malistar2012
Nomad-
Content Count
2,754 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by malistar2012
-
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay shirka ka socda Kismaayo ee lagu sameynayo maamulka Jubaland, isagoo sheegay in shirkaas uu yahay mid aanay dowladda federaalka taageersan tahay, balse aysan dowladdu diidanayn in dalka laga hirgeliyo maamullo federaali ah cid diiddan ama diidi kartana aysan jirin. “Dowladdu dhowr jeer ayay wafdiyo u dirtay Kismaayo kuwaasoo wadahadal la yeelatay dadka wada shirkaas, hase yeesheen waxaa jira arrin dastuuri ah oo aysan dowladdu ka horimaan karin. Maadaama waajibka dowladda uu yahay meel marinta nidaamka federaalka ah waxaan xoojinaynaa in dadka la siiyo awoodda oo ay dhistaan maamullo ay iyagu raalli ka yihiin, waase in la waafajiyo dastuurka,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Xasan Sheekh wuxuu sheegay in shirkaas uu ahaa mid ay dowladda Britain u qabtay Soomaaliya, balse shirkan uu yahay mid ay abaabuleeda leeyihiin UK iyo dowladda Soomaaliya si caalamku u caawiyo Soomaaliya. “Shirkan waxaa casuumaddiisa fidiyay aniga (Xasan Sheekh) iyo ra’iisul wasaaraha UK, waxaana horgeynaynaa qodobbo ay dowladdu dejisay oo ay ka mid yihiin lixda qodob ee dowladda saldhigga u ah iyo qodobobo kale oo ay ka mid yihiin; qorshayaasheenna amniga, cadaaladda, maareynta maaliyadda iyo aragtida siyaasadeed ee dalka oo dhan lagu hananayo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan. Sidoo kale, wuxuu sheegay in shirka ay horgeyn doonaan qorshe ku saabsan dhibaatooyinka loo geysto haweenka Soomaaliyeed oo uu ugu horreeyo kufsiga isagoo sheegay inuu rajeynayo in shirkaas ay kasoo baxaan qodobbo wax ku ool ah. Somali Gov is sticking to his plan and policy for stabilization ,,, Farole choke on that Cry from desert no one is listening - sub sub sub clan wants to dictate Federal Institution.
-
Khamiis, May 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad uu ka jeediyay kulan gaar ah oo uu baarlamaanka Soomaaliya maanta oo Khamiis ah; wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin, ammaanka iyo waddooyinka xiran, shirka maamul u sameynta Jubbooyinka iyo shirka London ee toddobaadka dambe furmaya. Kulanka baarlamaanka oo uu shir-guddoominayay ku xigeenka koowaad ee guddoomiyaha baarlamaanka, Jeylaani Nuur Iikar ayaa waxaas oo xaadiray 180-xildhibaan, kuwaasoo dhageystay khudbad soconaysay muddo saacad ka badan oo uu jeediyay madaxweyne Xasan Sheekh. Amniga iyo Waddooyinka Muqdisho ee xiran: “Magaalada Muqdisho waxaa ka socda howgallo ay lagu adkeynayo amniga, waan la soconnaa cabashooyinka dadka ka imaanaya iyo culeyska haysta, balse waxaa ka darnaan lahayd; laakiin dhibaatooyinka laga hortagay ayaa ka xanuun badnaan lahaa inay dhacaan,” ayuu madaxweynuhu ku sheegay hadal ku saabsan waddooyinka Muqdisho ee la xiray. Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in dad badan ay shaqooyinkooda ka xayirmeen ay haddana ka darnaan lahayd inay dhacaan qorshayaal badan oo la fashiliyay, kuwaasoo la doonayay in lagu dhibaateeyo dad aan waxba galabsan. “Xanuunkii maalin dhaweyd na-gaaray dartiis ma ogolaan karno inaan fursad kale bixinno, go’aanka lagu xiray waddooyinka ee lagu adkeynayo amnigana waa mid ay gaareen hay’adaha ammaanka aniguna aan ku raacay,” ayuu ku daray hadalkiisa madaxweynaha Soomaaliya. Isagoo sii hadlaya ayaa wuxuu yiri: “Waxaa la fashiliyay abaabul waaweyn oo la doonayay in dhiig badan lagu daadiyo, kuwo kalena waa lagu dabo-jiraa, shacabka waxaan u sheegayaan in xayiraddooda ay ka daran tahay in ay dhacaan qorshayaashii la maleegay, kuwaasoo ciidamada amniga uu Alle ku garabsiiyay inay fashiliyaan. Shirka ka socda Kismaayo: Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay shirka ka socda Kismaayo ee lagu sameynayo maamulka Jubaland, isagoo sheegay in shirkaas uu yahay mid aanay dowladda federaalka taageersan tahay, balse aysan dowladdu diidanayn in dalka laga hirgeliyo maamullo federaali ah cid diiddan ama diidi kartana aysan jirin. “Dowladdu dhowr jeer ayay wafdiyo u dirtay Kismaayo kuwaasoo wadahadal la yeelatay dadka wada shirkaas, hase yeesheen waxaa jira arrin dastuuri ah oo aysan dowladdu ka horimaan karin. Maadaama waajibka dowladda uu yahay meel marinta nidaamka federaalka ah waxaan xoojinaynaa in dadka la siiyo awoodda oo ay dhistaan maamullo ay iyagu raalli ka yihiin, waase in la waafajiyo dastuurka,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku daray in dowladdu ay marba suurogal u ahayn inay aqbasho go’aan hal dhinac ah, balse ay doonayso go’aan loo dhan yahay oo ay qayb ka yihiin hay’adaha dowladda iyo shacabka maamulka sameysanaya, wuxuuna hadalkiisa ku daray in dowladdu ay raalli ka tahay wixii ay shacabku doonayaan. Shirka lagu qabanayo London: Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbaddiisa sii wata ayaa wuxuu ka hadlay shirka London lagu qabanayo 07-da bishan May, isagoo sheegay in shirkaas uu yahay mid ka duwan shirkii horay loogu qabtay London bishii Febeaayo ee sannadkii hore ee 2012. Xasan Sheekh wuxuu sheegay in shirkaas uu ahaa mid ay dowladda Britain u qabtay Soomaaliya, balse shirkan uu yahay mid ay abaabuleeda leeyihiin UK iyo dowladda Soomaaliya si caalamku u caawiyo Soomaaliya. “Shirkan waxaa casuumaddiisa fidiyay aniga (Xasan Sheekh) iyo ra’iisul wasaaraha UK, waxaana horgeynaynaa qodobbo ay dowladdu dejisay oo ay ka mid yihiin lixda qodob ee dowladda saldhigga u ah iyo qodobobo kale oo ay ka mid yihiin; qorshayaasheenna amniga, cadaaladda, maareynta maaliyadda iyo aragtida siyaasadeed ee dalka oo dhan lagu hananayo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan. Sidoo kale, wuxuu sheegay in shirka ay horgeyn doonaan qorshe ku saabsan dhibaatooyinka loo geysto haweenka Soomaaliyeed oo uu ugu horreeyo kufsiga isagoo sheegay inuu rajeynayo in shirkaas ay kasoo baxaan qodobbo wax ku ool ah. Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda UK ay noqotay dowladdii ugu horreysay oo shir lagu caawinayo Soomaaliya ku qabato London 22-sano kaddib, iyadoo Soomaalida ogolaata inay hoggaanka shirka qabtaan, wuxuuna xusay in shirkaas ay barbar socon doonaan oo lagu xoojinayo shirkan. Xildhibaannadii kulanka kasoo qaybgalay ayaa si aad ah ugu riyaaqay sida uu madaxweynuhu faahfaahinta uga bixiyay dhamaan qodobbadii uu ka hadlay; iyadoo tani ay noqonayso markii labaad oo madaxweynuhu uu ka horjeediyo baarlamaanka howlaha dowladda u qasboomay iyo kuwa u dhiman tan iyo markii xilkan loo doortay sideed bilood ka hor. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliy
-
Madaxweynaha Somalia oo maanta booqday shirkad Kalluumeysi isagoo ka hadlay Kalluumeysiga Sharci-darrada ah (SAWIRRO) Arbaco, May 01, 2013 (HOL) — Madaxweyne Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo ku beegan maalinta shaqaalaha adduunka wuxuu booqday shirkad kaluumeysi oo xarunteedu tahay degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir, isagoo sheegay in kalluumeysigii sharci-darrada ahaa ee xeebaha Soomaaliya uu sii yaraanayo. Xasan Sheekh ayaa waxaa xartunta shirkadda kusoo dhaweeyay madaxda shirkadda, waxaana wasiirka la socday wasiirka khayraadka dalka, C/risaaq Cumar Maxamed; iyagoo warbixin ka dhageystay milkiilayaasha shirkadda iyo shaqaalaha qaarkood. Wasiirka kheyraadka dalka, C/risaaq Cumar oo goobta ka hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay dalallka shirkadan ay u iib-geyso kaluunka wuxuuna xusay in dhammaan dalalka dariska ah ay kalluunka geyso, isagoo ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed inay dalkooda khayraadka kala soo baxaan. Madaxweynha oo isaguna hadal ka jeediyay goobta ayaa tilmaamay in dadka Soomaliyeed ay taariikh u leeyihiin kalluunka muddo fogna ay kasoo saaran jireen badda; wuxuuna sidoo kale sheegay in bilowgii xoriyadda Soomaaliya ay lahayd shirkaddo waa-weyn oo ka shaqeeya kalluunka. Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan ayaa soo hadal-qaaday maraakiibta sida sharci-darrada ah uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya, isagoo xusay inay sii yaraanayaan, wuxuuna kuwa weli ku howlan uga digay inay fallakaas sii wadaan. Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay dadka loo shaqeeyo inay xaq-dhowraan xuquuqda shaqaalaha, ayna wanaajiyaan goobaha ay ku shaqeynayaan, wuxuuna ugu baaqay inay bixiyaan xuquuqda qofka u shaqeeya uu ku leeyahay. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo socdaal ku maraya qaar ka tirsan Gobolada Mareykanka Atlanta ee Georgia, West Virginia iyo North Carolinam ayaa khudbado ka jeediyay jaamacado, kaasoo ku baxeysay luqada Ingiriiska. isagoo sidoo kale kulamo la qaatay masuuliyiin ay ku jiraan qaar horay xilal uga soo qabtay dalka Mareykanka iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka uu tagay Sheekh Shariif ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Ambassador Charles R. Stith oo ah madaxa machadka African Presidential Center ee jaamacada Boston, William Twayigize oo ah President-in-Residence Attache oo ka mid ah shaqaalaha jaamacad Boston iyo Cumar Shariif oo ah kaaliyihiisa. Khudbaddiisii ugu horeysay ayuu mudane Shariif Sheekh Axmed ka jeediyay jaamacada Morehouse Collage oo ku taalo magaalada Atlanta, Georgia, Khudbadda oo afka Ingiriiska uu ku jeediyay cinwaankeeduna ahaa Soomaaliya iyo mustaqbalkeeda (Somalia and it’s future) wuxuu uga hadlay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray dalka Somaliya. Jaamacda taariikhiga ah ee Morehouse Collage ayaa lagu xasuustaa halgamaagii waynaa ee arimaha xuuqda insaanka gaar ahaan dadka madowgaa Mareykanka Martin Luther King. Shariif Sheekh Axmed ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiinta jaamcadda iyo madax hore oo ka tirsaneyd dowalda Mareekanka oo uu ka mid yahay Ambassador Andrew Young oo ahaa danijrihii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Mareykan xilligii madaxwayine Jimmy Carter, sidoo kale wuxuu ahaa duqa magaalada Atlanta 1982-1990. Sidoo kale madaxwaynihii hore ee dalka mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa khudbed ka jeediyay jaamacadda Elizabeth City State University(ECSU) oo ku taalla gobolka North Carolina, taas oo uu uga hadlay waxbrashada Afrika gaar ahaan waxbrashada Soomaliya, iyadoo jaamacaddu ay guddoonsiisay haddiyado kuna amaantay marxaladdii adkeyd ee uu kasoo saaray Soomaaliya, isla markaana ku guuleystay in uu dalkiisa ka saaro ku-meel gaarkii muddada dheer uu ku jiray iyo doorashadii dimoqoraadiga ahayd ee dalka Soomaaliya ka dhacday sanadkii hore. Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa la kulmay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka Boston iyo Atlanta, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa tusaale u noqday dimoqoraadiyadda qaaradda Afrika kaddib markii uu xilka degay sanadkii hore markii looga adkaaday doorashadii ka dhacday dalka Soomaaliya. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa bishii Janaayo ee sanadkan tagay dalka Mareykanka, isagoo jaamacadda Boston ka bilaabay kororsi waxbarasho, sidoo kale wuxuu cilmi-baaris ku sameynayaa arrimaha Ammaanka, Waxbarashada iyo dimoqoraadiyadda Soomaaliya.
-
CRY as much as you want Mogadishu moved on , its booming and the clan you hate are getting richer by the day . Faroole Crying from Growe does not effect The Progress Somalia is achieving . Fed Gov should deal with Puntland as to how somaliland deals with Pirate state isolation , while Somaliland Controls ***** land faroll should stop beating his chess he is a light weight .......
-
There is something rotten in the state of Puntland!
malistar2012 replied to NGONGE's topic in Politics
why is Puntlander attaching them self to Jubbaland , Do you even have any soldiers like whose wagon are you on,,,,, -
There is something rotten in the state of Puntland!
malistar2012 replied to NGONGE's topic in Politics
^I though Siyad Barre was a legitimate President , he was not protected by AMISON and was once one of the most powerful Presidents in Africa yet not only was he disagreed with and given the middle finger but he was also kicked out by few rag-tag armed militias. Whats Farole going to do attack the Federal Gov ...... farole Can even pass Galmudug lol , Somaliland army is 30 km away from Garowe ,,,, Farole has no influence other then Bossoso and Garowe give me a break -
There is something rotten in the state of Puntland!
malistar2012 replied to NGONGE's topic in Politics
Laakiin Puntland oo wadatay ajandayaal ka gooni ah kuwa dowladda Soomaaliya wadatay ayaa keenay in la isku mari waayay, waxaana ka mid ahaa in Puntland ay ka qeyb gasho shirka London iyo arrinta maamul u sameynta Jubooyinka ee shirka ka socda Kismaayo, ayna dowladdu ogolaato. iyadoo Madaxweynuhu ku adkeystay in ajandaha shirkaas uu yahay mid cad, isla markaana horay loo go’aamiyay. -
There is something rotten in the state of Puntland!
malistar2012 replied to NGONGE's topic in Politics
The constitution was presented to Jawaari on the seventh of September 2012 a full three days before Hassan Sheikh was elected. This would mean that Hassan Sheikh had nothing to do with any changes (if ANY) that took place and cannot be accused of being the architect of such decei Its not about the constitutions or what not .. its about Puntland Participating in London conference as equal as Fed Gov , President Hassan told Farole in Straight face NO NO Means NO ... Wada hadaladii albaabada ugu xirnaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa aaqirkii keenay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu diido in soo jeedinta Puntland oo ahaa in shirka London lagu daro, iyadoo Madaxweynuhu ku adkeystay in ajandaha shirkaas uu yahay mid cad, isla markaana horay loo go’aamiyay. -
Dhinaca ajendaha shirka London waxay Puntland soo jeedisey in wax lagu daro, halka ay dowladda Federaalku ku adkeysatay in ajendaha shirku uu yahay mid cad, islamarkaana horay loo go’aamiyey. This was the reason why Puntland is not attending , President advised Faroole nothing will be added to the conference , that the federal Gov represent Somalia and the interest of all the regions.
-
No one has time for Farol demands we know what he wants , his desire and nature. The president pleaded with them as a Somalinimo lets move on , they stuck with tribalism hatred , They can see man from Xamar as a president . President hasan should learn From Somaliland keep the pirates isolated , while somaliland still rules LA and are 30 km from Garowe ... Farole is still beating his chess ,,,,,,
-
Popular Contributors