malistar2012
Nomad-
Content Count
2,754 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by malistar2012
-
Sultan Faisal explains why he met with President Hassan of Somalia.
malistar2012 replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Isniin, May 13, 2013 (HOL) — Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Timo cad) ayaa gudoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ku eedeeyey inuu kulan hoose oo aanu awood u lahayn magaaladda Birmingham kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud. Wasiirka ayaa shacabka Somaliland usoo jeediyey inay isha ku hayaan siyaasiyinta ficilada wax u dhimaya qaranamdooda ku kacaya, sidaasna waxa uu ka sheegay mar uu maanta shirjaraa’id oo uu airntaasi kaga hadlayo ku qabtay magaaldda Hargeysa. “Sidaad la socotaan website-yadda waxaad ku arkayseen Faysal Cali Waraabe oo la cashaynayay madaxwaynaha Soomaaliya iyo Wasiirkiisa khaarajiga runtii arrintaasi layaab ayay Somaliland ku noqotay shacab iyo xukuumadba, mahadho ayay noqotay oo dadkii jahwareer ayay ku riday , waayo Faysal ma aha nin caadi ah waa gudoomiyihii xisbiga mucaaridka ee UCID waxa uu ka mid ahaa ergadii madaxaweynaha u raacday Turkiga ee wadahadalada aanu Soomaaliya la galaynay ayuu ka mid ahaa.”ayuu yidhi wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayey kulankii dhexmaray Gudoomiyaha xisbiga UCID iyo madaxweynaha Soomaaliya. Wasiirku wuxuu hadalkiisa ku daray: “Markaa dadkii isagoo taa og waxa wax lala yaabay noqotay inuu hadana halkan ka fudkudiyay, go’aan baa la soo wada qaatay shirkii London waynu diidnay inaynu ka qayb galno sababtuna waxay ahayd madaxaweynaha Soomaaliya ayaa shir gudoominayay go’aan baa la soo qaatay, Faysal go’ankaa wuu la soo qaatay ka mid buu ahaa cida go’aankaa qaadatey” “Anigu waxaan aaminsan nahay in Faysal xagaa (Soomaaliya) uu u socdo. Dadkuna way ********, dadka isagaa qaranimada dalka leh anagu (xukuumada) adeegayaal ayaanu u nahay in shacabku ka hadlo oo uu soo jeedo oo shacabku ka u xiiraya iyo ka hool-hoolaya kala ogaado waa lagama maarmaan”ayuu hadalkiisa raaciyey. Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirku in Faysal Cali Waraabe ilaa madaxweynihii hore Sheekh Shariif uu xidhiidh la samayn jiray, isla markaana illaa maxkamadihii ay wada xidhiidhi jireen “ markaa Faysal waligii daahir kamuu ahayn Soomaaliya oo illaa maxaakiimtii ayuu xidhiidh la lahaa taas ayaaba marag ma doon ah runtii,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu. Si kastaba ha ahaatee, Gudoomiyaha Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya isku arkeen hoteel ku yaala magaaladda Birmingham, haseyeeshee aanay wax badan wadda joogin ee ay salaan uun iskugu yimaadeen, isla markaana aanay wax xumaan ahi labadda dhinac dhex oolin ee la wada hadli karo. Haseyeeshee wasiirka warfaafinta ayaa u muuqday inuu eedeentan uga aargoosanayo dhaliilaha badan ee uu gudoomiyaha xisbiga ucid usoo jeediyo xukuumadda, isla markaana shacabka u tusayo inuu khalad ka galay shacabka Somaliland. Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online barkhadladiif@hiiraan.com Hargeysa, Somaliland -
What did we tell you? Did I not say Faroole knows better!
malistar2012 replied to Waranle_Warrior's topic in Politics
President hassan , PM Shirdon and Sp Jawari are tide and close friends -
What did we tell you? Did I not say Faroole knows better!
malistar2012 replied to Waranle_Warrior's topic in Politics
Wake up boy and face the reality waryaa. Faroole wouldn't warn of this action if he's orchestrating the mission nor will he make a press release that will backfire on him because Shirdoon can go out too in less than 10 minutes and make another press release refusing the Faroole's allegation saying nothing is being planned against him. Faroole has strong ties and links to what's happening in Mogadishu and particularly has active communications with the Prime minister. bla bla bla , Shirdon is not going anywhere , some team let by the looser Ali Khalif Galyer the homeless back by Farole and Sharif sakin -
Kulan looga hadlayay sidii dalkooda dib loogu soo celin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen ayaa waxaa magaalada Cadan ku yeeshay Qunsulka Guud ee Magaalada Cadan iyo Gudiga Xerada Al-Kharaz ee dalkaasi Yemen. Qunsulka guud ee magaalada Cadan Axmed Cabdi Xasan Axmed Suudaani ayaa ujeedada kulankaasi ku sheegay kala warqaadasho iyo sidii dib loogu celin lahaa qaxootiga Soomaalida ee ku sugan dalkaasi, maadaama ay soo hagaageyso xaalada dalkeena Soomaaliya. Qunsulka ayaa Radio Muqdisho u sheegay in intii uu socday kulankaasi uu gudiga waxrbixin ka siiyay xaalada dalka iyo isbedelada ka dhacaya iyo waliba rajada wanaagsan ee kasoo bidhaameysa dalka. Sidoo kale Qunsulka ayaa intaa ku daray in dowlada Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii dib loogu celin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xerada Alkharaj, isagoo xusay iney gudiga isla meel dhigeen in la bilaabo tirakoobka dadka doonaya iney dib ugu laabtaan dalkooda. Soomaali farabadan oo ka cararay dhibaatooyinki soo maray dalkeena ayaa qaxooti ku ah dalka Yemen, kuwaas oo ay heysato duruufo dhibaca nolosha ah waxeyna ku taamayeen iney mar uun arkaan dalkeeno ay ka dhalay dowlad wax ka qabata dhibaatadii dalka ka jirtay.
-
What did we tell you? Did I not say Faroole knows better!
malistar2012 replied to Waranle_Warrior's topic in Politics
But my question to you is, who wants the removal of the President? Farole and Sharif Sakiin but they wont succeed , i guess it wont even pass Jawari -
Arrinta muhiimka ah waxa weeyaan, inaan soo celineyno heykalkii ay laheyd diyaaradii Somali Airline, oo hada mas’uul cusub loo magacaabay, waxaa wadnaa qorshayaal aan dib ugu howl gelineyno, waaxyaheeda dib loogu dhisayo”ayuu yiri C/llaahi Ciilmooge Xirsi. Dhinaca kale Wasiirka ayaa faah faahin ka bixiyay sida ay ku timid guusha dib loogu howl geliyay Boostadii dalka, oo aanay shaqeyn mudadii dalku bur burka ku jitay, isagoo tilmaamay in dhowaan dib loo bilaabayo adeegyadii boostada, waxaana uu xusay in dhowaan shir ka dhacay dalka Switzerland ay ku guuleysteen in Soomaaliya dib uga bilaabato adeegii boostada. This dude deserves medal ,
-
Isniin, May 13, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah loogu wareejiyay maamulka hawada Soomaaliya iyo qaadista canshuuraha diyaaradaha maraya hawada Soomaaliya, kaddib 22-sano oo xafiiskan ay maamulaysay Qaramada Midoobay. Wasiirka warfaafinta, isgaarsiinta iyo gaadiidka Soomaaliya, Cabduulaahi Ciilmooge Xirsi ayaa warbaahinta ugu sheegay gudaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho inuu socdo kulankii ay Soomaaliya kula wareegaysay howshan. “Maamulka hawada Soomaalida iyo canshuuraha diyaaradaha ku safara hawada Soomaaliya waxaa muddo 20-sano ka hor lagu wareejiyay hay’ad ay maamusho Qaramada Midoobay oo saldhiggeedu ahaa Nairobi, maatana waxaa lagu soo wareejiyay dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka oo sheegay inuu socdo shir looga hadlayo arrintaas. Ciilmooge wuxuu hadalkiisa ku daray in tani ay qayb ka tahay dadaallada ay ku doonayso xukuumadda Soomaaliya inay dib u soo celiso hantida Somalia iyo xiriirrada kala dhexeeya caalamka. Inkastoo weli uu shirku socdo ayuu wasiirku sheegay in tallaabadan ay tahay mid ay hirgelinteeda muddo dheer ku howlanayd wasaaraddiisa, maatanta ay noqotay markii ugu horreysay oo Soomaaliya ay si rasmi ah ula wareegto howshan. Dowladda Mareykanka ayaa sannadkan horraantiisa aqoonsatay dowladda Soomaaliya oo ah dowladdii ugu horreysay oo Soomaaliya ay yeelato muddo 22-sano ah kaddib, waxaana dowladdu ay ku guuleysatay inay xoojiso xiriirka ay Soomaaliya ay caalamku leeyihiin. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Xukuumada Soomaaliya ayaa shaacisay inay dhowaan dib u howl gelineyso Diyaaradii Somali Airlines 20-sano kadib, si ay qeyb uga noqoto shirkadaha diyaaradaha caalamka ee duulimaayada caalamiga dalal badan. Wasiirka Warfaafinta Boostada, Isgaarsiinta iyo Gaadiidka C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay inay wadaan qorshayaal ay dib ugu howl gelinayaan Shirkada Somali Airline, isla markaana ay dib u soo celiyaan adeegyadii kala duwanaa ee ay dowladda Soomaaliya shacabka u heysay. “Arrinta muhiimka ah waxa weeyaan, inaan soo celineyno heykalkii ay laheyd diyaaradii Somali Airline, oo hada mas’uul cusub loo magacaabay, waxaa wadnaa qorshayaal aan dib ugu howl gelineyno, waaxyaheeda dib loogu dhisayo”ayuu yiri C/llaahi Ciilmooge Xirsi. Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in ugu horeyn ay kala tashanayaan arrintaas shaqaalihii hore ee Somali Airline, oo isugu jira duuliyeyaashi iyo dadkii ka soo shaqeeyay, si loo bilaabo in howlaha diyaarada ay u heysay shacabka. Diyaarada Somali Airline ayaa duulimaadyo caalami ah ku tagi jirtay Caasimado badan oo ku yaala caalamka. Dhinaca kale Wasiirka ayaa faah faahin ka bixiyay sida ay ku timid guusha dib loogu howl geliyay Boostadii dalka, oo aanay shaqeyn mudadii dalku bur burka ku jitay, isagoo tilmaamay in dhowaan dib loo bilaabayo adeegyadii boostada, waxaana uu xusay in dhowaan shir ka dhacay dalka Switzerland ay ku guuleysteen in Soomaaliya dib uga bilaabato adeegii boostada. Si kastaba ha ahaatee adeegyadan aas aasiga u ah bulshada Soomaaliyed ayaa hadii ay taaba gal noqdaan waxaa meesha ka baxaya, baahidii shacabka u qabeen duulimaadyada caalamiga oo ay diyaarado dalal kale laga leeyahay ay ku dhoofi jireen, waxaana hadii ay soo laabato diyaarada Somali Airline ay noqoneysa guul u soo hoyatay Soomaaliya.
-
Xukuumada Somaliland ayaa ku eedeysay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Feysal Cali Waraabe inuu ogolaansho la’aan uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud mar ay isku arkeen magaalada Birmingham ee dalka Britain xaflad ka socotay. Wasiirka Warfaafinta Somaliland Abiib Diiriye Nuur ayaa sheegay in arrintaas wax lala yaabo ay aheyd, isla markaana ay aad uga xumaadeen. “Arrin aad iyo aad u liqi weynay oo aan qaadan weynay aheyd, Feysal Cali Waraabe oo ka mid ahaa gudigii Somaliland u matalayay wada hadalada inuu la shiray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibada waana arrin fajaciso nagu noqotay”ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Somaliland. Wasiirka Warfaafinta ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in arrinta uu sameeyay Feysal Cali Waraabe ay aheyd mid uu qof walba oo reer Somaliland ka xumaado, isagoo cadeeyay in horay mowqif cad isaga taageen shirkii London. “Feysal oo aan ogolaansho heysan oo aan xukuumada ka tirsaneyn, isagoo xisbi mucaarad ah inuu u duso oo uu u tago waa arrin fool xun”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da. Dhinaca kale Feysal Cali Waraabe oo ku sugan magaalada London ayaa ka jawaabay eedeynta uu u soo jeediyay Wasiirka Warfaafinta Somaliland, isagoo tilmaamay inuu salaamay kaliya oo aanay wax kulan dhex marin. “Waa isa salaanay, labo xafladood oo isku dhow baa Birmingham ku laheyn mid ay wadeen Xisbiga UCID iyo Jaaliyada Soomaaliyed halkaas, waa dad saaxibtinimo naga dhaxeysa colaad ma jirto Salaantuna wax shuruud ma lahan”ayuu yiri Feysal Cali Waraabe. Feysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale sheegay in xilligii loo dabaal degayay afka Soomaaliya ay Jabuuti isku salaameen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland, isla markaana aanay wax dhibaato ku jirto aanay aheyn hadii la isa salaamo. Warbaahinta qaar ayaa siyaabo kala duwan u fasirayay kulanka dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya oo ay wehlisay Wasiirkiisa Arrimaha Dibada Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka soo jeeda Somaliland iyo Feysal Cali Waraabe, iyadoo uu horay Feysal ula kulmay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
-
What did we tell you? Did I not say Faroole knows better!
malistar2012 replied to Waranle_Warrior's topic in Politics
lol at this thread No one is touching PM shirdoon , Faroole and Shariff zakiin are wasting their time . Pm Shirdon and the President are good friends and see everything clearly -
Waar yaa ilaahay yaqaan, ciyaalkan yaryarka yaa kusoo daayay SOL. Adeer my point was very simple. While the people in Kismaayo's houses are occupied in Mogadishu and the capital is excursively gang-controlled by one clan, the President's clan, how much of a right will Mogadishu has or demand to control Kismayo? who are the people of Kismayo SH. Madoba and Gandi lol milities what are you smoking adeer ?
-
~As for this incident I think its right to do it and put a question mark on Mogadishu's almost 'for granted' right to visit Kismayo at will while millions of the peoples in Kismayo, Gedo, Puntland and the larger community's houses in Mogadishu are occupied. The right to visit Kismayo should be earned and not be for granted. its 2013 don't take as back to the old days , Your insignificant when comes to power and influence , Tell Madoba to Learn from Morgan This is jubbaland thing is joke , why barricade the city , close the airport ......
-
Ofcourse they control large segments of Somalia now , but still it means little with out the African union troops they are still under the supervision of the African union troops. The SFG does not control Puntland it does not control large parts of the gedo region it doesn't control the lower juba middle juba its still in conflict with alshabaab in the bakool region and does not fully control that region.It doesn't control he Galmudug region. Even though in Mogadishu they control the entire city with the help of the AU troops , still alshabab manages to carry out attacks inside the city. No one is buying this story , Somalia is in turmoil we are democratic SNM rebels , we want to break the section and regions we control due to the lack of instability in South and Etc . Somalinimo still strong
-
The Mogadishu flights, which target the growing Somali business legion across the region and diaspora, will start in July. Air Uganda will also launch a flight service to Kilimanjaro later this month from its Entebbe hub. Next will be British Airways
-
Popular Contributors