu uga jawaabay xadgudubkii safiirkaas uu kula kacay qaranimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed. The post Denmark oo raali-gelin ka bixisay hadalkii ka caraysiiyey DF appeared first on Caasimada Online.
  6. Addis Ababa, November 17, 2024 (FBC) – The Ministry of Foreign Affairs of the Federal Democratic Republic of Ethiopia expresses its condolence to the people of Somaliland on the passing away of former President Ahmed Mohamed Mohamud (Siilaanyo). President Ahmed Mohamed was a longtime friend of Ethiopia who played a significant part in cementing the strong relationship between the two peoples, the Ministry of Foreign Affairs said in a statement. The Ministry conveys its sympathies to his family and to the entire people of Somaliland during this difficult time. Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa cirka isku shareertay xiisadda ka dhalatay qorshaha doorasho ee uu rabo madaxweyne Xasan Sheekh, kadib markii uu shalay baarlamaanka marsaday sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha, kaas oo ujeedkiisu yahay in la hirgeliyo nidaamka doorashada qof iyo cod. Qorshahan iyo tallaabadan baarlamaanka uu qaaday ayaa waxaa si adag uga horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka oo ku tilmaamay “mid dhabaha u xaaraya muddo kororsi sharci darro ah” oo uu damacsan yahay madaxweyne Xasan Sheekh. Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah mudanayaasha golaha shacabka ee ka horyimid qorshahan ayaa sheegay in hadii ay sidaan wax kusii socdaan ay aadi doonaan Mirinaayo iyo Badbaado Qaran 2. Xildhibaan Jeesow oo wareysi siiyay telefishanka Somali Cable ayaa caddeeyay in aan sanadka cusub lagu qaban karin doorashooyinka qof iyo cod ee maamullada oo ay dowladda dhexe dooneyso inay ka qabato dowlad-goboleedyada, si hoggaanka maamullada loo soo doorto. Sidoo kale wuxuu uga digay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh inuu dalka u horseedo colaad hor leh, si arimahaasi looga fogaadana weli la haysto fursad looga fikiri karo hanaan doorasho oo aan aheyn midka qof iyo cod. Heshiiskii dhawaan kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaran oo ka maqnaayeen maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa muddo kordhin hal sano ah loogu sameeyay dowlad-gboleedyada Koofur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle. Go’aannada shirkaan oo uu qaadacay madaxweynaha Jubbaland ayaa waxa uu ku dhaqaaqay sidii uu u qabsan lahaa doorasho uu kusoo laabto, isagoo guddi doorasho oo uu magacaabay u muddeeyay in 25-ka bishan November ay qabsoomeyso doorashada madaxtinimada maamulka. The post “Badbaado Qaran 2 ayaa u soconaa, maadaama uu Xasan Sheekh u socdo…” appeared first on Caasimada Online.
  8. Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga WADDANI Amb Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa qaabilay, Aqoonyahanka, Dhallinyaradda iyo Siyaasiyiinta Gobolka Awdal,kuwaas oo hambalyo,salaan iyo duco ugu yimi. Musharrax Madaxweyne ku-xigeen Amb Maxamed Cali ayaa uga mahadnaqay sidii ay hiil iyo hoodaba ugu garab istaageen Musharraxiinta Xisbiga wakhtigii doorashooyinka. Qaran News
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga madaxa cusub ee hay’adda caalamiga ah ee socdaalka (IOM) ee Soomaaliya, Manuel Marques Pereira. Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta wasaaradda Manuel lagaga guddoomay warqadaha aqoonsiga, ayadoo kadib ay labada masuul yeesheen kulankan gaar ah. Kulanka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya iyo madaxa cusub ee IOM ayaa waxaa diirada lagu saaray xoojinta iskaashiga ku aaddan horumarinta Soomaaliya. Wasaaradda arrimaha dibadda waxay hormuud u tahay dadaallada lagu aasaasayo Xarunta Qurbajoogta si ay uga faa’iidaysato in ka badan 4 milyan oo Soomaali ah oo ku nool qurbaha. Xaruntan ayaa waxay si gaar ah muhiim ugu tahay kobcinta doorka qurbajoogta ee horumarka dalka. Wasiirka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay mashaariicda xasilinta ee IOM, kuwaas oo si dhow ula jaanqaadaya qorshaha xukuumadda ee dib-u-soo celinta adeegyada dowladda ee deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab. Wasaaradda ayaa ugu dambeyntiina xaqiijisay inay sii wadayso iskaashiga dhow ee hay’adda caalamiga ah ee socdaalka (IOM), si loo xaqiijiyo yoolalka wadajirka ah. The post Sawirro: FIQI oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay madaxa cusub ee… appeared first on Caasimada Online.
  10. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga Madaxa Cusub ee Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ee Soomaaliya, Mudane Manuel Marques Pereira. Kulankan ayaa lagu lafa guray xoojinta iskaashiga ku aaddan horumarinta Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay hormuud u tahay dadaallada lagu aasaasayo Xarunta Qurbajoogta si ay uga faa’iidaysato in ka badan 4 milyan oo Soomaali ah oo ku nool qurbaha. Xaruntu waxay muhiim u tahay kobcinta doorka qurbajoogta ee horumarka dalka. Wasiirka ayaa sidoo kale soo dhaweeyay mashaariicda xasilinta ee IOM, kuwaas oo si dhow ula jaanqaadaya qorshaha xukuumadda ee dib-u-soo celinta adeegyada dowladda ee deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab. Wasaaradda waxay sii wadaysaa iskaashiga dhow ee IOM si loo xaqiijiyo yoolalka wadajirka ah. Source: goobjoog.com
  11. Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay meel-mariyay hindise sharciyeed ku saabsan dhismaha guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha, taas oo ujeedkeedu yahay in la hirgeliyo nidaamka doorashada qof iyo cod. Tallaabada uu qaaday baarlamaanka ayaa si weyn loogu dhalleeceeyay, waxayna madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaridka ku tilmaameen mid dhabaha loogu xaarayo “muddo kororsi sharci darro ah”. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, ayaa dhaliilo kulul u jeediyay baarlamaanka, isagoo sheegay in uu ka liito baarlamaankii xilligii kali-taliska. Sidoo kale wuxuu shaki geliyay in xildhibaanada soo xaadira fadhiyada baarlamaanka ay buuxi karaan kooramka, uuna qorshahan yahay mid guddoonka marinayo baarlamaanka oo ay ka dambeyso Villa Somalia. “Waan ognahay xildhibaanada jooga inaysan 120 ka badnayn oo kooram xitaa aysan dhamayn una badan yihiin wasiiradii xukuumadda iyo dad ay duruufo ku kalliifeen,” ayuu yiri Warsame oo kamid ah siyaasiyiinta sida weyn uga horyimid tallaabadan. Cabdiraxmaan ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu doonayo muddo kororsi, isaga oo ku soo gabanaya doorasho qof iyo cod ah, xilli ay maqan yihiin maamul goboleedyada qarkood. Madaxweynihii hore ee dalka Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ayaa isna shalay ka digay in loo baahdo badbaado qaran oo dib loo aas-aaso, isagoo tusaale ka bixiyey in sida ay wax u socdaan aysan wanaagsaneyn. Shariif ayaa sidoo kale xusay in dhag jalaq loo siin waayay xildhibaannada laga soo kala doortay Puntland iyo Jubbaland oo iyagu cadeeyey mowqifkooda, iskana diiday qorshaha socda. Isku soo wada duubo, sharcigan maray baarlamaanka ayey dowladda federaalka u aragtaa guul muhiim ah oo loo qaaday dhanka dimuqraadiyadda, xilli ay si adag uga horyimaadeen madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka, islamarkaana ay maqan yihiin Puntland iyo Jubbaland. The post BF Somalia oo dhalleeceyn xooggan kala kulmay tallaabadii uu qaaday appeared first on Caasimada Online.
  12. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/11/AQPYgLmFr34mxEtDKbS756cjy7sXhHFuPJCqtoD9muFwHu7EIoJqpqvYSQJTG4vKt0UsqQUlVs0sJXI2g1Hy883_.mp4 Qaran News
  13. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u jawaabtay hadallo kasoo yeeray dowladda federaalka Soomaaliya. Hadalladan oo uu jeediyay wasiir Fiqi, kaasi oo uu ku sheegay in dowladdiisu ay danjirayaasha caalamiga ah kula xisaabtami doonto hadalkii ay ka jeediyeen Hargeysa, oo uu sheegay inay ku xad-gudbeen madax-banaanida iyo midnimada dalka. Wasiirka warfaafinta Somaliland Cali Mareexaan oo ka jawaabay hadalkaasi ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka xuntahay horumarka dimuqraadiyadeed ee Somaliland sanadaha badan ka hanaqaaday, taasi oo ay ugu dambeysay doorashadii 13-ka bishaan. Wasiirka ayaa ku tilmaamay hadallada kasoo yeeraya dowladda federaalka ay yihiin kuwa muujinaya sida ay uga xumaatay horumarka Somaliland oo ay xaasidayso, sida uu hadalka u dhigaym “Dowladahan uu maagaya waa kuwa iyaga oo aan meelna xukumin ku sheegay dowlad, ee aqoonsaday, in ay Somaliland yimaadan oo ay qiraan dimuquraadiyada iyo wanaaga ka socdana wax ay isaga uga soo fasaxqaadanayaan maaha,” ayuu yiri wasiir Cali Mareexaan. Sidoo kale wuxuu si gaar ah ugu mahad-celiyay wakiilada caalamka ee bogaadiyay doorashadii ka dhacday Somaliland, isagoo ku bogaadiyay shacabka sida qaangaadhnimada ah ee u dhacday doorashada. Hadalkan ayaa imanaya xilli ay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya warqad u dirtay safiirka Denmark u fadhiya dalka Steen Sonne Andersen, ayna ugu yeertay inuu yimaado xafiiska, kadib markii ay ku eedeysay inuu ku xad-gudbay midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Wasiir Axmed Fiqi oo arrintan si adag uga hadlay ayaa xaqiijiyay in wasaaradda ay u yeertay safiirka Denmark, wuxuuna sheegay in hadallo ka dhan ah madax-banaanida dalka uu ku dhawaaqay inta uu joogay magaalada Hargeysa. Sidoo kale wasiirka ayaa ku eedeeyay qaar kamid ah safiiradii tegay Somaliland in ay qariyeen halka ay safiirka ka yihiin, taasina ay u arkaan arrin khalad ah, isagoona caddeeyay in safiiradu aanay ka aqbali doonin “in sida dal oo kale ama dowlad gaar ah ay ula macaamilaan maamulka Somaliland.” The post SOMALILAND oo si adag ugu jawaabtay DF kadib hadalkii kasoo yeeray appeared first on Caasimada Online.
  14. Dhusamareb (HOL) — At least 11 people were killed and several others injured in inter-clan clashes over grazing land in the Labi Ano area, east of Dhusamareeb, the capital of Galmudug, on Sunday. Source: Hiiraan Online
  15. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/11/AQMxpPP8wj_wQisLfLFiW6t_6wM6Eqe16vcSvTTqxCK_s6Ug6_k6FhGvC3Zzk6B1ZWgVfNeJq9HSaFEjQmD-RkBI.mp4 Qaran News
  16. Washington (Caasimada Online) – Gabriela, waxay gashay Maraykanka muddo labaatan sano ka hor iyadoo neef-qabatinowday markii la galiyey qeybta dambe gaari ay ku rasaysnayd galay oo ay wateen koox wax tahriibisa. Hadda waa gurlai ialiso gobolka Maryland, muwaadinkan Boliviyanka ah waa mid ka mid ah ugu yaraan 13 milyan oo muhaajiriin aan la diiwaan galin oo ku nool Mareykanka. Dhammaan Maraykanka, muhaajiriinta sida Gabriela, oo kale ayaa la tacaalaya waxa ay ka dhigan tahay ballanqaadka maamulka Trump ee ku saabsan fulinta musaafurinta ballaaran iyo sida ay u saameyn karto mustaqbalkooda. In ka badan daraasiin waraysi, muhaajirint aan diiwaan gashnayn ayaa sheegay in doodadaha ugu badan ee ugu kulul ee ku dhexmara baraha bulshada sida whatsappka ay tahay mowduucaas. Qaar, sida Gabriela, waxay aaminsan yihiin inaysan saameyn ku yeelan doonin iyaga. “Waxba kama baqayo, dhab ahaantii,” ayay tiri. “Taas waa in dambiilayaashu ay ka werweraan, canshuur baan bixiyaa, waana shaqeeyaa.” “waxay doontaba, ma diiwangashani,” eyey intaa ku darta. “[Sidee] xitaa ayay igu ogaan lahaayeen?” Xilligii ololaha doorashada, muhaajiriintu waxay ahaayeen mowduuca walaaca wayn ay ka muujinayeen codbixiyaasha Maraykanka, Trump-na wuxuu si joogta ah u ballan qaaday inuu si weyn muhaajiriinta ugu musaafurin doono ciida maraykanka maalinta kowaad ee uu xafiiska tago, haddii uu ku guulaysto madaxweynanimada. Laakiin ku dhawaad laba toddobaad ka dib markii uu si weyn ugu guulaystay doorashada, ma cadda sida dhabta ah ee hawlgalladan fulinta socdaalka ay u ekaan doonaan. Madaxweynaha la doortay ayaa ku adkeystay in qarashka uusan noqon doonin dhibaatada, laakiin khubarada ayaa ka digay in ballanqaadyadiisa ay la kulmi karaan caqabado dhaqaale iyo saadka oo aad u weyn. Tom Homan, oo uu dhawaan loo magacaabay “qofka ugu sarrreeya arrimaha xaduudaha”, ayaa sheegay in muhaajiriinta aan sharciga haysan ee loo arko inay khatar ku yihiin ammaanka qaranka ama amniga bulshada ay noqon doonaan kuwa mudnaanta leh. Isagoo la hadlayey la hadlayey Fox News sabtidii, kusimihii hore ee waaxda socdaalka haddana loo magacaabay arrimaha xaduudaha ayaa si weyn uga horyimid firkadaha qaar oronaya “in kuwa la sharciga dhaqan galinaya ay yihiin kuwo xun xun halka kuwa sharciga jabinayana ay yihiin dhibanayaal”. “Waa xildhibaan kee, waa guddoomiye goboleed kee, ama waa duqee kan ka soo horjeeda in khataraha amniga bulshada laga saaro bulshadaas?” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in maamulka cusub uu “fulin doono wajibaadka ay shacabka Ameerikaanku siiyeen Madaxweyne Trump.” Qorshaha mas’uuliyiinta Mareykanka ee ah inay tarxiilaan muhaajiriinta wax cusub maaha. In ka badan 1.5 milyan oo qof ayaa la tarxiilay xilligii madaxweyne Joe Biden, marka lagu daro malaayiin laga celiyay xadka intii lagu jiray masiibada Covid-19. Muddadii siddeedda sano ahayd ee maamulkii Barack Obama – oo dadka qaar ay ugu yeeri jireen “Madaxa musaafuriska” – ilaa saddex milyan oo qof ayaa la tarxiilay, iyadoo diiradda la saaray ragga doobabka ah ee ka imaanayey dhanka Mexico, kuwaas oo si fudud looga soo tarxiilay gobollada xadka. Si kastaba ha ahaatee, qorshayaasha uu Trump ballanqaaday ayaa ah kuwo baaxad weyn oo ah kuwo xooggan. Sida la sheegayo, mas’uuliyiintu waxay sidoo kale ka fiirsanayaan in ay isticmaalaan Ciidanka Qaranka iyo diyaaradaha milateriga si ay u xirxiraan dadka ugu dambeyntiina u tarxiilaan Madaxweyne xigeenka Maraykanka JD Vance, ayaa sheegay in tarxiilku ku bilaan doono hal milyan oo qof. Ilaa hadda qaar ka mid ah muhaajiriinta aan diiwan gashanyn ayaa aaminsan inay ka faa’iidi doonaan Madaxtinimada Trump halkii laga tarxiili lahaa “Dad badan oo Laatiinays ah kuwaas oo xaq u lahaa in ay codeeyaan ayaa sheegay in Trump u fiican yahay dhaqaalaha, taasi ayaana annaga sidoo kale noo fiican” ayuu Yiri Carlos, oo aan sharci haysan una dhashay Mexico balse haatan ku nool New York. Wiilkiisa ayaa haysta dhalashada Marayakanka. Sida laga soo xigtay Golaha Socdaalka ee Maraykanka – oo ah urur aan dhinacna ka tirsanayn oo sameeya cilmi-baaris, una dooda in dib u habeyn lagu sameeyo nidaamka socdaalka Mareykanka – waxaa jira in ka badan shan milyan oo Maraykan ah oo ay dhaleen waalidiin aan sharci lahayn. Carlos, wuxuu sheegay “inuu ka yar ka walwalsan yahay in lagu qabto howlgallada socdaalka. Waxaa jira qaar kale oo badan oo aan rajooyinkaan oo kale qabin, oo ku nool cabsi. Dadkaas waxaa ka mid ah Eric Bautista, oo deggan California, kuna magac dheer “Dreamer”, wuxuu ka faa’iidaysanaya sharci muddo dheer jiray oo musaafurinta ka ilaalinaya dadka iyagoo yar Maraykanka ku soo gala tahriibta. Hadda waa 29 sano jir, wuxuu xasuustaa noloshii Mexico – wadankii uu ku dhashay ee uu ka soo tagay isagoo toddobo sano jir ah. Afartii sano ee la soo dhafay, wuxuu baranayey taariikhda Maraykanka isagoo ku jiray dugsiga sare, waxaana ka mid ah waxyaabaha uu darsay sida mowjado muhaarijiinta ah oo ka imaanayey dalalka Talyaaniga, Shiinaha, Japan iyo Mexico ay ula kulmeen falal shisheeye nacayb ah. Wuxuu BBC-da u sheegay Bautista “inuusan waligiisa waxaas oo kale arkin muddo labaatan sano oo ku noolaa dalka Maraykanka” Qareennada iyo khubarada sharciga ayaa sheegay in aanay jirin dammaanad qaad ah in muhaajiriinta aan sharciga haysan aan lagu dari doonin dadaallada tarxiilka ee kor loo qaaday. Soogalootiga aan sharciga haysan ayaa ka shaqeeya dhaqaalaha Maraykanka oo dhan – laga bilaabo beeraha ilaa bakhaarada iyo goobaha dhismaha. BBC The post Dadka sharci la’aanta ah ee Maraykanka iyo mawduuca walwalka badan ku haya appeared first on Caasimada Online.
  17. Lieutenant General Bashir Mohamed Jama: “Do you hear me, Mr Chairman? I am the elder. The family has a father now.” Mogadishu (PP News Desk) — The Somali Minister for Families, Lieutenant General Bashir Mohamed Jama, who happens to be a man, denied accusations that he “opposes the quota for Somali women in politics”. A female journalist interviewed the Minister on the steps of the bicameral legislature in Mogadishu after a controversial vote on the proposed electoral model for Somalia in 2026. “The Somali women endeavour to achieve their full 30% quota in politics, yet you are occupying the ministerial seat of the Women’s Ministry and claim to be advocating for our quota,” said the female journalist. Lieutenant General Bashir and Godah (right) attended the Women, Peace and Security Focal Points Network in New York. Bashir responded by appealing to filial piety. “I am old enough to be your father. I am not sitting on the women’s seat; I am sitting on the families’ seat,” said Bashir in an attempt to defend his position. A clip of the question the female Somali journalist asked Lieutenant General Bashir Mohamed Jama at the bicameral legislature in Mogadishu. At the bicameral session yesterday, Bashir said: “You are duty-bound to support meeting the women’s quota in politics. The Somali must have 50% of the seats. Do you hear me, Mr Chairman? I am the elder. The family has a father now.” In October, Bashir attended the Women, Peace and Security Focal Points Network in New York. He was accompanied by Godah, an MP and his senior adviser. “It is tone-deaf for the Somali government to have men on the frontline representing women at the conference,” BBC quoted Fatiha Absie, a Somali journalist, as saying. © Puntland Post, 2024 The post The Male Minister of Somalia Family Ministry Denies Opposing Women’s Quota in Politics appeared first on Puntland Post.
  18. AQM3fEo-XifxGM-3CifZk7gguSK4mRGKWeG8910rWKdG3CZ1GwYcA_q2uAep_J2b5x-h4lkNfMMvGygZ3BG0vWUM Qaran News
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay Ku-xigeenka Xisaabiyaha Guud ee Qaranka. Xilkan ayaa waxa uu ra’iisul wasaare Xamza u magacaabay Axmed Maxamuud Muxumed, sida lagu shaaciyay wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha. Ninkan oo ku-xigeen u noqonaya Xisaabiyaha Guud ee Dowladda ayaa waxay xafiiskan shaqadiisu tahay dardar-gelinta iyo nidaaminta dhaqaalaha waddanka. Magacaabistan ayaa imanaysa xilli uu dhawaan ra’iisul wasaaraha magacaabay xilal cusub, halka kuwa horena uu buuxiyay kadib markii ay iska casileen masuuliyiintii hayay. Arbacadii ayey aheyd markii uu ra’iisul wasaare Xamza uu Agaasimaha Guud ee Xafiiska Amniga Qaranka u magacaabay Cabdimaalik Cabdullaahi Cabdi. Waxaa kasii horeeyay Axmednur Sheekh Maxamed Loxos iyo Cabdirashiid Maxamed Ducaale oo Xamza u magacaabay Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qorsheynta iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Soomaaliya. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa muddooyinkii dambe wajahayay culeys siyaasadeed, kaas oo sii xoogeystay kadib markii ay isa seegeen dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland oo kasoo jeedo. The post R/Wasaare Xamza oo maanta magacaabay xil cusub appeared first on Caasimada Online.
  20. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş. Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in S/Guuto Asad Diyaano uu Xafiiskiisa shir kula yeeshay Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş. “Waxay ka wadahadleen xoojinta xiriirka Booliska iyo Safaaradda oo Dawladda Turkiga masuul uga ah taageerada ciidamada Booliska Soomaaliyeed, sida dhinacyada tababarrada, taakulada iyo kor u qaadista aqoontooda” ayaa lagu yiri qoraalkaasi. Taliye Asad Cismaan oo dowladda Turkiga uga mahadceliyey taageerada iyo tababar siinta ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa safiirka kala hadlay dib u habeynta, kordhinta tirada, agabka iyo dhismaha xarun u gaar ah ciidamada Haramcad oo qayb ka ah Booliska Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Taliyaha Booliska Soomaaliya oo shir la yeeshay Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  21. Mogadishu (HOL) — Somali Foreign Minister Ahmed Moalim Fiqi accused foreign diplomats of violating Somalia's sovereignty and unity following remarks made during Somaliland's recent presidential elections in Hargeisa. Source: Hiiraan Online
  22. Diyaaradda SalamAir oo laga leeyahay dalka Cumaan ayaa shaacisay in ay bilaabi doonto duulimaad toos ah oo isku xiraya caasimadda Soomaaliya, Muqdisho, iyo caasimadda Cumaan, Muscat, laga bilaabo 16-ka Janaayo 2025. Tani waxay noqonaysaa duulimaadkii ugu horreeyey ee toos ah oo isku xira Soomaaliya iyo Saldanadda Cumaan, sida ay ku dhawaaqday hay’adda duulista rayidka ee Cumaan. Fursadaha Ganacsi iyo Isdhexgalka Bulsho Duulimaadkan oo ah toddobaadle ayaa lagu wadaa in uu dhiirrigeliyo xiriirka dhaqaale iyo dhaqanka ee u dhexeeya labada dal. Waxaa sidoo kale fursad weyn loo arkaa in uu ka faa’iideysto ganacsatada iyo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Cumaan. Tikidhada diyaaradda SalamAir ayaa lagu sheegay inay yihiin kuwa raqiis ah, taasoo fursad siin karta rakaabka doonaya inay si fudud u safraan. Duulimaadka cusub ayaa kor u qaadi doona isdhexgalka dhaqaale iyo bulsho ee Soomaaliya iyo Cumaan. Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa heli doona marin sahlan oo ay ugu safraan Muscat, halka bulshadu ay fursad u heli doonto inay xiriir dhow la yeeshaan bulshada Cumaan. Source: goobjoog.com
  23. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaan hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kaas oo gaystay khasaare aad u xooggan. Dagaal oo u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed ayaa si gaar ah uga qarxay deegaanka Labi-caano oo bari uga beegan magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay saacado badan, isla markaana maleeshiyaadka ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay ug yaraan 11 qof, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan oo isugu jiro dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maleeshiyaadka dagaalamay ay isku heystaan daaq iyo waraab, waxayna kasoo kala jeedaan magaalooyinka Ceelgaras iyo Dhuusamareeb. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dhinacyada dagaalamaya ay helayaan gurmadyo, taas oo uga sii dareysa xiisadda ka taagan halkaasi. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Galmudug, balse waxaa lagu soo warramayaa in ciidamo ka tirsan maamulka ay ku baxeen dagaalkaasi, si loo qaboojiyo dagaalka. Gobollada dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay colaad beeleedyo saameyn ku yeeshay dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaannada hoostaga gobolladaasi. The post Wararkii ugu dambeeyay dagaalka lagu hoobtay ee GALGADUUD appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, ahna duqii magaalada Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa noqday mas’uulkii ugu horreeyay ee soo dhaweeyay jadwalka doorashada Jubbaland. Taabit ayaa shaaca ka qaaday inuu boggaadiyay tallaabada uu qaaday guddiga doorashada Jubbaland, isaga oo u rajeeyay guul ku aadan doorashada ay u dhaqaaqeen. “Dani waa seeto. Waxaan boggaadinayaa jadwalka doorashada ee #Jubbaland, waxaana u rajeynayaa nabad iyo guul” ayaa ku yiri qoraalka uu soo saaray guddoomiye hore Taabit. Sidoo kale wuxuu farriin u diray maamullada kale ee oo ugu baaqay inay aadaan doorashooyin, maadaama uu ka dhammaaday muddo xileedka. “Koonfur Galbeed, GalMudug iyo HirShabeelle waxaa u furan oo kaliya inay sharciga u soo laabtaan inta aan berri iyagoo uur-ku-jirayaal ah loo shirin ama laga shirin” ayuu ku daray. Wxaa kale oo uu baaq u diray madaxda dowladda dhexe oo uu ka dalbaday inay kusoo laataan xeyndaabka sharciga, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed oo horleh. “Madaxda DFS waxaan ugu baaqayaa inay xayndaabka sharciga ku soo noqdaan iyo ku dhaqanka dastuurka JFS” ayuu mar kale yiri Taabit Cabdi Maxamed. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo doorashada madaxweynaha Jubbaland loo asteeyay 25-ka bishaan November, sida ku cad jadwalka xalay soo baxay. 18 ilaa 19 isla bishaan ayaa sidoo kale lasoo saarayaa liiska xildhibaanada la doortay ee baarlamaanka Jubbaland, sida uu shaaciyey guddiga doorashada Jubbaland The post Mas’uulkii ugu horreeyay oo soo dhaweeyay jadwalka doorashada JUBBALAND appeared first on Caasimada Online.
  25. A military helicopter belonging to the Ethiopian Air Force crashed Saturday in Bahir Dar, according to media reports. Source: Hiiraan Online