malistar2012

Nomad
  • Content Count

    2,754
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by malistar2012

  1. “Aniga waxaan ka mid ahay baarlamaanka waxaana ku talinayaa in la keeno baarlamaanka mooshin looga dalbanayo dowladda inay Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ka dalbato in ciidamada Kenya laga bedelo halkan oo la keeno ciidammo kale oo u hoggaansamaya heshiiska ay AMISOM dalka ku joogto oo dhexdhexaad ah,” ayuu xildhibaanku hadalkiisa raaciyay isagoo ku sugan magaalada Kismaayo. about time
  2. Xildhibaan Cabdiraxaan Xoosh oo sheegay in ay jirto Wada-shaqeyn la’aan u dhexeysa iyaga iyo Ciidamada Kenya Jimco, May 24, 2013 (HOL) — Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ah wafdi ay xukuumadda Soomaaliya u dirtay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose si ay xal uga gaaraan khilaaf ku saabsan maamulka Jubaland oo u dhexeeya dowladda iyo maamulkaas ayaa sheegay inay jirto wadashaqeyn la’aan u dhexeysa iyaga iyo ciidamad ka socda Kenya ee qaybta ka ah AMISOM. Mudanaha oo u warramayay BBC-da ayaa sidoo kale sheegay inuu jiro xiriir gacan-saddexaad ah oo u dhexeeya iyaga iyo Sheekh Axmed Madoobe oo loo doortay dhawaan inuu noqdo madaxweynaha maamulka Jubaland oo ay dowladdu sheegtay inuusan waafaqsanayn dastuurka dalka. “Ciidamada AMISOM ee Kismaayo ku sugan waxay noo sheegeen inaysan sugi doonin ammaanka xildhibaanno ka mid ahaa wafdiga oo weli Kismaayo ku sugan, kaddib markii xubno ka tirsan wafdiga ay soo aadeen Muqdisho,” ayuu yiri xildhibaanka oo sheegay in taasi ay khilaafsan tahay waajibaadka shaqo ee AMISOM ay ku joogto dalka. Xildhibaanka ayaa sheegay in waajibaadka AMISOM ay dalka ku joogaan ay tahay inay ka qaybqaataan dagaallada lagula jiro Al-shabaab iyo in hay’adaha dowladda ay taageero siiyaan, waayo halkaan waxaan u joognaa buu yiri howl dowladi ah. “Markii aan keensannay ciidammo gaar ah oo ammaankeenna sugay ayay noo yimaadeen waxayna na yiraahdeen innaga ayaa amnigiina sugayna, arrintaasna hadda way dhammaantay,” ayuu xildhibaanku hadalkiisa ku daray. Sidoo kale, Xoosh wuxuu sheegay in haddii la rabo inay dhacdo wada-shaqeyn dhab ah waa inay ku socdaan heshiiskii lala galay, haddii kale waxay noqonysaa in dib loo eego howsha ay halkan ka hayaan. “Aniga waxaan ka mid ahay baarlamaanka waxaana ku talinayaa in la keeno baarlamaanka mooshin looga dalbanayo dowladda inay Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ka dalbato in ciidamada Kenya laga bedelo halkan oo la keeno ciidammo kale oo u hoggaansamaya heshiiska ay AMISOM dalka ku joogto oo dhexdhexaad ah,” ayuu xildhibaanku hadalkiisa raaciyay isagoo ku sugan magaalada Kismaayo. Dhanka kale, xildhibaanka oo la weydiiyay xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo Axmed Madoobe ayuu sheegay inuu ka dhexeeyo xiriir gacan-saddexaad ah, balse ay filayaa inay dhawaan si toos ah ula kulmaan aana ka wadahadalno mowqifyaa iyo meelaha aan rabno inaan hiigsanno, waxaana na hagi doona qodobbada kasoo baxa IGAD. Ugu dambeyn, xildhibaan Xoosh wuxuu sheegay inay jecel yihiin inay isla gartaan inuusan dhicin wax gacan ka hadal ah oo wax walba lagu dhameeyo wadahadal oo aysan magaaladan ka dhicin xabbad, waayo dadka Kismaayo ku nool dagaal way kasoo daaleen. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  3. IGAD created this mess , Jubbaland issue was before President Hassan election. 1. You have rebel leader carving and entire region naming him self the president with no regards to FG. 2. SFG send numerous time delegation to Kismayo and where told Fk off and some occasion denied access to city , 3 SFG Request sh Modaba to come to the nation capital for dialogue he declined that showing his above FG. SFG did was best for the region and solving issue without bloodshed , Using IGAD as tool since they are funding and facilitating Sh Modaba .
  4. 1. H.E President Hassan Sheikh Mohamud 2. Hon Speaker Mohamed Sheikh Osman (JAWARI) 3. H.E Prime Minister Mr Abdi Farah Shirdon (SAAID) 4. Ministers of Interior and National Security as well as Justice and Federal Constitution 5. Members of Federal Parliament representing various clans including ******, *******, Digil and Mirifle, *** and the Fifth Clan Xasan Sheekh Max’ud Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in xilligaan aan loo baahneen kala daadsanaan ku timaada dowladda Soomaaliya islamarkaana taa bedelkeeda la helo isku duubni Maadaama shacabka Soomaaliyeed dowladda ka dhowrayaan isku duubni. Good leadership on behave of the SFG a united dowladd Soomaaliya never fails congrats to the dowladda Soomaaliya
  5. Originally Posted by Saalax And those people who need Uganda, Burundi, Sierra Leone , IGAD etc to mediate between them want us to share a country with them? Bunch of clowns. No wonder south Somalia has seen peace for over 22 years, learn to reconcile within yourselves. dude it is not us. It is HAG and Hassan. They kept Mogadishu and us in everyone in the south in this mess. Slow down with HAG , all the ten president in Kismayo are D blck what does President Hassan clan have to do with that.
  6. ^^Forget about IGAD and Kenya, and try to deal with the reality that is Jubbaland State. What are you going to do , Malistar2012? Do what you do best which is to fight Fight who ? Rasskombani milities are going to be integrated with SAF. This is SFG matter fighting is not option . FG will talk to Kunta Kinte Masters KDF to loosen up... this Kismayo learn from what happend the Ethopians in Xamar ?
  7. IGAD is hear to assist SFG not to become obstacle , Kenyans are in dream Kismayo is not Gaarisa If you think IGAD will go againts SFG and endorse Sh Madoba your in for disappointment.
  8. Apophis if it is true you will follow the order no , IGAD is above Somalia President , kunta kintee
  9. Dilka hore ayaa ka dhacay magaalada Gaarisa xalay fiidkii iyadoo lagu dilay laba qof oo shacab ah, waxaana dilka kaddib ay booliiska Kenya sameeyeen baaritaanno sababay inay gubaan suuq lagu iibiyo jaadka iyo warshad lagu shiido galleyda oo ku taalla isla degmada Gaarisa. wheres The kenyan love
  10. Shan ruux oo siyaabo kala duwan loogu dilay Magaalada Gaarisa iyo Xerada Qoxootiga ee IFO ee Dalka Kenya Khamiis, May 23, 2013 (HOL) — Shan qof ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay xalay degmada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi-bari Kenya iyo xerada IFO oo ka mid ah xeryaha dhadhaab ee dalka Kenya, iyadoo kooxaha dilalkan geystay ay baxsadeen. Dilka hore ayaa ka dhacay magaalada Gaarisa xalay fiidkii iyadoo lagu dilay laba qof oo shacab ah, waxaana dilka kaddib ay booliiska Kenya sameeyeen baaritaanno sababay inay gubaan suuq lagu iibiyo jaadka iyo warshad lagu shiido galleyda oo ku taalla isla degmada Gaarisa. Taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, Charlton Murithi ayaa iska fogeeyay in ciidamada booliisku ay ka dambeeyeen gubitaanka suuqa iyo warshadda, isagoo sheegay in taasi ay u arkeen inay tahay mid lagu qalqal-gelinayo howlgallada booliiska, balse uu amar ku bixiyay in howgalladooda ay sii wataan. “Dabku wuxuu kacay intii howlgalku socday, waxaana u aragnay inuu yahay mid lagu carqaladeynayo howlgalka, booliiskana waxaan amar ku siinnay in ay howshooda wataan,” ayuu yiri Murithi. Milkiilaha warshadda la gubay oo lagu magacaabo Maxamed Muxumad ayaa u sheegay warbaahinta Kenya in ciidamada Kenya ay warshadiisa gubeen, isagoo xusay in lacago fara badan oo Kenyan Shillin iyo Doollar isugu jira ay ku gubteen warshadda. “Warshadeyda waxaa gubay booliiska, waxaana ku jiray hanti fara badan oo mood iyo maal leh, waxaan ka xusi karaa lix kun oo doollar iyo 250,000 oo Kenyan shilling ah, sidoo kale waxaa ku gubtay dhammaan buugaagtii ay ku qornaayeen daymaha,” ayuu yiri Muxumad oo sheegay in bishii November ee sannadkii hore ay isla ciidamada Kenya gubeen warshaddiisa. Dhanka kale, saddex qof oo shacab ah ayaa iyagana lagu dilay xerada IFO oo ka mid ah xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, iyadoo kooxihii weerarka fuliyay ay baxsadeen. Saddexda qof ee la dilay ayaa waxaa ku jiray wiil yar, kaasoo aabbihii oo lagu magacaabo, C/llaahi Bedel oo la hadlay BBC-da uu sheegay in wiilkiisa uu soo watay kaddib markii uu xanuun dareemay, ayna toogasho ku dileen kooxo hubeysan oo baxsaday. C/llaahi Bedel wuxuu intaas ku daray in markii maydka lasoo qaaday la dilay laba qof oo maydka la socday, wuxuuna xusay inuusan garanayn cidda dilka u geystay saddexdan qof oo mid uu wiilkiisa ahaa. Dilalkan ayaa waxay imaanayaan xilli ay madaxda cusub ee Kenya sheegeen in la adkeynayo ammaanka deegaannada Kenya ee ku dhow soohdinta ay la wadaagaan Soomaaliya. Maxamed Xaaji Xuseen. Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  11. Dhanka kale, guddigan oo uu hoggaaminayay xoghayaha guud ee IGAD, Maxbuub Macallin ayaa waxay Kismaayo kula kulmeen, Axmed Madoobe, Barre Hiiraale, Cabdulle Dafle, Cumar Buraale iyo Iftin Xasan oo ahaa ragga isku haysta madaxweynnimada Jubaland iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka, cuqaasha beelaha, ganacsatada, wafdi dowladda Soomaaliya ay u dirtay Kismaayo iyo taliyaha ciidamada Raaskambooni. Four president all from D blck where does President hassan and and his clan fit in ?
  12. zack since your happy to follow when foreigners make statement / order take this advise tell Madoba also since you guys are good at it . Warbixintan oo ay saareen guddi ka kooban IGAD oo booqashooyin ku kala bixiyay Muqdisho iyo Kismaayo ayaa lagu sheegay in ururka IGAD uu diyaar u yahay inuu dowladda Soomaaliya kala shaqeynayso hab walba oo lagu hir-gelin karo dhismaha maamullada gobollada dalka, haddii ay weydiisato. Sidoo kale, warbixinta ayaa looga dalbaday dowladda Soomaaliya iyo golaha baarlamaanka Soomaaliya inay dedejiyaan sameynta shuruucda dhismaha maamul goboleedyada dalka iyo hirgelinta habka federaaliisimka.
  13. Urur Goboleedka IGAD oo ku Taliyay in Dowladda Soomaaliya lagu Ixtiraamo Maamul u sameynta Gobollada Khamiis, May 23, 2013 (HOL) — Urur goboleedka IGAD ayaa warbixin ay soo saareen maanta waxay ku sheegeen in dowladda Somalia looga dambeeyo dhismaha maamul goboleedyada dalka iyo hirgelinta habka federaalka ah ee dalka uu ku dhaqmayo, iyadoo la ixtiraamayo dastuurka Soomaaliya. Warbixintan oo ay saareen guddi ka kooban IGAD oo booqashooyin ku kala bixiyay Muqdisho iyo Kismaayo ayaa lagu sheegay in ururka IGAD uu diyaar u yahay inuu dowladda Soomaaliya kala shaqeynayso hab walba oo lagu hir-gelin karo dhismaha maamullada gobollada dalka, haddii ay weydiisato. Sidoo kale, warbixinta ayaa looga dalbaday dowladda Soomaaliya iyo golaha baarlamaanka Soomaaliya inay dedejiyaan sameynta shuruucda dhismaha maamul goboleedyada dalka iyo hirgelinta habka federaaliisimka. Arrintan ayaa waxay meesha ka saaraysaa maamullada aanay dowladdu raalliga ka ahayn oo uu ka mid yahay maamulka Jubaland ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose iyo sidoo kale madaxweynayaasha is-magacaabay. Ururka IGAD ayaa wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay ka sida ugu dhaqsiyaha badan uga shaqeyso sugidda ammaanka gobollada dalka, si loo helo nabad lagu qaban karo shirar lagu dhisayo maamul-goboleedyada. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale loogu baaqay inay qarameyso gabi ahaan ciidamada aan dowladda ka tirsanayn ee ku sugan gobollada dalka sida magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose. Xubnaha ka socday IGAD ee warbixinta ururinayay ayaa waxay Muqdisho kula kulmeen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaaraha, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, xidhibaannada baarlamaanka Somalia, cuqaasha beelaha, bulshada rayidka iyo saraakiisha AMISOM. Dhanka kale, guddigan oo uu hoggaaminayay xoghayaha guud ee IGAD, Maxbuub Macallin ayaa waxay Kismaayo kula kulmeen, Axmed Madoobe, Barre Hiiraale, Cabdulle Dafle, Cumar Buraale iyo Iftin Xasan oo ahaa ragga isku haysta madaxweynnimada Jubaland iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka, cuqaasha beelaha, ganacsatada, wafdi dowladda Soomaaliya ay u dirtay Kismaayo iyo taliyaha ciidamada Raaskambooni. Soomaaliya ayaa waxay ka mid tahay dalalka IGAD, waxaana guddigan lagu sameeyay shirkii ururka IGAD uu ku yeeshay horraantii bishan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  14. Khamiis, May 23, 2013 (HOL) — Urur goboleedka IGAD ayaa warbixin ay soo saareen maanta waxay ku sheegeen in dowladda Somalia looga dambeeyo dhismaha maamul goboleedyada dalka iyo hirgelinta habka federaalka ah ee dalka uu ku dhaqmayo, iyadoo la ixtiraamayo dastuurka Soomaaliya. Warbixintan oo ay saareen guddi ka kooban IGAD oo booqashooyin ku kala bixiyay Muqdisho iyo Kismaayo ayaa lagu sheegay in ururka IGAD uu diyaar u yahay inuu dowladda Soomaaliya kala shaqeynayso hab walba oo lagu hir-gelin karo dhismaha maamullada gobollada dalka, haddii ay weydiisato. Sidoo kale, warbixinta ayaa looga dalbaday dowladda Soomaaliya iyo golaha baarlamaanka Soomaaliya inay dedejiyaan sameynta shuruucda dhismaha maamul goboleedyada dalka iyo hirgelinta habka federaaliisimka. Arrintan ayaa waxay meesha ka saaraysaa maamullada aanay dowladdu raalliga ka ahayn oo uu ka mid yahay maamulka Jubaland ee dhawaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose iyo sidoo kale madaxweynayaasha is-magacaabay. Ururka IGAD ayaa wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay ka sida ugu dhaqsiyaha badan uga shaqeyso sugidda ammaanka gobollada dalka, si loo helo nabad lagu qaban karo shirar lagu dhisayo maamul-goboleedyada. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale loogu baaqay inay qarameyso gabi ahaan ciidamada aan dowladda ka tirsanayn ee ku sugan gobollada dalka sida magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose. Xubnaha ka socday IGAD ee warbixinta ururinayay ayaa waxay Muqdisho kula kulmeen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaaraha, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed, xidhibaannada baarlamaanka Somalia, cuqaasha beelaha, bulshada rayidka iyo saraakiisha AMISOM. Dhanka kale, guddigan oo uu hoggaaminayay xoghayaha guud ee IGAD, Maxbuub Macallin ayaa waxay Kismaayo kula kulmeen, Axmed Madoobe, Barre Hiiraale, Cabdulle Dafle, Cumar Buraale iyo Iftin Xasan oo ahaa ragga isku haysta madaxweynnimada Jubaland iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka, cuqaasha beelaha, ganacsatada, wafdi dowladda Soomaaliya ay u dirtay Kismaayo iyo taliyaha ciidamada Raaskambooni. Soomaaliya ayaa waxay ka mid tahay dalalka IGAD, waxaana guddigan lagu sameeyay shirkii ururka IGAD uu ku yeeshay horraantii bishan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
  15. President hassan and his team need step up their game , this an An acceptable the two camps need to come into agreement this jubbbaland thing is becoming obstacle to progress in the entire region? Kenyans and other Somali haters are trying to take us back to civil war era ..... People have to understand we are past the 90s era , this is not H VS D .
  16. Dowladda Soomaaliya iyo Sudan ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan dhinaca ciidamada, kaasoo dowladda Sudan uga qeyb qaadaneyso dhismaha ciidamada iyo qalabeyntooda. Heshiiskan oo ay si wada jir ah uga soo shaqeeyeen Wasiirada Gaashaandhiga Soomaaliya iyo Sudan ayaa waxaa kala saxiixay Gudoomiyaha Maxakamada sare ee Ciidamada qalabka sidan Jen, Mungaab iyo Gudoomiyaha Garsoorayaasha ciidanka qalabka sida ee Sudan. Dowladda Sudan ayaa gacan ka geysaneysa sidii ay uga qeyb qaadan laheyd dib u dhiska ciidamada qalabka sida, tababaradooda iyo sidii dhinaca qalabka uga taageeri laheyd, waxaana heshiiskan uu qeyb ka noqonayaa heshiisyo horay u soo gashay Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya oo ku saabsan arrimaha ciidamada iyo tayeyntooda. Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Fiqi oo ka hadlay heshiiskan ayaa sheegay in muhiimad weyn u tahay in dowladda Sudan ee walaalaha nahay inay garab istaagto ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyay Sudan taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya. Sidoo kale wasiirka gaashaandhiga Sudan ayaa sheegay inay ka shaqeynayaan sidii heshiiskan uu u dhaqan geli lahaa, isagoo xusay in Soomaaliya ay arkaan inay yihiin hal shacab oo walaalo ah. Waa markii ugu horeysay oo Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ay Heshiis nuucaan oo kale ah la saxiixato dowladda Sudan tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991.
  17. bad news . this will only hurt . Dadka ku dhaqan Waqooyi Galbeed why use them as tool to negotiate . Bad advise by ina Godane this something alshaabaab would would do .
  18. Khamiis, May 23, 2013(HOL) :- Gudigii ka koobnaa 16-ka xubnood ee dowladda Soomaaliya u magacoowday arimaha Jubooyinka, mudooyinkii u danbeeyayna ku sugnaa magaalada Kismaayo ayaa ka warbixiyay halka ay u marayaan kulamo maalmihii u danbeeyay ay la lahaayeen waxgaradka iyo odoyaasha kasoo jeeda Jubooyinka. Xildhibaan C/laahi Yuusuf Xasan (Alankey) oo ka mid ah gudiga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay meel wanaagsan u marayaan howlihii ay dowladda Soomaaliya usoo xilsaartay, isagoona xusay in ay kulamo la qaateen odoyaasha beelaha dega Jubooyinka, saraakiisha ciidamada, ururrada bulshada rayidka iyo weliba qaar kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Juboooyinka. Masuulkan ayaa sheegay in ujeedada ay u yimaadeen magaalada Kismaayo ay ahayd sidii shir dib u heshiisiin ah loogu qaban lahaa beelaha dega Jubooyinka, wuxuuna tilmaamay in shirarkii ka dhacay magaalada Kismaayo iyo weliba doorashooyinkii madaxweeynayaasha sheeganaya Jubbaland ay ahayd mid aan waafaqsanayn sharciga iyo qaanuunka u yaal dalka. “Dadka shacabka ah waan la kulannay, odoyaal dhaqameedyada ayaan la kulannay, waxaan la kulannay bulshada rayidka ah, dumarka ayaan gooni u aragnay, ciidamada saraakiishooda iyo iyagaba waan aragnay, koley fariinti aan wadnay way soo dhaweeyeen, ayaguna waxay lahaayeen waxaanu dooneynaa dowladnimo iyo in wadanka loo helo xal waara,” ayuu masuulkani hadalkiisii raaciyay. Xildhibaan ayaa sidoo kale sheegay in ilaa imika aysan jirin wax kulamo ah oo ay la qaateen afarta madaxweeyne ee sheeganeeysa hogaanka Jubbaland, isagoona intaa ku daray in aysan jirin cid ay u aqoonsanyihiin madaxweeynenimada Jubbaland. Ugu danbeyn masuulkan ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan Jubooyinka in ay taageeraan qorshaha dowladda Soomaaliya ay dooneeyso in ay ku xasiliso dalka, isagoona intaa ku daray in hadii aan sidaa la sameyn ay dhici karto in gobollada Jubooyinka ay dib ugu noqdaan colaadihii iyo dagaalladii sokeeye ee uu dalku kasoo gudbay. ………………………. Xasan Nuur, Hiiraan Online hnur@hiiraan.com Kismaayo-Soomaaliya.
  19. xaaji its only been 8 month , president hassan and his team are busy with establishing A strong army and security force. recruiting soldiers integrating militias and etc. the entire South will have one command inshallah by the end of summer . SFG will be the power house by the end of summer
  20. The African union guarded government is toothless there is no threat coming from the pirates either. wara yaa isgaare Somali Army will reach 28 thousand professional soldiers with moderate weapons , people are underestimating president Hassan and Pm Saciid ? Ethiopian Pm sees the future .
  21. Originally Posted by *Blessed LOL.. oo qofkii noolba miyaa la isku qabsan? Whatever his personal politics, he runs a business with Somali (and none Somali) agents from many different parts of the Somali peninsula and the world. xataa kuwa dhinta laysku qabsanayaa it is important to discuss such wealthy individual views and opinion on Somalia vs Hargesa Admin . The man has more stake then all those politicians on both side?
  22. Scrap metal looters trying to claim Dahabshiil now? Very comical. Just don't loot his current assets in Mogadishu, otherwise forget about him investing in Mogadishu further. War Deg Deg ah Rag ku labisan direeska ciidanka dowlada oo isku dayey iney dhac u geystaan mid kamid ah xarumaha Dahabshiil ee Muqdisho. http://www.raxanreeb.com/2013/05/rab...l-ee-muqdisho/ Slow down salax Bank robbery happens around the world not just Mogadishu , i don't claim no one , judging by the interview he seems descend man a Nationalist who when back Home and invested in his home Country ( Somalia) . I don't no him personally i just going by the interview , Never did he mention any thing about Somaliland ?