malistar2012

Nomad
  • Content Count

    2,754
  • Joined

  • Last visited

Posts posted by malistar2012


  1. SOMALIA

     

    stop the none sense The Defence minister busy doing his job .........holding talks with Kenyans real power house in kismayo

     

     

    SAM_0538-2.jpg

     

     

     

    ismaayo, March 25,2013—–Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa galabta booqday xerooyin ciidan oo ku yaala magaalada Kismaayo, waxaana kormeerkiisan ku wehliyay Sarkaalka ugu sareeya ciidanka Kenya ee qeybta ka ah AMISOM iyo sidoo kale saraakiisha ugu sareysa ciidanka Xoogga dalka ee Kismaayo ku sugan.

     

    Wasiirka ayaa ugu horeyntii booqday Xaruntii ciidamada ee Shiirkolo oo haatan saldhig u ah ciidamada X.D.S gaar ahaana qeybta labaad, waxaana halkaasi uu kula kulmay saraakiisha ugu sareysa ciidamada iyaga oo uga warbixiyay xaaladdaha nololeed ee ciidanka, waxayna si gaar ah uga warameen dayactir lagu sameeyey qeybo ka mid ah xaruntan.

     

    Wasiirka ayaa kormeeray ceelel dhowaantan laga qoday xerada iyo dhismayaal si kumeel gaar ah loogu diyaariyay in ay ku shaqeeyaan ciidamada, isaga oo sidoo kalena kormeeray madaxtooyadii hore ee Kismaayo halkaas oo iyadana ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa maamulka ee Kaambooniyiinta.

     

    Wasiirka oo markii uu soo gabagabeeyey kormeerka la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in kulamo kala duwan uu la qaatay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Kismaayo iyo kuwa ciidamada AMISOM, gaar ahaana kuwa Kenya, wuxuuna xusay inay ka wadahadleen arrimo khuseeya amniga iyo iskaashiga ciidan ee labada dhinac, wuxuuna xaqiijiyay in dhowaan uu magaalada Muqdisho soo booqan doono sarkaalka ugu sareeya ee ciidamada Kenya.

     

    Ugu dambeyntii wasiirka Gaashaandhiga Mudane Fiqi ayaa ammaanay ciidamada kala duwan ee ka howlgala magaalada Kismaayo iyo qeybaha kale ee gobolka wuxuuna si gaar ah ugu bogaadiyay kaalintii ay ka qaateen xoreynta gobolka J/hoose oo ay kula dagaalameen maleeshiyada nabadiidka ah ee Shabaab. isaga oo u balanqaaday ciidamada in si deg deg ah loogu bilaabi doono mushaarka.


  2. Let the federal Gov deal with state formation , this Government is displaying tremendous effort to restore somali nation . Things have to be done professionally in order to gain sustainable stability. I don't see what`s different between jubbaland and other regions like Hiiraan , baydhawa and etc where by the Federal Government nominated transitional admin. Those individuals or faction that are pursuing a clan dominated State are not helping Somalia but rather empowering their clan .


  3. Axad,24 Maarso, 2013(HOL):- Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaasina isugu jiray Wasiirro, XIldhibaanno, iyo Saraakiil ayaa maanta kasoo dagay garoonka caalamiga ah ee magaalada Kismaayo, iyadoona ay halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan maamul KMG ee magaalada Kismaayo.

    Wafdiga oo uu hogaaminayay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Mudane C/kariin xuseen guuleed, islamarkaasina ay qeyb ka ahaayeen wasiirka gaashaandhigga dowladda Soomaaliya Mudane C/xakiin Xaaji Fiqi, wasiir ku-xigeenka warfaafinta, Xildhibaanno iyo saraakiil kale ayaa markii ay soo gaareen garoonka Kismaayo waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay gudoomiyaha maamulka KMG ee Kismaayo Sheekh Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer), waxaana intaasi kadib wafdiga ay salaam sharaf ka gudoomeen cutubyo katirsan ciidamada dowladda oo halkaasi ku sugnaa.

     

    Wafdiga ayaa kulan ay saxaafadda dibad joog ka ahayd gudaha garoonka kula yeeshay masuuliyiinta maamulka KMG ee Kismaayo,iyadoona aan ilaa imika la garanayn waxyaalihii ay ka wada hadleen, haseyeeshee masuuliyiin katirsan maamulka Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegay in kulankaasi uu ahaa mid soo dhaweyn ah.

     

     

    Intaas kadib ayaa xubnihii wafdiga waxaa lagu qaaday gaadiid ay leeyihiin AMISOM, waxaana loo gelbiyay Hotel Tawakal oo ku yaal bartamaha magaalada, halkaasoo ay imika daganyihiin.

     

    Gudoomiye ku xigeenka Maamulka KMG ee Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer) oo warbaahinta kula hadlay gudaha Hotelka ayaa sheegay in ay soo dhaweeyeen wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo ka yimid Muqdisho, wuxuna intaa ku daray in maalinta berito ah ay filayaan in ay soo dhaweeyaan wafdi kale oo uu hogaamin doono Ra’isul wasaaraha Soomaaliya.

     

     

    Sidoo kale masuulkani ayaa ugu baaqay shacabka reer Kismaayo in ay ka qeybqaataan soo dhaweynta wafdiga Ra’isul wasaaraha ee la filayo in uu yimaado maalinta berito ah, isagoona intaa ku daray in wafdiga hada yimid uu hordhac u yahay wafdiga berito iman doona.

     

    Ammaanka magaalada ayaa maanta si weyn loo adkeeyay waxaana gabi ahaanba xirnaa dhaqdhaqaaqii bulshada, haduu ahaan lahaa, ganacsi, waxbarasho iyo guud ahaan isu socodkii dadka, iyadoona hareeraha wadooyinka ay gaafwareegayeen ciidamo aad u tiro badan oo dadka iyo gaadiidka ku amrayay in ay dhaqdhaqaaqa joojiyaan.

     

    Imaatinka wafdigan ayaa kusoo beegmaya xilli maalinimada berito ah la filayo in magaalada Kismaayo uu soo gaaro wafdi heer sare ah oo uu hogaamin doono ra’isul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).


  4. Wararka aan ka Heleyno Ilo Wareedyo ku Dhaw Xarunta Madaxtooyada Maamulka Soomaaliland ayaa tibaxaayo in Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu u duulay Isutagga Imaaraadka carabta kadib casuumaad uu ka helay boqorka dalkaasi.

    Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa waxa la Filayaa in Halkaasi Lagula kulan Siiyo Madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la Filaayo in Todobaadkaan uu u Duulo Dalka Isku taga Imaraadka Carabta waxaana la Sugayaa in kulansi Lagu xaliyo muranka ka taagan qabsoomida kulanka 7-da May ee sanadkaan oo Somaliland ay ku sheegaty mid aan iyada quseyn.

    Axmed Maxamed Maxamuud ayaa dhawaan mar uu kasoo laabtay safar uu ku tegay dalka Turkiga waxa uu garoonka diyaaradaha Barbara uu kula hadlayay Saxaafada uu daaha karogay in Somaliland aysan ka qeyb geli doonin kulanka London oo ay si wada jir ah u shir gudoominayaan madaweynaha Soomaaliya iyo R/wasaaraha Ingiriiska, go’aankaas oo muran ka dhex dhaliyay siyaasada Somaliland.

    Qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee maamulka Siilaanyo ayaa waxa ay go’aan qaldan ku tilmameen diidmada hogaanka maamulka Somaliland uu ku dhaqaaqay iyaga oo sheegay in ay ku habooneed in shacabka degaanada Somaliland wax laga weydiiyo sida ay u arkaan ka qeyb galka shirka.

    Imaaraadka carabta ayaa horay waxa ay marti qaad ay u sameeyeen kadib wadahadal uga fureen halkaasi madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shiekh Shariif Sheikh Axmed, iyo Siilaanyo, hogamiyaha Somaliland, iyada oo aan wali cid si rasmi ah ula socota aysan jirin waxyaabihii kasoo baxay kulankaasi.


  5. Wefti ka socda Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo Waddamada reer Yurub ee qaadhaan-bixiyeyaasha oo shalay booqasho shaqo ku yimi magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday inay Xafiiska siyaasadda u qaabbilsan Qaramada Midoobay ee la yidhaahdo UNPOS ee Hargeysa u fadhiyey inay albaabbada u laabayaan.

     

    Weftigan isku-jirka ah oo ujeeddada socdaalkooda Hargeysa ay shalay u yimaaddeen lagu sheegay mid la xidhiidha hawlaha ay Hay’adaha Qaramada Midoobay ka qabtaan Somaliland, ayaa xalay la kulmay Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo iyo Wasiirro Xukuumaddiisa ka tirsan, hase-yeeshee, kulanka ay Madaxweynaha la yeesheen wax war ah madaxtooyadu kamay soo saarin.

     

    Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay xubnaha Weftiga ka socda Qaramada Midoobay oo ka soo kicitimay xaruntooda New York ee dalka Maraykanka, ay Somaliland u yimaaddeen inay Xukuumadda ku wargeliyaan inay albaabbada u xidhanayaan Xafiiskoodii arrimaha siyaasadda ee UNPOS ee ay ku lahaayeen magaalada Hargeysa.

     

    Wasiirku sidoo kale, waxa uu sheegay inay waxyaabaha kale ee ay u socdeen Weftigu ay ka mid yihiin inay qiimayn ku sameeyaan sida ay Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Somaliland ka hawlgalaa u shaqeeyaan, waxyaabaha uga hirgelay qorsheyaashii sannadkii ay hore ay labada dhinac ku heshiiyeen, waxyaabaha ka qabyoobay, waxaa sababta u ah iyo qaabka loo dhaqaajin karo mashaariicda horumarineed ee sannadkan 2013-ka la isla qorsheeyey.

     

    Geesta kale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Mawliid Maxamed Ibraahin oo isaguna warbaahinta qaarkeed uga warramay ujeeddada Weftigaasi u yimaaddeen Somaliland, waxaa uu yiri; “Weftigani waxay ka kooban yihiin lix xubnood waxay ka soo kicitimeen xaruntooda dhexe ee New-york. Waxay u socdeen waxaa la baabiinayaa oo UN-ku wax ka beddel ku samaynayaan Xafiiska siyaasadda ee Qarammada Midoobay ku lahayd Hargeysa ee la yidhaahdo UNPOS oo uu Ergayga Qarramada Midoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya Augustina Mahiga xukumi jiray.”

     

    Weftigan, ayaa maanta-ba qayb ka mid ahi ka ambobaxeen magaalada Hargeysa, kuwaasoo la sheegay inay u kicitimeen dhinaca magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyaga oo shalay safarkooda ku soo maray magaalada Garawe ee xarunta maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, halkaasoo ay kulammo kula soo yeesheen masuuliyiinta maamulkaas intii aanay dhinaca magaalada Hargeysa ee Somaliland aanay imannin.

    Runta Lama Shakaalo Shakina Waa La Hubiyaa

    Shabakada Allcaasimada.com

    Nagala Soo Xariiri Email - Allcaasimada@gmail.com


  6. xaaji xunuf in any continent Siilaanyo will get same answer nothing different , its time accept reality . get your self buys sxb forming states . Everyone left Somaliland for xamar citizens and politician .

     

    Dr SIIFIR FORMER SOMALI MINISTER IN ABDULAHI YUSUF GOVERMENT WHO TOOK MAJOR ROLL IN SOMALI PEACE PROCESS AND RECONCILIATION IS NOW SOMALILAND AMBASSADOR TO KENYA WHAT A REWARD.

     

    THE POOR ELDER MINORITY GOT TWO YEARS ATTENDING CONFERENCE