Maxaa Ka Jira Xidhiidh Hoose oo u Dhexeeya Oromo, Jaarso iyo Awdal Community?
Xogta Shacabka - Waxaan maanta aan ku eegayaa qoraalkaygan dhoohsanaanta soomaaliyeed iyo dhiiranaanta Oromo, Waxaa la yaableh ummadda soomaaliyeed meelkasta ha degtee waxaa ka dhexeeya oo marag madoonto ah Islaamnimo, Af, Midab, Dhaqan iyo dhalasho qoto dheer taasi oo lagu tilmaamo dunida inteeda kale in tusaale loo soo qaato. Inkasta oo soomaaliya gobolgobol noqotay oo aad maqlaysid maamul goboleedyo badan; madaxweynayaal tiro badan iyo qabyaaladii oo dib loo soo nooleeyay; Waxaa manta ugu nasiib batay dowalad degaanka soomaalida itoobiya oo nasiib u helay in uu ka faa’idaystay isbedelkan ka dhacay itoobiya, Maanta waxaa hogaamiya madaxweyne da’a yar, wadani ah, karti badan, daacad ah oo gaarsiiyay horumar la taaban karo oo dhinac walba ah taasi oo ku dayasho mudan taariikhduna xusi doonto dhaxalka uu ummadda uga tegi doono inta uu xilka hayo.
Haddii aan u soo laabto maqaalkayga waxaa beryahan aad u xoogaystay xidhiidh hoose oo ka dhexeeya Oromo, Jaarso iyo Awdal Community kuwaasi oo kulamo ku dhexmareen, Jinacsani, Borama, Awbare iyo Naasireyt; haddii aan faahfaahin ka bixiyo ujeedada kulankoodu wuxuu iskugu jiraa dhawr arrimood; Mida koowaad waxay Oromo rabtaa inay dhisto dekeda lughaya oo ay bixiso dhamaan kharashka ku baxaya, Gadabuursina waxaa laga rabaa inuu soo raaco maamulka Oromiya degaanada uu ka dego labada degmo ee Awbare iyo Dambal waxaana arrintan xidhiidhiye ka ah Jaarso oo horay ugu biirtay ama ka mid noqotay maamulka Oromiya.
Ujeedada labaad waxaa beryahan socota in la sameeyo xadayntii ama xuduuda u dhexaysa labada qoomiyadood ee Oromo iyo Soomaalida oo la filayo in la soo gabagabeeyo 26 ka bisha Maarjo ee fooda inagu soo haysa taasi oo Oromo ay soo qaaday dagaalo badan oo ay ku soo barakicisay shacab soomaaliyeed oo dega gobolada Nogob, Liibaan, Afdheer iyo Faafan degaano ka tirsan sida (Hariire); Oromo waxay xoog saartay siddii uu xadku u noqon lahaa Cambaro Raage ama Orda oo magaalada Jigjiga u jirta in ka yar labo kilomitir (2 KM); Oromo waxay xoog iyo xoolo gelisay siddii ay u xalaalaysan lahayd degaanada soomaaliyeed gaar ahaan sida Nagiile, Mooyaale, Ma’aysa, Baabili, Fiyaanbiire, Jinacsani iyo qaar kale oo badan, Waxaa intaa u dheer iyaga oo manta adeegsanaya qabiilo soomaaliyeed taasi oo Oromo xaalkeedu yahay qaybi oo xukun.
Ujeedada seddexaad ee Oromo, Jaarso iyo Gadabuursi waxa weeyi in ay ku dadaalayaan ama ay wadaa qorshe ah in dawladda dhexe laga dhaadhiciyo in Magaalada Jigjiga afti laga qaado taasi oo u dhexaysa Oromo oo kaashanaysa qabiilo soomaaliyeed oo ay ugu horeeyaan Jaarso, Awdal Community iyo qaar kale oo badan, Haddii ay suurta gal noqon weydo arrinta aftida Jigjiga, waxay ku doodayaan in Magaalada Jigjiga noqoto sida Addis Ababa iyo Diridha magaalo ay u siman yihiin qoomiyadaha itoobiya, Magaalo madaxdana laga dhigo Goday ama Qabri Dahare.
Waxaa kale oo xog muhiim ah aan ka helay in arrintan ay ku jiraa masuuliyiin ka soo jeeda Jaarso iyo Awdal Community oo xilal muhiim ah ka haya dawlad degaanka soomaalida, Waxaa kale oo la adeegsanayaa Gudoomiyaha Degmada Tulli Guuleed kaasi oo la sheegayo in Oromo siisay kharash badan si mudadan ay socoto xadayntu uu u geeyo gudiga xadaynta qabaleeyada Jaaro oo keliya loona hareer mariyo qabaleeyada ******* degan yahay si loo khalkhal geliyo gudiga xadaynta. Waxaa intaa dheer gudoomiyaha degmada Tulli Guuleed in maalintiina uu joogo degmada habeenkiina uu tego ama u hoydo magaalada Jinacsani, Waxaa kale oo ilo xog ogaal ahi ay sheegayaan inuu cadaadis xooga saaray beesha ****** ee iska leh degmada Tulli Guuleed imikana kow ka yahay dhul boobka Oromada, Waxaa intaa dheer in Gudoomiyaha degmada Tulli Guuleed uu soo shaqo tegay hanta badan oo degmadu lahayd uu lunsaday guryana ka dhistay Diri Dhaba iyo Jabuuti, Waxaa Tusaale kuugu filan maalintii loo soo bedelay degmada siduu u ekaa iyo manta siduu u eg yahay.
Waxaan ku soo gunaanadayaa qoraalkayga in masuuliyiinta ismaamulka soomaalida oo uu ugu horeeyo Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Shacabka soomaaliyeed u yeeshaan fiiro gaara duulaankan ay iska kaashanayaan Oromo, Jaarso, Awdal Community iyo qaarkale oo damiir laawayaal ah, si wada jirana looga hor tego damaca iyo dhul boobka ay Oromo wado iyada oo ka faa’idaysanaysa shaadhka OPDO oo ka tirsan EPRDF.
Hadaba waxaa isweydiinleh hadaynu nahay somali mashruucan dakada lughaya oo ah damac xaaraan ah oo ay dabada ka wadaan rag damac fog fog lihi hawsheedana ay maamulayaan xasan daaheeye iyo raga lamidka ahi oo meel walba ka cadaystay in aanay somaliland aaminsanahayn aflagaado aan geed loogu soo gabado laheyna kula kacay beesha isaaq dadkiisuna sacabka ugu tumaan maalin iyo habeynba halyeyna u arkaan qaabka dumarnimada ah ee uga hadlay dhibkii baaxadalahaa ee umadan loogeystay, waxaa meesha iska cadina waxa weeye in dakadan loo isticmaali doono sababo qarankan lagu wiiqi doono, dawlada itoobiyana mucaaridkeedu hub kala soo dagi doonaan sida maqaalkan ku cad sidii dhacday wakhtigii uu taliyaha ka ahaa ninkii ku magacawnaa taliyihii ciidanka xeebaha somaliland, waxaa kaloo aynu ognahay mashruucan in ay isna dabada ka wadaan qolooyin ku hadaaqi jiray awdal state si ay dadkaan aqoon gobolka awdal u tisiyaan in ay kaligood dagan yihiin gobolka soomaliyana ku xodxotaan gobol baanu dagnaa kaligayo iyadoo cidwalibana ka dharagsan tahay in saylac ciise u badan yahay lughayana yahay dhul isaaq gaar ahaan sacad muuse dilana lawada dagan yahay hadiiba aan looga badneyn meesha kaliya ay gaarka u leeyihiina tahay tuuladayaree booramee xuduudka saaran
Wabilaahi Towfiiq