Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,751
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa xilkii ka qaaday Taliyihii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage. Golaha ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabidda Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, kaas oo loo magacaabay Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud. Waa kuma Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga? Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Sare Ibraahim Maxamed Maxamuud waa sarkaal sare oo muddo dheer ka tirsanaa hoggaanka Ciidanka Xoogga. Gaashaanle Sare Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa si weyn uga soo shaqeeyay hay’adaha hoggaaminta ciidanka, isaga oo leh khibrad shaqo ciidan oo 18 sano ah, iyo aqoon waxbarasho oo gaarsiisan heerka labaad ee jaamacadda. Si gaar ah, waxa uu hore u ahaa Taliyaha Hoggaanka Taageerada Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (General Support Command), oo ah hoggaan muhiim u ah howl-galinta iyo joogtaynta awoodda ciidanka. Xilkan muhiimka ah ayaa loo magacaabay bishii Juunyo ee sanadkii 2024, kaddib wareegto rasmi ah oo ka soo baxday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Intii uu xilkaas hayay, Gaashaanle Sare Ibraahim Maxamed Maxamuud waxa uu mas’uul ka ahaa maareynta farsamo ee ciidanka, gaar ahaan sahayda, agabka difaaca iyo nidaaminta gaadiidka militariga. Sidoo kale, waxa uu si dhow u kormeerayay in ciidamada ku sugan furimaha dagaalka ay helaan taageerada iyo qalabka ay u baahan yihiin si ay u gutaan waajibaadkooda qaran. Si kastaba ha ahaatee, Gaashaanle Sare Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa haatan si rasmi ah xilka Taliyaha Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ugala wareegaya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage. The post Waa kuma taliyaha cusub ee ciidanka xoogga Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiyada farsamada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ayaa gaaray heshiis ka gaaray ajendaha shirka, kaas oo la filayo in uu 1-da Febraayo ka furmo magaalada Muqdisho. Sida ay ogaatay Caasimada Online, Guddiyada ayaa isku raacay in ajendayaasha shirka madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu noqdo: arrimaha doorashooyinka, dastuurka, midnimada, dagaallada ka dhanka ah argagixisada iyo abaaraha. Sidoo kale waxay isfaham ka gaareen hannaanka iyo goobta uu ka dhacayo shirweynaha la filayo, iyagoo isku raacay in wada-hadallada heerka sare ah lagu qabto hoteel ku yaalla gudaha xerada Xalane. Tan ayaa timid kadib markii hoggaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland ay ka gaws qabsadeen inay tagaan Villa Somalia, isla markaana ay Xalane u arkaan goob dhexdhexaad ah oo amnigeeda lagu kalsoonaan karo. Dhinaca amniga, dhinacyadu waxay xalliyeen cabashadii la xiriirtay ilaalada madaxda. Waxaa la isku raacay in sugidda amniga Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ay gaar u tahay ilaaladooda gaarka ah, balse ay wadashaqeyn iyo is-xogwaraysi joogto ah la yeelan doonaan saraakiisha Ciidamada Federaalka si looga fogaado isku-dhac ama jahwareer amni. Inkastoo Dowladda ay ka walaacsan tahay in Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay ciidamo culus la soo galaan caasimadda, si la mid ah wada-hadalladii doorashadii 2022-kii. Si loo dhiso kalsoonida, waxaa laga laabtay waarankii qabashada ee horay loogu jaray Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe, kaas oo ay maxkamadda gobolka Banaadir soo saartay 27-kii November ee 2024-kii, kadib markii dowladda Soomaaliya ay diiday dib u doorashadiisa. Maxkamadda Gobolka ayaa maanta ku dhawaaqday in ay ooday gal-dacwadeedkii ka dhanka ahaa Axmed Madoobe, iyada oo sheegtay in xeer ilaalintu ay dib ula noqotay dacwaddeeda, soona dalbatay in la xiro kiiska. Xilligaas Axmed Madoobe waxaa lagu soo eedeeyay fal-dambiyeedyo lid ku ah wadajirka iyo midnimada qaranka, taas oo macno ahaan noqoneysay inuu ku kacay “khiyaano qaran”. Sidoo kale waxaa meesha laga saaray soo xiristii Axmed Madoobe, si loo horkeeno maxkamadda gobolka, maadaama la filayo in haatan uu soo gaaro magaalada Muqdisho, si uu wada-hadallo ula yeesho dowladda Soomaaliya. Tallaabadan ayaa imaneysa laba maalmood ka hor furitaanka shirka wadatashiga, isla markaana la filayo inay Muqdisho yimaadan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo qayb ka ah wada-hadallada ay dowladdu la yeelaneyso Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee haatan ka jira dalka. The post Xog: DF iyo mucaaradka oo heshiis ka gaaray ajendaha shirka iyo qodobo kale appeared first on Caasimada Online.
  3. Mogadishu, Somalia — Somalia’s cabinet dismissed army chief General Odowaa Yusuf Raage on Thursday and appointed a Turkish-trained logistics expert to lead the force as the government intensifies its offensive against Al-Shabaab. The Council of Ministers approved Brigadier General Ibrahim Mohamed Mohamud’s appointment during a meeting in Mogadishu, state media reported. Ministers thanked Odowaa for his service, but government sources said the military required new leadership to accelerate operations against the Al-Qaeda-linked insurgents. General Ibrahim, who previously commanded the army’s logistics division, represents a generational shift in the senior ranks. He holds a master’s degree from a Turkish military institution, a qualification that underscores Turkey’s deepening security ties with the Horn of Africa nation. The Somali National Army (SNA) currently struggles to supply troops on the frontlines of central and southern Somalia. Officials said Ibrahim’s background suits the urgent need to sustain extended supply lines. He will now lead a renewed push to dislodge Al-Shabaab from strongholds in Middle Shabelle and Lower Juba, according to military officials. Security hurdles This leadership change is the second time Odowaa has been removed from the top post, following an earlier dismissal before his recent return. He served as army chief from 2019 to 2023, and President Hassan Sheikh Mohamud reappointed him in November 2024 to revive a stalled counter-insurgency campaign. But his dismissal follows battlefield setbacks. Despite a “total war” declared by the president, militants reversed some government gains in recent months. The leadership change comes as Somalia faces parallel pressures: an ongoing campaign against the Al-Qaeda-linked Al-Shabaab insurgency and rising political tensions ahead of planned 2026 elections. Al-Shabaab still controls parts of rural southern and central Somalia and regularly stages attacks in Mogadishu and other towns, despite years of military operations backed by international partners. At the same time, disputes over constitutional amendments and election rules have deepened mistrust between the federal government and opposition figures. On Wednesday, lawmakers brawled in parliament as they debated constitutional amendments that opponents claim could delay the 2026 polls. The post Somalia names Turkish-trained general as new army chief appeared first on Caasimada Online.
  4. Boorama (Caasimada Online) – Xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Saylac ee gobolka Awdal ayaa kasii dareysa, iyadoo maanta beelaha Gadabuursi ay ku dhawaaqeen “is-difaac” ka dhan ah beelaha Ciise. Saylac oo weli ka taagan tahay xiisaddii ka dhalatay joojinta bandhiga Xeer Ciise, ayaa haatan labada beel isku hub aruursanayaan, iyadoo deegaano qaar oo gobolka Awdal la sheegay inuu iska hor imaad ku dhex-maray. Guddiga guud ee dhaqanka beelaha Gadabuursi, oo ka kooban salaadiin iyo cuqaal, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boorama. Waxay sheegeen in lagu soo duulay dhulkooda, isla markaana ay diyaar u yihiin inay difaacaan. “Beelaha Gadabuursi waxa ay cid kasta oo dan ka leh nabadda Geeska Afrika u caddeynayaan in aanay iyagu cidna duulimaad ku ahayn, balse ay yihiin dad difaac ku jira oo ilaashanaya dhulkooda iyo taariikhdooda,” ayaa lagu yiri bayaanka odayasha dhaqanka beelaha Gadabuursi. Sidoo kale, waxay xukuumadda Somaliland ugu baaqeen in deegaanadeeda ay ka joojiso kooxaha qaswadayaasha ah ee ka soo duulaya waddamada deriska ah. “Maadaama kooxahaasi aanay ahayn kuwo u dhashay Somaliland, balse raba inay burburiyaan nabadda Somaliland,” ayay sheegeen. Waxaa muddooyinkii dambe deegaanno ka tirsan gobolka Awdal ku soo qulqulayay maleeshiyaad beeleed hubaysan oo tiro badan, kuwaas oo ka soo tallaabayay xuduudaha Itoobiya iyo Jabuuti, kaddib markii ay xukuumadda Somaliland joojisay bandhigga buugga Xeer Ciise. Hoos ka aqriso qodobo muhiim ah oo ku jira warmurtiyeedka: Guddida dhaqanka beelaha Gadabuursi waxa ay si toos ah dadkooda ugu caddeynayaan in duulaan dagaal oo qaawan lagu soo qaaday deegaannadooda xeebaha gobolka Salal, duulaankaas oo ahaa damac dhul-doon socday labadii sano ee ugu dambeeyay. Tan iyo intii lagu soo qaaday duulaanka dhulka beelaha Gadabuursi, waxa ergooyin nabadeed ugu yimid beelaha Gadabuursi ilaa 4 ergo oo soomaaliyeed, kana kala yimid Hargeysa, Badhan, Itoobiya, iyo Kenya. Beelaha Gadabuursi waxa ay ergooyinkaa ka aqbaleen inay diyaar u yihiin nabad haddii laga helayo dhigooda beelaha Ciise, kuwaas oo ku baaqay dagaalka duulimaadka ah ee ku jihaysan dhulka beelaha Gadabuursi. Beelaha Gadabuursi waxa ay caddeynayaan in aanay iyagu cidna duulimaad ku ahayn, balse ay yihiin dad difaac ku jira oo ilaashanaya dhulkooda iyo taariikhdooda. Guddidu waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan beelaha Gadabuursi inay u diyaar-garoobaan difaac kama-dambays ah oo lagaga hortagayo duulaanka qaawan ee lagu soo qaaday dhulkooda Alle ku beeray. Guddiga dhaqanka beelaha Gadabuursi waxa ay dadkooda farayaan meel ay joogaanba in si buuxda u taageeraan difaaca dhulkooda, kuna bixiyaan maal iyo nafba. Sidoo kale waa in loo hoggaansamaa oo la fuliyaa wax kasta oo amar ah oo ka soo baxa guddiga dhaqanka. Beelaha Gadabuursi waxa ay si cad u sheegayaan in dhammaan dhulweynaha ka kooban gobolka Salal aanay suurto gal ahayn in wax la yidhaa “Guban State” laga dhiso, taas oo dhawaan kooxo aan gobolka Salal u dhalan ku dhawaaqeen magaalada Xamar. Beelaha Gadabuursi waxa ay xukuumadda Somaliland ugu baaqayaan in dalka laga joojiyo kooxaha qaswadayaasha ah ee ka soo duulaya waddamada deriska ah. Maadaama kooxahaasi aanay ahayn kuwo u dhashay Somaliland, balse raba inay burburiyaan nabadda Somaliland. Beelaha Gadabuursi waxa ay si mug iyo miisaan leh u garab taagan yihiin dowladnimada Somaliland, maadaama ay yihiin dadkii dhisay dowladnimada Somaliland ee maanta la hadhsanayo. Guddidu waxa ay tacsi u diraysaa labadii marxuum ee safarka ahaa ee dhawaan jidgooyada loo galay ku naf waayay, iyo dhammaan mujaahidiintii kale ee iyaguna u shahiiday difaaca dhulkooda. Waxan leenahay Allah ha u naxariisto dhammaantood. Allaa mahad leh! Guddiga dhaqanka beelaha Gadabuursi The post Xiisadda Saylac oo kasii dartay iyo beelaha Gadabuursi oo ku dhawaaqay… appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Wada-hadallada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadatashi ah kula yeeshay magaalada Muqdisho urrurada siyaasadda dalka. Ururradan oo ah kuwii ka qeyb-galauy doorashadii goleyaasha deegaanka ee qof iyo cod ee gobolka Awdal ayaa waxa uu guddiga ula kulmay, si ay uga dhageystaan talooyinka iyo aragtida arrimaha saamaynta ku leh masiirka dalka. Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta midnimada iyo wadajirka dalka, joogteynta wada-hadalka iyo isu-tanaasulka siyaasadeed, ka jawaabidda xaaladda abaaraha ee degdegga ah. Waxay isla qaateen in la sameeyo abaabul mideysan oo ay wadajir uga qeyb qaataan dowladda, urrurada siyaasadda, ganacsatada, deeq-bixiyeyaasha iyo qeybaha kale ee bulshada. Sidoo kale, waxaa laga wadatashadey xoojinta amniga iyo difaaca dalka si loo ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida, iyo dardar-gelinta doorashooyinka qof iyo cod ee heerarka kala duwan ee dowladda. Intii kulanka socday waxaa sidoo kale la isla qaatay ballaarinta ka-qeybgalka siyaasadda iyo sii wadista dadaallada lagu dhamaystirayo dastuurka, maadaama horumarka dowladnimada dalka ay saldhig u tahay helidda dastuur dhamaystiran. Guddiga Wasiirrada ayaa u mahadceliyay urrurada siyaasadeed ee ka soo qeyb-galey wadatashiga, iyagoo sidoo kale adkeeyay in wadatashiyadan ay sii socdaan si loo helo aragti iyo talo mideysan. Si kastaba, kulankan maanta guddiga uu la qaatay ururrada siyaasadda ayaa qeyb ka ah la-tashiyada guddiga wasiirradu la leeyihiin qeybaha bulshada iyo saamilayda siyaasadda. The post Kadib kulankii mucaaradka, guddiga dowladda oo la kulmay ururrada siyaasadda appeared first on Caasimada Online.
  6. Soomaaliya waxay xilligan wajahaysaa mid ka mid ah xaaladaha bini’aadanimo ee ugu adag taariikhda casriga ah. Isbeddelka cimilada iyo roobabka oo yaraaday ayaa sababay in abaaro soo noqnoqda ay aafeeyaan nolosha malaayiin qof oo xooladhaqato iyo beeraley ah. Sida ay sheegtay Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA), malaayiin Soomaali ah ayaa u baahan gargaar degdeg ah, iyadoo abaartu ay si gaar ah u saamaysay gobollada koonfureed iyo kuwa waqooyibari ee dalka. Warbixinnada Qaramada Midoobay (UNSOM) ayaa iyaguna digiin ka bixiyay in haddii aan gurmad degdeg ah la helin, ay xaaladdu isu beddeli karto macaluul, gaar ahaan deegaannada fogfog ee adeegyada dawladliga ah aysan si fiican u gaarin. Inkastoo hay’adaha dawldiga ah iyo kuwa caalamiga ah ay wadaan dadaallo, haddana baaxadda baahida ayaa ka weyn intii la filan karay, taas oo qeyladhaanta gaarsiisay heer qaran. Wacyiga Bulshada ee Gargaarka: Iskutashi iyo Istaakulayn Muddo saddex tobanguuro ku siman, Soomaaliya waxay hay’adaha shisheeye u ahayd goob ay ku tijaabiyaan mashaariicdooda, kuwaas oo nidaamkooda shaqo uu ku dhisan yahay maaraynta dhibaatada (Crisis Management) halkii xal waara (Sustainable Solution) la gaari lahaa. Waxaa la yaab leh in marka hay’ad shisheeye ay ceel qoddo lagu tilmaamo horumar, balse marka muwaadin Soomaaliyeed uu isla shaqadaas ka qabto Garoowe ama Baydhabo, lagu shaabadeeyo “siyaasad.” Waa in si adag loo diidaa aragtida gurracan ee ah in gargaarka gudaha ka yimaadaa uu yahay mid siyaasadaysan ama qabyaaladaysan, taas oo salka ku haysa dhaxalkii gumaysiga ee ahaa “qeybi oo xukun” (divide and rule). Marka dhallinyaro ka timid koonfurta ama bari ay biyo gaarsiiyaan waqooyiga ama galbeedka dalka, sax ma aha in loo arko “siyaasad” ee waa midnimo Soomaaliyeed (Pan-Somali Solidarity) oo ka gudubtay caqabadaha siyaasadda iyo deeqbixiyayaasha shisheeye. Iskufilnaanshaha dhabta ah kuma imaanayo kutiirsanaanta deeqaha shisheeyaha, balse waxa uu ku imaanayaa marka bulshadu garowsato oo go’aansato “iskutashi iyo istaakulayn”, iyadoo la rumaysan yahay in gacan shisheeye ay fog tahay, gacmo wadajir ahna ay wax ku gooyaan. Kayska Dhalinyarada Puntland: Xaqiiqada Oonka iyo Doodda Baraha Bulshada Socdaal dhowaan ay koox dhallinyaro ah, oo saamayn ku leh baraha bulshada (Influencers), ku tageen degaanno ka tirsan dawladgoboleedka Buntilaan ayaa dhaliyay hadalhayn ballaaran iyo dood xooggan. Socdaalkan, oo markii hore daarranaa dalxiis iyo soo-bandhigidda bilicda dalka, ayaa isu beddelay olole bini’aadanimo ka dib markii dhallinyaradu ay indhahooda ku arkeen saamaynta ba’an ee abaarta, taas oo ku kalliftay inay si isxilqaan ah biyadhaamin ugu sameeyaan dadka degaanka. Tallaabadan, inkastoo ay u muuqatay mid waddaniyad iyo damiir bini’aadanimo ku dhisnayd, waxay la kulantay falcelin taban. Qeybo ka mid ah dhallinyarada ka soo jeeda degaannadaas ayaa tallaabadaas ku tilmaamay mid la “siyaasadeeyay” ama loo adeegsaday in lagu “dhaawaco sumcadda degaanka.” Hasayeeshee, xaqiiqada jirta ayaa ah in masiibooyinka dabiiciga ah, sida abaarta, aysan aqoon qabiil ama xuduud goboleed. Qofka harraadan ma weydiiyo haybta ama ujeedka qofka biyaha u sida; wuxuu kaliya raadinayaa badbaado nafeed iyo biyo uu harraadka kaga baxo. Waxaase xusid mudan in doodaha kulul ee ka socda baraha bulshada aysan wax macno ah ugu fadhin qoysaska xooladhaqatada ah ee noloshoodu halista ku jirto. Muwaadinka miyiga ku nool ma ahan mid akhriya faallooyinka (comments) lagu dhaliilayo gurmadka loo fidiyay. Sharafkiisu kuma xirna in sawirkiisa la qariyo iyadoo aan loo gurman, balse waxay ku xiran tahay inuu helo biyo uu ku noolaado. Sidaas darteed, eedaymaha loo jeedinayo dhallinyarada dalxiiska u tegay ee haddana gurmadka sameeyay, waa kuwo ka fog xaqiiqada qaraar ee ka jirta dhulka miyiga ah. Gabagabo iyo Talasoojeedin Si looga gudbo caqabadan, laguna gaaro iskufilnaansho dhab ah, waa in la qaataa tallaabooyin wax ku ool ah: Kalasaarista Siyaasadda iyo Gargaarka: Waa in la fahmo in qabyaaladaynta gargaarku aysan ahayn hal weji; waxay leedahay heerar kala duwan oo isugu jira mid Federaal ah, mid ganacsi, iyo mid degaan. Waa in la kala saaraa danahaas isdiidan iyo gurmadka bini’aadannimo, si dhab ahaa loogu gurmado dadka tabaalaysan, loogana hortago in dano gaar ah ay hor-istaagaan badbaadinta nolosha. Dhiirrigelinta Dhallinyarada: Dawladda Federaalka ah iyo dawladgoboleedyadu waa inay bogaadiyaan dhallinyarada, halkii caqabad loogu noqon lahaa. Waa in la abuuro nidaam fududeeya isusocodka bulshada, si loo dardargeliyo joogtaynta gargaarka gudaha. Beddelka Aragtida Bulshada: Waa inaan joojinnaa inaan shisheeyaha ka aaminno walaalkeen. Haddii ajnabigu sawiri karo dhibaatada si uu dhaqaale ugu raadiyo, muwaadinka Soomaaliyeedna xaq ayuu u leeyahay inuu soo bandhigo xaqiiqada si uu xal ugu raadiyo. Ugu danbayntii, waddada kaliya ee Soomaaliya ay kaga bixi karto kutiirsanaanta shisheeye waa in la xoojiyo iskutashiga gudaha, lagana hortago in qabyaaladdu ay sumayso biyaha loo sido dadka oomman. Source: goobjoog.com
  7. Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dalalka diidmada adag kala horyimid aqoonsiga Somaliland ay ka heshay Israa’iil, ayaa sheegay in Dowladaha Turkiga iyo Jabuuti ay sababo la xiriira dano dhaqaale uga soo horjeedaan. Qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in Turkigu ahaa dalkii ugu horreeyay ee ka tirsan dunida Islaamka ee aqoonsada Israa’iil, hase yeeshee heshiisyo dhaqaale oo uu la galay dowladda Soomaaliya awgeed uu si cad uga hor yimid aqoonsiga Somaliland. Waxay sheegeen in Turkigu filayay in heshiisyadaas uu kula jiro Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku heli karo kheyraad ku yaalla Somaliland, taasina ay sababtay diidmadiisa. Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in Somaliland ay dadaal badan gelisay hagaajinta xiriirka ay la leedahay Jabuuti, balse dowladda Jabuuti ay qaaday tallaabooyin muujinaya cadaawad iyo xannibaad toos ah oo ka dhan ah aqoonsiga Somaliland. Wuxuu xusay in shacabka Jabuuti ay yihiin dad walaalo ah, balse maamulka talada haya uu rumeysan yahay in Somaliland la wiiqo. Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegay in haddii Jabuuti ay si dhab ah u taageeri lahayd midnimo Soomaaliyeed, ay fursad u haysatay inay ku biirto Soomaaliya sannadkii 1977-kii markii ay xorriyadda qaadatay, balse markaas ka baaqsatay midnimada, maadaama ay arkaysay duruufaha ka jiray Soomaaliya, taasoo uu ku tilmaamay mid muujinaysa mowqifkeeda dhabta ah. “Haddii Jabuuti ay jacayl dhab ah u qabeen Soomaalinimada, way ku biiri lahaayeen,” ayuu yiri Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan. Wasiirradu waxay dhaliil culus u jeediyeen dowladda Soomaaliya, hoggaanka hadda jira iyo qaar kamid ah madaxdii hore, iyagoo sheegay in qorshayaasha lagu burburinayo Somaliland laga hagayo Muqdisho. Waxay tilmaameen in qaar kamid ah maamul-goboleedyada Soomaaliya aanay qayb ka ahayn arrimahaas, isla markaana aanay wax colaad ah kula jirin Somaliland. Waxay sidoo kale sheegeen in Somaliland ay gacanta ku hayso marin-biyoodka Bab al-Mandab, isla markaana aan go’aan ama heshiis ku saabsan arrimahaas la gaari karin iyada oo aanay qayb ka ahayn, iyadoo uga digtay dowladda Soomaaliya inay heshiisyo kula gasho dalal shisheeye. Israa’iil ayaa 26-kii December 2025, ku dhawaaqday inay Somaliland u aqoonsatay “dowlad madax-bannaan oo leh qarannimo buuxda,” iyadoo xiriir diblomaasiyadeed la samaysatay. Taas oo ka dhigtay Israa’iil dalkii ugu horreeyay ee ku dhiirrada aqoonsiga Somaliland, tan iyo markii ay ku dhawaaqday gooni-isu-taagga sannadkii 1991-kii. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u diiday go’aankaas, iyadoo ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya. Dowladda ayaa dagaal adag la gashay aqoonsiga Israa’iil, iyadoo adeegsanaysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah. Sidoo kale, bayaan kasoo baxay Mareykanka ayaa si cad u muujiyay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya. Isbaheysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa soo saaray war-murtiyeed wadajir ah oo ay ku diiddan yihiin aqoonsiga Israa’iil, iyagoo ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas. Si kastaba, dalalka safka hore kaga jira diidmada aqoonsiga Somaliland waxaa kamid ah dowladaha Jabuuti, Turkiga iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kuwaas oo haatan xiriir wanaagsan iyo iskaashi kala duwan oo muhiim ah kala dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. The post Somaliland oo fasiraad yaab leh u sameysay diidmada Turkiga iyo Jabuuti ee aqoonsiga appeared first on Caasimada Online.
  8. Addis Ababa (Caasimada Online) – Wararka laga helayo waqooyiga dalka Itoobiya ayaa sheegaya in mar kale uu dagaal xooggan ka qarxay halkaas, kaas oo u dhexeeya ciidamada dowladda federaalka Itoobiya iyo xoogagga TPLF ee gobolka Tigray. Dagaalkan ayaa la sheegay inuu ka qarxay deegaanka lagu magacaabo Tsemlet, oo ku yaalla dhanka galbeedka gobolka Tigray, halkaas oo ay isku haystaan maamullada Tigray iyo Amxaarada. Iskahorimaadka ka socda deegaankaasi ayaa ah mid sii xoogeysanaya, waxaana laga dareemayaa saameyn ballaaran oo dhinaca amniga ah. Dagaalkan ayaa sababay in si buuxda loo joojiyo duulimaadyadii diyaaradaha ee tegi jiray gobolka Tigray, sida ay sheegeen goobjoogeyaal ku sugan halka dagaalku ka socdo. Hakadka ku yimid duulimaadyada ayaa muujinaya sida ay xaaladdu uga sii dareyso, iyadoo dad badan ay wajahayaan cabsi iyo hubanti la’aan. Dhanka kale, gobolka Tigray waxaa ka taagan xaalad nololeed oo aad u adag, iyadoo shacabka ay la tacaalayaan gaajo ka dhalatay joojinta gargaarkii bani’aadamnimo ee ay bixin jireen hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan USAID. Dagaalkan dib u qarxay ayaa walaac xooggan ku abuuray dadka rayidka ah, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale dib loogu laabto colaaddii dhiigga badnayd ee horay u dhex martay dowladda Itoobiya iyo xoogagga Tigray intii u dhaxeysay sanadihii 2020 illaa 2022. Toddobaad ka hor ayay ahayd markii ciidamada ammaanka Itoobiya ay xabsiga dhigeen Sarreeye Guuto Guesh Gebre, oo hore u ahaa taliyihii Ciidanka Militariga Qaybta 15-aad. Sarreeye Guuto Guesh Gebre ayaa lagu yaqaanay mowqifkiisa ka dhanka ah qaar ka mid ah hoggaanka ciidamada ee taageeray shirweynihii guud ee TPLF. Waxa uu si cad u dalbanayay in wax laga beddelo maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigray, kaas oo uu hoggaamiyo Getachew Reda. Doodahaas dartood, waxaa shaqada laga joojiyay tan iyo bishii Janaayo ee sannadkii hore. Dhankiisa, Getachew Reda ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X ku muujiyay diidmo uu ka qabo xarigga Guesh Gebre, isagoo sheegay in Guesh lagu yaqaanay geesinimo iyo doorkii uu ka qaatay xilliyadii adkaa ee dagaalka, gaar ahaan dadaalkii uu ku joojinayay kala daadashada ciidamada Tigrayga. Getachew ayaa su’aal geliyay sababta loo xiray sarkaal sannad ka hor xilka si aan caddaalad ahayn looga qaaday, isaga oo xusay in eedeymaha la xiriira gacan-saar lala sameeyay cadow ay yihiin kuwo aan la hubin. Waxa uu intaa ku daray in arrintan lagu bartilmaameedsaday Guesh iyo kooxdiisa sababo la xiriira mowqifkooda siyaasadeed. Si kastaba ha ahaatee, dagaalka haatan dib u qarxay ayaa haddii uu sii socdo, waxaa laga cabsi qabaa in mar kale dib loogu laabto dagaalkii adkaa ee labada sano ka socday gobolka Tigray. The post Faah-faahinta dagaal xooggan oo mar kale ka qarxay gudaha Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, kaas oo diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah dowlad-dhisidda iyo amniga dalka. Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa lagu meel-mariyey magacaabista guddi cusub oo heer wasiir ah, kaas oo loo xilsaaray la-dagaallanka tahriibka, si loo xoojiyo dadaallada ka hortagga tahriibinta dadka. Guddigan cusub ayaa ka kooban lix wasaaradood iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, kuwaas oo si wadajir ah uga shaqayn doona arrimaha la xiriira tahriibka. Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay axdiga dhisidda hay’adaha caalamiga ah ee dhexdhexaadinta, kaasi oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Kulanka waxaa kale oo lagu meel-mariyey xeer-nidaamiyaha diiwaangelinta gaadiidka badda, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda. Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda amniga dalka iyo dib-u-xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha Khawaarijta ah. Golaha ayaa ugu dambeyn bogaadiyey guulaha ay ciidamada qalab-sida ka gaareen dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada, gaar ahaan dagaalkii ka dhacay deegaanka Jabad-Godane, halkaas oo Shabaabka looga dilay in ka badan 550 horjooge, oo ay ku jiraan 80 ajaanib ah. The post Golaha Wasiirrada oo magacaabay guddi cusub oo ka shaqeynaya… appeared first on Caasimada Online.
  10. Mogadishu’s Attempt to Portray Somaliland as a Separatist Project Ignores Operational Realities and Misrepresents the Historical Record A view of Hargeisa, the capital of Somaliland. Israel’s December 26, 2025, recognition of Somaliland triggered sharp condemnation from Mogadishu. Somali officials framed the decision as a violation of sovereignty and a threat to regional stability. Yet this reaction obscures a deeper reality: The controversy is less about borders and diplomatic protocol and more about Somalia’s unresolved state failure and the strategic recalibration unfolding along the Red Sea corridor. Recognition did not create Somalia’s crisis; it exposed it. For more than three decades, Somaliland has operated as a functioning entity. It controls territory, conducts elections, maintains internal order, and administers civilian institutions with a level of continuity absent across much of southern Somalia. Mogadishu’s attempt to portray Somaliland as merely another separatist project ignores these operational realities and misrepresents the historical record. The Horn of Africa has become an extension of Middle Eastern security competition. Somaliland entered a rushed union with Italian Somaliland five days after independence, but the legal foundation of the union was flawed from the outset. Somaliland passed its Union Act on June 27, 1960, while no corresponding ratification occurred in the South, leaving no jointly ratified Act of Union in force on July 1, 1960. The retroactive union law adopted in 1961 was an attempt to repair this defect. In legal terms, the union was politically proclaimed but never constituted at inception, rendering it—by juristic standards—defective ab initio. The political trajectory that followed deepened this structural weakness. The 1969 coup dismantled constitutional governance in Mogadishu and entrenched centralized rule that eroded the original political bargain. When the Somali state collapsed in 1991, the union lost its institutional foundation entirely. Somaliland’s withdrawal was therefore not ideological fragmentation, but institutional self-preservation following systemic collapse. From Israel’s perspective, the recognition was strategic rather than symbolic. The Horn of Africa has become an extension of Middle Eastern security competition. Red Sea chokepoints and commercial shipping routes now sit at the center of regional power calculations. Somaliland’s proximity to the Bab el-Mandeb Strait places it along one of the world’s most consequential trade arteries. Facilities such as Berbera provide logistical depth and leverage that carry strategic value beyond domestic Somali politics. In this environment, states do not select partners based on constitutional theory but, rather, upon on territorial control, reliability, and institutional continuity. Somaliland offers predictability in a region defined by fragmented authority and political volatility. By contrast, Somalia’s federal government continues to struggle with structural incoherence. National authority remains divided across parallel political and security frameworks. Electoral processes are routinely delayed or contested. Constitutional harmonization remains incomplete. Economic governance varies sharply across regions. This governance deficit weakens Mogadishu’s ability to project itself as the uncontested center of authority. International actors increasingly distinguish between formal sovereignty and functional capacity. Investment flows, security cooperation, and diplomatic engagement reflect this distinction. No other Somali region possesses Somaliland’s historical independence status or international legal continuity from decolonization. Somalia’s warning that Somaliland’s recognition will trigger regional fragmentation is overstated. No other Somali region possesses Somaliland’s historical independence status or international legal continuity from decolonization. Federal member states formed after 1991 through negotiated political settlements. They do not carry comparable sovereign lineage. The feared cascade effect does not exist. What does exist is a gap between political claims and operational realities. For Israel and other security-focused actors, engagement will prioritize maritime stability, regional access, and dependable partners. That calculus is unlikely to change in response to diplomatic protests. If Somalia seeks to alter this trajectory, the solution is not external pressure campaigns but internal reconstruction: consolidating national authority, restoring institutional coherence, and rebuilding political legitimacy. The hard truth is Somaliland recognition will reoccur wherever functionality outperforms fiction. States that govern territory effectively become partners. States that rely on symbolic sovereignty without institutional capacity will lose diplomatic ground. Recognition is not the destabilizing force. State failure is. Middle East forum Qaran News
  11. Ciidanka Xoogga Dalka ee Soomaaliya waa hay’adda ugu muhiimsan ee ilaalisa ammaanka dalka, gaar ahaan dhulka. Qeybta Militariga waa lafdhabarta ciidanka, iyadoo mas’uul ka ah difaaca qaranka, sugidda xuduudaha, iyo ka-hortagga khataraha gudaha iyo dibedda. Tan iyo markii Soomaaliya ay xorriyaddeeda qaadatay sanadkii 1960, ciidanka militariga ayaa soo maray taliyayaal oo 25 ah (1960–2026), kuwaas oo mid waliba door muhiim ah ka ciyaaray horumarinta iyo ilaalinta awoodda ciidan ee dalka. Muddada 66 sano ee la soo dhaafay, taliyayaashu waxay waajahen caqabado badan oo siyaasadeed, amni, iyo tababar, iyadoo ciidanka uu mar mar la kulmay isbeddellada xukuumadaha iyo xaaladaha dagaal. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu lahaa saddex talis oo kala ah: Cirka Badda Difaaca cirka Ma jirin talis ciidan oo dhul, maxaa yelay saddexdaas laamood inta ka soo harta oo 85% ah ayaa dhul ahaa, waxayna ay u qeybsamayeen: Qeybta 26aad Qeybta 21aad Qeybta 60aad —iyo labo saldhig oo qeybo u dhigma balse hadda ciidanka ugu badan waa Taliska Ciidanka Dhulka. Taliyayaashii soo maray taliska Ciidanka ayaa kala: Sarreeye Guuto Daa’uud Cabdulle Xirsi. 1960-1965 Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre. 1965-1969 Sareeeye Guud Maxamed Cali Samatar. 1969-1981 Sarreeye Gaas Cumar Xaaji Maxamed Masalle. 1981-1982 Sarreeye Guuto Aadan Cabdullaahi Nuur (Aadan-Gabyow). 1987-1988. Sarreeye Gaas Maslax Maxamed Siyaad. 1988-1990 Sarreeye Gaas Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan). 1990-1991 Sarreeye Gaas Ismaaciil Qaasin Naaji. 2000-2003 Sarreeye Gaas Cabdi Axmed Guuleed. 2002-2003 Sarreeye Gaas Cabdullaahi Cali Cumar (Ina libaax sankataabte). 2003-2004 Sarreeye Gaas Saalax Xasan Jaamac (Saalax Liif). 2004-2005 Sarreeye Guud Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere). 2007-2008 Sarreeye Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal. 2008_2009 Sarreeye Gaas Maxamed Geelle Kaahiye. 2009-2010 Sarreeye Gaas Axmed Jimcaale Geeddi (Ahmed Cirfiid). 2010-2011 Sarreeye Gaas Cabduqaadir Sheekh Diini. 2012-2013 Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe). 2013-2015 S/Gaas Maxamed Aadan Ahmed (Buud). 2015-2016 Sarreeye Guuto Axmed Jimcale Geeddi (Ahmed Cirfiid). 2017 Sarreeye Gaas Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod). 2017-2018 Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe). 2018-2019 Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage. 2019-2023 Sarreeye Guuto Ibraahin Sheekh Muxiyidiin. 2023-2024 Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage. 2024-2026. Sarreeye Guuto Ibraahin Maxamed Maxamuud. 2026 – maanta ayaa la magacaabay oo ah January 29, 2026. Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa si rasmi ah u laashay dacwaddii iyo waarankii maxkamadeed ee hore loogu soo oogay Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe), sida ku cad go’aan maxkamadeed oo ku taariikheysan 29ka Janaayo 2026.. Go’aanka oo ka soo baxay Qeybta Ciqaabta ee Maxkamadda Gobolka Banaadir, kuna lifaaqan summadaha dacwadaha MGB/DCL/1531/2024 iyo MGB/BQ/97/2026, ayaa lagu sheegay in maxkamaddu ay tixgelisay dhammaan warqadaha sharci ee la hor keenay, isla markaasna ay ku dhaqantay qodobbada Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed iyo dastuurka dalka. Maxkamaddu waxay caddaysay in: La joojiyay galdacwadeedkii ciqaabta ee ku furnaa Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe). ⁠La baabi’iyay amaradii soo qabashada iyo hor-keenista maxkamadeed ee horey loo bixiyay. ⁠Dhammaan tallaabooyinkii sharci ee la xiriiray dacwaddaas ay noqdeen kuwo aan sii socon karin. Go’aanka maxkamadda ayaa, sidoo kale, xusay in ay tixraacday qodobbada Qod. 70/1 Xarafka B/2 iyo Qod. 76 ee XHCS, kuwaas oo awood u siinaya maxkamadda in ay ka laabato amarro hore haddii ay aragto sabab sharci ah. Ugu danbayn, Maxkamadda Gobolka Banaadir waxay sheegtay in go’aankan uu yahay mid dhaqangal ah laga bilaabo 29/01/2026, isla markaasna uu soo afjarayo dhammaan dacwaddii ciqaabta ahayd ee kiiskan la xiriirtay. Go’aankan ayaa imanaya ka dib muddo uu muran sharci ka taagnaa kiiska, waxaana hadda si rasmi ah loo soo xiray dacwaddii Maxkamadda Gobolka Banaadir. Source: goobjoog.com
  13. Warsheekh (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay howlgallo culus oo saaka ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku qaadeen A-Shabaabkii ka firxaday aagga deegaanka Jabad-Godane, kuwaas oo looga daba tegay deegaanka Alanley ee isla gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo mar kale kooxfa lagu gaarsiiyay jab culus. War qoraal ah oo kasoo baxay dowlada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay beegsadeen firxadkii Al-Shabaab ee ka cararay dagaalladii ka dhacay Jabad-Godane, iyada oo ciidamada ay gudaha u galeen deegaanka Alanley, kadibna ay burburiyeen fariisimo cusub oo ay halkaasi ka sameyteen. “Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saakay howlgal qorsheysan ku burburiyay fariisimadii kooxda Khawaarijtu ay ku lahaayeen deegaanka Alanley ee Gobolka Shabeellada Dhexe. Howlgalka ayaa si gaar ah loogu beegsaday firxadkii ka haray jabkii Khawaarijta ku gaaray deegaanka Jabad Godane, Ciidamada ayaana cagta mariyay dhammaan fariisimadii ay gabaadka ka dhiganayeen nabadiidku, ee deegaanka Alanley” ayaa lagu yiri qoraalka. Sawirro ay baahisay warbaahinta Qaranka ayaa muujinaya godad waa wayn iyo dhufeysyo ay Khawaarijta ku lahayd halkaas oo gebi ahaan cagta la mariyay, waxaana hadda ka socda howlgal lagu xaqiinayo amniga deegaanka. Sidoo kale, saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa shaaca ka qaaday in ay baadi goobayaan firxadka Khawaarijta, ayna sii socon doonaan howlgallada, illaa laga xaqiijiyo amniga deegaannada gobolka Shabeellada Dhexe. Dagaalkii dhawaan ka dhacay Jabad-Godan ayaa noqday mid kamid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ay la kulmaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo dowladdu xaqiijiyay in dagaalkaas lagu dilay 550 xubnood oo 80 kamid ah ay yihiin ajaaniib. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa laga hortegay weerarro ay soo abaabuleen Al-Shabaab, iyada oo inta badan lagu jabiyay dagaalladii ugu dambeeyay, sida kii ka dhacaydeegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo isna jab culus Khawaarijta lagu gaarsiiyay, maadaama looga adkaaday dagaal ay la galeen ciidamada Jubbaland iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab. The post Al-Shabaabkii ka firxaday Jabad-Godane oo laga daba tegay kadibna… appeared first on Caasimada Online.
  14. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2026/01/VID-20260129-WA00001.mp4 MUWAADIN MUQAALKANA DAAWO XOGTANA AKHRI SI AAD U FAHAMTO XAQIIQDA JIRTA AAN LAGU MAJARA HABAABIN. BUUGA MARRY HARPER RAADSADA SI AAD GEESKA WAXYABAHA KA DHACEY ULA SOCOTAAN. TAARIIKHDU WAA DHIGAALKA BERI XOGTUNA WAA FAHAMKA MUSTAQBALKA Former British Development Secretary Andrew Mitchell, and journalist Mary Harper explain the differences between Somaliland and Somalia. Somalia is described as a devastated place that resembles a nuclear-armed Hiroshima, where when he visited Villa Somalia, mortars were fired upon, which is normal, while Somaliland, where he took a bus, is a place with a functioning democracy. Dhina kale akhriya buuga ey qortey wariyaha weyn ee (Marry Harper) 2012. Waxaan kula kulmey Nairobi 2012 kii. Waa wariye wax badan ka xogogaal u ah. Gaar ahaan Geeska Africa Bugan ey qortey waxey kaga hadleysa xukumadii TFG iyo markii dambe la dhisayay xukumadda Federaalka ee DFS Somalia. Waxaa ku duugan xog badan buugeeda. Waxeyna sharaxeyna fashilka Xamar yaala aan dowlanimo ehelka u aheyn. (WAX AKHRIYA FADLAN) reer Somaliland now. Somaliland marwalba wey ka duwaneyd hanaanka dowladd dhiska iyo dimuqradiyadda maamulka moqdisho. (Cadceed Sacab laguma qarin karo) Waxa cad in aan dowladnimo iyo soomalino oolin xamar. Markaa caalamku wuu fahamsan yahey Dhinaca kale Taariikhda sooyaalka JSL ee ka bilaabmeysa 26 June1960. Maaha mid caalamku dafirsan yahey. Waa qadiyad ku dhisan xududaha Africa ee xornimadda qaatey lana mida sida dalaka kale ee Africa Waana teynu daba socona. Taasna fure u ah doodeena iyo aqoonsiga eynu dowldaha caalamka ka raadineyno ee maanta ey dib u aqoonsatey dowladda Isreal oo ka mid aheyd dowladahii JSL aqoonsadey 26 June 1960. Maanta jidkii aqoonsiga caalamiga ayaynu cagta saarney. ABRAHAM ACCORD. Aad u akhriya waxa socda dacadayo lagu faafinayo saxafadda oo la leeyahey ciddii heshiisa saxeexda dhulka falastiin baa lagu xalashana. Waana been qaawan. Waa aragti siyaasadeed oo xal loogu raadinayo bariga dhexe iyo dowladaha ku xeeran dhinaca badda iyo bariga kuna saleysan Nabad iyo wadda nolaansho Tusaale aan inyar idinka tuso heshiiska markii Dowladda Emarataku UAE ey saxeexdey waa maxey qodobadda gogoldhiga u ah. The Abraham Accords, normalizing diplomatic relations between Israel and the United Arab Emirates (UAE), were officially signed on September 15, 2020, at the White House in Washington, D.C.. This landmark agreement marked the first peace treaty between Israel and an Arab state in over 25 years, paving the way for cooperation in trade, tourism, and security. ♤ Key details regarding the UAE-Israel agreement: ■ Signatories: The treaty was signed by Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu and UAE Foreign Minister Abdullah bin Zayed Al Nahyan, with US President Donald Trump. ■ Key Pillars: The agreement established full diplomatic relations, including the exchange of ambassadors, the opening of embassies, and direct flights. ■ Economic Impact: The partnership has led to billions of dollars in bilateral trade, including a comprehensive free trade agreement signed in 2022. ■ Security & Regional Impact: The Accord was largely motivated by shared concerns regarding Iran’s regional influence and a mutual desire for increased stability and economic growth in the Middle East. The agreements (which also included Bahrain, and later, agreements with Morocco and Sudan) are considered a major shift in Middle East foreign policy, transitioning from a conflict-based approach to one focused on regional partnership. Inagu heshiskan oo kale beynu saxeeeyna oo ku saaban nabad iyo waxwadda qabsi meel diin ama dadka reer falastiin eynu duulaan noloshooda iyo jiritaankooda ku nahey ma jirto. Nuxurka guud intaan ka fahmey maadama lagu daaley colaada bariga ee ku salaysan khilaafka Isreal iyo Phalastine waxu nuxurkiisu yahey. In dowladda Isreal iyo dowladaha carabta ama Islaamka nabad ku wadda noolaadaan. Qadiyadda Falastiin iyo Isreal xal loo helo. Marka bulsho wax akhriya Waxii aad fahmi weydaan Baadha. Anigu ila hada waxan Baadha wax walba oo la sheego Si aan xaqiida u ogaado. Waana Mid inagu waajiba madama eynu Ku jirno qarankeena Guushiisa Marka uma baahnin jibo iyo war Aan jirin oo la inagu soo dhextuuro Kaaso ku sakeysan (Diinta) Somaliland Guul Dal iyo Dad Mideysan @highlight Hon-Envoy Abdirizak Diinaari Qaran News
  15. Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu majeeryay warbixin ay daabacday International Policy Digest, taas oo si qoto dheer u falanqaysay hannaanka ay Somaliland u dhisatay dawladnimo, nabad iyo dimuqraaddiyad tan iyo markii ay dib ugu dhawaaqday madax-bannaanideeda 1991-kii. Warbixinta International Policy Digest, oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa xustay in Somaliland ay qaadday waddo ka duwan inta badan Geeska Afrika, iyadoo ku tiirsan awood bulsho iyo wada-tashi qaran halkii ay ka sugi lahayd qaadhaan dibadeed. Warbixintu waxay tilmaantay in Somaliland ay ku guulaysatay hirgalinta dawlad ka soo bilaabatay bulshada dhexdeeda, taas oo saldhig u noqotay xasilooni siyaasadeed iyo nabad waarta. Sidoo kale, International Policy Digest ayaa muujisay in Somaliland ay si xeel dheer isugu lifaaqday dhaqanka odayaasha iyo nidaamka dimuqraaddiyadda casriga ah, taas oo sahashay xalinta khilaafaadka bulshada. Dhinaca kale, warbixintu waxay xustay in aqoonsigii ay Israa’iil siisay Somaliland uu furay bog cusub oo diblomaasiyaddeed, kaasi oo muujinaya in Somaliland si tartiib ah ugu sii dhowaanayso beesha caalamka. Iyadoo horumar dhaqaale oo ku sallaysan dhoofinta xoolaha, dekedda Berbera. Warbixintu waxa ay tibaaxay in dawladnimada iyo xasiloonida Somaliland ay ka timid aragti dheerida hoggaanka Somaliland iyo adkaysiga bulshada. Source
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir oo maanta warsaxaafadeed soo saartay ayaa cafis guud u fidisay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyada oo gebi ahaanba ka laabatay go’aankeedii hore ee soo qabashada, kaas oo ay maxkamadu soo saartay 27-kii November ee 2024-kii, kadib markii dowladda Soomaaliya ay diiday dib u doorashadiisa. Xilligaas Axmed Madoobe waxaa lagu soo eedeeyay fal-dambiyeedyo lid ku ah wadajirka iyo midnimada Qaranka, taas oo macno ahaan noqoneysay inuu ku kacay “khiyaano qaran”. Maxkamadda Gobolka ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay ooday gal-dacwadeedkii ka dhanka ahaa Axmed Madoobe, iyada oo sheegtay in xeer ilaalintu ay dib ula noqotay dacwaddeeda, soona dalbatay in la xiro kiiska. “Maxkamadda Gobolka Banaadir, iyada oo cuskaneysa asbaabaha sare ku xusan si waafaqsan qod: 107/3 dastuurka ku meel gaarka ah gudaneysa waajibaadka kor ku xusan qod: 76/77 XHCS waxay ooday gal dacwadeedka ciqaabta ah ee summadiisu tahay MGB/DCL/1531/ 2024 oo eedeysane ka ahaa Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe)” ayaa lagu yiri warqadda. Sidoo kale waxaa meesha laga saaray soo xiristii Axmed Madoobe, si loo horkeeno Maxkamadda Gobolka, maadaama la filayo in haatan uu soo gaaro magaalada Muqdisho, si uu wada-hadallo ula yeesho dowladda Soomaaliya. “Maxkamaddu waxay baabi’isay amarka soo qabasho iyo hor keenis maxkamadeed ee summadiisu tahay MGB/DCL/1531/ 2024, kuna taariikheysan 27/11/2024” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka Maxkamadda. Waxaa kale oo lagu soo gabagabeeyay “Go’aankan waxaa la gaaray maanta oo ah tr: 29/01/2026”. Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, iyada kowda bisha soo socota ee Febraayo la filayo in Muqdisho ay yimaadaan madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland oo qayb ka ah wada-hadallo ay dowladdu la yeelaneyso Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee hadda ka jira dalka. The post Maxkamadda Gobolka Banaadir oo cafis u fidisay Axmed Madoobe appeared first on Caasimada Online.
  17. Warbaahinta Israa’iil ayaa wajahaysa fadeexad weyn ka dib markii mid ka mid ah kanaalladeeda ugu waaweyn uu si khaldan u baahiyay war ku saabsan dibadbaxyadii dhowaan ka dhacay Iiraan. Warkaas oo lagu soo bandhigay sawirro iyo xog aan la hubin, ayaa si degdeg ah u noqotay mid si weyn loogu dhaliilay baraha bulshada, taasoo su’aalo adag ka keentay hufnaanta, hubinta xogta, iyo anshaxa saxaafadeed ee warbaahinta Cibraaniga Israa’iil. Kanaalka 12aad ee Israa’iil, oo ka mid ah warbaahinta ugu daawashada badan, uguna saamaynta badan, isla markaasna lagu tilmaamo mid leh kalsooni iyo saameyn ballaaran, ayaa baahiyay war sheegaya in afar qof oo Yuhuud ah oo ku noolaa Iiraan lagu dilay dibadbaxyadii halkaas ka socday. Warbixintaasi waxay si gaar ah u xustay Nooya Sahyon, oo ah haweeney Israa’iili ah, kuna shaqaysa sawirqaade, baraha bulshadana caan ka ah, isla markaasna maamusha akoonnada fanaaniin iyo dad caan ah oo Israa’iili ah. Kanaalka ayaa si cad u sheegay in Nooya Sahyon lagu dilay mudaaharaadyada, isagoo intaas ku daray in tirada Yuhuudda la dilay ay ka badan karto inta la shaaciyay, warkaas ayaana si xawli ah ugu faafay gudaha Israa’iil, isaga oo abuuray dareen murugo, caro iyo walaac ah, maadaama Nooya ay ahayd qof si weyn looga yaqaan baraha bulshada. Saacado yar ka dib, lamafilaan ayay uga soo hadashay akoonnada rasmiga ah ee Nooya Sahyon, iyadoo baahisay muuqaal ay si cad ugu sheegayso inay nooshahay, kuna sugan tahay gurigeeda. “Waxani waa wax aanan marnaba filayn inay noloshayda igu dhacaan… Waan noolahay, gurigayga ayaan joogaa” ayay tiri Nooya Sahyon Intaa kaddibna, waxay qoraal ku daabacday barteeda Instagram-ka oo ay ku tiri: “Anigu waxaan ahay Nooya Sahyon, waxaan ‘dhintay’ muddo 24 saacadood ah, haddana waan soo laabtay si aan u sheego sheekadayda.” Inkasta oo la filayay in kanaalka Israa’iil ee warka faafiyay uu bixiyo raalligelin cad ama uu qirto khaladka, haddana taas ma dhicin, halkii ay sixi lahaayeen khaladkooda, waxay sheegeen in sawirrada iyo xogta ay kasoo qaateen baraha bulshada. Source: goobjoog.com
  18. Bishan Janaayo ee sii dhammaanaysa waxay Soomaaliya u ahayd taariikh cusub oo dhinaca diblomaasiyadda ah, ka dib markii ay si rasmi ah u qabatay guddoominta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, taas oo ah markii ugu horraysay in ka badan nus qarni ay Soomaaliya gaarto jagadan muhiimka ah. Guddoominta Soomaaliya ayaa ku soo beegantay xilli xasaasi ah, iyadoo dunidu wajahaysay khilaafaad siyaasadeed, colaado hubaysan iyo caqabado amni oo sii kordhaya. Intii ay haysay guddoominta, Soomaaliya waxay xoogga saartay xoojinta sharciga caalamiga ah, ilaalinta nabadda, iyo koruqaadidda wadahadalka si looga hortago khilaafaad hor leh oo dunida ka curta. Golaha Ammaanka ayaa bishan yeeshay shirarro dhowr ah oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen dood heer sare ah oo lagu falanqeeyay kaalinta sharciga caalamiga ah ee sugidda nabadda iyo amniga dunida, iyo shirar kale oo diiradda lagu saaray xaaladaha amni ee Bariga Dhexe iyo dalal ay colaado ka jiraan, kuwaas oo ay qeyb ka ahayd tillaabadii uu Mareykanku ka qaaday Venezuela. Soomaaliya, iyadoo guddoomiye ah, waxay kaalin muuqata ka qaadatay hagidda doodahaas iyo hubinta in ajendayaasha la isla oggolyahay lagu socdo, taas oo si weyn loogu ammaanay diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee Golaha Ammaanka. Dhanka kale, Golaha Ammaanka ayaa si gaar ah uga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga iyo ladagaallanka kooxaha argaggixisada, Goluhu wuxuu mar kale muujiyay taageerada uu u hayo Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, isagoo sii waday go’aannadii la xiriiray cunaqabateynta al-Shabaab iyo kormeerka amniga. Sidoo kale, Golaha Ammaanka ayaa ansixiyay sii wadidda howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), taas oo muhiim u ah sugidda amniga iyo xasilloonida dalka, isla markaasna taageero u ah ciidamada ammaanka Soomaaliyeed inta lagu jiro marxaladda kalaguurka amni. Guddoominta Soomaaliya waxay, sidoo kale, muujisay hab hoggaamineed ku salaysan diblomaasiyad, wadashaqayn iyo ilaalinta madaxbannaanida qaranka. Soomaaliya waxay si cad u adkaysay mowqifkeeda ku aaddan midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida dalka, iyadoo Golaha Ammaanka u adeegsatay madal ay ku difaacdo danaha qaranka. Guud ahaan, bishan Janaayo waxay ahayd mid muujisay in Soomaaliya ay si tartiib ah ugu soo laabanayso masraxa siyaasadda caalamiga ah, islamarkaana ay awood u yeelatay inay hoggaamin iyo aragti ku darto doodaha la xiriira nabadda iyo amniga adduunka. Guddoominta Golaha Ammaanka ayaa noqotay fursad ay Soomaaliya ku xoojisay sumcaddeeda dibadda, kuna muujisay in ay diyaar u tahay mas’uuliyad caalami ah. Source: goobjoog.com
  19. Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda badda Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa si rasmi ah ugu mahadceliyey Golaha Wasiirada ka dib markii ay ansixiyeen Xeernidaamiyaha Diwaangelinta Gaadiidka Badda, kaas oo khuseeya maraakiibta u baahan calanka Soomaaliya iyo doomaha noocyadooda kala duwan. Xeerkan cusub ayaa qaranka u horseedi doona nidaam sharci oo midaysan oo lagu xakameeyo gaadiidka badda, isagoo xoogga saaraya xaqiijinta badbaadada, kormeer hufan, iyo ilaalinta degaanka badda. Sidoo kale, wuxuu door muhiim ah ka qaadan doonaa ilaalinta sumcadda calanka Soomaaliya, ka-hortagga isticmaalka sharcidarrada ah, iyo u hoggaansanaanta axdiyada caalamiga ah ee badda, taas oo kor u qaadaysa kalsoonida ay beesha caalamku ku qabto maamulka iyo horumarinta khayraadka badaha dalka. Source: goobjoog.com
  20. Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay si adag ugu canbaaraynayso falal burburin ah oo si sharcidarro ah uga socda dhulka ay Jaamacaddu ku leedahay degmada Hodan, magaalada Muqdisho. Warsaxaafadeedka oo ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Jaamacadda ayaa lagu sheegay in hay’adaha ay khusayso iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed lagu wargelinayo in dhulkaas uu si buuxda u yahay hanti sharci ah oo ay leedahay JUS, isla markaana uu ku jiro ilaalinta sharciga, sida ku cad go’aanka Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda Digniinta Sharci ee lambarkeedu yahay XGG/019/2026 (11/01/2026). Jaamacaddu waxay tilmaantay in falalka burburinta ee ka socda dhulkaas ay yihiin kuwo si cad uga hor imaanaya sharciga, isla markaasna aan la aqbali karin, maadaama dhulkaasi uu yahay mid loo qorsheeyay adeegyada ardayda iyo degaanka Guddoomiyaha Jaamacadda, kana mid ah kaabayaasha muhiimka u ah horumarka waxbarashada dalka. Maamulka JUS ayaa sheegay in uu qaaday dhammaan tallaabooyinka sharci ee ku habboon si loo ilaaliyo xuquuqda milkiyadeed ee jaamacadda, isla markaana cid kasta oo ku lug yeelata burburinta ama ku xadgudubta dhulka jaamacadda lala tiigsan doono tallaabooyin sharci ah oo waafaqsan xeerarka dalka. Ugu danbayn, JUS ayaa ugu baaqday dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay ka fogaadaan wax kasta oo sharcidarro ah, isla markaasna ay la shaqeeyaan hay’adaha ku shaqada leh, si loo ilaaliyo hantida guud iyo tan waxbarasho ee ummadda Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  21. Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa goordhoweyd xilka ka qaaday Taliyihii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Odowaa Yuusuf Raage, sida lagu caddeeyay go’aan rasmi ah oo ka soo baxay dowladda. Golaha Wasiirradu waxay sidoo kale xilka Taliyaha CXDS u magacaabeen General Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo si rasmi ah ula wareegaya hoggaaminta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. General Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo ah nin dhalinyaro ah, ayaa sanadihii lasoo dhaafay soo ahaa Taliyaha Ciidanka Taakuleynta Xoogga Dalka, xil uu kaga soo shaqeeyay abaabulka, taageerada iyo tayeynta howlgalada ciidamada. Magacaabistiisa ayaa ku soo aadeysa xilli uu dalka wajahayo caqabado amni oo adag, iyadoo laga filayo inuu hormuud u noqdo xoojinta amniga, dib-u-habaynta ciidamada, iyo dardargelinta hawlgallada ka dhanka ah kooxaha khatarta ku ah nabadgelyada dalka. Source: goobjoog.com
  22. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa soo xiray kulanka 27aad ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga dalalka Geeska Afrika, kaasi oo markii ugu horraysay lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay Wasiirrada Maaliyadda iyo madaxda ka kala socotay dalalka xubnaha ka ah madashan doorka ay ka qaadanayaan xoojinta iskaashiga dhaqaale, isdhaafsiga waaya-aragnimada iyo horumarinta xasilloonida dhaqaale ee Geeska Afrika. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in martigelinta shirkan heerkiisu sarreeyo ay muujinayso, soo kabashada Soomaaliya iyo kalsoonida sii kordheysa ee caalamku ku qabo dalkeenna, iyada oo Soomaaliya ay haatan hayso hoggaaminta Madashan, taas oo Madaxweynaha ku tilmaamay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo wadashaqaynta gobolka, laguna hormarinayo danaha wadajirka ah ee dalalka xubnaha ka ah. Source: goobjoog.com
  23. ​Dawladda Maraykanka ayaa si rasmi ah u shaacisay inay dib-u-bilaabayso qeybinta gargaarka cuntada ee ay u soo mariso barnaamijka WFP ee gudaha Soomaaliya, ka dib markii ay garwaaqsatay tallaabooyinka ay Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iska saartay mas’uuliyadda wixii caqabado ahaa ee saameeyay hawlgalladaas. Qoraalkan ka soo baxay Xafiiska Kaalmada Dibedda ee Maraykanka ayaa lagu caddeeyay in inkasta oo gargaarkii la fasaxay, haddana ay weli socoto dib-u-eegis ballaaran oo lagu samaynayo qaabka kaalmadooda loo maareeyo, si loo xaqiijiyo hufnaanta. Maamulka Trump ayaa hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay siyaasad adag oo aan marnaba loo dulqaadan doonin in la xado, la weeciyo ama la lumiyo hantida iyo agabka loogu talagalay dadka tabaalaysan, iyadoo tallaabadan dib loogu bilaabay gargaarka ay ku timid is-afgarad laga gaaray sidii looga hortagi lahaa wax isdabamarin danbe. Source: goobjoog.com