-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Hindiya u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Adarsh Swaika. Wasiirka ayaa safiirka ka guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsigiisa, taas oo ka dhigan tallaabada ugu horreysa ee uu si rasmi ah u bilaabayo howlaha diblomaasiyadeed ee uu ka fulinayo dalka. Safiirka Hindiya, Dr. Adarsh Swaika ayaa la sheegay in fadhigiisa rasmiga ah uu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu ka wakiil yahay danaha dalkiisa ee Soomaaliya. Kulanka dhexmaray labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray xiriirka taariikhiga ah ee soo jireenka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Hindiya, kaas oo salka ku haya iskaashi iyo is-afgarad muddo dheer soo socday. Labada mas’uul ayaa sidoo kale isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah, si looga dhigo mid si wax ku ool ah uga faa’iideeya labada dal. Waxaa intaas dheer in labada dhinac ay isku raaceen in iskaashiga jira loo beddelo mashaariic horumarineed oo miro dhal ah, kuwaas oo si toos ah u taaban kara nolosha shacabka. Ugu dambeyntiina, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa safiirka cusub u rajeeyay inuu si hufan oo guul leh u guto waajibaadkiisa shaqo inta uu xilka hayo. The post Adarsh Swaika oo Muqdisho looga guddoomay aqoonsiga + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madax-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ) ayaa galay khilaaf gudaha ah, kadib markii afar ka mid ah komishineerradiisa ay soo saareen bayaan rasmi ah oo ay ku diideen waxa ay ku tilmaameen ku milanka siyaasadeed ee qaar ka mid ah hoggaanka sare ee guddiga, arrintaas oo ay la xiriiriyeen doorashadii 28-ka Maarso 2026 ka dhacday Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Bayaanka ayaa lagu sheegay in xubnaha saxiixay ay mowqifkooda ku saleynayaan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xeerka Lr. 16 ee 2016 ee lagu aas-aasay GMXIQ, iyo mabaadi’da caalamiga ah ee hay’adaha xuquuqul insaanka lagu hago, gaar ahaan Paris Principles, kuwaas oo dhigaya in hay’adaha noocan ahi ay ahaadaan kuwo madax-bannaan, dhexdhexaad ah, kana fog ku lug lahaanshaha siyaasadda. Afarta komishineer ayaa si gaar ah u sheegay in Xoghayaha Guddiga, Marwo Fadumo Cabdiqani Yuusuf, ay muujisay taageero siyaasadeed oo hal dhinac ah oo la xiriirta dhacdooyinkii ka dhacay Baydhabo, taas oo ay ku tilmaameen fal ka hor imanaya waajibaadka sharci iyo anshaxeed ee saaran xubnaha guddiga. Waxay sheegeen in arrintaasi dhaawaceyso mabda’a dhexdhexaadnimada iyo madax-bannaanida ay tahay in guddigu ku shaqeeyo. Sidoo kale, bayaanka ayaa mas’uuliyad dusha ka saaray Guddoomiyaha Guddiga Dr. Maryan Qaasim iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Mudane Mohamed Haaruun, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ku guuldarreysteen inay qaadaan tallaabo sharciyeed iyo mid maamul oo ku habboon arrintaas. Qorayaasha bayaanka ayaa ku dooday in aamusnaanta ama wax-ka-qabasho la’aanta hoggaanka sare loo fasiri karo dayacaad xil-gudasho, taas oo yeelan karta cawaaqib sharciyeed. Komishineerrada bayaanka soo saaray waxay sidoo kale xuseen in sida ku cad Qodobka 18-aad, Faqradda 1-aad ee Xeerka Lr. 16 ee 2016, ku milanka siyaasadda, jebinta mabda’a dhexdhexaadnimada, ama gudasho la’aanta waajibaadka shaqo ay noqon karaan sabab keeni karta xil-ka-qaadis ama luminta xubinnimada guddiga. Waxay sheegeen in xaaladdan ay dhaawacayso kalsoonidii dadweynaha lagu qabay GMXIQ, isla markaana ay abuureyso walaac sharci iyo mid hay’adeed oo ku saabsan awoodda guddiga ee ilaalinta xuquuqda aadanaha si caddaalad iyo dhexdhexaadnimo leh. Sidaas darteed, waxay si cad u diideen in guddiga loo adeegsado dano siyaasadeed, waxayna dalbadeen in la qaado tallaabooyin sharciyeed iyo kuwo hay’adeed oo lagu difaacayo madax-bannaanida hay’adda. Ugu dambeyn, saxiixayaasha bayaanka ayaa ugu baaqay dhammaan xubnaha GMXIQ inay ku ekaadaan waajibaadka dastuuriga ah iyo kuwa sharciyeed ee loo igmaday, kana fogaadaan fal kasta oo dhaawici kara sumcadda, madax-bannaanida iyo kalsoonida hay’adda. Bayaanka waxaa saxiixay Komishineer Axmed Sheekh Xamza Abshir, Komishineer Dr. Maxamed Cismaan Maxamuud, Komishineer Avv. H.E. Muumino Sheekh Omar, iyo Komishineer Dr. Omar Cabdulle Alasow. The post Guddiga Madax-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo ku kala jabay doorashadii K/Galbeed appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay xilliga ay dhaceyso doorashada isku sidkan ee goleyaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee maamul-goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle. Guddiga oo maanta qabtay shir jaraa’id ayaa shaaca ka qaaday in 13-ka bisha May ay tahay maalinta loo qorsheeyay in deegaannada maamullada Galmudug iyo HirShabelle ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, taas oo noqonaysa mid si toos ah ay dadweynuhu ugu codeynayaan wakiilladooda. “Shir ay maanta yeesheen dhammaan xubnaha guddiga doorashooyinka, ugana doodayeen qorshaha dhameystirka iyo qabashada doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha deegaanka dowlad-goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug, HirShabelle iyo midda golaha deegaanka ee Waqooyi Bari, wuxuu soo saaray jadwalka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay guddiga doorashooyinka. Sidoo kale, guddiga ayaa sheegay in uusan wax isbeddel ah ku iman jadwalkii doorasho ee hore loo shaaciyay ee maamulka Koonfur Galbeed, ayna doorashooyinka isku sidkan ka dhici doonaan maamulkaasi 28-ka bishan April. Halka doorashada golaha deegaanka ee maamulka Waqooyi Bari ay qabsoomi doonto 30-ka bisha June, maadaama uu leeyahay maamul dhameystiran oo leh golihiisa wakiillo iyo xukuumad, sida uu sheegay guddiga. “Dhammaan dadweynaha Soomaaliyeed waxaa ku boorinaynaa inay ku biiraan ururrada siyaasadda, una tartamaan dhammaan goleyaasha kala duwan ee la dooranayo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka guddiga doorashooyinka. Sidoo kale, guddiga ayaa ku wargeliyay ururrada siyaasadda inay soo dhameystiraan liiska musharraxiinta golaha wakiillada, degmooyinka, iyo weliba wakiilladooda goobaha doorashooyinka uga hawlgalaya. Si kastaba, Dowladda Federaalka ayaa dooneysa in xildhibaannada ku soo baxa doorashooyinka maamullada ay doortaan hoggaamiyeyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, xilli uu muran xooggan ka taagan yahay hanaanka ay ku yimaadeen guddiga doorashooyinka iyo muddo-xileedka Dowladda Federaalka Soomaaliya. The post Waqtiga la qabanayo doorashooyinka Galmudug iyo HirShabelle oo la shaaciyay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa si adag uga hadlay xiisadda ka taagan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, isagoo baaq degdeg ah u diray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Xiisaddan culus oo isku rogtay gacan ka hadal ayaa u dhexeysa ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka, taas oo salka ku haysa barakicinta dhul ku yaalla degmadaasi, iyadoo uu ka dhashay khasaare kala duwan oo u badan dhaawac iyo burbur hantiyeed. Dadka deegaanka ayaa diidan inay ka guuraan dhulkaasi, halka ciidamada dowladda ay bilaabeen inay awood u adeegsadaan, taas oo keentay isku dhaca labada dhinac. Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa si adag u cambaareeyay arrintan, isagoo ku eedeeyay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh inay duullaan, dhul-boob, gumaad, jirdil iyo afduub ku hayso shacabka ku nool degmada Dayniile. “Waxaa ayaandarro iyo musiibo qaran ah in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, ee waqtigeedu sii idlaanayo, ay u xuubsiibatay burcadnimo oo ku hawlan barakicinta dadweynaha iyo boobka dhul ay shacabku ku milkiyeen si sharci ah, ayna ciidankii qaranka u adeegsanayso dhaca, barakicinta iyo afduubka shacabka,” ayuu yiri Kheyre. Sidoo kale, wuxuu uga digay ciidanka kala duwan ee qaranka in “ay ka sii qeyb qaataan gumaadka iyo barakicinta dadweynaha.” Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sidoo kale wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in si degdeg ah loo sii daayo odayaal dhaqan oo uu sheegay in laga afduubay degmada Dayniile, ayna dowladda ka joogsato boobka dhulka shacabka iyo gumaadka dadka birimageydada ah. Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay meelo badan oo ka mid ah caasimadda ka sameysay burburin, iyadoo cagta la mariyay xaafado ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa ee gobolka Banaadir. The post Kheyre oo luuqad adag kula hadlay Xasan kadib dhacdadii maanta, kana dalbaday in degdeg… appeared first on Caasimada Online.
-
Xiisadda ka taagan marin-biyoodka muhiimka Hormuz ayaa sii xoogeysanaysa, kaddib markii markab labaad oo shidaal qaada uu galay gacanka, xilli ay jirto xannibaad uu Mareykanku ku soo rogay maraakiibta la macaamila dekedaha Iiraan. Go’aankan xannibaadda ah ayaa waxaa ku dhawaaqay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump maalintii Axadda, kadib markii wada-hadallo nabadeed oo ka dhacay Islamabad ay ku dhammaadeen is-afgarad la’aan u dhaxaysa Washington iyo Tehran. Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka, U.S. Central Command, ayaa sheegay in tan iyo markii xannibaaddu bilaabatay Isniintii, ilaa 10 markab dib loo celiyay, isla markaana aysan jirin wax markab ah oo jebiyay xeerarka la dejiyay. Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta Iiraan ee Fars News Agency ayaa sheegtay in markab weyn oo shidaal qaada oo Iiraan leedahay uu si guul ah uga gudbay marin-biyoodka isagoo ku sii jeeda dekedda Imam Khomeini port, inkastoo aysan bixin faahfaahin dheeraad ah. Shirkadaha Xogaha maraakiibta falanqeeya sida LSEG iyo Kpler ayaa muujinaya in markabka RHN, oo ka mid ah nooca VLCC (Very Large Crude Carrier) isla markaana qaadi kara ilaa 2 milyan oo foosto oo shidaal ah, uu Arbacadii galay gacanka, iyadoo aan si cad loo ogeyn halka uu ku wajahanyahay. Arrintan ayaa timid maalin kadib markii markab kale oo la yiraahdo Alicia, isla markaana hore u qaaday shidaal Iiraan laga leeyahay, uu ka gudbay isla marin-biyoodka, isagoo ku sii jeeda Ciraaq. Maraakiib kale oo ay ku jirto Rich Starry ayaa lagu qasbay inay dib u laabtaan, taas oo muujinaysa in Mareykanku si adag u dhaqan gelinayo xannibaaddiisa, inkastoo ay jiraan calaamado muujinaya in qaar ka mid ah maraakiibta ay weli isku dayayaan inay ka gudbaan. Dhanka kale, Mareykanku wuxuu ka digay inuu kordhin karo cunaqabateynta labaad ee saaran iibsadayaasha shidaalka Iiraan, si uu cadaadis ugu saaro wada-hadallada mustaqbalka. Warar hoose oo laga helayo dhinaca Iiraan ayaa tilmaamaya in Tehran ay soo jeedisay qorshe ay maraakiibtu si xor ah ugu mari karaan dhinaca Cumaan ee marin-biyoodka, haddii heshiis laga gaaro xiisadda taagan, si looga hortago isku dhac hor leh. Xiisaddan sii kordheysa ayaa sare u qaadaysa walaaca laga qabo amniga ganacsiga caalamiga ah ee shidaalka, maadaama Hormuz uu yahay marin muhiim u ah sahayda tamarta adduunka. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ee Muqdisho ku qaabilay safiirka cusub ee Hindiya u qaabilsan Soomaaliya, Dr. Adarsh Swaika, isagoo ka guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga (credentials). Kulanka ayaa lagu xoojiyay xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Hindiya, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen rabitaan cad oo ku aaddan horumarinta iskaashi miro-dhal ah. Wasiirka iyo safiirka ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay in iskaashiga labada dal loo rogo mashaariic wax ku ool ah oo natiijo leh, kuwaas oo si toos ah uga faa’iideynaya shacabka labada dal. Sidoo kale, Wasiir Cabdisalaam ayaa safiirka cusub u rajeeyay guul iyo in muddada uu xilka hayo ay noqoto mid xoojinaysa xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga horumarineed ee labada dal. War-saxaafadeedkan ayaa muujinaya dadaallada sii xoogeysanaya ee Soomaaliya ku doonayso inay ku ballaariso xiriirrada caalamiga ah, gaar ahaan dalalka saaxiibka dhow la ah sida Hindiya. Source: goobjoog.com
-
Golaha Xukuumadda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, kaddib shir ay maanta ku yeesheen caasimadda Garoowe. Puntland ayaa si cad u sheegtay in ay waafaqsan tahay Dastuurka Federaalka, gaar ahaan qodobka 60-aad, kaas oo dhigaya in muddo xileedka hay’adaha Federaalka uu dhammaado. Waxa ay tilmaantay in muddo xileedka Baarlamaanka Federaalka uu ku egyahay 14-ka April 2026, halka kan Madaxweynaha uu ku egyahay 15-ka May 2026, sida ku cad qodobka 91-aad ee dastuurka. War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in hay’adaha Federaalka ay hadda wajahaan xaalad hubanti la’aan sharciyeed, taas oo keeni karta qalalaase siyaasadeed iyo mid amni haddii aan xal degdeg ah la helin. Sidoo kale, Puntland waxay ugu baaqday Madaxweynaha Federaalka in uu badbaadiyo midnimada iyo wadajirka dalka, isla markaana uu qabto shir degdeg ah oo ay ka qayb galaan madaxda Dowlad Goboleedyada si loo gaaro heshiis ku saabsan qabsoomidda doorashooyin sharciyeysan. Ugu dambeyn, Puntland ayaa adkeysay in doorashooyinka dalka lagu qabto si waafaqsan dastuurka, si looga fogaado khilaaf siyaasadeed oo saameeya xasilloonida Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Maxamuud Xasan (Wajiis) oo kamid ah golaha sare ee Culimada Soomaaliyeed oo qoraal soo saaray ayaa sheegaya inuu ka cabanayo dhulboob, isaga oo qayo dhaan u diray madaxda dowladda Soomaaliya. Sheekha oo si weyn u difaaci jiray Dowladda Federaalka, kuna taageeri jiray howlaha burburinta ee dhulalka danta guud ayaa hadda waxaa gaartay cagafta, isaga oo markiisii bilaabay inuu ka cawdo dhul boob lagu hayo. Qoraalka uu soo saaray ayuu ku sheegay in la boobayo dhulka Goofka Reer Ow Maxaad oo ku yaalla Daarusalaam, dhulkaas oo uu tilmaamay in la sharciyeeyay 1988, isla markaana ay boobayaan shaqsiyaad huwan magaca dowladda. Cali Wajii ayaa ka digay boobka dhulkaasi, wuxuuna dhinacyda doonaya ugu baaqay in Alle ka cabsadaan dhulkaas oo ay leeyihiin dad shacab ah. “Ogeysiis muhiim ah. Dhulka Goofka Reer Ow Maxaad ee deriska la ah Jaamacadda Mugdisho Daarusalam ee Noolaoostada loo soo qaatay waa dhul shacab leeyahay oo la sharciyeeyay 1988 bishii Marso sidaas darteed dadka siyaasiyiinta, ganacsatada iyo gobolka Banaadir Ilaahey ha uga baqaano xoolaha dadka shacabkaana yaan magac aan jirin lagu boobin waa ceeb adduunyo iyo cadaab aakhiro” ayuu qoraalkiisa ku yiri Sheekh Cali Wajiis. Dhinaca kale, falcelin xooggan iyo hadal-heyn ayaa ka dhalatay cabashada kasoo yeertay Sheekh Cali Wajiis oo horay u difaaci jiray dowladda, iyadoo dadweynaha ay siyaabo kala duwan uga hadleen cabashadiisa. Faarax Biniin: “Aad baan u soo dhaweynayaa in dulmiga si caddaalad ah loo qaybiyo”. Cabdisalaan Xasan: “La jiifiyaa banaan la joojiyaa banaan may dhihi jireen?”. Bashiir Cabdidaahir Cabdi: Cagaftii saaka ma qolkii Cali Wajiisbay hor taallaa”. Cabdi Maxamed: “Shalay xaqdaradii uu dowladda ku taageerayey maanta markay soo gaartay miyuu xanuunka dareemay?”. Si kastaba, Dowladda Soomaaliya ayaa haatan meelo badan oo kamid ah caasimada waxay ka sameysay burburin iyadoo maalmihii u dambeeyay cagta la mariyay xaafado ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa ee gobolka Banaadir. The post Sheekh Cali Wajiis oo ka cabanaya dhulboob iyo falcelin ka dhalatay appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeisa — The government of Somaliland has firmly rejected what it described as “misleading claims” by the Somalian Government regarding its sovereign diplomatic relations, including engagement with Israel, according to a statement issued by the Ministry of Foreign Affairs. In a press release, Somaliland said assertions made by the Somalia Government were “unfounded in law, inaccurate in history, and lack factual basis,” stressing that its diplomatic engagements are conducted independently as a sovereign state. The statement reiterated that Somaliland attained independence on June 26, 1960, and was recognized by the international community at the time, arguing that its sovereignty “neither originated from, nor is contingent upon, any authority in Mogadishu.” “Accordingly, the Somalian Government has no legal standing to interfere in, comment on, or constrain Somaliland’s bilateral relations with any state,” the ministry said, adding that such engagements represent the exercise of sovereign prerogatives. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xaaladda Degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa haatan kacsan, iyadoo labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay ka taagneyd xiisad culus oo u dhexeyso ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka, taas oo salka ku hayso barakicinta dhul ku yaalla degmadaasi. Xiisadda oo saameynteeda si weyn looga dareemay Dayniile ayaa ka taagan aagga xaafadda Warlaliska halkaas oo ay isku fara-saareen ciidamada iyo dadka deegaanka oo toos u dagaalamay. Gacan ka hadalka ayaa sababay khasaare kala duwan oo u dhaawac u badan iyo burbur hantiyeed, iyadoo sidoo kale ay waxyeeello gaartay ciidamada. Dadka deegaanka ayaa diidan inay ka guuraan dhulkaasi, halka ciidamada dowladda ay bilaabeen inay awood u adeegsadaan, taas oo keentay isku dhaca labada dhinac. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha amniga iyo maamulka degmada Dayniile oo ku aadan xiisaddan oo u muuqato mid kasii dareyso. Xaaladda ayaa weli cakiran, waxaana socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul ay wadaan dadka deegaanka oo adeegsanayo dhagaxyo iyo waxyaabaha kale ee ay heli karaan, si ay uga hortaan ciidamada ammaanka. Dowladda Soomaaliya ayaa meelo badan oo kamid ah caasimada waxay ka sameysay burburin iyadoo maalmihii u dambeeyay cagta la mariyay xaafado ka tirsan degmooyinka Kaaraan iyo Heliwaa ee gobolka Banaadir. The post Xiisad culus oo ka taagan Degmada Dayniile iyo wararkii ugu dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga dhaqan-galay go’aankii shalay kasoo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo amar ku bixiyay in la qaato lacagta shillin Soomaaliga oo maalmihii dambe ay ganacsatada magaalada Muqdisho diidayeen. Muungaab ayaa si toos ah ganacsatada ugu amray in aysan diidi karin isticmaalka shillinka Soomaaliga, isaga oo si cad u sheegay in dambiile loo aqoonsan doono ganacsade kasta oo diida lacagta shillin Soomaaliga. “Guddoomiyaha ayaa ganacsatada Soomaaliyeed u caddeeyay in aysan marnaba suurtagal ahayn in la diido adeegsiga lacagta shillin Soomaaliga, wuxuuna tilmaamay in lacagaha maxalliga ah ay qeyb ka yihiin tiirarka jiritaanka iyo halbowlaha dhaq-dhaqaaqa dhaqaale ee umadda, taas oo ilaalinteedu ay tahay waajib iyo mas’uuliyad dastuuri ah oo damiirkuna na farayo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Gobolka Banaadir. Intaas kadib waxaa maanta si guud caasimada uga dhaqan-galay amarka duqa magaalada Muqdisho, iyadoo dib loo bilaabay isticmaaka kunka shilin. Hooyo kamid ah ganacsatada Suuq Bacaad oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in ay maanta ku shaqeynayaan, isla markaana ay qaadanayaan lacagta shilinka Soomaaliga ah, ayna u hoggaansameen amarka soo baxay. “Shalay maadaama uu yiri guddoomiye Muungaab hala qaato maanta waa bilownay waana qaadanownaa kaashka sababto ah jajab la’aan wax shaqeynaayo ma leh oo qofka wax kaa gato baaqi inaa u celiso ayuu ka rabaa” ayay tiri hooyo kamid ah ganacsatada Suuq Bacaad ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale, ganacsade kale oo isna qudaarta iibiya ayaa sheegay inay dhib ku qabeen diidmada shilin Soomaaliga, haddase ay ku farxeen in dib loo bilaabay. “Kaash waa qaadanayaa labadaan beri waa ku wareernay haddii aan qudaarey nahay aad ayaan ugu baahanahay wax waa gadan waynay, waana soo dhaweyneynaa go’aanka maamulka gobolka” ayuu yiri ganacsade qudaarle ah. Si kastaba, Go’aanka kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa yimid kadib kulan degdeg ah oo shalay uu guddoomiye Muungaab la yeeshay ganacsatada kala duwan ee magaalada Muqdisho, isaga oo ku amray isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga ah, kaas oo haatan dhaqan-galay. The post Go’aankii kasoo baxay Muungaab oo ka dhaqan-galay Muqdisho + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland oo ka hadlay xaaladda dalka ayaa si cad u sheegay in aysan aqbaleyn in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka sii hayo wixii ka dambeeya 15-ka May 2026. Muddo-xileedka Madaxweynaha oo ku eg taariikhdaas ayay Puntland dooneysaa in isla markiiba la qabto doorasho wadar ogol lagu yahay, sida uu shaaciyay Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Puntland, Bile Qabowsade. “Soomaali waxa keliya ee ku wada jiri kartaa waa in la ilaaliyo nidaamka federaalka iyo doorasho lagu yahay heshiis oo la isla aqbalo,” ayuu yiri Wasiir Qabowsade. Waxa uu intaas ku sii daray, “Dowladda Puntland ma aqbalayso muddo-dhaaf iyo in dalka uu galo firaaq dastuuri ah, tallaabooyinna way qaadi doontaa.” Hoggaanka Puntland oo ka mid ah Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamulka Jubaland ayaa si adag uga soo horjeeda dastuurka cusub ee uu ansixiyay Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo Talaadadii si rasmi ah uga soo idlaaday muddo-xileedkii afarta sano ee la doortay. Dowladda Federaalka ayaa ku adkeysanaysa dastuurka cusub ee dhawaan meel-marsaday, kaas oo dhigaya in muddo-xileedka hay’adaha dowladda laga dhigo shan sano, taas oo mucaaradku ku fasireen muddo-kororsi sharci-darro ah oo aysan marnaba aqbali doonin. Golaha Mustaqbalka ayaa haatan ka shaqeynaya sidii ay beesha caalamka ugu qancin lahaayeen in dalka uu u baahan yahay hannaan doorasho oo heshiis lagu wada yahay, si looga fogaado qalalaase siyaasadeed oo hor leh. Si kastaba, mucaaradka oo horey ugu ballansanaa shirweyne ay kaga arrinsanayaan xaaladda dalka iyo mustaqbalka doorashooyinka, isla markaana ku goodinayay inay bilaabaan doorashooyin dadban ayaa haatan u muuqda kuwo dardartoodii hoos u dhacday. Sidoo kale, dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo cusub ayaa la rumeysan yahay inay qorsheynayaan, kuwaas oo ay ka mid yihiin abaabulka kacdoonno laga bilaabo magaalada Muqdisho, ka hor inta aysan u wareegin shir ay ku yeelan doonaan magaalada Gaalkacyo toddobaadyada soo socda. The post Puntland oo ku dhawaaqday in kadib 15-ka bisha May ay… appeared first on Caasimada Online.
-
Warbixin cusub oo ay daabacday Fox News ayaa iftiimisay suurtagalnimada in Maraykanku saldhig milatari ka sameysto Somaliland, gaar ahaan magaalada Berbera, si uu uga hortago khataraha ka imanaya Iran iyo kooxda Xuuthiyiinta ee Yemen. Warbixinta ayaa sheegtay in Somaliland ay Maraykanka u soo bandhigtay dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Berbera, kuwaas oo leh muhiimad istaraatiiji ah maadaama ay ku dhow yihiin marin-badeedka muhiimka ah ee Bab el-Mandeb. Marin-biyoodkan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwa ugu mashquulka badan dunida, iyadoo ay maraan maraakiib badan oo qaada shidaal iyo badeecooyin caalami ah. Arrintan ayaa imanaysa xilli ay sii kordhayaan weerarrada ay Xuuthiyiinta, oo taageero ka hela Iran, ku hayaan maraakiibta maraysa Badda Cas, taas oo sare u qaaday welwelka amni ee gobolka. Sidaas darteed, Maraykanka ayaa la rumeysan yahay inuu raadinayo goobo cusub oo uu ka xoojiyo joogitaankiisa milatari si uu u ilaaliyo marinada ganacsiga. Si kastaba ha ahaatee, caqabado siyaasadeed ayaa jira, maadaama Maraykanku weli si rasmi ah u aqoonsan yahay midnimada Soomaaliya, taas oo Somaliland ka dhigaysa gobol ka tirsan dalka. Tani waxay adkeyn kartaa in si toos ah loo hirgeliyo qorshe kasta oo la xiriira saldhig milatari. Sidoo kale, Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay inuusan hadda jirin qorshe rasmi ah oo lagu dhisayo saldhig cusub, inkastoo xiisaha istaraatiiji ah ee gobolka uu sii kordhayo. Afhayeen u hadlay AFRICOM ayaa ka jawaabay, hadal uu baahiyay Fox News Digital: “Maraykanku ma raadinayo inuu dhiso saldhigyo cusub, maadaama tallaabooyinka noocaas ahi aysan waafaqsanayn istaraatiijiyadda amniga ee ‘America First’ ee uu dejiyay Madaxweyne Trump iyo Xoghayaha Difaaca.” Dhanka kale, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa sheegay in Washington ay “sii waddo aqoonsiga madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland,” taasoo dib u xaqiijinaysa mowqifka rasmiga ah ee Maraykanka. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu goordhow u safro dalka Turkiga, si uu uga qeyb galo Madasha Caalamiga ah ee Antalya. Shirka oo lagu qabanayo magaalada Antalya ayaa ah mid sanad kasta ay isugu yimaadaan madaxda dowladaha, diblomaasiyiin iyo khubaro caalami ah, si ay uga wada hadlaan arrimaha siyaasadda, amniga iyo iskaashiga caalamiga ah. Safarka Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu xoojin doono xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, oo ka mid ah dalalka sida weyn u taageera Soomaaliya dhinacyada horumarinta, amniga iyo kaabeyaasha dhaqaalaha. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamo gaar ah la yeelan kara madax kala duwan oo ka qeyb galaya shirka, si loo xoojiyo iskaashiga laba geesoodka ah iyo taageerada beesha caalamka ee Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaa xalay ka dhacay kulan xasaasi ah oo diiradda lagu saaray xaaladda Koonfur Galbeed, gaar ahaan isbeddelkii dhawaan ka dhacay magaalada Baydhaba ee meesha looga saaray maamulkii Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen. Kulanka ayaa wuxuu u dhex-maray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), kaas oo jawi deggan kusoo idlaaday. Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankan waxaa dhanka siyaasiyiinta Digil iyo Mirifle ka qeyb-galay, wasiirada Xasan Xuseen Eelaay, Saadaad Maxamed Nuur Caliyoow iyo Danjire Ilyaas Cali Xasan, halka ay ka maqnaayeen wasiir Roobow, Lataliye Xuseen Sheekh Maxamuud iyo xubnaha kale ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed. Ilo wareedyo xilkas ah ayaa inoo sheegay in kulanka lagu go’aamiyay cidda noqoneysa musharraxa Koonfur Galbeed, waxaana loo gartay guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo JSP ku meteli doono doorashada maamulkaas oo la filayo in dhawaan ay ka dhacdo magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay. Go’aankan ayaa dhalin kara dood ka imaata dhinaca kaadiriinta kale ee Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka, taas oo sababi karta kala jab ku yimaado Xisbiga, maadaama ay maalmahan socdeen loolan ku aadan Koonfur Galbeed. Vila Somalia oo iyadu isbeddelka ka dhalisay Baydhaba ayaa dadaalka ugu xoogan gelineysa dhismaha maamul cusub, iyadoo toos u faragelisay Koonfur Galbeed, una magacowgay hoggaamiye KMG ah oo howsha sii wada. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa halka ay ku dambeyso arrinta Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Si kastaba, xiisadahan iska soo horjeedo ayaa uga sii daraya xaaladda dalka, maadaama uu taagan yahay jahwareer guud oo ka taaan doorashooyinka soo socda iyo wax ka beddelka dastuurka oo ay isku hayaan dowladda iyo mucaaradka. The post Xogta kulan go’aan culus lagu gaaray oo xalay ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka Karoline Leavitt ayaa la weydiiyay arrinta xabbad-joojinta Iran, waxayna sheegtay in wararka sheegaya in Maraykanku codsaday in si rasmi ah loo kordhiyo “aanay run ahayn”. “Waxaan weli si buuxda ugu hawlan nahay wadahadalladan,” ayay tiri, iyadoo intaas ku dartay in wada wadahadalku yahay “mid wax ku ool ah oo weli socda”. Marka laga hadlayo wararka sheegaya in la qorsheynayo wadahadallo fool-ka-fool ah, waxay tiri “wadahadalladaas way socdaan, balse wax rasmi ah ma aha ilaa aad naga maqashaan annaga Aqalka Cad”. “Waxaan ku qanacsanahay rajada heshiis la gaaro,” ayay Leavitt tiri, iyadoo ku dartay in ay “danta ugu wanaagsan ee Iran ku jirto” inay aqbasho dalabaadka Trump, taasoo ay sheegtay inuu si “aad ah” u muujiyay. Haddii wadahadallo dhacaan, waxay sheegtay inay “u badan tahay” in lagu qabto isla goobtii hore oo ah magaalada Islamabad ee dalka Pakistan. Qaran News
-
Dubai (Caasimada Online) – Hoteelka sida weyn caalamka looga yaqaano ee Burj Al Arab oo ku yaalla magaalada Dubai ayaa la xiri doonaa muddo 18 bilood ah si dib-u-habeyn ballaaran loogu sameeyo, arrintaas oo ka dambeysay hoos u dhac ba’an oo ku yimid waaxda dalxiiska ee dalkaas, taas oo ka dhalatay weerarradii ay Iiraan ku qaadday Imaaraadka Carabta. Bayaan ay soo saartay shirkadda iska leh hoteelka ee Jumeirah Talaadadii, ayaa lagu sheegay in shaqadan “mudada dheer la sugayay” loo fulin doono wejiyo kala duwan muddo ku dhow 18 bilood, waxaana mashruucan hoggaamin doona naqshadeeyaha qaabeynta gudaha ee fadhigiisu yahay magaalada Paris, Tristan Auer. In kasta oo bayaanka shirkaddu uusan si cad u qeexin in hoteelkan u eg shiraaca doonta uu ahaan doono mid furan inta lagu jiro dayactirka, sarkaal ka tirsan shaqaalaha hoteelka ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyay in gabi ahaanba la xiri doono. Wuxuu intaas ku daray in macaamiisha horay usii qabsaday hoteelka la siin doono goobo kale oo beddel ah oo ay dagaan, kuwaas oo ku yaalla hoteellada ka ag dhow. Hoteelka Burj Al Arab, oo ay weheliyaan dhismaha adduunka ugu dheer ee Burj Khalifa iyo Jasiiradaha macmalka ah ee Palm Islands, ayaa ka mid ah dhismayaasha indhaha caalamka soo jiita ee ku yaalla Dubai. Hase yeeshee, hoteelkan ayaa waxaa soo gaaray burbur ka dhashay haraadiga diyaarad drone ah oo laga soo riday Iiraan, taas oo hawada lagu burburiyay bishii Maarso ee la soo dhaafay. Iyadoo shirkadda Jumeirah aysan bayaankeeda ku soo hadal qaadin dagaalka Iiraan, haddana waxaa la rumeysan yahay in weerarada Iiraan ay ku qaadday Imaaraadka iyo dalalka kale ee Khaliijka ee martigeliya saldhigyada Mareykanka, ay sababeen in tiro badan oo ajaanib iyo dalxiisayaal ah ay gabi ahaanba isaga qaxaan gobolka. Dagaalkan oo qarxay daba-yaaqadii bishii Febraayo, kadib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay weeraro ku qaadeen Iiraan, ayaa saameyn baaxad leh yeeshay bil gudaheed. In ka badan $120 bilyan oo dollar ayaa la soo weriyay inay ka luntay qiimaha suuqyada saamiyada ee Dubai iyo Abu Dhabi, halka sidoo kale la baajiyay in ka badan 18,400 oo duulimaad. Xaaladdan ayaa si weyn u dhaawacday sumcaddii uu dalka Imaaraadku dhistay ee ahayd inuu yahay goob ammaan ah oo xasiloon oo ku habboon ganacsiga iyo dalxiiska, isagoo ku dhex yaalla gobol inta badan ay hareeyeen qalalaase siyaasadeed iyo dagaallo. Si ka duwan waddamada Sacuudi Carabiya iyo Cumaan, oo suuqyadooda saamiyadu ay sare u kaceen sababo la xiriira qiimaha shidaalka oo qaaliyoobay, qaab-dhismeedka dhaqaale ee Imaaraadka oo si weyn ugu xiran caalamka, salna u ah dalxiiska, guryaha, saadka iyo maaliyadda, ayaa wajahnay dhabar-jab toos ah. Ilaa iyo 28-kii Maarso, Iiraan ayaa Imaaraadka ku riday 398 gantaallada ballistic-ga ah, 1,872 diyaaradaha drones-ka ah iyo 15 gantaallada cruise-ka ah, taas oo dalkan ka dhigtay midka labaad ee sida weyn loo beegsaday marka laga reebo xulafadiisa dhow ee Israa’iil. In kasta oo hubkaas badankooda hawada lagu burburiyay kahor inta aysan dhulka soo gaarin, haraadigii ka soo dhacay ayaa khasaare iyo burbur gaarsiiyay goobo kala duwan oo xasaasi ah oo ku yaalla Abu Dhabi iyo Dubai, oo ay ku jiraan hoteelka Burj Al Arab, Palm Jumeirah, garoonka diyaaradaha ee Dubai iyo aagga warshadaha shidaalka ee Fujairah. The post Jab weyn oo soo gaaray Imaaraadka Carabta laguna qasbay in Burj Al Arab la… appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay tallaabo ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israel, taas oo ku saabsan magacaabista wakiil diblomaasiyadeed oo loo dirayo Somaliland. Dowladda Soomaaliya waxay ku tilmaamtay arrintan mid si toos ah u jebinaysa madax-bannaanideeda, midnimadeeda iyo wadajirka dhuleed ee dalka. War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Somalia ayaa lagu caddeeyay in tallaabadan ay si cad uga hor imanayso qawaaniinta caalamiga ah, gaar ahaan Axdiga United Nations iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee African Union, kuwaas oo aqoonsan Soomaaliya inay tahay dal midaysan oo leh xuduudo caalami ah oo la aqoonsan yahay. Dowladda Federaalka ayaa si cad u diiday isku day kasta oo lagu siinayo aqoonsi diblomaasiyadeed ama mid siyaasadeed qayb ka mid ah dhulkeeda iyadoo aan loo marin dowladda dhexe. Waxay sidoo kale adkaysay in Somaliland ay weli tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aanay jirin wax sal sharci ah oo lagu kala saari karo. Xukuumaddu waxay muujisay walaac ay ka qabto in tallaabooyinka noocan ah ay halis gelin karaan dadaallada socda ee lagu xoojinayo hay’adaha dowliga ah, kor u qaadidda dimuqraadiyadda, dib-u-heshiisiinta qaranka, iyo la dagaallanka argagixisada. Waxay sheegtay in arrintani ay dhiirrigelin karto kala qaybsanaan iyo khilaaf hor leh oo gobolka ah. Soomaaliya ayaa ugu baaqday dowladda Israa’iil inay dib uga laabato go’aankan, isla markaana ay ixtiraamto madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Sidoo kale, waxay ugu yeertay beesha caalamka, oo ay ka mid yihiin ururka jaamacadda Carabta, Ururka iskaashiga Islaamka, iyo Midowga Yurub, inay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah isla markaana ka hortagaan tallaabo kasta oo wiiqi karta midnimada Soomaaliya. Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale caddeysay inay ka go’an tahay difaaca midnimada dalka iyo xuquuqdeeda qaran iyadoo adeegsanaysa dhammaan waddooyinka diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo sharci ee waafaqsan qaanuunka caalamiga ah. Source: goobjoog.com
-
Israel Appoints Its First Ambassador to Somaliland as It Eyes Gulf of Aden Military Base According to a recent report, Somaliland is willing to allow Israel to gather intelligence and conduct operations against Yemen from its territory by Dave DeCamp | April 15, 2026 at 7:16 pm ET | Israel, Somalia, Somaliland, Yemen Israel has appointed its first ambassador to Somaliland, a move that follows its recognition of Somaliland’s independence, which the region first declared in 1991. Israeli media reported the appointment of Michael Lotem, who has previously served as Israel’s ambassador to several different African countries. Somalia’s federal government, which is based in Mogadishu, condemned the move as a “direct breach” of Somalia’s sovereignty. Israel is eyeing establishing a military base in Somaliland, which has a coast on the Gulf of Aden, making it a potential launch pad for attacks on Yemen. Last month, Bloomberg reported that Somaliland officials are willing to allow Israel to gather intelligence and conduct operations against Yemen’s Houthis, officially known as Ansar Allah. Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi and Israeli Foreign Minister Gideon Sa’ar in Somaliland on January 7, 2026 (Somaliland Presidential Office) The report said that last June, Israeli officials visited Somaliland and surveyed the beaches in search of a potential location for a military installation to use against Yemen. One area that’s under consideration is about 62 miles west of the port city of Berbera, where the UAE, which has diplomatic relations with Israel, has a military airstrip. Somaliland has also offered the US military access to its ports if the US recognized its independence, and the head of US Africa Command visited the region late last year. President Trump has said he is “looking into” recognizing Somaliland, but as things stand, there are no known plans for a US base in the region. But a little further east in Bosaso, a port city on the Gulf of Aden in Somalia’s Puntland region, the US military has been establishing a presence as it has significantly ramped up airstrikes against an ISIS affiliate in the region in support of the local Puntland government. The US military had been using an airbase established by the UAE in Bosaso, though the UAE has reportedly pulled its military out of the area after a strong backlash due to its arming of the RSF in Sudan through the base. It’s unclear at this time if the US continues to use the same base or if its aircraft carrying out strikes in Puntland are coming from other bases in Africa. Qaran News
-
Foreign Minister Gideon Sa’ar appoints Michael Lotem as Israel’s first ambassador to Somaliland. Israel National NewsIsraeli NewsIsrael appoints first ambassador to Somaliland Israel appoints first ambassador to Somaliland Foreign Minister Gideon Sa’ar appoints Michael Lotem as Israel’s first ambassador to Somaliland. The Foreign Ministry’s Appointments Committee for Appointing Representatives Abrod, chaired by Foreign Minister Gideon Sa’ar, on Wednesday approved two new diplomatic appointments. Yahel Vilan has been appointed Israel’s ambassador to Singapore and East Timor. He previously served as ambassador to Kenya and Serbia. Michael Lotem, currently serving as a non-resident economic ambassador to Africa, has been appointed Israel’s first ambassador to Somaliland. He previously served as Israel’s ambassador to Kenya, Azerbaijan and Kazakhstan. In the initial stage, Lotem will serve as a non-resident ambassador to Somaliland. Israel recognized Somaliland in December 2025, becoming the first and, to date, the only country to officially recognize the self-declared republic, which Somalia considers part of its territory. Less than two weeks later, Foreign Minister Gideon Sa’ar visited Somaliland. In January, Israeli President Isaac Herzog met on the sidelines of the World Economic Forum in Davos with the President of Somaliland, Abdirahman Mohamed Abdullahi. In a post on social media following the meeting, Herzog wrote, ‘I welcome the establishment of diplomatic relations between our two nations and look forward to deepening our bilateral cooperation for the benefit of both our peoples.” Abdirahman, in a post of his own, wrote, “Our discussions focused on strengthening and advancing bilateral relations between the Republic of Somaliland and the State of Israel.” Qaran News
-
Maamulka Israel ayaa qaaday tallaabo diblomaasiyadeed oo culus, kadib markii ay si rasmi ah u magacawday safiirkii ugu horreeyay ee u qaabilsanaan doona Somaliland. Tallaabadan ayaa si weyn u beddeli karta jihada siyaasadeed ee Geeska Afrika, iyadoo ku soo beegantay xilli gobolka uu yahay mid aad loogu loolamayo. Magacaabistan waxaa ansixiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Gideon Sa’ar, kadib kulan ay yeesheen guddiga u qaabilsan magacaabista diblomaasiyiinta Israa’iil. Waa Kuma Safiirka? Danjire Michael Lotem ayaa loo xushay xilkan. Khibradiisa: Safiir hore uga soo noqday: Kenya Azerbaijan Kazakhstan Safiirka dhaqaalaha ee Afrika Khabiir ku ah: Xiriirka Afrika Ganacsiga iyo maalgashiga Siyaasadda dibadda Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta XFS, Mudane Xildhibaan Ayub Ismail Yusuf, ayaa maanta kulan wadatashi ah la yeeshay Dalladda SORECA, oo ay ku mideysan yihiin shirkadaha dhismaha dalka. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo Dalladda, si loo horumariyo kaabayaasha dalka iyo magaalooyinka, loona abuuro hannaan wada-shaqeyn oo waxtar leh oo kor u qaada kobaca iyo nidaaminta qaybta dhismaha. Guddoomiyaha Guud ee Boorka Dalladda SORECA mudane Cabdirisaaq Cali Warsame ayaa Kulanka sharaxay doorka iyo muhiimadda ay Dalladdu ku leedahay horumarinta dhismaha iyo kaabayaasha dalka, isagoona Wasaaradda ka dalbaday wada-shaqayn joogtaa . Intii uu socday kulanku, labada dhinac ayaa is dhaafsaday aragtiyo wax ku ool ah, iyadoo xubnaha SORECA ay soo bandhigeen waxqabadkooda iyo kaalintooda ku aaddan kobcinta magaalooyinka iyo horumarinta dhismaha. Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa sheegay in dhawaan la daahfuri doono mashaariic wadooyin muhiim u ah isku socodka iyo kaabayaasha dalka, kuwaas oo hadda maraya heer gabo-gabo ah. Wasiirku wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashi joogto ah si loo gaaro horumar waara iyo kaabayaal tayo leh. — DHAMMAAD — Source: goobjoog.com
-
Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibbada caalamka ayaa howlgallo ballaaran ka fuliyay deegaano ka tirsan gobollada Hiiraan, Shabeellaha Hoose, Baay iyo Jubada Hoose. Howlgalladan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada Tardho (Hiiraan), Ugunji (Shabeellaha Hoose), Daynuunaay (Baay), iyo Qumbi (Jubada Hoose), halkaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab. Saraakiisha ayaa sheegay in howlgallada lagu burburiyay fariisimo muhiim ah oo ay kooxdaasi ku lahayd goobahaasi, kuwaas oo muddooyinkii dambe laga qorsheynayay falal amni darro. Inta lagu guda jiray howlgallada, waxaa la dilay ugu yaraan 54 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, iyadoo sidoo kale la dhaawacay tiro kale. Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay hub iyo agab ciidan oo ay kooxdaasi isticmaali jirtay. Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ay ku doonayso in lagu ciribtiro Al-Shabaab, isla markaana dib loogu soo celiyo amniga iyo xasiloonida deegaannada ay saameeyeen. Source: goobjoog.com
