malistar2012

Nomad
  • Content Count

    2,754
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by malistar2012

  1. Madaxweynaha oo maanta xariga ka jaray Iskuul cusub oo ay hay’adda IHH ee Turkiga iyo hay’adda ZamZam wada hirgeliyeen kaas oo u noqonay hoy 400 agoon Soomaaliyeed ah isla markaana ay wax ku baran karaan 1500 arday Soomaaliyeed, ayaa u mahadceliyey dowladda Turkiga, hay’addaha IHH iyo Zamzam kana codsaday ganacsatada, qurbojoogta iyo shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan dowladda si shacabka loo gaarsiiyo adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka iyo dhammaan adeegyada bulshada, Madaxweynahu waxuu yiri “ Carruurteenu waa mustaqbalka dalka waana inaan u wada istaagnaa oo aan ka wada shaqeynaa sidii waxbarasha ay u heli lahaayeen dhammaan carruurta Soomaaliyeed.”
  2. Xarunta Waxbarashada ee Anadol ayaa maanta si rasmi ah looga furay magaalada Muqdisho, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xariga ka jaray Xaruntan waxbarashada. Dhismaha xaruntan waxbarashada oo soo socday muddo sanad iyo bar ah ayaa waxaa iska kaashaday Hey'adda Zamzam Foundation iyo Hey'adda IHH ee dalka Turkiga oo muddo 15-sano la laheyd wada shaqeyn. Xaruntan Waxbarashada Anadol ayaa waxaa wax ku baranaya afar boqol oo agoon ah oo jiifaneysa iyo ilaa kun arday, iyadoo dhamaan adeegyada aas aasiga ah ay u dhameystiran yihiin sida Masaajid, meelo caruurta ku ciyaaraan iyo qeybo jiif ah oo ardayda agoonta loogu tala galay. Munaasabada ayaa waxaa ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo soo dhoweeyay tallaabadan, waxaana uu ku amaanay hey'adaha iska kaashaday dhismaha xaruntan inay qeyb ka qaadanayaan xanaaneynta Agoonta iyo waxbarashadooda. Madaxa Zamzam Foundation Shuceyb Abdalla Dhiif ayaa isna sheegay in Hey'adda Zamzam ay Soomaaliya ka shaqeyneysay tan iyo 1992-dii, isla markaana ay ka qeyb qaadaneysa howlaha sama falka, sida dhismaha goobaha waxbarashada, gar gaarka bani'aadanimada iyo caafimaadka. Ugu dambeyn Xaruntan Waxbarashada Anadol oo ku taal duleedka degmada Wadajir ayaa noqoneysa qeyb ka noqoneysa howlaha mashaariicda ay Turkiga ka hirgelineyso magaalada Muqdisho iyo Soomaaliya, kuwaasoo isugu jira goobaha waxbarashada, caafimaadka iyo kuwa kale.
  3. . Cali khaliif Galey is becoming a obstacle , at time when Somalia is in a fragile state ,. Cali khaliif Galey is promoting division and is playing with clan card to gain his interest , as on elder man who was part of the Kacaanka he should demonstrate dawladnimo and Somalinimo with his talent. . Cali khaliif Galey should frame from anything that can jeopardize the FG or Cause Division
  4. He is on opportunistic and clannish , Dawladiid who is nothing but a trouble ..... he is becoming a obstacle to the FG
  5. Cali khaliif Galey should be expelled from the parliament , zero tolerance for dawladiid elements in the FG. We need united Government in these difficult time's . Cali khaliif Galey is promoting a clan agenda that's not acceptable .
  6. Xildhibaanadii Baarlaamanka hor keenay mowshinka ka dhanka ah xukuumada Somalia ayaa maanta shaaca qaaday in ciidamo ka tirsan nabad sugida ay ka hor joogsadeen kulan qado ah oo ay ku lahaayeen Hotel ku yaala magaalada Muqdisho. Xildhibaanadan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta golaha shacabka Qaranka ee magaalada Muqdisho ayaa arintaas cambaareeyey iyagoo ku tilmaamay mid sharci daro ah oo ka dhan ah galaangalka ay u leeyihiin iney yeeshaan kulamo iyaga u gaar ah. T“Hotelka City Plaza ayaan ka dalbanay inuu noo diyaariyo qado ay ka qeyb galayaan 110 xildhibaan oo halkaas ku yeelan lahaa kulan ay uga hadlayaan danaha ummada, markii duhurkii la gaaray intaanan gaarin hotelka ka hor ayaa mamulka hotelka waxaa uu nagu soo wargeliyey in ciidamo ka tirsan nabad sugida ay yimaadeen ayna amar ku bixiyeen inaan kulankaas la qaban Karin” sidaa waxa yiri xildhibaan Cali khaliif Galeyr oo ka mid ah xildhibaanadii ka qeyb geli lahaa kulankaas qadada ah horeyna RW uga soo noqday xukuumadihii KMG ahaa ee dalka soo maray. Xildhibaan Cumar Islow oo isna shirkaas jaraa’id ka hadlay ayaa sheegay in talaabadan ay qaadeen ciidamada nabad sugida ay ka hor imaneyso dastuurka dalka oo dhigaya in xildhibaanadu ay ku kulmi karaan meeshii ay doonaan aysana jirin cid is hor taagi karta wuxuuna ugu baaqay madaxda dowlada iney arintan jawaab deg deg ah ka bixiyaan haddii kale u arki doonaan iney iyagu ka dambeeyaan waxa lagu sameeyey. Ma jiro illaa hadda war jawaab u ah eedeeymahan oo ka soo baxay laamaha amaanka iyo saraakiisha dowlada Somalia, iyadoo wasiirka arrimaha gudaha oo wax laga weydiiyeyna uu ka gaabsaday inuu ka hadlo. .
  7. Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aden ayaa VOA u sheegay in AMISOM mowqifkoodu yahay inay taageerto hadba aragtida siyaasadeed ee dowladda federaalka ka qaadato arrimaha Somalia. More sad News for the Kenyan stooges;)
  8. iidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa ka hadlay mowqifkooda ku aadan maamullada iska soo horjeeda ee laga dhisay Kismaayo. Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aden ayaa VOA u sheegay in AMISOM mowqifkoodu yahay inay taageerto hadba aragtida siyaasadeed ee dowladda federaalka ka qaadato arrimaha Somalia. Afhayeenka AMISOM, wuxuu kaloo sheegay inay si dhow isha ugu hayaan arrimaha ka taagan Kismaayo oo haddii ay dhacdo in dhibaato halkaasi ka dhalato ay ciidanka AMISOM diyaar u yihiin inay dhex-gasho si khilifaaka loo joojiyo. Falastin Axmed Iman ayaa Afhayeenku uga warramay aragtida AMISOM ee ku aadan Kismaayo. Jawaabta Korneylka halkan hoose ka dhageyso. Wareysiga Col. Cali Aadan Xaamud
  9. Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa ka hadlay mowqifkooda ku aadan maamullada iska soo horjeeda ee laga dhisay Kismaayo. Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aden ayaa VOA u sheegay in AMISOM mowqifkoodu yahay inay taageerto hadba aragtida siyaasadeed ee dowladda federaalka ka qaadato arrimaha Somalia. Afhayeenka AMISOM, wuxuu kaloo sheegay inay si dhow isha ugu hayaan arrimaha ka taagan Kismaayo oo haddii ay dhacdo in dhibaato halkaasi ka dhalato ay ciidanka AMISOM diyaar u yihiin inay dhex-gasho si khilifaaka loo joojiyo. Falastin Axmed Iman ayaa Afhayeenku uga warramay aragtida AMISOM ee ku aadan Kismaayo. Jawaabta Korneylka halkan hoose ka dhageyso.
  10. Barre Hiiraale out muscle you guys accept fact , This Somalia is not Garisa KDF are not going get them self involved in clan feud . It took guys decade in Narobi hotels for what , don't wast time money if the Men power is not available
  11. xiin lets face the fact give credit where credit is due , Barre did what these failed Politicians couldn't do in 5 years in one day -Sheikh Axmed Madoobe Pro. Gaandi -Sheikh Maxamed -Awlibaan-.- C/raxmaan Faroole and abdirashid shermarke " frameborder="0" allowfullscreen> This clearly shows Barre enjoys more support and power then any candidate in Jubbaland
  12. xiinfaniin ,Waranle_Warrio , Apophis and rest Dawladiid Stop creating imaginary beef between Jubbaland and Mogadishu , the above politicians are all D Block ...
  13. Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose waxaa kataagn Xiligan xiisad siyaasadeed ee abuurayaan dhinacyo kala duwan oo dano gaar ah ka leh Gobolada Jubooyinka gaar ahaan Magaalada Kismaayo. Foodooyinka iyo Khalalaasaha Siyaasadeed ee ka taagan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa waxaa loo aaneynaaya inay Hurinayaan Shaqsiyaad isugu jira Siyaasiyiin iyo Waxgarad oo har iyo habeen u taagan Ololinta Xaaladaha Ammaan iyo Xasiloonida ka taagan Kismaayo kuwaasi oo kala ah:- Aqriso Magacyada Shaqsiyaadka loo aqoonsaday Qaswadayaasha Kismaayo 1-Sheikh Axmed Madoobe 2-Pro. Gaandi 3-Sheikh Maxamed -Awlibaan 4-Gen. Cali Xasan Looyaan (Cali Madoobe). 5- C/raxmaan Faroole 6- Barre Hiiraale 7- Axmed Faraax Ducaale 8- Cumar Abdirashiid Cali Sharmarke 9- C/qani Cabdi Jaamac 10- Cumar Buraale Axmed 11- C/naasir Seeraar 12-Nabadoon C/nuur Maxamed 13- Cabdi Naasir Guure 14- Nabadoon Cabdi Qeyr Xaaji Ismaaciil 15- Sheikh Shakuul Magacyadda kor ku xusan ayaa waxaa loo aqoonsanayaa inay yihiin kuwa ay ka degi la’dahay xaaladda iyo Saxiloonida Magaallada Kismaayo.
  14. D Day For IGAD Today , Will IGAD Respect the wishes of the SFG ? Will IGAD respect Sovereignty of the SFG to carry their to duty governor The country? Not the devil jen Gabre
  15. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa kulan la qaatay wafdi ka socday urur goboleedka IGAD, kuwaasoo booqashadooda ay la xiriirto qiimenta arrimaha Jubooyinka. Kulankan oo ahaa mid albaabada u xirnaa, saxaafadana ay dibad joog ka aheyd ayaa waxaa looga hadlayay arrimaha Jubooyinka, gaar ahaan doorashadii ka dhacday Kismaayo ee loogu doortay Labada Madaxweyne. Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayay Maxbuub Macalin oo xoghayaha guud ee IGAD, Jen Gabre oo ahaa Taliyihii Ciidamadii Itoobiya ee Soomaaliya soo galay sanadkii 2006-dii, balse ah Ergeyga Itoobiya ee IGAD, Safiirada dalalka ku bahoobay IGAD oo uu ku jiro Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya. Booqashada wafdigan ayaa horay lagu go'aamiyay shirkii Madaxweynayaasha IGADF ee dhacay 3-dii Marso, waxaana u jeedka waftigaan uu yahay sidii ay war bixin uga diyaarin lahaayeen arrimaha gobolada Jubooyinka, iyagoo horgeyn doona waxyaabaha ay kala soo kulmaan shir madaxeedka IGAD ee dhamaadka bishan ka dhacaya Addis Ababa. Ugu horayntii Eng. Maxbuub Macalin ayaa ka warbixiyey u jeedka socdaalkooda ay ku yimaadeen magaalda Muqdisho. "Sidaan la socono Soomaaliya waxay xubin muhiim ah ka tahay IGAD, waxaana loo asaasay ururkan arrimaha horumarka dalalka ku bahobay dalada IGAD, imaatinkayguna wuxuu jawaab u yahay dalabkii madaxweynayaasha IGAD ee shirkoodii aan caadiga ahayn ee ay ku yeesheen magaalda Adis-Ababa horaanta bishaan. Ilaa iyo intii aan soo gaarnay Muqdisho waxaan kulamo la yeelanay bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaase muhiimad gaar ah noo leh kulankaan aan la qaadanayno Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda FS" ayuu yiri Eng, Maxbuub. Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta oo qayb ka ahaa kulankii maanta ayaa sheegay in ay dowladu u gudbisay gudiga ka socda wadamada IGAD mowqifkeeda ku aadan xasilinta dalka iyo maamul u samaynta gobolada, dowladuna ku salaynayso qorshaheeda war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii 21-aad ee ay isugu yimimaadeen madaxweynayaasha urur gobleedka IGAD oo ka dhacay magaalada Adis-Abab 3-da May. Ugu danbayn shirkan ayaa waxaa ku soo dhamaaday jawi wanaagsan iyadoo xubnaha ka socday ururka IGAD ay sheegeen inay markasta diyaar u yihiin inay tixgalinayaan dastuurka dalka ayna ilaalinayaan midnimada Soomaaliya.
  16. Apophis Created by the Federal Government or local initiative like Jubbaland? SFG is not biased when comes state building , FG goal is implement the 6 pillar and get firm grip on the country
  17. Maamul Goboleedka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar waxaa uu sheegay inay iminka ay socdaan kulamo ay la yeelanayaan maamulada kala duwan ee ka jira Gobolada dhexe ee dalka kaasi oo ay kaga hadlayaan sidii gobolada dhexe loo midey lahaa isagoo sheegay in arintaasina ay meel wanaagsan mareyso This is part of the plan , This includes Galmudug
  18. Due to the success of the Somali FG Qurbajoogta Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabaneysa oo sii kordhaya Published on May 17, 2013 by Mowliid · No Comments · 2,136 views Waxaa si aad ah u sii kordhaya mudooyinka dambe dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa ee dib ugu soo laabanaya dalkooda hooyo si ay uga qeybqaataan horumarada nabadeed ee ka soconaya wadanka. Gudoomiyaha ururka haweenka jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka UK Kutubeey Cali Maxamed oo iyadoo ku sugan dalka Ingiriiska qadka Telefoonka uga waramaysay Radio Muqdisho ayaa ka hadashay xowliga ay ku socdaan dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka caalamka ee bilaabay in dalkooda ay dib ugu soo laabtaan. Kutubey Cali Maxamed ayaa sheegtay in dadka Soomaaliyeed oo mudada burburka uu ku jiray dalka Soomaaliya ku kala sugnaa dalal caalamka ka tirsan haatan ay bilaabeen in ay kusoo laabtaan dalkooda hooyo si ay uga qeyb qaataan dib udhiska dalka iyo in ay doorkooda ka caayaraan sidii Soomaaliya ay dib ugu soo noqon laheyd kaalintii ay kaga jirtay wadamada caalamka. Gudiimiyaha ururka haweenka Soomaaliyeed ee dalka Britian Kutubey Cali Maxamed ayaa tilmaamtay in 70% dadka Soomaliyed ee dibada ku sugan siyabo kala duwan ay ugu soo laabayaan sida in ay dalkooda hooyo maalgashi ku sameeystaan. Ugu dambeyn Kutubey Cali Maxamed gudoomiyaha ururka hawenka Soomaaliyeed ee dalka UK ayaa sheegtay in gabdhaha Soomaaliyeed markii horeba ay kaalin weyn kaga jireen dib u dhiska dalka, iyadoo ugu baaqday in halkooda kasii wadaan dadaalka ay wadaan. Arintan ayaa imaanaysa xili dib u dhis aad u xoogan uu ka soconayo dalka Soomaaliya taasi oo sabab u ah horumarada ay ku talaabsanayso dowladda Soomaaliyeed sida horumarka dhinaca amniga, dib udhiska dalka, soo celinta qeybihii kala duwnaa ee adeegyada bulshada iyo qorshayaal kale oo madaxda Qaranka ay doonaayaan in karamadii umada soomaaliyeed ay soo celiyaan.
  19. Maamul Goboleedka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar waxaa uu sheegay inay iminka ay socdaan kulamo ay la yeelanayaan maamulada kala duwan ee ka jira Gobolada dhexe ee dalka kaasi oo ay kaga hadlayaan sidii gobolada dhexe loo midey lahaa isagoo sheegay in arintaasina ay meel wanaagsan mareyso
  20. Galmudug like Puntland was created before his time , Galmudug was part of stakeholders who help end the Transition?
  21. Presiden Plans for the country are unfolding sxb , FG are making huge progress , with the next couple month president will be in full control of south ...... Stop clannish attack on the President , SFG is consist of every clan in Somalia , Power sharing is fair and balanced. Dawladiid era is over
  22. Admins who are alligned with the government in Bay, Bakool, Gedo, Hiiraan, Lower Shabeelle, Middle Shabeelle, Banadir and soon Galgaduud and Galmudug . All in 8 months! I guess Somali FG controls must land in Somalia?
  23. 8 months have passed and this govt is surprising us every month. recognition Naturalization Lifting the arms embargo MSF recognition UN mission Plans to increase ground military and police forces(london conference) National stabilization plan Controlling the national resources Controlling the somali airpace I have said before hassan sheekh as an engineer he does the things at once and that we are all in an unfinished building but are unaware. This region had been the defecto line of ahlusunna control but they got merged in the govt and the regular army and now the govt troops have taken full control in there with this deployment. This is also a geart strategic plan controlling the highway linking galgaduud to hiiraan and jowhar. When the govt says its a part of policy in taking over the whole country at the end of the link this means they will apply to all regions !! Today they took over galgaduud from ahlu Sunna Milities , Good news
  24. Slow down xaaji Maamul Goboleedka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar waxaa uu sheegay inay iminka ay socdaan kulamo ay la yeelanayaan maamulada kala duwan ee ka jira Gobolada dhexe ee dalka kaasi oo ay kaga hadlayaan sidii gobolada dhexe loo midey lahaa isagoo sheegay in arintaasina ay meel wanaagsan mareyso