malistar2012
Nomad-
Content Count
2,754 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by malistar2012
-
Howl gallo Lagu soo qabtay Kooxo labisan dareeska Ciidanka dowladda oo laga sameeyay Wadada isku Xirta Muqdisho iyo Beydhabo Buurhakaba-(Sh.M.Network)-Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howl gal burcad lagu soo qabtay waxa ay ka sameeyeen wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Beydhabo. Howl galkaan ayaa ilo wareedyo ay Shabelle ka heleyso deegaanada laga sameeyay waxa ay u xaqiijiyeen in lagu soo qabtay Kooxo burcad ah oo ka qooleysanayay wadadaasi.o Dad deegaanka ah ayaa Shabelle u xaqiijiyay in Ciidamada Howl galkaan ka sameeyay halkaasi ay wateen Gaadiid iyo hub fara badan waxaana ay Carabka ku dhufteen in Kooxaha Howl galladaasi lagu soo qabtay ay wateen dareeska Ciidamada dowladda Soomaaliya. Sikastaba AMISOM ayaa horay wacad ugu martay in ay isu fureyso wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo degmada Beydhabo.
-
Wasaaradda Gaashaandhiga Kismaayo-(Sh.M.Network)-Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay bixineyso Mushaaraadka Ciidanka Dowladda Soomaaliya. Cabdi Xakiin Xaaji Max’ud Fiqi Wasiirka difaaca Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamada ku sugan Gobollada Jubbooyinka ay heli doonaan Xuquuqdooda si ay u xoojiyaan dagaalka lagula jiro Kooxaha ka soo horjeedo dowladda Soomaaliya. Wasiirka Gaashaandhiga C/Xakiin Max’ud Fiqi ayaa sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in La qarameynayo dhammaan Maleeshiyada ku sugan Gobollada Jubbooyinka oo ay ka soo qeyb qaateen dib u xoreynta dalka. Wasiirka Difaaca Xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii waxa uu xusay in dowladda ay xooga saari doonto tayeenta Ciidamada dowladda Federaalka si loo Xaqiijiyo Ammaanka dalka. Hadalka Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa uu imaanaya xilli dowladda Federaalka ay ballan qaadyo ku aadan dhisidda Ciidamada ay ka heshay dowlado fara badan oo ka tirsan Caalamka.
-
Ahmed Modaba will soon arrive in the the Nation capital and agree with Presiden Hassan before its too late ....how long can the Kenya refuse order, Plus word is President Hassan and Kenyan President are working on deal ....................watch and see there are to many interest in the region to gamble on Sh , Madoba
-
Hassan Sheekh Created a Negative Political Discourse in Mogadishu
malistar2012 replied to xiinfaniin's topic in Politics
xiiin relax your all over the place ? cidina cid kale kama awood Badnee sidaana waxaa yiri Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Gen,(Ilka –Jiir). let me ask you this why so much effort In jubbaland from 1000 km away from puntland , what happen to LA and Makhir stop the chess beating ....... go Free your neighbours id dblock means anything to Puntland -
Kismaayo(AGGM) Weftiga dawlada federaalka ee Soomaaliya oo maanta kormeer ku tagey farisiimaha ciidamada dawlada soomaaliya ku leeyihiin magaalada Kismaayo ayaa la sheegey inay ciidamadaasi saraakiishooda la kulmeen isla markaasna kala hadleen baahida ciidamada dawladdu u baahan yihiin xilligan,waxaana la sheegey inay is afgarteen dhamaan taliyeyaasha ciidamada dawlada soomaaliya ee ku sugan magaalada kismaayo. Dhinaca kale Taliyihin hore ee ciidamada xoogga dalka ee gobollada Jubooyinka Jeneraal Ismaaciil Saxardiid ayaa lagu amray inuu ciidamada dawladda ee uu gacanta ku hayo ku soo wareejiyo ciidamada taliyaha cusub ee ciidamada xoogga dalka Jeneraal Saalax Makome oo dhawaan xilkaasi dawlada federaalka ah ee soomaaliya u soo magacawdey,waxaana la sheegey in lagu wargeliyey inuu dhamaan wixii agab ah ee dawlada iyo ciidamada xoogu leeyihiin ku soo wareejiyo sarkaalkaas cusub ee xilkaasi loo magacaabay. Waxaana la sheegaya inuu Jeneraal Ismaaciil Saxardiid arrintaasi sheegey inuu wareejinayo hadii dawladu siiso kharashaad yar oo kaga baxay ciidamada dawladda ee uu gacanta ku hayo isagoo xusay in lagu leeyahay lacag shidaal iyo raashiin uu ciidamada dawladu u qaaday intii uu xilkaasi hayey. Dhinaca kale waxaa la sheegayaa in Axmed Madoobe iyo kooxdiisu ay Jeneraal Ismaaciil Saxaradiid kula taliyeen inuusan ciidamadasi dawlada soomaaliya ku wareejin isla markaasna uu dhinacooda ku soo wareejiyo maadama ay isku hayb yiihiin,waxaana la sheegey inuu arrintaasi Jeneraal Saxardiid ka soo tashanayo labada dhinac dhinicii uu raaci lahaa dawlada iyo Raaskambooni oo u muuqata in waqtigoodii gobollada jubooyinku dhamaad sii yahay. Waxaana lagu wadaa in xilkii u u hayey dawlada soomaaliya ee ahaa Taliyaha ciidamada xoogga dalka ee gobollada Jubooyinka ku wareejiyo Jeneraal Saalax Makome oo dawladu xilkaasi u magacawday isla markaasna hadda ku sugan magaalada kismaayo oo ay ka amar qaadanayaan ciidamada dawlada soomaaliya ee ku sugan gobollada Jubooyinka,waxaana lagu wadaa in munaasabadaasi dhawaan ka dhacdo magaalada kismaayo.
-
Ambassador Maxamed Cabdi affey oo jagooyin kala duwan kasoo qabtay dalka Kenya oo isagu hogaaminayay qaybtii koowaad ee shirka ayaa ku tilmaamay Soomaaliya inay tahay waddan istiraatiji u ah ganacsiga iyo maalgashiga gobolka. "Soomaaliya maantay waxay gashay marxalad cusub, waxayna diyaar u tahay inay u fududeeyaan cidwalba oo doonaysa inay halkaa ka samaysato maalgashi, waxaanan ku boorrinayaa dadka Keenyaanka ah inaan fursadaas looga hormarin" ayuu yiri Affey. Maxamuud Axmed Xasan Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in bogga cusub ee Soomaaliya ay bilowday inuu yahay mid rajo wanaagsan u xambaarsan gobolka iyo wadamada caalamka. "Soomaaliya waa waddan xudun u ah ganacsiga gobolka iyo caalamkaba, waxayna maalgashiga dalkeenu noqonaysaa mid ay ka faa'iidaan dhammaan shirkadaha caalamku" ayuu yiri wasiirku. Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliland Maxamed C/laahi Cumar oo khudbad ka jeediyay shirweynaha maalgashiga Soomaaliya ayaa ka sheekeeyay fursadaha ballaaran ee maalgashi ee ka jira Soomaaliland. "Somaliland labaatan iyo labo sano ayay ku jirtay xasillooni buuxda, waxayna soo dhawaynaysaa cidii doonaysa inay maalgashadaan dalkeena" ayuu yiri Maxamed C/laahi. Safiirka dawlada ingiriiska u jooga dalka Soomaaliya Ambassador Matt Baugh oo shirkaasi ka hadlay ayaa isna ku tilmaamay dawlada ingiriisku inay tahay saaxiib ay Soomaaliya leedahay, isagoo tusaale u soo qaatay shirkii London ee dhawaantan dhacay iyo furitaanka safaarada Britain ee magaalada Muqdisho oo ahaa tallaabooyin lagu taageerayay shacabka iyo dawlada Soomaaliyeed. Xassan Nuur oo ah madaxa hay'adda Hanvard qaybteeda Afrika oo hay'adoodu ay shirkan qabanqaabisay ayaa sheegay in kasoo qaybgalka ballaaran ee shirka ay muujinayso in lagu guulaystay ujeedkii shirka oo ahaa in la isu keeno dhammaan dadka uu khuseeyo maalgashiga iyo dib u dhiska Soomaaliya. "Dhammaantiin waad ku mahadsantihiin imaanshihiina, shirkaani wuxuu tusaale u yahay horumarka dhaqaale ee aynu doonayno inaanu dalkeena gaarsiino, waana guul" ayuu yiri Xassan. Shirkan oo socon doona ilaa iyo maalinta barri ah ayaa lagu soo bandhigay shirkado kala duwan oo doonaya inay dhawaan ka hawlgalaan Soomaaliya, kuwaasoo soo bandhigay qaar kamid ah adeegyadooda iyo badeecadaha ay iib geeyaan. Axmed C/samad, Hiiraan Online asamad@hiiraan.com Nairobi , Kenya
-
Jubaland Administration Halts Federal Government's Provocation
malistar2012 replied to xiinfaniin's topic in Politics
FG needs leadership change Mr President Hassan and PM sacid with all do respect it has been 8 month the troops haven't fired shot yet its disappointment . now we have rebel leader a former alshabaab over powering arresting your officials in airport that's only 500 km away its dam shame. Raskombani milities are Threatening your legitimizes . 1. DF minister should get fired asap 2. Interior minister should Get fired asap they failed their job ..............................we need strong man not twitter or activist ,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,, Mr Hassan is playing moderate this does not work in Somalia -
I'm in favour of this. If Kenya must leave so must Uganda,Djibouti and Burundi. Lets see who hurts the most. You will be in for surprise sxb , i too welcome the move all foreigners troops should leave the country other then training purpose. alshabab is weak , the capital and its surrounding have enough trained troops to maintain security. alshabab are in small areas ..... Au troops are playing political game is too dangerous they serve their purpose they must go......................
-
WASHINGTON (AP) -- Vice President Joe Biden is praising Jewish leaders for helping change American attitudes about gay marriage and other issues. Biden says culture and arts change people's attitudes. He cites social media and the old NBC TV series "Will and Grace" as examples of what helped changed attitudes on gay marriage. Biden says, quote, "Think — behind of all that, I bet you 85 percent of those changes, whether it's in Hollywood or social media, are a consequence of Jewish leaders in the industry." Biden says the influence is immense and that those changes have been for the good. Biden was speaking Tuesday night at a Jewish American Heritage Month reception hosted by the Democratic National Committee. He says Jewish values are an essential part of who Americans are . http://news.yahoo.com/biden-jewish-leaders-drove-gay-012202293.html
-
WASHINGTON (AP) -- Vice President Joe Biden is praising Jewish leaders for helping change American attitudes about gay marriage and other issues. Biden says culture and arts change people's attitudes. He cites social media and the old NBC TV series "Will and Grace" as examples of what helped changed attitudes on gay marriage. Biden says, quote, "Think — behind of all that, I bet you 85 percent of those changes, whether it's in Hollywood or social media, are a consequence of Jewish leaders in the industry." Biden says the influence is immense and that those changes have been for the good. Biden was speaking Tuesday night at a Jewish American Heritage Month reception hosted by the Democratic National Committee. He says Jewish values are an essential part of who Americans are.
-
Wasiirka wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaiya mudane Cabdi xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo wareeysi siiyey Radio Muqdisho kana mid ahaa wafdigi heerka wasiir ahaa ee shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegay in si weyn loogu soo dhaweyey magaalada Kismaayo isago xusay in u jeedada socdaalkoodu u ahaa u kuur galida xaalada rasmiga e ka jirta magaaladaasi. Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in talaabada ugu horeysa ee u qorsheysan ay tahay la socoshada xaalada ciidamada Xoogga Dalka ee halkaasi ku sugan iyo qarameynta ciidanka aan ka midka aheyn CXDS ee la dagaalamay maleeshiyaadka argagixisada ee Alshabaab. Madoba and Raskaalat milities should learn from Khatuum and makhiir , Farole former taxi driver and his son should not be taken serious
-
Wafdi isugu jira wasiirro ka tirsan Xukuumadda iyo Saraakiil dhanka Ciidammada ah oo shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa halkaasi maanta kulamo kula leh mas’uuliyiinta maamulka KMG ee magaaladaasi, kulamadaasi oo looga hadlayo sidii Ciidammada Jubbooyinka kusugan ay uga mid noqon lahaayeen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed. Wasiirka wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaaiya mudane Cabdi xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo wareeysi siiyey Radio Muqdisho kana mid ahaa wafdigi heerka wasiir ahaa ee shalay gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegay in si weyn loogu soo dhaweyey magaalada Kismaayo isago xusay in u jeedada socdaalkoodu u ahaa u kuur galida xaalada rasmiga e ka jirta magaaladaasi. Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in talaabada ugu horeysa ee u qorsheysan ay tahay la socoshada xaalada ciidamada Xoogga Dalka ee halkaasi ku sugan iyo qarameynta ciidanka aan ka midka aheyn CXDS ee la dagaalamay maleeshiyaadka argagixisada ee Alshabaab. Waxa uuna wasiirku hoosta ka qariiqay in ay dadaal ugu jiraan sidi ay xaquuqdooda ku heli lahaayeen isla markaana tababaro loo siinlahaa ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Jubbooyinka. Magaalada Kismaayo ayaa saaka dagan iyadoo wasiirrada ku sugan halkaasi ay wada hadalo la leeyhiin saraakiisha maamulka KMG. ah ee magaaldaasi iyo waxgaradka gobolada Jubbooyinka.
-
Malistar how many troops does hassan sheikh have in Kismayo who are loyal to his government? no clue the numbers go up by weeks new troops arrive , we will find out soon as two top Generals are in kismayo to sort out size of the troops . we will find in the next couple of days ,
-
This fake story , they are in city ...... Wafdiga wasiiradda ah ayaa waxaa garoonka magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka soomaaliya,abaanduula ciidanka XDS iyo saraakiil ka tirsan ciidamada soomaaliya oo horoy ugu sugnaa magaalada Kismaayo. Wasiiradan ka tirsan xukuumada soomaaliya ayaa waxa ay wada hadal la leeyihiin maamulka KMG ah ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM ee ku sugan Kismaayo.
-
No muscle or extra boots are needed , Kismayo issue will be solved peacefully , the FG will be in control after all it was about KDF being obstacle to the FG stabilization plan , now they are on board , securing Gov officials and etc . Head of the Arm force and DF minister are in Kismayo to Unite somali troops Kismayo and integrate Raskomboni Millities to SAF. SFG stabilization plan is only way forward and lasting peace , State building is a serious matter in Somalia and can lead to tribal conflict , its best if the FG takes lead in any state building for security of people and avoid further tribal conflict.
-
“Dowladdu siyaasad cad ayay ka qaadatay maamul sameynta Jubbooyinka, horay ayaana u sheegay haddana waan ku celinayaa, waxayna kala yihiin qodobbadaas: Shaqo kasta oo maamul u sameyn ah waa inay dowladdu hoggaanka u qabato. Wax kasta oo la sameynayo waa inay noqdaan wax ay dadku u dhan yihiin, waxaana fulinteeda iska leh xukuumadda. Wax walba oo la sameynayo waa inay noqdaan kuwo dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u dagsan waafaqsan. Howl walba oo qabsoomaysa waa inaysan dhalin khilaaf dadka ama beelaha dhexdooda ah oo horseedi karta in argagaxisadu fursad hesho. Tan ugu dambeysana waa inaan IGAD iyo caalamka warbixin ka siinno waxa aan isku waafaqsannahay,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid. Somali leadership has change dramatically towards good leadership united on all fronts , Jubbaland issue will be solved currently high level delegation are there including head of the arm force . next will be Gobolada bartamah and so on . Congrats to leadership of the FG ....................... at last we have leaders who are nationalist and care about the people
-
Axad, May 26, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ka hadlay maanta mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka, isagoo sheegay in loo marayo qodobbo ay horay dowladdu u dejisay. Mudane Saacid oo u warramayay BBC-da ayaa xusay in siyaasadda cad ee ay dowladdu u dajisay habka maamul u sameynta Jubbooyinka ay yihiin shan qodob, wax walba oo qodobbadaas ka horimaanayana aysan soo dhaweyn doonin aqbalinna doonin. “Dowladdu siyaasad cad ayay ka qaadatay maamul sameynta Jubbooyinka, horay ayaana u sheegay haddana waan ku celinayaa, waxayna kala yihiin qodobbadaas: Shaqo kasta oo maamul u sameyn ah waa inay dowladdu hoggaanka u qabato. Wax kasta oo la sameynayo waa inay noqdaan wax ay dadku u dhan yihiin, waxaana fulinteeda iska leh xukuumadda. Wax walba oo la sameynayo waa inay noqdaan kuwo dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u dagsan waafaqsan. Howl walba oo qabsoomaysa waa inaysan dhalin khilaaf dadka ama beelaha dhexdooda ah oo horseedi karta in argagaxisadu fursad hesho. Tan ugu dambeysana waa inaan IGAD iyo caalamka warbixin ka siinno waxa aan isku waafaqsannahay,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid. Ra’iisul wasaaraha oo la weydiiyay maadaama lagu diidan yahay qodobbada uu sheegay oo xiisadina ay jirto inay arrinta si kale u eegaan. Wuxuuna kaga jawaabay su’aashaas: “Waxaan hubaa in qodobbadaas ay yihiin kuwo ay inta badan dadka Jubbooyinka ku nool ku faraxsan yihiin, shacabka Jubbooyinka ku noolna waxaan u sheegayaa inay xaqiiqsadaan in wax ay dowladdu u soo waddo ay yihiin wax dawo u ah; ayna isgarab taagaan.” Su’aal ahayd sida uu yahay maamulka ay u wadaan Jubbooyinka ayuu kaga jawaabay: “Ma jiraan wax aan dadka Jubbooyinka ku nool u wadno, laakiin waxaan dhex-dhigi doonnaa shantan qodob ra’yigooda ayaana dhageysan doonaan.” “Dowladdu waxay aqbali doontaa sida dadku wax u rabaan iyadoo waxaas la waafajinayo dastuurka dalka, waxaana dadka ula imaan doonnaa Qorshe howleed (Roadmap), balse sida ay wax u dhacayaan iyo cidda la dooranayo innagu mas’uul kama noqon doonno mana keeni doonno, balse wixii iyagu ay doonayaan oo keliya ayaan maamulaynaa,” ayuu ra’iisul wasaaruhu kusoo gabgabeeyay hadalkiisa. Hadalka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya iyadoo shirkii urur-goboleedka IGAD ee maalin ka hor ka dhacay Addis Ababa lagu go’aamiyay in dowladda Soomaaliya ay qabato shir ay isugu keenayso dhamaan shacabka ku nool Jubbooyinka si ay maamullo ay u sameystaan. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Inj. Qaasim oo ah agaasimaha wakaaladaha hawlaha Maraakiibta iyo Dekedaha ayaa ka warbixiyey waxqabadka wakaaladahani wuxuuna tilmaamay in wakaaladda maraakiibtu masuul ka ahayd maraakiibta qaranka iyo maraakiibta adeegsada biyaha Soomaaliya,wuxuuna kaloo sheegay in wakaaladdaasi ay masuul ka ahayd amniga Maraakiibta isticmaala biyaha dalkeenna Soomaaliya. PM sacid and President hassan are determined to control Somali territories land , air space and ocean . President hassan Pm saciid product of kaacan well done , they know what it takes to govern Somalia
-
Muqdisho(RBC Radio) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta hirgalisay wakaaladaha hawlaha maraakiibta iyo gaadiidka badda iyo wakaaladda dekedaha Soomaaliyeed,munaasabada xariga looga jarayey dib u hawlgalinta wakaaladahan ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin fara badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Muxudiin Maxamed Kaalmooy wasiirka wasaaradda hawlaha guud iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya oo madasha ka hadlay ayaa sheegau in wakaaladahga ay maanta hawlgaliyeen ay ka mid yihiin hay’ado badan oo qaranku lahaa oo ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay wuxuuna tilmaamay iney dadaal badan u galeen sidii ay dib ugu hawlgalin lahaayeen 22 sano kadib. Wasiirka hawlaha guud iyo dib u dhiska xukuumadda Soomaaliya Muxudiin Maxamed Kaalmooy ayaa sheegay in wakaaladaha ay maanta dib u hawlgaliyeen ay door weyn ka qaadan jireen kobaca dhaqaalaha dalka,wuxuuna xusay in dikereeto kasoo baxday R/wasaaraha dalka Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid lagu shaaciyey dib u hawlgalinta labadan hay’adood ee dowliga ah. Inj. Qaasim oo ah agaasimaha wakaaladaha hawlaha Maraakiibta iyo Dekedaha ayaa ka warbixiyey waxqabadka wakaaladahani wuxuuna tilmaamay in wakaaladda maraakiibtu masuul ka ahayd maraakiibta qaranka iyo maraakiibta adeegsada biyaha Soomaaliya,wuxuuna kaloo sheegay in wakaaladdaasi ay masuul ka ahayd amniga Maraakiibta isticmaala biyaha dalkeenna Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u hawl galin lahayd hay’adihii dowliga ahaa ee ku burburay dagaaladii dalka ka dhacay,waxayna hore dowladdu ugu guuleysatay iney dib u hawlgaliso hay’ado dhowr ah.
-
Che -Guevara if one by the name of Sh . Madoba a warlord is stooge and foot soldier , who made region a prison camp airport closed etc , threatening FG officials to leave the city , in the other hand we have warlord called Barre who is more familiar in the region who is defending FG officials safety ... Barre has been fighting along side FG for decade now don't compare the two . FG should nominate barre deserves the title Madaxweynaha Jubbaland Col Bare Aadan Shire
-
Popular Contributors